-
Content Count
208,498 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: Plans To Invite Members Of Somalia Political Parties To Hargeisa The chair of Somaliland’s smallest opposition political party, UCID, Faisal Ali Warabe, declared to the media, that there are plans, to allegedly, invite senior members of the nascent political parties in Somalia to Hargeisa. Faisal Ali Warabe who is a member of a delegation from Somaliland currently visiting Kenya and consisting of UCID and Kulmiye members only, made the assertion after it was discovered that there were clandestine meetings with members of the Wadajir party in Nairobi. The Somaliland delegation led by the deputy chair of Kulmiye and Home Affairs minister, Mohamed Kahin Ahmed, met with the candidate for the presidency in Somalia, Abdishakur Warsame from the Wadajir party in Nairobi. According to the UCID chair, Fasial Ali Warabe, who has previously met with all manner of Somalia leaders, including the current “head of state”, Mohamed Abdillahi Farmajo, ” We will talk with everyone who understands and appreciates Somaliland’s cause, and we will them invite to Somaliland”. It is worth noting that all the nascent political parties in Somalia oppose the independence of Somaliland. It is not clear whether the administration of President Muse Bihi Abdi has given it’s blessing to such an undertaking or whether this is another flamboyant and ludicrous claim by Faisal Ali Warabe, who has a history of making outlandish statements. One thing is certain, no one has denied the meetings with the Wadajir officials, and the recent remark by the head of the Somalia Elections Commission that “a national elections in 2020” will include Somaliland and candidates from Somaliland adds to the mixture of intrigue and supposition. Whether these plans to invite politicians from Somalia to Hargeisa bear any fruit remains to be seen. Qarannews.com Qaran News
-
Qaran News
-
DOZENS of women wearing hijabs clamoured to take a selfie with the new Mayor of Islington, who was hailed as an “inspiration” to young women at a Muslim celebration on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
-
A few years ago, Somali stock Exchange was created with the aim to attract investment and accelerate reconstruction of post-conflict Somalia. CNBC Africa spoke to Hassan Dudde, Chief Executive Officer to share more on the achievements. Source: Hiiraan Online
-
Somali national has been found guilty of assaulting a Kenyan politician and causing him permanent disability. Source: Hiiraan Online
-
Government of the United Kingdom is providing a mammoth amount of £8 million for humanitarian support to Somalis affected by the current drought. The funds will go towards providing food security, nutrition, clean water, basic health services and livestock vaccination. This additional support will provide a significant boost to those affected by the drought. Source: Hiiraan Online
-
Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalim ayaa Safar shaqo ku joogta dalka Turkiga, Kadib Martiqaad Rasmiya oo ay ka heshay dhiggeeda dalka Turkiga Emine Erdogan, Waxaana kulan gaar ah oo ay ku wada yeesheen magaalada Ankara looga hadlay Xidhiidhka soo Jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo Xoojin lahaa. Waxaana Kulanka si gaar ah looga hadlay Arimaha Caafimaadka , Hooyadda iyo Dhalaanka , Sidii loo Horumarin lahaa Tacliinta Haweenka, Arimaha Nabadda iyo Horumarinta . Dhinaca kale Marwada Koobaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim ayaa Lagu Casuumay Munaasibadda “MAALINTA AFRIKA” oo lagu Qabtay Xarunta dhaqanka ee Guriga Afrika (Afrikan House). Marwada Koowaad ee Soomaaliya Saynab Cabdi Macalim oo khudbad ka jeedisay Munaasibadda Maalinta Afrika, ayaa ka hadashay Taariikhda Soomaaliya iyo Siday Hormuud ugu ahayd Qaaradda Afrika iyo muuhiimada uu leeyahay Xidhiidhka Turkiga iyo dalalka Afrika. Marwo Saynab ayaa ka hadashay Xiriirka Walaaltinimo ee Turkiga iyo Soomaaliya, iyo Sidii uu Shacabka Soomaaliyeed Turkigu u garab istaagay Wakhtigii Adkaa,Waxayna sheegtay inuu yahay Saaxiibka dhabata ah, Kadib Markii Madaxwaynaha turkiga oo Xiligaasi Raysal wasaare ahaa iyo Marwadiisu ay yimaadeen Soomaaliya Sanadii 2011-kii Taasi oo Indhaha Caalamka kusoo jeedisay. Waxayna uga mahad celisay Madaxwayne Rajeb Dayib Erdogan iyo Marwadiisa Hiilka dhabta ah ee ay Soomaaliya u muujiyeen, Iyagoo Soomaaliya ka hergeliyey Mashaariic kala duwan Sida dhismaha Wadooyinka, Guryaha , Cisbitaalo, Dugsiyo waxbarasho Iyadoo Sidoo kale Turkigu uu Tababar Siiyo Ciidamada Soomaaliya. Marwada Koowaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macalim Waxay sidoo kale Khudbadeeda ku xustay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airline oo Duulimaadyo Toos ah ka Bilowday dalka, Kuna xidhay Caalamka intiisa kale, Iyadoo Hada Shirkado badan oo Caalami ah ay door bidayaan inay Soomaaliya duulimaadyo ku tagaan. Munaasibadan Maalinta AFRIKA oo ay Qabateen Marwadda dalka Turkiga Emine Erdogan iyo Wasaaradda Arimaha debedda Qaybteeda Afrika , Waxaa Qayb galay Safiirka Soomaaliya Turkiga jaamac Cabdullaahi Caydiid , Safiiradda dalal ay kamid yihiin Liibiya, Kongo, Nijar , Madaxwaynaha Ha’adda TIKA , Marwooyinka Safiiirada Afirka ee ku sugan dalka Turkiga, Ardayda Afrika ee wax ka barta Turkiga, oo ay Qayb ka yihiin Arday Soomaaliyeed oo deeq Wax barasho ka helay Dawladda Turkiga. Marwada ayaa la kulmi doonta gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas si ay ugu dhiirrigeliso ka qeyb qaadashada horumarka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha debadda dalka Serbia, Ivica Dačić ayaa Arbacadii safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Serbia. Mr. Dačić ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabudllaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha debadda, Axmed Ciise Cawad sida ay qortay warbaahinta. Kulankaasi ayaa looga hadlay, soo celinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshan labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia. Sida laga soo xigtay Dačić, Madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya xeerarka caalamiga ah. Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka laaban doonto go’aankii xukuumaddii Sheekh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay dalka Kosovo sannadkii 2010-kii. Kosovo waa waddan yar oo ka go’ay dalka Serbia 17-kii Febraayo 2008, kadib halgan dheer oo ay xornimada u galeen dadka gobolkaasi oo 90% ay muslimiin yihiin. Dowladda Maraykanka iyo in ka badan 70 waddan oo kale ayaa wakhtigaasi dal madax-bannaan u aqoonsaday Kosovo, balse waxaan weli aqoonsan Ruushka iyo dalal kale, taasi oo ka hor-taagan Kosovo in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nayrobi,(Qaran news)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kahin Axmed iyo gudoomiyaha xisbiga UCID- mudane Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta si wada jir ah ula hadlay ayaa daboolka ka qaaday in ay la kulmeen gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee Somaliya Cabdishakuur Warsame, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay Hargeysa ku casuumayaan xisbiyada mucaaridka ee Somaaliya. Casuumadani ay xisbiga Kulmiye iyo xukumadda Somaliland ay hada u fidiyeen madaxda mucaaridka Somaliya, lama garnaayo waxa uu kaga duwanyahay mawqifkii uu hore madaxweyne Muuse Biixi uga qaatay in aanu dalka imanin madaxweynaha Somaliya Mr Farmaajo oo xiligaasi abaan ka soo dhigtay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abi Axmed. Sida aynu wada ogsoonahay xisbiyada mucaaridka ee Somaliya waxa ay la mabda yihiin madaxweynahooda Farmaajo, waxana ay aaminsanyihiin in Somaliland oo ka go’oday 1991kii in ayna sheekadaasi haba yaraatee waxba ka jirin. Waxana xukumadda iyo xisbiga UCID- looga fadhiyaa in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan waxyaabaha ay ku qanciyay in ay u laalaan qadiyadii Somaliland ee ay ugu milmeen siyaasadii xisbiyada Somaliya oo aan ahayn dal cagihiisa ku taagan Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiuu hoggaaminayo ayaa u amba baxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb galaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku marti qaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee kasoo qeyb galaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wada jirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur galaya xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gadaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dhowaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya safar ku tagey Wafdi balaadhan oo ka socday Somaliland, kuwaasi oo halkaasi ku yeeshay kulamo kala duwan. Wafdigan ayaa waxay ka koobnayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo ay kala hogaaminayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Mas’uuliyiinta wafdiga reer Somaliland ayaa waxay kulan la yeeshen safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, iyaga oo warbixino ku aadan doorashooyinkana siiyey safiiradaasi. Xogo ay Caasimada Online ka helayso kulankaasi ayaa waxay sheegayaan in Safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku ay ka muujiyen walaac arrimaha doorashooyinka, iyaga oo si cadna uga horyimid inay gacan ka geystaan doorasho aysan u dhameyn xisbiyada Somaliland. Safiiradan ayaa waxay weli ka biyo diidan-yihiin in aan xal waara laga gaarin khilaafka xisbiyada ee ku aadan doorashoyinka, oo xisbiga Waddani uu meel adag iska taagay. Wafdigan ka socday Somaliland ee ka koobna xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, oo iyagu dhankooga ku adkeysaneyay inay doorashadu qabsoomi karto xisbiga Waddani oo ka maqan, ayaa waxay Safiiradan u sheegen inaysan dhaceyn doorasho aysan u dhameyn xisbiyadu, oo weliba aysan wax taakulo ah ka geysaneyn. Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer Guddoomiye Ciro ku eedeyay inaanu diyaar u ahayn in Somaliland ay doorasho ka dhacdo. Waxa iyaguna hore ugu eedeeyay in xukuumaddu Biixi ka gaabisay in doorasho qabsoonto Gufdoomiyaha ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, kaasi oo ku baaqay in Madaxweyne Biixi uu doorkiisa hogaamineed ka qaato dar-dar gelinta qabsoomida doorashooyinka. Guddoomiye Anwar ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay inay guddida doorashooyinka Somaliland ay is-casilaan, taasi oo xal u noqon karta aqbalida doorashada ee xisbiga Waddani. Sidoo kale Guddomiyaha kumeel gaarka ah ee Waddani, Cabdilqaadir Jirde, ayaa isaguna hore u sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay safiirkii UK ee hargeysa yimid ay siisay war been ah oo ku aadana in la dhameeyay khilaafkii doorashada. Si kastaba, Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro ayaa isagu ka digey in xukuumada Somaliland ay isku deydo inay qabato doorasho aanu ku jirin Xisbiga Waddani, isagoona ku hanjabay hadii ay qabato in taageerayaasha Waddani ay iyaguna doorasho qabsan doonan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
20 kii bisha May 2019 ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Jirdeh, Waddani, warbaahinta la wadaagay sidii wadahadaladii xisbiyada ee arrimaha doorshooyinku u dhaceen iyo mowqifyadaii xisbiyadu kala qaateen. Sida uu Md Jirdeh sheegay, runtii waxa dhexmaray xisbiyada arrin bogaadin mudan oo tafaawud iyo is-gorgorin farsamaysan ahaa. Hambalyo, inkastoo aanay noqon mid midho dhasha. Aniga waxay ii ahayd indho-fur. Guddoomiye Jirdeh, oo ah shakhsiyad mujtamaca Soomaaliyeed meel uu joogaba uu tixgelin weyn u hayo, wuxu ina siiyey faahfaahin aan hore loo hayn, oo ay ka mid yihiin mowqifyadii dhinacyadu kala qaateen (sidaan u fahamy): 1. Waddani, si xatabadda commissionka looga tallaabsado, wuxu soo jeediyey intirada commission-ka doorashooyinku ahaato toddabadeedii xubnood, sida ay imika tahay, laakiin xisbi kastaa ku yeesho labo xubnood (6 xubnood) iyo hal xubin oo madaxweynaha lagu maamuuso. Macnihii, xisbi-xaakimku wuxu helayaa 3 xunbood. Laakiin waxa arrinkaa ganafka ku dhuftay Kulmiye oo yidhi, xubinta guurtida madaxweynahu qaadam maayo. Xaasha! 2.Kulmiye wuxu soo jeediyey in hadda la magaacabo 7 xubnood oo cusub oo saamigii hore lagu kala qaato, la sii shaqaysa guddida hadda jirta, shaqadana la wareegta marka commissionka hadda jira kalkiisu dhamaado. Ogow, waxay soo jeediyeen labo commission oo is-dulsaaran, “Jini-jini dulsaaran”, sida Jirdeh u sawiray. Waddani way aqbaleen iyagoo aan garan karin sida taasi ay sharciyadda u waafiqi karto, waxay se shardi uga dhigeen in UCID iyo Waddani 4 xubnood ku yeeshaan; laakiin Kulmiye diiddan buu ka hor-keenay. 3. Kulmiye iyo Ucid waxay soo jeediyeen in tirada commissionka laga dhigo 9 xubnood, saddex xubnood xisbi kasta, kaas oo dhaqan gelaya doorashada dambe ee tan December 2019 dhacaysa ku xigi doonta. Waddani wuxu isla soo taagay taasi waa ar-dambe iyo calalaheedee; ee imika inoogu dhawaaqa warkaa wacan. Kulmiyee diiddan buu isla soo taagay mar kale. Maxaa kaaga baxay halkaa? Aniga waxa iiga baxay is-gorgorin wacan baa dhacday. Waddani wuu ka tanaasulay kala dirkii commissionka, waxase uu fahmay isleegta xisaabta gorgorinta siyaasadda, taasoo ka dhigan tirada xubnaha iyo muddada la hirgelinayo ayuu marba mid dalbanayey. Marka aad daalacato mowqifyadaa la kala qaatay, waxa kuu soo baxaysa in xisbiga Kulmiye tanaasulkiisu yahay doorashada dambe, tan hadda maya. Xisbiga Waddani tanaasulkiisu wuxu ahaa: oggoli in commissionkani dhammaysto muddadiisa, laakiin kordhintaa xunbaha xisbiyada mucaaridka ah, hadda inoogu dhawaaqa. Wacnaan lahaydaa madaxweynaha oo muujiya in yar oo debecsanaan ah: qaata qodobka 1aad, oo ah ka ugu fudud, uguna hawsha yar. Xilka madaxweynuhu waa in uu ka kor-maro, intii karaankiisa ah, xafiiltanka xisbiyada. Ilaahoow noo soo hadee madaxda. Isku soo wada duuboo waxay 3da xisbi ku heshiiyeen inay sharciga jebiyaan, iyagoo kaskooda iyo miyirkooda qaba, unkaana xaajo ugub ah: labo commission oo is-dulsaaran oo aan lahayn sharciyad ay ku qotomaan. Waxay se kula kaceen waa waqtiga keliya. Dabeetana waxa inoogu xigtay Nairobi ayaanu u dacwo tegaynaa, dawlad-na waa la sheeganayaa. Ka warran masuuliyiin sidaa u dhaqmaysa? Subxanallah. Wa bilaho towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed London, UK maxamuudaxmed@live.com Source
-
Doodda ku aaddan in laga waysaysanayo cunista hilibka geelu waa dood muddo soo taagnayd, se lagu kala xoog badan yahay. Ugu horrayn in la is waydiiyo su’aashan waxa keenay xadiiska Jaabir Bin Samra ee Muslin soo saaray ee nebiga la waydiiyey in laga waysaysto hilibka adhiga, deeto uu ku jawaabay haddaad doonto, haddana la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka lo’da, iyana uu sidii oo kale ku jawaabay, ugu dambayna la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka geela dabadeed uu sheegay in laga waysaysanayo. Waysadaa xadiiska lafteeda culimo badan ayaa ka soo saaray fahan ah; in laga luqluqanayo gacmahana la maydhayo oo aan loo jeedin waysadii caadiga ahayd. Arrinku haddii uu sidaa ku joogi lahaa iswaydiinba may timaaddeen ee waxa waajib noqon lahaa dhaqangelinta xadiiska nebiga NNKH. Se waxa iswaydiinta keenay ayaa ah in uu jiro xadiis kale oo xadiiskan ka dambeeyey sida laga dhadhansanayo saxaabiga xadiiska warinaya iyo fahanka badi saxaabada, taabiciinta iyo madaahibta fiqiga badidooda. Xadiiska uu wariyey saxaabiga Jaabir Bin Cabdillaahi waxa uu si cad u sheegayaa in aan laga waysaysanayn hilib dab galay, waana xadiiska ay dhaqanqaliyeen saxaabadu, “Amarkii ugu dambeeyey Nebigu wuxu ahaa in aan laga waysaysan wax dab galay.” Xadiiskaa waxa soosaaray Abu Daa’uud iyo Nisaa’i, waana xadiis sugan. Xadiiskani in uu xadiiskaa hore ka dambeeyey oo uu nasakhayo waxa caddayn ugu filan in saxaabigani sidaa cad u odhanayo amarkii ugu dambeeyey nabigu waa in aan laga waysaysan, ileen haddaan amar hore jirin amarkan muu caddeeyeene. Mar kale Jaabir wuxu ka sheekaynayaa dhacdo tan la jaal ah, “Waxa aannu ahayn wakhtigii nebiga kuwa aan helin cuntadan (cunto kolkaa ag taallay) oo kale inyar mooyaanee, marka aannu helno na maanu haysan afmaris aan ahayn baabacooyinkayaga, dhudhumahayaga iyo lugahayaga, ka dib waa aanu tukun jirnay annaga oo aan ka waysaysan.” Xadiiskan waxa soosaaray Bukhaari. Xadiiskani wuxu xoojinaya cuskasho ahaan xadiiskaa sheegaya in aan laga waysaysanayn wax dab galay. Fahanka ay dhaqangaliyeen badi saxaabadu wuxu noqday in aan laga waysaysan hilibka geela, waxa ka mid ah saxaabada arrinkaa aaminsan Ibnu Mascuud, Ibnu Kacab, Dalxa, Abi Dardaa, Ibnu Cabbaas iyo saxaabo badan. Sida oo kale badi Taabiciintu waxa ay ku tagsan yihiin in aanu jabin waysada hilibka geelu. Ibnu Abi Shayba musanafkiisa wuxu ku soo guuriyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas in uu yidhi, “Waysada waxa keena wixii calooshaada ka soo baxa ee ma keeno wixi calooshaada gala.” Sunanu Bayhaqi waxa ku yaal hadal kan u dhow in Cali Bin Abi Daalib laga hayo. Cabdarasaaq iyo Ibnu Jacd waxa ay musanafyadooda ku soo saareen in Yaxye Bin Wathaab uu waydiyey Cabdillaahi Ibnu Cumar in laga waysaysanayo hilibka geela, deeto uu ku jawaabay Cabdillaahi, “Waysada waxa keena wixii kaa soo baxa ee ma keenaan wixii calooshaada galaa. Wax kasta oo caloosha galaa waa wax wanaagsan, wax kasta oo ka soo baxaana waa wax xun.” Nawawi Majmuciisa waxa uu ku soo guuriyaa in afartii khulafo ay aaminsanayeen in aan laga waysaysan hilibka geela. Nawawi waa ragga aaminsan in laga waysaysanayo haddana waxa uu aaminsanaa in khulafadu ka aragti duwanayeen. Ibnu Taymiya isagu wuxu ku duraa Nawawi in cuskashadani aanay sanad lahayn. Hilibka geela in aan laga waysaysanayn waxa aaminsan madaahiibta Shaaficiyada, Maalikiyada iyo Xanafiyada. Qarnigan culimada waaweyn ee xagga fiqiga ku horreeya ee aan xataa qaarkood lagu tirin in ay mad’hab u janjeedhaan sida Sayd Saabiq, Qaradaawi iyo Dedow waxa ay saxnimadeeda sugaan in aan laga waysaysanayn hilibka geela. Xaafid Ibnu Xajar isagu wuxu ku tagsan yahay xadiiska in laga waysanayo sheegaya uu nasakhay xadiiska sheegaya wixii dab galay in aan laga waysaysanayn. Mad’habta Xanaabilada oo ah ta ugu urursan xagga fidnaanta madaahiibta ayaa iyadu qabta in laga waysaysanayo hilibka geela. Waxa ay ku tagsan yihiin in xadiiska sheegaya in laga waysaysanayo hilibka geelu aanu nasakhayn xadiiska odhanay wax kasta oo dab galay laga waysaysan maayo, waxa ay ku doodayaan in xadiiskan dambe caam yahay kaa horena arrin gaar ah uu ka hadlayo. Sidaa waxa qaba badi culimada Xanaabilada horrayso iyo dambaysaba. Tiro yar oo Shaaficiyada ka mid ah oo Nawawi ka mid yahay ayaa Xanaabilada la aaminsan in laga waysaysanayo hilibka geela. Ibnu Mundir, Bayhaqi, Ibnu Xasmi, Ibnu Taymiya, Albaani iyo Ibnu Baas ayaa iyaguna in laga waysaysanayo aaminsan, laakiin xujada cad ee xadiiska dambe, fahanka badi saxaabada, taabiciinta, jumhuurta fuqahada madaahiibta iyo badi fahanka culimada casriga ahba waxa ay ku tagsan yihiin in aan laga waysaysanayn hilibka geela. Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com Tell: 063 440 85 03. 97 08 515 SheekhRakuub.wordpress.com Source
-
Asc. dhamaan akhristayaasha karaamadaleh ramadaan Kariim, waxaa muuqdaoo sida cedceeda ucad shilalka gaadiidka iyo dadka ku dhimanaya oo intii ka hore ka badan somaliland . Waxaa xasuustayda ku soo noqnoqda daka inanagaga baxay dariiqyadaa burburay iyo daasdaha guuxa ee aan loo meel daynin, qadarka alle Ka sakow inaka ayaa gabnay In ay wax isbadal ahi yimaadaan oo dhanka wadooyinka iyo wadayaashaba ah kaagagsii daran waxaa iyana ina gumaaday gaadhiga guran ee dalka sida Daadka usoo galaya. Sanad walba waxaa sii kordha dadka shilalka gaadiidak ku dhinta wadankeena bishaa ramadaan waxaa la sheegayaa tirada dhimashadagaadiidaka inay kor udhaaftay 30 qofwaa muda 7cisho ah. Waxatan garab taala xili roobaadka dooxyada udhexeeyagobolada dalka oo dhibaatoxoogani ka taagantay, waxaa ka sii daran qorsha laanta dad iyo dawladba inaga haysta dhibataadan macmiilka noqtay ee wadooyinka iyo gadiidka iyo dooxyadaba ah . Waxaan maqlaa plans ay sheegto dawladu oo malaayiin doolar Lagu sheego in lagu korsheeyo hawlahan oo kale sida SDF oo kale , Hadana waxa laga qabtaa maaha 10%. Dhamaan mashaariica ah dalka eewadooyinku malaha tayadii, qaabkii iyo dhismihii wado ee ay ku noqon lahay mid Quality leh malaha Drainage system ama hab ay biyo kaga dagaan wadada waay waxaad arkaysaa waddo farta laga qaaday oo hadana dhulka caadiga ah ka hoosaysa biyuhuna rogmanayaan . Hadaba maxaa qaldan ma engineers-ka, ma plan-ka mise inaga ayaan awoodin in aynu 30 sano oo ayn gaar utaaganay waddo quality leh helno aan u bislayn , doodaydu maaha maxaa wadooyinka oo dhan loo hagaajin waayay waayo dhaqaale ahaan ayaynaan awoodinee waxa weeye waar maxaa inoo diiday haba yaraatee 20KM noqotee in yar oo leh tayo-fiican( road quality). Dawladihii kaladambeeyay eekulmiye wax wayn baan ka saarayaa arintaa.!! Gaba-gabadii waxaa ugu horayn looga baahanyaydawlada in ay wadooyinka dalka usamayso qorshe ka sareeye kan hada lagu wado ee kacaa kufka ah ee dawladaha hoose iyo mashaariica ah dhiciska ah, waxaan kaloo soo jeedin lahaa in wadooyinka loo sameeyo hay-ad ka tayo roon tan ahaatan faraha kula jirta ee warba ka ahyinin. Waxaa iyana loo baahan yay in lagu soo jeedyo indhaha caalamka, deeq bixiyayaasha , ururada bulshada iyo dhamaan daneeyeyaasha halka ay reero la rafanayaan wadooyin raf ah oo aan tayo lahayn. Hadii kale sideenii awlba aynu ahayn aynu tacsida la boobno kolba qofka haldoorka ah ee dariiqan iyo daasadan inagaga baxa oo aynu nidhaahno shilbuu ku dhintay iydoo aan qadanka labaajinayn. Ilaahay waxaa kabaryay inuu quluubteena tuso tamarteena rasmiga ah ee aynu qaban karno. W/Q: Abdrashiid Awmuse Aadan rashaad055@hotmail.c Source