-
Content Count
208,510 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Qoraalka waxaa lagu sheegay in ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in waajib qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo Source: goobjoog.com
-
The Prime Minister of Somalia’s Federal Government, Hassan Ali Khaire has inaugurated a new mosque built in the Intelligence headquarters on Friday. The mosque is named after the father and the first director of the Somali spy agency Ahmed Suleyman Dafle. Dafle served as the director of the organization for thirteen years after its inception and then as minister for interior. The construction of the modern mosque commenced four months ago. The PM thanked the spy agencies for the implementation of the religious center inside their headquarters saying it will be a great impact for the staff of the agency. The new worship structure is set to change the image of the public as one of the most feared government organization to just any other security department. View the full article
-
A high-level delegation led by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in South African capital, Pretoria on Friday evening. Farmajo is among leaders invited to take part in the inauguration ceremony of the South Africa President-elect, Matamela Cyril Ramaphosa on Saturday 25th May. The President is scheduled to meet various African leaders at the sidelines of the event to discuss issues of mutual interest. Farmajo will meet the Somali diaspora community in South Africa to discuss xenophobic attacks meted against foreigners in the southern African state. Somalia is was among the leading African states supported the South Africa during the struggle against the apartheid government and fight for independence. View the full article
-
Xisbiga uu hoggaamiyo Xassan sheikh oo shir ka yeeshay xaaladda Galmudug Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay halis ugu jirto in ay burburto haddii aysan dowladda Federaalka Soomaaliya ka joojin fara-gelin uu xisbigu sheegay in ay ku hayso. War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka xisbiga ayaa soo jeediyay in la fuliyo heshiiskii midaynta Galmudug ee ay dalka Djibouti ku wada-saxiixdeen labadii dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee kala qeybiyay mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta ay ku hayso xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana bulshada halkaasi deggan u ogolaato in ay keligood ka wada-hadlaan aayaha iyo masiirka degaannadooda. Sidoo kale xisbiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dowlad goboleedka Galmudug ka qaaddo cuna-qabateynta dhaqaale una fasaxdo qoonada ay ku leeyihiin deeqaha caalamku bixiyo ee la soo mariyo xukuumadda dhexe . Dhanka kale xisbiga ayaa taageeray xoojinta heshiis iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda khuseeya kaasi oo ay dhowaan magaalada Gaalkacyo ku wada-saxiixdeen dowlad goboleedka Galmudug iyo Puntland. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Xassan Shekh oo sheegay in Galmudug halis ugu jirto in ay burburto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal kooban wuxuu kaga hadlay magacaabista madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in caasimada Soomaaliya ay joogaan ciidamada AMISOM oo magaalada ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, islamarkaana ay yihiin ciidamo badan oo xaqiijin kara amaanka, balse aysan wali ka dhicin doorasho qof iyo codkii ah. Wuxuu sheegay in madaxweyne kastaa oo qabtaa xilka madaxweynaha dalka inuu soo magacabo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, taasna aysan wanaagsaneyn. “Caasimadda waxaa ku sugan ciidanka ugu faraha badan ee Soomaaliya, waana xarunta AMISOM oo ah ciidanka ugu xoogga badan dalka. Haddana Madaxweyne kastaa wuxuu ku daydaa kii ka horreeyay oo wuxuu noo magacaabaa Duq Magaalo iyo xataa ku xigeennadiisa” “Madaxweyne aan dooranno ha noo dambeeyee, Muqdisho oo keliya inteenna deggani qof iyo cod ma dhiiban karnaa aan ku dooranno Duq Magaalo?” “F. G. Xog ogaal uma ahi sababta uu Madaxweynuhu xalay xilka uga qaaday mid ka mid ah Ku Xigeennada Duqa, mid hor lehna u magacaabay. Kan cusubna hambalyo ayaan leeyahay, guulna waan u rajeynayaa. Qormadeyduna kuma saabsana sababta uu isbeddelku u dhacay ee waxaan u dan leeyahay nidaamka dalka ee doorasho la’aanta caasimadda”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu magaalada Pretoria kaga qeybgalayaa caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/africa. Shalay ayuu madaxweynaha u ambabaxay dalkaasi, kadib casumaad loo fidiyey, iyadoo lagu wado in caleema saarkan ay ka qeybgalaan madax badan oo Africa ah. Madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda ka qeygaleysa caleema saarkan qaarkood iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bardaale (Caasimada Online)-Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib baaritaano ay ka sameeyeen degmada. Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inay baaritaankaasi ka sameeyeen degmada iyo deegaano ku dhow dhow, waxaana guddoomiyaha degmada uu sheegay in xubnaha la qabtay ay Al Shabaab ka tirsanaayeen. Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Xuseen Isaaq oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xubnaha la qabtay oo gaaraya seddex ruux loo wareejin doono magaalada Baydhabo, si halkaasi maxkamad loogu soo taago. “Degmada amaankeedu wuu soo hagaagay, nimankii amni diidka ahaa ayaa waxaan kasoo qabanay dad lala xiriirinayo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin, Hadda waxaan gacanta ku heynaa seddex ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa” “Al Shabaab inta badan wey is qarinayaan, laakiin baaritaanka ciidamada daraawiishta ay ka sameeyeen Bardaale iyo duleedkeeda, laakiin hadda waxay Al Shabaab ku soo koobmeen inay dhuumaaleyso weerar ku qaadaan, waana fashilka lagu ogaado marka koox ay burbureyso”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Bardaale. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay inay wanaagsan tahay xaalada wadada isku xirta Bardaale iyo Baydhabo, halkaasi oo Al Shabaab inta badan ay weeraro ka geystaan Al Shabaab. Xubnaha Al Shabaab ee la qabtay ayaanan wali lasoo bandhigin, waxaana guddoomiyaha degmada Bardaale uu sheegay in baaritaan marka ay ku sameeyaan xubnahaan kadib inay saxaafadda usoo bandhigi doonaan islamarkaana loo wareejin doono magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baay Caasimada@live.com
-
Turkish aid agency distributes food aid to IDPs in Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
urkey's state-run aid agency distributed Friday food aid to internally displaced persons (IDPs) in the town of Gelan on the outskirts of the capital Addis Ababa. Source: Hiiraan Online -
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney Soomaaliya ku taageereyso ilaa £8 million oo wax looga qabto abaarta ka jiro goobo badan. Meelaha sida gaarka ah loo xusay waxaa ka mid ah cunto la’aan, nafaqada, biyo nadiif ah, caafimaadka dadka iyo xoolaha iyo arrimo kale. Iyada oo aaney dad badan ka soo kaban abaartii 2017-kii ayaa waxaa helay dhibaato kale, 2 sano ayaaney roob di’in taasi oo xaaladda khatar gelisay. Hey’adda OCHA waxaa ay ku qiysaastay in ilaa 5.4 million oo Soomaali ah ay haatan wajahayaan cunto yari, oo 2.2 million ay aad u daran yihiin. 20-kii May hey’adaha gargaarka Soomaaliya waxaa ay codasdeen gargaar degdeg ah, waxaa ay doonayeen $710 million oo arrimaha abaarta wax looga qabto, gaar ahaan dad gaaraya 4.5 million. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdishop (SMN) – Nabadoon Bedal Jaamac Xirsi (Laangare) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay baabi’ineyso calaamadaha xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Nabadoonka oo la hadlayay Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan dowladda Kenya ay kaga gol leedahay, si ay u baneysato bariga iyo badda Soomaaliya. Sidoo kale Nabadoon Bedal ayaa xusay in Kenya ay tirtireyso Astaantii Ingiriiska ee uu ku kala xadeeyay Soomaaliya iyo Kenya Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu soo kala dhexgalay mad madow Siyaasadeed iyo muran dhinaca badda ah, kaas oo ay dacwaddisa ka furan tahay Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. View the full article
-
Kenya Airways Chief Executive Officer Sebastian Mikosz has resigned on "personal grounds", effective December 31. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),iyadoo loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle. Munaasabadda xarig jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta. Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa. Ra’iisul Wasaare Kheyre dhanka kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),isagoo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Johannesburg (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Magaalada Johannesburg ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee K/Afrika Cyril Ramaphosa oo maanta lagu qabanayo M/ Pretoria ee dalkaasi. Sidoo kale waxaa caleema saarka lagu marti qaaday qaar ka mid ah madaxda dalalka Caalaamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan duceedyo la yeelaN doono madaxda sare ee South Africa, isaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dhibaatootinka ganacsatada Soomaaliyeed loogu geystay dalkaasi. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-Subax-25052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is rasaaseyn xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Taleex ee degmada Hodon. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan oo dooneysay inay dhac geysato iyo ciidamo boolis ah ay isku rasaaseeyeen xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida saraakiisha Booliska ay sheegeen. Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in mid kamid ah raggii burcadda aheyd uu ku dhintay iska hor imaadka xalay dhacay, waxaana baxsaday ruux kale oo kamid ah kooxda dhaca geysanaysay. Sidoo kale waxaa iska hor imaadka ku dhaawacmay taliyaha waaxda uu dagaalka ka dhacay iyo qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ku shaacisay barta Twitter-ka xogta weerarka ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir. “Ciidanka boliiska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan ka dib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay.” “Mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday. Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah” “Dhanka kale waxeey ciidamada boliiska gacan ku soo dhigeen askari boliis ah oo shalay dad shacab ah ku dhawacay degmada Howlwadaag”sidaasi ayay shaacisay Zakiye Xuseen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed hore uma aysan aqoonin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor inta aan loo magacaabin raysal Wasaaraha Soomaaliya 14-kii October sanadkii 2010-kii. Go’aankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu ku noqday raysal wasaaraha Soomaaliya, waxaana Shacabka Soomaaliyeed baray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Farmaajo muddo 6 bil ah ayuu kasbaday Shacabka Soomaaliyeed, waxaana markaas lagu jeclaaday shaqo, go’aan qaadasho iyo wadaniyad isagoo loo arkay inuu meel sare ka keenay Ciidamada Soomaaliya oo ku jiray xaaladii ugu adkayd bur burkii kadib. Muddo ku kooban ayuu yeeshay saameen ku dheehan wadaniyad iyo rajo umad Soomaaliyeed oo xor ah markii uu raysal wasaaraha ahaa kadibna waxa uu la shaqayn waayay baarlamaanka Soomaaliya, taas oo sababtay inuu iscasilo kadib heshiis lagu gaaray dalka Uganda. Is-casilaadda Farmaajo ayaa aad looga banaanbaxay waxayna sababtay heer habeen madow ay haween iyo carruur ka dalbadaan in uu markab saaro oo ay u raacaan halkii uu ka yimid ee Mareykanka, laakiin maanta ma ahan Farmaajihi markaas la jeclaa sida ay qabaan dad badan. Dadaal dheer kadib waxa uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxa uuna ku noqday codka baarlamaanka hase yeeshee waxaa sabab u ahaa kacdoonka dadweynaha iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo arkay in uu yahay hogaamiyaha kaliya ee samatabixin kara Soomaaliya. Laba sano kadib Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma ahan ninka aan ka soo sheekeynay waxa uu noqday qof ka badalan Farmaajihii 2010-kii raysal Wasaaraha ka ahaa Soomaaliya sida ay qabaan malaayin Soomaali ah oo dalka iyo dibadda ku sugan. Waxaa meesha ka baxay rajadii ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed 70% waxaa hoos u dhacay dhaq dhaqaaqii wadaniga ahaa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee markii hore lagu bartay, iyadoo ay gaartay in Itoobiya loo gacan geliyo muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa hoos u dhacay shaqadii lagu yaqaanay iyo daryeelkii ciidan iyo dadba markii uu raysal wasaaraha ka ahaa Soomaaliya xili la filayay hadii Madaxweyne noqday in uu helo doono awood iyo xoog intii ka badan. Waxa uu indhaha iyo dhagaha ka fureestay qayla dhaanta iyo dhibka heesta Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Guud ahaan Soomaaliya halkii markii hore ahaa qof ugu yaraan waqti ku bixiyo wixii uusan wax ka galin. Maamulkiisa waxa uu noqoyay mid ku saleysan xoogsi iyo muran siyaasadeed waxaana ka go’ay dhamaan maamuladii kale halka markii hore u muuqday wadani dalka iyo dadka isu keeni kara. Waxa uu dayacay Ciidamadii Soomaaliya ee uu markii hore rajo geliyay, waxa uuna shaqada ka eryay boqolaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya halka kuwa harsan ay waayeen Garaam iyo Mushaar. Lix bil ayuu Soomaaliya ku geliyay rajo soo kabasho xoog leh balse hada 2 sano uu joogo waxaa muuqata in aysan jirin guulo wanaagsan oo la sheego oo ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya, waxayna arimahaan oo dhanay muujinayaan in isbadal wayn u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu ahaa raysal wasaaraha Sooamaliya iyo hada uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya. FIIRO GAAR AH: Waxaa jira dad badan oo qaba in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu raysal wasaaraha ahaa waxyaabihii u qabsoomay ay ahaayeen barnaamij siyaasadeed uu lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sida uu isagaba ka sheegay dhowr jeer meelo fagaaro . Sidaas darteed marka la isu eego labada waqti ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muujineysa in barnaamijkaasi uu lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, balse markii uu isaga madaxweyne noqdo uusan hayn wax barnaamij siyaasadeed ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in si wayn hoos loo dhigay awoodda taliyaasha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Saldhigyada degmada gobalka Banaadir kuwaas oo magacaaban dhowr bilood. Caasimada Online ayaa la hadashay ugu yaraan 7 kamid ah taliyaashaan, waxa uuna mid kasta u cadeeyay in uusan lahayn awood uu wax ku maamulo sidii markii hore aheyd oo ay ku maamuli jireen amaanka degmooyinkooda, sidoo kalane ay ku amri jireen Ciidamada ka howlgala degmada. Waxaa laga joojiyay dhamaan kormeerka baraha kontaroolka ee degmooyinkaas ku yaala, waxaa kaloo laga joojiyay in ay soo dayaan ama ay damiintaan dadka ay yaqanaan ee mara baraha kontaroolka ay degmooyinka ay maamulaan kuwaas oo ay markii hore sameyn jirayn. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay in aysan maamulin islamarkaana aysan amar siin karin Ciidamada ku sugan baraha kontaroolka ee degmooyinka. Taiyaashaan ayaa maamula oo kaliya Ciidamada ku sugan xarumaha degmooyinka iyo Saldhiga Booliiska ee degmada halkii markii ay maamuli jireen dhamaan degmada gudaheeda Ciidamada ku sugan. Ciidamada Booliiska ee ku sugan baraha Kontaroolka ayaa waxay ka amar qaataan taliyaasha rugahaas oo go’aan ka gaara xaalad kasta, islamarkaana waxay amraan dhowr iyo tobanka Askari wixii ka dheeraad ahna waxay la aadaan oo ay si toos ah ula macaamilaan Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kale ee qaybaha. Lama oga wixii sababay arintaan mana jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen taliyaasha aan la hadalnay balse dhalinyaraan ayaa dhowaan loo magacaabay xilalka ay haayeen waxayna intooda badan ahaayeen taliyaashii Ciidamada NISA ee degmooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (CNN)The Trump administration has declared an emergency to bypass Congress and expedite billions of dollars in arms sales to various countries -- including Saudi Arabia and the United Arab Emirates -- citing the need to deter what it called "the malign influence" of Iran throughout the Middle East. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Faderalka ah ee Soomaliya kadib eryidii madaxii Xafiiska UNSOM Haysom. Raisedon Zenenga, oo ah ku xigeenkii Nichalas Haysom ayaa sheegay in howlgalka uu hadda ku howllanyahay dib u amba qaadidda howlahiisa Soomaaliya kaddib markii ay kulan yeesheen isaga iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Raisedon Zenenga, oo ka hadlayay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiriirka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey uu hadda ka roonyahay sidii uu ahaa billowgii sanadkan. Waxaa kale oo uu sheegay in booqashadii Rosemary DiCarlo oo ah madaxa siyaasadda ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay booqashada ku timid Muqdisho wax ka badan ka beddeshay xiriirkii labada dhinac. Raisedon Zenenga,waxaa uu xusay in caqabado badan ay wali jidka yaallaan, kuwaas oo lagu kala ogaanayo halka uu xaalku noqdo. Waxa kale oo uu intaas ku daray in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu ballanqaaday in uu si wanaagsan ula shaqeynayo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u soo magacowday Soomaaliya. Mr Zenenga, ayaa si rasmi ah u sheegay in hadda shaqada xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu dib u shaqo billaabay. Madaxii Xafiiska UNSOM, Dowladda Soomaaliya ayaa cayrisay 1-dii Bishii January ee Sanadkaan kadib markii ay ku eedeysay in uu faro-geliyay arrimaha gudaha. Sida ay Dowladdu ku sheegtay warqadii ay ku cayrisay Haysom, waxaa uu ku xad-gudbay Madaxbanaanida dalka kadib markii uu soo saaray Warqad uu su’aalo Dowladda uga weydiiyay xarigii Mukhtaar Rooboow iyo shaqaaqadii ka dhalatay Dorashadii Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in howlgalada Batroolka lagu baarayo ama lagu soo saarayo Batroolka Dalka uu leeyahay faa’iido iyo khasaare is barbar socda. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay ka dadaashay sidii ay ugu gaashaaman lahayd caqabadaha ka dhalan kara inta lagu guda jiro soo saarista Batroolka. Dhanka wada qaybsiga ama ka faaiideysiga Soomaalida Batroolka ayuu sheegay in ay ka fikireen, wax walibana ay wada xaajood geliyeen kahor inta aan Golaha Shacabka loo gudbin. Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegay in ay raaceen qodobka 44-aad Dastuurka Dalka oo faraya in aan howsha la guda gelin illaa inta wada xaajood lagu dhameynayo wax waliba oo ashtako ah. Dalalka deriska la ah ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka faaiideysteen soo saarka Kheyraatka Shidaalka, si ay ugu faaiideystaan bulshada kunool Dalalkaasi. Soomaaliya waxa uu tilmaamay in baaris dhowr jeer la kala sameeyay lagu ogaaday inta uu gaarsiisan yahay Batroolka, sahanka baarista ayuu sheegay in uu soo bilawday Konton-meeyadii. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dhulka Soomaalida uu baaran yahay, dhanka badda ayuu sheegay in la baaray xiligii Dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Nabadgalyada Badda Soomaaliya ayuu sheegay in ay wanaagsan tahay, isla markaana aan jirin khataro baajin kara soo saarka Batroolka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Dowlad Goboleedyada hoos taga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid sharciga Batroolka oo todobaadkaan ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland waa u fursad weyn, waxana la yidhaahdaa cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa, in kasta oo aanan anigu Soomaaliya cadow u aqoon, aan se u aqaan waddan aannu walaalo nahay, lkn se is diiddooyin iyo khilaafyo laga gun-gaaandhi karaa na dhex yaallin. 28 sannadood oo ay Somaliland gaar u taagnayd oo ay aqoonsi doon ahayd uma ay muujin Kenyi il naxariiseed iyo wax yuhuun ah oo aqoonsi diblomaasiyadeed ku saabsan wixii ka horreeyey intii uu soo baxay damaca Kenya ee xeebaha Soomaaliya. Waa ay iska caddahay waxa uu daarran yahay beerlaxawsiga Kenya ee Somaliland oo waa baqe-ku-maal (black mailing) ama suxul maroojin ku aaddan Soomaaliya si ay u ruxruxdo, uguna cagajugleyso. Hase yeeshee arrintu intaas waa ay ka gundheer tahay marka la eego jiritaanka qaab-dhismo-siyaasadeed ee gobolka. Labada waddan ee Kenya iyo Itoobiya waxa ku maqan dhulal dad Soomaali ahi ay deggan yihiin oo hadda labadaas waddan ka mid ah. Haddii Kenyo isku daydo dal-balaadhsi ama in ay xoog ku qaadato mitir xeebaha Soomaaliya ka ah waxa dhici kacdoon Soomaalida inteeda kale ku taageeri doonaan Muqdisho. Dhinaca kale, Kenya waa ay ku adkaan doontaa in ay Somaliland si sahlan aqoonsi rasmi ah u siiso. Waayo? 1. Waxa ay Kenya og tahay in Soomaalida maamulkeeda hoos tagtaa hanqalka la soo kici oo ay dalban aayo-ka-tashi iyo madaxbannaani. 2. In intaas oo kale iyo ka badanna ay la oogsan doonaan Soomaalida Itoobiya oo bilaabi dhaqdhaqaaq xooggan oo aayo-ka-tashi ah. 3. Mawqifka AU oo arrintaas ay adag tahay in ay aqbalaan, gaar ahaanna Itoobiya oo ah waddan saamayn weyn oo siyaasadeed, milateri iyo dhaqaaleba gobolka iyo AU ku leh, arrintuna aad khusayso, una horseedi karto kala daadasho dalkeeda ku timaadda iyo Kenya oo aan lahayn awood ay ku caabbiyi mawqifyada Itoobiya iyo AU, eegaysana degganaanta siyaasadeed ee waddankeeda. Anigu waxa aan u arkaa in Somaliland wixii fursad ah ay ka faa’iidaysan karto, hase yeeshee haddii ay aqoonsi qudha uun xooggeeda isugu geyso iyada oo aan la qiimayn qodobbada sare oo ah run jirta waxa lumi kara fursado kale oo aqoonsi ka fudud oo laga faa’iidaysan karo. “Si hadday u noqon weydo Si kalaa u waaceen ah”! W/Q: Mohamed Baashe Xaaji Xasan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid