-
Content Count
208,498 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj. Maxkamaddu: Markay Aragtay : Aayadda 178aad ee suuratul Baqara iyo Qod. 434,440 XCS oo lala akhriyo Qod. 195bis, 194 XCCQS. Markay Aragtay : Qiraalka Eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed oo uu ka hor cadeeyay garsoorka hortiisa in Marxuumka oo mooto Bajaaj wado uu ka soo gudbay kontaroolka baarista sidaasna uu ku istaajiyay, kadibna uu ku amray in uu dhiibo furaha mootada oo uu wadaha ka ahaa Marxuumka marki uu ka diidayna uu isagoo ku cabsiinaayo qorayga uu hal xabad madaxa kaga dhuftay , isla xabidiina ay dhaawac u gaysatay qof kale. Markay Dhagaysatay : Markhaatiyaashii la horkeenay maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay arkayeen marxuumka oo ka gudbaya kontaroolka kadibna uu istaajiyay eedaysanaha muran kadibna ay xabad ka dhacday qorayga uu watay eedaysanaha madaxana kaga dhacday marxuumka ,isla-markaana dhaawac u gaysatay qof kale oo shacab ah. Markay Dhagaysatay : Gaba-gabada Gungaarka baarista Boliiska oo uu Baaraha Gal dacwadeedka ku cadeeyay in eedaysane Cali Max’ud Axmed uu si bareer u dilay marxuum C/risaaq Yuusuf Guure, dhaawacna u gaystay dhibane Cali Xaashi Mataan. Markay Aragtay : Cadaymaha Dambi Muujinta ah oo la horkeenay oo ay ka mid ahaayeen :- Cadaymaha laga qoray Maragga iyo dhibanaha dhaawaca ah, qiraalka laga qoray eedaysanaha, warqadda cadaynta dhimashada iyo sawirada marxuumka, mootadii uu wadaha ka ahaa marxuuumka, qorayga uu dilka ku gaystay eedaysanaha oo noociisu ahaa AK-103 No. 08096. Markay Dhagaysatay : Doodii u dhaxaysay dhinacyada kala ah xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedaysanaha. Maxkamadda ayaa ku heshay Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan igoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu gaystay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa. Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga. Sidaas Darteed, maxkamadda waxaa u caddaatay in eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ay weheliyaan golahiisa wasiirada iyo golaha sharci dajinta oo safar shaqo ku mariyay qaar ka tirsan magaalooyinka maamulkiisa ayaa Gaalkacyo ka sheegay in dowladda Puntland ayaa xooga saarayso horomarinta dhallinyarada iyo dhameestirka garoomada kubbadda cagta Puntland. “Horumarinta dhallinyarada Puntland waa mida ugu muhiisan uu maamulkayga xooga saarayso dhinacyada abuurida shaqooyinka iyo kasoo muuqashada wasaaradaha dowladda” ayuu madaxweyne Deni sheegay,isagoo safar shaqo ku mariyay gobolada Gaalkacyo. “Si dhaw ayaan ula sodaan heerka uu marayo dhismaha garoonka Cawaale si joogta ah ayaa la ii siiyaa warbixinada ku aadan heerka uu marayo,waxaa kaloo la ii sheegay meelaha aad ka qaladeen iyo sida loo rabo in loo hagaajiyo” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni sii raaciyay hadalkiisa. Bilihii lasoo dhaafay March iyo April madaxweyne Deni waxa uu magaalooyinka Qardho ,Basoosaso ka dhagax dhigay labo garoon oo kubbadda cagta ah waxaana arinta si weyn usoo dhaweeyay dhalinyada iyo bahda isboortiga deegaanada Puntland. “Farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoomada kubbadda cagta Qardho,iyo Boosaaso waxaan garawsannahay ahmiyadda ay u leeyihiin ciyaaruhu waxa ay qeyb weyn ka qaadanaysaa horomarka aan la doonayno dhallinyaradeena waxaan bogaadinaynaa dedaalka ay ku jiraan xiriirka kubbadda cagta Puntland iyo maamulada labada magaalo”ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni u sheegay Goobjoog. Madaxweyn Saciid cabdullahi Deni oo aad u faraxsan ayaa hadalkiisa ku soo xeray “waxaan rajaynaa markii la dhameeyo shaqooyinka iminka ka socda garoomada kubbadda cagta Puntland in aan kuwada ciyaarno”. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni Oo Ka Hadlaya Arimaha Garoomada Puntland si kastaba kooxda Puntland ayaa sanadii 2016 markii ugu horeesay oo la qabtay ciyaaraha kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku guulaystay,balse sanadkii xigay 2017 ciyaartooyda Puntland waxa ay kaalinta 2aad ka galeen isla ciyaaryahan,iyagaoo labada jeer fiinaalka la dheelay kooxdii ka socotay maamulka Jubland,falanqeeyaasha ciyaaraha waxa ay qorshaha horumarinta garoomada Puntland u arkaan mid sii adkeenaysa xidigaha ka imaanaya Puntland maadaam ay helaan goobo casri ah oo lagu ciyaaro. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir oo xalay guul ka gaartay dhiggeeda Warta Nabadda ayaa u soo gudubtay wareega labaad ee tartanka bisha Barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha kala matalayay labada degmo ayaa soo bandhigay kulan xiiso badan oo ay dhageystayaashu u riyaaqeen. Dharkenley oo ku gacan sareysay tartanka ayaa waxaa la weydiiyay 7 Su’aal, waxaana ay ka jawaabeen 5 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideyn 3 kale, waxaana ay sidaasi ku heleen 16 buudo. Sidoo kale tartamayaasha Warta Nabadda oo la weydiiyay 7 Su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celiyeen 4 ka mid ah, waxaana ay ka faa’iideysi u heleen mid kale, sidaasina waxa ay ku keensadeen 10 dhibcood. Dharkenley waa degmadii saddexaad oo u gudubta wareega sideed dhamaadka tartanka, waxaana horay isaga xaadiriyay wareegaasi degmooyinka Kaxda iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Caaw tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku ballansan degmooyinka Wanlaweyn iyo Xamar Weyne oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah u diray sannad guurada 28-aad ee Madax-bannaanida Eriterea. Siday baahisay warbaahinta dawladdu wuxuu Ra’iisul-wasaare Abiy uu dhambaalkiisa Hambalyada ah ku yidhi “Waxaan dhambaal hambalyo ah gaadhsiinayaa shacabka iyo dawladda Eriterea oo aan ku bogaadinayo munaasibadda 28 Guurada madax-bannaanida Eriterea.” Abiy Axmed wuxuu sheegay in kor loo sii qaadi doono cilaaqaadka walaaltinimo ee Itoobiya iyo Eriterea. Waxaanu ballan qaaday in iskaashiga labada dal noqon doonaan qaar labada dalba dani ugu jirto. Waxa kaloo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya nabad iyo horumar u rejeeyey shacabka reer Eriterea. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in khalkhalka ku yimaada dhaqaalaha iyo dhuuniga bulshada si adag u taabtaan, gurri walbana waa laga dareemo, sidaa darteed looga baahan yahay ganacsatadu inay u damqadaan dadkooda. Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha shalay kaga hadlay saamaynta isbedelka safirku ku yeeshay maceeshadii dadku quudanayeen, iyo sida loogu baahan yahay in ganacsatadu ula dhaqmaan xaaladahaa ayaa ku bilaabay, “Marka sarifka doolarku isbedel ku yimaado waxa laga cawdaa ganacsatada inay qiimaha halkii hore ku hayaan, iyagoo ka werwersan inuu dib u kaco. Waxa looga baahan yahay inay bulshadeena qeybaha wax iibiya la socdaan ascaarta ayuu sheegay Sheekh Dirir, isagoo yidhi, “waxa looga baahan yahay ganacsatada inay qiimaha sarifka oo markuu kacana la jaanqaadaan, markuu degana ay dejiyaan qiimaha badeecadaha. Rasuulka NNKH wuu u duceeyey dadka marka ay wax-korodhsanayaan, ama wax khaqaajinayaan ummadooda u naxariista, ayuu yidhi sheikh Dirir, “Alle haw naxariisto qofka saamaxaad badan, ee dadka wax ka dhima, markuu wax iibinayo, soo iibsanayo ama amaahinayo. Jaangoynta halka sarifka lacagta ee suuqu yahay, ayaa looga baahan yahay in qofka ganacsataduna ku jaangooyo badeecadiisa, hadii sideed yahay, sidaa ka dhig, adigu hadaad toban ku socotay, ogow ummada waad barbar-socotaa, ood khilaafsan tahay. Sheekh M Dirir ayaa ugu baaqay bulshadu inay xooga saaraan manaafacaadsiga waxa gudaha dalka ka baxa, qiimahiisana hoos loo dhigo, “Dunida badeecadaha gudaha dalka ka soo baxda waa raqiis, nasiibdarada innaga inna haysata waxa wadanka ka soo baxa ayaa ugu qaalisan, arrinkaasi wacyigelin balaadhan oo xukuumad iyo shicib la iska kaashado waa muhiim. Dadkii masaakiinta ahaa waa bestood. Laba seledood mid 1 dollar & mid 20 sidata ayaa suuqa wada gelaya, waa la is-cawryayaan, oo la is-inkaarayaa. Marka wada tashigeeda loo dhaqaaqo waa in dhego furnaan loo muujiyo, Ilaahayna (CW) loogu dhowaado waxii la hagaajinayo ee islaax ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, ayaa qodobo xasaasi ah kasii saaray frao-gelin uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha Galmudug. Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay inuu si dhow ula socdey xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. “Ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in Waajib Qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay xisbiga. Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga
-
(SLT-Garoowe)-Wakhti xaadirkan afartii caruur ah ee ku nool Puntland mid ka mid ayaa helaya cunto ku filan, sida ay hay’adda Save the Children ay ku sheegtay qiimayn cusub oo ay soo saartay. Waxaanay tilmaantay in caruurtani ay ka fogyihiin suurtagalnimada inay cunto helaan taas oo ay keentay abaar kale oo la filayo inay ku dhufato gobolkaasi bilaha soo socda. Sida lagu sheegay kormeer iyo qiimayn ay samaysay hay’adda Save the Childen bishii March ee sanadkan 2019-ka, taas oo tilmaantay in sahamin la sameeyey lagu ogaaday in Qoysaska Puntland ay laba wakhti ama wax ka yar ay raashin helaan maalintii, waxaanay qoysasku ay sheegeen in qiimaha raashingu uu sii kordhayo iyo in abaartu marka ay layso xoolaha nool uu hoos u dhac ku yimaado helida raashinka. Ku dhawaad kala badh dadku waxa ay ku jawaabeen in xadiga raashinkii ay cunayeen uu yaraaday saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Taasina waxa ay keentay, in qoysasku ay helaan raashin tayo hooseeya oo jaban, halka kuwo kalena ay u amaah tagayaan qoysaskooda ama saaxiibadoodd isla markaana ay yaraanayso in xiliyada ay raashin cunaan maalintii, taasina ay tahay sida ay kaga badbaadayaan raashin yaraanta soo food saartay. Hay’adda Save the Children waxay ka digaysaa hadii aan kharashaad degdeg loo helin si kor loogu soo qaado adeegyada nolosha dadka lagaga badbaadinayo abaarta inay saamayn daran ay ku yeelan doonto bushada, natiijadeeduna ay noqon doonto mid fool xun. “Bulshada soomaalidu ilaa iyo hada waxay ka soo kabanayaan abaartii 2017-kii. Wakhti xaadirkana waxa ay wajahayaan dhibaato bani’aadanimo oo weyn, aduunkuna uu daawanayo. Waxaanu haynaa xaqiiqada, iyo cabirkii roobkii da’ay, waxaananu ognahay hadii aan la qaadin talaabo degdeg ah, in caruurtu ay la kulmi doonaan todobaado iyo bilo aad u daran. Waxa aad muhiim u ah in Beesha caalamku ay dhibaatadan jirta talaabo ka qaado, iyadoo lala shaqaynayo dawlada Somalia.” Ayuu yidhi Timothy Bishop, oo ah Agaasimaha hay’adda Save the Children’s ee dalka Somalia. Source
-
Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa ka waramay sida ay haatan isku yihiin xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu ka mid yahay iyo socdaal diyaaradeed oo Hargeysa ilaa Nayrobi ah oo ay isku sii lug dareen guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro. Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa sheegay inuu daacad u yahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye waxaanu sida oo kale sheegay inuu si xor ah uga hadlaayo dhamaan dhacdooyinka u baahan ka hadalka, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Iilig oo ka tirsan tilifishanka HCTV, waxaanu ugu horayntii ka hadlay isaga iyo Cabdiraxmaan-cirro oo sii wada raacay diyaarad ka baxday Hargeysa oo ku socotay Nayrobi, waxaanu yidhi “ Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nayroobi aniguna Nayroobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay, madaarkii Addis ayaanu ku degnay halkii diyaaradaha lagu badalaayay, dad kale oo baayac mushtar ah oo aanu halkaas isku baranay oo Kiiniya degan laakiin reer Somaliland ah intayadiiba halkii baanu ku sheekaysanay, ilaa diyaaradii noo timi waanu sii sheekaysanay oo markii danbena hudheel ayaanu ku wada degnay waxbadan waanu ka sheekaysanay,intaanu roobku da’in ayuu ahaa oo abaaraha jira iyo khatarta soo socota, waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu suaalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay.” Waxa uu meesha ka saaray in kulamadii ay hore u yeesheen gudddoomiye Cirro iyo kulankooda Nayroobiba aanay la xidhiidhin siyaasad iyo wax la sii qorsheeyay. Waxaanu dhanka kale ka hadlay xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay hadda sida ay isku yihiin oo wax laga waydiiyay , waxaanu yidhi “ Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa waxaan rajaynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin, waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganay iyo ku jirniinka xisbiga laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray.” Geeska Qaran News
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa fasaxay in hub qiimihiisu yahay balaayiin doolar laga iibiyo Sucuudiga, waxaanu ku sababeeyey khatarta kaga iman karta dalka ay colaadda guunka ahi dhextaal ee Iran. Trump wuxu adeegsaday sharci si dhif ah loo adeegsado oo heer federal ah, si uu u meel mariyo heshiiskaa hubka lagu iibinayo oo qiimihiisu yahay 8 bilyan oo doolar, oo sida caadiga ah ay tahay in uu ansixiyo Congress-ku. Wuxu tallaabadaa u qaaday si uu u caddeeyo in xiisadda Iran iyo Sucuudiga dhex taallaa noqotay arin ah xaalad degdeg ah oo qarankiisa la soo gudboonaatay. Talaabadaas ayaa waxay ka cadhaysiisay, dadka ka cabsi qabay in hublaa loo adeegsado rayidka. Qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedeeyey in sababta uu Congress-ka u baal maray tahay in iibka hubkaas oo ay ku jiraan gantaalaha aan waxba seegin iyo bambaanooyin kale yihiin kuwo Congress-ku si adag uga soo horjoogsan lahaa. Hubkaas ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laga iibiyey dalalka Imaaraat-ka iyo Urdun. Jimcihii ayaa wasiirka arimaha dibada, Mike Pompeo, waxa uu Congress-ka ku wargeliyey go’aanka maamulka ee ah in hubkaa la iibinayo. Warqad uu u qoray oo warbaahinta Maraykanku aad u tebisay ayuu ku yidhi “daandaansiga Iran” ayaa kalifaya in “si dhakhso ah looga iibiyo” hubkaa [Sucuudiga]. “Dhaqdhaqaaqa Iran ayaa halis mug le ku ah xasiloonida Bariga Dhexe iyo nabadgelyada Maraykanka ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba”. Ayuu ku yidhi qoraalka. Laakiin talaabadaasi waxay isla markiiba ka cadhaysiisay mucaaradka. Senator ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah, Robert Menendez, oo ka tirsan gudida arimaha dibada ayaa ku eedeeyey Trump inuu “abaal u gelayo dalal keli talis ah”. Qoraal uu soo saaray ayuu ku yidhi “wuxu mar labaad ku guul darraystay in uu danaheena nabadgelyada qaranka ee mustaqbalka fog muhiimad siiyo iyo inuu difaaco xuquuqda aadanaha”. Go’aanka maamulka Trump wuxu soo baxay wax yar uun ka dib markii Maraykanku shaaciyey inuu xoojinayo joogitaankiisa Bariga Dhexe. Kun iyo shan boqol oo askari oo dheeraad ah iyo sidoo kale diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa sida oo kale la geynayaa gobolka dhawaan. Ku simaha wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Patrick Shanan ayaa sheegay in tallaabadaa looga gol leeyahay ka hortagga “khatarta isa soo taraysa ee xoogagga Iran oo ay ka mid yihiin ciidamada ilaalada kacaanku iyo kooxaha xulufada la ahi [ku hayaan gobolka]”. Maxaa keenay xiisaddan Iran? Xiisadda dhex taal Maraykanka iyo Iran waxay sii korodhay bishan markii Washington sheegtay in cunoqabataynta lagu darayo dalalka weli saliidda ka iibsada Iran. Go’aankaas oo loola dan leeyahay in dhoofinta saliidda Iran lagu joojiyo si xukuumaddu u weydo dakhli uga soo xarooda isha keliya ee dakhligu ka soo galo. Trump ayaa sannadkii hore cunaqabatayntii ku soo celiyey Iran ka dib markii uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee ay Iran kala saxeexdeen lixda dal ee shan ka mid ahi xubnaha joogtada ah ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka. Waana taas ta cirka ku sii shareertay xiisaddu. Afar markab oo kuwa saliidda qaada ah ayaa lagu wax yeelleeyay dhacdo Imaaraadku ku sheegay weerarro curyaamin ah, sidoo kalena waxa laba goobood oo Shidaalka laga dhoofiyo oo Sucuudigu leeyahay ay fallaagad Xuutiyiinta Yemen, oo ay Iran taageertaa, ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaany taasi kalliftay in dhuumaha la xidho muddo kooban. Iran way beenisay in ay ka dambaysay dhacdooyinkaa hase yeeshee Admiral Micheal Gilday oo ah madaxa taliska guud ee ciidamda Maraykanka ayaa ku eedeeyey ciidamada ilaalada kacaanka Iran in ay toos uga masuul yihiin dhacdooyinkaas. Source
-
(SLT-Riyadh)-Golaha millatari ee sida kumeel gaarka ah u xakuma dalka Sudan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan dalka Sacuudiga, haddii ay khatar kaga timaado dalka Iran oo ay Sacuudiga hadda ku xafiiltamayaan siyaasadda Bariga Dhexe. Kaddib kulan uu Jimcihi shalay magaalada Riyadh kula yeeshay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ayuu General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka taliska milatariga ee talada Sudan haya, sheegay in Sudan ay isgarab taagi doonto Sacuudi Caraibya, haddii ay weeraro ama khatar kasoo wajahahaan Iran ama maleeshiyaadka xuutiyiinta Yemen. General Mohamed Hamdan, wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in ciidanka milatariga Sudan uu kasii qeyb ahaan doono dagaalka ay Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ka wadaan Yemen, kaas oo ay ku rabaan in ay xiddidada ugu siibaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran. Hadalka kasoo yeeray Golaha Milatariga Sudan, ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ay kaga hadlaan siyaasaddooda dibadda, tan iyo marki ay xakunka ka tuureen, madaxweynihi hore ee dalkaasi general Omar al-Bashir bishii aanu kasoo gudubnay. Source
-
(SLT- Lyon)-Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay qarax Bam oo ka dhacay magaalada Lyon ee ku taalla dhanka koonfur Bari ee dalka Faransiiska. Weerarka ayaa ka dhacay qalbada wadooyinka waaweyn ee magaalada,sida ay xaqiijiyeen Booliska. Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in in sideed qof ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse ilo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in 13 qof uu dhaawaca sii Marayo. Madaxweyne Emmanuel Macron oo shir Jaraa’id qabtay kadib qaraxaan ayaa tacsi u diray dadka ku dhaawacmay Qaraxaan. Denis Broliquier oo ah gudoomiya magaalada ayaa sheegay in ciidanka amniga ay baadi goob ugu jireen la tuhmaha qaraxaan ka Danbeeyay. Muuqaalo laga duubay Camerada qarsoon ee CCTV-ga ayaa laga dheehday nin wajiga qarsaday oo wata baaskiil kana tagaya afaafka moofo ku taalla goobta ka hor inta uu qaraxa Dhicin. Dalka Faransiiska ayaa la tacaalaya weeraro kaga imaanaya kooxaha Argagixisada dhowr kii sanno ee la soo Dhaafay. Sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii 130 qof lagu dilay toogasho iyo qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Paris. Source
-
(SLT-Nairobi)-Maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi waxaa la soo taagay Jamaal Maxamed oo ah Soomaali haysta Dhalashada Maraykanka, kaasi oo lagu soo oogay inuu feedhay Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed oo hore u ahaa Xildhibaan laga soo doortay Wajeer sannadkii 2017-kii. Eedeysanaha waxaa lagu eedeeyey inuu Siyaasigaasi ka dhigay Naafo, kadib markii uu ku feedhy Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi bishii September 17-dii ee sannadkii 2017-kii. Dhibanaha ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus ka gaahdeen Lugta Bidix, taasi oo sababtay inay naafo noqoto. Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah ku joogay gudaha dalka Kenya. Garsooraha Maxkamadda Makadara, Enice Kimaayo waxay sheegtay inuu Eedeysanaha dhibaato gaadhsiiyey Dhibanaha oo ay waxyeello xooggan soo gaadhay. Garsooradda waxay tilmaamtay in la hayo caddaymo ku filan oo taageeri kara dacwadda loo haysto Eedeysanaha. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in 1,500 ka tirsan Milatariga Mareykanka lagu kordhin doono ciidankooda ku sugan Bariga Dhexe. Hadalkaan Trump ee Jimcaha shalay ayaa ku soo aaday xilli ay cirka ay sii galeyso xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan. Xilli uu warbaahinta kula hadlayay aqalka cad ka hor inta uu u duulin dalka Japan ayaa waxuu tilmaamay in ciidanka la sii qorsheeyay mar hore si ay uga hortagaan suura galnimada falal ammi daro oo Mareykanka kaga imaan kara dalka Iiraan. Waxaa rabnaa in aan heysanaa ka hortag, sidaasi darteed waxaan xoojin doonaa difaaceena Bariga Dhexe. Xiligaan ma filayo in Iiraan ay dooneyso dagaal ay la gasho Mareykanka. Maamulka Trump ayaa sidoo kale Jimcaha maanta ku wargaliyay aqalka Congress-ka qorshaha loogu daabulayo cutubyo ka tirsan milatariga Mareykanka. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo sii xumaaday waxii ka dambeeyay markii Kenya ay garoonka diyaaraha kasoo celisay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaasi u tagay ujeedooyin kala duwan, waxaa sidoo kale tagay magaalada Nairobi hogaamiyaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dhexdhexaad ka yihiin xiisadda labada dowladood, islamarkaana ay ugu baaqayaan inay xaliyeen xiisada taagan. Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in Somaliland ay dooneyso in ay fursad kaga raadiso Kenya Khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana ay yeeshaan xiriir Wanaagsan, isagoo taasi ku tilmaamay inay yihiin hadalo dadka ay abuureen. “Annaga ma dhihin kuwa ka dhex faa’ideysatay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. “Soomaaliya wax kuma tarto Kenya ee Kenya ayaa haatan wax ku tarto Soomaaliya,” ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, isaga oo dhaliilay siyaasada arrimaha dibada xukuumada Farmaajo. Waxaa wali taagan xiisadda ka dhalatay go’aanada dowladda Kenya ka qaadatay Soomaaliya, waxaana dowladda SOomaaliya oo ka hadashay arintaasi ku sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aanada Kenya. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Briefing the Council, Raisedon Zenenga, deputy head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), reported that Somalia had made significant progress on its economic and security sector reforms “The Federal Government has decided to apply the same rigorous approach to bring accountability and transparency to the security sector,” he said, noting, among other recent steps, the completion in March of biometric registration of all Somali National Army soldiers. All 16,000 soldiers registered were now receiving their salaries directly into their bank accounts. “This has cut out middlemen, reduced corruption, and ensures regular payment of salaries to military personnel. It also paves the way for rightsizing the National Army,” said Zenenga. In parallel with these security sector reforms, the Federal Governments had launched military operations in Lower Shabelle region to advance the Transition Plan, degrade Al Shabaab in strongholds that are contiguous to Mogadishu and thereby halt the recent increase in Al Shabaab attacks in the capital. Yet, Somalia continued to grapple with significant challenges, he said, explaining that the Federal Government’s reform efforts have encountered “inevitable” resistance. The economic reforms and security sector reforms entail dismantling a war economy that had flourished for decades. “There are many vested interests which pose obstacles to increased accountability. Taking on these vested interests requires not only the determination, which the Federal Government has shown, but an inclusive approach of building relationships with all stakeholders to demonstrate that the reforms will yield benefits for the whole nation,” Zenenga stressed. He also noted that the dialogue between Somalia and Somaliland, which also has implications for the completion of the constitutional review process, remains stalled. “We are, however, encouraged by ‘Somaliland’ President Muse Bihi’s remarks on 18 May expressing his readiness to promote peace with Puntland, including through the exchange of prisoners, and to cooperate with Somalia on issues related to security, trade and education.” Recalling that UNSOM began the new year facing a security crisis as a result of the mortar attack on the UN compound on 1 January, and a political crisis as a result of the expulsion of the special representative of the Secretary-General Nicholas Haysom on the same day, Zenenga said the two incidents had severely disrupted the Mission’s engagement with the Federal Government of Somalia and had also elevated the security risk level for UN personnel and left our staff deeply demoralized. While the Mission had immediately prioritized the safety and security of its staff while concentrating political efforts on mending relations with the Federal Government, Zenenga underscored that a lasting solution to the continuing security threat “will come from denying Al Shabaab space and opportunities to prepare and launch attacks.” View the full article
-
The UK government is providing £8 million for humanitarian support to Somalis affected by the current drought. The funds will go towards providing food security, nutrition, clean water, basic health services, and livestock vaccination; this extra support will provide a significant boost to those affected by the drought. Many thousands of families have not had time to recover from the 2017 drought and are already facing another crisis. Two failed rains and harsh weather conditions during the dry Jilaal season (January-March) has led to water scarcity, crop failure and an accelerated decline in livestock productivity. The United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Somalia estimated 5.4 million Somalis are now projected to be food insecure by July; of which, at least 2.2 million are likely to be acutely food insecure. A spike in drought-induced displacement continues as rural communities flee to urban areas – nearly 45, 000 people have moved so far this year. Severe acute malnutrition rates among children are increasing rapidly, particularly among internally displaced people. On 20 May aid agencies in Somalia launched a Drought Response Plan which called for urgent and sustained resources to avert a major crisis. The plan seeks $710 million to provide critical, life-saving assistance to 4.5 million drought-affected Somalis in the most severely affected areas this year. Head, DFID Somalia, Phil Evans, DFID said: “The drought is affecting millions of Somalis, many of whom have had to leave their homes and livelihoods in desperate search of basic necessities. This funding will provide life-saving assistance to thousands of Somalis living in desperate conditions.” “The number of people at risk will continue to grow if nothing is done. We have learnt lessons from the past and know that acting early saves lives and makes sense.” View the full article
-
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Qoraalka waxaa lagu sheegay in ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in waajib qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah, ayuu Xisbigu wuxuu soo saaray war-saxaafadeedkan oo ah mowqifka xisbiga si loo gaaro xasillooni siyaasadeed oo suurtagalisa in dalku uu guud ahaan horey ugu socdo Source: goobjoog.com
-
The Prime Minister of Somalia’s Federal Government, Hassan Ali Khaire has inaugurated a new mosque built in the Intelligence headquarters on Friday. The mosque is named after the father and the first director of the Somali spy agency Ahmed Suleyman Dafle. Dafle served as the director of the organization for thirteen years after its inception and then as minister for interior. The construction of the modern mosque commenced four months ago. The PM thanked the spy agencies for the implementation of the religious center inside their headquarters saying it will be a great impact for the staff of the agency. The new worship structure is set to change the image of the public as one of the most feared government organization to just any other security department. View the full article
-
A high-level delegation led by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in South African capital, Pretoria on Friday evening. Farmajo is among leaders invited to take part in the inauguration ceremony of the South Africa President-elect, Matamela Cyril Ramaphosa on Saturday 25th May. The President is scheduled to meet various African leaders at the sidelines of the event to discuss issues of mutual interest. Farmajo will meet the Somali diaspora community in South Africa to discuss xenophobic attacks meted against foreigners in the southern African state. Somalia is was among the leading African states supported the South Africa during the struggle against the apartheid government and fight for independence. View the full article
-
Xisbiga uu hoggaamiyo Xassan sheikh oo shir ka yeeshay xaaladda Galmudug Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay halis ugu jirto in ay burburto haddii aysan dowladda Federaalka Soomaaliya ka joojin fara-gelin uu xisbigu sheegay in ay ku hayso. War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka xisbiga ayaa soo jeediyay in la fuliyo heshiiskii midaynta Galmudug ee ay dalka Djibouti ku wada-saxiixdeen labadii dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee kala qeybiyay mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta ay ku hayso xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana bulshada halkaasi deggan u ogolaato in ay keligood ka wada-hadlaan aayaha iyo masiirka degaannadooda. Sidoo kale xisbiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dowlad goboleedka Galmudug ka qaaddo cuna-qabateynta dhaqaale una fasaxdo qoonada ay ku leeyihiin deeqaha caalamku bixiyo ee la soo mariyo xukuumadda dhexe . Dhanka kale xisbiga ayaa taageeray xoojinta heshiis iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda khuseeya kaasi oo ay dhowaan magaalada Gaalkacyo ku wada-saxiixdeen dowlad goboleedka Galmudug iyo Puntland. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Xassan Shekh oo sheegay in Galmudug halis ugu jirto in ay burburto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal kooban wuxuu kaga hadlay magacaabista madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in caasimada Soomaaliya ay joogaan ciidamada AMISOM oo magaalada ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, islamarkaana ay yihiin ciidamo badan oo xaqiijin kara amaanka, balse aysan wali ka dhicin doorasho qof iyo codkii ah. Wuxuu sheegay in madaxweyne kastaa oo qabtaa xilka madaxweynaha dalka inuu soo magacabo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, taasna aysan wanaagsaneyn. “Caasimadda waxaa ku sugan ciidanka ugu faraha badan ee Soomaaliya, waana xarunta AMISOM oo ah ciidanka ugu xoogga badan dalka. Haddana Madaxweyne kastaa wuxuu ku daydaa kii ka horreeyay oo wuxuu noo magacaabaa Duq Magaalo iyo xataa ku xigeennadiisa” “Madaxweyne aan dooranno ha noo dambeeyee, Muqdisho oo keliya inteenna deggani qof iyo cod ma dhiiban karnaa aan ku dooranno Duq Magaalo?” “F. G. Xog ogaal uma ahi sababta uu Madaxweynuhu xalay xilka uga qaaday mid ka mid ah Ku Xigeennada Duqa, mid hor lehna u magacaabay. Kan cusubna hambalyo ayaan leeyahay, guulna waan u rajeynayaa. Qormadeyduna kuma saabsana sababta uu isbeddelku u dhacay ee waxaan u dan leeyahay nidaamka dalka ee doorasho la’aanta caasimadda”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu magaalada Pretoria kaga qeybgalayaa caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/africa. Shalay ayuu madaxweynaha u ambabaxay dalkaasi, kadib casumaad loo fidiyey, iyadoo lagu wado in caleema saarkan ay ka qeybgalaan madax badan oo Africa ah. Madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda ka qeygaleysa caleema saarkan qaarkood iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bardaale (Caasimada Online)-Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib baaritaano ay ka sameeyeen degmada. Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inay baaritaankaasi ka sameeyeen degmada iyo deegaano ku dhow dhow, waxaana guddoomiyaha degmada uu sheegay in xubnaha la qabtay ay Al Shabaab ka tirsanaayeen. Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Xuseen Isaaq oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xubnaha la qabtay oo gaaraya seddex ruux loo wareejin doono magaalada Baydhabo, si halkaasi maxkamad loogu soo taago. “Degmada amaankeedu wuu soo hagaagay, nimankii amni diidka ahaa ayaa waxaan kasoo qabanay dad lala xiriirinayo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin, Hadda waxaan gacanta ku heynaa seddex ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa” “Al Shabaab inta badan wey is qarinayaan, laakiin baaritaanka ciidamada daraawiishta ay ka sameeyeen Bardaale iyo duleedkeeda, laakiin hadda waxay Al Shabaab ku soo koobmeen inay dhuumaaleyso weerar ku qaadaan, waana fashilka lagu ogaado marka koox ay burbureyso”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Bardaale. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay inay wanaagsan tahay xaalada wadada isku xirta Bardaale iyo Baydhabo, halkaasi oo Al Shabaab inta badan ay weeraro ka geystaan Al Shabaab. Xubnaha Al Shabaab ee la qabtay ayaanan wali lasoo bandhigin, waxaana guddoomiyaha degmada Bardaale uu sheegay in baaritaan marka ay ku sameeyaan xubnahaan kadib inay saxaafadda usoo bandhigi doonaan islamarkaana loo wareejin doono magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baay Caasimada@live.com
-
Turkish aid agency distributes food aid to IDPs in Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
urkey's state-run aid agency distributed Friday food aid to internally displaced persons (IDPs) in the town of Gelan on the outskirts of the capital Addis Ababa. Source: Hiiraan Online