Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,496
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. SHEEKO: Beri baa waxaa bukooday Libaax. Godkiisii ayuu ka soo bixi waayey. Waxa uu ka baqay in uu gaajo u dhinto. Waxa uu farriin u diray Dawaco. Waxa uu ku yiri “Dawacoy waan jiranahay, jiradana waxaa iiga daran baahi ee waxaan cuno ii keen. Waxay Dawacadii u tagtay Dameerfarow si ay u soo sirto oo Libaaxa ugu keento. Dameerfarowgii ayaa Dawacadii ku yiri “ beri dhaweyd waxaan hardi ku tartanay Biciid, Goodir, Gerinuug, Lo`gisi iyo Cawl. Intoodaba geeso ayey lahaayeen. Aniguna geeso la`aan ayaan ahaa. Tartankiina dhammaan way iiga guuleysteen. Waxaad ii sheegtaa meel aan geeso ka heli karo. Xoog igu filan waan leeyahaye. Dawacadii waxay damacday inay fursadan uga faa`iideysato inay Dameer farowga u gayso Libaax si uu u cuno. Waxay ku tiri “taasi waa sahal boqorka xayawaanka ee Libaax ayaan kuu gaynayaa isaga ayaa ku soo siinaya geeso aad xirato oo aad isku difaacdo. Weliba boqornimada ayuu kuugu darayaa. Markii ay Libaaxii u yimaadeen ayey ku dirqisay Dawacadii inuu Dameerfarowgu galo godka Libaaxu ku jiro. Madaxa markii uu la galay waxaa labada dhegood qabsaday Libaaxii oo baahan. Xoogiisii oo dhan ayuu dib u adeegsaday Dameerfarowgu. Ka dibna waxa uu Libaaxii ka baxsaday isaga oo aan Labo dhegood lahayn. Dhegahiisiina waxay ku hareen afkii Libaaxa. Sheekadaa waxay noqotay taariikh, mahadho iyo maahmaah caan ah. Qofkasta oo wax aan suurto gal ahayn doona. Ka dibna ku waaya wixii uu haystay ayaa loogu maahmaahaa. Marka dawladda Kiinya waxaan leenahay inta aad leedihiin dhererka baddiina kordhista, yaanay bad la`aan idin ku dhicin. Idinku Dameerfarow baad tihiin. Soomaalidu waa Libaax godkiisa ku jira ee ha u soo dhawaanina!!! Haddaba, Kiinyooy haddii aad malab dooneyso, Soomaalidu waa shinni qaniinyo kulul. Haddii aad ubax dooneyso, Soomaalidu waa Qoddax mudid kulul. Haddii aad Cambar dooneyso, Soomaalidu waa Nibiri wax liqa. Haddii aad Jowharad dooneyso, Soomaalidu waa Mas waabaayo badan. Haddii aad laaca doogga leh arkeyso, Soomaalidu waa Laag aad u dheer oo laga dhaco. Haddii aad tiro badan tahay, Soomaalidu way tayo badan Halka qof ee Soomaaliga ah wuxuu ku filan yahay oo uu la dagaalami karaa 20kii qof ee Kiinyaan ah. Maahmaah waxaan leenahay la yiraahdo: haddii cadowga dibedda uu yimaado, cadowga gudaha wuu dhammaadaa.” markaana Isku duubni iyo midnimo degdeg ah oo sida daruurta roobka u sameysantana waan leenahay. Waxaanu u ololeynaa sida xolodka, meel aan kuleylka isaga baryareyn oo aan gubno Ayaan raadineynaa. Markaanu kugu qiiqno sida dab galay dareemo qalashay. Colaadda dhexdeena way dhammaaneysaa. Si kasta oo ay dagaalada Soomaalida dhexdeena u dheeraadeen, ha moodin inaan qab jabnay oo aan quwad jabnay. Waayo waxaan leenahay Maahmaah oraneysa “Libaax bakhtiyey, bulbushiisa bahal ma taabto.” Haddii aan muuqaalka kore ku kala tagsanahay, ha moodin inaan iskhilaafsanahay. Waayo qalbiyada Ayaan ka mideysanahayoo cadowgeena Ayaan u toog haynaa. Kiinyooy waa sax, laakiin adigu ha dagmin, annagu haddii aan Soomaali nahay biyaha waan ku heshiin waynay. Baadka iyo daaqa xoolaha waan ku heshiin waynay. Deegaanka waan ku heshiin waynay. Qabiilnimo waan ku heshiin waynay. Siyaasad waan ku heshiin waynay. Midnimo waan ku heshiin waynay. Laakiin waxaan ku heshiinaynaa haddii aan nahay rag iyo dumar. Dhallinyaro iyo waayeel. Wadaad iyo waranle. Dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyo inaan dalkeenna, baddeena iyo Karaamadeena difaacno. Kiinya ma loo sheegay sooyaalka dadka Soomaaliyeed. Ma looga taarikheeyey dagaalkii Axmed gurey iyo Xabashida iyo Boortaqiiska oo dhinac ah in ay Soomaalidu ka qabsatay dalka Itoobioya saddex marka loo qaybiyo qayb ahaan. Ma loo sheegay Kiinya in Soomaalidu ay tahay dadkii Itoobiya baray in hilibka ay Cayriin ku cunnaan. Waayo xilligaa dagaaladii Axmed gurey ay socdeen ayaa ciidamadii Xabashida ee go`doon sannaa waxay ka baqeen inay dab shitaan si aan qiiqiisa loogu soo arag. Markaa ayey ugaadha ay dishaan dhiiggeeda ku cuni jireen. Ilaa hadda way ku cunaan. Kiinya ma loo sheegay dagaalkii Sayidka iyo gumeysigii Ingiriiska inay Soomaaliya tahay dalkii ugu horeeyey ee Afrika ee markii loo taag waayey diyaarado lagula dagaalamay. Kiinya ma loo sheegay in dagaalkii 1977kii ee Soomaaliya iyo Itoobiya inay Ciidankii Soomaalidu qabsadeen Magaalada Hawaash oo Addisababa u jirta 100Km wax ka yar. Iyada oo ay Itoobiya gacan siinayeen dawlado badan oo Gaalo iyo Muslimba leh. Kiinya ma loo sheegay inaan ognahay inay iyada oo dhan tahay gobolo dalal laga soo gooyey oo la isu keenay. Sida taariikhdu qoreyso 1920kii ayaa Ingiriisku abuuray dalka Kiinya. Isaga oo ka sameeyey gobolo uu ka soo gooyey Soomaaliya, Itoobiya, Tansaaniya iyo Yugaandha. Dhulka Kiinya loo yaqaan waa sida haragga waylaalista oo kale oo waa dhul la isku kabkabay oo dalal kale amaah looga soo qaatay. Dhul xeebeedka Kiinya maanta ay leedahay oo dhererkiisa lagu qiyaasay 600KM. Waxaa la rumeysan yahay inuu raacsan yahay cadkii dhulka ahaa ee Ingiriisku dalkeenna Soomaaliya ka gooyey. Waxaa fiican inaan Afrikada Madow ku heshiino xeerna ka dhigano oraahda ah “Buuraley idinkaa leh, Badna Soomaali baa leh, bannaana waan wada leenahay.” Horey ayey Soomaalidu ugu Maahmaahday “ Ammaano kugu raagtay inaad leedahay ayaad moodaa.” Haddii ay Kiinya ka hari waydo sheegashada dhulka xeebta Soomaaliyeed ee ay hunguriyeynayso. Ogow annagu marka aan qoriga qaadno ma dhigi naqaano, haddii aan dagaal u qaansheysanana dibu soo noqod ma naqaano. Waxaan soo ceshan doonaa wixii dhul ahaa ee uu Ingiriisku naga kaa siiyey. Waxaan dhaafi doonaa webiga Tana rifa. Waxaan socon doonaa ilaa magaalo xeebeedk Mallindi. Sida ay aqoonyahanadaadu sii saadaaliyeena waxaad noqon doontaa dal bannaan iyo buuraley ah oo aan bad lahayn (landlock) Dadkii joogay ama tegay ayaa la weydiinayaa. Markii burburkii dalkeennu ka dhacay sannadkii 1991kii magaalo madaxda Kiinya ee Nayroobi waxay ahayd badankeed Cooshado ama Buushash ay dad danyar ah ku nool yihiin, maantana Nayroobi waxay ka mid tahay caasimadaha adduunka ugu horumarsan. Waxaa lagu dhisay UNka iyo hay`adaha caalamiga dhaqaalihii ay Soomaaliya ugu talo galleen oo halkaa saldhig lagu qaybiyo looga dhigay. Waxaa kale oo iyana in la xuso mudan qaar badan oo ganacsatada Soomaaliyeed ah oo halkaa maalgashi ka sameystay. Hadda iyo dan waxaan maqli jirey “inta aanu riix qabe hadlin ayuu Raaxo qabe hadlaa.” Wixii maanta ka dambeeya waa in hay`adaha caalamiga ahi la tagaan xafiisyadooda Soomaaliya ka shaqeeya Dalka Jabuuti ama dalka Itoobiya. Si Kiinya loogu bilaabo ciqaabo midba tan ka dambeysa ay ka xanuun badan tahay. Kiinya waxaanay ogayn in dalkeedu oo Soomaaliya u yahay albaab furan oo gelidiisa aanu mugdi iyo marti midna ku ahayn qofka Soomaaliga ah. Waayo calankeenna shanta gees leh ee loo yaqaan shanta Soomaaliya, gees ka mid ah waa degmada Wajeer. Muqdisho iyo Wajeerna xuduud uma dhexeeyo. Haddii ay xaaladu xumaanto Wajeer waxaa laga xukumi doonaa Muqdisho. Maalmihii xornimada waxaanu ku heesi jirnay” Hoo Wajeerey calanka hoo. Shantoo is weheshada wacnaan lahaydaa, Calan inay wadaagaan wanaagsanaan lahaydaa. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Wax badso wax beel bay leedahay.” Weli waxaa guryaha noo yaal dardaarankii Aaabayaasheen iyo Awoowyaasheen oo ka kooban warqad ay ku qoran tahay: Shanta Soomaaliya Ogaada, Ogaada oo sii adkeeya ololaha Wadajirkooda. Waxaa kale oo ay nooga tageen qoryihiin, seefihii, warmihii iyo billaaweyaashii ay ku dagaalami jireen oo miriray, oo aan dooneyno inaan dhiigga cadowga ku soofeyno. Dardaarankaa wuu socon doonaa ilaa aan shanta Soomaaliya meel isugu keenno. Inta ay goori goor tahay inta aad gaagaabsato maad iska aamustid. Haddii aan Soomaali nahay geela iyo dhulkaba waan jecel nahay. Difaacooda hanti keliya kuma bixino ee waxaan u bixinaa dhiig, waanna u dhimanaa. Geela marka la shubayo ayaa loogu heesaa “markay tuban tahay ama lala tago waa Tolleeyoo looma kala tago.” Difaaca dhulkeenna u kala hari mayno. Mar kale oo gobonimada in loo dagaalamo gumeysiga midkiisa cad iyo kiisa madowna laga xoreeyo dalka waxaa lagu heesi jirey “Tulud geel ah oo dhacantaad toogasho u badheedhaane, ma dhulkeeniyoo tegay baan nina dhagax u tuureyn. Dhaqankeenna waxaa ku weyn oo wiilasha lagu gardaadiyaa marka la dhalo inay saddex u dhintaan difaacooda waa geela, Gobonimada iyo Gabadhaha. Kiinya gar bay u leedahay inay libin ku geeraarto. Markay na saqraamisay ee ay caqligii toosnaa naga wareerisay ayey dooneysaa inay tijaabiso dareenkeenna. Waayo waxay noo soo dhoofisaa saddex daroogo. Waa Qaadka, Sigaarka Sportiska iyo Caleenta Shaaha. Annaguna xitaa Findhicil nagama iibsato. Waxaan oran karnaa: KIINYA maanta waxay ka dhigan tahay qof: DHAGAX KU GARAACAYA MIINO AAN WELI QARXIN!!! Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa meerisyo aan ka soo garoocday gabaygii Abwaan Axmed Ismaaciil Qaasim ee uu ku sifeynaayey tilmaantiisa. Sifaha dadka Soomaaliyeedna Abwaanka ayaa noo yiri. · Dacartuba marbay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe · Waxaan ahay macaan iyo qaraar, meel ku wada yaale, · Midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode · Midi waa martida soora iyo, maato daadihise · Midina waa mindiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe · Miisaanna ima saari karo, nin I maleeyaaye Waxaa qorey: Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horeysay ka hadlay safar ay Guddoomiye Ciro iskugu raaceen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Samatar ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay sida ay hadda isku yihiin xisbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye, iyo shakiga dhowaan xukuumada Biixi ka muujisey daacadnimadiisa. Prof. Axmed Ismaacil Samatar, ayaa arrimahaasi waxa uu kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV, wuxuuna yiri “Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nairobi, aniguna Nairobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay”. “Waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu su’aalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa, waxaan rajeynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin”. “Waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganahay iyo ku jiritaanka xisbiga, laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Markii Ernest Maiki uu helay shahaadadiis dugsiga sare sanadkii 2011, waxaa ku biiray jaamacaddaha guud ee Kenya, si uu udiyaariyo heerka waxbarashadii koowaad una helo [...] Source
  4. The European Union is renewing its support for peace in the Horn of African even as peacekeepers in Somalia struggle with reduced funding. Source: Hiiraan Online
  5. Awr-isku-kacsiga Isaaq iyo Mogadishu Clan Xodxodashada iyo awr-isku-kacsiga Isaaq iyo Mogadishu Clan waa shar dab gelin kara intii xasillonida ahayd ee Somaliland iyo Soomaaliya. Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah. Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur. Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan. Waa ay samaysteen jabhaddii, waxanay labada dhinac ku heshiiyeen in marka Itoobiya la qabto in Tigeegu madaxbannaani siiyaan Eritrea. “Waana tii dhacday”, bay yidhaahdeen. Waxa kale oo weftigu yidhaahdeen “waa taa hadda labada qolo Koonfurta ku dagaallamayaan. Tii aad taageertaan baana guuleysanaysa”. Waxa ay soo jeediyeen Caydiid taageera oo marka uu Cabdillaahi ka adkaado ee uu dawlad dhisto la hadla, waa uu idin yeeli doonaaye. Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “oo markaa waxa aad i leedihiin, reero ayaannu nahaye, Fagadhe is dila”! Fagashe, AHN, waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland ee maalintaas, waxa aanu ahaa nin Daarood ah oo weliba Harti ah. Xildhibaan Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaan sheekadan ka soo dheegtey hadal uu ka jeediyey xuskii 16aad ee geeridii Cigaal, AHN. Dhacdooyinka taariikhda ee foosha xumi waa gunnimo haddii ay isu soo celceliyaan sida biyaha calcalyada ah ee xarfanaya meel bannaan. Maanta se Cigaal ma joogo oo waa “meel libaax ka kacay atoor fadh fadhiisey”! Mid kalaan xusuustay oo ah shirkii Dir ee Iyoobiya ka dhacay iyo doorkii Somaliland ay ku lahayd oo arrintan is beerlaxawsigu ku taxmi karto. “Waa nin madaxu buko oo minjaha deyey”! Kooxo intii wax isla oggolayd ku guul-darraystay in ay mideeyaan oo colaad dhexdooda geliyaan isuna soo dhoweyn karaan, mana midayn karaan in awel ba kala fogeyd oo dayr dhex yiil. Mogadishu Clan iyo Isaaq mid waliba gaarkiisa ayuu xanuun ula taahayaa oo sariirta ula ula jiifaa. Haddii labada cudur la isu keeno waxa ka faafi cudurro kale oo aan dawo yeelan marka laga yimaaddo boogta weyn ee dib u milil dillaaci doonto. Waa “raad arooryo oo dib loo raacay”! Karis xun se iyana wax ku la’. Maanta waxa door noqon lahayd in qolo kasta iyadu isa soo shashafayso oo gudaheeda iska hagaajiso. Hooyo caano i sii iyo horta reerku ha dego saw carruurta laguma odhan jirey? Maalinta talo saalloonaato in la isu yimaaddo oo laba loo wada hadlo: Soomaaliya oo isku dhan is wadata iyo Somaliland oo isku dhan oo is wadata wixii ka sokeeyaa “waa kud ka guur oo qanjo u guur”. “Ka fiirso intaanad falin, fari na togdheer bay kula xushaa”! “Belo ka hortag bay leedahay ee dabo la qabto ma leh”! “Waar hooy ka daayaannu idin leennahay”! Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  6. Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu isbeddel ballaaran ku samayn doono maamulka iyo laamaha amniga gobolka Mudug kadib markii uu wada-tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha gobolka Mudug ku xigeenkiisa iyo taliyaha qeybta Booliiska Mudug islamarkaana uu magacaabi doono mas’uuliyiin cusub. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Mudug iyo garsoorayaal kale inkastoo warbaahinta Puntland Post aysan weli xaqiijin warkaasi. Dhinaca kale madaxweyne Deni maalinta berriya ayaa la filayaa in uu safarkii labaad ee dibadda ugu baxo waddanka Shiinaha iyadoo socdaalkaasi la xiriiro dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta. PUNTLAND POST The post Xog: Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya mas’uuliyiin kala duwan appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle ku madlan degmooyinka Xamar weyne iyo Wenlaweyn oo kala matali doona gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa kulamdii hore muujiyay dadaallo xoogan, waxaana ay la yimaadeen natiijooyin wanaagsan. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan u tafaxeydanaya ka qeyb galka barnaamjika caawa, si ay degmo weliba u difaacado dhibcaheeda. Xamarweyne iyo Wanlaweyn degmada badisa waxa ay u gudbi doontaa wareega sideed dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Degmooyinka Kaxda, Howlwadaag iyo Dharkenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa horay isaga xaadiriyay wareegaasi. Tartanka oo si habsami leh xarunteena dhexe Muqdisho ayaa waxaa si toos ah uga daawan kartaa boggeena Facebook Shabelle Media Network. Sanadkan waxaa tartanka si wadajir u taaba gelinaya shirkadaha ganacsiga ee BECO iyo COCA-COLA. View the full article
  8. Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in weli deegaano hoostaga gobolkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in howlgalladaan ay yihiin kuwo qorsheysan, islamarkaana u jeedadoodu ay yahay, sidii Al Shabab looga saari lahaa deegaanada ay maamulaan gobolkaasi. Howlgalladani ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday deegaanadaasi. Dagaalayahannada Al Shabaab ayaa xoogan Jubbooyinka, waxaana weeraro xoogan ay ka fuliyaan gobolladaasi. View the full article
  9. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka Shabakadda Caasimadda Online ay ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu fashiliyay qarax miino ahaa. Ciidamada ilaalada u ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qaraxaas oo lagu aasay meel ku dhow Guriga uu Kismaayo ka degan yahay Musharaxa. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ilaalada u ah Xildhibaan Xidig ay arkeen qaraxa lagu aasay meel dhowr Tallaab u jirta Guriga Musharaxa,sidaasina ay ku fashiliyeen. Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  10. Dowladda Germany ayaa joojisay mashruuc dib lagu dhisi lahaa Isbitaalkii guud ee magaalada Garoowe ee caasimadda Putnland, kaas oo dhismihiisa la qorsheynayay sanadkaan 2019ka. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Putnland Dr, jaamac Faarax ayaa sheegay sababta ay dowladda Germany ula laabatay dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Isbitaalka. “ Waxaad ogtihiin in maalin dhaweyto uu Germany noo yimid oo Project in badan socday oo aheyd in Isbitaalkii magaalada dib loo dayactiro meelaha danbana laga dhiso qeybo cusub oo Isbitaalka lagu soo kordhiyo, markii ay noo yimaadeen waxa ay noo sheegeen in Isbitaalka sidii ay rabeen ayna u dhiseynin, waxa ayna nagu wargaliyeen maadaama dhismihii dhisnaa aadnan wax ku qabsanin dhismo ladhisaa inuu wax uu soo kordhinaayo uusan jirin” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in dowladda Jarmalku ay shuruud uga dhigtay dhismaha Isbitaalka in maamulku uu ka shaqeysiiyo inta dhisan ayaguna ay ugu darayaan ka dib dhismaha cusub. “ Haddii Isbitaalkii shaqaale ahaan annagu aan ka shaqeysiino dhismihii intii ay noo ogolaadeen aan dhisano waxa ay rajo ay ka muu jireen iney inta dhiman ay noogu darayaan, sidaa darteed annaga waxaa waajib nagu ah inaan taanada aan ka soo baxno oo Isbitaalkii aanagu ka shaqeysiino haddaan teena gabno cidina wax inagu tarimayso” Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusan in wasaaradiisa ay ka go’antahay in Isbitaalkii uu shaqeeyo si dib loogu mashruuca dib u dhsna loogu sameeyo Isbitaalkii guud ee garowe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj. Maxkamaddu: Markay Aragtay : Aayadda 178aad ee suuratul Baqara iyo Qod. 434,440 XCS oo lala akhriyo Qod. 195bis, 194 XCCQS. Markay Aragtay : Qiraalka Eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed oo uu ka hor cadeeyay garsoorka hortiisa in Marxuumka oo mooto Bajaaj wado uu ka soo gudbay kontaroolka baarista sidaasna uu ku istaajiyay, kadibna uu ku amray in uu dhiibo furaha mootada oo uu wadaha ka ahaa Marxuumka marki uu ka diidayna uu isagoo ku cabsiinaayo qorayga uu hal xabad madaxa kaga dhuftay , isla xabidiina ay dhaawac u gaysatay qof kale. Markay Dhagaysatay : Markhaatiyaashii la horkeenay maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay arkayeen marxuumka oo ka gudbaya kontaroolka kadibna uu istaajiyay eedaysanaha muran kadibna ay xabad ka dhacday qorayga uu watay eedaysanaha madaxana kaga dhacday marxuumka ,isla-markaana dhaawac u gaysatay qof kale oo shacab ah. Markay Dhagaysatay : Gaba-gabada Gungaarka baarista Boliiska oo uu Baaraha Gal dacwadeedka ku cadeeyay in eedaysane Cali Max’ud Axmed uu si bareer u dilay marxuum C/risaaq Yuusuf Guure, dhaawacna u gaystay dhibane Cali Xaashi Mataan. Markay Aragtay : Cadaymaha Dambi Muujinta ah oo la horkeenay oo ay ka mid ahaayeen :- Cadaymaha laga qoray Maragga iyo dhibanaha dhaawaca ah, qiraalka laga qoray eedaysanaha, warqadda cadaynta dhimashada iyo sawirada marxuumka, mootadii uu wadaha ka ahaa marxuuumka, qorayga uu dilka ku gaystay eedaysanaha oo noociisu ahaa AK-103 No. 08096. Markay Dhagaysatay : Doodii u dhaxaysay dhinacyada kala ah xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedaysanaha. Maxkamadda ayaa ku heshay Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan igoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu gaystay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa. Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga. Sidaas Darteed, maxkamadda waxaa u caddaatay in eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Maxamed Kaahin Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Uga Hadlay Shirka Beelaha HABAR-JECLO Iyo West Burco Clan Ee Ku Dhawaaqay Boqor Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Addis Ababa)-Actrada Caanka ka ah shirkadaha Bollywood iyo Hollywood ee ka soo jeeda dalka India, Priyanka Chopra Jonas isla markaana ah Safiir maamuuseed ka tirsan hay’adda UNICEF ayaa socdaal ku timid dalka Ethiopia si ay ula kulanto caruurta ku jira qaxoontiyada dalka Ethiopia ee ka soo barakacay dagaalada iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Qaarada Afrika. Intii ay ku gudo jirtay socdaalkaasi ayay Priyanka Chopra Jonas ay la kulantay caruurta iyo dayarta ku nool xerada qaxoontiga Bambasi, oo hoy u ah 17,000 oo qaxoonti ah oo badidoodu ka soo cararay Sudan iyo sidoo kale xerooyinka qaxoontiga Hitsats iyo Adi-Harush , halkaas oo ay ku sugan yihiin 55,000 qaxoonti ka yimid Eritrea oo halkaasi ku nool. “Caruurtan guryahoodi waxa ka soo eryey dagaalo iyo dhibaatooyinka khasaare gaadhsiiyey noloshooda,” ayay tidhi Priyanka Chopra. Dalka Ethiopia waxa uu hoy u yahay 900,000 Qaxoonti ah – waxaana lagu tilmaamaa dalka labaad ee martigaliyey qaxoontii ugu badnaa ee Afrika. Waxaanay ka mid ah dalalka ay qaxoontigaasi ka soo carareen dalalka Somaia, South Sudan, Eritrea, Sudan iyo Yemen, waxaanay badidoodu ay ka soo talaabeen xuduudaha iyaga oo baadigoob ugu jira nabadgalyo iyo nolol wanaagsan, oo ay la kulmeen khataro dhimasho iyo kala sooc ah. Source
  14. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-250519.mp3 View the full article
  15. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the arbitrary detention of privately-owned SBC TV reporter Mohamed Sahal Omar (Ga’ma Dhere) in Kismayo on Friday morning, May 24, 2019. Source: Hiiraan Online
  16. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyey Jubhado Hubeysan. Maxamed Axmed Kaahin oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay jamhado hubeysan xilli uu Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in Jabhadaha uu sameeyey Farmaajo loogu talagalay in lagula dagaalamo Maamulka Somaliland. Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa uu sheegay in Jamhaddaha hubeysan qaar ka mid ah ragga hoggaaminaya ay Somaliland u taqaano si wanaagsan oo lagu doonaayo in lagu burburiyo Somaliland. Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhibaato ku haayo degaanada maamulka Somaliland. Wafdi ka socday Somaliland oo ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Nairobi ayaa la kulmay qaar ka mid ah Safiiradda Calaamka, waxaana ay sheegeen in ay kala hadleen xaaladdaha Somaliland oo Jamhaddaha ay ugu horreyso. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Jamhad hubeysan ay ka dillaacday gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwasoo fadhigooda uu yahay Magaalada Qardho, islamarkaana la dagaallama Somaliland. Dhawr sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa soo goystay waxayna ku dhawaaqeyn dagaal ka dhan ah Maamulkaas, waana sababta keentay inay Somaliland ku eedeyso Farmaajo inuu isaga dambeeyo jabhadaha lagu abuurayo deegaanadaas. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. DAWLAD SOMALIA LA YIDHAAHDAA MA JIRTO , SOMALILAND NA CIDA CAGTA KU HAYSAA WAA BEESHA CAALAMKA !!! Waad isweydiinaysaa sababta uu qoraalkayga cinwaankiisu u yahay in aan duro nidaamka maamul dawladeed ku sheega ah ee aduunku gacanta ku hayo ee sheegta in ay haystaan sharciyadii dawladnimadii Jamhuuriyadii Somalia Wada lahayd oo meelo kooban oo muqdisho ah maamulkeegu kaga taliyo awood gacan shisheeye . Waa tahay , haddaba dawladnimadu maaha wax dadka dusha lagaga keeno oo xoog iyo jujuub umada lagu marsiiyo ee waa nidaam salka hoose ka soo dhisma oo dadka ka yimaada oo ay iyagu u arkaan wax ay leeyihiin oo danahooga ka shaqeynaysa rabitaankoodana ku joogta , awooda shacabka iyo kalsoonida umada haysata , kuna shaqeynaysa aragtida iyo danaha dadka Somalia leeyihiin . Aduunku waxa uu sideed iyo labaatan sanadood somalia ku wadaa in uu dawlad u dhiso uu dhaqaale iyo ciidan iyo cudud ba la garab taagan yahay , mudadaa in leegna waxa aanu hoos u eegin rabitaanka iyo jiritaanka dadka reer somaliland dawladnimadoodii kagala soo noqdeen go’aan shacbi , go’aankaasi oo waxgaradkii reer somaliland ku gaadheen magaalada Burco 1991kii, dadka reer somalilandna afti dadwayne ku meel mariyeen tiro ah 97% in ay somaliland tahay dal madax banaan oo leh dastuur iyo nidaam dawladeed oo ah kii ay heleen 26-June-1960kii ee ay Somalia kula midoobeen 1 July 1960kii. Somalia waxa iyaguna jiray, marka la eego dawladaha rabay in ay wax u dhisaan , waxa ay ahaayeen dawladahii ay deriska ahaayeen xiligii ay dawlada ahayd somalia oo dhamaantood danahooga ka dhex fushanayey , shirarkaa dawladnimada loogu dhisayey somalia waxa dibada ka ahayd somaliland oo la ogaa in ay go’aan ku gaadhay in dawladnimadii la isku darsaday ay qaybteedii la soo noqotay , xataa waxa xusid mudan in shirkii Djibouti 1991-1992 loogu qabtay jabhadihii Somalia ka dagaalamay ee nidaamkii kalitaliska ahaa talada ka tuuray in aanay SNM oo ahayd jabhadii ugu xooga waynayd ka qayb galin oo shirka laga sheegay. Aduunka iyo dawlad kasta oo shir somalia u qabanaysaana way og tahay in aanay somaliland ka mid ahayn Somalia talana aanay isugu jirin , laakiin waxa marwalba jiray shaqsiyaad reer somaliland ah oo fikirkooga shaqsiga ah ku aaminsan somalia amaba u arkay wax ay ku heli karaan fursad siyaasadeed oo ay ku muuqdaan , manfac iyo magac kay doonaan ha ku helaane oo meel looga qoondeeyo waxaa somalia loo dhisayo. Imikana way jiraan qaar iyaga oo kale ah oo nidaamka muqdisho laga dhoob-dhoobay ka mid ahi , waxa se mid wax lagu qaato ah in dadkii aaminsanaa in somaliweyn ay somaliland ka mid tahay dib loo dhisi doono waliba kuwoogii ugu mudnaa aragti ahaan iyo aqoon ahaan iyo mabda’a ahaan waxii ay markaa aaminsanaayeen in ay dib u soo noqdeen oo dadkoogii reer somaliland wax la qabsadeen iyaga oo cadeeyay in ay qaldameen oo cafis ka dalbaday dadkooda iyo dawlada somaliland. Marka ay sidaa tahay ee aynu og nahay halka aynu kala taaganahay sideed iyo labaatankaa sanadood Somalia iyo Somaliland , cida dhibta ugu weyn somaliland ku haysaa waa dawladaha dunida ee daneeya Somalia iyo waxa loo yaqaan beesha caalamka oo aan u cadaalad sameyn dawlada somaliland iyo dawlad ay gacanta ku hayaan ee Somalia . Sidaasi oo kale inta waxaasi oo dhami dhacayeen dadka siyaasiinta ah ee Somalia hogaaminayey iyada oo aduunyadu garbaha haysaa may garan walaaladiin Somaliland dawlada ay samaysteen hala amaan galiyo oo dadka reer somaliland ee hore loogu duudsiyey dawladnimadii , calankii , cududii Jamhuuriyada Somalia ee ay walaalnimo iyo wanaag idiinkula yimaadeen , ha ugu darina hadimo iyo hagar daameyn qadiyadooda iyo rabitaanka dadkooda lidi ku ah ee marwalba hadal macaan oo af-gobaadsi ah iyo colaad hadoodilan ayey u taagnaayeen . Maanta iyo maxaa xal ah haddaba ; —————————————————- Mar hadii xaqiiqada jirta aanay aduunka iyo somali midna ka qarsoonayn , oo arinku noqday qasab aynu ku kala lulano , mar hadii aanay cidna ka qarsoonayn somaliland iyo somalia arinkooga halka la kala taagan yahay siyaasiyan iyo waxa midwaliba qabsaday iyada oo waliba la eegayo in somaliland loo garba – duubay somalia oo wax noqota , wax ka soo muuqdaana aanu jirin waxa haboon; – 1- In Somaliland shuruud la’aan aqoonsi ay aduunku ku siiyaan iyo maamulka iskii isku taagi waayey ee ay aduunyadu garbaha haysaa , magdhowna laga bixiyo iyo raaligalin waxii dadka somaliland ay u geysatay dawladii somalia , iyo waxii ay beesha caalamka iyo maamulada maqaarsaarka ah ee Somalia u duudsiyeen rabitaanka dadka reer somaliland ee jiritaanka iyo dib ula soo noqoshada qadiyada somaliland looga hortaagnaa mudadaana go’odoonka looga dhigay. 2- In dadka somalia iyagu danahooga ka tashadaan oo loo daayo taladooda si ay u keensadaan dawlad aan cidi u dhisin ee rabitaankooga ku joogta oo iyaga ka timid oo somalia u soo celisa amnigii iyo kala dambayntii . 3- Iyo in ay meel uga soo wada jeestaan cadawyada faraha badan ee midwaliba danihiisa ka dhex fushanayo umadaa somalia , ee sideed iyo labaatanka sano dhibaatada iyo amni daradu haysato , oo ay diidaan dagaalada iyo masiibooyinka loo soo waariday ee aan ahayn wax hore loo arkay. 4- In Somaliland noqoto dalka ugu horeeya ee walaalnimo , wanaag iyo darisnimo aan danaysi ku jirin wax kula qabata umada somalia ee sideed iyo labaatanka sano marba madalooti muuqaal dawladeed leh loo soo dhisayo oo macne ahaan u jirin , iyada oo dhiirigalinaysa dawlad shacabka somalia soo dhistaan iyaga oo ka madhan farogalin dibadeed. Waxa aan is leeyahay runta iyo waxa dhabta ah ee jira oo la sheegaa waa xal iyo wanaag loo baahnaa oo horumar u keeni kara iyo wada-jir gobolkan Geeska Africa ee noqday meel marka la maqlo ay aduunyadu xasuusato , dagaal iyo colaado , gaajo , xasuuq , argagixiso , budhcad badeed , dawlad la’aan , dulmi iyo duudsiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo gobolkani ku sawirmay nus-qarnigii ugu dambeeyay , Africa iyo aduunkana kaga hadhay oo dib u dhac weyn ku keenay. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Tell: +252634241005 Image Qaran News
  18. SANAAG DADKEEDAA HAGRADAY MAANTANA UGUNA WACAN DHIBKAA KA JIRA. Wararka Arxandarada Ee dhiig Miirtayaasha Kunool Deeganada Gobolka Sanaag Gaar ahaan Ceel-Afweyn Uma Arko Wax ay Dawladu Wax Ka qaban Karto Sababo Badan Awgood, Dadyowga Garashada Iyo Aqoontu Ku yartahay Ee Aan Dil mooyee Daa Aan Garaneyn Ee Dega Deeganadaa Ayaa Hawshan Ka Masuul Ah Dusha Iyagay U saarantahy Dhib kasta Iyo Hagardaamo Dhiig Daadasho Ee ka Dhacda Deeganka. Sanaag Maanta wax Ku cadaatay Cid kaleba Maahee labada Reer Ee Asliyan wada Dega Deegaanka Inay Dadka Kale Ka Danbeeya Dhaqan Ahaan, Aqoon Ahaan Iyo Garasho Ahaanba Waxa Dul Hadheysay Badawnimo baahsan Oo Biyo Dhigtay waliba Gundahooda. Haday Inuun Damiir leeyihiin Iskumay Dileen Dhiigna Umay Daadiyeen Wax Yaroo Basiida Oo Ay Xalkeeda Iyagu Gaadhi karaan. Haday Inuun Garasho Leeyihiin May Sameeyeen Inay Kabaxaan Dhaarta, Waa labada Beeloodbee inu Uunbay Wax Ku garan lahaayeen Dhaarta Iyo Xeerarka ay Dhigteen. Haday Inuun Iimaan leeyihiin May Jabiyeen Cahdigii Balantii Iyo nabadii juhdiga La geliyey Ee La Soo Afjaray. Maanta Ma Jirto Cid keli ah Oo Eeda Dhakada Laga saarayaa, Mana Jirto Cid keli ah oo kamasuul Noqoneysa Hawsha Halkaa Kataagan balse Waxa Eeda wada Yeelanaya Deeganka Wax Dagan Oo dhan. War Miyey ka Liitaan Odeygii Ugu weynaa Somaliland Dhibtii Iyo mashaqdii Aabihii Loo geystay Ee Uu halkaa Ka maray Isagoo Ka aarsan Karaaya Ninkii Abihii Dilay. War Miyey wax Ku qaadan Kari Waayeen Odeygii Ugu Danbeeyey Ee Caruurtiisa Lagu Laayey ee Iska Dhaafay Idhina Anaa Nabad ka Dooranaya Caruurtayada Aan Dilka Ku waayey. Sanaag Manta Waxa Ku shaqeysanaya Dadkeeda Dagan Dadyow Kale Oo Faraha Kula Jira Falalka Ka Dhacaaya. Sanaaga Manta Dadkeeda Ayaa Halkaa Dhigay Una Gartay Inay Noqoto Deegaan Ku Soo Shacbaxay dil, Boob, dhac Ay Arxandaro Ku Jirto. Sanaag Manta Hagaardaamo Kasta Oo ay Dadku Qaban Iyagaa Gondahooda Ku samysatay Cidna Ayey Ugu Calaacalin Dawladna Yey Dhakada Kasaarin. Kaliyaata Maanta Waxaan Odhanlahaa Dadka Degan Deeganka, Inta ka maqan Ee Dunida Kale Kala Joogta iyo Gobolada Dalkaba inta Ku Nool ee leh Aqoonta Iyo waxgarashada Xeesha dheer la saaxibna Ah Waayo aragnimada waxan leeyahay Deegaankiina Dib Ugu Noqoda Oo islaaxiisa Iyo wanaagiisa Ka Shaqeeya Waa Hadaad Inuu Damiur Leedihiin. hal-kalana Waan Kudarayaa Maanta Reer Sanaag Hadii Ay Nabad Iyo wanaag Doonayaa Haka Ilbaaxaan odayaasha Cimaamadaha Waa weyn kala Sita Ee waxay Cunaan Mooyaane wax Kale Aan Hayn Ee ku dhex Jira Labada Beeleed Ee daga Mesha. Alle Hakala qaboojiyo Hana ukala Dhib yareeyo Mashaqada Mesha Ka Taagan qalbiyadoodana Ha Isku Nadiifiyo, Gacal Iyo Xigto Islaaashadana Haka Dhigo Waa Bil Ramadaane Alle haka Dhex qabto DadkaSida Arxandarad U daadinaya dhiiga Umada Aamiin W/Q:- Abdirahman S. Carab Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)-Dhacdo Fadeexad Ah Oo Maanta Ka Dhacday Madaarka Hargeysa, Maxamed Kaahin Oo Ka Cadhooday Su’aal La Waydiiyay Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Caddaystay Difaaca Xukuumadda KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka Darawal Mooto Bajaaj, kaasi oo darawalka ku dilay Muqdisho. Eedeysanaha la xukumay ayaa lagu magacaabaa Dable Boolis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan ku dilay agagaarka Tarabuunka Darawal Mooto bajaajle oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Guure, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah. Kiiska askarigaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa dhageysigiisa ay ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay xukunka Askariga. Maxkamadda ayaa sheegtay eedeysanaha la xukumay inuu haysto Racfaan uu ka qaadan karo kiiska. Waa Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka darawal Mooto Bajaaj, iyadoo dhawr mar dilal ka dhacay Muqdisho ay gaysteen askar, balse aanan la soo taagin maxkamad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Garowe (Puntlandi) Dowladda Germany ayaa la laabatay dhaqaalihii loogu talo galay mashruuc isbitaal weyn loogu dhisi lahaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kaasoo dhismihiisa la [...] Source
  22. Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj. Maxkamaddu: Markay Aragtay : Aayadda 178aad ee suuratul Baqara iyo Qod. 434,440 XCS oo lala akhriyo Qod. 195bis, 194 XCCQS. Markay Aragtay : Qiraalka Eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed oo uu ka hor cadeeyay garsoorka hortiisa in Marxuumka oo mooto Bajaaj wado uu ka soo gudbay kontaroolka baarista sidaasna uu ku istaajiyay, kadibna uu ku amray in uu dhiibo furaha mootada oo uu wadaha ka ahaa Marxuumka marki uu ka diidayna uu isagoo ku cabsiinaayo qorayga uu hal xabad madaxa kaga dhuftay , isla xabidiina ay dhaawac u gaysatay qof kale. Markay Dhagaysatay : Markhaatiyaashii la horkeenay maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay arkayeen marxuumka oo ka gudbaya kontaroolka kadibna uu istaajiyay eedaysanaha muran kadibna ay xabad ka dhacday qorayga uu watay eedaysanaha madaxana kaga dhacday marxuumka ,isla-markaana dhaawac u gaysatay qof kale oo shacab ah. Markay Dhagaysatay : Gaba-gabada Gungaarka baarista Boliiska oo uu Baaraha Gal dacwadeedka ku cadeeyay in eedaysane Cali Max’ud Axmed uu si bareer u dilay marxuum C/risaaq Yuusuf Guure, dhaawacna u gaystay dhibane Cali Xaashi Mataan. Markay Aragtay : Cadaymaha Dambi Muujinta ah oo la horkeenay oo ay ka mid ahaayeen :- Cadaymaha laga qoray Maragga iyo dhibanaha dhaawaca ah, qiraalka laga qoray eedaysanaha, warqadda cadaynta dhimashada iyo sawirada marxuumka, mootadii uu wadaha ka ahaa marxuuumka, qorayga uu dilka ku gaystay eedaysanaha oo noociisu ahaa AK-103 No. 08096. Markay Dhagaysatay : Doodii u dhaxaysay dhinacyada kala ah xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedaysanaha. Maxkamadda ayaa ku heshay Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan igoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu gaystay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa. Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga. Sidaas Darteed, maxkamadda waxaa u caddaatay in eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ay weheliyaan golahiisa wasiirada iyo golaha sharci dajinta oo safar shaqo ku mariyay qaar ka tirsan magaalooyinka maamulkiisa ayaa Gaalkacyo ka sheegay in dowladda Puntland ayaa xooga saarayso horomarinta dhallinyarada iyo dhameestirka garoomada kubbadda cagta Puntland. “Horumarinta dhallinyarada Puntland waa mida ugu muhiisan uu maamulkayga xooga saarayso dhinacyada abuurida shaqooyinka iyo kasoo muuqashada wasaaradaha dowladda” ayuu madaxweyne Deni sheegay,isagoo safar shaqo ku mariyay gobolada Gaalkacyo. “Si dhaw ayaan ula sodaan heerka uu marayo dhismaha garoonka Cawaale si joogta ah ayaa la ii siiyaa warbixinada ku aadan heerka uu marayo,waxaa kaloo la ii sheegay meelaha aad ka qaladeen iyo sida loo rabo in loo hagaajiyo” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni sii raaciyay hadalkiisa. Bilihii lasoo dhaafay March iyo April madaxweyne Deni waxa uu magaalooyinka Qardho ,Basoosaso ka dhagax dhigay labo garoon oo kubbadda cagta ah waxaana arinta si weyn usoo dhaweeyay dhalinyada iyo bahda isboortiga deegaanada Puntland. “Farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoomada kubbadda cagta Qardho,iyo Boosaaso waxaan garawsannahay ahmiyadda ay u leeyihiin ciyaaruhu waxa ay qeyb weyn ka qaadanaysaa horomarka aan la doonayno dhallinyaradeena waxaan bogaadinaynaa dedaalka ay ku jiraan xiriirka kubbadda cagta Puntland iyo maamulada labada magaalo”ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni u sheegay Goobjoog. Madaxweyn Saciid cabdullahi Deni oo aad u faraxsan ayaa hadalkiisa ku soo xeray “waxaan rajaynaa markii la dhameeyo shaqooyinka iminka ka socda garoomada kubbadda cagta Puntland in aan kuwada ciyaarno”. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni Oo Ka Hadlaya Arimaha Garoomada Puntland si kastaba kooxda Puntland ayaa sanadii 2016 markii ugu horeesay oo la qabtay ciyaaraha kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku guulaystay,balse sanadkii xigay 2017 ciyaartooyda Puntland waxa ay kaalinta 2aad ka galeen isla ciyaaryahan,iyagaoo labada jeer fiinaalka la dheelay kooxdii ka socotay maamulka Jubland,falanqeeyaasha ciyaaraha waxa ay qorshaha horumarinta garoomada Puntland u arkaan mid sii adkeenaysa xidigaha ka imaanaya Puntland maadaam ay helaan goobo casri ah oo lagu ciyaaro. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com