-
Content Count
208,510 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa sheegay inaanu jirin socdaal uu Madaxweynaha Kenya Uhuyrru Kenyatta ku imanayo Somaliland oo ay xukuumadda Somaliland ogtahay. Toddobaadkan waxa baraha bulshada aad loogu baahiyay qoraal uu bartiis twitterka ku baahiyay Rashiid Cabdi oo ah khabiir degen Kenya oo falanqeeya siyaasadda gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika oo sheegay in Madaxweyne Biixi uu booqan doono Kenya, halka uu Madaxweynaha Kenya isna iman doono Somaliland inta aanu sannadkani dhammaanin. Wasiir arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika arrintan weydiiyay ayaa ku jawaabay “Horta inaga iyo Kenya, xidhiidh fiicna baa hadda inoo dhexeeya, waliba xidhiidhka inoo dhexeeya muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid sii kordhaya, oo xidhiidhkii hore ee inoo dhexeeyey ka sii fiicnanaya, waxaana ku rajo weyn nahay in xidhiidh dhinacyo badan leh aynu yeelano, oo aynu iska kaashano waxyaabo badan, Madaxweynaha Kenyana dalkeena wuu iman kara oo socdaal uu ku iman kara, sida uu Madaxweynaheenu uu socdaal ugu tagi karo Kenya iyo Wadamada kaleba, waana ku rajo weynahay in maruun dalkeena uu yimaado Madaxweynaha Kenya iyo Madaxda kale ee Caalamkuba, laakiin socdaal rasmiya oo Madaxweynaha Kenya uu Somaliland ku imanayo oo aanu ognahay ma jiro.” Source
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta magacaabay guddi qaabilsan dib u-habaynta hay’daha dowladda Puntland ee gobolka Mudug. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddiga dib u-habaynta hay’adaha dowladda ee gobolka Mudug oo ka kooban 8 xubnood kana ka kala tirsan golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland. Halkaan ka eeg dikreetada PUNTLAND POST The post Deni oo magacaabay guddiga dib u-habaynta hay’daha dowladda ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay weriyaasha gobolka Mudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo. Kulanka warbaahinta iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Afhayeenka Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland oo la hadlay weriyayaasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xirfadda warbaahinta, waxaa uu u beyaamiyey dhallinyarada qaabka ugu sahlan oo ay uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka dhanwalba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in wabaahintu tahay tiir kamid ah tiirarka dhisa dalkooda, dhan amni, dhan siyaasadda, dhan bilic iyo inay qayb ka noqdaan sidii looga gudbilahaa xaaladda uu hadda dalku ku jiro. Aniisa Cabdalla Axmed oo kamid ahayd weriyayaashii Madaxweynuhu la kulmay ayaa faahfaahin ka bixisay arrimihii muhiim ka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadlay. “Madaxweynuhu kulan dheer uu la qaatay wariyaasha waxaa uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danaha dalkooda oo ay qayb ka noqdaan horumarka kala duwan ee ka socda Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug” Ayay tiri weriye Aniisa Cabdalla Axmed PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay weriyaasha gobolka Mudug appeared first on Puntland Post. -
President of Djibouti Ismail Omar Guelleh hailed Saudi Arabia’s hosting of the Gulf, Arab and Islamic summits, saying it stems from its sense of duty towards the region. He told Asharq Al-Awsat: “The summits will bolster security and stability given the critical situation in the region.” He hoped that the Islamic summit would yield decisions that would help resolve crises and maintain unity and solidarity between Islamic states. “Saudi Arabia is the leader of the Arab world and Muslims. Any assault against it targets the Arab and Muslim nations,” he declared. The summits, he continued, are being held at time of instability in Yemen, Syria, Libya, Iraq, Algeria, Sudan and Somalia. He also noted Israeli violations in the Palestinian territories and the growing extremist and terrorist threats in the world. These challenges demand massive efforts, especially in wake of last week’s sabotage operation off the coast of Fujairah in the United Arab Emirates, Guelleh said. “We condemn in the strongest terms the sabotage operation off Fujairah,” he added. Commenting on the security threats in the Arabian Gulf, Red Sea and Ban al-Mandeb Strait, he strongly condemned any threat to international marine navigation and international peace and security. Asked about the Iranian threat in the region and the targeting of Saudi Arabia with drones, he replied: “Saudi Arabia is the leader of Arabs and Muslims… We reiterate our condemnation of the recent drone attack against oil pumping stations in the Kingdom, as well as the failed ballistic missile attack that targeted the holy city of Makkah.” These assaults are dangerous threats to the security of the region and energy supplies, he added. “We renew our absolute solidarity with Saudi Arabia’s government and people in confronting them.” Guelleh also urged international solidarity to confront these criminal acts. On ties between Saudi Arabia and Djibouti, he said that they date back to Djibouti’s independence in 1977. Riyadh played a major role in ensuring this independence. “The fraternal historic ties between us are based on trust, understanding and high coordination on all levels,” he noted. “This consequently lead to common ground on several regional and international issues.” Moreover, he said that ties between Saudi Arabia and Djibouti witnessed a “qualitative leap” in wake of his latest visit to the Kingdom. “Relations between us are growing stronger every day,” Guelleh remarked. “I am in constant contact with Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz and Crown Prince Mohammed bin Salman, Deputy Prime Minister and Ministers of Defense.” On developments in Sudan, he stated: “Throughout history, we have expressed solidarity with Khartoum and continue to do so based on the strength of relations that bind us.” He highlighted that Djibouti has played an honorable role in sponsoring peace deals and reconciliations in the Horn of Africa. He cited its efforts in bringing together Sudanese rivals in 1999, which culminated in easing tensions that existed at the time. Guelleh said that Djibouti was closely following the ongoing developments in Sudan and is completely prepared to exert all possible efforts to ensure its stability and interests. On relations with Eritrea after the Saudi-led reconciliation, he remarked that the deal helped restore ties with its neighbor and rebuild trust between them. He hoped that the reconciliation would be crowned with the demarcation of the border between them. Source: Asharq Al-Awsat
-
The European Union is renewing its support for peace in the Horn of African even as peacekeepers in Somalia struggle with reduced funding. This was the message the EU High Representative for Foreign Affairs and Security Policy Federica Mogherini delivered in her round trip to Somalia, Kenya, Djibouti and Ethiopia. These happen to be four out of the five troop-contributing countries to the African Union Mission in Somalia (Amisom), which is still grappling with the United Nations Security Council resolution for a phased drawdown. Security in the region was her main agenda in the meeting with Somalia Prime Minister Hassan Ali Khayre, Kenya’s President Uhuru Kenyatta, Djibouti’s President Ismail Omar Guelleh and the African Union Chairperson, Moussa Faki Mahamat. It came at a time when the ongoing diplomatic rift between Kenya and Somalia over the marine boundary is threatening to derail the war against Al Shabaab. “We have had discussions around regional peace and security matters as well as integration. We discussed co-operation in Somalia, South Sudan, Democratic Republic of Congo as well as my request for EU support for Kenya’s bid for the UNSC,” she said after meeting Kenya’s Cabinet Secretary for Foreign Affairs Dr Monica Juma. In Somalia, Ms Mogherini described her visit as part of the EU’s friendship, partnership and support for President Mohamed Abdullahi Farmajo. According to a release from the EU External Action, Ms Mogherini while in Somalia, visited the EU Training Mission, Somalia troops and EU Capacity Building Mission for Somalia personnel. The EU remains one of the biggest Somalia donors. In 2017, the EU pledged that member states will invest $1.03 billion that will bring the total support to Somalia to $4.5 billion till 2020. This includes the EU providing Amisom salaries s well as salaries for police, development aid and $596 million for humanitarian assistance alone, to tackle the devastating effects of the drought in Somalia. Source: The East African
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafdigii Somaliland ee maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa. Wafdigan soo laabtay ayaa waxay ka koobnayeen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid oo ay kala hogaaminayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraaben, kuwaasi oo intii ay ku sugnaayen Nairobi ku yeeshay kulamo kala duwan. Afhayeenka Wafdigan, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay safarkoodii, isagoona shaaciyay qorshe ay Xukuumada Muuse Biixi rabto inay ku wiiqdo awooda madaxweyne Farmaajo oo ay kaga takhalusto. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumada Farmaajo ay Somaliland u sameysatay jabhado ay ku waxyeeleynayso xasiloonideeda, isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Cadowgaaga cadowgay waa saaxiibka, Farmaajo inaga jabhado ayuu noo sameysatay, anagu’se si ilbaxnimo leh mucaaridkooda ayaanu la sheekeysaneyna, anaguna mucaarid baanu-nahay, mucaaridkooda u yeereyna waxban bareyna, sidii loogu takhalusi-lahaa ayaa ka shaqeynaynaa hadaanu nahay Ucid”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waddani waa Ciro, weli ciro meel lagu soo taswiiray ma aragteen kiiyo Farmaajo la kulmay, Anagu Farmaajo waa la kulanay aniga iyo Cali Khaliif, BBC-da u waranay, waxanu ku wada-hadalnaa u waranay, bal toban jeer buu Farmaajo la kulmaaye ilaa doorashadiiye bal mar qudha ha sheego”. Wafdigan ayaa intii ay ku sugnaayen magaalada Nairobi waxay la kulmeen safiirada dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka,iyagoona kala kulmay waji-gabax. Sidoo kale waxay kulan aan hore loo shaacin la qaaten Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo isaguna ku sugnaa magaalada Nairobi, kuwaasi oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin caqabadaha xiligan hortaagan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo aan weli dib u furmin muddo ka badan labo sano. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Abaal-marinta ardayga kaalinta kowaad galay Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka oo sannad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto dhammaan gobollada Puntland. Tartanka xifdinta 30-ka jus ee Qur’aanka kariimka ah oo Sabtida maanta ku soo xirmay masjidka Al-huda ee caasimadda Garoowe ayaa waxaa kaalinta kowaad ku guulaystay Maxamed Faysal Maxamuud oo ka socday dugsiga Qur’aanka Al-Aqsaa ee Garoowe waxaana abaal-marin loo siiyay gaari nooca NOAH. Kaalinta labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Bashiir Maxamed oo ka socday dugsiga Qur’aanka Daarul-Quraa ee magaalada Boosaaso oo isna abaal-marin loo siiyay $1000 Dollar oo lacag ah halka kaalinta saddexaad uu galay Cabdisalaan Xassan Maxamed oo ka socday Daarul-Hudaa ee Qardho isagoo lagu abaal-mariyay $700 Dollar oo lacag ah. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo tartanka soo xiray ayaa abaal-marinnada ay mutaysteen guddoonsiiyay ardaydaasi kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka gobollada Puntland. PUNTLAND POST The post Garoowe oo kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ee gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
The European Union is renewing its support for peace in the Horn of African even as peacekeepers in Somalia struggle with reduced funding. This was the message the EU High Representative for Foreign Affairs and Security Policy Federica Mogherini delivered in her round trip to Somalia, Kenya, Djibouti, and Ethiopia. These happen to be four out of the five troop-contributing countries to the African Union Mission in Somalia (Amisom), which is still grappling with the United Nations Security Council resolution for a phased drawdown. Security in the region was her main agenda in the meeting with Somalia Prime Minister Hassan Ali Khayre, Kenya’s President Uhuru Kenyatta, Djibouti’s President Ismail Omar Guelleh and the African Union Chairperson, Moussa Faki Mahamat. It came at a time when the ongoing diplomatic rift between Kenya and Somalia over the marine boundary is threatening to derail the war against Al Shabaab. “We have had discussions around regional peace and security matters as well as integration. We discussed co-operation in Somalia, South Sudan, Democratic Republic of Congo as well as my request for EU support for Kenya’s bid for the UNSC,” she said after meeting Kenya’s Cabinet Secretary for Foreign Affairs Dr Monica Juma. In Somalia, Ms Mogherini described her visit as part of the EU’s friendship, partnership, and support for President Mohamed Abdullahi Farmajo. According to a release from the EU External Action, Ms Mogherini while in Somalia, visited the EU Training Mission, Somalia troops and EU Capacity Building Mission for Somalia personnel. The EU remains one of the biggest Somalia donors. In 2017, the EU pledged that member states will invest $1.03 billion that will bring the total support to Somalia to $4.5 billion till 2020. This includes the EU providing Amisom salaries swell as salaries for police, development aid and $596 million for humanitarian assistance alone, to tackle the devastating effects of the drought in Somalia. View the full article
-
A military court in Mogadishu has sentenced Somali police officer to death for killing a rickshaw driver earlier this month. The court has found guilty, the 26-year-old policeman Ali Mohamud Ahmed for deliberately shooting dead, Abdirazak Yusuf Gure, a civilian tuk-tuk driver and also injuring civilian bystander Ali Hashi Matan on May 8 in Hodan district of Mogadishu. Military tribunal Judge Col. Nur Ali Shute announced the sentence following hearing that involved witnesses from both sides on Saturday. The sentenced police officer, Ahmed, can appeal the sentence within a period of one month. The court that faces criticism from human rights advocacy groups also hears cases related to armed group al-Shabaab members. The court also sentenced several members to death before. View the full article
-
SHEEKO: Beri baa waxaa bukooday Libaax. Godkiisii ayuu ka soo bixi waayey. Waxa uu ka baqay in uu gaajo u dhinto. Waxa uu farriin u diray Dawaco. Waxa uu ku yiri “Dawacoy waan jiranahay, jiradana waxaa iiga daran baahi ee waxaan cuno ii keen. Waxay Dawacadii u tagtay Dameerfarow si ay u soo sirto oo Libaaxa ugu keento. Dameerfarowgii ayaa Dawacadii ku yiri “ beri dhaweyd waxaan hardi ku tartanay Biciid, Goodir, Gerinuug, Lo`gisi iyo Cawl. Intoodaba geeso ayey lahaayeen. Aniguna geeso la`aan ayaan ahaa. Tartankiina dhammaan way iiga guuleysteen. Waxaad ii sheegtaa meel aan geeso ka heli karo. Xoog igu filan waan leeyahaye. Dawacadii waxay damacday inay fursadan uga faa`iideysato inay Dameer farowga u gayso Libaax si uu u cuno. Waxay ku tiri “taasi waa sahal boqorka xayawaanka ee Libaax ayaan kuu gaynayaa isaga ayaa ku soo siinaya geeso aad xirato oo aad isku difaacdo. Weliba boqornimada ayuu kuugu darayaa. Markii ay Libaaxii u yimaadeen ayey ku dirqisay Dawacadii inuu Dameerfarowgu galo godka Libaaxu ku jiro. Madaxa markii uu la galay waxaa labada dhegood qabsaday Libaaxii oo baahan. Xoogiisii oo dhan ayuu dib u adeegsaday Dameerfarowgu. Ka dibna waxa uu Libaaxii ka baxsaday isaga oo aan Labo dhegood lahayn. Dhegahiisiina waxay ku hareen afkii Libaaxa. Sheekadaa waxay noqotay taariikh, mahadho iyo maahmaah caan ah. Qofkasta oo wax aan suurto gal ahayn doona. Ka dibna ku waaya wixii uu haystay ayaa loogu maahmaahaa. Marka dawladda Kiinya waxaan leenahay inta aad leedihiin dhererka baddiina kordhista, yaanay bad la`aan idin ku dhicin. Idinku Dameerfarow baad tihiin. Soomaalidu waa Libaax godkiisa ku jira ee ha u soo dhawaanina!!! Haddaba, Kiinyooy haddii aad malab dooneyso, Soomaalidu waa shinni qaniinyo kulul. Haddii aad ubax dooneyso, Soomaalidu waa Qoddax mudid kulul. Haddii aad Cambar dooneyso, Soomaalidu waa Nibiri wax liqa. Haddii aad Jowharad dooneyso, Soomaalidu waa Mas waabaayo badan. Haddii aad laaca doogga leh arkeyso, Soomaalidu waa Laag aad u dheer oo laga dhaco. Haddii aad tiro badan tahay, Soomaalidu way tayo badan Halka qof ee Soomaaliga ah wuxuu ku filan yahay oo uu la dagaalami karaa 20kii qof ee Kiinyaan ah. Maahmaah waxaan leenahay la yiraahdo: haddii cadowga dibedda uu yimaado, cadowga gudaha wuu dhammaadaa.” markaana Isku duubni iyo midnimo degdeg ah oo sida daruurta roobka u sameysantana waan leenahay. Waxaanu u ololeynaa sida xolodka, meel aan kuleylka isaga baryareyn oo aan gubno Ayaan raadineynaa. Markaanu kugu qiiqno sida dab galay dareemo qalashay. Colaadda dhexdeena way dhammaaneysaa. Si kasta oo ay dagaalada Soomaalida dhexdeena u dheeraadeen, ha moodin inaan qab jabnay oo aan quwad jabnay. Waayo waxaan leenahay Maahmaah oraneysa “Libaax bakhtiyey, bulbushiisa bahal ma taabto.” Haddii aan muuqaalka kore ku kala tagsanahay, ha moodin inaan iskhilaafsanahay. Waayo qalbiyada Ayaan ka mideysanahayoo cadowgeena Ayaan u toog haynaa. Kiinyooy waa sax, laakiin adigu ha dagmin, annagu haddii aan Soomaali nahay biyaha waan ku heshiin waynay. Baadka iyo daaqa xoolaha waan ku heshiin waynay. Deegaanka waan ku heshiin waynay. Qabiilnimo waan ku heshiin waynay. Siyaasad waan ku heshiin waynay. Midnimo waan ku heshiin waynay. Laakiin waxaan ku heshiinaynaa haddii aan nahay rag iyo dumar. Dhallinyaro iyo waayeel. Wadaad iyo waranle. Dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyo inaan dalkeenna, baddeena iyo Karaamadeena difaacno. Kiinya ma loo sheegay sooyaalka dadka Soomaaliyeed. Ma looga taarikheeyey dagaalkii Axmed gurey iyo Xabashida iyo Boortaqiiska oo dhinac ah in ay Soomaalidu ka qabsatay dalka Itoobioya saddex marka loo qaybiyo qayb ahaan. Ma loo sheegay Kiinya in Soomaalidu ay tahay dadkii Itoobiya baray in hilibka ay Cayriin ku cunnaan. Waayo xilligaa dagaaladii Axmed gurey ay socdeen ayaa ciidamadii Xabashida ee go`doon sannaa waxay ka baqeen inay dab shitaan si aan qiiqiisa loogu soo arag. Markaa ayey ugaadha ay dishaan dhiiggeeda ku cuni jireen. Ilaa hadda way ku cunaan. Kiinya ma loo sheegay dagaalkii Sayidka iyo gumeysigii Ingiriiska inay Soomaaliya tahay dalkii ugu horeeyey ee Afrika ee markii loo taag waayey diyaarado lagula dagaalamay. Kiinya ma loo sheegay in dagaalkii 1977kii ee Soomaaliya iyo Itoobiya inay Ciidankii Soomaalidu qabsadeen Magaalada Hawaash oo Addisababa u jirta 100Km wax ka yar. Iyada oo ay Itoobiya gacan siinayeen dawlado badan oo Gaalo iyo Muslimba leh. Kiinya ma loo sheegay inaan ognahay inay iyada oo dhan tahay gobolo dalal laga soo gooyey oo la isu keenay. Sida taariikhdu qoreyso 1920kii ayaa Ingiriisku abuuray dalka Kiinya. Isaga oo ka sameeyey gobolo uu ka soo gooyey Soomaaliya, Itoobiya, Tansaaniya iyo Yugaandha. Dhulka Kiinya loo yaqaan waa sida haragga waylaalista oo kale oo waa dhul la isku kabkabay oo dalal kale amaah looga soo qaatay. Dhul xeebeedka Kiinya maanta ay leedahay oo dhererkiisa lagu qiyaasay 600KM. Waxaa la rumeysan yahay inuu raacsan yahay cadkii dhulka ahaa ee Ingiriisku dalkeenna Soomaaliya ka gooyey. Waxaa fiican inaan Afrikada Madow ku heshiino xeerna ka dhigano oraahda ah “Buuraley idinkaa leh, Badna Soomaali baa leh, bannaana waan wada leenahay.” Horey ayey Soomaalidu ugu Maahmaahday “ Ammaano kugu raagtay inaad leedahay ayaad moodaa.” Haddii ay Kiinya ka hari waydo sheegashada dhulka xeebta Soomaaliyeed ee ay hunguriyeynayso. Ogow annagu marka aan qoriga qaadno ma dhigi naqaano, haddii aan dagaal u qaansheysanana dibu soo noqod ma naqaano. Waxaan soo ceshan doonaa wixii dhul ahaa ee uu Ingiriisku naga kaa siiyey. Waxaan dhaafi doonaa webiga Tana rifa. Waxaan socon doonaa ilaa magaalo xeebeedk Mallindi. Sida ay aqoonyahanadaadu sii saadaaliyeena waxaad noqon doontaa dal bannaan iyo buuraley ah oo aan bad lahayn (landlock) Dadkii joogay ama tegay ayaa la weydiinayaa. Markii burburkii dalkeennu ka dhacay sannadkii 1991kii magaalo madaxda Kiinya ee Nayroobi waxay ahayd badankeed Cooshado ama Buushash ay dad danyar ah ku nool yihiin, maantana Nayroobi waxay ka mid tahay caasimadaha adduunka ugu horumarsan. Waxaa lagu dhisay UNka iyo hay`adaha caalamiga dhaqaalihii ay Soomaaliya ugu talo galleen oo halkaa saldhig lagu qaybiyo looga dhigay. Waxaa kale oo iyana in la xuso mudan qaar badan oo ganacsatada Soomaaliyeed ah oo halkaa maalgashi ka sameystay. Hadda iyo dan waxaan maqli jirey “inta aanu riix qabe hadlin ayuu Raaxo qabe hadlaa.” Wixii maanta ka dambeeya waa in hay`adaha caalamiga ahi la tagaan xafiisyadooda Soomaaliya ka shaqeeya Dalka Jabuuti ama dalka Itoobiya. Si Kiinya loogu bilaabo ciqaabo midba tan ka dambeysa ay ka xanuun badan tahay. Kiinya waxaanay ogayn in dalkeedu oo Soomaaliya u yahay albaab furan oo gelidiisa aanu mugdi iyo marti midna ku ahayn qofka Soomaaliga ah. Waayo calankeenna shanta gees leh ee loo yaqaan shanta Soomaaliya, gees ka mid ah waa degmada Wajeer. Muqdisho iyo Wajeerna xuduud uma dhexeeyo. Haddii ay xaaladu xumaanto Wajeer waxaa laga xukumi doonaa Muqdisho. Maalmihii xornimada waxaanu ku heesi jirnay” Hoo Wajeerey calanka hoo. Shantoo is weheshada wacnaan lahaydaa, Calan inay wadaagaan wanaagsanaan lahaydaa. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Wax badso wax beel bay leedahay.” Weli waxaa guryaha noo yaal dardaarankii Aaabayaasheen iyo Awoowyaasheen oo ka kooban warqad ay ku qoran tahay: Shanta Soomaaliya Ogaada, Ogaada oo sii adkeeya ololaha Wadajirkooda. Waxaa kale oo ay nooga tageen qoryihiin, seefihii, warmihii iyo billaaweyaashii ay ku dagaalami jireen oo miriray, oo aan dooneyno inaan dhiigga cadowga ku soofeyno. Dardaarankaa wuu socon doonaa ilaa aan shanta Soomaaliya meel isugu keenno. Inta ay goori goor tahay inta aad gaagaabsato maad iska aamustid. Haddii aan Soomaali nahay geela iyo dhulkaba waan jecel nahay. Difaacooda hanti keliya kuma bixino ee waxaan u bixinaa dhiig, waanna u dhimanaa. Geela marka la shubayo ayaa loogu heesaa “markay tuban tahay ama lala tago waa Tolleeyoo looma kala tago.” Difaaca dhulkeenna u kala hari mayno. Mar kale oo gobonimada in loo dagaalamo gumeysiga midkiisa cad iyo kiisa madowna laga xoreeyo dalka waxaa lagu heesi jirey “Tulud geel ah oo dhacantaad toogasho u badheedhaane, ma dhulkeeniyoo tegay baan nina dhagax u tuureyn. Dhaqankeenna waxaa ku weyn oo wiilasha lagu gardaadiyaa marka la dhalo inay saddex u dhintaan difaacooda waa geela, Gobonimada iyo Gabadhaha. Kiinya gar bay u leedahay inay libin ku geeraarto. Markay na saqraamisay ee ay caqligii toosnaa naga wareerisay ayey dooneysaa inay tijaabiso dareenkeenna. Waayo waxay noo soo dhoofisaa saddex daroogo. Waa Qaadka, Sigaarka Sportiska iyo Caleenta Shaaha. Annaguna xitaa Findhicil nagama iibsato. Waxaan oran karnaa: KIINYA maanta waxay ka dhigan tahay qof: DHAGAX KU GARAACAYA MIINO AAN WELI QARXIN!!! Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa meerisyo aan ka soo garoocday gabaygii Abwaan Axmed Ismaaciil Qaasim ee uu ku sifeynaayey tilmaantiisa. Sifaha dadka Soomaaliyeedna Abwaanka ayaa noo yiri. · Dacartuba marbay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe · Waxaan ahay macaan iyo qaraar, meel ku wada yaale, · Midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode · Midi waa martida soora iyo, maato daadihise · Midina waa mindiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe · Miisaanna ima saari karo, nin I maleeyaaye Waxaa qorey: Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horeysay ka hadlay safar ay Guddoomiye Ciro iskugu raaceen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Samatar ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay sida ay hadda isku yihiin xisbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye, iyo shakiga dhowaan xukuumada Biixi ka muujisey daacadnimadiisa. Prof. Axmed Ismaacil Samatar, ayaa arrimahaasi waxa uu kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV, wuxuuna yiri “Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nairobi, aniguna Nairobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay”. “Waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu su’aalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa, waxaan rajeynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin”. “Waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganahay iyo ku jiritaanka xisbiga, laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The European Union is renewing its support for peace in the Horn of African even as peacekeepers in Somalia struggle with reduced funding. Source: Hiiraan Online
-
Awr-isku-kacsiga Isaaq iyo Mogadishu Clan Xodxodashada iyo awr-isku-kacsiga Isaaq iyo Mogadishu Clan waa shar dab gelin kara intii xasillonida ahayd ee Somaliland iyo Soomaaliya. Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah. Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur. Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan. Waa ay samaysteen jabhaddii, waxanay labada dhinac ku heshiiyeen in marka Itoobiya la qabto in Tigeegu madaxbannaani siiyaan Eritrea. “Waana tii dhacday”, bay yidhaahdeen. Waxa kale oo weftigu yidhaahdeen “waa taa hadda labada qolo Koonfurta ku dagaallamayaan. Tii aad taageertaan baana guuleysanaysa”. Waxa ay soo jeediyeen Caydiid taageera oo marka uu Cabdillaahi ka adkaado ee uu dawlad dhisto la hadla, waa uu idin yeeli doonaaye. Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “oo markaa waxa aad i leedihiin, reero ayaannu nahaye, Fagadhe is dila”! Fagashe, AHN, waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland ee maalintaas, waxa aanu ahaa nin Daarood ah oo weliba Harti ah. Xildhibaan Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaan sheekadan ka soo dheegtey hadal uu ka jeediyey xuskii 16aad ee geeridii Cigaal, AHN. Dhacdooyinka taariikhda ee foosha xumi waa gunnimo haddii ay isu soo celceliyaan sida biyaha calcalyada ah ee xarfanaya meel bannaan. Maanta se Cigaal ma joogo oo waa “meel libaax ka kacay atoor fadh fadhiisey”! Mid kalaan xusuustay oo ah shirkii Dir ee Iyoobiya ka dhacay iyo doorkii Somaliland ay ku lahayd oo arrintan is beerlaxawsigu ku taxmi karto. “Waa nin madaxu buko oo minjaha deyey”! Kooxo intii wax isla oggolayd ku guul-darraystay in ay mideeyaan oo colaad dhexdooda geliyaan isuna soo dhoweyn karaan, mana midayn karaan in awel ba kala fogeyd oo dayr dhex yiil. Mogadishu Clan iyo Isaaq mid waliba gaarkiisa ayuu xanuun ula taahayaa oo sariirta ula ula jiifaa. Haddii labada cudur la isu keeno waxa ka faafi cudurro kale oo aan dawo yeelan marka laga yimaaddo boogta weyn ee dib u milil dillaaci doonto. Waa “raad arooryo oo dib loo raacay”! Karis xun se iyana wax ku la’. Maanta waxa door noqon lahayd in qolo kasta iyadu isa soo shashafayso oo gudaheeda iska hagaajiso. Hooyo caano i sii iyo horta reerku ha dego saw carruurta laguma odhan jirey? Maalinta talo saalloonaato in la isu yimaaddo oo laba loo wada hadlo: Soomaaliya oo isku dhan is wadata iyo Somaliland oo isku dhan oo is wadata wixii ka sokeeyaa “waa kud ka guur oo qanjo u guur”. “Ka fiirso intaanad falin, fari na togdheer bay kula xushaa”! “Belo ka hortag bay leedahay ee dabo la qabto ma leh”! “Waar hooy ka daayaannu idin leennahay”! Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu isbeddel ballaaran ku samayn doono maamulka iyo laamaha amniga gobolka Mudug kadib markii uu wada-tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha gobolka Mudug ku xigeenkiisa iyo taliyaha qeybta Booliiska Mudug islamarkaana uu magacaabi doono mas’uuliyiin cusub. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Mudug iyo garsoorayaal kale inkastoo warbaahinta Puntland Post aysan weli xaqiijin warkaasi. Dhinaca kale madaxweyne Deni maalinta berriya ayaa la filayaa in uu safarkii labaad ee dibadda ugu baxo waddanka Shiinaha iyadoo socdaalkaasi la xiriiro dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta. PUNTLAND POST The post Xog: Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya mas’uuliyiin kala duwan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle ku madlan degmooyinka Xamar weyne iyo Wenlaweyn oo kala matali doona gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa kulamdii hore muujiyay dadaallo xoogan, waxaana ay la yimaadeen natiijooyin wanaagsan. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan u tafaxeydanaya ka qeyb galka barnaamjika caawa, si ay degmo weliba u difaacado dhibcaheeda. Xamarweyne iyo Wanlaweyn degmada badisa waxa ay u gudbi doontaa wareega sideed dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Degmooyinka Kaxda, Howlwadaag iyo Dharkenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa horay isaga xaadiriyay wareegaasi. Tartanka oo si habsami leh xarunteena dhexe Muqdisho ayaa waxaa si toos ah uga daawan kartaa boggeena Facebook Shabelle Media Network. Sanadkan waxaa tartanka si wadajir u taaba gelinaya shirkadaha ganacsiga ee BECO iyo COCA-COLA. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in weli deegaano hoostaga gobolkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in howlgalladaan ay yihiin kuwo qorsheysan, islamarkaana u jeedadoodu ay yahay, sidii Al Shabab looga saari lahaa deegaanada ay maamulaan gobolkaasi. Howlgalladani ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday deegaanadaasi. Dagaalayahannada Al Shabaab ayaa xoogan Jubbooyinka, waxaana weeraro xoogan ay ka fuliyaan gobolladaasi. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka Shabakadda Caasimadda Online ay ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu fashiliyay qarax miino ahaa. Ciidamada ilaalada u ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qaraxaas oo lagu aasay meel ku dhow Guriga uu Kismaayo ka degan yahay Musharaxa. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ilaalada u ah Xildhibaan Xidig ay arkeen qaraxa lagu aasay meel dhowr Tallaab u jirta Guriga Musharaxa,sidaasina ay ku fashiliyeen. Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Dowladda Germany ayaa joojisay mashruuc dib lagu dhisi lahaa Isbitaalkii guud ee magaalada Garoowe ee caasimadda Putnland, kaas oo dhismihiisa la qorsheynayay sanadkaan 2019ka. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Putnland Dr, jaamac Faarax ayaa sheegay sababta ay dowladda Germany ula laabatay dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Isbitaalka. “ Waxaad ogtihiin in maalin dhaweyto uu Germany noo yimid oo Project in badan socday oo aheyd in Isbitaalkii magaalada dib loo dayactiro meelaha danbana laga dhiso qeybo cusub oo Isbitaalka lagu soo kordhiyo, markii ay noo yimaadeen waxa ay noo sheegeen in Isbitaalka sidii ay rabeen ayna u dhiseynin, waxa ayna nagu wargaliyeen maadaama dhismihii dhisnaa aadnan wax ku qabsanin dhismo ladhisaa inuu wax uu soo kordhinaayo uusan jirin” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwato waxa uu sheegay in dowladda Jarmalku ay shuruud uga dhigtay dhismaha Isbitaalka in maamulku uu ka shaqeysiiyo inta dhisan ayaguna ay ugu darayaan ka dib dhismaha cusub. “ Haddii Isbitaalkii shaqaale ahaan annagu aan ka shaqeysiino dhismihii intii ay noo ogolaadeen aan dhisano waxa ay rajo ay ka muu jireen iney inta dhiman ay noogu darayaan, sidaa darteed annaga waxaa waajib nagu ah inaan taanada aan ka soo baxno oo Isbitaalkii aanagu ka shaqeysiino haddaan teena gabno cidina wax inagu tarimayso” Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusan in wasaaradiisa ay ka go’antahay in Isbitaalkii uu shaqeeyo si dib loogu mashruuca dib u dhsna loogu sameeyo Isbitaalkii guud ee garowe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj. Maxkamaddu: Markay Aragtay : Aayadda 178aad ee suuratul Baqara iyo Qod. 434,440 XCS oo lala akhriyo Qod. 195bis, 194 XCCQS. Markay Aragtay : Qiraalka Eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed oo uu ka hor cadeeyay garsoorka hortiisa in Marxuumka oo mooto Bajaaj wado uu ka soo gudbay kontaroolka baarista sidaasna uu ku istaajiyay, kadibna uu ku amray in uu dhiibo furaha mootada oo uu wadaha ka ahaa Marxuumka marki uu ka diidayna uu isagoo ku cabsiinaayo qorayga uu hal xabad madaxa kaga dhuftay , isla xabidiina ay dhaawac u gaysatay qof kale. Markay Dhagaysatay : Markhaatiyaashii la horkeenay maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay arkayeen marxuumka oo ka gudbaya kontaroolka kadibna uu istaajiyay eedaysanaha muran kadibna ay xabad ka dhacday qorayga uu watay eedaysanaha madaxana kaga dhacday marxuumka ,isla-markaana dhaawac u gaysatay qof kale oo shacab ah. Markay Dhagaysatay : Gaba-gabada Gungaarka baarista Boliiska oo uu Baaraha Gal dacwadeedka ku cadeeyay in eedaysane Cali Max’ud Axmed uu si bareer u dilay marxuum C/risaaq Yuusuf Guure, dhaawacna u gaystay dhibane Cali Xaashi Mataan. Markay Aragtay : Cadaymaha Dambi Muujinta ah oo la horkeenay oo ay ka mid ahaayeen :- Cadaymaha laga qoray Maragga iyo dhibanaha dhaawaca ah, qiraalka laga qoray eedaysanaha, warqadda cadaynta dhimashada iyo sawirada marxuumka, mootadii uu wadaha ka ahaa marxuuumka, qorayga uu dilka ku gaystay eedaysanaha oo noociisu ahaa AK-103 No. 08096. Markay Dhagaysatay : Doodii u dhaxaysay dhinacyada kala ah xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedaysanaha. Maxkamadda ayaa ku heshay Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan igoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu gaystay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa. Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga. Sidaas Darteed, maxkamadda waxaa u caddaatay in eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Actrada Caanka ka ah shirkadaha Bollywood iyo Hollywood ee ka soo jeeda dalka India, Priyanka Chopra Jonas isla markaana ah Safiir maamuuseed ka tirsan hay’adda UNICEF ayaa socdaal ku timid dalka Ethiopia si ay ula kulanto caruurta ku jira qaxoontiyada dalka Ethiopia ee ka soo barakacay dagaalada iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Qaarada Afrika. Intii ay ku gudo jirtay socdaalkaasi ayay Priyanka Chopra Jonas ay la kulantay caruurta iyo dayarta ku nool xerada qaxoontiga Bambasi, oo hoy u ah 17,000 oo qaxoonti ah oo badidoodu ka soo cararay Sudan iyo sidoo kale xerooyinka qaxoontiga Hitsats iyo Adi-Harush , halkaas oo ay ku sugan yihiin 55,000 qaxoonti ka yimid Eritrea oo halkaasi ku nool. “Caruurtan guryahoodi waxa ka soo eryey dagaalo iyo dhibaatooyinka khasaare gaadhsiiyey noloshooda,” ayay tidhi Priyanka Chopra. Dalka Ethiopia waxa uu hoy u yahay 900,000 Qaxoonti ah – waxaana lagu tilmaamaa dalka labaad ee martigaliyey qaxoontii ugu badnaa ee Afrika. Waxaanay ka mid ah dalalka ay qaxoontigaasi ka soo carareen dalalka Somaia, South Sudan, Eritrea, Sudan iyo Yemen, waxaanay badidoodu ay ka soo talaabeen xuduudaha iyaga oo baadigoob ugu jira nabadgalyo iyo nolol wanaagsan, oo ay la kulmeen khataro dhimasho iyo kala sooc ah. Source