-
Content Count
208,510 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Haweenaydii u horreysay oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaalida ayaa guddoomiye degmo ka noqotay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska. Raaqiya Ismaacil oo xilka guddoomiyaha degmada ee Islington kula tartantay labo musharrax ayaa ugu dambeyn xilka ku guuleysatay,iyadoo hore u soo noqotey guddoomiye kuxigeenka degmada sannadkii 2012kii ayaa wakhtigan ayaadoo ah haweenay muslim ah oo xijaaban, soogalooti dhalashada dalka Britain haysata ah ayaa loo doortey xilka mayor-nimada. Mar ay la hadleysay bulshada Soomaalida ayay sheegtay in loo baahanyahay qof walba inay muhiimtahay hankiisa inuu usoo bandhigo oo ay xubno ka noqdaan asxaabta siyaasadda. “Wax weyn ayay ii tahay anniga iyo bulshada Soomaalidaba xilkan la ii doortay”. ayay u sheegtay VOA-da. Raaqiya ayaa ka mid noqonaysa tiro Soomaali ah oo dalalka reer galbeedka siyaasadoodda door ku leh xilal sarrana loo doortay. Source
-
(SLT-Najraan)-Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa baahisay inay Maleeshiyaddu la wareegeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee K/Galbeed Sacuudiga, kuna dhow xuduudka dalka Yemen. Xuutiyiinta waxay sheegeen inay iska hor yimaadeen Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Xuduudka Najraan, halkaasina ay ku dileen Taliyihii Ciiddankaasi iyo Askar kale, waa sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale, Maleshiyaddu waxay sheegeen inay 4 Askari oo u dhalatay dalka Sudan ka mid ah Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga ku dhawaceen dagaal ka dhacay Bariga deegaanka Al-duud ee Xuduudka Sacuudiga. Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Carbeed weli kama hadlin sheegashadda Kooxda Xuutiyiinta inay ku qabsadeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee Sacuudiga. Source
-
(SLT-Chile)-Muddo 26 sano ah, ganacsadaha u dhashay dalka Chile ee lagu magacaabo Carlos Cardoen ma uusan aadin dibadda, wuxuuna ka cabsanayay in la xidho. Ninkan maal qabeenka ah waxaa si weyn u doon doonaya dowladda Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah Mareykanka uga soo dhoofistay qalabka lagu sameeyo bambooyinka halista ah ee loo yaqaanno zirconium. Qalabkaas ayaa la sheegay inay shirkaddiisa sii hormarisay kana dhigtay Bambooyinka wax gumaada ee la yiraahdo cluster-ka, isagoo markaas kadibna ka iibiyay maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen sannadihii 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii. Sanadkii 1993-kii, booliska adduunka ee loo yaqaanno Interpol ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo Mr Cardoen. Balse 22-kii bishii Maarso ee lasoo dhaafau unbey waaxda caddaaladda ee dowladda Mareykanka ugu dambeyn soo saartay codsi rasmi ah oo ay ku dlabaneyso in gacanta lagu soo dhigo ganacsadahaas 77 jirka ah. Carlos Cardoen waddankiisa Chile kama uusan tagin muddo 26 sano ah Maxkamadda sare ee dalka Chile ayaa amar ku bixisay in ninkan xabsi guri lagu xiro, iyadoo muddo 60 maalmood ah u qabatay dowladda Mareykanka sidii ay u maareyn lahayd gacan galintiisa. Mr Cardoen ayaa dhankiisa ku adkeystay in bambooyinka uu Ciraaq ka iibiyay iyadoo ay Mareykanku si buuxda uga war qabeen ayna oggolaayeen. Qareennadiisa ayaa hadda u dagaallamaya inay Ishortaagaan in Mareykanka loo gacan galiyo. Tan iyo Markii ay warqadda lagu xirayo kasoo baxday booliska adduunka, Mr Cardoen ayaa waqtigiisa iyo hantidiisaba u weeciyay sidii uu ugu hormarin lahaa gobolka uu kasoo jeedo ee Colchagua valley, isagoo sidoo kalena kharash badan ku bixinayay sidii loo ilaalin lahaa dhaqanka dalkiisa. Wiil uu dhalay ayaa sheegay in aabihiis uu wax badan u qabtay magaaladiisa, uuna diyaar u yahay inuu dadaal usii sameeyo. Dowladda Mareykanka ayaa hadda laga dhowrayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in dowladda Chile ay kusoo wareejiso ninkan eedeysanaha ah. Xukuumaddii uu hoggaaminayay Saadaan Xuseen ee dalka Ciraaq ayaa la burburiyay sanadkii 2003-dii, kadib markii uu Mareykanka weerar ku qabsaday dalkaas. Ciidanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn gacanta dhigay Saadaan Xuseen, waxaana markii dambe lagu fuliyay xukun daldalaad ah. Markii gacanta lagu dhigay madaxweynihii hore ee Ciraaq, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir haybtiisa xaqiijin kara oo su’aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon. Nixon wuxuu darsayey Saadaam tan iyo markii uu CIA ku biiray sanadkii 1998-kii. Kaalintiisa ayaa ahayd inuu xog waafi ah ka uruuriyo hogaamiyeyaasha dunida, oo uu taxliiliyo waxa madaxdaas adkaynaya, wuxuuna uga warramay barnaamijka BBC ee BBC’s Victoria Derbyshire programme. Wuxuu joogay Ciraaq markii hogaamiyaha xukunka laga tuuray laga helay god ku ag yaallay beer ku tiillay magaaladii uu ka soo jeeday ee Tikrit. Markii ay akhbaartaas timid, Maraykanku wuxuu u baahday inu isaga xaqiijiyo haybtiisa. Waxaa jiray warar la isla dhex marayey xilligaas oo ah in Saddaam uu isbeddel xagga jirka ah ku dhacay, laakin Nixon oo CIA ka tegey 2011 wuxuu yiri ” shaki iigama jiro inuu isaga yahay markii aan arkay”. “Markii aan hadalka ku billaabay wuxuu ii eegay sidii aan muuqaalkiisa ku arkay buug kiisa ah oo miiska xafiiska muddo sanooyin ah ii saarnaa” ayuu yiri. Nixon wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee waraysi dheer oo maalmo qaatay la yeesha Saadaam. Wuxuu qoray buug la magac baxay Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein. Wuxuu sheegay in dhinaca insaannimada ee uu ka arkay Saadaam uu aad uga soo horjeeday masawirkii ay warbaahinta Maraykanku ka bixiyeen. “Wuxuu ka mid ahaa dadka shaqsiyadoodu soo jiidashada leedahay ee aan la kulmay” ayuu yiri. “su’aal kasta oo aan weydiiyo, mid kale ayuu iigu beddelayey” ayuu yidhi. Arrinta ugu muhiimsan oo uu wax ka weydiinayey ayaa ahayd hubka aadka wax u gumaada, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee Maraykanka iyo UK ay dagaalka ula galeen. Sanadkii 2016-kii Saddam waxaa lagu helay in uu galay dambiyo aadanaha ka dhan ah Nixon wuxuu sheegay inuu ka qajilo wixii Ciraaq ka dhacay tan iyo wixii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray Saadaam Xuseen. Wuxuu sheegay in maamulkii Bush uusan wax fiiro ah siinin waxa imaan kara marka Saadaam meesha laga saaro. Dhanka soo shaac bixidda kooxaha xagjirka ah, sida kooxda loogu yeero dawladda islaamiga, ayuu sheegay inuu rumaysan yahay in Ciraaq ay wanaagsanaan lahayd haddii uu Saadaam sii joogi lahaa. Hadalka caynkaas ah waxaa ku gacan sayray raysal wasaarihii hore ee UK Tony Blair oo dalka hogaaminayey wakhtigii duullaanka la qaadayey. Source
-
(SLT-Kampala)-Uganda ayaa ku eedaysay askarta Rwandiiska ah in ay soo galeen dhulkooda ayna ku dileen laba qof. Waddamadan oo ahaa kuwa xidhiidh dhaw lahaa, ayaa labadooda madaxweyne muddooyinkii u danbeeyey midba ka kale ku eedeynayey basaasid, shirqoolid siyaasadeed iyo faragelin midba hawlihiisa ah. Marka loo eego eedeymahii ugu danbeeyey, askar Rwandiis ah ayaa Jimcihii dabagalay tuhamane si sharcidarro ah mootooyin ugu tahriibinayey, meel u jirta siddeetan mitir xuduudka dalka Uganda. Ninkaas ayaa si sharci darro ah loo toogtay, kaddib markuu iska caabbiyey xadhiggii, sidoo kale dad Ugandiis ah ayay dileen xilligaas oo ay isku deyay inay soo dhex galaan. Bishii Febraayo, Rwanda waxay bilawday inay xannibto baabuurta xammuulka ee laga leeyahay Uganda, ee Katuna, halkaas oo ah xuduudkooda halka ugu mashquulka badan. Khilaafka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ayaa isa soo tarayey labadii sano ee ugu dambeeyey waxay se u muuqataa in khilaafku uu cirka isku sii shareeray kaddib markii Rwanda ay xiratay xadkeeda. Xukuumadda Rwanda ayaa si rasmi ah u sheegtay in xuduuddu ay furantahay hase ahaatee waxaa laga hor istaagay dad badan oo iskudayey in ay ka gudbaan xudduuda. Yaa ku wax la’ muranka? Muranka xuduudda ee labada dal ayaa waxyeellada ugu wayni waxay kasoo gaaraysaa bulshada deegaanka. Nin dhalinyaro ah oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo – Deo Hategeka – oo BBC-da la hadlay ayaa muujiyey carada iyo walaaca uu ka qabo waxyeeladda uu muranka xuduuddu u gaystay nolol maalmeedkiisii. Waxaa maalintii soo gali jirtay $5 oo uu ka heli jiray taxi uu kaga dhex shaqayn jiray xuduudda qaybisa labada dal. Ganacsade kale oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo, Bedia Nizeyimana, oo dukaan ku leh xuduudda, ayaa sheegaya in ganacsigiisu uu sii liicayo. Digniinta xukuumadda Rwanda ee ah in muwaadiniinteeda aanay u socdaalin dalka Uganda ayaa ka dhigan in aanu jirin wax iswaydaarsi ganacsi. Dadka reer Uganda ayaa sidoo kale ka labalabaynaya in ay ka gudbaan xuduudda sababo la xiriira xiisadda u dhaxaysa labada dal. Shaqaalaha muruqmaalka ah oo ku tiirsan dhaalaha yar ee maalintii soo gala, sida kuwa alaabta xammaala, kuwa lacagaha sarrifa iyo shaqaalaha kale ee Rwanda ayaa shaqo la’aan noqday. Sida lagu sheegay xog uu soo saaray Bangiga adduunka oo soo baxday sanadkii 2017-kii, Rwanda ayaa ahayd dalka shanaad ee ugu badan ee wax kasoo iibsada Uganda, ayadoo kasoo iibsata badeecooyin qiimahoodu uu dhan yahay $180 malyan oo dollar, halka Rwanda ay Uganda u dhoofiso badeecooyin qiimahoodu dhan yihiin $10 milyan oo dollar. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ku saleysan nidaamka doorashooyinka maamul goboleedyada. Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inaysan aqbalsaneyn go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha aan lagala tashan islamarkaana aysan aqbalsaneyn. Waxa uu soo hadal qaaday hadalkii xalay kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ee ahaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doontaa Afarta Bisha July ee Sanadkan. Waxaana uu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ay meesha ka saartay awoodii doorashooyinka ku lahaayeen Dowlad goboleedyada, taasina aysan suurta gal aheyn. Dhinaca kale maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray qoraal ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Malayshiyaadka Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Axadda maanta shaaciyay in diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha magaalada Jazan ee boqortooyada Sacuudiga. Qoraal lagu daabacay warbaahinta Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday diyaarado dagaal oo Sacuudigu leeyahay kuwaasi oo fadhiyay garoonka diyaaradaha magaalada Jazan ee u dhow xadka waddanka Yemen. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarka la fuliyay iyadoo laga duulayo xog sirdoon oo shiilan islamarkaana lala helay bar-tilmaameedkii uu beegsaday balse faahfaahin kama sii bixin khasaaraha ka dhashay. Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarkaasi jawaab u ahaa duqeymo xiriir ah oo isbaheysiga Sacuudigu ka fuliyo gudaha dalka Yemen kuwaasi oo lagu beegsado goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah. Boqortooyada Sacuudiga iyo isbaheysigeeda ayaan weli ka jawaabin warka ka soo yeeray malayshiyaadla Xuutiyiinta ee ay ku sheegteen in ay weerareen garoonka diyaaradaha Jazan ee dalkaasi sacuudiga. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta oo sheegay in ay diyaarado aan duuliye lahayn ku duqeeyeen dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw ahna guddoomiye ku xigeenka arimaha horumarinta maamul Goboleeyada ayaa ku sugan magaalada Jowhar ee maamulkaa Hirshabeele. Tan iyo bilaawgii sanada 2019 wafuuda kala duwan oo ka socota xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa gaaray maamul Goboleedyada,Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Hirshabeela waxaana yoolka safaradan laga sheegay in la doonayo in la horomariyo xiriirada kubbadda cagta maamul Goboleedyada. “Socdaalkeena waxa uu ku qotamaa in aan la kulano madaxda xiriirka kubbadda cagta Hirshabeele iyo in aan ka dhagaysano baahiya ka jira deegaanadooda, ka dibna aan la wadaagno madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta si loo wax looga qabto waxyaalaha hortabinta u leh kubbadda cagta Hirshabeele”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Abuukar Islaw oo ah guddoomiyaha warbaahinta ahna guddoomiye ku xigeenka horumarinta maamul Goboleedyada. 11- April 2019-Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta oo aad loo qalabeeyay. “Furitaanka xafiiskan ka dib waxaa inoo xigi doono in aan kawada shaqayno dhisidda kooxaha heerarka 1aad, 2aad, 3aad iyo kor u qaadida garsoorayaasha Koonfur Galbeed” ayuu maalinkaa sheegay Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine). Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxaa ka go’an saddex sano ee soo aadan in 95% mashaariicda laga helo xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA la gaarsiiyo gobolada dalka,iyagoo hadafka yahay in la helo dhallinyaro xirfad saraysa oo kaalin ka qaadata kobaca kubbadda cagta Soomaaliya. 09-12 May 2019-Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku maray maamulada Puntland iyo Galmudug intii uu joogay labada maamul waxa uu kulamo mirdhal ah la qaatay mas’uuliyeenta xiriirada kubbadda cagta Puntland iyo Galmudug waxaana warar ay Goobjoog ka heshay kulamadaas lagu sheegay in xiriirka Soomaaliya uu balanqaaday dhameestirka iyo dhisidda garoomada kubbadda cagta Puntland iyo Galmudug. Si kastaba mas’uuliyeenta iminka fadhiya xafiisayada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lasoo doortay 15-November 2018,doorashadoodaas ka dib waxa ay wabaahinta ka hor sheegeen in afartan sano ay xafiiska joogaan ayaa xooga saaridoonaan taageerida gobolada,si loo helo kubbadda cagta dalka oo midaysan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho MALAGA DHEX KEENI KARAA AQOONSI SOMALILAND HADII LAGA DHEX SAMEEYO XULUFEYSI SIYASADEED? IDOOR SAL_FUDUDAA WAXUU SUGAYO MUU DHOWRO. FAALO AAN KA BIXINAYO DAREENKA XAMAR YAAL IYO SIYASADDA KONFUR EE KU WAJAHAN SOMALILAND. ——//////—/////——////——-////——-////——////—- Siyasadda xamar taala. Xisbigu doono ha sheegte Waa midnimadda Somalia Waa muqaddas. Siyaasi ka baxi kara ma jiro. Qodobka LABAAD Madaxweynaha Somalia Waxa doorta 275 Xildhibaan oo baarlamanka Somalia ah. 58 Xildhibaan baa ah reer Somaliland. 5 Xildhibaan Waa wersengali 8 Xildhibaan Waa Sool clan 8 Xildhibaan Waa Ciise 9 Xildhibaan Waa Awdal Clan 28 Xildhibaan Waa Isaaq. Totalka guud Waa 58 Xildhibaan ayaa ka soo jeedda Somaliland. Waxa Intaas dheer 16 Xildhibaan oo ah(DIRKA) konfureed. Marka La isu geeyo 58+16=74. Intaas Waxa dheer. • Darood 48 Xildhibaan • Digil iyo MIRIFLE 61 Xildhibaan • Mogadishu Clan 61 Xildhibaan • Beesha Shanaad 31 Xildhibaan Tiradda guud Waa:- 201 Xildhibaan Marka loo geeyo 74 xaga sare waa 275 Hadaba asxaabta maanta xamar ka jirta maaha wali xisbiyo. Waxey ku jiraan (ururo) waxeyna yihiin waa (urur-siyasadeed) Wali mey gaadhin asxaab qaran oo leh, shahadaddo xisbi. Waxeyna marayaan tiro aad u fara badan oo urur-siyasadeedyo ah. Isku soo wadda duub, maanta hadaan soo qaadano xisbiga wadda-jir. Siyasadiisa iyo barnaajim siyasadeedkiisu waxa weeye midnimadda Somalia wa muqaddas. Waxuse Tv-YADDA ka sheega in dhulka Somalia ee waqooyi dhibaato ka dhacdey. Dadkaasi u bahan yihiin in laga garaabo dhawaca dowladii siyaasadd bare gaahsiisey. Waa aragti ku saleysan dadka reer somaliland hala xaalmariyo waxey ku samraana hala siiyo. Ceeb mahaa Waa hadal wanaagsan. Hadaba maanta hadii xukumadda somaliland dhaqaale siiso uu Madaxweyne ku noqdo Abdirahman Abdi-shakur Suaasha meesha taala Waxa weeye? Somaliland Ma Ictiraafi karaa!!! JAWAAABTU WAA MAYA:- Sababtu Waxa weeye. Abdirahman abdishakur haduu Madaxweyne noqdo ma aqoonsankaro somaliland. Marka kowaad Isagu shaqsiyan Ma rabo. Marka LABAAD awood Sharci uma leh. Dalka Somalia Waa (Baarlamenteriyan system). Sidaas darteed xeerar aan golaha shacabku ansixin xukumaddu ma fulin karto. Somaliland qorshaha ey somalia kaga guuleysaneysa maaha iney shaqsi tageerto. Aniga aragtideydda waxa weeye in ka dhex ololeyso dhamaan goboladda maamul goboleedyadda iyo golaha shacabka Somalia. Waa hadii larabo in dhaqaale iyo siyasadd lala dhextago Somalia. Waa in somaliland hanata oo Marka hore xidhiidh la sameysata 58 Xildhibaan ee reer somaliland. Waa iney noqdaan Xildhibaano aaminsan Somaliland xukumadda somaliland xidhiidh joogta ah la leedahey. Waa in aaney noqon dad aan cidna metelin. Haddey xukumadda Somaliland biseylka siyasadeed keento oo ey noqdaan niman dadkooddii iyo dalkoodi u shaqeyneysa oo qaata laba mushahar. Golaha shacabka Somlia waxey keeni karaan maalinwalba (motion) ey kaga hadlayaan arimaha Somaliland. Xukumadd walba oo la soo dhiso waxey ku noqonayaan (laf-dhuun gashey). Marka xukumadda Somaliland Intaas sameyso waxey ku dedaaleysa iney hesho maamul goboleedyadda kale qaar ka midda sida (GALMUDUG) iyo maamul goboleedka ( DIGIL IYO MIRIFLE) ee casimadiisu tahey (BAYDHABA) Waxa soo raaci kara (HIR-SHABEELE) iyo (JUBALAND) Waayo Puntland waxa u yara muuqaneysa degmoyinka ey degaan hartigu dego ee somaliland ku dhexyaala. Taas baa yara keeneysa Xanafta qabyladda ee Somalida ku badan. Wanaa caqabadaha hortagan Aqoonsiga Somaliland. Taaso meesha ka saartey Taariikhdii juquraafi ahaan ee xuduuda Somaliland la laheyd Somalia, ey ka dhigeen xuduud qabiil. Ama in reero wadda dhashey la kala goynayo. Halka isaaqa dega Ethiopia ey Laba walalo ahi kala degan yihiin Somaliland iyo Ethiopia. Oo kala ah Laba dowladdood. Kama duwana labadda qof ee Puntland iyo Somaliland kala degani. Laba family oo kala degan kilalka-shanaad iyo Somaliland oo isku qabiil ah. Hadaba qorshahani waa mid ubaahan Dhaqaale iyo caqli garasho fogleh. Xukumadda maanta Somaliland ka jirta maaha Mid isku dayi kartaa arintan. Waayo waxey u bahan tahey geesinimo in UMADDA reer somaliland laga dhaadhiciyo. Gobolka Sool iyo Sanaag bari, Waa in xukumaddu Gacanta kuheysa dadka degaankaasuna qalbiga iyo quluubtaba kala socdaan dalkooda Somaliland. Taas marka reer somaliland sameeyaan waa in xildhibanadda xamar jooga ee Somaliland kaaso jeedda iman karaan hargeisa. Xukumadduna la leeyahey wadda shaqeyn buuxda. Waa in (motion) Madaxeyne Muuse biixi uga dhiibo Hargeisa, uu golaha shacabka Moqdisho gilgili kara siyaasiyan. Marka xukumadda Muqdisho khaati istaagto Wax imaneysa in wadda hadal Miyir qaba oo ku saleysan Somaliland iyo Somalia. Ka dib Waxa imanaya garowshiyo dhinaca Somalia ah. Waayo waxa la ogaanaya in la isku xaniban yahey oo aan xukumadda Federaalka Somalia aaney laheyn (DASTUUR) Afti dadweyne loogu codeeyey. Inta Somaliland ka maqan tahey. Waxa caqabadd ku ah dowladda Muqdisho Dastuurka qabyo-qoraalka oo Somaliland la’aanteed hadii la ansixiyo. Waxu noqnaya in si bilaa shuruud ah loo aqoonsaddey Somaliland. Marka xukumadda Moqdisho heshiiyo caalamiya magali karto oo masiirkeeddii waxu ku xidhan yahey xeerarka dalka oo Aan qeexneyn sababto ah Dastuur umaddu u codeysey dowladda xamar Kuma dhaqanto. Walina waa Dastuur ku Meel gaadha. Hadaba anigu aragtideyda uma arko shaqsi xisbi leh ama koox xamar ka soo jeedda in Dhaqaale lagu siiyo kursiga MADAXWEYNE baanu idin saareyna Hadhowna na-aqoonsadda. Shekadaasi waxey noqoneysa (BEEN GO’LAGU DEDEY) Lacagta Inta laga qaato buu hadhowna odhanaya ninkooda Ugu wanaagsani baarlamanku Igama yeelayo balse maadama aad kursiga ii keenteen. Aan magaacabo Raisal-wasaare reer somalilad. Wadda shaqeyn dhowna xukumadeydu wey idinla yeelaneysa. Waa ninka ugu wanaagsan ee si kalsooni leh heshiis kula gala xukumadda Somaliland. Waxa Intaas soo raaca oo aan ku cabirayaa siyasadda xamar taal, sidee looga dhex ololeyn karaa, si loo helo aqoonsiga somaliland oo xamar iyo wadda xajoodkeeda ku xidhan anigu hadda ma xasuusto wax Intaas dheer…! Waxyaabaha aan xasuusto dib baan idinla gorfeyn doona. Waxii aragti ah ee tan ka duwan Waxaan qaba ineynu wadaagno kana doodno. #Qalinka_Caawa #Higsiga_fog Ambassador Abdirizak Diinaari Amb Ahmed Safiina Amb Abdirashid Suleman Abdirisaq Terra Liban Hussein Yusuf Gabobe Guuleed Dafac Guleid Hassan Dirir Aadanweli Ismail Ismail Farjar Khaalid Foodhaadhi Badri Kozar Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka waxbarashada Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare uu dhici doono waqtigii loogu talo-galay, isagoo ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan ka qayb-galka imtixaanka. Imtixaankan oo fashilmay bishan horraanteedii, kaddib markii la sheegay in la helay nuqullo ka mid ah su’aalaha imtixaanka ayaa waxaa joojiyay wasiir Goodax, taasoo dhalisay dibadbaxyo ay dhigeen ardaydii imtixaanaadkaas laga joojiyay. Arrintaas ayaa waxay keentay in maamulka Hirshabelle oo ka mid ah kuwa hoos-yimaada dowladda federaalka ah uu diido in imtixaanka guud ay u hoos-tagaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, inkastoo wasiirro arrintaas xallinaya ay gaareen Jowhar. “Maalinta Isniinta ah oo ku beegan 27-ka bishan May, waxaa si rasmi ah uga billaabanaya Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee dugsiyada sare, waxaanan ardayda Soomaaliyeed ee ka qayb-galaya imtixaanka u rajeyayaa guul,” ayuu yiri Wasiir Goodax. Wasiirka oo sii hadlaya ayaa wuxuu intaas ku daray. “Wasaaraddu waxay mar walba mas’uuliyad iska saareysa sidii loo garab-is-taagi lahaa ardayda Soomaaliyeed,” Sidoo kale, laamaha ammaanka Dowladda Somalia ayuu ka dalbaday inay ardayda u turaan inta lagu jiro imtixaanka, wuxuuna sidoo kale ku baaqay in laga hor-tago wax walba oo wax u dhimi kara habsami u socodka imtixaanka guud ee shahaadiga ah. Ugu dambeyn, Imtixaankan waxaa ka qayb-gali doonta 31,000 oo arday sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada, kuwaasoo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, inkastoo aan la ogeyn saameynta uu yeelan doono imtixaankan. PUNTLAND POST The post Wasiirka Waxbarashada DFS oo War kasoo saaray xilliga uu dhicayo Imtixaanka guud appeared first on Puntland Post.
-
Pretoria (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa. Madaxwynaha oo munaasabaddan kaga qeyb galay Magaalada Pretoria ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ramaphosa xilka cusub ee loo igmaday, isaga oo bogaadiyay horumarka ay dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika ay ku tallaabsadeen. Dhankiisa, Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa uga mahad celiyey wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay u ajiibeen marti qaadka uu u fidiyey ee ku aaddan in ay goob joog ka noqdaan munaasabadda uu xilka kula wareegayo. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku suganyahay Koonfur Afrika waxa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, isagoona u kuur galaya xaaladdooda iyo caqabadaha haysta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galay caleemo-saarka Madaxweynaha K/ Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saarya ku wargelisay hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo inta Iskaashiga Caalamiga kala dhaxeeyo iney shirarkii ka dhici jiray Nairobi ay u wareejiyaan dalal kale/ Wasaaradda ma sheegin dalalka ay doorbideyso in siminaarada iyo shirarka ay ka dhacaan balse waxaa ay sheegtay iney go’aankan qaadatay kadib markii ay Kenya ay culeys saartay safarka mas’uuliyiinta Soomaaliyeed. Qoraalka Wasaaradda oo Ingiriis Ku Qoran: Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa eedeyn u jeediyay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay qaar kamid ah hogaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee ka dhisan dalka Soomaaliya. Mr Casir ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay faragelin gudaha ah ku hayaan maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kale sheegay in hogaanka xisbiyada qaar ee dalka ay qeyb ka yihiin faragelintaasi. Wuxuu sheegay inay la doonayaan maamulka Puntland iyo xisbiyada masuuliyiinta hogaamiya inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. Walow uusan sheegin nooca ay tahay faragelinta Puntland ku heyso Galmudug, haddana waxaa muuqata ineysan la dhacsaneyn isfahamkii ugu dambeeyay ee ay wada gaareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland. Dhinaca Guddoomiye Casir ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. 4 Bisha July ayuu sheegay inay doorashada Galmudug ka dhaceyso deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana ka hor lasoo dooran doono baarlamaanka maamulkaasi. Waxaa kaloo uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ay dalbanayaan in cidii aan isku soo dhaweyneynin Madaxda Galmudug aysan kala fogeen, isaga oo eedeyn kulul u jeediyey Maamulka Puntland iyo Xisbiyada qaar. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Ku-xigeenada gobolkaasi. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. 2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug. 3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug. 4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. DHAMMAAD View the full article
-
Wanlaweyn (SMN) – Degmada Xamarweyne ayaa xalay guul u soo hoysay gobolka Banaadir , kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan xiiso leh oo ay si aad ah ula dhaceen dhageystayaasha iyo taageerayaashooda. Xamarweyne oo guusha la hoyatay waxaa ay la timid dhibco gaaraya 16, halka degmada Wanlaweyn ee keensatay 12 buundo. Degmada Xamarweyne waxa ay u gudubtay wareega sided dhamaadka ee tartanka, waxaana horay isaga xaadiray degmooyinka Howlwadaag, Dharkenley iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Caawa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa isaga hor imaan doono degmooyinka Shibis iyo Waabari oo ka wada tirsan Group C. Taaba gelinta tartanka Shabelle waa Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercial Secondary School. View the full article
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lasoo dhigay map ama khariidad la-yaba leh oo si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Khariidaddan oo ah tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqata lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya. Waxaa sidoo kale yaab leh, in Somaliland laga reebay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ku darsatay sida ka muuqata khariidadda, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika. Lama yaqaan sababta Itoobiya ay sidan u sameysay iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxaa cad in hamigii Itoobiya ee in mar un ay baabi’iso kuna darsato Soomaaliya uu banaanka yimid, ha noqoto ku talo-gal mise sir fakatay. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si aad ah isugu dhiibay dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, isaga oo rumeysan in isbahaysi uu la sameysto ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya. Halkan ka eeg bogga wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Riix Halkan. Sidoo kale eeg sawirka hoose ee aan ka qaadnay, si haddii laga saaro khariidadda aan keyd uga hayno.
-
Uganda protests Rwandan military's 'violation of territory'
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kampala says Rwandan troops crossed border and killed two men, but Kigali dismisses the account as 'fake news'. Source: Hiiraan Online -
Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah. Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur. Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan. Waa ay samaysteen jabhaddii, waxanay labada dhinac ku heshiiyeen in marka Itoobiya la qabto in Tigeegu madaxbannaani siiyaan Eritrea. “Waana tii dhacday”, bay yidhaahdeen. Waxa kale oo weftigu yidhaahdeen “waa taa hadda labada qolo Koonfurta ku dagaallamayaan. Tii aad taageertaan baana guuleysanaysa”. Waxa ay soo jeediyeen Caydiid taageera oo marka uu Cabdillaahi ka adkaado ee uu dawlad dhisto la hadla, waa uu idin yeeli doonaaye. Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “oo markaa waxa aad i leedihiin, reero ayaannu nahaye, Fagadhe is dila”! Fagashe, AHN, waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland ee maalintaas, waxa aanu ahaa nin Daarood ah oo weliba Harti ah. Xildhibaan Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaan sheekadan ka soo dheegtey hadal uu ka jeediyey xuskii 16aad ee geeridii Cigaal, AHN. Dhacdooyinka taariikhda ee foosha xumi waa gunnimo haddii ay isu soo celceliyaan sida biyaha calcalyada ah ee xarfanaya meel bannaan. Maanta se Cigaal ma joogo oo waa “meel libaax ka kacay atoor fadh fadhiisey”! Mid kalaan xusuustay oo ah shirkii Dir ee Iyoobiya ka dhacay iyo doorkii Somaliland ay ku lahayd oo arrintan is beerlaxawsigu ku taxmi karto. “Waa nin madaxu buko oo minjaha deyey”! Kooxo intii wax isla oggolayd ku guul-darraystay in ay mideeyaan oo colaad dhexdooda geliyaan isuna soo dhoweyn karaan, mana midayn karaan in awel ba kala fogeyd oo dayr dhex yiil. Mogadishu Clan iyo Isaaq mid waliba gaarkiisa ayuu xanuun ula taahayaa oo sariirta ula ula jiifaa. Haddii labada cudur la isu keeno waxa ka faafi cudurro kale oo aan dawo yeelan marka laga yimaaddo boogta weyn ee dib u milil dillaaci doonto. Waa “raad arooryo oo dib loo raacay”! Karis xun se iyana wax ku la’. Maanta waxa door noqon lahayd in qolo kasta iyadu isa soo shashafayso oo gudaheeda iska hagaajiso. Hooyo caano i sii iyo horta reerku ha dego saw carruurta laguma odhan jirey? Maalinta talo saalloonaato in la isu yimaaddo oo laba loo wada hadlo: Soomaaliya oo isku dhan is wadata iyo Somaliland oo isku dhan oo is wadata wixii ka sokeeyaa “waa kud ka guur oo qanjo u guur”. “Ka fiirso intaanad falin, fari na togdheer bay kula xushaa”! Belo ka hortag bay leedahay ee dabo la qabto ma leh! “Waar hooy ka daayaannu idin leennahay”! W/Q: Mohamed Baashe Xaaji Xasan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid