-
Content Count
208,510 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa warsaxafadeed kaga jawaabtey war saxaafadeedkii xaley ay soo saartey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. taas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad Goboleedyada dalka. Waxaana Maamulka Jubaland noqonaa Maamulkii Sadexaad ee ka horyimaada waxaa horay sharcigaan Gaashaanka ugu duruuray Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug. Jubaland waxay sheegtay in habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya uu si cad uga hor-imanayo dastuurka dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan marnaba aqbaleyn. Jubaland ayaa ah maamulka ugu horreeya ee dhowaan doorasho ay ka dhaceyso waxayna marar badan ka digtay faro-gelin ay sheegtay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha maamulkaas. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubaland
-
Shacabka Ceelbuh oo dhagax kala hor tegay ciidamada Somaliland Shacabka ku nool degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa maanta mudaharaad ku muujiyay sida ay uga horjeedan joogitaanka ciidamada Somaliland ee gobolkaasi. Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Ceelbuh oo sitay calanka Puntland kuna dhawaaqayey ereyo ka dhan ah Somaliland ayaa socod ku maray waddooyinka degmada. Degmada Yubbe ayaa iyadana la sheegaya in ciidamada Somaliland dhaawac culus ugu geysteen qof dumar ah kadib markii ay rasaas ku fureen shacab halkaasi ku mudaharaadayey inkastoo degmada Yubbe ay weli ku sugan Yihiin ciidamada Somaliland. Sidoo kale ciidamo Somaliland ah oo xalay ka soo baxay degaannada Ceel-Afweyn iyo Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag ayaa saaka ku soo biiray ciidamadii hore Somaliland uga joogay degmada Yubbe. Dhinaca kale Puntland ayaa xoojisay ciidamada ka jooga duleedka bari ee degmada Yubbe iyadoo ay wahtigan meelo isu muuqda joogan ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland. Xiisad colaadeed oo horleh ayaa laga dareemaya gobolka waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka qarxo degaannada la isku hor fadhiyo. PUNTLAND POST The post Mudahaarad looga horjeedo Somaliland oo ka dhacay degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha. Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan maamulka Puntland,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Puntland. Wararka Goobjoog News ay ka helayso Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee dalka Shiinaha uu yahay mid la xiriira mashaariicda dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga shiinaha la doonayo inuu ka fuliyo deegaanada Putnland. Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ugu ambabaxo dalka dibadiisa tan iyo markii 8-dii Jenaury 2019 si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay Qorshaha Gurmadka Abaaraha waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo dhaqaale aan soo daahin si looga baaqsado in xaaladda bini’aadamnimo ay kasii darto. Qorshuhu wuxuu dalbaday adduun lacageed oo gaaraya $710 milyan si caawinaad naf badbaadin ah loola gaaro 4.5 milyan oo Soomaali ah oo ay abaartu saameysay, muddada u dhaxeysa Maajo iyo Diseembar ee sannadkan. Xilli-roobaadkii Gu-ga (Abr-Jun) guud ahaan wadanka ugama di’in si wanaagsan, arrintan oo ka dhigan xilli-roobaadkii labaad ee aan wanaagsanayn ayada oo weliba Soomaaliya ay ku jirtay marxalad ay kasoo kabaneysay abaarihii 2016-17. Marka laga reebo Gu-gii 2018, xilli-roobaad walba wuxuu ahaa mid celcelis ahaan ka hooseeya intii la heli jiray ilaa 2015, roob yaridaas oo sababtay in dadku ay kasoo kaban waayaan dhibaatooyinkii gaaray. Roobka Gu-ga ee 2019 wuxuu noqday kii sadexaad ee ugu liitay taariikhda Soomaalida ilaa iyo horaantii sideetanaadkii, arrintan waxay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelatay dalagga beeraha iyo taranka xoolaha. Tirada dadka ku sugan xaaladaha degdegga ah ee cuntayarida waxaa laga cabsi qabaa iney gaaraan 2.2 milyan bisha Luulyo. Tiradan waxay boqolkiiba 40 ka sarreysaa halkii ay joogtay bishii Janaayo ee sannadkan,Nafaqadarrada, cudurro ka dhashay abaaraha iyo barakac ayaa cirka isku sii shareeraya. “Xaaladda abaarta ee Soomaaliya waa mid kasii dareysa waxayna u muuqataa iney kasoo hormartay waqtiyadii la arki jiray marka dib loo eego tobankii sannadood ee lasoo dhaafay. Soomaaliya waxay ku sugantahay xaalad adag,haddii la helo dhaqaale ku filan waxaa dib loo howl gelin karaa farsamooyinkii looga hortegay macluushii 2017,” ayuu yiri George Conway, ku simaha Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Annagoo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyneyna sidii loo dhisi lahaa adkeysiga dadka si loola tacaalo waxyaabaha sababa mashaqooyinkan soo laalaabtay, ayaa hadana waxaa loo baahanyahay in cid waliba, oo ay ku jiraan deeq bixiyeyaasha, ganacsatada, Soomaalida gudaha ku nool iyo qurbo-joogtaba ay qayb ka qaataan dadaallada gargaarka,” ayuu raaciyay Saameynta abaaruhu waxay qatar gelinayaan guulihii la gaaray sannadkii 2018. In sara loo qaado howlaha gargaarka ayaa loo baahanyahay si loo yareeyo saameynta abaaraha, waxaa kale oo aan laga maarmin in gargaarka bini’aadamnimada lagu kabo mashaariicda horumarinta ayadoo lagu shaqeynayo Hanaanka Kasoo-kabashada Nugeylka ee ay Dowladda Soomaaliya hoggaamiso si Soomaalidu awood ugu yeelato iney duruufahan oo kale iska xajiso mustaqbalka.Dhaqaalo yari ayaa xadideysa awoodda hay’adaha samafalka ee ka jawaabi lahaa baahiyaha jira. Howlo gargaar oo muhiim oo ay ka mid yihiin qaybaha biyaha, caafimaadka, nafaqada iyo caawinaadda dhanka cuntada ah ee ka socday dhulka ay abaaraha ku dhufteen qaarkiis ayaa hoos usii dhacaya. Magaalooyinkana waxaa soo gelaya barakacayaal cusub. Qorshaha Ka- falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada-HRP- ee 2019, oo dalbaday adduun dhan $1.08 bilyan, ilaa hadda wuxuu heley boqolkiiba 20 kaliya ayadoo weliba baahiyuhu ay sii kordhayaan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha. Mas’uul ka tirsan maamulkaasi ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ku sii sagootiyay Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa. Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Shiinaha waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi. Waa safarkii labaad ee uu dibadda ku aadayo Saciid C/laahi Deni, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Puntland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Labada degmo ayaa ku wada jiro Group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Shibis iyo Waabari ayaa tartamadii hore waxa ay soo miijiyeen dadaallo xoogan, waxaana ay la yimaadeen natiijooyin wax ku oo ah. Degmada Shabis labadii kulan ee la soo dhaafay mar waxa ay guul ka soo gaartay dhiggeeda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, marna waxa ay barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale Waabari ayaa kulankeedii koowaad soo badisay , halka lugtii labaadna laga soo badiyay. Tartamayaasha labad koox ayaa haatan u isugu diyaarinaya ka qeyb galka barnaamijka xiisaha badan tartan aqooneedka Shabelle. Degmada badisa Shibis iyo Waabari waxa ay fariisan doontaa wareega sided dhammaadka ee tartanka. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin ku bixinaya shirkada ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Armd Al-Shabaab fighters attacked a military base in Bilis Qoqani area located in the outskirts of Afmadow town in Lower Jubba region, residents said. The ambush attack has led to a heavy battle between the attackers and Jubbaland state forces backed by the African Union troops serving under AMISOM. The fighting caused casualties on both side, however, the number of figures has not been verified so far. However, Al-Shabab has claimed victory over the battle against the regional and AU forces in the region. On the other hand, the allied forces have wrested control of Diif village from Al-Shabaab during an operation executed on Sunday, according to military sources. View the full article
-
Baardheere (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ay maanta ka fuliyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Weerarka oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu hoy uu Baardheere uu ka dagan yahay Maareeyaha Garoonka magaaladaasi Daqare Maxamed Xirsi. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa Askari oo ilaalo u ahaa Mas’uulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa waxaa la soo gudbiyay magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda Caafimaad. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa tagay Guri la wareeray, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Musharixiinta Jubbalanad ayaa ka hadlay Qaraxii laga bixiyey gurigiisa gadaashiisa. Xildhibaanka ayaa sheegay inay Qaraxaas meesha soo dhiggeyn Ciidamada Maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe isla markaasna ay aheyd shirqool isaga loo dhigay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Xidig soo dhigay Bartiisa Facebook: Asc: Dhamaan Umada Muslimiinta Gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ramadaan Mubaarak: Ilaahay mahadii waxaa fashilmay fal wuxushnimo ah oo ay maleegeen shakhsiyaad Xukun madax maray: Waxaa hubaal ah In Qaraxa lagu diyaariyay ama la keenay guriga Askariga ilaaladeyda kamidka ahaa loo soo waday guriga aan ka degenahay maagaalada Kismayo: Sidoo kale baadhitaan kadib waxaa muuqatay in Qaraxa aan laga keenin lagana soo Abaabulin meel ka baxsan Gudaha Kismayo: Cadeynta ugu xoogan ee tilmaameysa raadka halka Qaraxu ka soo jeedo ayaa muujineysa sida dhibka yar ee ay u xanbaarteen Qaraxii oo aan lala socodsiinin heyadihii Amniga ee Jubaland iyo Ciidamada u tababaran Kala furida Qaraxyada Taasoo lagaga hortagayo In Heyadaha Amnigu ay baadhitaan ku sameeyaan: Sida maanta dhacday oo kale way adag tahay In Qarax meel lagu diyaariyay Qof u yimaado oo gaadhiga iska saarto iyadoo aanay ciidamada u tababaran hubinin In Qaraxa la kala furay: Falka maanta ayaa muujinaya In ragii meesha ku diyaarsaday ay Dib u qaateen kadib markuu ka fashilmay. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu Qaatay oo Gaadhigiisa saartay mid kamida Saraakiisha ilaalada Madaxtooyada Jubaland: Dhinaca kale waxaa magaalada kismayo si xawli ah uga socda shirar, Shirqoolo iyo Abaabulo lagaga soo horjeedo murashaxiinta Madaxweynaha Jubaland iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah: shirqooladan waxaa hormuud u ka ah shakhsiyaad xilal ka haya Maamulka Jubaland iyo kuwo xilal ka haya goloyaasha Federaalka oo hada kismayo ku sugan: Umada soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka indhaha ha ku hayaan falalka iyo shirqoolada kasocda Kismayo: Isbedel Doonka Jubaland Waxaan usoo jeedinayaa inay ilaaliyaan Amniga Iyo Midnimada Jubaland, sidoo kale waxan usoo jeedinayaa inay laban laabaan Kacdoonka Isbedel doonka Jubaland: Dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibada Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan marna nala cabsi gelineynin kuna taaganahay jidka isbedel doonka cid is hortaagi kartaana jirin (inshaalaah): Heyadaha Amniga ee Jubaland, Heyadaha Amniga ee Federaalka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ka codsanayaa inay baadhitaan degdeg ah ku sameeyaan Falkan: Jawaab degdeg ahna ka bixiyaan; Amaana Alaah: Xildhibaan Cabdirashiid Xidig Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa website-keeda soo dhigtay khariiradda Africa iyadoo Map-ka ka saartay Soomaaliya. Sida ka muuqata Khariiradda Wasaaradda ay daabacday, Soomaaliya ayaa waxaa lagu daray Itoobiya, waxaana Somaliland laga dhigay dal madax-banaan oo ka mid ah Africa. Arintaan ayaa dood adag ka abuurtay baraha bulshada, oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan tallaabada ay qaadey wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya. Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo looga jawaabayo falkan ay ku dhaqaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka wanaagsan xilligan kala dhaxeeyo DFS, waxaana dalka ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee G/Jubbada Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in muddo kooban ay la wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay ku qaadeen weerar culus. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay ka dhashay dagaalkaasi. Dhinaca kale maamulka deegaanka Qooqaani oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalyahannadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan dagan, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe gobollada Jubbooyinka ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-duhur-26052019.mp3 View the full article
-
The leader of Puntland, Said Abdullahi Deni on Saturday has appointed new individuals for the leadership of Mudug region. In presidential, the leader has sacked Abdikadir Hussein Nur who has been serving as the governor of the region since last December. Ahmed Muse Nur was appointed as the new governor of the region. Nur previously served as the deputy governor in the administration led by the immediate former Puntland president, Abdiweli Ali Gaas. The decree also appointed two deputy governor for the Mudug administration. Hassan Abdullahi Warsame was selected to be the first deputy governor while Mohamed Hassan Hussein was named to be the second deputy governor of the region. The move comes barely hours after president dissolved the judiciary system of Galkayo town. View the full article
-
Goldogob (Caasimadda Online) – Warar laga helayo gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere), kaasoo la sheegay inuu ahaa madaxii xabsiga Jeel Ogaadeen ee magaalada Jigjiga. Xabsigan oo dadka lagu ciqaabi jiray mudadii uu xafiiska fahdiyay madaxweynaha xabsiga ku jira ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Albaabada la isugu dhuftay 22-kii Sebtembar 2018. Sida wararka lagu helayo Xasan Dheere waxa uu si dhuumaaleysi maalmihii danbe ku joogay magaalada Goldogob, kaasoo markii danbe xogtiisa laga war helay, iyadoo xalay Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen. Dad arintan ka war haya ayaa ku waramaya in Puntland ay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay xuduud wadaag yihiin ay ku wareejisay Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere),wuxuuna kamid yahay dad loo heysto tacadiyo ka dhan ah aadanaha oo laga geystay gobolka. Sida qorshuhu yahay, maanta ayaa la filayaa in ninkan dib loogu celiyo magaalada Jig Jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida, halkaasoo ah meeshii uu markeedii hore isaga soo cararay. Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar), ayaa hore u sheegay iney meel kasta oo ay galan ka soo saarayaan dadka dhibaatooyinka u geystay Shacabka, wuxuuna hore deegaano kamid ah Somaliland uga soo qabtay Wasiiro iyagoo baxsad ahaa la qabtay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen Maxamed Abshir iyagoo ku sii jeeda dalkaasi Shiinaha. Wefdiga madaxweynaha waxaa garoonka ku sii saagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo xubno ka socday madaxtooyada. Safarka madaxweyne Deni ee dalka Shiinaha ayaa ku saabsan mashaariicda dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga waana safarkii labaad ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii la doortay 8-dii Jen 2019. Socdaalkii kan ka horreeyay ayaa madaxweynuhu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya isagoo xilligaasi ka baaqday safar uu ku tegi lahaa waddanka Shiinaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu baxay deegaanka Dararweyne ee gobolka Maroodi-jeex. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa tababar deegaanka Dararweyne ugu soo xidhaya dhalinyaro loo carbiyay Barnaamijka shaqo qaran. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore ugu qayb galay munaasibad loo sameeyay bilowga tababarkan ay ku qaadanayaan rdeydii jaamacadaha ka baxdey Source
-
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso warqadda wasaaradda arimaha Gudaha iyo federalka Xukuumadda Soomaaliya ee Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Hirshabeelle waxaa ay walaac ka muujisay warqadda, sheegtana iney baal marsantahay nidaamka federaalka ah, dowlad wanaagga iyo daadejinta nidaamka dimoqraadiyadda Akhriso, Qoraalka Hirshabeelle: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa xalay Cisbitaalka International ee magaalada Hargeysa xaalad caafimad loo dhigay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Xaaladda xanuunka suldaanka oo waxa xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Oo Koore Barta Uu Facebuuga Ku Leeyahay Ugu Ducaynayey In Uu Alle Caafiyo Suldaan Maxamed Suldaan cabdiqaadir. waxanu qoraalkiisu u dhignaa sidan” Alle caafimaad sariica ha siiyo Suldaan Maxamed Suldaan Abdiqadir oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka International ee Hargeysa. Alle Waxaan uga Baryayaa waa Bil Ramdaane in Danbi dhaafo iyo naxariis looga dhigo. Suldaanka dhamaanteen aynu u ducayno waa bil Ramdaan in Alle caafimaad degdega siiyo; xanuunkan la dul qaado. Allahuma-Amiiin”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii Julay ee sanadkii 2018 si weyn qayliyay kulan hoggaamiyaha xisbiga UCID magaalada Brussels ee dalka Biljimka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxa uu kulankaasi ku tilmaamay amakaag iyo wax aan la filayn laakiin, hadda wasiirkiisa arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenkiisa Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa difaacaya kulan uu magaalada Nairobi kula yeeshay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiye ka ah xisbiga Wadajir ee Soomaaliya una ordaya madaxnimada Soomaaliya. Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay kulankii Faysal iyo Farmaajo wuxuu yidhi “Waxa tagay guddoomiyihii xisbiga UCID maanan ogayn nagalamuu tashan, talo kumaanan lahayn waana wax inagu cusub waana arrin u baahan in dib loogu noqdo oo dib la isaga arko arrintaas, isaga iyo ciddii la socotay ba amakaag bay nagu noqotay xattaa maanan ogayn in uu baxayo isaga oo Farmaajo la jooga dee amakaag bay noqotay mana dhici karto waana la arki doona waxay ku dambeyso,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Hadda Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u difaacaya kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaanu yidhi “horta waxaad ogaataan cadowgaaga cadowgii waa saaxiibkaa, Farmaajo innagga jabhadu ayuu inoo samaystay Jabhaddo, annagu laakiin’se si ilbaxnimo leh Mucaaradkooda ayaan la sheekaysanaynaa annagu Mucaarad ayaanu nahay Mucaaradka waan u yeedhaynaa wax-baanu baraynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo ayaanu ka shaqaynaynaa haddii aanu nahay UCID iyo wixii xun ee innagu xun-ba,” Wasiir Maxamed Kaahin oo isla aragtida Faysal sii xoojinaya ayaa yidhi “Somaaliya Jabhado hubaysan oo rag la garanayaa ku jiraan ayaa Farmaajo ay u samaysteen Somaliland , Cid Dowladda Farmaajo Mucaarad ku ah haddii ay Somaliland la kulanto denbi maaha.” Haddii aanay dambi ahayn kulanka guddoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye, ahna wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur muxuu madaxweyne Biixi amakaag iyo ma dhacdo ugu arkayay kulankii Faysal Cali Waraabe iyo madaxweyne Farmaajo. Waxa la is waydiinaya waxa bedelay mawqifka madaxweyne Biixi oo la fahansan yahay in aanay masuuliyiinta Kulmiye iyo wasiirkiisa arrimaha guduhu qaadin tallaabo aanu la ogayn ama aanay sidan ugu soo bandhigeen saxaafadda kulan qarsoodi ahaa oo ay la yeesheen mucaaradka Muqdisho. Waxa laga yaaba in ay tani xalaalayso la kulanka siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliya iyada oo lagu sababaynayo in ay yihiin qaybo ka mid ah dad reer Soomaaliya ah oo danta Somaliland wada sida weftiga Kulmiye iyo UCID ugu sababeeyeen kulankooda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mabadiida xisbigiisu ku salaysan yihiin midnimada Soomaaliya iyo Somaliland. Source
-
(SLT-Hindiya)-Inta la ogyahay 20 dhallinyaro Arday ah ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay iskuulkooda, Dalka Hindiya. 20-ka Arday ayaa qaarkood u Geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay markii Iskuulkooda oo Dhowr dabaq ah ay ka soo boodeen markii uu gubtay, si ay isku bedbaadiyaan. 16 ka mid ah Ardayda Geeriyootay ayaa ahaa Hablo yaryar oo isku diyaarinayey inay galaan Imtixaan, waxaanu iskuulkaasi oo ku yaallay dhisme aan Ganacsiga ku habboonayn Magaalada Surat ee Galbeedka Hindiya, sida Masuuliyiintu sheegeen. Sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday Goobta Masiibadu ka dhacday, ayaa muujinaya Ardayda oo ka soo hoobanaya xagga sare ee dhismaha, si ay isku bedbaadiyaan, gelinkii dambe ee Jimcihii. Sawirrada Argagaxa leh ee muujinaya dhibaatada Ardaydaa gaadhay, ayaad aad ugu faafay Baraha Bulshada. Dadka dhintay ayaa da’doodu u dhaxaysay 15 illaa 19 Jir, xilliga dabku bilaabmayna waxa hal fasal ku wada jitay illaa 50 Arday, sida ay Masuuliyiinta deegaanka dhibaatadu ka dhacday sheegeen. Source
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has for the first time held a meeting with Somali nationals in South Africa who are facing the extrme danger of xenophobic attack. The president and his delegation have arrived in Pretoria on Saturday, where they attended the inauguration ceremony of newly elected South African president. Among them are concerns of the community, means to part the rebuilding process of Somalia and ways to link them with Somali embassy in South Africa. Each year, dozens of Somalis are killed in South Africa, some were set on fire in the middle of the night while in a deep sleep. Millions of dollars-worth Somali owned properties are robbed annually. In recent years, South African gangs have been attacking foreign traders, including Ethiopians, Nigerians, Tanzanians, Malawians, Zimbabweans, and Somalis. Last year, Amnesty International accused the South African government of lacking the political will to avert xenophobic attacks. View the full article