Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,522
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay wafdi ka socdey xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo shalay magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtey, kadib kulamo ay la soo yeeshen safiirada dalalka taageera Somaliland. Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, Cismaan Afgaab oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta xisbiga Waddan ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan wax heshiis ah weli laga gaarin khilaafkii xisbiyada ee doorashooyinka. Guddoomiye Afgaab ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu Wafdigaasi la yeeshay siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur, isagoona sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Mas’uuliyiinta xukuumada Biixi ay la kulmaan siyaasigan. Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, ayaa waxa kale oo markii u horeysay shaaciyay in magaalada Hargeysa uu yimaado isla markaana ay xukuumada Biixi ay ku soo dhaweyso Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliya Cabdilaahi Sanbalooshe, wuxuuna yiri “In badan waxad arkeysan qolo xukuumada ah oo shalay kasoo noqota, Nairobi ka hadleysay, marar badana ay ka hadashay xukuumadu arrimaha doorashooyinka, waxan doonayaa in bulshada Somaliland u cadeynayo arrinta doorashooyinka ee mudada badan muranka ka jiro ama hadalku ka taaganyahay, xisbiga Waddani marnaba kama ay soo bixin in waqtiga doorashadu u mudeysantahay uu wax dooda ka keenay, Sanadkan damayaaqadiisana uu diyaar u yahay doorashada dhaceysa inuu ka qeyb-galo”. “Arrinta muranka iyo doodu ay ka taagantahy muddo 14-bilood ah, doodu ay ka jirtona maaha xiliga ay dorashadu dhaceyso, sida ogtihiin mudo 14-bilood waxay doodi ka taagantahay ama muran ka jira Komishanka maanta jiraa baneeyo, Komishan cusub oo loo simanyahayna inuu yimaado, arrinta aan xukuumada isku hayno mudadaas waa labada qodob”. “Xukuumadu waxay na leedahay xeerkii doorashada anaga sameysaneyna, Komishankii doorashadana anagaa wadana, shaqaalihii komishanka iyo howshiina naga diyaarsaneyna, wax alaala iyo waxkasta oo doorashada ku saabsan anagaa dhmaeystiraneyna, doorashada sidaa kusoo gala ayey leeyihiin, hadaad diidana xoog banu ku qabaneyna, waxan leenahay arrintaasi mid meesha taala maaha, mid Somaliland ka suurta-galeysana maaha”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ina C/shakuur maaha markii u horeysay ee xukuumada la kulanto markani markii labaad bey noqoneysa ama markii saddexaad inta la hubo, kal hore waxa la kulmay C/laahi Abokor oo Makka kula kulmay isaga iyo Mas’uuliyiin kale, haddana Wasiirka Arrimaha Gudaha la kulmey”. “Waxa kale oo jirta ragg kale oo Mas’uuliyiina oo kamid yahay ninkii sirdoonka Soomaaliya haysan jirey Sanbalooshe, inuu markasta Hargeysa imaado oo Huteelada Hargeysa mid kamida xukuumadu dajiso, Waddani oo marnaba cid kala kulmin oo iyagu waxay gacanta kula jiraan ay cid kale ku eedeynayaan”. Guddoomiye Cismaan Afgaab, ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Somaliland aysan kamid aheyn Maamuul goboleedyada Somaliya, balse ay xukuumada Kulmiye ay haatan ka dhigeyso mid kamida Maamul goboleedyadaas, isagoona ku sababeeyay kulamadii ay Naiorbi ku yeeshen iyo talaabooyinkii ay qaaday. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa waxaanu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiye ku xigeenka gobolka ee howlaha guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow. Qoraal kasoo baxay Yariisow ayaa lagu sheegay in Aadan Sheekh Cali Fiidow uu ku kacay “amar diido iyo curyaamin shaqada qeybta howlaha guud iyo nadaafadda.” Waxyaabaha sidoo kale lagu eedeeyey Aadan Sheekh Cali ayaa waxaa ka mid ah shaqo joojin uu ku sameeyey agaasimaha waaxda qorsheynta iyo injineerada ee gobolka, isaga oo aan kala tashan Yariisow. Yariisow ayaa sidoo kale ku eedeeyey ku-xigeenkiisa inuu joojiyey mashruuc lagu dhisayey garoonka Qoob-Dooro ee degmada Kaaraan, isaga oo aan kala tashan. Shaqo joojinta lagu sameeyey Aadan Sheekh Cali Fiidow oo isla maanta dhaqan gashay ayaa socon doonta ilaa amar dambe. Hoos ka arag warqadda
  4. (SLT-Hargeysa)-Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa ka warramay barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne oo uu maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka warramay barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa oo uu maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka horyimid habraac ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo lagu sheegay in lagu maamulayo doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha hoose ee Jubaland ayaa lagu sheegay in Jubaland u madax-bannaantahay habraaca doorashadeeda ayna mas’uul ka yihiin guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubaland. Sidoo kale dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay habraaca ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka Galmudug ay ku kala qeybsantay oo garabna taageeray garabka kalena ka horyimid Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo ka hortimid habraac ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa. Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada. Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), oo madasha hadal ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta barnaamujka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay tallaabadasaasi tahay mid hirgashay, guul wax ku ool ahna laga gaadhay, taasoo tusaale fiican u ah in horumar kasta oo gacmaha la isu qabsado laga midho dhalinkaro. Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday Agaasimuhu guulaha uu barnaamujkani gaadhay iyo faa’iidooyinka uu u keenay bulshada reer Somaliland iyo da’yarta carbiska ku jirteyba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in muddadii barnaamujka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyinkii la higsanayey oo ay ugu mudnaayeen is-dhexgalka, isu kal-samaanta iyo is-weheshiga dhallinyarada Somaliland, waxa bislaaday ilaa heer wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale, bulshadeed iyo Juquraafiga dalka Somaliland, waxana abuurmay dareen waddaniyadeed iyo mid sharci, waxana dhismay garaadkii iyo caafimaadkii jidh ahaaneed ee dhallinyada.” Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo dawladnimadeeda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in baraanujka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda horumariyaan, “Waxa aan cod dheer cid walba ugu sheegayaa inay Barnaamujka shaqo qaran maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa 9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood, iyada oo in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) kamid ah dhallinyaradan oo hablo iyo wiilal isugu jirtaa ay si iskood ah u doorteen inay ku biiraan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Barnaamujka shaqo qaran, taas oo ka markhaati ah sida xilkasnimada leh ee uu uga midho dhaliyey barnaamujka shaqo qaran ee loo xilsaaray oo kamid ah himilooyinka waaweyn ee madaxweynaha qaranka. Source
  8. Matalaadda Shacabka Gobolka Banaadir Shacabka ku nool Gobolka Banaadir waxaa in muddo ah ka maqan xuquuqdooda Dastuuriga ah, waxaana taaggan muran xooggan oo ku saabsan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee Gobolka kajirta, mana jiraan Madax ay doorteen dadka ku dhaqan Gobolka isla markaana ku hadla afkooda si ay helaan xuquuqda ka maqan, inkastoo ay jiraan dad badan oo u doodaya xuquuqda kamaqan shacabka ku nool Gobolka, haddana dadkaas mahaystaan sharciyad ama oggolaansho ka timid shacabka si ay ugu hadlaan afka dadka deggen Gobolka. Waxaa qasab ah in lahelo Madax ay si sharci ah u soo doorteen shacabka kunool Gobolka Banaadir ee ku timid rabitaankooda si ay ugu hadlaan afka shacabka ku nool Gobolka Banaadir, si loo helo wakiillada rasmiga ah ee sida saxda ah u raadin kara xuquuqda Dastuuriga ah shacabka Gobolka Banaadir. waxaa muhiim ah in loo jiheysto samaynta wakiillo sharci ah una idman in ay ka arrimiyaan qadiyadda taaggan ee Gobolka Banaadir isla markaana shacabka Gobolku raali ka yihiin. Shacabka ku nool degmo walba oo kamid ah waxa ay soo dooranayaan Gudoomiyaha Degmadaas iyo labada kuxigeen, waxayna noqonayaan wakiillada rasmiga ee shacabka ku nool degmada, islamarkaana ku yimid oggolaasho dimoqraaddi ah oo ay ku matalaan shabacka ku nool Degmadooda. Maamulka cusub ee laga soo doortay Degmooyinka waxa ay dooranayaan Maamulka Gobolka sida Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sedexdiisa Kuxigeen, waxaa halkaas ku dhismaya Maamulka Gobolka Banaadir oo ay soo doorteen shacabka kunool Gobolka Banaadir. Dhismaha Maamul Sharci ah Aasaaska Maamullada Sharciga ah waxaa u dub dhexaad u ah raali ahaanshiyaha shacabka ku nool deegaanka Maamulkaas uu ka shaqeyn doono, sharciyadda lagu unkayo samaynta Maamul dhaqangal ah ayaa ah mid u baahan garawshiyo guud oo ay garwaaqsadaan isla shacabka Maamulka dhisanayo, jidka loo marayo dhismaha Maamulka ayaa qasab ah inuu noqdo mid furan una sahlan dadka oo dhan ka qayb- galiddiisa, islamarkaana si cad u qeexan yahay ayna fahmi karaan dhammaan dadka dhisanaayo Maamulka. Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa u baahan in ay helaan Madax iyo maamul ku yimid rabitaankooda si ay ugula xisaabtamaan adeegyada dowladda hoose oo ay u xilsaarteen islamarkaana kumatala Dowladda Federaalka, waxaa isweyndiin mudan sidee ugu habboon ama ugu sahlan ee lagu heli karaa Madax ku timid raali ahaanshaha shacabka kunool Gobolka Banaadir iyadoo loo marayo wado sharciyeysan lana jaan-qaadi karta duruufaha ka jira Gobolka Banaadir. Hannaanka casrigan ka dhaqan galay adduunyada ayaa ah nidaanka dimoqraaddiga furan ah, oo ay u simman yahiin shacabka ku nool deegaanka Maamulka samaysanayo, waana habka lagu garto xalaalnimada Maamulka ladhisayo iyo sharciyadda uu ku yimid Maamulka, su,aasha ugu horreysa ayaa noqonaysa sidee loo helaa Madaxda ku timid rabitaanka shacabka Gobolka Banaadir islamarkaana ku timid wado sharci ah ee matalaysa shacabka Gobolka Banaadir? Doorashada Maamulka Gobolka Banaadir Si looga dhabeeyo qabsoomidda doorashooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa habboon in lasahmiyo ama aragti xaqiiqda udhaw laga qaato sida shacabka ugu heellan yihiin ka qaybgalka hannaanka doorashada Degmooyinka, Suurtogalnimada in ay Degmooyinka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah waxaa ay lagama maarmaan u tahay ah in tusaale cad ay u noqoto loogana qiyaas qaato doorashada guud ee lagu taamayo in dalka ka qabsoonto 2020/21, iyo heerka dimoqraaddiyenta bulshada gaarsiisan tahay iyo fahamka guud ee khibradaha qabashada howlaha doorashooyinka. Doorashada Degmooyinka waxaa ugu horreeya HAB wadar oggol ah ay wada aqbaleen dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ku shaqada leh oo ay quseyso qabsoomidda doorashooyinka lagu qabanayo deegaanno kooban isla markaana ay suurtogalka ka tahay dhinac walba. Marka laga helo oggolaansho Hay’adaha kor ku xusan oo ay quseyso qabsoomidda doorashada Degmooyinka, howsha ugu horreysa ayaa ah in lasameeyo Guddi qabta howlaha Doorashada oo ka imaanaya Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashada Qaranka, kahor u diyaargarowga qabsoomidda doorashada, si ay usoo diyaariyaan qorshaha ugu habboon ee suurtagalka ah ee lagu qaban karo Doorashada Degmooyinka Gobolka. Gunaanad. Shacabka ku nool Gobolka Banaadir waxay baahi badan u qabaan in ay helaan xuquuq Dastuuri ah islamarkaana ay soo doortaan madax ku timid rabitaankooda, shacabka Gobolka waxaa ay u huraan dowladnimada Dhiig iyo Dhaqaale badan oo aanan halkan lagu koobi karin, waxayna abaal badan ku leeyihiin dhammaan Madaxda dalka iyo Dowladda Federaalkaba, waxaana lagaaray waqtigi abaalkaas loo gudi lahaa iyadoo loo marayo wado sharci ah Isla markaana raali ka yihiin. Madaxda dalka ee xilalka haysa iyo siyaasiyiinta deggen Gobolka Banaadir waxaa waajib ku ah in ay garab istaagan sidii shacabkan u heli lahaayeen madax iyo Maamul ay iyagu toos u soo doorteen una istaaga danooda gaarka ah, shacabka Gobolka Banaadir xuquuqda ugu horreysa ee ka maqan ayaa ah matalaad ay soo doorteen ee ku timid nimaad dimoqraadi ah, dhammaan Madaxda, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada kunool Gobolkan waxaa mas’uuliyad dusha ka saaran ah in ay suurtagaliyaan sida shacabka Gobolka Banaadir ku nool u heli karaan matalaad ku timid Doorasho Xaq iyo Xalaal ah. W/Q: Muxudiin Iimaan Muhyadiin7@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Sudan's main opposition group and supporter of the protest movement Sunday rejected its call to stage a two-day general strike because of a deadlock in talks with the ruling military. Source: Hiiraan Online
  10. Burco(SL-): Ugaas Isaxaaq Aadan Istow Oo Taageeray Shirkii Uu Ku Dhawaaqay Boqor Buurmadow +Fariin adagna U Diray Madaxweyne Biixi Iyo Maxamed Kaahin Source
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo shir jaraa’id qabtay ka hor inta uusan maanta ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa dalka Shiinaha. Madaxweynaha ayaa sheegay safarkiisu la xiriiro iskaashi dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga ganacsi oo Puntland la yeelan doonto gobol kamid ah waddankaasi shiinaha. Mudane Deni ayaa sheegay in Puntland ay mas’uuliyiinta dalka Shiinaha u bandhigi doonto fursadaha maal-geshi ee ka bannaan degaannada Puntland si shirkadaha dalkaasi maal-geshi ugu sameeyaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay Puntland ku marti-qaadayso shirka maal-geshiga Puntland oo Garoowe lagu qaban doono bisha Agoosto ee sannadkan 2019. Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wasaaradda arrimaha debadda Soomaaliya iyo safaaradda dalka Shiinaha ee magaalada Muqdisho oo qaban-qaabiyay safarkiisa dalkaasi Shiinaha. Halkan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST The post Deni oo mas’uuliyiinta Shiinaha ku casumay shir ka dhacaya Garoowe appeared first on Puntland Post.
  12. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso warqadda wasaaradda arimaha gudaha ee Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Waa dowled gobaleedkii 2aad oo xubin ka ah dowladda federalka oo ka hor yimaaday warqadii ay soo saartay wasaaradda arrimaha guddaha iyo federalka, ayadoo horay warqad ay u soo saartay Dowled gobaledka Hirshabelle ayaa horay u soo saartay qoraal ay ku diidan tahay warqadda wasaaradda arimaha Gudaha iyo federalka Xukuumadda Soomaaliya ee Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa warsaxafadeed kaga jawaabtey war saxaafadeedkii xaley ay soo saartey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. taas oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad Goboleedyada dalka. Waxaana Maamulka Jubaland noqonaa Maamulkii Sadexaad ee ka horyimaada waxaa horay sharcigaan Gaashaanka ugu duruuray Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug. Jubaland waxay sheegtay in habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya uu si cad uga hor-imanayo dastuurka dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan marnaba aqbaleyn. Jubaland ayaa ah maamulka ugu horreeya ee dhowaan doorasho ay ka dhaceyso waxayna marar badan ka digtay faro-gelin ay sheegtay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha maamulkaas. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubaland
  14. Shacabka Ceelbuh oo dhagax kala hor tegay ciidamada Somaliland Shacabka ku nool degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa maanta mudaharaad ku muujiyay sida ay uga horjeedan joogitaanka ciidamada Somaliland ee gobolkaasi. Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Ceelbuh oo sitay calanka Puntland kuna dhawaaqayey ereyo ka dhan ah Somaliland ayaa socod ku maray waddooyinka degmada. Degmada Yubbe ayaa iyadana la sheegaya in ciidamada Somaliland dhaawac culus ugu geysteen qof dumar ah kadib markii ay rasaas ku fureen shacab halkaasi ku mudaharaadayey inkastoo degmada Yubbe ay weli ku sugan Yihiin ciidamada Somaliland. Sidoo kale ciidamo Somaliland ah oo xalay ka soo baxay degaannada Ceel-Afweyn iyo Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag ayaa saaka ku soo biiray ciidamadii hore Somaliland uga joogay degmada Yubbe. Dhinaca kale Puntland ayaa xoojisay ciidamada ka jooga duleedka bari ee degmada Yubbe iyadoo ay wahtigan meelo isu muuqda joogan ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland. Xiisad colaadeed oo horleh ayaa laga dareemaya gobolka waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka qarxo degaannada la isku hor fadhiyo. PUNTLAND POST The post Mudahaarad looga horjeedo Somaliland oo ka dhacay degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha. Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan maamulka Puntland,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Puntland. Wararka Goobjoog News ay ka helayso Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee dalka Shiinaha uu yahay mid la xiriira mashaariicda dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga shiinaha la doonayo inuu ka fuliyo deegaanada Putnland. Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ugu ambabaxo dalka dibadiisa tan iyo markii 8-dii Jenaury 2019 si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay Qorshaha Gurmadka Abaaraha waxayna hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo dhaqaale aan soo daahin si looga baaqsado in xaaladda bini’aadamnimo ay kasii darto. Qorshuhu wuxuu dalbaday adduun lacageed oo gaaraya $710 milyan si caawinaad naf badbaadin ah loola gaaro 4.5 milyan oo Soomaali ah oo ay abaartu saameysay, muddada u dhaxeysa Maajo iyo Diseembar ee sannadkan. Xilli-roobaadkii Gu-ga (Abr-Jun) guud ahaan wadanka ugama di’in si wanaagsan, arrintan oo ka dhigan xilli-roobaadkii labaad ee aan wanaagsanayn ayada oo weliba Soomaaliya ay ku jirtay marxalad ay kasoo kabaneysay abaarihii 2016-17. Marka laga reebo Gu-gii 2018, xilli-roobaad walba wuxuu ahaa mid celcelis ahaan ka hooseeya intii la heli jiray ilaa 2015, roob yaridaas oo sababtay in dadku ay kasoo kaban waayaan dhibaatooyinkii gaaray. Roobka Gu-ga ee 2019 wuxuu noqday kii sadexaad ee ugu liitay taariikhda Soomaalida ilaa iyo horaantii sideetanaadkii, arrintan waxay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelatay dalagga beeraha iyo taranka xoolaha. Tirada dadka ku sugan xaaladaha degdegga ah ee cuntayarida waxaa laga cabsi qabaa iney gaaraan 2.2 milyan bisha Luulyo. Tiradan waxay boqolkiiba 40 ka sarreysaa halkii ay joogtay bishii Janaayo ee sannadkan,Nafaqadarrada, cudurro ka dhashay abaaraha iyo barakac ayaa cirka isku sii shareeraya. “Xaaladda abaarta ee Soomaaliya waa mid kasii dareysa waxayna u muuqataa iney kasoo hormartay waqtiyadii la arki jiray marka dib loo eego tobankii sannadood ee lasoo dhaafay. Soomaaliya waxay ku sugantahay xaalad adag,haddii la helo dhaqaale ku filan waxaa dib loo howl gelin karaa farsamooyinkii looga hortegay macluushii 2017,” ayuu yiri George Conway, ku simaha Xiriiriyaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Annagoo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyneyna sidii loo dhisi lahaa adkeysiga dadka si loola tacaalo waxyaabaha sababa mashaqooyinkan soo laalaabtay, ayaa hadana waxaa loo baahanyahay in cid waliba, oo ay ku jiraan deeq bixiyeyaasha, ganacsatada, Soomaalida gudaha ku nool iyo qurbo-joogtaba ay qayb ka qaataan dadaallada gargaarka,” ayuu raaciyay Saameynta abaaruhu waxay qatar gelinayaan guulihii la gaaray sannadkii 2018. In sara loo qaado howlaha gargaarka ayaa loo baahanyahay si loo yareeyo saameynta abaaraha, waxaa kale oo aan laga maarmin in gargaarka bini’aadamnimada lagu kabo mashaariicda horumarinta ayadoo lagu shaqeynayo Hanaanka Kasoo-kabashada Nugeylka ee ay Dowladda Soomaaliya hoggaamiso si Soomaalidu awood ugu yeelato iney duruufahan oo kale iska xajiso mustaqbalka.Dhaqaalo yari ayaa xadideysa awoodda hay’adaha samafalka ee ka jawaabi lahaa baahiyaha jira. Howlo gargaar oo muhiim oo ay ka mid yihiin qaybaha biyaha, caafimaadka, nafaqada iyo caawinaadda dhanka cuntada ah ee ka socday dhulka ay abaaraha ku dhufteen qaarkiis ayaa hoos usii dhacaya. Magaalooyinkana waxaa soo gelaya barakacayaal cusub. Qorshaha Ka- falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada-HRP- ee 2019, oo dalbaday adduun dhan $1.08 bilyan, ilaa hadda wuxuu heley boqolkiiba 20 kaliya ayadoo weliba baahiyuhu ay sii kordhayaan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha. Mas’uul ka tirsan maamulkaasi ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ku sii sagootiyay Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa. Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Shiinaha waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi. Waa safarkii labaad ee uu dibadda ku aadayo Saciid C/laahi Deni, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Puntland. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Labada degmo ayaa ku wada jiro Group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Shibis iyo Waabari ayaa tartamadii hore waxa ay soo miijiyeen dadaallo xoogan, waxaana ay la yimaadeen natiijooyin wax ku oo ah. Degmada Shabis labadii kulan ee la soo dhaafay mar waxa ay guul ka soo gaartay dhiggeeda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, marna waxa ay barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale Waabari ayaa kulankeedii koowaad soo badisay , halka lugtii labaadna laga soo badiyay. Tartamayaasha labad koox ayaa haatan u isugu diyaarinaya ka qeyb galka barnaamijka xiisaha badan tartan aqooneedka Shabelle. Degmada badisa Shibis iyo Waabari waxa ay fariisan doontaa wareega sided dhammaadka ee tartanka. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin ku bixinaya shirkada ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  19. Armd Al-Shabaab fighters attacked a military base in Bilis Qoqani area located in the outskirts of Afmadow town in Lower Jubba region, residents said. The ambush attack has led to a heavy battle between the attackers and Jubbaland state forces backed by the African Union troops serving under AMISOM. The fighting caused casualties on both side, however, the number of figures has not been verified so far. However, Al-Shabab has claimed victory over the battle against the regional and AU forces in the region. On the other hand, the allied forces have wrested control of Diif village from Al-Shabaab during an operation executed on Sunday, according to military sources. View the full article
  20. Baardheere (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ay maanta ka fuliyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Weerarka oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu hoy uu Baardheere uu ka dagan yahay Maareeyaha Garoonka magaaladaasi Daqare Maxamed Xirsi. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa Askari oo ilaalo u ahaa Mas’uulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa waxaa la soo gudbiyay magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda Caafimaad. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa tagay Guri la wareeray, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
  21. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Musharixiinta Jubbalanad ayaa ka hadlay Qaraxii laga bixiyey gurigiisa gadaashiisa. Xildhibaanka ayaa sheegay inay Qaraxaas meesha soo dhiggeyn Ciidamada Maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe isla markaasna ay aheyd shirqool isaga loo dhigay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Xidig soo dhigay Bartiisa Facebook: Asc: Dhamaan Umada Muslimiinta Gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ramadaan Mubaarak: Ilaahay mahadii waxaa fashilmay fal wuxushnimo ah oo ay maleegeen shakhsiyaad Xukun madax maray: Waxaa hubaal ah In Qaraxa lagu diyaariyay ama la keenay guriga Askariga ilaaladeyda kamidka ahaa loo soo waday guriga aan ka degenahay maagaalada Kismayo: Sidoo kale baadhitaan kadib waxaa muuqatay in Qaraxa aan laga keenin lagana soo Abaabulin meel ka baxsan Gudaha Kismayo: Cadeynta ugu xoogan ee tilmaameysa raadka halka Qaraxu ka soo jeedo ayaa muujineysa sida dhibka yar ee ay u xanbaarteen Qaraxii oo aan lala socodsiinin heyadihii Amniga ee Jubaland iyo Ciidamada u tababaran Kala furida Qaraxyada Taasoo lagaga hortagayo In Heyadaha Amnigu ay baadhitaan ku sameeyaan: Sida maanta dhacday oo kale way adag tahay In Qarax meel lagu diyaariyay Qof u yimaado oo gaadhiga iska saarto iyadoo aanay ciidamada u tababaran hubinin In Qaraxa la kala furay: Falka maanta ayaa muujinaya In ragii meesha ku diyaarsaday ay Dib u qaateen kadib markuu ka fashilmay. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu Qaatay oo Gaadhigiisa saartay mid kamida Saraakiisha ilaalada Madaxtooyada Jubaland: Dhinaca kale waxaa magaalada kismayo si xawli ah uga socda shirar, Shirqoolo iyo Abaabulo lagaga soo horjeedo murashaxiinta Madaxweynaha Jubaland iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah: shirqooladan waxaa hormuud u ka ah shakhsiyaad xilal ka haya Maamulka Jubaland iyo kuwo xilal ka haya goloyaasha Federaalka oo hada kismayo ku sugan: Umada soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka indhaha ha ku hayaan falalka iyo shirqoolada kasocda Kismayo: Isbedel Doonka Jubaland Waxaan usoo jeedinayaa inay ilaaliyaan Amniga Iyo Midnimada Jubaland, sidoo kale waxan usoo jeedinayaa inay laban laabaan Kacdoonka Isbedel doonka Jubaland: Dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibada Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan marna nala cabsi gelineynin kuna taaganahay jidka isbedel doonka cid is hortaagi kartaana jirin (inshaalaah): Heyadaha Amniga ee Jubaland, Heyadaha Amniga ee Federaalka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ka codsanayaa inay baadhitaan degdeg ah ku sameeyaan Falkan: Jawaab degdeg ahna ka bixiyaan; Amaana Alaah: Xildhibaan Cabdirashiid Xidig Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa website-keeda soo dhigtay khariiradda Africa iyadoo Map-ka ka saartay Soomaaliya. Sida ka muuqata Khariiradda Wasaaradda ay daabacday, Soomaaliya ayaa waxaa lagu daray Itoobiya, waxaana Somaliland laga dhigay dal madax-banaan oo ka mid ah Africa. Arintaan ayaa dood adag ka abuurtay baraha bulshada, oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan tallaabada ay qaadey wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya. Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo looga jawaabayo falkan ay ku dhaqaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka wanaagsan xilligan kala dhaxeeyo DFS, waxaana dalka ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  23. Kismaayo (SMN) – Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee G/Jubbada Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in muddo kooban ay la wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay ku qaadeen weerar culus. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay ka dhashay dagaalkaasi. Dhinaca kale maamulka deegaanka Qooqaani oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalyahannadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan dagan, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe gobollada Jubbooyinka ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi. View the full article
  24. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-duhur-26052019.mp3 View the full article