Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,510
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad. Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid “khalad ah oo aan la aqbali karin.” Itoobiya waxay sheegtay in isla markii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Itoobiya waxay sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay. Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa Suudanata Koonfureed iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika. Source
  2. Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo u aaday dalka China Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay [...] Source
  3. Maamulka Soomaaliland ayaa horay dowladdihii kala duwanaa ee soo maray Puntland uga qabsaday qaybo kamid ah gobolada Sool iyo sanaag, waxayna haatan u soo ruqaan [...] Source
  4. (SLT-Washington)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay meesha ka saartay 2.2 billion oo ciwaano been abuur ah ilaa bishii January iyo March, waxaanay arintani noqonaysaa talaabadii ugu balaadhnayd ee ay shirkadu ku dhaqaaqo ee ay ciwaano intaa leeg meesha kaga saartay. Tiradana waxay noqonaysaa mid inyar uun ka yar tirada 2.38 billion ee sida bilaha ah u isticmaala barta Facebook aduunka oo dhan marka la barbar dhigo tirada 1.2 billion oo ciwaano been abuur ah oo ay shirkaddu joojisay rubucii hore oo ahaa 694 million intii u dhaxaysay bishii October iyo December ee sanadkii 2017-kii. Tiradan cusub ayaa maalintii Khamiistii lagu baahiyey warbixinta sadexaad ee Guddiga Fulinta ee Jaangoynta hawlaha shirkadda. Waxaana lagu sheegay in shirkadda Facebook ay bilaabi doonto inay sii dayso warbixintan si sanadka soo socda. “Badqabka wada hadalku waa mid muhiim u ah warbixin kasta oo maaliyadeed oo aanu sameyno, sidaasi darteed waa inaan sida ugu dhaqsaha badan u sameynaa,” Agaasime Mark Zuckerberg ayaa sidaasi ku sheegay wareysi ay la yeesheen suxufiyiinti maalintii khamiistii. “Garawsashada baahinta waxyeellada leh waxay ka caawineysaa shirkadaha iyo dawladaha inay abuuraan nidaamyo wanaagsan oo wax lagaga qabanayo, waxaan aaminsanahay in adeeg kasta oo internetka ee muhiimka ahi ay tahay tan.” Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in qoraal kale oo ay u gudbiyaan Alex Schultz uu sharxay sababaha keena in qaar ka mid ah ciwaanada been abuurka ahi ay kordhaan. Kaas oo ku tilmaamay in ay keento arimo ay ka mid yihiin weeraro sahlan oo ka dhaca dhinaca Facebook-ga. Source
  5. (SLT- Gol-dogob)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo ka mid ahaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ee Dawlad-deegaanka Itoobiya. Ninka la qabtay oo Magaciisu yahay Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan-dheere) ayaa waxa 40 Qof oo uu ku jiro hore in la soo qabto Amar ugu bixiyey Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu qabtay deegaan uu ku dhumaalaysanayey oo ah Gol-dogob. Xasan Ismaaciil Ibraahim ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee kililka shanaad, waxaanu qabtay Xilal sar-sare oo kale, waxaana loo haystaa gabood-falo ka dhacay Jeelka loo yaqaano Jeel Ogaadeen ee Magaalada Jigjiga. Ninkan oo ka mid ahaa Saraakiishii dalka ka baxsaday markii Nidaamka Cabdi iley burburay, Balse markii uu u gudbay dhinaca Soomaaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo haddana laga soo qabtay magaalada Gol-dogob. Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee fana, xeeri-llaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Ninkan loo haysto dacwado la ku saabsan gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Source
  6. Maamulka Jeegaanta ee gobolada waqooyi ayaa ciidamo hor leh usoo dirtay deegaamada gobolka Sanaag, waxaana ay ka dambaysay kadib markii Arbacadii dagaal ka dhacay deegaanka [...] Source
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda ayaa ka ajwaabtay islamarkaana raali-gelin ka bixisay map ama khariidad lasoo dhigay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas oo si aad ah uga carreysiiyey dadka Soomaaliyeed. Khariidaddan oo ahayd tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqatay lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya. Waxaa sidoo kale ka muuqatay in Somaliland laga reebay Soomaaliya, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lagu yiri “Waxaan ogaanay in sawir qaldan oo aan la aqbali karin oo ah map-ka qaaradda Afrika uu ku dhuuntay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Markii aan ogaanay durba waan ka saarnay website-ka” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ku kalsoonaada in kooxdeena ICT ay ka shaqeynayaan amniga website-ka. Waxaan si shalayto leh uga cudur daaranaynaa jahwareerka iyo is-faham waaga laga yaabo in dhacdadan ay sababtay.” Hoos ka arag sawirka muranka sababay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow. Gudoomiya ayaa ku sheegay Sababta Shaqadda uu uga joojiyay guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir inay tahay 1 Amar diido shaqo cuuryaaminta qeybta howlaha guud iyo nadaafa gobalka Banaadir. 2 Warqad sumadeedu tahay DH/MG/K/H/G/02/2517/2019 ee 26/5/2019 kana soo baxday xafiis G/ xageenka howlaha Guud ee G/Banaadi kuna saabsaneyd shaqo joojin uu ku sameeyay Agaasimihii waaxda qorsheynta iyo Engineeriyadda asagoo aan cidna la tashan, taas uusan awood u laheyn 3 Inuu joojiyaya mashruucii lagu dhisaayay garoonkii Qoob dooro ee dagmada Kaaraan asoo aan igala tashan. 4Inuu caqabad ku yahay howlaha horumarinta gobalka Banaadir isla markaana dhabar daaciyo howlaha qeybta howlaha guud Halkaan ka aqriso qoraalkii oo dhameys tiran Source: goobjoog.com
  9. Raadraaca Sooyaalka 18-ka May! Qaybtii 4-aad “29-kii Juun 1960 xubnihii barlamaanka ee la doortay iyo dhammaan siyaasiyiintii waxa aannu isku shubnay Muqdisho, annaga oo diyaarad gaar ah wadanna. Xubnihii barlamaanka iyo siyaasiyiinta waa la sugayey oo qaarba qolaa kaxaysay, anna waxa aan ku degey badhasaabkii gobolka Banaadir, Cali Cumar Sheegow, oo aan marti u noqday. 1-dii Julay waxa dhacay dabbaaldeggii oo qolyihii Soomaaliya ee aannu u tagnay samaynayaan”. Cismaan Axmed Xasan (Cismaan–indhoole) oo ahaa badhasaabkii ugu Horreeyey ee Hargeysa markii xornimada la qaatay ayay intani ka mid ahayd hadal dheer oo aan ka duubay 27-kii July 2006, White Chapel, London. Arrintaas waxa ka marag kacay isna Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe), AHN, oo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, AHN, ay ka wada sheekaysteen taariikhdaas. Xaajigu waxa uu tilmaamay in isagu uu ka mid ahaa NUF (xisbigii Maykal Mariama). Xaajigu waxa sheegay in la kala yaacayey oo aan lagu wada socon wax talo iyo qorshe ah, markii xornimada la qaatayna Muqdisho loo boqoolay isla markiiba. Waxa taas ka dhashay in nimankii dawladimada qaatay ee midnimada gelayey ay ka helaan dhawr wasiir dawladdii midnimo ee la dhisay. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, Cali Garaad Jaamac, AHN iyo Axmed-kayse Cabdalle ayaa ka mid ahaa raggii wasiirrada la siiyey. Wax yar ka dib is-raacaas aan isu dheellitirnayn ee labada gobol wada galeen, iyada oo weli lagu guda jiro “Bishii Malabka ama Shahral Casalkii ama Honey Moon-kii arooska)” ayaa waxa soo baxay dareen taban oo hoosta ka xarriiqaya tabashooyin waxgaradkii dadka uga dhex muuqday sidii loo maamulayey midhihii ka dhashay midowgii labada gobol mataanoobeen. Midnimadu waxba ma ay dhimin oo tallaabo wanaagsan bay ahayd, wax se wax kharribey sidii loo sada galay ee qorshe la’aanta ahayd iyo sidii wax loo maamulay markii dambe ee is-raacu dhacay. 1961 waxa dhicisoobey inqilaab dhallinyaro saraakiil ahi isku dayeen in ay gobolladii Waqooyi ka gooyaan kuwii Koonfurta ee ay sannad ka hor la midoobeen. Xasan-kayd Walanwal, AHN, ayaa hormoodkooda ka mid ahaa, waxa na ku weheliyey saraakiil badan oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Cabdillaahi Bullaale, AHN, Siciid Cali Giir, AHN, Cabdi Xabashi, AHN, iyo Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cabdillaahi Congo oo aan nolol kaga war hayo. Waxa isku daygaas afgembiga raacay qaaddacaaddii Aftidii Distoorka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1961 ee Aadan-yabaalayska iyo Wallaweyneynta loo yaaqaanney. Inta badan dadkii ku noolaa gobolladii Waqooyigu waxa ay diideen in ay u footeeyaan la ansixiyo distoorkii ugu horreeyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Cabdillaahi Suldaan Timacadde, AHN, oo 1961 Gebiley ka mid ahaa dad ku soo dhoweynayey Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa geeraar soo dhoweyn gob iyo caadkeed ah oo duco, dardaaran iyo digniinba ka kooban goobtii soo dhoweynta ka tiriyey, isaga oo dareenka shacbiga ee gobolka guud ahaan cabbirayey, waxanu ka mid ahaa geeraarkaas beydadka taariikhda galay: “Maalintii dadku qiiqay een isticmaarkii is diidnay Nimankii danta sheegtaye dacwaddooda dhammaystaye Dalkan caawa la joogo dulligii isticmaarkiyo Karal daaqad ka saaraye duddadaanu ahayne Dawlad soo gashay miihine danteennaa laba diiddaye Dabuub aannu maqlaynay dareen baan ka qabnaaye Dugsigii barlamaankiyo dekeddii Xamar baa leh Berbera daadku ha qaado doonniyi yaanay ku weecan Labadaa ka la daaya’oo duqaydii barlamaankaay Yaan la daymo la’aaneey! October 1962, waxa dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmarke, AHN, iska casiley wasiirro reer Waqooyi ah oo dedaal ugu jirey in ay muujiyaan tabashada dadka Reer Waqooyi, iyada oo maalmo ka dibna ay xildhibaannadii golaha wakiillada ee Waqooyigu, gaar ahaan Isaaqu ku hanjabeen in ay ka bixi doonaan golaha wakiillada, hase yeeshee dedaalkaas siyaasadeed waxa wiiqay oo mija-xaabiyey mudanayaasha kala ah Ibraahim Cismaan Food (Basbaas), AHN iyo Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi), AHN, oo loo kala magacaabay wasiirrada Ganacsiga iyo Wershedaha, iyo waxbarashada sida ay u kala horreeyaan, raggaas oo loo la shiray si qarsoodi ah waxa ay oggolaadeen in ay buuxiyaan jagooyinkii wasiirrada Isaaq iska casileen. Waxa aan xogtan ka helay Buugga “Sababihii Burburka Soomaaliya”, soo saaristiisii koowaad 1999 Cabdulqaadir Aroma, AHN, bogagga uu kaga hadlay “Niyad-jabkii Isaaq”. Axmed Ismaaciil Diiriye na waa kii lahaa: “Inamada dhowaan ii kacaw waydin eersadaye Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye Ma afurin agoonkii wadiyo kii ushaw sidaye”! Tabashooyinka Reer Waaqooyi waa ay sii tarmayeen marba marka ka sii dambeeya, hoos in loo eegaana waxa ay noqotay calaacal timo ka soo baxeen. Dekedda Berbera waa dabiici aan dad samee ahayn. Dhawr goor ayaa ballaadhin lagu sameeyey. Turgigii Berbera fadhiyi jirey xilligii dawladdii Cismaaniyiinta ayaa ugu horreeyey cid wax ku kordhisa dekeddaas dabiiciga ah. Quwadaha Ruushka iyo Maraykanka ayaa midkiiba ku daray in ka badan 3000 mitir sannadihii 1967 iyo 1982 sida ay u kala horreeyaan. May 2017 wixii ka dambeeyey waxa dekedda hawlo ballaadhin iyo casriyey ah ka wada shirkadda DPWorld ee UAE laga leeyahay. 1967 waxa Ruushka iyo xukuumaddii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, AHN, ku heshiiyeen in dekedda la ballaadhiyo, kharashka ku baxayana uu Ruushku qaabbilo qalabka iyo farsamada oo dhan, xukuumadda Soomaaliya na ku qaybto mushahaarada iyo gunnooyinka shaqaalaha. “1200 shaqaale ah oo aan ka mid ahay ayaa shaqaale loo qaatay. Hawshii baa bilaabantay. Markii ay muddo socotey ayaa xukuumaddii joojisey mushahaaradii iyo gunnadii shaqaalaha. 1129 shaqaale ah ayaa subax qudha ka dareeray shaqadii oo dhulka iska dhigay hawshii dhismaha dekedda ee ay hayeen. Waxa aan ka mid ahaa 71 ka soo hadhay. Waxa guddoomiye noo ahaa Siciid Jaamac “GR”, ku xigeenna waxa u ahaa Cismaan Nirig”. Waxa aan xogtay ka qoray Cismaan Aadan Barre oo hadda 80 jir kor u dhaafay, Berbera, May 2017, oo shaqaalahaas ka mid ahaa. Waxa kale oo uu Cismaan Aadan Barre ii sheegay in markii mushahaarada laga joojiyey ka dib uu soo baxay in uu jiro hindise iyo qorshe ay xukuumaddu ku hakinayso hawshii Berbera ka socote, loona wareejinayo dekedda Kismaayo. Hase yeeshee buu Cismaan yidhi “marka xaal halkaas marayo oo shaqadii taagan tahay ayaa waxa shir isugu yimi ganacsatadii waaweynayd ee Reer Berbera oo ka koobnayd 16. Waxa ayna dammaanadqaadeen in ay bixiyaan mushahaarada iyo gunnada shaqaalaha inta ay hawshu socoto si aanay u lumin fursadda qalab, aqooneed iyo farsamo ee Ruushku ku deeqay, waa aanay ka jibbo keeneen ka-midho-dhalinteeda”. Tujaartaas u quntay hawshaas intaas le’eg oo ka soo kala jeeddey Somaliland oo dhan, Berberana ganacsiyo waaweyn ku lahaa waxa ay kala ahaayeen oo Cismaan ii yeedhiyey magacyadooda: 1. Axmed Xaaji Cabdillaahi (Xashiish) 2. Xaaji Jaamac Maxamed Ismaaciil (Miyateyn) 3. Jirde Xuseen 4. Yuusuf Iimaan 5. Maxamuud Cali Ismaaciil (Barigeeye) 6. Faarax Xarbi Saalax 7. Faarax Maxamed Faarax (Dawaarre) 8. Xaaji Axmed Xaaji Ibraahim Jaamac 9. Suufi Xasan Cigaal (Darjeex) 10. Xaaji Cabdillaahi Abu Site 11. Xirsi Aadan 12. Axmed Shire Ismaaciil 13. Dhoollayare 14. Aftax Cabdi Cali 15. Xuseen Dheere iyo 16. Yuusuf Badheedha. Ismaaciil Xalleef, AHN, oo ka mid ahaa jaaliyaddii Cadmeed ayaa dareenkaas dekedda Berbera ka hadlay isaga oo wax ka soo dhowaynayey Cabdirashiid Cali Sharma’arke, AHN, oo booqasho Cadan ku yimi isla sannadkaas 1967. Gabay geeraarkaas sare ee Cabdillaahi Suldaan u dhigma ayuu ra’iisal wasaaraha uga tiriyey goobtii soo dhoweynta ee magaalada Cadan, waxanu yidhi: “Rashiid Cali sharma’arkow digtoor raahibaad tahay Raasada Berberi waa wadnaha Reer waqooyiga’e Kol se haddaad Kismaanyo u rartaan reerku kala guurye!” Xilligaas 1967 Cabdirashiid Cali Sharmarke, AHN, uu madaxweynaha ka ahaa waxa ra’iisal wasaare u ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal, AHN. La soco qayta 5aad oo sii ambaqaadaysa dareenkaas bulshada Reer Waqooyiga ee la xidhiidha midowga 1960. Maxamed Baashe mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  10. The United Nations Secretary General, Antonio Guteress in his briefing to the Security Council on the Horn of Africa region, mentioned Somaliland only in relation to the prospective talks with Somalia and issues pertaining to perceived media restrictions by the administration of President Muse Bihi Abdi. In a brief presentation the Secretary General referred to the meeting in February, between President Muse Bihi and Ethiopian Prime Minister, Abby Ahmed, in which one of the points to emerge from the meeting was “Somaliland’s willingness to participate in the new political atmosphere in the region being championed by the Ethiopian PM” However, the weak administration in Mogadishu misunderstood and sent out a hasty press release to the effect that”Somaliland agreed to work under the federal dispensation” which was an incorrect interpretation of the communique and an unlikely scenario. The UN Secretary General, Antonio Guteress, also touched on the issue of press freedom and restrictions in Somaliland pertaining the dispute between the administration of President Muse Bihi and Foore newspaper, which is still under adjudication. There were no mention of the other projects carried out in Somaliland by UN agencies, the political situation, drought and other human crisis. It is quite clear in the presentation that the UN is “all in ” on Somalia, and the continued failures in that blighted country are also the continued failures of the United Nations. Qarannews.com Qaran News
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay wafdi ka socdey xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo shalay magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtey, kadib kulamo ay la soo yeeshen safiirada dalalka taageera Somaliland. Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, Cismaan Afgaab oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta xisbiga Waddan ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan wax heshiis ah weli laga gaarin khilaafkii xisbiyada ee doorashooyinka. Guddoomiye Afgaab ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan uu Wafdigaasi la yeeshay siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur, isagoona sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Mas’uuliyiinta xukuumada Biixi ay la kulmaan siyaasigan. Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, ayaa waxa kale oo markii u horeysay shaaciyay in magaalada Hargeysa uu yimaado isla markaana ay xukuumada Biixi ay ku soo dhaweyso Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliya Cabdilaahi Sanbalooshe, wuxuuna yiri “In badan waxad arkeysan qolo xukuumada ah oo shalay kasoo noqota, Nairobi ka hadleysay, marar badana ay ka hadashay xukuumadu arrimaha doorashooyinka, waxan doonayaa in bulshada Somaliland u cadeynayo arrinta doorashooyinka ee mudada badan muranka ka jiro ama hadalku ka taaganyahay, xisbiga Waddani marnaba kama ay soo bixin in waqtiga doorashadu u mudeysantahay uu wax dooda ka keenay, Sanadkan damayaaqadiisana uu diyaar u yahay doorashada dhaceysa inuu ka qeyb-galo”. “Arrinta muranka iyo doodu ay ka taagantahy muddo 14-bilood ah, doodu ay ka jirtona maaha xiliga ay dorashadu dhaceyso, sida ogtihiin mudo 14-bilood waxay doodi ka taagantahay ama muran ka jira Komishanka maanta jiraa baneeyo, Komishan cusub oo loo simanyahayna inuu yimaado, arrinta aan xukuumada isku hayno mudadaas waa labada qodob”. “Xukuumadu waxay na leedahay xeerkii doorashada anaga sameysaneyna, Komishankii doorashadana anagaa wadana, shaqaalihii komishanka iyo howshiina naga diyaarsaneyna, wax alaala iyo waxkasta oo doorashada ku saabsan anagaa dhmaeystiraneyna, doorashada sidaa kusoo gala ayey leeyihiin, hadaad diidana xoog banu ku qabaneyna, waxan leenahay arrintaasi mid meesha taala maaha, mid Somaliland ka suurta-galeysana maaha”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ina C/shakuur maaha markii u horeysay ee xukuumada la kulanto markani markii labaad bey noqoneysa ama markii saddexaad inta la hubo, kal hore waxa la kulmay C/laahi Abokor oo Makka kula kulmay isaga iyo Mas’uuliyiin kale, haddana Wasiirka Arrimaha Gudaha la kulmey”. “Waxa kale oo jirta ragg kale oo Mas’uuliyiina oo kamid yahay ninkii sirdoonka Soomaaliya haysan jirey Sanbalooshe, inuu markasta Hargeysa imaado oo Huteelada Hargeysa mid kamida xukuumadu dajiso, Waddani oo marnaba cid kala kulmin oo iyagu waxay gacanta kula jiraan ay cid kale ku eedeynayaan”. Guddoomiye Cismaan Afgaab, ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Somaliland aysan kamid aheyn Maamuul goboleedyada Somaliya, balse ay xukuumada Kulmiye ay haatan ka dhigeyso mid kamida Maamul goboleedyadaas, isagoona ku sababeeyay kulamadii ay Naiorbi ku yeeshen iyo talaabooyinkii ay qaaday. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa waxaanu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiye ku xigeenka gobolka ee howlaha guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow. Qoraal kasoo baxay Yariisow ayaa lagu sheegay in Aadan Sheekh Cali Fiidow uu ku kacay “amar diido iyo curyaamin shaqada qeybta howlaha guud iyo nadaafadda.” Waxyaabaha sidoo kale lagu eedeeyey Aadan Sheekh Cali ayaa waxaa ka mid ah shaqo joojin uu ku sameeyey agaasimaha waaxda qorsheynta iyo injineerada ee gobolka, isaga oo aan kala tashan Yariisow. Yariisow ayaa sidoo kale ku eedeeyey ku-xigeenkiisa inuu joojiyey mashruuc lagu dhisayey garoonka Qoob-Dooro ee degmada Kaaraan, isaga oo aan kala tashan. Shaqo joojinta lagu sameeyey Aadan Sheekh Cali Fiidow oo isla maanta dhaqan gashay ayaa socon doonta ilaa amar dambe. Hoos ka arag warqadda
  14. (SLT-Hargeysa)-Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa ka warramay barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne oo uu maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka warramay barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa oo uu maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka horyimid habraac ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo lagu sheegay in lagu maamulayo doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha hoose ee Jubaland ayaa lagu sheegay in Jubaland u madax-bannaantahay habraaca doorashadeeda ayna mas’uul ka yihiin guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubaland. Sidoo kale dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay habraaca ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka Galmudug ay ku kala qeybsantay oo garabna taageeray garabka kalena ka horyimid Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo ka hortimid habraac ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa. Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada. Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), oo madasha hadal ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta barnaamujka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay tallaabadasaasi tahay mid hirgashay, guul wax ku ool ahna laga gaadhay, taasoo tusaale fiican u ah in horumar kasta oo gacmaha la isu qabsado laga midho dhalinkaro. Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday Agaasimuhu guulaha uu barnaamujkani gaadhay iyo faa’iidooyinka uu u keenay bulshada reer Somaliland iyo da’yarta carbiska ku jirteyba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in muddadii barnaamujka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyinkii la higsanayey oo ay ugu mudnaayeen is-dhexgalka, isu kal-samaanta iyo is-weheshiga dhallinyarada Somaliland, waxa bislaaday ilaa heer wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale, bulshadeed iyo Juquraafiga dalka Somaliland, waxana abuurmay dareen waddaniyadeed iyo mid sharci, waxana dhismay garaadkii iyo caafimaadkii jidh ahaaneed ee dhallinyada.” Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo dawladnimadeeda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in baraanujka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda horumariyaan, “Waxa aan cod dheer cid walba ugu sheegayaa inay Barnaamujka shaqo qaran maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa 9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood, iyada oo in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) kamid ah dhallinyaradan oo hablo iyo wiilal isugu jirtaa ay si iskood ah u doorteen inay ku biiraan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Barnaamujka shaqo qaran, taas oo ka markhaati ah sida xilkasnimada leh ee uu uga midho dhaliyey barnaamujka shaqo qaran ee loo xilsaaray oo kamid ah himilooyinka waaweyn ee madaxweynaha qaranka. Source
  18. Matalaadda Shacabka Gobolka Banaadir Shacabka ku nool Gobolka Banaadir waxaa in muddo ah ka maqan xuquuqdooda Dastuuriga ah, waxaana taaggan muran xooggan oo ku saabsan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee Gobolka kajirta, mana jiraan Madax ay doorteen dadka ku dhaqan Gobolka isla markaana ku hadla afkooda si ay helaan xuquuqda ka maqan, inkastoo ay jiraan dad badan oo u doodaya xuquuqda kamaqan shacabka ku nool Gobolka, haddana dadkaas mahaystaan sharciyad ama oggolaansho ka timid shacabka si ay ugu hadlaan afka dadka deggen Gobolka. Waxaa qasab ah in lahelo Madax ay si sharci ah u soo doorteen shacabka kunool Gobolka Banaadir ee ku timid rabitaankooda si ay ugu hadlaan afka shacabka ku nool Gobolka Banaadir, si loo helo wakiillada rasmiga ah ee sida saxda ah u raadin kara xuquuqda Dastuuriga ah shacabka Gobolka Banaadir. waxaa muhiim ah in loo jiheysto samaynta wakiillo sharci ah una idman in ay ka arrimiyaan qadiyadda taaggan ee Gobolka Banaadir isla markaana shacabka Gobolku raali ka yihiin. Shacabka ku nool degmo walba oo kamid ah waxa ay soo dooranayaan Gudoomiyaha Degmadaas iyo labada kuxigeen, waxayna noqonayaan wakiillada rasmiga ee shacabka ku nool degmada, islamarkaana ku yimid oggolaasho dimoqraaddi ah oo ay ku matalaan shabacka ku nool Degmadooda. Maamulka cusub ee laga soo doortay Degmooyinka waxa ay dooranayaan Maamulka Gobolka sida Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sedexdiisa Kuxigeen, waxaa halkaas ku dhismaya Maamulka Gobolka Banaadir oo ay soo doorteen shacabka kunool Gobolka Banaadir. Dhismaha Maamul Sharci ah Aasaaska Maamullada Sharciga ah waxaa u dub dhexaad u ah raali ahaanshiyaha shacabka ku nool deegaanka Maamulkaas uu ka shaqeyn doono, sharciyadda lagu unkayo samaynta Maamul dhaqangal ah ayaa ah mid u baahan garawshiyo guud oo ay garwaaqsadaan isla shacabka Maamulka dhisanayo, jidka loo marayo dhismaha Maamulka ayaa qasab ah inuu noqdo mid furan una sahlan dadka oo dhan ka qayb- galiddiisa, islamarkaana si cad u qeexan yahay ayna fahmi karaan dhammaan dadka dhisanaayo Maamulka. Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa u baahan in ay helaan Madax iyo maamul ku yimid rabitaankooda si ay ugula xisaabtamaan adeegyada dowladda hoose oo ay u xilsaarteen islamarkaana kumatala Dowladda Federaalka, waxaa isweyndiin mudan sidee ugu habboon ama ugu sahlan ee lagu heli karaa Madax ku timid raali ahaanshaha shacabka kunool Gobolka Banaadir iyadoo loo marayo wado sharciyeysan lana jaan-qaadi karta duruufaha ka jira Gobolka Banaadir. Hannaanka casrigan ka dhaqan galay adduunyada ayaa ah nidaanka dimoqraaddiga furan ah, oo ay u simman yahiin shacabka ku nool deegaanka Maamulka samaysanayo, waana habka lagu garto xalaalnimada Maamulka ladhisayo iyo sharciyadda uu ku yimid Maamulka, su,aasha ugu horreysa ayaa noqonaysa sidee loo helaa Madaxda ku timid rabitaanka shacabka Gobolka Banaadir islamarkaana ku timid wado sharci ah ee matalaysa shacabka Gobolka Banaadir? Doorashada Maamulka Gobolka Banaadir Si looga dhabeeyo qabsoomidda doorashooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa habboon in lasahmiyo ama aragti xaqiiqda udhaw laga qaato sida shacabka ugu heellan yihiin ka qaybgalka hannaanka doorashada Degmooyinka, Suurtogalnimada in ay Degmooyinka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah waxaa ay lagama maarmaan u tahay ah in tusaale cad ay u noqoto loogana qiyaas qaato doorashada guud ee lagu taamayo in dalka ka qabsoonto 2020/21, iyo heerka dimoqraaddiyenta bulshada gaarsiisan tahay iyo fahamka guud ee khibradaha qabashada howlaha doorashooyinka. Doorashada Degmooyinka waxaa ugu horreeya HAB wadar oggol ah ay wada aqbaleen dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ku shaqada leh oo ay quseyso qabsoomidda doorashooyinka lagu qabanayo deegaanno kooban isla markaana ay suurtogalka ka tahay dhinac walba. Marka laga helo oggolaansho Hay’adaha kor ku xusan oo ay quseyso qabsoomidda doorashada Degmooyinka, howsha ugu horreysa ayaa ah in lasameeyo Guddi qabta howlaha Doorashada oo ka imaanaya Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashada Qaranka, kahor u diyaargarowga qabsoomidda doorashada, si ay usoo diyaariyaan qorshaha ugu habboon ee suurtagalka ah ee lagu qaban karo Doorashada Degmooyinka Gobolka. Gunaanad. Shacabka ku nool Gobolka Banaadir waxay baahi badan u qabaan in ay helaan xuquuq Dastuuri ah islamarkaana ay soo doortaan madax ku timid rabitaankooda, shacabka Gobolka waxaa ay u huraan dowladnimada Dhiig iyo Dhaqaale badan oo aanan halkan lagu koobi karin, waxayna abaal badan ku leeyihiin dhammaan Madaxda dalka iyo Dowladda Federaalkaba, waxaana lagaaray waqtigi abaalkaas loo gudi lahaa iyadoo loo marayo wado sharci ah Isla markaana raali ka yihiin. Madaxda dalka ee xilalka haysa iyo siyaasiyiinta deggen Gobolka Banaadir waxaa waajib ku ah in ay garab istaagan sidii shacabkan u heli lahaayeen madax iyo Maamul ay iyagu toos u soo doorteen una istaaga danooda gaarka ah, shacabka Gobolka Banaadir xuquuqda ugu horreysa ee ka maqan ayaa ah matalaad ay soo doorteen ee ku timid nimaad dimoqraadi ah, dhammaan Madaxda, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada kunool Gobolkan waxaa mas’uuliyad dusha ka saaran ah in ay suurtagaliyaan sida shacabka Gobolka Banaadir ku nool u heli karaan matalaad ku timid Doorasho Xaq iyo Xalaal ah. W/Q: Muxudiin Iimaan Muhyadiin7@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Sudan's main opposition group and supporter of the protest movement Sunday rejected its call to stage a two-day general strike because of a deadlock in talks with the ruling military. Source: Hiiraan Online
  20. Burco(SL-): Ugaas Isaxaaq Aadan Istow Oo Taageeray Shirkii Uu Ku Dhawaaqay Boqor Buurmadow +Fariin adagna U Diray Madaxweyne Biixi Iyo Maxamed Kaahin Source
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo shir jaraa’id qabtay ka hor inta uusan maanta ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa dalka Shiinaha. Madaxweynaha ayaa sheegay safarkiisu la xiriiro iskaashi dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga ganacsi oo Puntland la yeelan doonto gobol kamid ah waddankaasi shiinaha. Mudane Deni ayaa sheegay in Puntland ay mas’uuliyiinta dalka Shiinaha u bandhigi doonto fursadaha maal-geshi ee ka bannaan degaannada Puntland si shirkadaha dalkaasi maal-geshi ugu sameeyaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay Puntland ku marti-qaadayso shirka maal-geshiga Puntland oo Garoowe lagu qaban doono bisha Agoosto ee sannadkan 2019. Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wasaaradda arrimaha debadda Soomaaliya iyo safaaradda dalka Shiinaha ee magaalada Muqdisho oo qaban-qaabiyay safarkiisa dalkaasi Shiinaha. Halkan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST The post Deni oo mas’uuliyiinta Shiinaha ku casumay shir ka dhacaya Garoowe appeared first on Puntland Post.
  22. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso warqadda wasaaradda arimaha gudaha ee Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Waa dowled gobaleedkii 2aad oo xubin ka ah dowladda federalka oo ka hor yimaaday warqadii ay soo saartay wasaaradda arrimaha guddaha iyo federalka, ayadoo horay warqad ay u soo saartay Dowled gobaledka Hirshabelle ayaa horay u soo saartay qoraal ay ku diidan tahay warqadda wasaaradda arimaha Gudaha iyo federalka Xukuumadda Soomaaliya ee Mabaadii’da iyo Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com