-
Content Count
208,524 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In Kismayo town they hoot loudly, overlap, pick and drop passengers in the middle of the road causing nasty traffic snarl ups. Source: Hiiraan Online
-
Maalintii shalay ahayd ayaa lagu baraarugey khariidadda Afrika oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ku soo ban dhigtay boggeeda internetka oo Soomaaliya laga dhigay qayb ka mid ah Itoobiya. Dowladda Itoobiya hadda khariidaddii waa ka bixisay bogga markii dad badan oo Soomali ah welwel iyo caro ku abuurtay. Laakiin nasiib darro, dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin arrinkaas xasaasiga ah. Aragtidayda dhowr arrimood ayaa laga fahmi karaa dhacdadaas. Itoobiya weli kama tanaasulin fikirkii isballaarinta oo ay ku dhisneed iyo damaceedii ahaa in ay liqdo Soomaaliya. Madax badan oo Itoobiya ah ayaa horay u sheegtay in Soomaaliya ka tirsan tahay. Dhulkii Soomaaliyeed oo gumaysigu siiyayna ay rabto in ay kororsato. Khariidadaan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya samaysay, oo fikirka ah in Soomaaliya la liqo miiska u saaran yahay. Ma aaminsani in boggooda la jabsaday oo sidaas loogu daabacay. Waxa ay noqon kartaa tijaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed la tijaabinayo oo la cabbirayo sida ay uga fal celiyaan arrinkaan taabanaysa jiritaankooda. Waxaan xusuustaa intii aan ciidanka Itoobiya lagu soo darin AMISOM, waxaa suuqa la soo geliyey fikirka oo la tijaabinayey sida looga fal celiyo. Markii falcelis macne leh la waayey, waxaa la qaaday tallaabo aan adduunka kale macquul ka ahayn oo ah in laba dal oo cadaawad iyo muran dhul ka dhexeeyo mid ciidankiis kan kale howlo nabad ilaalineed loogu diro. Waxa ay noqon kartaa in ay la dagaalayaan fikirkii Soomaali weyn oo ay rabaan in Soomaalidu illoobaan dhulka ka maqan oo ay ka walwalaan dhulka loo aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hadda ka hor bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxaa ku qornaa siyaasaddooda ku aaddan Soomaaliya oo ay ka mid ahayd in dagaalka Soomaaliya loo qaado, kala duwanaashaha qabaa’ilka Soomaaliyeedna la buub buuniyo. Maadaama ay nidaamka federaalka korka naga saareen arrinkaas waxbaa uga hirgalay. Wax magaradkii ku hadaaqayey Itoobiya waa walaalaheen oo isku dayayey in ay taariikhda dib u qoraan, in ay ogaadaan in qorshahii Itoobiya oo is ballaarinta ahaa uu weli taagan yahay oo ay fursad la dhowrayaan. Aamusnaanta dowladda Soomaaliya ee arrinkaan oo aan la fahmi karin maadaama jiritaanka dalka Soomaaliya shaki la galiyey. Soomaaliya oo aan helin dowlad xudduudaheeda difaaci karta, wax wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan wax isku darsasho iyo iskaashi lama geli karno dalka Itoobiya oo uu ku jiro damac ah in ay Soomaaliya liqdo W/Q: Axmed Cali Khayre Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Isniin ah ayaa magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood waxaa looga fariisanayaa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, kaasi oo dib loogu celinayo. 13-kii bishan ayeey wasaaradda waxbarashada DFS waxa ay joojisay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare, kadib markii uu fashil ku yimid. Waxaa imtixaankan dib u galaya in ka badan 30-kun oo arday, wuxuuna imtixaankan socon doonaan illaa 31-ka bishan. Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka goobaha ay ardaydu imtixaanku ku galayaan, dhanka kalena wasaaraddu waxay xoojisay dhanka kormeerka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ever since President Recep Tayyip Erdogan’s first visit to Somalia in 2011, when he was Turkey’s prime minister, the relations between Somalia and Turkey has blossomed and strengthened. Source: Hiiraan Online
-
Lieutenant Colonel Meshack Kishoyian, oo ah taliya qeybta ciidamada lugta ee Kenya oo fadhigooda yahay Kismaayo ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu weli yahay mid deggan. Lt Kishoyian waxaa uu intaasi ku daray in aanu jirin qorshe ka bixitaan oo ciidamada Kenya, isla markaana ay sii wadayaan dhismaha amniga iyo xoojinta ciidamada Soomaaliya. Labada dal ayaa maalmihii dambe waxaa xumaadey xiriirkooda kadib markii ay isku qabteen arrimaha badda, taas oo keentay in Kenya ay qaado talaabooyin ay ka mid ah iney Wajir u wareejiso diyaaradihii tooska u tagi jiray Nairobi iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed lagu adkeeyo Fiisaha. “Ma arkin wax caqabad ah, waxaa si caadi ah ula shaqeynayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kale ee AMISOM” ayuu yiri. “KDF waa qeyb ka mid ah AMISOM, waxaa na xadido mandate iyo howl-gallo, waxaan ka shaqeynaa Sector Six, wixii siyaasad ah siyaasad ayaa lagu xalin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo baxay musharax Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, oo horey u eedeeyay masuuliyiinta amaanka iyo madaxda Jubbaland. Maalmo ka hor ciidamo ka tirsan ilaalada Xildhibaan Xidig ayaa guriga ay degen yihiin meel ku dhow kasoo saaray miino lagu aasay, waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen masuuliyiin iyo laamaha amaanka ee Jubbaland. Xildhibaan Xidig ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen dad xildoon ah kana tirsan Maamulka Jubbaland iyo laamaha amniga, waxaana arintaasi ka jawaabay laamaha amaanka ee Jubbaland. Taliska Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Korneel Maxamed Naasir Guuleed, ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay soo qabteen Miino lagu aasay Xaafada Farjano taas oo la doonayay in Shacabka lagu dhibaateeyo. Taliyaha qeybta Booliska ayaa sheegay in Musharax Xidig uu u gefay laamaha Amniga, isla markaana aan waxba ka jirin hadalkii uu horay u sheegay ee ahaa in qaraxaasi lagu aasay meel u dhow Hooygiisa. Waxaa jirta cabasho badan oo maamulka Jubbaland laga muujinayo gaar ahaan dhanka amaanka, taasi oo keentay in xildhibaan Xidig uu ku eedeeyo laamaha amaanka inay ka dambeeyeen qarax laga soo saaray meel ku dhow Gurigiisa. Dhawaan waxaa deegaanada maamulka Jubbaland waxaa ka dhaceya doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo xildhibaanada baarlamaanka, iyadoo musharixiinta qaar ay walaac ka muujinayaan hanaanka iyo qorshaha doorashooyinka loo wado. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Empty Suits individuals who aren't wise but act wise, They have lines and catchphrases and are masters at posturing. Their answers are always smooth and polished because they built their entire career by knowing exactly the right kinds of words to inspire Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ku soo qab qateen illaa saddex burcad ah oo la sheegay in ay dhac ka geysanayeen degmadaasi. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay baraheeda bulshada ayaa boggaadisay Ciidankii fuliyay howlgallkaasi. Sidoo kale waxa ay ammaan u jeedisay shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda oo ay tilmaamtay in ay ku soo war galiyeen xogta raggaasi. Muddooyinkii dambe waxa ay Ciidamada Boolisku xoojiyeen ammaanka Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca Caasimadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ula shaqeeyaa Ciidanka Amniga ka shaqeynaya. Guddoomiyaha oo caawa booqasho ku tagey qaar kamid ah isgoysyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ayaa soo arkay howlgallo ay wadeen Ciidanka Amniga. Waxuna halkaas kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku caweynayay waddooyinka, kana wareystay xaaladdooda iyo sida uu yahay ammaanka degaanka. “Dhalinyarada Caasimadda oo aan caawa la sheekeystay waxay igu farxadgeliyeen sida ay u jecelyihiin Madaxdooda iyo sida ay gacanta ugu siinayaan ciidanka amniga”. Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa ku adkeeyey bulshada ku nool Muqdisho in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu weheliyay Wasiirka Amniga ayaa kormeer ku tagey xarunta 991 ee Booliiska, isagoo ku dhiirigeliyey howllaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, gaar ahaan howlgalo ay shacabku ku soo wargeliyeen Booliska oo lagu soo qabtay rag ka tirsanaa Al Shabaab. “Xarunta 991 ee Booliiska oo kormeer ku tagnay waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay Rag farabadan oo shacabka wax yeelo u geysan lahaa. Labo xubnood oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey la soo qabtay”. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siiyey isku xirka shacabka iyo ciidanka, iyadoo uu qeyb weyn ka qaadatay barnaamijka dariseynta oo bulshada isku xiray. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ayaan wali awooddooda hoos loo dhigin iyadoo uu jiro ololaha Qaramada Midoobay ee 12sano jirsaday ee ka dhanka ah Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaallama. Kooxahaan ayaa leh garab sirdoon oo si sarreysa u shaqeeya sida ay sheegtay wariyaha BBC ee Mary Harper. Inta badan, marka aan ka imaado Soomaaliya oo aan soo-gaaro Ingiriiska, Alshabaab ayaa i soo waca. Arrintaan ayaa dhacda ka hor inta aanan la sheekeysan qoyskeyga waana inta aan sugayo alaabteyda ama xilli aan Taxi u sii saaranahay guriga. Mar aan safar ku tagey magaalada ku taalla Koofur-Galbeed Soomaaliya ee Baydhaba ayaa la ii sheegay xog faahfaahsan oo ku saabsan waxa aan qabtay iyo Meesha aan tagay. “Waxaad socod ku tagtay bangi laakiin waa xirnaa. Waxaad garaacday albaabbada iskuna dayday inaad furto. Waxaad qaadatay xoogaa sawirro ah,” ayuu igu yiri nin ka tirsan Alshabaab oo ah urur xiriir la leh Alqaeda. “Waardiyeyaashaadu ma ahayn kuwo xirfaddoodu sarreysay. Wey iska wareegayeen, sheekeysanayeen iyagoo qoryaha kasoo laalaadiyey garbahooda halkii ay ku ilaalin lahaayeen.” Markii aan weyddiiyey Alshabaab sida ay ku ogaadeen dhammaan waxyaabahaan, Sida ay ku heli karaan xogta saxda ah, Kuwii ila soo xiriiray waxay si fudud iigu sheegeen inay saaxiibbo ku leeyihiin meel kasta. Waxaan u sheegay inaan naxsanahay oo ay ogyihiin ujeedka safarkeyga si dhaw, laakiin waxay ii sheegeen inaanan walwalin oo beegsigoodu yahay dad aniga iga muhiimsan. Si kastaba ha ahaatee, waxay ii sheegeen inaan dhexgeli doono xaalad xun oo aan wajihi doono saameynteeda. Waxaan u qaatay in qaar ka mid ah dadka dabagalka ku sameeya dhaqdhaqaaqeyga ee Soomaaliya jooga inay qeyb ka yihiin kooxaha mitidiinta ah garabkooda sirdoonta ee aan naxariista lahayn, The Amniyat. Qaar kale ayaa jira kuwaasoo ah dad ku shaqeeya inay xog ka keenaan qofka la raadsanayo markaas kaddibna lacag lagu siiyo shaqadaas. Taas waxaa ka sii cabsi badan habka mitidiintu u dabagalaan dadka ay doonayaan inay ka mid noqdaan, u hanjabaan ama dilaan. “Alshabaab waa dad aan la fahmi karin, waxay joogaan meel kasta,” Waxaa sidaas yiri nin dhallinyaro ah oo Alshabaab ay raadsanayeen sababtoo ah wuxuu ka iibin jiray Firinjeerro iyo Mukeyfyo xubno ka mid ah dowladda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay ay taageerto iyo AMISOM kuwaasoo labadooduba ay Alshabaab u aragto cadow. Nin kale oo Alshabaab kasoo goostay ayaa sharraxay sida maalin xubin ka tirsan Alshabaab uu u soo wacay si uu ugu sheego midabka shaarka uu xirnaa iyo waddada uu marayey maalintaas iyo waqtiga. Dad kale ayaa ka hadlay sida mitidiinta ay u yimaadaan guryahooda iyo goobahooda shaqada ee ku yaal gudaha magaalada Muqdisho si ay ugu hanjabaan ama ay uga mid noqdaan. Arrimahaan ayaa dhacaya iyadoo kooxdu ay ka baxday caasimadda sannadkii 2011. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle isaga hor yimid degmooyinka waa weyn ee Shibis iyo Waabari ee Gobolka Banaadir. Labada degmmo ayaa ku wada jiray Group-ka C is araga saddeexaad wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Shibis oo guusha la hoyatay ayaa waxa ay heshay 14 buundo, halka degmada Waabari oo laga adkaaday iyana ay la timid 6 dhibcood Caawa tartan aqooneeedka Shabelle waxaa ku ballansan degmooyinka Cabdicasiis iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Degmada badisa waxa ay u gudbi doontaa wareega sideed dhammaadka ee tartanka bisha Ramadaan. Sanadkan waxaa barnaamijka tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle taaba gelinaya shirkadaha Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha fedraalka iyo dib u heshiisiinta Dowlada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa faah faahin dheeriya ka bixiyay Habraaca loo marayo doorashooyinka Dowlad goboleedyada dalka ee Wasaaradu dhawaan shaacisay . Wasiir Sebriye ayaa sheegay in qorshahani yahay midkii horaba loogu shaqeyn jiray balse hada kaliya uun ay shacabka u soo bandhigeen. Wasiirka oo arintaa ka hadlayay ayaa yiri “Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go-aansanay uun in aan soo dhigno shacabka hortiisa system-kii (nidaamkii) awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”. Wasiirka arrimaha arimaha gudaha oo la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan ka wasaarad ahaan Maamuladda cabashada durba ka muujiyay arintaan ayaa ku jawaabay, “Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimuquraadiyeytiisa, iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh, Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galindoono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”. Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sebriya ayaa daba socda Warqad shalay ka soo baxday Xafiiskiisa oo looga hadlay Habraaca Doorashooyinka Dowlad goboleedyada Dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray. Waxay sheegtay inay markiiba ka saareen sawirkaas. Kooxda farsamada IT-ga ayaa baareysa ayey sii raacisay wasaaraddu. “Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay. Arintaan ayaa dood adag ka abuurtay baraha bulshada, oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan tallaabada ay qaadey wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka wanaagsan xilligan kala dhaxeeyo DFS, waxaana dalka ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Arday tiro ahaan gaareysa 45 kun ayaa maanta u fariisan doonta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare guud ahaan Dalka, marka laga reebo gobollada Puntland iyo kuwa dhaca Waqooyiga Soomaaliya ee maamulka Somaliland. Imtixaankan oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya ayaa diyaar garowgiisu ka duwan yahay Imtixaanadii horey loo qaadi jiray, maadama uu mar ku yimid hakad, kadib markii ay Wasaaraddu ku joojisay go’aan loogu turayo mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed. Wasiir u Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa Ardayda kula dardaarmay in ay raacaan fariimaha Wasaaradda ee ku saleysan Imtixaanka ay galayaan. Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa qoraal uu soo dhigay xalay Saqdii dhexe bartiisa Facebooka uga hadlay waraaqo been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka. “Waxaan halkan uga cadaynaya’ guud ahaan ardayda Soomaaliyeed’ in aysan jirin wax waraaq ama qisha ah oo banaanka u baxay imtixaanku sidii loogu talagaley buu u socdaa inshallah waxaan rajayneynaa in uu guul ku soo dhamaan doono” ayuu yiri Wasiir Goodax. DFS ayaa dhawaan Imtixaanadkii fashilmay ka qaadatay Go,aan Taariikhi ah, waxaana gabi ahaan ay joojisay Imtixaankaasi oo maanta dib loo galayo. View the full article
-
Muqdisho (Casimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda ayaa baaritaano ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, waxaana baaritaanadaasi lagu qabtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida masuuliyiinta amaanka ay sheegeen. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in baaritaanka ciidamada amaanka ay sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Kaxda ay kusoo qabteen labo ruux oo la shaqeynayay warbaahinta Al Shabaab. Guddoomiye Yariisow ma uusan sheegin magacyada labada ruux uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, laakiin wuxuu sheegay in laga qabtay masaajid ku yaala degmada Kaxda, kadib markii laamaha amaanka ay xog ka heleen shacabka degmada. Wuxuu sidoo kale sheegay inay booqasho ay ku tageen xarunta ciidamada Booliska ee laga hago nambarka gaaban ee (991) oo loo diyaariyay in shacabka ay kala xiriiraan ciidamada Booliska. “Caawa mar aan booqanay xarunta 991 ee Booliiska waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka waxyeelo u geysan lahaa”. “Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey laga soo qabtay halkaas”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow oo qoraalkaasi soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook. Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay baaritaano dheeri ah ka sameynayay xaafadaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-27052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale ka hadashay imtixaanaad lasoo dhigay baraha Bulshada, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin imtixaanaadka maanta ay galayaan ardayda Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay inaysan gabi ahaanba jirin imtixaanaadkaasi lasoo dhigay baraha Bulshada, islamarkaana ay yihiin kuwo la doonayo in lagu jahwareeriyo ardayda Soomaaliyeed. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir), ayaa shaaciyay in waxba uusan ka jirin maadooyinka baraha Bulshada lagu faafiyay, kuwaasi oo lagu sheegay in laga helay magaalada Gaalkacyo. Wasaaradda Waxbarashada ayuu sheegay in diyaar garow badan ay ka gashay markale inuu fashil ku yimaado imtixaanka sanadkaan ay qaadayaan, kaasi oo horey u fashilmay islamarkaana dib loogu celiyay inka badan 30 Kun oo arday. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir) ayaa digniin u jeediyay dad uu sheegay inay marin habaabinayaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta galaya imtixaanka dowliga. 11-kii Bishaan ayaa Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka bilaawday Imtixaanka Dowladda, hayeeshee markii dambe Baraha Bulshada lagu arkay maadooyin ka mid ah Imtixaanka taas oo keentay in Wasaaradda Baabi’iso, isla markaana maanta markale la galayo. In ka badan 30,000 oo Arday ayaa la filaya inay Maanta u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare,iyada oo Muqdisho iyo Gobolada dalka siweyn looga diyaar garoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muranka xudduud badeedka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa qaaday waddo kale oo cusub kaddib markii Muqdisho ay ka mamnuucday saraakiisha dowladda inay ka qeybgalaan shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo ay Nairobi martigeliso si ay u muujiso sida ay uga xun tahay xayiraaddii loogu diiday inay galaan dalka Kenya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u qabatay bil ururrada aan dowliga ahayn ee ka hawlgala Soomaaliya inay u soo raraan xarumahooda magaalada Muqdisho ama laga mamnuuci doono inay ka shaqeeyaan Soomaaliya. Tillaabadaan ay Soomaaliya qaadday ayaa timid markii saddex mas’uul oo Soomaaliyeed oo u safrayey Kenya si ay uga qeybgalaan shirka midowga Yurub oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi loo diiday visaha dal-ku-galka iyagoo wata basaboorka diblomaasiga. “Iyadoo ay jiraan arrimihii la xiriiray Nairobi, Kenya, Wasaaraddu ma awoodi doonto inay ka qeybgasho dhammaan shirarka qorsheysan iyo kuwa dhici doonaba sida Workshopska, Siminaarrada iyo tababarrada lagu qaban doono Nairobi waxayna ku talineysaa in shirarkaas lagu qabto dalka Soomaaliya gudihiisa ama dal kale oo fududeynaya safarka,” ayuu yiri agaasime General Cabdullaahi Xaashi Cali. Go’aanka Soomaaliya ay qaadatay ayaa macnihiisu yahay in saraakiisha Soomaaliyeed aysan ka qeybgali doonin shirka UN Habitat kaasoo ka dhacaya Magaalada Nairobi Isniinta, shirkaan oo uu furi lahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in NGO kasta ee wali ka hawlgalaya Nairobi laga mamnuuci doono inuu Soomaaliya ka shaqeeyo. Amarkaan cusub ee kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta ayaa sida muuqata muujinaya sida uu uga sii darayo muran badeedka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Usbuucii hore dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay qoraal cabasho ah Kenya oo ku saabsan in xarig iyo musaafuris loo geystay saraakiil Soomaaliyeed oo qeyb ka ahaa wafdi Nairobi shir uga qeybgali lahaa markii loo diiday Visaha dal-ku-galka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in tillaabada Kenya ay dhaawacayso xiriirka derisnimo ee ka dhaxeeya labada dal isagoo intaas ku daray in xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii jiri doono. Wasiir Cawad ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka fiirsato tillaabooyinka keeni kara saameynta xun una hoggaansanto xiriirka muddada dheer soo jiray ee u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale nidaamka diblomaasiyadeed iyo kan isqaddarin. Saraakiisha laanta socdaalka ee Kenya ayaa sheegay in wasiirro iyo xidhibaanno ka socday dowladda Soomaaliya oo aan Visa kasoo qaadan safaaradda Kenya ee Muqdisho sida sharciga cusub uu tilmaamayo loo diiday gudaha dalka Kenya. Wafdiga oo qaarkood watay baasaboorro qalaad oo loo ogolaaday Kenya ayaa diiday shir midowga Yurub ay ku qabanayeen xafiiska UNka ee Gigiri galabnimadii Talaadada. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa ka gaabsatay inay ka faallooto tillaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Soomaaliya qaadday. Muranka labada dalka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii ay Soomaaliya dacwad uga gudbisay Kenya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Horraantii bishaan Kenya ayaa amar ka soo-saartay dhammaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho inay sii maraan magaalada Wajeer si baaritaan loogu sameeyo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diiday heshiis ka baxsan maxkamadda ICJ sida ay Kenya codsatay isagoo taas beddelkeed doortay in la sugo go’aanka ay murankaan ka gaarto ICJ. Source: goobjoog.com
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan ka qaaday xilkii Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Gobalka Banaadir Dr Xuseen Dhagaweyne kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq, sida lagu xusay warbixin ka soo baxday xafiiska hanta dhowrka Soomaaliya. Caasimada Online ayaa ogaatay in Dr Xuseen uusan xilkiisa ku waayin musuq maasuq balse uu jiray khilaaf culus oo bilooyinkii ugu dambeeyay kala dhaxeeyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kheyre iyo Dr Xuseen, oo isku beel ah, ayaa isku qabtay fulinta amar ka soo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya kaas oo ku saabsanaa arimaha maaliyadda laakiin uu ka dhaga adeegay Xuseen. Sida caadiga ah Gobalka Banaadir waxa uu lacag siiyaa odayaal, siyaasiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageero u ah Xukuumadda. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhacay dhaqaalaha Dowladda dhexe waxa uuna Kheyre Gobalka u soo wareejiyay shaqsiyaad kale oo Xafiiskiisa iyo kan madaxweynaha lacag laga siin jiray balse uu Xuseen u sheegay in uusan u awoodin lacagta dadkaan loo rabo, waana sababta keentay muranka Raysal Wasaaraha iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Raysal wasaaraha ayaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska dadka lacagta gobalka qaata iyo meelaha ay ku baxdo lacagaha kale. Kheyre ayaa liiskaas ka dhax-helay lacag dhan 400,000$ oo ay bil walba qaadato Marwada 1-aad ee dalka Saynba Cabdi Macallin oo ah haweeneydii ka dambeysay in Guddoomiye laga dhigo Dr Xuseen islamarkaana ay yihiin qaraabo dhaw. Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in lacagtaan laga joojiyo ilaa amar dambe waana sababta keentay in khilaafka uu bilaawdo. Sidoo kale muranka kadib ayaa Dr Xuseen lagu qabsaday 170 qof oo uu gobalka ka shaqaaleysiiyay kuwaas oo ay usoo gudbiyeen Marwada 1-aad ee dalka iyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo qaar uu isaga watay, waxa uuna u waayay jawaab aan aheyn inuu ku sameeyay amarka Marwada dalka oo booska keensatay, sidoo kalane ay qaraabo yihiin. Muddo 2 jeer ah ayuu Kheyre Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday xil ka qaadista Dr. Xuseen balse markii 1-aad waxaa ka joojisay Marwada dalka, halka hada xil ka qaadistiisa lagu aadiyay iyadoo dalka ka maqan oo ku sugan dalka Turkiga. Kulankii ugu dambeeyay oo ay yeesheen Xuseen iyo Kheyre ayaa ku soo dhamaaday isfaham waa iyo muran, waxayna soo dadajisay in Kheyre Madaxweynaha ka dalbaday in uu Xuseen meesha ka wado ama aysan socon doonin Shaqada Dowladda, is jiid dheerna uu banaanka u soo bixi doono. Hada waxaa dood ka dhax bilaabatay Marwada 1-aad ee dalka Maamo Saynab iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, khilaafkaas oo ku aadan arintaan iyo warqad la sheegay in Xuseen laga dhigay Airport-ka Muqdisho. Lama oga sida loo xalin doono arintaan, balse waxaa muuqata in khilaaf aan sahlaneen uu ka dhax jiro Marwada 1-aad ee dalka iyo raysal wasaaraha Soomaaliya. Maamo Saynab saameen siyaasadeed oo aan yareyn ayey ku leedahay siyaasadda Soomaaliya iyo doorka hogaamineed ee dalka taas oo ka dhigeysa in Guddoomiyihii xilkiisa waayay heesto garab adag oo aan la loodin karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The mayor who branded Donald Trump a ‘wasteman’ and banned him from his city has won a seat in the European Parliament. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland can pride in producing its own soft drinkS after beverage maker Coca-cola opened a Sh1.5 billion production plant in Hargeisa. Source: Hiiraan Online