-
Content Count
208,522 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Ciraaq)-Wasiirka Arrimaha dibedda ee Ciraaq Mohamed Ali Alhakim ayaa sheegay inay Ciraaq diidday inay Maraykanka ugu hoggaansanto Arrimaha ka dhacaya Gobolka, laakiin taa beddelkeeda ka shaqaynayso sidii ay u dhexdhexaadin lahayd labada dhinac, waa IRAN iyo Maraykanka’e, wallow ay muujisay inay inay barbar taagan tahay dalka ay deriska yihiin ee IRAN. Afhayeen u hadlay Wasiirka Difaaca ee Ciraaq oo Magaciisu yahay Major General Tahseen al-Khafaji in aanay cidna ka ogolaanayn in Ciidda Ciraaq lagaga duulo Dal ay jaar yihiin “Ciraaq ma doonayso in Ciiddeeda lagaga duulo jaararkayaga..” ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Wasiirka Difaaca Ciraaq, kaasi oo u warramay Telefiishanka Press oo fadhigiisu yahay Tehran, waxaanu intaa ku daray “Cidna u ogolaan mayno in gudaha Ciraaq lagaga shaqeeyo wax lid ah Jaararkayaga..” Xiisadda Maraykanka iyo IRAN ayaa heer-sare gaadhay toddobaadyadii u dambeeyay, ka dib markii Washington ay bariga dhexe geystay diyaaradaha wax burburiya, ugu yaraan 7 Maraakiibta dagaalka, kuwaasi oo uu ku jiro Markabka caanka ah ee Xambaara diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaana USS Abraham Lincoln. Xiisadda u dhaxaysa labada dal ayaa bilaabantay markii Maraykanku ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Dawladaha Adduunka ugu quwadda weyni la galeen IRAN isla-markaana dib ugu soo celiyey Cunaqabayntii saarnayd. IRAN ayaa iyaduna 8 bishan May ku dhawaaqday in aanay ku soo jirayn heshiiskii Nukliyeerka, maaddaama oo Dawladaha reer Yurub iyo Ruushku waxba ka qaban waayeen cunaqabataynta Maraykanku ku soo rogay IRAN, ka ka dib markii Madaxweyne Trump uu heshiiska ka baxay. Source
-
“Sidee Ayeynu U Badbaadin Karnaa Bisaylka Qofnimo?” Maxaa sababay Qof wax bartay iyo Qof aan waxba barran in wax farqi ahi uu u dhexaynwaayo? Bisaylka Qofnimo waa Dayrka ilaaliya dhismaha Dawladnimo iyo jiritaanka qaranimo. Somaliland waxa soo maray saddex dagaal oo sokeeye. Dagaalkii faqashta ee 88-kii, waayo soomaali ayuu u dhexeeyey, dagaalkii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994-kii iyo sidoo kale dagaalka sokeeye ee maanta ka socda baraha bulshadu ay ka wada xidhiidho sida Facbook-ga; waana dagaalka ugu xun marka loo eego dagaaladii sokeeye ee hore inoo soo maray; waana halka ay sartu ka xuntahay iyo boogta aynu isdul taagi doono. Hadii aynu saddexdaas dagaal ka itaagno xagal quman, waxa inoo soo baxaya wax ay ka siman yihiin iyo wax aanay ka sineyn. Waxa ay wadaagaan horta labada dagaal ee hore waxa aynu ku wayney geesiyaal faro badan iyo hanti faro badan, laakiin dagaalkan warbaahineed ee sokeeye, waxa aynu ku waayi doona wadan dhan oo leh geesiyaashiisa, aqoonyahankiisa, culimadiisa, hantidiisa iyo huwiyadiisaba, waxa aynu waayi doonaa dadkii indheer garadka inoo ahaa ee bisaylka lagu tuhmayey; waxana tashuush badani ku furmi doonaa jihada loo socdo. Dhibaatada maanta jirta ee ina dhexqaaday waa mid iclaamku sabab u yahay, waayo xoriyadii fikirka ayaa xadhkaha goosatay, waxa dhacay mulaaqan faro badan iyo fasaqan faro badan, waxa soo daahirtay fidno sokeeye, waxa isku mulaaqmaya oo is fasaqaya caqligii soo jeeday iyo caligii hurday, dadkii indhaha inoo ahaa iyo dadkii raciyadda ahaa ayaa isku si u wada fikiraya oo isku si u wada hadlaya, dagaaladii hore waxa ay ahaayeen ku dhiig badani ku daadatay oo laga soo kabtay, laakiin dagaalka sokeeye ee warbaahineed ee maantu waa mid sahayanaya oo eber ka dhigaya maskaxo badan oo lagu kalsoonaa, waa mid baa’binaya mabaadi’da waddanka, waa mid burburinaya qawaaniinta waddanka, waa mid horseedaya fawdo iyo fitan; waana mid dhulka la simaya milgaha iyo bisaylka qofnimo. Maxaa sababay in Qof wax bartay iyo Qof aan waxba barran wax farqi ahi uu u dhexayn waayo marka loo eego naca, nacaadiirta, nusqaanta iyo naxliga dhex hoganaya baraha bulshadeenu ay ku wada xidhiidho? Aaway bisaylkii qofnimo? Bisayl maxaynu uga jeednaa? Su’aasha reer Soomaaliland maanta u taalaa waxa ay tahay Sidee ayeynu u badbaadin karnaa bisaylka qofnimo? Haddaynu u nimaadno erayga Bislayl waxaa loo jeedaa: Qof dhisan wacyi ahaan—oo waayaha dalkiisa ka warqaba, qof dhisan aqoon ahaan iyo Akhlaaq ahaanba oo garanaya xaqa uu leeyahay iyo xuquuqda qof ahaan lagu leeyahay. Marka lasoo koobo kelmada bisayl qofnimo aragtidayda gaaban, aniga oo halbeegsanaya astaamo cayiman waxay iila muuqata siyaabahan soo socda: Waxa uguma fiirsado, Sida qof kasta oo caadi ahi uu ugu fiirsado mawaaqifta iyo dhacdooyinka ku xeeran, laakiin waxa uu isku miisaamaa saxa iyo qaladka, xaqa iyo xaqdarada, caqliga iyo caadifada; waxaana aakhirka uu soo saaraa fikir talo saliim ah oo lagu bogsoodo. Waxyaabaha u gaarka ah qofka bisil waxa ka mida weligii kama xishoodo inuu aqbalo waanada iyo talada loo soo jeediyo. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu garto bisaylka qofnimo waxa ka mid ah tawaaduca iyo is-dhul-dhigidda, waayo waxa uu ogsoon yahay in Rabbi ka cilmi iyo awood badani uu ka sareeyo; waana mid aqoonsan daciifnimadiisa. Qof bisili waa mid si dhab ah u garanaya waxa uu damacsan yahay, sida uu ula dhaqmayo dadka ku xeeran, xurmeynta afkaarahooda iyo dareenadoodaba; waana mid ogsoon halka uu wax ka bilaabayo markay ra’yi noqoto. Qofka bisil waxa aan lagu garan waayin deganaanshihiisa marka uu doodayo, dulqaadkiisa marka lagu qaldamo iyo habka hadalkiisa ee xanafta iyo ka madhan shakhsi weerarka ee leh xikmada iyo hoga tusaaleynta. Eng.Ridwaan C/Laahi Cilmi Agaasimaha Han-dhis Academy Email.ridwaancilmi@gmail.com Tel: 25263-4044827 Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa cadeeyay sababaha loo joojin waayay Isticmaalka Baraha Bulshada maadaama dhawaan markii uu Imtixaankii hore fashilmay uu sheegay in dhamaan Baraha Bulshada isticmaalkooda la joojin doono. Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo laamaha amniga ay awood buuxda saareen in markale uusan fashil ku imaan Imtixaanka,hayeeshee ay warqad u gudbiyeen maxkamada sare taas oo ku aadan in hadii ay Qatar dareemaan la joojinayo Isticmaalka Baraha Bulshada. “Wasaaradda waxay Maxkamada sare ee wadanka u qoratay arji ay ku codsaneyso Social media-yaha in la xakameeyo watqiga Imtixaanka hadii baahi timaado, waa hadey baahi timaado, kalmadu waaa hadey baahi timaado, Maxkamada xukunkaasi wey noo riday mahad haka gaadho maxkamada iyo Garyaqaanka Guud oo dowladda ku metelay dacwadaas” ayuu yiri Wasiir Goodax. Mr. Goodax ayaa tilmaamay inay haatan heystaan awood ay saacad kasta Baraha Bulshada ku joojin karaan, isagoo tilmaamay in aysan maanta arag sabab ay u joojiyaan, isagoo ku hanjabay inay xirayaan xilliga ugu horeeya ee ay arkaan wax khatar ah. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadaal hadii la sameeyo in ugu dambeyn gacan aamin ah ay wax walba kusoo dhacayaan,waxaana uu sheegay in Magaalooyinka uu Imtixaanka ka socdo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. In ka badan 31 Kun oo Arday ayaa sanadkaan u fariistay Maanta Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyda Sare oo ah mid ku celis ah,kadib markii dhawaan uu fashilmay imtixaanka ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada laguna arkay maadooyin ka mid ah Baraha Bulshada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in Khariiradda Africa oo lagu ku daray Soomaaliya dalka Ethiopia lagu daabacay Websitekeeda. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay ka saartay Khariiraddaas Websiteka wasaaradda markii ay ogaatay kuna tilmaantay mid qalddan oo aan la aqbali karin. Khariiradda ayaa masaxeysa Soomaaliya laakiin muujineysa maamulka Somaliland. Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia laguma sharraxin sida Khariiradda ay uga soo muuqatay Websitekeeda , laakiin waxaa lagu yiri: “Fadlan la socda in kooxdeenna ICT inay ka shaqeyneyso xaqiijinta aamminaadda Websiteka. Waxaan ka qoomameyneynaa jahwareer kasta iyo qilaaf dhacdadaan laga yaabo inay sababtay.” Khariiraddaan ayaa sababtay in Soomaali badan oo isticmaasha baraha bulshada ay aad uga caroodaan iyadoo qaarkood ay sheegayeen inay arrintani qeyb ka tahay qorshaha isballaarinta ah ee Ethiopia kaasoo ay ku dooneyso inay kula wareegto dalkooda. The Star. Source: goobjoog.com
-
Arrinta shalay soo baxday ee ah in Itoobiyaanka ay khariidada Afrika ka saaraan Soomaaliya, kuna daraan dhulkooda waxaa ay adkeyneysaa shaki hore oo jiray, damaca xabashida iyo heerka uu loolanka gaaray. Arrintan waxaa ay na tuseysaa in aan la aamini Karin xabashida, loona baahanyahay feejignaan dheeraad ah marka lala dhaqmayo hey’adahooda rasmiga ah iyo ama xataa shakhsiyaad caadi ah. In kasta oo ay raali-gelin ka bixiyeen Itoobiyaanka, hadana in bogga rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda oo ah meesha lagu kariyo siyaasadda arrimaha dibadda dalkaasi laga dhex helo khariidad noocaas waa halis, waxaana ka badan inta qarsoon. In Soomaaliya aaney illaa iyo hadda xad rasmi ah la laheyn Itoobiya iyo Kenya, waxaa ay daliil cad u u tahay loolankaas soo jireenka ah, Soomaali galbeed, NFD, Djibouti waxaa ay ka mid yihiin dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha Yurub, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa Berlin lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyay Shan: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo weli ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djibouti qeyb ahaan loo siiyay dalka Faransiiska. Salka Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya: Soomaaliya waa dalka keliya ee ku yaalo bariga Afrika ee dadkiisu ilaahay mahadiis Muslimiin yihiin 100% halka Itoobiya ay waligeed aheyd hoyga ugu weyn masiixiyadda bariga iyo geeska Afrika, arintan waa loolan soo jiray 14 qarni, waxaa uu sii jiri doonaa illaa qiyaamaha! Soomaaliya waa dalka kaliya ee ku yaalo qaaradda Afrika ama ama xitaa Caalamkaba oo dadkiisa ay gumeystayaasha u qeybiyeen ilaa 5 qeybood, iyadoo la og yahay in Soomaalida ay isku af, dhaqan iyo diin tahay, arintan waa dhibaato kale! Itoobiya waa dal weyn oo aan laheyn bad iyo dekad ay wax kasoo degsato, waxaa jiro damac ah in ay hesho Dekad quudisa dadkeeda, in ay dekadda Berbera xabishidu share ku lahaadaan waa miraha cadaadiskeeda!! Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid lagu dhigo Jaamacadaha Caalamka, ku qoran xeerarka caalamiga ah sida Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika iyo xitaa kan Jaamacadda Carabta. Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Dagaaladii Dhex Maray Dalkeena iyo Xabashida Dagaalkii Koobaad: Qarnigii 16-naad Xabashi waa u xasuus madoow, Qarnigaas waxaa noolaa Imaamka Soomaaiyeed ee Axmed Guray, waxaa uu dagaal ku qaaday xabashida oo dhulkoodii qabsaday, waxaa uu Imaam Axmed Guray ka talin jiray dhulka maanta loo yaqaano Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Djibouti, Eritrea, Suudaan iyo qeyb ka mid ah Masar. Boqorkii Xabashida, waxaa uu dagaal la galay Imaam Axmed Guray, Boqortooyada xabashida waa la jabiyay, Kaniisadihii Masiixiyadda ee xiligaas la burburiyay illaa markii dambe bartamihii qarnigii tagay uu dhisay Xeyla Salaase, Boqorka Xabashida Lebna Denqal waxaa uu dhintay 1540, Xitaa waxaa la sheegaa in Xabashida ay hilib Ceyriin ah cuneen!! Maamulka Imaam Axmed Guray waxaa uu gaaray ilaa Nuba(koofurta Masar), intaa kadib Cadawga burtuqiiska ayaa sida gaalada lagu yaqaano usoo hiilay xabashida. Imaam Axmed Guray mid ka mid dagaaladaas Borqtuqiiska uu la galay ayuu ku dhaawacmay, isla dhawacaas dartii ayuu markii dambe u shahiiday. Dagaalkii Labaad: Xabashida waxaa ay dagaal la gashay Sayidka iyo Ciidankii Darwiishta intii u dhaxeysay 1900-1920-kii, Laakin ciidanka Sayid dhibka Xabashida waxaa ugu darnaa kan Ingiriiska, oo waxaa ay aad ugu mashquuleen dagaalka Ingiriiska, Waxaa la sheegaa in Sayid iyo Ciidankiisa ay dagaal ku tageen ilaa Jigjiga, guulo badan ay kasoo hooyeen Itoobiya. Markii Dhulka La siiyay 1954-tii: Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu Gumeytaha Ingiriisku siiyay dhul Soomaaliyeed 1654-tii: Waa gobol balaaran oo badhkiisu ka badan 25002, Waxaa uu ka koobanyahay Gobolo iyo magaalooyin caan ah sida: Jigjiga, Dhagaxbuur, Godey, Qabridahare, Shilaabo, Wardheer, Awbarre iyo Raso. Markii ay Soomaaliya xuriyaddii qaatay 1960-kii, waxaa ay ku dhaqaaqday dhismaha ciidanka qaranka si dhulalka ay heystaan Itoobiya iyo Kenya loo xureyn lahaa. Dagaalkii Sedexaad: Bishii February 1964, waxaa uu dagaal dhex maray Ciidamada geesiyaasha dalkeena iyo cadawga Itoobiya, dagaalkaas waxaa uu socday ilaa April, Labada cadaw ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa ay ku heshiiyeen in Soomaaliya ay iska dhiciyaan. Dagaalkan waxaa uu ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya sida Doolow ilaa Feerfeer, dagaal weyn ma aheyn, Ciidanka Qaranka waxaa uu jiray afar sano oo keliya halka Cadawga la dhihi jiray “Libaaxyada Afrika”, laakin dagaalkaas Ciidamada Qalabka sida waxaa ay muujiyeen geesinimo iyo Soomaaliya ay soo jeesatay, Xabashida iyo Hogaamiyashoodii waxaa galay cabsi. Dagaalkii Afaraad: Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii ay Soomaaliya la gashay Xabashida ayaa madax noqday 1969-kii, Jaalle Siyaad waxaa uu xoogiisa koobaad, Labaad iyo Sedexaad saaray dhismaha ciidanka qaran oo xoog leh, Sanado yar kadib, Soomaaliya waxaa ay noqotay Ciidanka ugu awoodda badan Afrika halka xabashida ay daciiftay waayo waxaa ka dhacay Inqilaab, February 1974 waa la afgambiyay Boqorkii boqoradda Itoobiya Haile Selassie, waxaa markii dambe dalkaa Madaxweyne ka noqday 3 February 1977 Mengistu Haile Mariam. Ciidankeena qalabka sida waxaa ay faa’ideysteen isbadallada ku imaanaya cadawga iyaga oo qaaday weerar iyo olole loogu magac daray”Xoreyntii Soomaali Galbeed”, Jigjiga waxaa ay soo gashay gacanta xoogagga Soomaaliya 2 September 1977, xiligaas waxaa dalkeena Wasiirka difaaca ahaa Maxamed Cali Samatar, waxaa kaloo dagaalka hogaaminayey rag cadawga xiligaas ka cabsan jiray sida Maxamed Cumar Jees, General Galaal, Col. Maxamud Ciro iyo hogaamiyaal kale, Geesiyaasha qalabka sida waxaa ay si fudud ku qansadeen Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, Soomaaliya oo dhan waxaa ay u midoobeen cadawga iyo jabkiisa, waxaa dalka ka socday damaashaad iyo Midnimo. Markii dambe sida lagu yaqaano reer Galbeedka, horayna aan ugu soo aragnay in markii Imaam Axmed Guray dhulka Xabashida la wareegay in Burtuqiis la saftay xabashida, isla markaana dileen hogaamiyahaas, sidaa oo kale ayaa mar kale dhacday. January 22, 1978-dii, Ciidamo ka socday Midowga Soviet iyo Cuba ayaa u soo hiiliyay Xabashida taas oo keentay in geeshiyaashii Soomaaliya uu cadawga ku sameeyo dhabar jabin iyo dhagar halkaas waxaa kusoo jabay Ciidankeena qalabka sida. Bishii March 1978dii. 1991-dii: Markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye waa la iska iloobay loolankii Soomaaliya iyo Itoobiya, Itoobiya waxaa dalkeeda ka dhacay shirar badan oo lagu heshiisiinayo hogaamiye kooxeedkii dalka sida 8 January 1993 Madaxda 14 ka tirsan ururada iyo Kooxaha Soomaaliya oo heshiis ku saxiixday Adis Ababa iyo shirar kale sida Shirkii NSC-Sodare, Adis Ababa 25, June 1997-dii. Itoobiya hadda waxaa ay ka mid tahay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaa dalkeenna jooga 4 kun oo qeyb ka ah AMISOM iyo 10 Kun oo sharci darro ah, dadka reer Muqdishu waxaa ay aad u xasuustaan imaashiyhii Itoobiya ee koofurta dalka iyagoo xiligaas la sheegay in ay taageerayeen Dowladdi Cabdullahi Yusuf. Itoobiya: Waxaaa u dhaqaaqday dhanka Soomaaliya, iyagoo qabsaday magaalooyin badan sida Beledweyn, Jowhar, Buurhakaba, Deynuunay, ilaa ay Muqdishu gacantoodu gasho December 28, 2006-dii, laakin iska caabin dagaalo lagu hoobtgay kadib waxaa ay dalka ka baxday January 5, 2009-kii. Xiriirka Itoobiya iyo Maamul Goboleedyada: Somaliland waa maamulkii ugu horeeyay ee xiriir fiican la yeesha dalka Itoobiya, hadda waxaa ay mareysaa in Adis Ababa ay share ku leedahay dekadda Berbera, waxaa sidoo kale xusid mudan in Itoobiya ay xiriir soke la leedahay dhammaan 5 maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya, xiriir amni ayaa ugu mihiimsan, waxaa madaxdooda si joogta ah looga wacaa gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa tababarre Jerryagyei Asare u magacaabay macallinka goolhayaasha xulka qaranka, wuxuuna noqonayaa layliyaha saddexaad ee kasoo jeeda dalka Ghana ee ka qeyb qaadanaya mashruuca horomarinta ciyaartooyda xulka wuxuuna Jerry sheegay in uu ku faraxsanyahay ka shaqeynta dalka. Tababarayaasha kala ah Xasan Faarax Axmed iyo CabdiWali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ay si wadajir u shaqeeyaan tababaraha reer Ghana ayaa inoo sheegay in madaxda xiriirka hadii xitaa ay keenaan kuwa kale oo macallimiin ah aysan u arkin dhib maadaam hadafka loo socod uu yahay horomarinta goolhayaasha dalka iyo in labada dhinac ay qibrad ahaan kala faa’deestaan. Waxaan ku faraxsanahay in uu halkan joogo macalinkayga Bashir Hayfod oo isna ka qeyb qaadanay dhisidda ciyaaryahanda xulka Soomaaliya,yoolkeenaa waa in aan juhdi ku bixinaa kubbadda cagta Soomaaliya ayuu yiri macallin Jerry u sheegay,isagoou waramay Gooboog. Goolhayaasha ka faaideesanaya casharada ay bixinayaan macallimiinta is kaashanaya ayaa inoo waramay,iyagoo inooga warbixiyay wixii la baray iyo wax iminka iska badalay iyo sida ay u arkaan tababarahan kasoo jeeda wadanka Ghana. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Magaacibada Macallinka Goolhayaasha Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ayaan wali awooddooda hoos loo dhigin iyadoo uu jiro ololaha Qaramada Midoobay ee 12sano jirsaday ee ka dhanka ah Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaallama. Kooxahaan ayaa leh garab sirdoon oo si sarreysa u shaqeeya sida ay sheegtay wariyaha BBC ee Mary Harper. Inta badan, marka aan ka imaado Soomaaliya oo aan soo-gaaro Ingiriiska, Al-Shabaab ayaa i soo waca. Arrintaan ayaa dhacda ka hor inta aanan la sheekeysan qoyskeyga waana inta aan sugayo alaabteyda ama xilli aan Taxi u sii saaranahay guriga. Mar aan safar ku tagey magaalada ku taalla Koofur-Galbeed Soomaaliya ee Baydhaba ayaa la ii sheegay xog faahfaahsan oo ku saabsan waxa aan qabtay iyo Meesha aan tagay. “Waxaad socod ku tagtay bangi laakiin waa xirnaa. Waxaad garaacday albaabbada iskuna dayday inaad furto. Waxaad qaadatay xoogaa sawirro ah,” ayuu igu yiri nin ka tirsan Al-Shabaab oo ah urur xiriir la leh Alqaeda. “Waardiyeyaashaadu ma ahayn kuwo xirfaddoodu sarreysay. Wey iska wareegayeen, sheekeysanayeen iyagoo qoryaha kasoo laalaadiyey garbahooda halkii ay ku ilaalin lahaayeen.” Markii aan weyddiiyey Al-Shabaab sida ay ku ogaadeen dhammaan waxyaabahaan, Sida ay ku heli karaan xogta saxda ah, Kuwii ila soo xiriiray waxay si fudud iigu sheegeen inay saaxiibbo ku leeyihiin meel kasta. Waxaan u sheegay inaan naxsanahay oo ay ogyihiin ujeedka safarkeyga si dhaw, laakiin waxay ii sheegeen inaanan walwalin oo beegsigoodu yahay dad aniga iga muhiimsan. Si kastaba ha ahaatee, waxay ii sheegeen inaan dhexgeli doono xaalad xun oo aan wajihi doono saameynteeda. Waxaan u qaatay in qaar ka mid ah dadka dabagalka ku sameeya dhaqdhaqaaqeyga ee Soomaaliya jooga inay qeyb ka yihiin kooxaha mitidiinta ah garabkooda sirdoonta ee aan naxariista lahayn, The Amniyat. Qaar kale ayaa jira kuwaasoo ah dad ku shaqeeya inay xog ka keenaan qofka la raadsanayo markaas kaddibna lacag lagu siiyo shaqadaas. Taas waxaa ka sii cabsi badan habka mitidiintu u dabagalaan dadka ay doonayaan inay ka mid noqdaan, u hanjabaan ama dilaan. “Al-Shabaab waa dad aan la fahmi karin, waxay joogaan meel kasta,” Waxaa sidaas yiri nin dhallinyaro ah oo Al-Shabaab ay raadsanayeen sababtoo ah wuxuu ka iibin jiray Firinjeerro iyo Mukeyfyo xubno ka mid ah dowladda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay ay taageerto iyo AMISOM kuwaasoo labadooduba ay Al-Shabaab u aragto cadow. Nin kale oo Al-Shabaab kasoo goostay ayaa sharraxay sida maalin xubin ka tirsan Al-Shabaab uu u soo wacay si uu ugu sheego midabka shaarka uu xirnaa iyo waddada uu marayey maalintaas iyo waqtiga. Dad kale ayaa ka hadlay sida mitidiinta ay u yimaadaan guryahooda iyo goobahooda shaqada ee ku yaal gudaha magaalada Muqdisho si ay ugu hanjabaan ama ay uga mid noqdaan. Arrimahaan ayaa dhacaya iyadoo kooxdu ay ka baxday caasimadda sannadkii 2011. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa dalka Sucuudiga ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyaha dalalka Carabta iyo dunida Islaamka. Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al-sharqal awsat ee ka soo baxa dalka Sucuudiga, wuxuu sheegay inuu cambaaraynayo weerar dhawaan lagu qaaday xarumo laga soo saaro shidaalka oo ku yaala magaalada Riyad. “Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo dunida Islaamka. Dhibaato kasta oo loo gaystaa waxay la macno tahay weerar lagu soo qaaday dunida Muslimka iyo Carabta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay, “Kelmadaha ugu culus ayaanu ku cambaaraynaynaa weerarkaas.” Madaxweyne Geele waxa kale oo uu sheegay inuu taageersanyahay shirarka iyo kulamada uu Sucuudigu u qabto dunida Carabta iyo dunida Islaamka. Mar la weydiiyay halis uu Sucuudigu ka cabsi qabo oo kaga imanaysa Iran, wuxuu Madaxweyne Geele yidhi,”Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo Islaamka, weerarkii diyaaradaha drone-ka ee dhawaan lagu soo qaaday dhuumaha shidaalka waanu cambaaraynaynaa, sidoo kalena weeraro kale oo lagu qaaday Makkah iyagana waanu cambaaraynaynaa.” Madaxweyne Geele wuxuu sheegay inuu xidhiidh taariikhi ahi ka dhexeeyo Djibouti iyo Sucuudiga, isagoo sheegay in Sucuudigu qayb libaax ka ciyaaray xorriyada ay Djibouti heshay sannadkii 1977. Mar la weydiiyay xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya oo uu Sucuudigu isu soo dhawayntooda ka shaqeeyay, wuxuu yidhi, “Is afgaradkaasi wuxuu sababay inuu soo noqdo xidhiidhkii, lana dhiso xidhiidh is aaminaad ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Geele, isagoo intaas raaciyay inuu rajaynayo in isfahamkaas bilaabmay uu sababo in la calaamadiyo xuduuda ay Ereteriya iyo Djibouti ku muransanyihin. Madaxweyne Geele wuxuu wargeyskan u sheegay in Djibouti door muhiim ah ka ciyaarto daminta khilaafaadka gobalka iyo bariga Afrika, isagoo sheegay inay Djibouti si dhow ula socoto xaaladaha ka aloosan dalka Suudaan. Source
-
Empty Suits individuals who aren’t wise but act wise, They have lines and catchphrases and are masters at posturing. Their answers are always smooth and polished because they built their entire career by knowing exactly the right kinds of words to inspire confidence (and taking credit for the work of others). They know the right buzzwords and how to speak at length while committing to very little. But like a con artist, that’s all they have – there is nothing behind an Empty Suit’s rhetoric. Effective Executives are different. They pay less attention to appearances. They don’t spend their time polishing answers to philosophical questions. The least competent people (the Empty Suits) spend their energy avoiding accountability and therefore can’t learn from mistakes they don’t admit to. Because they never admit to mistakes, they overestimate their abilities and Worst of all, they have convinced themselves that they are the real thing. Now I want to talk about Somalia’s incompetent leadership full of emotional eloquence , which is the true “color” personality that they’re . At one point in time Somalia used have great leadership even though difficult to articulate, all of them were great leaders with vision for the country. Unfortunately, this experience was not the norm. According to global analytics firm Gallup research about one in ten people actually possess the talent to manage, also Islamic scholars stated that 4% of the people can’t be leaders at all. Unfortunately as of lately Somali leaders were mostly the 4% who were not supposed to lead at all who got selected not elected by the people. When leadership is great, success inevitably follows Likewise, when leadership is poor, failure inevitably follows. Show me some examples of successful countries and I will point you in the direction of the strong leader that orchestrated their success. Abdullah bin Umar reported: The Messenger of Allah, peace and blessings be upon him, said, “All of you are shepherds and each of you is responsible for his flock. An Imam is a shepherd and he is responsible for those in his care. A man is a shepherd in respect of his family and is responsible for those in his care. The woman is a shepherd in respect of her husband’s house and is responsible for what is in her care. The servant is a shepherd in respect of his master’s property and is responsible for what is in his care. All of you are shepherds and each of you is responsible for his/her flock.” What is the modern-day equivalent to the work of a shepherd in this hadith? IT’S LEADER! So reread the hadith above, but this time, replace the word shepherd, with the word leader. As Dwight D. Eisenhower 34th President of the United States of America said, “You do not lead by hitting people over the head — that’s assault, not leadership.” Leadership is about accountability,responsibility and transparency not showing your dominance over others by brutal force. The 4 % leaders always say, “Do what I tell you because I am your President or Prime minister… .” they may win the battle in the moment, but they’ve lost the war, the patience of the people and their trust. They like to incite a spiritual or emotional mutiny. Fight or flight is all they have on their mind .In other words, revenge or abandonment. Weak leaders are known for personal vendettas,quick decisions for complex issues and hate for any opposing opinion. They think they know everything and do not honor the suggestions of the mature, the experienced and the most knowledgeable thinking that it is weakness to learn and consult with others. Weak leaders have short term visions and are not good in negotiations both local and foreign, they detest criticism and see it as threat to their leadership. Weak leaders use street goons tactics to intimidate their opposition instead of responding to the matter in truth. Worst of all weak leaders never apologize for their mistakes, have disdain for accountability and transparency for all important dealings. Weak leaders are corrupt to the core because they want to appease all and consume the public treasury to resolve short term issues. Weak leaders do not understand that the time to shine is the time of difficulty and extreme adversity, My hope for Somalia is to one day get great leadership that will unify, uplift and care for the people of this nation to its rightful place in the world and make it great again. By: Abdiaziz Hassan Amalo Giyaajo Prominent Businessman and former Presidential Candidate Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland President Muse Bihi Abdi attended the concluding ceremony of the first part of the National Service programme at the Carbis Academy in Dararweine. The ceremony was the conclusion of a three month training programme for 1500 Somaliland graduate students, who will now embark on a nine month National Service across the county in various capacities. Congratulating the graduates, President Muse Bihi praised their dedication to their country and it’s citizens and remarked on the journey that lies ahead of them, which in his words “is an invaluable opportunity to be of service to the people of Somaliland and learn about their country, it’s people, geography, history and culture”. The 1500 graduates which include both, young men and women, are the first batch of the new National Service project and are all volunteers who participated in an exam to join the programme. The ceremony was attended by the several senior dignitaries of the government, parliamentarians, the media and the family members of the graduates. Qarannews.com Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, danjire Raisedon Zenenga ayaa u sacabo tumay qodob ku jiray khudbadii Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May. Madaxweyne Biixi ayaa khudbadii uu jeediyay habeenimadii 18 May wuxuu ku sheegay in Somaliland sii daynayso maxaabiis ay maamulka Puntland kaga qabatay dagaaladii kal hore ka dhacay Tukoraq, waxaanu dhinacooda ka dalbaday inay soo daayaan saddex maxbuus oo ay ka hayeen Somaliland. Haddaba, hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa waxa khudbad uu u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay toddobaadkan ka soo dhaweeyay Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey, danjire Raisedon Zenenga. Ergayga Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegay kulan gaar ahaa oo golaha ammaanka qaramada Midoobay uu warbixin kaga dhagaystay. Wuxuu danjire Zenenga sheegay in wada hadalada la isku mari waayay ee Somaliland iyo Soomaaliya ay saamayn ku yeesheen dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka ay dawladda Soomaaliya wado, “Hase yeeshee.” Ayuu yidhi ergaygu, “Waxa na dhiirigeliyay khudbadii uu Madaxweyne Muuse Biixi jeediyay 18 May ee uu ku cadeeyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu Puntland kala shaqeeyo arrimaha nabadgelyada oo ay ku jiraan is dhaafsiga maxaabiista iyo inay Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha la xidhiidha ammaanka, ganacsiga iyo tacliinta.” Sidaas ayuu yidhi ergayga Qaramada Midoobay. Dad kale oo badan oo reer Somaliland ah ayaa iyaguna hore u soo dhaweeyay qodobkaas ku saabsanaa sii daynta iyo isdhaafsiga maxaabiista, iyagoo aaminsan in nabad waarta oo dhex marta Somaliland iyo Puntland ay kor u qaadayso dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo ganacsi ee Somaliland. Source
-
(SLT-Sheggield)-Duqii hore magaalada Sheffield ee dalka Britain Maajid Cali Maxamuud oo ah wiil Soomaali ah ayaa loo doortay baarlamaanka Midawga Yurub. Maajid Cali Maxamuud ayaa hore taariikh u sameeyay markii uu noqday maayirkii magaalo ee u horreeyay ee xisbiga Green Party uu ku yeesho magaalada Sheffield, wuxuuna sidoo kale wakhtigaas noqday duqii magaaalo ee ugu da’da yaraa. Maajid ayaa Ingiriiska tagay isagoo shan sano jira ka dib markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen magaalada Burco. Saxaafadda ayaa aad u soo hadal qaaday sannadkii hore ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu Trump ka mamnuucay magaalada uu duqa magaalada ka ahaa. Maajid Cali Maxamuud, ayaa asal ahaan ka soo jeeda degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer. Source
-
(SLT-Nairobi)-Xubno xulafo la ah madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa raba in uu is casilo madaxweyne ku xigeenka dalkaas William Ruto. Arrintaas ayay ku sababeeyeen in uu billaabay ol’ole wakhtigiisii laga soo hormariyay oo uu ku doonayo in uu ku badalo madaxweynaha marka la gaaro doorashada 2020, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Xildhibaannada ayaa Ruto ku eedeeyay in uu si joogto ah u qabto isu soo baxyo siyaasadeed isla markaasna uu jahwareerinayo afartii qorshe ee waawaynayd ee uu dajiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta, Afartaas oo kala ah Guryo iyo caafimaad la awoodi karo, damaanad cunto iyo warshado, sida uu ku warramay wargayska gaarka loo leeyahay ee The Standard. Wargeyska kale ee The Star ayaa sheegay in xildhibaannadu ay uga digeen Ruto in uusan booqanin deegaanka uu madaxweynuhu ka soo jeedo ee Kiambu, haddii uu rabo in uu booqdana uu u raaco Uhuru. Labada xilli ee uu xilka qaban karo Kenyatta ayaa ku eg 2020, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in laga yaabo in uu isku dayo in isbadal ku sameeyo dastuurka, si uu u noqdo Ra’iisulwasaare awood badan. Source
-
(SLT-Makkah)-Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku martiqaaday Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani Shirka degdeg ah oo Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeelan doonaan 30-ka bishan magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarama. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa shaacisay in Amiirka Qatar uu soo gaadhay warqad casuumqaad ah oo kaga timid Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa guddoomay farriinta martiqaadka, taasoo uu keenay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Abdulatif Bin Rashid Al Zayani oo ku sugan magaalada Doha. Shirka degdega ee ka dhacaya magaalada Makkah Al-Mukarama ayaa isugu jira labo qeybood oo kala ah shirka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa dalalka Khaliijka, kaasoo looga hadlayo weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay weerareen maraakiib shidaal ah iyo dhuumaha shidaalka Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudi Carabiya, Egypt, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhka u jaray Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo cirka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay beenisay eedeymahas. Source
-
(SLT-Inango)-Ugu yaraan soddon qof ayaa geeriyootay 200 oo kalana waa lagu la’ yahay dooni ku dagtay harradda lagu magacaabo May Nadombe oo ku dhow tuullada Lokanga ee ku taalla galbeedka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kaddib markii ay cimiladu xumaatay. Duqa magaalada Inongo oo lagu magacaabo Simon Mabo Wemba ayaa u sheegay warbaahinta inay soo saareen maydadka 30 qof oo kala ahaa 12 haween, 11 carruur iyo 7 rag ah. Wemba, ayaa inta ku daray in la soo badbaadiyey 170 qof, mana kala cadda tirada guud ee rakaabkii la socday Doonidaasi, inkastoo ay saraakiisha ku qiyaaseen ku dhowaad siddeed boqol oo ruux. Rakaabka badankii waxaa loo malaynayaa in ay yihiin macalliimiin mushaarkoodii doonanayay. Dalka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa ka dhacayay shilal dhowr ah oo la xiriira doonyo ku dagga harrooyinka,iyadoo bishii la soo dhaafay ee April ugu yaraan 167 qof ay ku geeriyootay labo shil dooni oo ka dhacay dalkaasi. Source
-
(SLT-Berlin)-Ninka dowladda Jarmalka u qaabilsan ka hortagga Yuhuud naceybka ayaa dadkaasi ugu baaqay in aanay fagaarayaasha ku xidhan koofida yar ee ay caanka ku yihiin. Felix Klein ayaa ka digay in xirashada koofida loo yaqaan kippa ay Yuhuudda dhibaato kala kulmi karaan marka ay joogaan qeybo kamid ah dalka Jarmalka, maadaama uu kordhay naceybka loo qabo. Hadalkaasi ayaa ka caraysiiyay madaxweynaha Israa’iil, Reuven Rivlin, kaasoo sheegay inuu ka dhigan yahay “qirasho ah in markale aanay Yuhuudda ammaan ku haysan dhulka Jarmalka”. Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in sanadkii hore ay boqolkiiba 10 sare u kaceen dembiyada la xidhiidha Yuhuud naceybka. Waxa ay sheegtay in sanadkii 2018 la diiwaangeliyay 62 falal gacan ka hadal watay oo lala beegsaday Yuhuudda, halka tirada weerarradaasi ee sanadkii 2017 ay ahaayeen 37 oo keliya. Wasiirka caddaalada Katarina Barley ayaa sheegtay in sare u kaca Yuhuud naceybka ay “ceeb ku tahay dalkeeda”. Internet-ka gaar ahaa baraha ay bulshada kuwada xidhiidho ayaa la sheegay inay qeyb ka qaataan hurinta Yuhuud naceybka. Maxaa sare u qaaday Yuhuud naceybka? Ururada Yuhuudda ayaa ka digay in kooxaha iyo axsaabta midig fog ay ka dambeeyaan Yuhuud naceynka iyo cunfiga ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay ee ku nool Yurub. Tan iyo 2017, xisbiga midig fog ee Alternative for Germany (AfD) ayaa ahaa kan ugu weyn mucaaradka Jarmalka. Xisbigaasi ayaa si cad u diiddan muhaajiriinta, balse waxa uu qeyb ahaan beeniyaa inuu neceb yahay Yuhuudda. Haseyeeshee waxaa si weyn loo dhaliilay hadallo dhowr ah oo ay sheegeen siyaasiyiin ka tirsan xisbigaasi, kuwaasoo loo arkayay inay wax u dhimayaan Yuhuudda. Ra’iyi ururin la sameeyay sanadkii hore, ayaa kumannaan Yuhuudda Yurub ah waxa ay ku sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin naceybka ay kala kulmayaan qaaraddaasi. Source
-
Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw iyo wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar ayaa si wadajir Magaalada Jowhar xarigga uga jiray xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta maamulka Hirshabeele. Madasha waxaa sidoo kale xaadir ku ahaa mas’uuliyeen ka socotay xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan Hirshabeele,kooxaha,garsoorayaasha ciyaaraha,bulshada deegaanka iyo madaxa ka tirsan maamulka Hirshabeele,iyagoo aad u soo dhaweeyay mashruucan. “Waa ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad u qalabeeseen xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta Hirshabeele waxaan idinka sugaynaa bilaha soo aadan dhisidda kooxaha heerarka kala duwan iyo aqoon kordhinta garsoorayaasha maamulkeena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyrada maamulka Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar. Bulshada Magaalada Johwar ayaa u mahad celiyay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,iyagoo kula dardaarmay horomarinta isboortiga ay kaalin wanaagsan ka qaadanayso kobaca Soomaaliya iyagana ay diyaar u yihiin in laga shaqeeyo horomarinta ciyaaraha Hirshabeele iyo in xirfadlayaasha ku nool gobolkan ay helaan ka mid noqoshada xulka qaranka,maadaama gobolkan uu wiligii caan ku ahaa ciyaaraha. “Xariiga jar ka dib waxaan la kulnay bulshada magaalada Jowhar waxaana ka dhagaysnay talooyinkooda muhiimka ah ee ku aadan kubbadda cagta dalka wixii aan kasoo aruurinay oo aragtiyo ah waxaan la wadaagi doonaan madaxda xiriirka Soomaaiyeed ee kubbadda cagta”waxaa sidaas yiri Abuukar Isloow oo ah guddoomiye ku xigeenka arimaha horomarinta maamul Goboleedyada ee xiriirka kubbadda cagta dalka. Bishii lasoo dhaafay April Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa magalada Baydhabo xariga kaga jaray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta Koonfur Galbeed oo si wanaagsan loo qalabeeyay. x “Waa inoo guul in shantii bil ee ugu horeesay 2019 wafuud ka socota xiriirka ay gaaran maamul Goboleedyada si wax looga qabto baahiyaha ka jira gobolada dalka waxaa diiradda saaraynaa balamihii aan lawada galnay xiriirada maamul Goboleedyada in aan u fulino si buuuxda 100% haduu eebe idmo”waxaa Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiyaha horomarinta gobolada ahna guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Si kastaba sababaha loo furayo xafiisyada ururada horumarinta kubbadda cagta xiriirada maamul goboleedyada ayaa ah in ay fududeeyaan shaqooyinka kala dhaxeeyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya in ay helaan mashaariicda laga helo xiriirka aduunka ee FIFA. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Somaliland: Waddani Responds To Kulmiye/UCID Kenya Visit, ” Who is somaliweyn now?” Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland opposition party, Waddani, has responded to the visit to Kenya by a five member delegation from Kulmiye and UCID. Speaking to the media, a Waddani spokesperson, accused the two parties, Kulmiye and UCID of lying to the people of Somaliland and their own supporters about the current political situation in the country with regard to the prospective parliamentary and locals elections scheduled for later this year. In their press conference, the Waddani party accused the two other parties, Kulmiye and UCID of meeting with various politicians from Somalia, whilst accusing Waddani of being “Somaliweyn”. According to Waddani, the attempt to lie to the international donors in Nairobi by the Kulmiye/UCID delegation has backfired, since the donors are aware of the current political situation in Somaliland. The Waddani party are insisting on a new National Elections Commission and a new arrangement for parliamentary seats, before they agree to participate in any future elections. The party maintains its commitment to the democratic process in Somaliland, but does not appear to be flexible in it’s political position. Meanwhile, the deadline for the parliamentary and local elections is only six month away. Qarannews Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii wasaaradiisa kasoo saartay habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada, oo inta badan maamulada dalka ay ka hor yimaadeen. Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in go’aanka la xiriira habraaca doorashooyinka uu ahaa mid si wadajir ah loogu wada shaqeyn jiray, balse hadda shacabka loosoo bandhigay kaliya. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in dhamaan qodobada ku jira habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada aysan aheyn wax cusub, islamarkaan dhamaan qodobadaasi horey loogu dhaqmayay. “Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go’aansanay in aan soo dhigno shacabka hortiisa nidaamkii awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”ayuu yiri Wasiir Sabriye. Wuxuu soo hadal qaaday diidamada maamul goboleedyada ay diideen go’aanka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. “Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimoquraadiyentiisa iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh. Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galin doono kaalintooda” “Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
In Kismayo town they hoot loudly, overlap, pick and drop passengers in the middle of the road causing nasty traffic snarl ups. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors