-
Content Count
208,524 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
AS/CALAYKUM DHAMAAN SHACBIGA SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA. SIYAADADA DUSHAAN KALA SOCDAA,MAALINBA MAALINTA KA DAMBAYSA, WAXA SII LICIIFAYA XUKUMADII IYO UCID….BAL CEEBTAN EEGA!!!! waxaan la yaabay kusoo-guryo noqoshada mataanaha Kulmiye iyo UCID ee Nairobi ay kaga soo noqdeen! waxaan ula yaabayna waxa weeye, Faysal C Waraabe oo ka dhigay Maxamed Kaahin nin uu hayo Xanuun Saxaafadeed, isla markaana aan qaadi karin in kalmad la waydiiyo…..ku lahaa Faysal: Ta daa Ta daa Anigaa la kulmay Cabdishskuur Warsame….i kkkkk. Bal ogow Siyaasigaa Cabdishakuur waa ninka kaliya ee midayndoona Soomaaliya oo dhan. waa nin aan la gaban inaanay dhagihiisu maqal wax kala qaybsanaan iyo laanta iyo waxaas. Sida fagaarayaasha doodaha siyaasada uu ku tiraabo, waa siyaasi ka shaqeeya midnimada umada Somaliyeed, soona celin doona nidaamkii Soomaaliwayn. Waxaan shaki ku jirin in wada hadalka dawlada Somaliland ay la hadashay siyaasigan, uu yahay mid qalbi jabinaya kuwa qalbigooda ku haba ama ku xardha: SOMALILAND. ku sii dheeraan maayee, faysal baa aad iiga qosliyoo maalintii dhawayd ee Culimada Somaliland lagu casuumay madaxtooyada wuxuu yidhi: WADANI WAANU KA ADKAAN WAYNEE, MEE HAYN INAA NASOO KALA DHEX GASHAAN….!!!!! Waxaan kaga baxayaa, Wadani wuxuu xukumada iyo ucid ka adkaaday maalintii ay is bahaysteen 4% IYO 48%. Ku darsadoo siyaasiyiin dhab u darsa waxay siyaasadi tahay iyo sida bulsho loo badalo, ayaa dalka ku nool!!!! U fiirso hadalka layskama yidhaahee, waxaan u jeedaa Wadani wuu ka adkaaday dawladii iyo UCID, waxay yidhaaheen laba xisbi ayaanu doorasho ku galaynaa, iminkana afka waysoo marin kari la’yihiin inay ku adkaystaan inay labadaa ay sheegeen doorasho ku galaan!!! iminkoo u dambaysay waa la waydiiyee mabay ka jawaabin ina kaahin iyo faysal toona!! halkan bal eeg ceebta fagaare saxaafada somaliland iyo waftigan margaday een biyana loo dhiibin!!! https://www.youtube.com/watch?time_continue=64&v=l2q8uOHz5hw Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal! SANWAA CUMAR YARE Freelance Political Commentator Email Address: politicianbynature@outlook.com Qaran News
-
Mareykanka ayaa todobaadyadii u dambeeyay kordhiyey duqeymaha dhanka cirka ee uu guud ahaan Soomaaliya kula beegsanayo maleyshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab. Ku dhowaad tobban dagaalame ayaa looga dilay kooxahaasi howlgalo uu Mareykanka isbuucyadii lasoo dhaafay ka geystay gobolada Bari iyo Shabeellaha Hoose, oo ka kala tirsan Puntland iyo Koonfur Galbeed. Taliska Mareykanka ee Afrika waa kan kaliya ee fahfaahinta duqeymahaasi si shaax-baxsay bulshada ugu soo bandhigta, iyaga oo soo marinaya war-saxaafadeed sadaro kamida aanan waxba laga bedelin. Balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo kordhay bayaanada eray bixin cusub, taasi oo su’aalo iyo tuhunba ay geliyeen qaar kamida dadka ka faaloda arrimaha amaanka ee ku nool Soomaaliya iyo caalamka. Eraygaasi ayaa wuxuu yahay “degrade” halka ay joojiyeen adeegsiga erayga “defeat” oo ay kolkii horey u is-ticmaali jireen ciwaanka war-saxaafadeedka lagu soo bandhigayo khasaaraha gulufyada cirka ah. Dadka aqoonta u leh luqada naxwaha Ingiriiska ayaa erayga “degrade” macneeyay in uu yahay “yareyn/dhimis”. Si lamida erayga kale ee ah “defeat” uu yahay “jebin/ka takhalusid”. Farqi weyn ayaana u dhaxeeya, dabcan. War-saxaafadeedyadda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegayaa in ujeedooyinka duqeymaha ay kaliya yihiin “olale xadidan iyo mid argagixisada carqalad looga gelinayo aag xor ah oo ay dhaqdhaqaaq ku sameeyaan”. “Baabi’inta hogaamiyeyaasha shabakada,” waa nuqul yar oo kamida war-saxaafadeedyadda AFRICOM, si gaar ah markay soo saarayaan fahfaahinta howlgalada ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya. Isaga oo la hadlayey Guddiga Ciidamada ee Aqalka Sare, taliyaha AFRICOM, Thomas Waldhauser, wuxuu si cad u qeexay in duqeymaha ay ugu talogaleen ku taageerida dowlada Soomaaliya ee la halgalemesa dagaalka Al-Shabaab. Waldhauser ayaa sidoo kale intaasi raaciyey in hadafka duqeymaha uu yahay in dowladda dib u hanato goobaha ay AlShabaab qabsatay, wuxuuse meesha ka saarey in ahmiyada koowaad tahay jebinta kooxdaasi. “Aakhiritaankii duqeymahaasi maalina ma jebin karaa Al-Shabaab, balse waxay yihiin kuwa dowlada iyo ciidamada soo koraya ee Soomaaliya ku xaqiijin karaa amniga dalkooda,” ayuu xusay. Mareykanka ayaa dagaalka argagixisada Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay in ka badan tobban sano wallow aysan muuqan guul la taaban karo oo tan iyo xiligaasi uu ka sameeyay marka laga reebo in colaadu sii badaneyso. “Waanu ognahay in [duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab] ay sababaan dhibaatooyin, waanu oganahay in niyad-jab abuurayaan. Taasi waa su’aal u furan si xad ah,” ayuu hoosta ka xariiqay. Inkasta oo ay jiraan howlgalada Mareykanka, Al-Shabaab oo si wax ku ool ah u joogteysay xagjirnimadeeda ayaa maamusho tuuooyinka baadiyaha ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, waxayna halis ku tahay magaalooyinka. Xigasho: Garowe Online
-
Arrinta shalay soo baxday ee ah in Itoobiyaanka ay khariidada Afrika ka saaraan Soomaaliya, kuna daraan dhulkooda waxaa ay adkeyneysaa shaki hore oo jiray, damaca xabashida iyo heerka uu loolanka gaaray. Arrintan waxaa ay na tuseysaa in aan la aamini Karin xabashida, loona baahanyahay feejignaan dheeraad ah marka lala dhaqmayo hey’adahooda rasmiga ah iyo ama xataa shakhsiyaad caadi ah. In kasta oo ay raali-gelin ka bixiyeen Itoobiyaanka, hadana in bogga rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda oo ah meesha lagu kariyo siyaasadda arrimaha dibadda dalkaasi laga dhex helo khariidad noocaas waa halis, waxaana ka badan inta qarsoon. In Soomaaliya aaney illaa iyo hadda xad rasmi ah la laheyn Itoobiya iyo Kenya, waxaa ay daliil cad u u tahay loolankaas soo jireenka ah, Soomaali galbeed, NFD, Djibouti waxaa ay ka mid yihiin dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha Yurub, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa Berlin lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala qeybiyay Shan: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo weli ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djibouti qeyb ahaan loo siiyay dalka Faransiiska. Salka Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya: Soomaaliya waa dalka keliya ee ku yaalo bariga Afrika ee dadkiisu ilaahay mahadiis Muslimiin yihiin 100% halka Itoobiya ay waligeed aheyd hoyga ugu weyn masiixiyadda bariga iyo geeska Afrika, arintan waa loolan soo jiray 14 qarni, waxaa uu sii jiri doonaa illaa qiyaamaha! Soomaaliya waa dalka kaliya ee ku yaalo qaaradda Afrika ama ama xitaa Caalamkaba oo dadkiisa ay gumeystayaasha u qeybiyeen ilaa 5 qeybood, iyadoo la og yahay in Soomaalida ay isku af, dhaqan iyo diin tahay, arintan waa dhibaato kale! Itoobiya waa dal weyn oo aan laheyn bad iyo dekad ay wax kasoo degsato, waxaa jiro damac ah in ay hesho Dekad quudisa dadkeeda, in ay dekadda Berbera xabishidu share ku lahaadaan waa miraha cadaadiskeeda!! Loolanka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid lagu dhigo Jaamacadaha Caalamka, ku qoran xeerarka caalamiga ah sida Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika iyo xitaa kan Jaamacadda Carabta. Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Dagaaladii Dhex Maray Dalkeena iyo Xabashida Dagaalkii Koobaad: Qarnigii 16-naad Xabashi waa u xasuus madoow, Qarnigaas waxaa noolaa Imaamka Soomaaiyeed ee Axmed Guray, waxaa uu dagaal ku qaaday xabashida oo dhulkoodii qabsaday, waxaa uu Imaam Axmed Guray ka talin jiray dhulka maanta loo yaqaano Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Djibouti, Eritrea, Suudaan iyo qeyb ka mid ah Masar. Boqorkii Xabashida, waxaa uu dagaal la galay Imaam Axmed Guray, Boqortooyada xabashida waa la jabiyay, Kaniisadihii Masiixiyadda ee xiligaas la burburiyay illaa markii dambe bartamihii qarnigii tagay uu dhisay Xeyla Salaase, Boqorka Xabashida Lebna Denqal waxaa uu dhintay 1540, Xitaa waxaa la sheegaa in Xabashida ay hilib Ceyriin ah cuneen!! Maamulka Imaam Axmed Guray waxaa uu gaaray ilaa Nuba(koofurta Masar), intaa kadib Cadawga burtuqiiska ayaa sida gaalada lagu yaqaano usoo hiilay xabashida. Imaam Axmed Guray mid ka mid dagaaladaas Borqtuqiiska uu la galay ayuu ku dhaawacmay, isla dhawacaas dartii ayuu markii dambe u shahiiday. Dagaalkii Labaad: Xabashida waxaa ay dagaal la gashay Sayidka iyo Ciidankii Darwiishta intii u dhaxeysay 1900-1920-kii, Laakin ciidanka Sayid dhibka Xabashida waxaa ugu darnaa kan Ingiriiska, oo waxaa ay aad ugu mashquuleen dagaalka Ingiriiska, Waxaa la sheegaa in Sayid iyo Ciidankiisa ay dagaal ku tageen ilaa Jigjiga, guulo badan ay kasoo hooyeen Itoobiya. Markii Dhulka La siiyay 1954-tii: Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu Gumeytaha Ingiriisku siiyay dhul Soomaaliyeed 1654-tii: Waa gobol balaaran oo badhkiisu ka badan 25002, Waxaa uu ka koobanyahay Gobolo iyo magaalooyin caan ah sida: Jigjiga, Dhagaxbuur, Godey, Qabridahare, Shilaabo, Wardheer, Awbarre iyo Raso. Markii ay Soomaaliya xuriyaddii qaatay 1960-kii, waxaa ay ku dhaqaaqday dhismaha ciidanka qaranka si dhulalka ay heystaan Itoobiya iyo Kenya loo xureyn lahaa. Dagaalkii Sedexaad: Bishii February 1964, waxaa uu dagaal dhex maray Ciidamada geesiyaasha dalkeena iyo cadawga Itoobiya, dagaalkaas waxaa uu socday ilaa April, Labada cadaw ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa ay ku heshiiyeen in Soomaaliya ay iska dhiciyaan. Dagaalkan waxaa uu ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya sida Doolow ilaa Feerfeer, dagaal weyn ma aheyn, Ciidanka Qaranka waxaa uu jiray afar sano oo keliya halka Cadawga la dhihi jiray “Libaaxyada Afrika”, laakin dagaalkaas Ciidamada Qalabka sida waxaa ay muujiyeen geesinimo iyo Soomaaliya ay soo jeesatay, Xabashida iyo Hogaamiyashoodii waxaa galay cabsi. Dagaalkii Afaraad: Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii ay Soomaaliya la gashay Xabashida ayaa madax noqday 1969-kii, Jaalle Siyaad waxaa uu xoogiisa koobaad, Labaad iyo Sedexaad saaray dhismaha ciidanka qaran oo xoog leh, Sanado yar kadib, Soomaaliya waxaa ay noqotay Ciidanka ugu awoodda badan Afrika halka xabashida ay daciiftay waayo waxaa ka dhacay Inqilaab, February 1974 waa la afgambiyay Boqorkii boqoradda Itoobiya Haile Selassie, waxaa markii dambe dalkaa Madaxweyne ka noqday 3 February 1977 Mengistu Haile Mariam. Ciidankeena qalabka sida waxaa ay faa’ideysteen isbadallada ku imaanaya cadawga iyaga oo qaaday weerar iyo olole loogu magac daray”Xoreyntii Soomaali Galbeed”, Jigjiga waxaa ay soo gashay gacanta xoogagga Soomaaliya 2 September 1977, xiligaas waxaa dalkeena Wasiirka difaaca ahaa Maxamed Cali Samatar, waxaa kaloo dagaalka hogaaminayey rag cadawga xiligaas ka cabsan jiray sida Maxamed Cumar Jees, General Galaal, Col. Maxamud Ciro iyo hogaamiyaal kale, Geesiyaasha qalabka sida waxaa ay si fudud ku qansadeen Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe, Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, Soomaaliya oo dhan waxaa ay u midoobeen cadawga iyo jabkiisa, waxaa dalka ka socday damaashaad iyo Midnimo. Markii dambe sida lagu yaqaano reer Galbeedka, horayna aan ugu soo aragnay in markii Imaam Axmed Guray dhulka Xabashida la wareegay in Burtuqiis la saftay xabashida, isla markaana dileen hogaamiyahaas, sidaa oo kale ayaa mar kale dhacday. January 22, 1978-dii, Ciidamo ka socday Midowga Soviet iyo Cuba ayaa u soo hiiliyay Xabashida taas oo keentay in geeshiyaashii Soomaaliya uu cadawga ku sameeyo dhabar jabin iyo dhagar halkaas waxaa kusoo jabay Ciidankeena qalabka sida. Bishii March 1978dii. 1991-dii: Markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye waa la iska iloobay loolankii Soomaaliya iyo Itoobiya, Itoobiya waxaa dalkeeda ka dhacay shirar badan oo lagu heshiisiinayo hogaamiye kooxeedkii dalka sida 8 January 1993 Madaxda 14 ka tirsan ururada iyo Kooxaha Soomaaliya oo heshiis ku saxiixday Adis Ababa iyo shirar kale sida Shirkii NSC-Sodare, Adis Ababa 25, June 1997-dii. Itoobiya hadda waxaa ay ka mid tahay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaa dalkeenna jooga 4 kun oo qeyb ka ah AMISOM iyo 10 Kun oo sharci darro ah, dadka reer Muqdishu waxaa ay aad u xasuustaan imaashiyhii Itoobiya ee koofurta dalka iyagoo xiligaas la sheegay in ay taageerayeen Dowladdi Cabdullahi Yusuf. Itoobiya: Waxaaa u dhaqaaqday dhanka Soomaaliya, iyagoo qabsaday magaalooyin badan sida Beledweyn, Jowhar, Buurhakaba, Deynuunay, ilaa ay Muqdishu gacantoodu gasho December 28, 2006-dii, laakin iska caabin dagaalo lagu hoobtgay kadib waxaa ay dalka ka baxday January 5, 2009-kii. Xiriirka Itoobiya iyo Maamul Goboleedyada: Somaliland waa maamulkii ugu horeeyay ee xiriir fiican la yeesha dalka Itoobiya, hadda waxaa ay mareysaa in Adis Ababa ay share ku leedahay dekadda Berbera, waxaa sidoo kale xusid mudan in Itoobiya ay xiriir soke la leedahay dhammaan 5 maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya, xiriir amni ayaa ugu mihiimsan, waxaa madaxdooda si joogta ah looga wacaa gudaha Soomaaliya. Goobjoog News
-
Jabuuti (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay weerar dhowan lagu qaaday xarumo muhiima oo ku yaala dalka Sacuudiga. Madaxweyne Geelle ayaa waxa uu si adag u cambaareeyay weeraradaas oo lagu qaaday xarumo laga soo saaro shidaalka oo ku yaala Magaalada Riyadh. Geelle ayaa waxa kale oo uu taageero u muujiyey shirarka iyo kulamada uu Sacuudigu u qabto dunida Carabta iyo Islaamakaba, isagoona ku tilmaamay dalka Sacuudiga inuu yahay hogaamiyaha dalalka Carabta iyo dunida Islaamka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa uu kaga hadlay arrimahaasi wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Sacuudiga ah ee Asharq Al-Awsat, wuxuuna yiri “Sucuudigu waa hoggaamiyaha Carabta iyo dunida Islaamka. Dhibaato kasta oo loo gaystaa waxay la macno tahay weerar lagu soo qaaday dunida Muslimka iyo Carabta. Kelmadaha ugu culus ayaanu ku cambaaraynaynaa weerarkaas”. “Weerarkii diyaaradaha drone-ka ee dhawaan lagu soo qaaday dhuumaha shidaalka waanu cambaaraynaynaa, sidoo kalena weeraro kale oo lagu qaaday Makkah iyagana waanu cambaaraynaynaa”. Wuxuuna intaas ku daray “Is af-garadka Sacuudigu ka abuuray Jabuuti iyo Ereteriya wuxuu sababay inuu soo noqdo xiriirkii, lana dhiso xiriir is aaminaad ah. Waxaana rajeynayaa in is-fahamkaasi bilowday uu sabab u noqdo in la calaamadiyo xuduudaha ay ku muransanyihiin Ereteriya iyo Jabuuti”. Madaxweyne Geele ayaa waxa uu ugu dambeyntii uu ku sheegay wareysigiisa in dowlada Jabuuti ay door muhiim ah ka ciyaarto daminta khilaafaadka gobalka iyo bariga Afrika, isagoo xusay inay dowladiisu ay si dhow ula socoto xaaladaha ka aloosan dalka Sudan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Saddex taliye oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo ka soo jeeda bariga gobolkaasi, ayaa sida la xaqiijiyay caawa ciidamadooda kala baxay Somaliland. Taliyaasha oo kala ah; Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), Guray Cismaan Saalax iyo Xayle Xaaji Diraac, ayaa sida la sheegayo ka carooday, taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, kadib markii uu amar ku siiyay in ay si wadajir ah u weeraraan, degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wefdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan. Saddexda taliye ayaa gebi ahaanba diiday amarka Nuux Taani, waxaana ay u sheegeen in aysan dagaal ku qaadi doonin degaanka ay u dhasheen ee maxasta iyo maatadoodu taallo, sida uu Puntland Post u xaqiijiyay sarkaal la socday mid kamid ah saddexdaasi taliye. “Taani hadalkiisa, waxaa loo arkay in uu leeyahay, ordoo maxastiina iyo maatadiina dagaal ku qaada, taasina way u cunmi wayday taliyaasha, sidaasi ayayna uga goosteen Somaliland iyo taladeedaba, waayo? waxa meesha ka socdaa waa lafa geel iyagaa la isku jebiyaa” ayuu yiri sarkaalka. Sidoo kale, taliyaasha ayaa diiday, kadib markii Gen Taani uu ka dalbaday in ay wada-tashi u yimaadan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si looga wada-hadlo khilaafka labada dhinac ee ku saabsan, sida loo wajahayo xiisadda ka aloosan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag. “Anigu taliyaha aan la joogo dalabkaasi wuu diiday, wuxuuna u sheegay in talada Yubbe iyo Damala Xagarre u taallo dadka halkan u dhashay ee aan go’aan looga yeerin Karin meelo kale. Raggii kalena maba aadin oo waa kuwaan noo yimid ee hadda nala jooga” ayuu yiri sarkaal weheliya mid kamid ah taliyaashaasi. Sarkaalka ayaa sii raaciyay in caawa uusan ciidamada Somaliland ku harin, hal askari oo u dhashay degaannada bariga gobolka Sanaag, isagoo sheegay in awalba dhammaantood ay maamulayeen saddexda taliye ee ka baxay Somaliland. Taliyaasha ka baxay Somaliland, ayaa dhinaca kale caawa degaanka Ceelbuh kulan kula qaatay waxgaradka u dhashay bariga gobolka Sanaag oo isaga kala yimid degmooyinka Badhan, Laasqoray, Hadaaftimo, Xingalool, Dhahar, Damalla-xagarre, Ceelbuh iyo Carmale, sid aan ka soo xiganay qaar kamid ah wagaradkii kulankaasi joogay. Taliska ciidamada Somaliland ayaan dhankiisa weli ka hadal, taliyaasha iyo ciidamadooda ka goostay, iyadoo gobolkaasi ay ka aloosantahay xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland tan iyo markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen, degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Xog: Ciidamadii u dhashay bariga gobolka Sanaag oo guud ahaan ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Marxuumad Nimco Cumar Shire Xuuray Koox ku hubaysan toorayo ayaa caawo gabar ku dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Nimco Cumar Shire (Xuuray) ayaa lagu dilay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacy xilli ay ka soo baxday salaadda Taraawiixda sida ay sheegeen goobjoogayaal. Gabadha oo dhaawac culus ka soo gaaray toorey dhuunta looga dhuftay ayaa ku geeriyootay gudaha isbitaalka Gaalkacyo sida laga soo xigtay dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlgala isbitaalkaasi. Ciidamada amniga ayaa hawlgallo ka sameeyay xaafadda gabadha lagu dilay balse sida la sheegayo ilaa iyo haatan cidna looma qaban dilkeeda. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Gabar u dhimatay tooray dhuunta looga dhuftay appeared first on Puntland Post.
-
Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ayey ku sheegeen in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya Axaddii todobaadkan laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari. Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi aysan wax khasaara u geysan dadka rayidka ah ee ku nool degaannada lagu beegsaday malayshiyaadka Al-shabaab. Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi ahayd tii lixaad ee laga fuliyo buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April ee sannadkan xilligaasi oo Maraykanku sheegay in uu duqeyn ku khaarajiyay ku xigeenkii hoggaaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has called on Somalis to unite and avoid tribalism, which previous fueled the civil war in the horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Holland ayaa waxa ay aqoonsatay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Soomaaliga ee la siiyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaalida. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray”. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan. Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen. Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega. Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”. Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen. Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab? Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan joojisay wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista dastuurka, qorshaha amniga qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya sida; sharciga doorashooyinka, sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan. Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay dastuurka ku dhaqanto oo ay ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay baarlamanka horgeynayso. Dowlad goboleedyada ayey sidoo kale u soo jeedisay, in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka. Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed. Hoos ka arag warqadda ay dirtay Puntland
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay in uu Odey ahaa galinkii danbe ee maanta . Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Nawaaxiga Masjid lagu magacaabo Shuhadda oo ku yaalla Cabdalla Shideeye,isla markaana waxaa Dilka ayaa waxaa geystay Rag kU hubeysnaa Bastoolado xili halkaasi uu ku sugna, Raggii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaan kooban ayadoona aysan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay suuqa Bakaaraha. Magaalada M.uqdisho waxaa bisha ramadaan gudaheeda ka dhacay dhowr dil kuwaas oo loo adeegsay bastoolado, ayadoo malinimadii shalay magaalada lagu dilay laba nabadoon oo ka mid ahaa kuwii wax ka soo xulay BFS Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshihii ahaa in la xirayo baraha bulshada inta uu socdo imtixaanka guud shahaadiga ah, kaasi oo ka socda intake badan gobollada dalka. Wasaaraddu waxey soo bandhigtay warqad ka soo baxday maxkamadda sare oo loogu ogolaanayo iney xiri-karto baraha bulshada haddii ay u aragto in Imtixaanka ay dhib ku hayaan ama laga cabsado in markale la xado imtixaanka . Halkan hoods ka akhriso qaraarkaa maxkamadda ee Laguna ogolaanayo in baraha bulshada Laguna xayiro : Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu caawa ka dhacay nawaaxiga Aargada Liido, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqisho. Si dhab ah looma oga in gaariga qarxay uu ahaa mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama inuu ah mid qof loogu xiray, waxaana socota baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee dowladda. Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka laamaha amaanka ee dowladda Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay ineysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota filler. “Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro” ayey tiri Zakiya. Xiliga qaraxa Caawa uu dhacayay waxa ay eheyd waqti dadka ay ku mashquulsanaayeen Af-furka, taasoo yareysay khasaaraha maadaama dadka ay ku kala xaroodeen goobihii ay ku af-furayeen. Bishan Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhowaad 10 qarax oo khasaare gaarsiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Shaqaalaha iyo Ciidanka dowladda iyo dad kaloo Shacab ah. Meelaha qaraxyadaas ay ka dhaceen waxaa kamid ah Xarunta degmada Warta-Nabada, Kontoroolka NISA ee aagga Daljirka Dasoon, Nawaaxiga Hoteelka SYL iyo mid ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa. Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal. “Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”. Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ethiopia kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda. Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya. Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Ambassador Ahmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xiriir la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Ethiopia ay cudurdaar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baaritaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday. Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa shalay lagu yiri “Waxaan ogaanay in sawir qaldan oo aan la aqbali karin oo ah map-ka qaaradda Afrika uu ku dhuuntay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Markii aan ogaanay durba waan ka saarnay website-ka.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ku kalsoonaada in kooxdeena ICT ay ka shaqeynayaan amniga website-ka. Waxaan si shalayto leh uga cudur daaranaynaa jahwareerka iyo is-faham waaga laga yaabo in dhacdadan ay sababtay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay shirkadaha qaadaya Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan soo gudanaya Acmaasha xajka, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Dowladda ay dul-saaratay kumanaan lacag ah qarashka laga qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed. Halkii qof ee ka baxaya Soomaaliya ee u socda Xajka ayaa laga qaadayaa lacag dhan 3600$ waxaana la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qofkii saaratay lacag dhan 10$ islamarkaana ay taasi qayb ka aheyd heshiiskii lala galay Shirkadaha duulimaadka ee ku soo baxay tartankii Xejka loo galay. Sanadkaan waxaa soo xajin doona dadka gaaraya 11,500 oo qof, waxaana la sheegay in ay dowladda ka heli doonto lacag ka badan 115,000$ oo dollar. Barnaamijkaan waxaa mas’uul looga dhigay Guddi Culumo ah oo ay magacaawday Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale tartanka u qabtay shirkadihii ku guuleestay qaadista xujeyda Soomaaliyeed. Lacagta 10-ka dollar ah ee qofkiiba ay ka heleyso dowladda, waxaa sidoo kale dheer in Shirkadaha qaar ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiiyo kale oo lacageed kuwaas oo suurta geliyey in ay ku soo baxaan tartanka qaadista xujeyda Soomaaliyeed. Arintaan waxaa noo xaqiijiyay madax ka tirsan Shirkadaha qabanaya shaqadaan iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya. Waa nuuc kamid ah Musuq maasuqa ka jira Xafiisyada Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com