-
Content Count
208,526 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-28052019-ok.mp3 View the full article
-
Todobo sano ka hor, ciidamada dalka Kenya ayaa dagaal ay la galeen xarrakada Alshabaab kula wareegay magaalada Kismaayo. Hawlgalka lagu qabsaday magaalada dekedda leh ee Kismaayo waxaa ka qeybqaatay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya, ciidanka lugta iyo waliba kuwa badda si ay meesha uga saaraan xarrakada Alshabaab. Hawlgalka ay Kenya ka fulisay Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay markii Kenya ay sheegtay in dalkeeda ay Alshabaab weerarro kusoo qaadeen taasina ay keentay inay gudaha u galaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Alshabaab. Kismaayo waa magaalo deked leh oo ku taalla Koofurta Jubbada hoose. Magaaladu waxay u jirtaa 528 Kilometers Koofur galbeed magaalada Muqdisho. Sannadihii 2007 iyo 2008 Alshabaab waxay dagaallo kula wareegeen magaalooyin muhiim ah iyo dekedo kuwaasoo ku yaalla bartamaha iyo koofurta Soomaaliya. Bishii January 2009, kooxda iyo malleeshiyaad kale waxay awood u heleen inay ku qasbaan ciidamada Ethiopia inay dib uga gurtaan Soomaaliya iyagoo halkaas uga tagey ciidamada Midowga Africa ee nabadda ilaalinaya si ay u caawiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Bishii October 2011, hawlgal qorsheysan oo ay iska wada kaashadeen Ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa billawday kaasoo ka dhan ahaa Alshabaab waxaana hawlgalkaas uu ka dhacay koofurta Soomaaliya. Hawlgalka waxaa si rasmi ah u hoggaaminayey ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidanka Kenya. Magaalada Kismaayo ayaa loo arkayey inay ahayd saldhiggii ugu dambeeyey oo ay Alshabaab gacanta ku hayeen islamarkaan ay ka heli jireen daqli badan iyagoo halkaas ka dhoofin jiray dhuxusha canshuur badanna ka heli jiray. Dagaalka ciidanka Kenya ay la galeen Alshabaab ayaa qasaare badan gaarsiiyey taasoo markii dambe ku qasabtay Xarrakada Alshabaab inay ka baxaan magaalada Kismaayo. Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya haddana ah afhayeenka dowladda Cyrus Oguna ayaa ku tilmaamay qabashada magaalada Kismaayo calaamad muujineysa dhammaadka Alshabaab maxaayeelay ayuu yiri Kismaayo waxay ahayd meel ay ka helaan hanti badan oo ay kusii huriyaan dagaallada. Todobo sano kaddib magaalada Kismaayo oo ay deggan yihiin dad tiradoodu tahay 190,000 ayaa si tartiib ah uga soo kabaneysa burburkii kasoo gaaray dagaallada. Tani waxay caddeyn u tahay in ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo ay saameyn weyn ku leeyihiin nolosha dadka deegaanka. The Star. Source: goobjoog.com
-
ADDIS ABABA (Xinhua) -- Ethiopia's mining sector has recently emerged as one of the major priority investment areas among potential Chinese investors amid the Ethiopian government's efforts to attract foreign firms in the extraction of the country's abundant mineral resources, an Ethiopian official said Monday. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia’s communal violence augments since Abiy Ahmed Ali takes the office in April last year. Positively, he has made peace with Eritrea, expedited a conciliatory hand to opponents, and pledged moves to free and fair elections, Source: Hiiraan Online
-
1. Faarax Cabdi Salaad: Cumar Maxamuud reer Cali Maxamed 2. Xuseen Siciid Warsame: Cumar Maxamuud, Cali Maxamed 3. Cumar Maxamed Cali: Ugaar Saleebaan 4. Maxamed Abshir Adan Jibrahiil 5. Maxamed Cabdi Cayman: Cismaan Maxamuud. 6. Ali Farah Adan: Cumar Maxamuud reer Mahad 7. Axmed Maxamed Axmed: Cumar Maxamuud 8. Abdi Nuur Maxamed: Cumar Maxamuud 9. Ibrahim Xasan Salaad: Cumar Maxamuud 10. Maxamed Nuur Ali: Ciise Maxamuud 11. Cabdi Naasir Osman Ali: Cumar Maxamuud 12. Cabdifataax Cabdillahi Xalane: Reer Maxamuud Hawl Qaasin 13. Maxamed Siciid : Leelkase. 14: Cumar Maxamed: Ugaar Saleebaan. Dhamaan maxaabiista ayaa lagu qabsaday dagaal kal hore ku dhex maray deegaanka Tukoraq maamulka Puntland ee Somaaliya Iyo xukumadda Somaliland. Qaran News
-
Someone relaxing in a Persian Gulf café by smoking a shisha pipe may not realise it, but the burning coals carefully placed on top of the hookah to heat the tobacco are not just fuelling their pleasure; they are also helping to fund a campaign of violence in one of the world’s poorest countries. Source: Hiiraan Online
-
Someone relaxing in a Persian Gulf café by smoking a shisha pipe may not realise it, but the burning coals carefully placed on top of the hookah to heat the tobacco are not just fuelling their pleasure; they are also helping to fund a campaign of violence in one of the world’s poorest countries. Source: Hiiraan Online
-
At least 40 inmates were killed in four jails in northern Brazil on Monday, authorities said, in the latest wave of violence to rock the country's severely overpopulated and dangerous prison system. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tirada dhalinyarada ay ciidamada booliiska Soomaaliya ku dileen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay gaarayaan 103 qof, ku dhawaad hal sano iyo bar, waxaana markii ugu horreysay Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya xukun ku riday Askarigii ugu horreeyay ee dil qof shacab ah ugu geesta Muqdisho islamarkaana ka tirsan booliiska Soomaaliya. Maxkamadda ayaa go’aan ku dhawaaqday sabtidii waxaana Askariga dilka lagu xukumay la sheegay in qof shacab oo Bajaajle ah ku dilay Isgoyska Tarabuunka qof kalane ku dhaawacay waana Askarigii ugu horeeyay ee loo xukumo dil Bajaajle. Askariga dilka lagu xukumay oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ciidamada booliiska isku dhiibay maalintii uu dika ka geestay isagoo ooyay oo sheegay in ay rasaasta uga fakatay. Ciidamo ku sugnaa rugtaas ayaa iyadoo ay dadweyne maqlayaan kula taliyay Askarrigaan in uu cararo balse uu isaga go’aansaday in uu is dhiibo kadib markii uu naxay islamarkaana uu baxsan waayay. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Askarigaan oo ka tirsan booliiska uu ka soo jeedo beelaha loogu yeero .5 (Point Five) ee la yaso waxayna taasi dowladda u fududeysay in go’aankaan ay qaadato maadaama aysan cadaadis kala kulmeyn beeshiisa. Caasimada Online uma doodeyso in aan sharciga wax uu ka qabo la marsiinin Askarigaan dilka geestay laakiin waxay umadda Soomaaliyeed u iftiimineysaa in wali ay shaqadooda sii wataan Ciidamo kale oo dilal badan Muqdisho ka fuliyay kana tirsan booliiska Soomaaliya. Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada booliiska Soomaaliya Jenaraal Zakiya Xuseen oo barteeda Facebook ku daabacday go’aanka Maxkamadda islamarkaana soo dhoweysay go’aanka Maxkamadda ee xukunka dilka waxaa darawal u ah Askari Booliis ah oo 3 bil ka hor Shacab Bajaajle ah ku dilay isgoyska Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir. Halkan ka aqriso xogtaas. Askarigaan dilka Howl-wadaag ka geestay ayaa waxay qaraabo dhow yihiin Jen. Zakiya waxaana dilka ka dib laga dhigay darawalka gaarka ah ee Zakiya waxaana arintaan u xaqiijiyay Caasimada Online Abitga iyo Hooyada dhashay wiilkii uu dilay darawalka Zakiya, kuwaas oo loogu hanjabay in la xiro lana dili doono haddii aysan arrintaan ka harin. Sidoo kale qoyskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in 3 jeer ay la fariisteen Zakiya kadibna ay ciidamada ku wargelisay in aan loo soo deyn karin qoyskaan waxaana halkaasi ku dhamaaday ama ay qoyska ku joojiyeen baadi goobkii ay ugu jireen cadaaladda wiilkooda. Hadii ay shaqayneyso cadaaladda Soomaaliya islamarkaana dowladda lagu kalsoonaan karo hey’adaheeda garsoorka xagee ayey ku dambeeyeen dhamaan Ciidamadii dilalka fuliyay? Dhowr-jeer ayey dowladda fagaare ka sheegtay in la soo qabtay Askar dilal geestay, hadii ay cadaalad jirto maxaa Maxkamad loo soo taagi waayay waa su’aalaha ay qabaan qaar badan oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharixiinta Jubbaland ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay qarax dhawaan laga soo saaray meel ku dhow Hooyga uu ka degen yahay magaalada Kismaayo. Xildhibaanka ayaa sheegay in xogta qaraxa ay hayeen maalmo ka hor, islamarkaana ay ka hor tageen, balse wuxuu masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ku eedeeyay inay ka dambeeyeen. Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Jubbaland in laga soo abaabulay qorshe la doonayay in lagu dilo isaga, wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay masuuliyiinta amaanka ee madaxtooyada Jubbaland. Sigaar ah taliyaha Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Jubbaland oo lagu Magacaabo Yaxbul, ayuu sheegay in gaari uu ku qaatay miinada taasina ay shaki gelisay, waxaana uu sheegay in qorshahaas uu ahaa shirqool la doonayay in lagu dilo. Waxaa jira walaac badan oo musharixiinta Jubbaland ay ka qabaan dhanka amaanka iyo hanaanka madaxweynaha jubbalan u qorsheynayo inay u dhacdo xulashada baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha. Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya, tan Jubbaland iyo saraakiisha AMISOM ayuu ka dalbaday inay falkaasi ku sameeyaan baaris deg deg ah,isla markaana aan leyskaga hari doonin,sidoo kalena uu soo bandhigi doono cadeymo dheeraad ah. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Xidig. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Xildhibaan-Cabdi-Rashiid-xidig.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa Reuters)- Xubno ka tirsan saraakiisha ammaanka Soomaaliya ayaa xiray madaxii xabsiyada dalka Ethiopia kaasoo ku eedeysan inuu jirdil iyo dambiyo kale u geystay maxaabiis xabsigaas ku xirnaa waxaana dib loogu celiyey xudduudda Soomaaliya ay la leedahay Ethiopia. Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed ayaa shaqada ka eryey Xasan Ismaaciil iyo saraakiil kale oo sare oo gacanta ku hayey xabsi ku sheegga “Jail Ogaden sannadkii hore kaddib markii lagu eedeeyey inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah bini’aadannimada. Isagoo baxsad ah ayaa Xasan lagu qabtay deegaan ka tirsan maamulka Puntland waxaana loo gudbiyey xabsi ku yaalla Ethiopia sida uu sheegay Maxamed Colaad oo ah Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia. “Waa la xiray iyadoo looga shakisan yahay xadgudubyo uu u geystay maxaabiis,” ayuu yiri afhayeen Maxamed , “dambiyada uu geystay waxaa sidoo kale ka mid ah jirdil, inuu dadka u diiday inay seexdaan ama wax cunaan iyo waliba kufsi.” Hay’adda Human Rights Watch ee saldhiggeedu yahay Magaalada New-York ayaa sheegtay bishii July ee sannadkii hore intii aan la xirin xabsigaas inay jiraan dad lagu dhibaateeyey xabsigaas muddo sannado ah. Dowladda Ethiopia ayaa kula dagaallameysay ururka ONLF muddo 30 sano ah gobolka ay Soomaalidu degto ka hor intii kooxdu aysan ku dhawaaqin inay diyaar u tahay wada-hadallo iyo xabbad joojin bishii August. Source: goobjoog.com
-
No one injured as car explodes near popular Mogadishu beach
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (Xinhua) -- A car loaded with explosives went off on Monday in Somalia's capital Mogadishu, targeting a popular beach restaurant, police and witnesses said. Source: Hiiraan Online -
Hundreds of British teenagers are being sent by their parents to East Africa to avoid knife crime in the UK, representatives of the Somali community say. Why are they taking this drastic choice? Source: Hiiraan Online
-
Waa run ee rumayso in jiritaanka Somaliland (SL) uu ku xiran yahay caaradda qalinka Farmaajo, waxa keliya ee looga baahan yahayna waa inuu qaato go’aan dhiirran oo uu maamul ugu samaynayo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC). Waxa is waydiin leh sababta Madaxweyne Farmaajo uu ugu dhiirran la’ yahay inuu qaato go’aan noocaas ah oo sugaya midnimada Soomaaliya oo uu maamul ugu samayn la’yahay gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo dadkoodu aad u taageeraan Dawladda dhexe iyo midnimada Soomaaliya, labada. Haddii Madaxwayne Farmaajo maamul u sameeyo goballada SSC, uma uu baahdeen inuu waan-waan la galo Somaliland, waxaana meesha ka bixi lahaa riyada SL ee ah inay go’i karto oo noqon karto waddan gaar ah. Samaynta Maamulka SSC Wa Furaha Midnimada Soomaaliya Dadka dega gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) waa dad taageero wayn u haya Dawladda dhexe ee Soomaaliya, aadna ay ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda aan ka helin dawladda dhexe ee Soomaaliya wax tageero ama ictiraaf ah. Sidaas oo ay tahay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya kama galaan gor-gortan inkasta oo gobolladooda ay xoog ku haystaan Maamulka Somaliland oo raba inuu ka go’ Soomaaliya. Muxuu ka Baqayaa Farmaajo? Ilaa iyo hadda waa la garan la’ yahay waxa uu ka baqayo Farmaaho oo uu tallaabo uga qaadi la’ yahay dib u midaynta Soomaaliya. Madaxwaynuhu miyuusan ogayn in iyada oo aan dhiig la daadin, dhaqaale badanna lumin uu u soo de-dejin karo dib u midaynta dadka iyo dalka Soomaaliya, keliya waxay ku xiran tahay inuu saxiixo in gobollada SSC ay yihiin maamul goboleed cusub oo ka tiran dawladda dhexe ee Soomaaliya, markaa ka dibna uu xal u raadiyo shacabka midnima doonka ah ee reer Awdal, Burco, iyo degaannada kaleba. Tusaale ahaan, haddii Sool, Sanaag, iyo Cayn maamul loo sameeyo, maamulka Hargeysa wuxu lumninyaa dhul badan oo uu hadda xoog ku haysto, shacabkooduna aaminsan yahiin midnimada dalkooda. Ka dib waxa Somaliland u so haraya dhul ka yar afar-meelood-oo-meel dhulka hadda ay haysato, dawladda dhexena waxa ka fududaanaya culayaska iyo shuruudaha Somaliland la timaaddo miiska wada hadalka, loomana baahanayo wax waan-waan ah oo macna wayn leh in lala galo maamulka Somaliland, waayo mar haddii Sool, Sanaag , iyo Cayn ay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo ay yeeshaan maamul gaar u ah iyaga waxaa wiiqmaya jiritaanka Somaliland, iyo ismoodsiiska ah inay dal gaar ah yihiin ama noqon karaan. Maxa Dhacaya Haddii Maamul Loo Saymayn Waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn? Haddii Madaxweyne Farmaajo maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa Soomaaliya soo gaarindoona fashilkii ugu waynaa taariikhdeeda, Farmaajana wxuu taariikhda ka gali doonaa baal madow haddii kala go’ dhaco xilli uu isagu Madaxweyne Soomaaliyeed aha, iyadoo shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba (gaar ahaan shacabka Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn) ay u harraadan yihiin dawladnimo, midnimo, horuman, ammaan. Waxa shaki la’aan ah in ilaa iyo hadda uusan Farmaajo muujin karti hogaamiye waddani ah oo ka dhabeeya rabitaanka shacabka doonaya soo celinta karaamada iyo midnimada dalkooda. Gumaysigii Reer Yurub Ka Hor Degaannada Somalida Ma Xuduuda U Dhexeeyay? Ka hor 1880-aadkii (the scramble for Africa), ma jirin wax la oran yiraahdo British Somaliland, Italian Somaliand, French Somaliland, Ogaden, or NFD, ama xudduudo u dhexeeya dadka iyo degaanada Soomaaliya. Laakiin markii Ingiriisku uu yimid xeebaha waqooyi ee Soomaaliya ayuu heshiis la galay qabiillada Isaaqa, Gadubiirsayga, Ciisaha, iyo Warsangaliga. Dhulka qabaa’ilkaas degaana waxa loo bixiyay British Somaliland. Qabiilka Dhulbhantuhu qayb kama ahay heshiisyadaas. Sidaa awgeed, mar haddii uusan Sool clan qayb ka ahayn heshiisyada Ingriiska iyo qabaa’illada kale wada galeen, sheegashada Somaliland ee goballada SSC waxay noqonaysaa sheegasho aan sal-iyo-raad sharci toona lahayan. Imaanshihii isticmaarkii Ingriiska ka hor, waddanka Soomaaliya waligii wu jiray waxana degganaa oo iska lahaa Soomaali ku wada nool nabad iyo dhaqan wanaagsan, isuna ah xidid, xigaal, iyo xigto. Fikradda ku salaysan xudduudihii gumaystuhu sameeyay oo iyagu ay ku qaybsadeen Soomaaliya in laga dhigto bar tilmaameed (reference point) wax walbana looga cabbir qaato oo ictiraaf iyo magac dawladnimo lagu raadiyo soohdimo gumaysi dhoo-dhoobay waa fikrad qurmuun (rotten logic). Qofkii raba inuu ogaado ciddii lahayd ama degganayd dhulka Soomaaliya iyo in xuduudo dadka u dhexeeya inay ka jireen iyo in kale ha akhriyo (The first footstep in East Africa, By Sir Richard Francis Burton, published in 1856). Maxaa La Gudboon Madaxwaynaha? Madaxwaynuhu waa inuu ogaado in ay maaweelo waqti lumis ah tahay inu wada hadal la galo maamulka Somaliland haddii maamulka SL uusan rabin wax aan ahayn go’itaan. Wuxu mudan yahay Madaxwaynuhu uu u muujiyo ummadda Somaliyeed in jileeca lagu xanto aan waxba ka jirin, gaar ahaan markay arrintu taagan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana uu qaadan karo go’aan kasta oo sugaya midnimada waddanka. Madaxwaynuhu waa inuu ogaado in haddii uusan mawqif iyo tallaabo cad ka qaadan arrinta midnimada Somaliyo uu isagu sabab u noqon doono bur-burka iyo kala go’a Soomaaliya, xilli isagu madaxwayne yahay. Madaxwaynuhu wa inuu ogaado in haddii uu maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn uu geli doono waan-waan iyo wada hadal aan dhamaad lahayn, natiijo wanaagsan dhali doonin, miro wanaagsanna ka soo bixi doonin. Madaxwaynuhu waa inuu ogaado inay ku fiican tahay in wada xaajood lala galo cid waxna oggol waxna ka tagi karta, laakin maamul tiisa uun u caddahay uu khaatumada ku seegi doono, fashilna kala kulmi doono. Sidaa awgeed baanu waxaan leenahay, Khaatumada Madaxweyne Farmaajo waxay ku xiran tahay guusha uu ka soo hoyo midnimada Soomaaliya isla markaana uusan isagu noqon madaxwaynaha xilka haya marka Soomaaliya burburto. Taasina waxay dhici kartaa oo keliya haddii uu maamul u sameeyo dadka dega goballada taageersan dawladda dhexe iyo midnimada Soomaaliyaba. Halkee Madaxwayne Farmaajo Ka Geli Doonaa Taariikhda Soomaaliya? Madaxwaynaha isaga gacantiisa ayay ku jirtaa baalka uu rabo inuu taariikhda Soomaaliya ka galo. Wuxu noqon karaa mid la mahadiyo ama, wuxu noqon dhaxal sugaha bur-burka Soomaaliya oo cid waliba habaarto. Isagoo oo qura ayaa taariikhda Soomaliya iska gelin kara baal madow ama mid dahabi ah. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay midoobaan oo ay ka fogaadaan qabyaaladda taasoo sida uu sheegay ah sababihii keenay in dalku dagaal sokeeyo galo. Isagoo la hadlayey boqollaal qof oo ku nool dalka Koofur Africa ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay nasiib leeyihiin maxaa yeelay ayuu yiri waxaa tihiin dad isku dhaqan ah waana in tani ay idin mideyso ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Waxaan ku hadalnaa hal luuqad, waxaan leennahay hal diin oo ah Islam waxaana sidoo kale nahay dad isku midab ah laakiin waxaa na kala qeybiyey qabiil,” ayuu ku yiri Madaxweynuhu khubad uu u jeediyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Africa. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyey Soomaalida inay wax ka bartaan dadka aan isku dhaqanka iyo diinta ahayn laakiin haddana leh hal ujeeddo oo ay si nabad ah ugu wada noolaadaan. Madaxweynuhu wuxuu ku dhiirrigeliyey Soomaalida qurbe-joogta ah inay maal-geliyeen oo ay dib u dhistaan dalkooda kaasoo in ka badan 20 sano ku jiray burbur. Wuxuu sheegay in dowladdu iyadoo ka heleysa taageero shacabka ay billawday dib u dhiska goobihii taariikhiga ahaa sida tiyaatarka qaranka. Madaxweyne Farmaajo oo ah muwaaddin leh laba jinsiyadood leh ayaa horey u soo noqday Ra’iisul-wasaare ka hor intii aysan xubnaha baarlamanku u dooran madaxweyne sannadkii 2017dii. Caamir Sheekh oo ah guddoomiyaha bulshada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa kaasoo soo agaasimay kulanka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha sida sharafta leh ee uu u aqbalay munaasabadda. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa ayaa dhankooda la siiyey fursad ay ku sharraxaan qaar ka mid ah caqabadaha ka haysta dalka ay martida u yihiin si madaxweynuhu wax uga qabto dhibaatooyinka haysta. Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay magaalada ku dileen gabar kasoo baxday masaajid, salaadii Taraawiixda kadib. Dilka oo ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa loo geystay gabar 22 sano jir aheyd oo la sheegay inay kasoo baxday Masjid ku yaala xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Gabadha oo lagu magacaabo Nimco Cumar Shire “Xuur” .ayaa la sheegay in dilkeeda loo adeegsaday aalaada Tooreyda, waxaana kadib goobta ka baxsaday dadkii dilka ka dambeeyay. Wararka ayaa sheegaya in marka Hore Nimco, dhaawac daran uu kasoo gaaray Tooreyda Dhuunka kaga dhacday, waxaase ay markii dambe ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada. Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka xanuunka badan ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkeeda ka dambeysay. Ciidamada ayaa saaka baaritaano ka wada xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana ay baadi goobayaan rag dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay falka ka dambeeyeen. 24-kii February magaalada Gaalkacyo waxaa Kufsi uu dil xigay loogu geystay gabar 12 Sano jir eheyd, taasoo lagu magacaabi jiray Caasha Ilyaas Aadan, iyadoo ragga dilkeeda ka danbeeyay oo Saddex ahaa ay yihiin xukun sugayaal maadaama dil toogasha ah lagu xukumay. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Col. Faadumo Ali spent her life trying to bring peace and security back to her home country of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Xuseen Maxamed Nuur ayaa loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee gobolka banaadir 21 january 2018 markaas uu madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo is bedel guud ku sameeyay dhamaan maamulka sare ee gobolka Banaadir. Xuseen ayaa hore xil dowladeed u soo qaban ka hor magacaabistiisa madaxweynaha u magacaabay gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyada ee gobolka Banaadir, inta aan loo magacaabin xilkaan ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay Erdogan hospitalka (Ex. Digfeer) oo uu ka ahaa agaasimaha guud. Xuseen ayaa waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoo markuu dalka kusoo laabtayna noqday agaasimaha guud ee isbitaalka Digfeer. Aniga iyo Xuseen Is Barashadeenii. Waxaan Xuseen bartay kadib marka uu gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir noqday anigana aan markaas ka tirsanaa gobolka Banaadir, markii la soo magacaabay Xuseen ayaa sida caadada ah marka qof cusub loo magacaabo institutions ka dadka ka shaqeeyo waxay raadiyaan qofka la soo magacaabay dabeecadahiisa, hab-dhaqankiisa iyo taariikhii hore uu qofkaasi lahaa, waxaana raadiyay warbixin la xiriirto Xuseen waa qof noocee ah durbadiiba waxaan la kulmay nin aan saaxiib ahayn oo ii sheegay inuu yaqaan Xuseen waxa uuna ila wadaagay inta uu Xuseen ka yaqaanay waxaana ka mid ahaay wixii uu ila wadaagay qodobadaan. Xuseen inuu yahay qof ku wanaagsan maamulka iyo maaliyada kana soo bixi karo shaqada loo idmaday. Waxuu kaloo ii sheegay inuu yahay nin shaqo badan oo dulqaad u leh inuu shaqeeyo waqti ku dhow 18 saacadood waxuuna ii sii raaciyay in mudadii uu agaasimaha Digfeer ka ahaay xitaainuu dhex jiifan jiray gudaha Isbitaalka Waxuu ii sheegay in sidoo kale in Xuseen uu yahay nin ku ad adag go-aankiisa oo meesha uu ku dhago aan laga fujin karin Waxyaabahii uu ila wadaagay waxaa ka mid ahayd inuu ii sheegay in Xuseen lagu xanto inuu yahay nin u xagliyo reerka uu kasoo jeedo marki la fiirsho dhinaca fursadaha kasoo baxay isbitaalka Digfeer mudadii uu agaasimaha guud ka ahaa dadki uu siiyay inay u badnaayeen reerkiisa. Arrinta kaliya ee aan ka naxay ayaa ahayd inuu Xuseen si ad adag ula dhaqmo shaqaalihiisa, isla markaana haddii qofka isaga la shaqeeya uu noqdo qof amaradiisa jebiya, waajibaadkiisana fulin uu si arxan daran ula dagaalo, arrintaas oo cabsi iyo wal wal igu abuurtay, maadaama uu yahay madaxdeyda shaqo wadaaga aan nahay. Marka intaas laga gudbo, waxaa xilkii la wareegay maamul cusub ee loo soo magacaabay gobolka Banaadir kadibna waxaa bilawday shaqooyinkii caadiga ahaa ee Gobolka. Kulankeeni u horeeyay aniga iyo Xuseen. Kulankeenii ugu horeeyey waxa uu ahaa subax barqo ah isaga uu xafiiskiisa fadhiyo lana qabsaday shaqadiisa uu ku cusbaay waxaa ag taagnaa oo uu sii sagootinaayey nin aan aad u garanaayo oo saaxiibkey ahaay asigana ka tirsanaay maamulka dhexe ee gobolka Banaadir oo aan ula jeedo marki aan dhahaayo maamulka dhexe inuu ahaay shaqsi agaasime ka ah gobolka Banaadir , kadib waxaa isa salaanay agaasimaha oo usii hinqaday dhinaca albaabka si uu u baxo intaas kadib waxaa si dhoola cadeyn leh ii dhahay soo fadhiiso guddoomiye Xuseen oo wejigiisa farxad ka muuqatay waxaan fadhiistay kursi agtiisa yaalay isbarasho kadib waan sheekeesanay waxuuna iga wareestay shaqada aan haayo iyo marxaladaha ay soo martay marki aan la wadaagay kadib waxuu iigu jawaabay ( waxaad heysaan shaqo adag adinka oo ku shaqeynaayo daruufo adag waxaan kuu ballan qaadayaa in aan garab istaago xafiiskaan oo shaqo muhiim ah ummada u hayo), waxaa aamini waayey sida Xuseen iila macaamilayo waqtigaas iyo sida markii hore la iigu sheegay waxaan ku dhiiraday in aan la wadaago caqabad xafiiska aan ka shaqeenaayey heysatay oo u baahneyd xalinteeda dhaqaale iyo awood maamul isla markiiba waxuu si fudud iigu jawaabay soo qor ee ii soo gudbi anigaa xalinaayo. Kulankeeni labaad. Waxaa u keenay qoraalkii uu iga codsaday si uu wax uga qabto caqabadaas oo ahayd mid shaqadeena cuuryaamineysay waxuu si degan u aqriyay warbixintii qoraalka ahayd markii uu dhameestay kadib waxuu iga weydiiyay labo su’aalood markii aan jawaabahooda siiyayna waxuu saxiixay warqadii oo noo amray in la siiyo waaxda dhaqaale ee u baahneed si ay shaqada u socoto, waxuuna markii la hadlay nin taliye ahaay oo shaqada caqabad ku ahaay waxuuna ku wargeliyay dowlada hoose shaqadeeda inay ayada qabaneyso farahana uu kala baxo. Waxaan la dhacay sida uu durbadiiba go’aan u qaatay hadana go’aankii uu u fuliyay uusan kaliya ka ahayn go’aan af ah sida aan ku aqaanay madaxdii isaga ka horeesay oo xoogaa ka caga jiidi jiray inay la hadlaan ninka taliyaha ah maadaama uu ahaay shaqsi hub fara badan heesto isla markaana saaxiib la ah qaar ka mida madaxda sare ee dalka. Inti aan la shaqeenaayey wixi aan ka bartay. Xuseen waxaan ku bartay inuu yahay nin howlkar ah, cod kar ah, go’aan qaadasho wanaagsan, habdhaqan wanaagsan iyo gacan furnaan oo runtii astaan u ah hogaamiyaha wanaagsan. Waqtiga uu shirarka asiga ka yahay shir gudoon ha noqdaan shirarka guud ee Gobolka iyo kuwa maamulka iyo maaliyada waxay ahaayeen shirar la xiiseeyo sababtuna waxay ahayd shirarka uu shir gudoominaayo waxay ahaayeen kuwa mira dhal ah oo wax faa’iido u leh maamulka gobolka kasoo baxaan, waxay kaloo ahaayeen kuwa ku saabsan isla xisaabtan oo agaasimayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka marka ay soo aadaayaan ay hore usoo qaataan warbixino tifatiran si ay isaga difaacaan su’aalaha iyo isla xisaabtankiisa. Waxaan kaloo ku xasuustaa inuu ahaa nin macaamil fiican oo la macaamiilo saqiir iyo kabiir ama shaqaale illaa iyo agaasime ay aad u jecalaayeen, waxuu ahaa shaqsi caawiyo qofkii uu dhib ku dhaco waxuu kaloo ahaa gudoomiye badbaadiya markii shaqaalaha ama agaasimayaasha asiga hoos taga qalad ka dhaco isla markaana digniin siiyo qofka qalad ku dhacay si uusan mar danbe ku dhiiran inuu danbigaas mid la mid ah ku dhaco. Shaqaalaha waxuu kula dardaarmi jiray in daacad loo noqdo Nidaamka dowliga ah, si daacadnimo ku jirtona loo guto waajibaadka loo idmaday, maadaama ay mushaar ka qaataan dowlada oo mar walbo laga rabo inay dowlada gaashaan u noqdaan. Xafiiska Xuseen waxuu ahaa xafiiska ugu mashquulka badan gobolka waayo waxuu ahaa xafiis qof walbo u furan madax, shaqaale iyo shacab. Waxuu ahaa qof ay adagtahay marka uu xafiiskiisa fadhiyo inaa u heshid waqti badan mashquulka xafiiskiisa ka jira dartiis iyo cariiriga waqtiga ee asiga heesto. Intaas kadib Xuseen waxaan u rajaynaa musqtaqbal wanaagsan waxaana aragtidayda marki aan cabiro ay ila tahay in ay adagtahay gobolka Banaadir inuu mar kale helo mas’uul Xuseen la mid ah ama u astaamihiisa oo kale leh Waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo, oraah igu soo dhacday habeenkii ay I soo gaartay xil ka qaadistiisa, oo ah (Xuseen tag, saameyna reeb!!!. W/Q: Shaafici Saalax shafici698@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Dowladda Holland ayaa waxa ay aqoonsatay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Soomaaliga ee la siiyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaalida. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray”. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com