Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,524
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xubno ergo is xil-qaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland , isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaas oo duubka u xidhay sidii ay Madaxweyne Biixi ugu qancin lahayeen inuu xabsiga ka soo daayo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi ku gacan saydhay dalabkooda. Xubnaha ka koobnaa Golaha Guurtida Somaliland ayaa Madaxweyne Biixi kulan la xidhiidha arrintaasi la qaatay, haseyeeshee Xoggaha na soo gaadhaya ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi iska taagay mawqif adag , isaga oo daliillo sharci ah ku qanciyey Xubnahaasi una sheegay in aanay suurtagal ahayn in hadda Xildhibaan Dhakool laga soo daayo Xabsiga. 15-kii bishan May qoraal madaxweynaha Somaliland ka soo saaray xadhigga xildhibaanka oo afhayeenkiisa Maxamuud Warsame Jaamac saxaafadda u soo bandhigay wuxuu ku sheegay in xildhibaanku ku xadgudbay Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay, islamarkaana xadhiggiisu yahay mid sharciga waafaqsan. Dhanka kalene Xoggo kale ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu Habeen hore kulan kula yeeshay Hargeysa Odayaasha Beesha Xildhibaanka xidhan ka soo jeedo, kuwaas oo Laascanood iyo degaanada Barriga dalka uga yimi sidii ay Xukuumadda ugu qancin lahayeen in la cafiyo oo xabsiga laga soo daayo Mr Dhakool, waxaanu si cad ugu sheegay in aan la soo daynayn Xildhibaankaa, isla markaana uu Madaxweynuhu ka diiday arrintaasi, sida ay sheegeen ilaha Waaberi ka helay warkan. Geesta kalena illo wareed-yo kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu Cafiska Maxaabiista Ciida ku dari doono Xildhibaan Dhakool, hase ahaatee waxa taasi ka horaysa in la maxkamadeeyo oo xukun ku dhaco ilaa haddana ma jirto dacwad lagu oogay oo maxkamadda la keenay kadib markii golaha wakiillada iyo maxkamadda gobolka Maroodijeex ku gacansaydheen maxkamadaynta iyo xasaanad ka qaadidda xildhibaan Dhakool. Somaliland golaha guurtida ayaa ahaa marjaca loo noqda ee masaaliixda dalka xalka ka gaadha marka ay arrimuhu adkaadaan laakiin, intii madaxweyne Biixi joogay waxay u muuqata in aanay wax door ah ciyaarin iyada oo mararka qaar la dareemo in aanay isku san banaanayn madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan Source
  2. Cadale (Caasimada Online) – Ciidamada Macawislayda ee ka howl gala Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Macalin Yaasiin, Sidoo kale ay Al-Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen. Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa Al-Shabaab, oo ay weerar ku qaadeen ciidanka Macawislayda sida ay sheegeen dadka deegaan. “Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al-Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadi dhankeena wax nasoo gaaray majiro”ayuu yiri Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda. Macawiisleyda ayaa waxaa garab siiya Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Hirshabeele kuna dhiiro galiya in ay sii wadaan dagaalka kula jiraan Al-Shabaab oo ay marar badan ku dagaalameen deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-14-kii bilood ee u dambeeyay waxa uu khilaaf cakiran oo arrimaha doorashooyinka ku saabsan u dhexeeyay xisbiyada Somaliland. Wada hadallo badan oo ay yeesheen ma jiro haba yaraatee wax horumar ah oo laga gaadhay waxaanu hadda xaalkoodu maraya in ay beesha caalamka ee Somaliland taageerta iska ashkateeyaan. Arrinta furaha u ah doorashooyinka ee la isku hayo oo ah Komishanka ayay dhinacyadu illaa hadda isku mari la yihiin waxaana muuqda ifafaale ah in aanay gaadhi Karin wax xal ah maaddaama aanay wax tanaasul ahi muuqan. Farogelintii beesha caalamka ee 2009 Sodonkii Bishii Sept. 30, 2009 ayey ahayd markii ugu horaysay ee ay Dowladi shisheeye ay Xaliyaan khilaaf siyaasaddii la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka Somaliland , kaasi oo soo kale dhex-galay Saddex-dii Xisbi Qaran ee UDUB , UCID Iyo KULMIYE, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyeyaashii Xisbiyadda mucaaridka ah ee Cahdigaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ka kooban lix qodob oo ay dowladaha Somaliland ka taageera qaddiyadda doorashooyinku ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasadda isku hayey wakhtigaasi, kaas oo lagu soo afjaray khilaaf siyaasadeedkii ka aloosnaa dalka sanadkii 2009-kii ee ka dhashay dib u dhicii doorashada Madaxtooyada. Waxa lagu heshiisiiyay wax ka qabashada dhawr qodob oo markaasi hor yaalla doorashooyinka. Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayey Md Axmed Siilaanyo, isla markaana wakhtigaasi ahaa Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka, ayaa isagu beesha caalamka ka dalbaday inay soo kala dhex-gasho , isla markaana ay dhex-dhexaadiso Xisbiyada Somaliland, iyadoo beesha caalamku ay sidaasi ku soo gashay u gar naqidda xisbiyada kuna guulaysatay soo afjaridda khilaafkii xisbiyada kala irdheeyay. Khudbaddii Riyaale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad uu ka jeediyey Madaxtooyada Somaliland oo uu heshiiskani ka dhacay September 30/2009, ayaa u dhignay sidan “Waa markii u horreysay ee taariikhda ay inoogu qormayso in cid kale ina heshiisiiso. Anigoo jeclaa inaynu inaguba heshiino, waxase aan jecelahay inaan heshiiskaa wixii ka dambeeya aynu inagu waxeena wadano oo aynaan cid dambe u baahan horta waan ku talinayaa, Waxaan jecelahay walaaltinimadeenii inaynu dib u noolayno, oo aynu ka maarano cid dambe haddii ilaahay yidhaahdo oo halkaasi aynu ka bilownay aynu hore uga sii socono si aynu doorasho u gaadhno wakhtiga ugu dhakhso badan,Waxa kale oo aan u mahad naqayaa cid kasta oo isku dayday inay isku keen soo dhawayso.”Ayuu yidhi Riyaale Dhanka Kalena Madaxweyne Riyaale ayaa wuxuu ballan qaaday inuu xabsiyada ka soo dayn-doono xubno ka xidhnaa Xisbigii Mucaaradka ahaa ee KULMIYE “Qolyahaasi xidh xidhan ee mudaharaadyada sameeyay amar baan ka bixiyay ah in wixii aan dembi gaysan la sii daayo oo la kala shaandheeyo, mana xidhnaan doonaan, cidii dambi sameeyayna dambigooda lagu qaado, kii aan dambi lahayna albaabka laga qaado ayaan hore u amray imikana amarkii ayaan daba galayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay dalab uu Guddoomiyaha KULMIYE u jeediyay oo la xidhiidhay in xorriyadoodii loo soo celiyo dadkii lagu xidh xidhay Mudaharaadyadii dalka ka dhacay Guddoomiyaha: KULMIYE Gudoomiyihii Xisbiga KULMIYE oo ahaa xilligaa Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay heshiiskaa September 30 2009-kii Madaxtooyadda ka dhacay ee ay Xisbiyadda Qaranku wada gadheen ayaa yidhi sidan “Heshiiska aynu maanta saxeexnay ee aynu galnay, oo aynu doonayno inay dhamaanteen si wada jir ah oo daacadnimo ah u wada fulino una socodsiino, Anaga waa naga daacad waxaanu jecel nahay in uu fulo,waxaanu doonaynaa inaanu caddeyno inaanaan doonaynin in dalkani dhibaato dambe ku dhacdo waana in sida ugu fudud ee sida ay dadka inala shaqaynayaa ay u soo dhigeen aynu hawshaasi u fulino. Oo ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.”Ayuu yidhi Siilaanyo Isagoo Madaxweyne Riyaale ka dalbanaya in la soo daayo dad xidh-xidhan oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan ayaa yidhi “Waxa jira dad wax allaale iyo waxay geysteen jirin, oo xidhan, markii ay ina dhex socdeen heshiiskana waxa jiray balan qaadyo badan oo ah in dadkaasi la sii daynayo. Waa in xoriyadooda loo soo celiyo waayo ummadda ayay ka mid yihiin waa inay inala qaataan xoriyada iyo is fahamka. Waxaan jecelahay Madaxweyne Inaad dadkaasi xoriyadooda dib ugu soo celiso, wixii aan dambi gaysan.” Guddoomiyaha UCID: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xafladii lagu kale saxeexanayay heshiiskaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa horta dadkii ka soo shaqeeyay heshiiskan aan kala saxeexanayno oo gudaha iyo dibadaba aad looga soo shaqeeyay, waxa maanta xisbiyada looga baahan yahay inaynu khilaafkii ku bedelaa wada shaqayn, oo aynu shakigii dhexdeena ku bedelnaa is aaminaad, Xil weyn ayaa ina saaran waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo. Waxaana xilkaasi aynu ku gaadhaynaa niyad sami iyo daacadnimo. Waxaan jecel nahay in aan sida ugu dhakhsaha badan u gaadho doorasho wanaagsan.”Ayuu yidhi Faysal Sidoo kale, Safiir ku Xigeenkii Ingiriiska u Fadhiyey wakhtigaasi Magaalada Addis Ababa Mr. John Marshal iyo Sarkaal sare oo ka socday Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya ayaa hadal ay ka jeediyeen xafladaasi waxay xukuumaddii Riyaale iyo axsaabta mucaaridka ah ku bogaadiyeen sida ay u soo afjareen khilaafaadkii siyaasadeed isla markaana ay ku qanceen heshiiskii beesha caalamka ee taageera qadiyada Somaliland ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasadda. Qodobada heshiiskan la kala saxeexday waxa ka mid ah in Komishanka doorashooyinka qaranka wax laga bedelo si loo soo dhiso kalsoonidii lagu qabay, in diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee la laalay dib loogu noqdo oo la kala shaan dheeyo si looga soo saaro liis xalaal ah oo lagu galo doorashooyinka iyo qodobo kale. Ugu dambeyn Muranka hadda ka dhex aloosan saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland WADDANI , KULMIYE Iyo UCID, isla markaana in badan soo jiitamay ee la xidhiidha, isla qaddiyadda Doorashada, iyadoo dhinac-yaddu ay wax tanaasul ah samayn,haseyeeshii uu xaalkoodu yahay mindi mindi ku taag, ayaa falaqeeyaashaa siyaasaddu ay sheegeen in aanay ka fursanayn in sidii khilaafkaa 10 sano ka hor ka dhex –qarxay Xisbiyadda Qaranka Somaliland ay beesha caalamak u xalisay inay kana sidaas si lamid ah u soo farageliso, haddii ay dhinac-yaddu wax heshiis ah gaadhi wayaan bilaha soo socda. Source
  4. (SLT-Holland)-Dowladda Holland ayaa aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan kan Shaqada ee loo yaqaano Servive iyo Diblomaasiga, iyadoo lagu geli karo dalkeeda. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorada Diblomaasiga iyo Shaqaalaha ee Soomaaliya. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu yihdi Cali Saciid Fiqi. Dalal dhowr ah ayaa hore u aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya, waxaana dhowaan dowladaha Belgium iyo Luxemburg ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan Diblomaasiga iyo Service. Source
  5. (SLT-Washington)-Hindiya ayaa ah dalka labaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin caalamka, balse tirada Musliiminta ah ee ku jira baarlamaanka ayaa aad u yar. Iyada oo Islaam nacaybka uu soo badanayay sanadadii dambe, ayaa waxa jirta cabsi hor leh kaddib markii xukunka dalka ay dib u qabsadeen xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) oo ah mid u janjeera dhanka diinta Hinduuga. Ilhaan Cumar, oo ah gabadh Soomaali ah ahna xildhibaanadda laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa barteeda Twitter-ka waxay ku sheegtay in Dowladda Mareykanka laga doonayo inay wax ka qabato xad gudubyada dhinaca diinta ee ka jira dalkaas. “Sharciga Ra’iisulwasaare Modi ee Hindiya wuxuu ku raacayaa faafinta rabshadaha ay wadaan Hindida iyo Islaam nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, Dowladda Mareykanka waxaa looga baahanyahay inay u istaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa xoriyad dhanka diinta ah si dadka laga tirada badanyahay loola dhaqmo si cadaalad ah.” Ayey barteeda Twitter-ka ku soo qortay Ilhaan Cumar. Dadka ku nool Madhubani, oo ah gobol ka tirsan bariga Bihar, ayaa waxa isugu soo baxay shaqaalaha, ganacsatada deegaanka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha shacabka waxayna dhammaantood isugu tageen si ay ugu codeeyaan Shakeel Ahmad. Mr Ahmad, oo ah 63 sano jir ayaa ahaa xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka. Balse bishii Abriil markii uu xisbiga ku wargeliyay inaysan u ogoloyn inuu musharax ka noqdo Madhubani, waxa uu sameeyey arrin aan horay loo arag. Source
  6. (SLT- Gaalkacyo)-Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafadda Garsoor ayaa sheegaya in xalay rag dhalinyaro ah xalay toorey ku dileen mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan magaalada oo xiligaa sida la sheegay ka soo baxday tukashada Salaada Taraawiixda. Nimco Cumar Shire ayaa u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay tooray laga galiyay dhuunta, waxaana goobta ka baxsaday raggii weerarka ku soo qaaday gabadha. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Gabadha iyo sababta loo dilay, waxaana xusid mudan in horay sidan oo kale Gaalkacyo uga dhaceen falal dil iyo kufsi isugu jira oo lagula kacay hablo aad u da’yar. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac maamulka oo la xiriira dilka gabadha xalay la sheegay in tooreyda lagu weeraray. Source
  7. (SLT-Dimishiq)-Wakaalladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay inuu hal askari ku shahiiday, mid kalena ku dhaawacmay Gantaal ku habsaday gaadhi Millateri oo marayey Deegaanka Tel Al-shaar ee Gobalka Quweytara ee u dhow Buuraha Golan Haytiska. Millateriga Israel waxay ku xaqiiyeen weerarkaasi qoraal ay soo dhigeen Baraha Bulshada, waxayna sheegeen inay duqeyntaasi jawaab-celin u ahayd Ciiddanka Dowladda Syria oo iyagu Gantaalka Lidka Diyaaradaha la gefay Diyaarad Dagaal oo ay Israa’iil lahayd. Hadalka Israal waxa uu soo baxay, kadib, markii uu Telefishinka Dowladda Syria ee Al-Ekhbaariya sheegay in Hal Askari ku shahiiday, mdi kalena ku dhaawacmay duqeyn ay Israel ku soo qadaeen Gobalka Quneytra ee deriska la ah Buuraha Golan Haytis oo ay Israel xoogga ku haystaan. Si kastaba ha ahaatee, duqeynta ay Suuriya iyo Israel isweydaarsadeen ayaa ku soo beegantay iyadoo ay xiisado ka taagan tahay colaadda u dhexeysa Dowladaha Iiraan iyo Maraykanka. Source
  8. (SLT-London)-Shiikh Khaalid Bin Zayid Alnahyan oo ka mid ah qoyska xukumadda Imaraada Abu-dubai ayaa ogolaaday inuu lacag dhan 445 milyan dollar ku iibsado kooxda Newcastle oo ka mid horyaalka ingiriiska ee premiar Leuga Maalqabeenkan bilyaneerka ah ayaa heshiis la saxiixday mulkiilaha kooxda oo lagu magaaabo Mike Ashley. Mudane Ashley oo sidoo kale shirkada iibisa alaabaha ciyaaraha ayaa sheegay inuu muddo doonayay inuu helo ganacsade lacag badan ku iibsada kooxda, kadib markii uu hore u shaaciyay inuu iibinayo kooxda Shiikh khaled waxay ilmadeer yihiin mulkiilaha kooxda kale Manchester city, shiikh Mansour Bin Zayid Al-nahyan. Shiikh Khaalid waxaa uu hore ugu guuldaraystay inuu 2 bilyan oo dollar ku iibsado kooxda Liverbool sida ay warisay jariidada Daily Mail ee Ingiriiska Qoysaska xukuma wadamada khaliijka qaarkood ayaa Balaayiin lacag waxay ku iibsadaan kooxaha caanka ah ee qaaradada Yurub. Qoyska xukuma Qadar oo hore u iibsadya kooxda PSG ee Faransiiska ayaa sidoo kale doonayo in la wareegaan saamiyada ugu badan ee kooxda leeds united oo heerka labaad horyaalka ingiriiska ka tirsan. Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Itoobiya kala hadashay sawirka khariidaddii ay wasaaraddooda arrimaha dibaddu soo daabacday ee markii danbe ay ka saartay website-kooda. Sawirkan ayaa muujinayey Soomaaliya oo laga saaray khariidadda laguna daray dalka Itoobiya. Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay ay xidhiidh la sameeyen Ethiopia, xiriirkaasi kaddibna Ethiopia ay ka saartay sawirka khariiradda website-kooda. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ay cudur-daar ka siisay Soomaalia khaladka, sidoo kalena ay wadaan baadhitaan la xiriira sababta ay arrintaas ku dhacday. Wasiir Cawad ayaa VOA u sheegay inay aqbaleen cudur daarka Ethiopia ay arrintaas ka bixisay oo ay aaminsan yihiin in falkaasi aanu ula kac ahayn. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)- Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu xiray Xarunta dambi baarista CID, kaddib markii looga yeeray. Cali Aadan Muumin ayaa shalay la soo gaarsiiyay warqad looga dalbanayo inuu xarunta yimaado, waxaana markii uu saaka xarunta CID tagay lagu wargeliyay inuu dacweysan yahay oo uu xiran yahay. Wararka ayaa sheegaya in laga qaaday Taleefanadii gacanta uu watay, waxaana inta aan laga qaadin Taleefanada uu la xiriiray warbaahinta uu ka tirsanaa, kuna wargeliyay inuu xiran yahay. Cali Aadan ayaa sheegay in dacwad ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, lama oga nooca dacwadaas tahay, ha yeeshee waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda la kulmeysay dhaleeceyn kala duwan oo ku aadan Imtixaankii fashilmay iyo qishkii Imtixaanaadka oo suuqa galay. Wariye Cali Aadan ayaa ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan ee wax ku qora baraha bulshada, sida Facebook oo ku soo qora dhacdooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho. Sida illo xog ogaal ah ay u sheegeyn Caasimadda Online, Wasaaradda Waxbarashada ayaa kusoo oogtay Cali qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan Waxaa la yaab noqotay oo wax si qaban la’ ah in Waqtiga uu Cali soo dhigay qoraalkaas bartiisa Facebook oo aheyd 26 Bishaan iyo waqtiga la qoray waraaqda dacwada ee CID ay kala dambeeyaan hal maalin, maadaama Waraaqdaas dacwadda ay soo baxday 25 Bishaan taasoo shaki weyn gelisay in ujeed kale oo dadban laga leeyahay Xariga Wariye Cali. Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adda Dambi baarista dowladda oo fulisay xarigga wariyahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Guddoomiye gobol kaasoo noloshiisa kala cararay Soomaaliya ayaa magan-gelyo qoxootinnimo ka helay dalka Canada. “Waxaan u riyaaqay dowladda Canada iyo fursadda la i siiyey,” ayuu yiri Nuur Axmed Xasan isagoo laga turjumayey. “Aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu Xasan yiri kaasoo ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Soomaaliya bishii September 2017 halisna ugu jiray Xarrakada Alshabaab iyo kooxo mucaarad ah. Kaddib markii uu ka badbaaday dagaallo sokeeye iyo weerarro argagixiso oo uu ka mid ahaa weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee bishii October 2017 ka dhacay Isgoyska Sooppe kuna dhinteen dad gaaraya 600. Qatartii ugu weyneyd ee noloshiisa waxay ahayd markii loo magacaabay inuu hoggaamiyo mid ka mid ah 18ka gobol ee dalka Soomaaliya. Xasan wuxuu bartilmaameed u noqday xarrakada Alshabaab oo isku-ddayeysa inay qabsato dalka oo kala hor-tagto mucaarad hubeysan. Isniintii Xasan wuxuu sheegay inaysan la yaab ku noqon in loo aqoonsado qoxooti la aqoonsan yahay. “Waxaan filayey in la i aqbalo maxaayeelay waxaa jiray caddeymo badan oo aan haystay” ayuu yiri Xasan oo ah 47 jir. Wuxuu haystay Linkyo ay saxaafaddu ku wareysatay xilligii uu ahaa guddoomiyaha gobol ka mid ah Soomaaliya iyo warar ku saabsan waxa ku dhacay guddoomiyihii uu beddelay. Xasan waxaa qabsaday oo garaacay kooxo Malleeshiyaad ah ka hor intii uusan Canada ka codsan qaxootinnimo kaddib markii uu ka qeybgalay shir ka dhacayey Las Vegas. “Markii aad tahay guddoomiye gobol sida ninkaan oo kale, waxaad ku jirtaa qatar,” ayuu yiri Winnipeg oo ah qareen laanta socdaalka ah oo lagu magacaabo Bashir Khan, kaasoo u doodayey Xasan sidii uu ku heli lahaa magangelyo. “Heshiiskii qoxootiga ee sannadkii 1951dii waxaa ku qoran in guddoomiyaasha gobollada sida ninkaan oo kale oo raadinaya aqbalaad la soo dhaweeyo , Khan wuxuu yiri. “ Alshabaab waxay weeraraan qof kasta oo dalka wax ka beddeli lahaa. Shaqadoodu waa inay xasilloonida u diidaan gobollada Soomaaliya.” Xasan wuxuu sheegay inuu qorsheynayo barashada luuqadda Ingiriiska islamarkaana uu codsan doono deggaansho rasmi ah isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisa kuwaasoo jooga meel aan la shaacin oo Soomaaliya ka mid ah si ay ula midoobaan. “Aad ayey u faraxsan yihiin warkii qoyskeygu maqlay Isniintii, Tani waa rajadii ay sugayeen.” ayuu yiri Xasan. Source: goobjoog.com
  12. Weriye Cali Muumin oo ka kirsan warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa saaka lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Saacado ka hor xarigiisa waxaa soo gaartay warqad looga yeerayo goobtaas, laakin markii uu tagay ayaa lagu wargeliyey inuu xarig yahay. In kasta oo hey’adda qabatay weriyaha aaney sababta xariga la wadaagin warbaahinta uu u shaqeeyo hadana wararka qaar ayaa sheegaya in lagu heysto qoraal imtixaannada la xiriira uu soo dhigay bartiisa Facebook. Ehellada weriye Cali oo xabsiga ku booqdey ayaa sheegaya in loo sheegay in ay soo dacweysay wasaaradda waxbarashada JF, isla markaana maxkamad la soo taagi-doonno arbacada. Goobjoog Media Group waxaa ay ka walaacsan xaaladda weriyaha, waxaa ay codsaneysaa in hey’adda CID-da ay la wadaagto sababta rasmiga ah ee loo xiray, waxaa ayna sidoo kale dalbaneysaa sii-deyntiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmo kadib si dadban kaga hadlay hadal heyn ka dhalatay qariidad wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia soo bandhigtay, taasi oo Soomaaliya gabi ahaanba laga dhigay inay ka tirsan tahay dalka Ethiopia. Madaxweyne Farmaajo isaga oo la hadlayay Jaaliyadda dalka Koonfur Africa ayuu ka hadlay hadal heynta ku aadan in dowladda Ethiopia ay dooneyso inay qaadato Soomaaliya. “Mararka qaar waxaad maqleeysaa kuwa dhahaya dhulkeena dowlad heblaayo ayaa qaadaneysaa,war side adiga oo nool dhulkaaga loo qaadanayaa,adigu hadaad is dhiibto ama aad dhimato waa la qaadanayaa laakin adiga oo nool maya,war ha is dhiibina oo kalsooni lahaahda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa raali gelin kabixisay sawir u muuqday qorshe Ethiopia ku fakareysay sanado badan oo si aan ku talo aheyn loogu soo daabacay Bogga wasaaradda arrimaha dibadda. Dadka falanqeeya arrimaha diblumaasiyadda ayaa sheegaya in sawirkii wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia soo daabacday inuu yeelan karo micno badan, islamarkaana uu xambaarsanaa fariimo kale. Waxaa jirta colaad soo jireen ah oo u dhaxeysa labada dowladood, waxaana Ethiopia ay mar walbaa aheyd tan iyo burburkii wadan saameyn iyo faragelin ku leh siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayay jawaab culus, balse wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay arintaasi uu kala hadlay dhigiisa Ethiopia. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Farmaajo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Col. Faadumo Cali waxay u hurtay nolosheeda sidii nabadda iyo ammaanka loogu soo celin lahaa dalkeeda Soomaaliya. Faadumo oo ahayd hooyo 33 jir ah ayaa ciidanka militariga ku biirtay sannadkii 2007 waxayna hoggaan u noqotay ciidanka Danab oo ah ciidan dowladda Mareykanku ay si gaar ah u tababartay. Waxay ka qeybqaadatay dagaallo badan oo lala galay Xarrakada Alshabaab oo uu ka mid ahaa dagaalkii Xarrakada Alshabaab looga saaray magaalada Muqdisho. Laakiin 22kii bishan May, iyadoo taagan bar ciidan oo Muqdisho ku taal ayaa Faadumo lagu dilay qarax gaari. Ninkeeda oo isna ahaa taliye ka tirsan ciidanka DANAB ayaa isla weerarkaas ku dhintay. Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa xusay in Faadumo ahayd askari qiime u leh ciidanka Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ku sugan maxaayeelay waxay ku hadli jirtay luuqadda Ingiriiska. Sidoo kale Faadumo waxay ahayd gabadhii ugu horreysay ee ilaalo gaar ah u noqotay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Waxay kor u qaadday hadafkii ay ka lahayd ciidanka militariga waxayna ahayd geesiyad aan weynnay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed. Malyuun Maxamed oo ah gabar la dhalatay Faadumo ayaa sheegtay inay u ahayd qof ay hiigsato. “Waxay korineysay carruur, caawineysay aabbaheed iyo hooyadeed, Waxay dhammaanteen noo ahayd qof na dhiirrigelisa. Waan ka xunnahay in carruurtoodu ay waayaan labadii waalid isku maalin,” ayey tiri Malyuun. Carruurteedu waxay da’doodu u dhaxeysay 17 jir illaa mid jiray 22 maalmood. Faadumo horey ayaa loo guursaday waxayna horey ugu weysay ninkeeda weerar Alshabaab ay geysteen laba sano ka hor. Inkastoo Muqdisho ay gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa, Weerarrada Alshabaab waa kuwo sii socda. Weerarkaan waxaa lagu beegsaday saraakiil iyo xildhibaanno ku sii jeeday aqalka Madaxtooyada. Sagaal qof ayaa lagu dilay oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye. Wasiirka gaashaandhigga wuxuu sheegay in laba hawlgal ay socdeen kuwaasoo ka dhan ah Alshabaab isagoo intaas ku daray in dagaalka lagu baabi’inayo Alshabaab uu yahay mid ay dadaal badan ku bixineyso dowladda. “Markasta oo aan xoreynno goob, waxaan qornaa oo geynnaa meeshaas ciidan boliis ah, dib ayaan u dhisnaa guryaha ,waxaan u qeybinnaa dadka raashin waxaana u dhisnaa maamul,” ayuu yiri wasiir Maxamed. Websiteyo badan oo Soomaaliyeed iyo baraha bulshada ayaa lagu faafiyey tacsi loo dirayo askartii geeriyootay iyagoo loo arkay inay yihiin geesiyaal dalka ka baxay. “Faadumo waxay ahayd hooyo aad loo jecel yahay, Markasta oo ay hawlgal ku jirto hooyadeed iyo carruurteeda kale ayaa daryeeli jiray qoyskeeda. Geerideeda aad ayey noo taabatay. Maalin murugo ayey u tahay qoyskeenna.” Ayey tiri Malyuun oo ah gabar la dhalatay Faadumo. VOA. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qaybta guud ee Booliiska gobalka Banaadir. Kulanka oo ay kasoo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed. Hay’adaha amniga ayuu Ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  16. Gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsan dadka deganaa magaalada Galkacyo ee xarunta Mudug ayaa la sheegayaa in xalay ay koox ku weerareen Toorey kadibna ay halkaasi ku dileen. Nimco Cumar Shire waxaa lagu dilay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana aad uga naxay shacabka deegaanka. Gabadhan ayaa waxaa ay wararku ku darayaan in xilliga la dilayey ay ka soo baxday masjidka, soona dukatay salaadda Tarawiixda. Waxaa ay Toorey uga dhugteen dhuunta, tiiyoo keentay iney dhiig bax u dhimato. Kooxdiina waa isaga baxsadeen goobta. Sida uu ku warramayo, weriyaha Goobjoog News ee Galkacyo, inkasta oo baarid ay socoto hadana waxaa loo shakiyey koox burcad ah, kuwaas oo mar weliba magaalada ka geysta falal noocaas ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Kenya has announced plans to partner with Djibouti to construct Kenya’s fifth submarine cable at a cost of US $59m. Source: Hiiraan Online
  18. Somaliland: Puntland Threatens To Invade & Occupy The Whole Of Sanaag Just days after giving amnesty to 14 militia members from Puntland who were captured in the skirmishes around Tukuruq in Sool region, President Muse Bihi Abdi, has received his reply; Puntland has threatened to attack and occupy the whole of the Sanaag region. According to Puntland officials in the town of Badhan in eastern Sanaag, “the time has come for their militia forces to engage the Somaliland Defence Forces and take the whole of Sanaag including the regional capital, Erigavo”. Qarannews.com The eastern fringes of Somaliland which is populated by communities who share common kinship with the majority community in Puntland, have long since been a source of friction between Hargeisa and Garowe. The Republic of Somaliland points out that these areas are within it’s defined borders of independence on the 26th of June, 1960. Meanwhile the administration in Garowe is under the impression that the population in that area form a community kinship to those in their territories and are part of their fiefdom. Since the reclamation of sovereignty by Somaliland in 1991 and the creation of the regional administration of Puntland in 1998, these areas in the eastern districts have seen much conflict and hostility between the two parties. Qarannews.com However, with the appointment of a new, urbane and educated leader in Garowe, many had hoped that a new chapter could begin between the Republic of Somaliland and Puntland. Sadly, this has not been the case. Since the beginning of the year, at least three separate incidents have flared up between the Somaliland Defence Forces and the militia from Puntland which have led of the loss of lives and the upheaval of many communities in the area. This recent threat by the administration in Puntland, which many believe is being instigated from further south in Somalia, appears to be a prelude to more hostilities. It remains to be seen whether the administration in Puntland can carry out it’s threat and what kind of response the Somaliland government gives. Qarannews.com Somaliland: Puntland Threatens To Invade & Occupy The Whole Of Sanaag Qaran News
  19. Cabdicasiis (SMN) – Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul taariikhi ah ka gaartay dhiggeeda degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa muujiyay karti iyo dadaal xoogan, hayeeshii waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. Cabdiciis waxa ay keensadeen 10 buundo, halka Afgooye ay la timid dhibco gaaraya 6, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Degmada Cabdicasiis guushani waxa ay ugu soo gudubtay wareega 8 dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Wareegan oo caawa laguda gali doono ayaa waxaa iska xaadiriyay illaa 8 degmo oo kal ah, Howlwadaag, Kaxda, Dharkenley, Xamar Jajab, Xamar Weyne, Cabdicasiis, Shibis iyo deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isku beegan degmada Howlwadaag iyo deegaanka Bargaan oo ka soo kala baxay Group-yada A iyo C ee tartanka. Waxaa sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marinaya degmooyinka shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
  20. Gaalkacyo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Gaalkacyo loogu geystay Naciimo Cumar Shire oo ka mid aheyd dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Kooxo ku hebeysnaa Tooreeyo ayaa la sheegay in dilkaasi ay u geysteen Marxuumadda oo 22 jir aheyd , xilli ay ka soo baxday Salaada Taraawiixda. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Balse ma jirto illaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilkaasi oo ka dhacay xaafadda Garsoor waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in saacadihii la soo dhaafay aY gacanta ku dhigtay xubin ka tirsan Al Shabaab. War ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninkaasi laga soo qabtay degmada Yaaqshiid, kadib howlgal ay ka sameeyeen Ciidanka ammaanka Soomaaliya. Taliska nabad sugidu ma shaacin magaca shaqsigaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. “Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Deg. Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab,Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan warka ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay sugida amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho. View the full article
  22. Amistardam (SMN) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-28052019-ok.mp3 View the full article