-
Content Count
208,524 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The United States military said Monday it conducted an airstrike on Al-Shabaab in northern Somalia on Sunday, killing three militants. The U.S. Africa Command (Africom), which oversees American troops on the African continent, said the latest strike, conducted in cooperation with Somali government forces, targeted terrorists in the Golis Mountains. “Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike,” Africom said in a statement. “Our process and procedures allow for additional information to inform the post-strike analysis.” Sunday’s strike was the sixth the U.S. army has executed this month in the Golis Mountains, an area known for terrorist camps. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Kumanaan Carruur ah ayaa Dawladda Imaaraadku Go’aansatay inay siiso dhalashada Dalkaasi. 3,354 Carruur Gabdho iyo Wiilal ay dhaleen Dumar u dhashay Imaaraadka oo ay guursaday Rag Ajaanib ah ayaa la siinayaa dhalashada Imaaraadka, sida uu baahiyey Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka. Maamulka Federaalka ee Aqoonsiga iyo Dhalashada ayaa ku dhawaaqay in hawshaa la dhaqan-geliyey habeenkii Isniinta oo Xalay ahayd, lana dhamaystiray codsiyadii arrintaa la xidhiidhay. Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka ee Magaceedu yahay Wam ayaa sheegtay in si loo xaqiijiyo nidaamyada lagama maarmaanka ah ee muwaadiniinta loogu talagalay dadka u qalma la soo dhameeystiro uu hawshaa si toos ah u maamulayo Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Khalifa. Warku wuxuu intaa ku daray in sababta dhalashada loo siinayo Carruurta ay dhaleen hooyooyinka Imaaraadku ay tahay in aanay si toos ah u noqon karin Muwaadiniin Imaraati ah, maaddaama oo ay dhaleen Aabbeyaal aan Imaaraadka u dhalan. Carruurtan ayaa hore ugu diwaangashanaa dhalashooyinka Aabbayaashood ilaa 2011-kii, laakiin markay gaadhaan 18 jir waxay ku codsan doonaan Baasaaboorka, iyagoo Imaaraati ah, sida Warku sheegay. Source
-
(SLT-Tokyo)-Gabadh iskuul dhiganaysay iyo nin ayaa lagu dilay intii uu socday weerar uu nin mindi wata ka fuliyey meel u dhow magaalada Tokyo ee dalka Japan, kaasi oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 16 qof oo kale. Koox gabdho iskuuley ah iyo dad kale ayaa bas ku sugayey magaalada Kawasaki, markii nin labada gacmood mindi ku wata uu ku billaabay inuu la dhaco isaga oo ku qeylinaya “waan idin dilayaa.” Warbaahinta dowladda Japan ee NHK ayaa sheegtay in ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka fuliyey oo ku jira da’diisa 50 maadka uu geeriyooday markii uu qoorta iska geliyey mindida. Dhibanayaasha ayaa lagu kala sheegay gabadh iskuul dhiganeysay oo 12 jir ah iyo nin 39 jir ah. Saddex ka mid ah dadka dhaawaca uu gaadhay ayaa xaaladdooda ay halis tahay. Booliiska kama hadlin sababta ka dambeysay weerarka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u tacsiyeeyey dadka Japan isaga oo ku safraya Markab kuwa dagaalka ah, ka hor inta aanu Japan ka tagin oo aanu soo geba gebeyn booqasho afar maalmood qaadatay oo uu dalkaas ku joogay. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Guuleed Dafac” ayaa ka hadlay Wareegtada uu madaxweyne Muuse Biixi ku cafiyay maxaabiis laga soo qabtay Puntland. Guuleed Dafac ayaa dhaliilay habka uu Madaxweyne Muuse Biixi u maray cafinta maxaabiistan lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq. Garyaqaan Dafac ayaa ka dhawaajiyey in Maxaabiista dagaalku aysan aheyn dambiilayaal la cafiyo, balse ay yihiin Maxaabiis la isku celiyo, isagoona sheegay inay mamnuuc tahay in loola dhaqmo sidii dambiilayaasha. Dafac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Maxaabista dagaalada lagu soo qabto ay leeyihiin ilaalin gaar ah, isagoona ka dhawaajiyey inay qalad tahay in marka lasii deynayo maxaabiista la yiraahdo waa la cafiyay. “Maxaabiista dagaalku (Prisoners of War) dembiilayaal la cafiyo maaha ee waxa maamula Mucaahadada Geneva. Marka dagaalku dhamaado waa in la isku celiyo. Waa mamnuuc in loola dhaqmo sidii dembiile” ayuu yiri Garyaqaan Dafac. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaay leeyihiin ilaalin gaar ah. Markaa erayga waa la cafiyay waa qalad. Maxabiista dagaalka waa la is waydaarsadaa. Hadii cid qudhi maxaabiis haysona (badiyaa ma dhacdee) way celisaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somali Journalists Syndicate (SJS) calls Somali government for the immediate and unconditional release of Goobjoog TV and Radio reporter, Ali Adan Mumin who was arrested on Tuesday morning in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in saddex xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaredeed oo ay ka fuliyeen deegaan ku yaalla Puntland. Weerarkan oo dhacay 26-kii bishan ayaa laga fuliyay dhulka buuraleyda Golis ee gobolka Bari, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi ka dagaalama. AFRICOM ayaa intaasi ku dartay in howlgalka ay fuliyeen iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedka lagu xusay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka soo gaaray. Waa duqeyntii lixaad oo muddo labo bilood gudahooda ay Ciidamada Mareykanka ka geystaan deegaanada Puntland, iyadoo ay Koonfurta ka fuliyeen in ka badan 35 weerar, tan iyo markii uu billowday sanadkan. View the full article
-
Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ka soo baxay dagmada Afgooye ee gobalka Shabellada hoose kuna soo jeeday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta waxaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tareedisho ee duleedka Caasimadda. Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxa ay haleeshay mid ah gaarigii ay wateen ciidanka dowladda Somaliya, waxaana jira khasaare uu geystay qaraxa. Saraakiil ammaanka qaabilsan oo tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare soo gaaray ciidankii Qaraxa loo dhigay, waxa ay sheegeen ilaa Saddex askari oo ka ka tirsanaa ciidanka iney dhaawacmeen. Sidoo kale markuu qaraxu dhacay ka dib ciidamada ayaa riday rasaas badan oo aan geysan khasaare, waxayna sii wateen socodkooda Ciidanka Booliska qeybta Miina baarista ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan ku aadan Qaraxan, waxayna horey u sii qaateen Haraadiga Qaraxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo si hab sami leh uga socdo xarunta dhexe ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya wareega sideed dhamaadka ee tartanka. Illaa 8 degmo ayaa isugu soo haray wareegan, kuwaas oo kala ah Howlwadaag, Kaxda, Dharkenley, Xamar Jajab, Xamar Weyne, Cabdicasiis, Shibis iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Degmooyinkan ayaa muujiyay karti iyo dadaal dheeraad oo u sahlay in ay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka bisha Ramadaan. Sidoo kale degmooyinkani ayaa isugu beegmi doona Howlwadaag iyo Bargaan, Kaxda iyo Shibis Dharkenley iyo Cabdcasiis, Xamarweyne iyo Xamarjajab. Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isaga hor imaan doono Howlwadaag iyo deegaanka Bargaan oo ka soo kala baxay Group-yada A iyo C ee tartanka. Cida badisa labadooda ayaa waxa ay iska sii xaadirin doontaa wareega afar dhamaadka ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Waxaa sanadkan tartanka abaal marin ku bixinaya shirkadaha ganacsiga ee Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya xilligan uu wajahayp abaar daran taas oo laga yaabo in ay ka saameyn badato midi ka dhacday 2016 illaa 2017. ICRC ayaa sababta ku sheegtay in roobabkii guga aysan sanadkan si wanaagsan uga da’in Soomaaliya, oo la filayay bilaha April illaa bisha June ee soo socota. Dhamaadka sanadkan, in ka badan hal milyan oo caruur ah ayaa laga cabsi qabaa inay wajahaan nafaqa darro, kuwaas oo 175,000 oo ka mid ah ay xaaladooda liidan doonto. ICRC ayaa hoosta ka xariiqday in haddii aan Soomaaliya helin taageero dibadda ah ay fursadda ku badbaadi karaan caruurtan ay aad u yar tahay. Waxay kaloo hay’adda carabka ku dhufatay in 1.7 milyan oo qof inay la soo gudboonaan doonto cunto yari, tiradaas oo ku labo jibaaranto midi hore ee 2017. ICRC ayaa ka howlgasha goobo ku yaalla dalka oo Puntland iyo gobollada dhexe ay ka mid yihiin, meelahaas oo ay ka wado barnaamijyo lagu taageerayo qoysaska tabarta daran. View the full article
-
Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in 23 Masaajid oo kamid ahaa Masaajidda lagu Cibaadaysto ee Magaalada Berbera ay xidhmeen xiligan, isaga oo Xukuumadda iyo maamulka Gobolka Saaxil ku eedeyey inay xil iska saari waayeen daryeelka Masaajidada lagu cibaadaysto, khaasatan bixinta adeegyada laydhka Siyaasi Ramaax oo Magaalada Berbera kula hadlayey War-baahinta ayaa hadalkiisu u dhignaa sidan“Magaaladii Berera 23 Masaajid wey xidhan yihiin oo kuwii lagu tukan jiray ah , waxaa loogu Tukan Karri waayey waxay leedahay Duruuf iyo cimilo gaar ah ayuu leeyahay runtii Gobol kani , Xukuumad kasta oo jirtaana ay ku tixgelin jirtay, maamul kasta oo yimadaana uu runtii wax kaga qaban jiray marka uu la tashado dad weynaheeda iyo dadka magaalada uu la tashado , waxa nasiib darro ah Masaajidkaasi Shide 3000 kun oo dollar ayaa la ururiyey oo laydhkiiya ka ku xiga shan kun oo dollar ayaa la ururiyey oo laydhkiiya .” Dhanka kale Ramaax ayaa sheegay in shaqaalaha Warshada laydhka Berbera ilaa kuwa saacada qoraya ay yihiin ajaanib, iyadoo dadkii dalku shaqo layahay “Warshadii Laydhka waxa la keenay shaqaale keynyan ah, inanka saacada qoraya Kenya ayaa laga keenay saacada laydhu halka ay Marayso inanka qoraya Kenya ayaa laga keenay , waar ma wax la qaadan karaabaa, ma Berbera ayaa laga waayey ma Somaliland ayaa laga waayey “ Geesta kale Ramaax ayaa waxa uu sheegay in ajaanib ay haystaan dhammaan shaqooyinkii dadka reer Berbera ay qaban lahayeen waxaanu sheegay inay shacabka reer Berbera arrintaasi ka dagaalamayaan isla markaana aanay u dul qaadan doonin“Laydhkii ayaa halkaa Maraya, Biyihii ayaa go’an, Madaarkii ayaa inamo qaateen , Dekaddii ayaa la arkayaa , maanta waxay ku xuntahay Berbera Maalintii uu Madaxweyne Siyaad Barre yidhi fooqaa xerradda Milateriga ayaa laga arkayaa ciddi gelimayso, tii 1980kii aanu ka dhignay Berbera ayaanu ka dhigaynaa Madaxweyne oo ummadda oo dhami wey kacsantahay , waxaanu samayn doono afarta waddo ee laga Baxo gobolka mid walba in gaadiidka lagu jarro in lagu dagaalamo inay xaqooda helaan dadkani .”Ayuu yidhi Ramaax Qaran News
-
Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaliya saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen Tuulada Balow oo hal KM u jirta deegaankaasi. Ciidamada oo gudaha u galay Tuulada ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen 4 Gaari oo isugu jiray nuuca raaxada iyo kuwa Dadweynaha ee loo yaqaano Hoomeyda. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadu ay horay u soo kaxeysteen illaa lix Qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi oo la hadlay Shabelle oo ka warbixiyay howlgalkan ayaa sheegay la soo qabtay ay ahaayeen Beeraley, sida uu hadalka u dhigay. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi. Ciidamada DFS oo dhawaan la wareegay deegaanka Bariire oo muddo ay ka talin jireen Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xilli muddooyinkii dambe si weyn Bulshada Soomaaliyeed isula dhexmarayeen dhaqdhaqaaqyada qaar ka mid ah Dalalka Dariska la ah Somalia ee ka dhanka ah Dhulka Soomaaliyeed ayaa waxaa markii ugu horreysay ka hadlay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay leedahay Kheyraad fara badan islamarkaana aysan jirin cid awood ku qaadan karta , sidaas daraadeed loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed aysan han jabin , islamarkaana lahadaan qab sare iyagoo ku kalsoon Madaxdooda. Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa halkaas oo dhawaan uu uga soo qeyb galay Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee dalkaas. Waxaana hadalkiisu ku soo aadayaa iyadoo indhawaanahaan dadka Soomaaliyeed ay isla dhexmarayeen hadal heynta dhaqdhaqaaqyada Kenya ee ka dhanka ah Barriga iyo Badda Somaliya, iyadoo sidoo kale dhawaan Ethiopia ay iyaduna soo dhigtay Barta Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda Mabka Africa oo laga tir tiray Khariidada Somalia walow mar dambe ay Cudur daar ka bixisay. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-28052019.mp3 View the full article
-
Maalintii shalay ahayd ayaa lagu baraarugey khariidadda Afrika oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ku soo ban dhigtay boggeeda internetka oo Soomaaliya laga dhigay qayb ka mid ah Itoobiya. Dowladda Itoobiya hadda khariidaddii waa ka bixisay bogga markii dad badan oo Soomali ah welwel iyo caro ku abuurtay. Laakiin nasiib darro, dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin arrinkaas xasaasiga ah. Aragtidayda dhowr arrimood ayaa laga fahmi karaa dhacdadaas. Itoobiya weli kama tanaasulin fikirkii isballaarinta oo ay ku dhisneed iyo damaceedii ahaa in ay liqdo Soomaaliya. Madax badan oo Itoobiya ah ayaa horay u sheegtay in Soomaaliya ka tirsan tahay. Dhulkii Soomaaliyeed oo gumaysigu siiyayna ay rabto in ay kororsato. Khariidadaan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya samaysay, oo fikirka ah in Soomaaliya la liqo miiska u saaran yahay. Ma aaminsani in boggooda la jabsaday oo sidaas loogu daabacay. Waxa ay noqon kartaa tijaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed la tijaabinayo oo la cabbirayo sida ay uga fal celiyaan arrinkaan taabanaysa jiritaankooda. Waxaan xusuustaa intii aan ciidanka Itoobiya lagu soo darin AMISOM, waxaa suuqa la soo geliyey fikirka oo la tijaabinayey sida looga fal celiyo. Markii falcelis macne leh la waayey, waxaa la qaaday tallaabo aan adduunka kale macquul ka ahayn oo ah in laba dal oo cadaawad iyo muran dhul ka dhexeeyo mid ciidankiis kan kale howlo nabad ilaalineed loogu diro. Waxa ay noqon kartaa in ay la dagaalayaan fikirkii Soomaali weyn oo ay rabaan in Soomaalidu illoobaan dhulka ka maqan oo ay ka walwalaan dhulka loo aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Hadda ka hor bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxaa ku qornaa siyaasaddooda ku aaddan Soomaaliya oo ay ka mid ahayd in dagaalka Soomaaliya loo qaado, kala duwanaashaha qabaa’ilka Soomaaliyeedna la buub buuniyo. Maadaama ay nidaamka federaalka korka naga saareen arrinkaas waxbaa uga hirgalay. Wax magaradkii ku hadaaqayey Itoobiya waa walaalaheen oo isku dayayey in ay taariikhda dib u qoraan, in ay ogaadaan in qorshahii Itoobiya oo is ballaarinta ahaa uu weli taagan yahay oo ay fursad la dhowrayaan. Aamusnaanta dowladda Soomaaliya ee arrinkaan oo aan la fahmi karin maadaama jiritaanka dalka Soomaaliya shaki la galiyey. Soomaaliya oo aan helin dowlad xudduudaheeda difaaci karta, wax wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan wax isku darsasho iyo iskaashi lama geli karno dalka Itoobiya oo uu ku jiro damac ah in ay Soomaaliya liqdo W/Q: Axmed Cali Khayre Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Netherlands announced Monday it has officially recognized Somali passport joining other EU nations already took such decision. In a Facebook post, Somali ambassador to EU and Belgium said the Netherlands will accept diplomatic and service passports of the country after the government made more efforts. “The Netherlands has recognized the diplomatic and service passports of Somalia from 15th May 2019. The approved passports should be those issued from 2014,” the post read. A few months ago, Belgium announced that they officially recognized Somalia’s diplomatic and service passport. Norway’s Embassy in Kenya said last year that diplomatic, service and ordinary passports of Somalia been recognized by Oslo. View the full article
-
Waddani Oo Xukuumadda Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hotel-lada Hargeysa Ku Xannaanayso Madaxii Sirdoonka Somalia Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku eedeyey inay Hargeysa kusoo dhaweysay Taliyhii hore ee ciidanka sirdoonka Somaaliya Cabdillaahi Maxamed Sanbalooshe, kaasi oo socdaal ku yimaadda Magaalada Hargeysa sida uu sheegay guddoomiyaha golaha dhexe ee Waddani. Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI Cismaan Afgaab oo Xafiiska WADDANI War-baahinta kula hadlay ayaa sidaasi sheegay,isagoo xusay in Xukuumaddu ay dhawr jeer la kulantay Hoggaamiyaha Mucaaradka Soomaaliya Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan “Ina Cabdishakuur mahaa Markii ugu horeysay ee ay Xukuumaddu la kulanto , markan waa markii labaad ayey noqonaysaa inta la hubo , kal hore waxa la kulmay haddaaya Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa Makka kula kulmay isaga iyo masuuliyiin kale haddana Wasiirka Arrimaha Gud\daha ayaa la kulmay .” Dhanka kalene Cismaan Afgaab ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay Taliyihii ciidanka Sirdoonka Somaaliya Mr Sanbalooshe ay Hargeysa kusoo dhaweysay, isla markaana ay dejisay Hudheel “Waxa kale oo jirtay Rag kale oo masuuliyiin ah oo uu kamid yahay ninkii sirdoonka Somaaliya haysan jiray ee Sanbalooshe inuu mar kasta Hargeyaa yimaado oo hudheelada Hargeysa mid kamid ah la dejiyo oo mar katsa ay Xukuumadddu dejiso .”Ayuu yidhi . Qaran News
-
Prof Samatar Oo Wax Lagu Faano Ku Tilmaamay Barmaamijka Tabliiqa Siyaasadda Ee Xukuumaddu Ka Sastay Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay saska ay Xukuumadda ka qaadday b Barmaamjikii Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Cali Khaliif ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyaga oo bulshada u bandhigayay wacyi gelin ku saabsan siyaasadda Somaliland siiba wada lahaanshaha dalka iyo mararka qaarkood eedo ka dhan ah xukuumadda oo ka soo baxayay khudbadahooda. “Waxa dadka qaarkood ka xanaaqeen Su’aasha Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ay keeneen ee ah, Somaliland ma la wada leeyahay ? in aanay meesha qaban oo dadka qaarkii ay ka xanaaqeen ,annigu waxaan qabaa reer Booramana waan u sheegay dad bislaaday ama soo bislaanaya ayuunbaa su’aasha caynkaas ah kalsoonideedii leh oo is weydiin karra , Somaliland waxaan arkayaa in la soo bislaanayo dadka qaarkii su’aala caynkaas ah way is weydiinayan , anniga jawaabtaydu waxay ahayd Haa waa la wada leeyahay, laakiin wax ayaa dhimman waanan magacaabay waxa dhimani waxa ay yihiin qaarkoodna iminka la qaban karro qaarkoona mustaqbalka la qaban karro,” ayuu yidhi Prof Samatar Gunaanadkii Prof Samatar ayaa sheegay inuu bisha soo socota ee Juun shir caalami ah kaga qayb-geli doono dalka Maraykanka , kaasi oo uu ku soo bandhigi doono qaddiyadda Somaliland iyo doodiihii ay ka qayb-galeen isaga iyo Cali Khaliif, waxaanu farriin u diray Bulshada Somaliland “Markaa waxaan walaalahay reer Somaliland ku leeyahay gees ilaa gees anniga iyo Dr Cali Khaliif arrimahaa aanu ka qayb-galnay waxay yihiin wax lagu faano, wax laga baqo maaha wax laga cadhoodo maaha waa wax aynu u baahanay , waayo waxay hoosta ka xariiqayaan dad bislaaday ama soo bislaanaya in aynu nahay , shir ayaan ka qayb-gelayaa lagu qabanayo Magaalada New York bishan Juun ciida dabadeed ayaa lagu qabanayaa waa wax yaabaha aan doonayo in aan u sheego Somaliland Ubaxaasii sida uu usoo dilaacayo in aan tuso, dadkeenu markaa Doodaha yaan laga biqin yaan laga cadhoonin geesinimadeedii hala yeesho lagu dhegaysto faa’iido badan ayaa ku jirta, marka dambena waa is afgaradka waxa waddan lagu wada yeesho ee hore loogu wada socdaa ama Reer Gabiley ahow ama reer Laascanood ahow , ama reer Ceerigaabo iyo Badhan ahow ama reer Saylac iyo reer Boorama ahow iyo reer Berbera .”Ayuu yidhi Prof Samatar oo u warramayay telefishanka Horn Cable. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ku maagay arrimaha ay ka hadlaan taas oo markii dambe Eng Faysalna dhalliilay labada Qaran News
-
Beesha Caalamku Ma Soo Faro Gelin Doonta Khilaafka Xisbiyada Somaliland Sidii Dhacday 2009-kii? Xisbiyada Somaliland Oo Inka Badan Sannad Ku Muransan Arrimaha Doorashooyinka Ayaan Wax Horumar Ah Gaadhin Ilaa Hadda 14-kii bilood ee u dambeeyay waxa uu khilaaf cakiran oo arrimaha doorashooyinka ku saabsan u dhexeeyay xisbiyada Somaliland. Wada hadallo badan oo ay yeesheen ma jiro haba yaraatee wax horumar ah oo laga gaadhay waxaanu hadda xaalkoodu maraya in ay beesha caalamka ee Somaliland taageerta iska ashkateeyaan. Arrinta furaha u ah doorashooyinka ee la isku hayo oo ah Komishanka ayay dhinacyadu illaa hadda isku mari la yihiin waxaana muuqda ifafaale ah in aanay gaadhi Karin wax xal ah maaddaama aanay wax tanaasul ahi muuqan. Farogelintii beesha caalamka ee 2009 Sodonkii Bishii Sept. 30, 2009 ayey ahayd markii ugu horaysay ee ay Dowladi shisheeye ay Xaliyaan khilaaf siyaasaddii la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka Somaliland , kaasi oo soo kale dhex-galay Saddex-dii Xisbi Qaran ee UDUB , UCID Iyo KULMIYE, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyeyaashii Xisbiyadda mucaaridka ah ee Cahdigaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ka kooban lix qodob oo ay dowladaha Somaliland ka taageera qaddiyadda doorashooyinku ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasadda isku hayey wakhtigaasi, kaas oo lagu soo afjaray khilaaf siyaasadeedkii ka aloosnaa dalka sanadkii 2009-kii ee ka dhashay dib u dhicii doorashada Madaxtooyada. Waxa lagu heshiisiiyay wax ka qabashada dhawr qodob oo markaasi hor yaalla doorashooyinka. Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayey Md Axmed Siilaanyo, isla markaana wakhtigaasi ahaa Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka, ayaa isagu beesha caalamka ka dalbaday inay soo kala dhex-gasho , isla markaana ay dhex-dhexaadiso Xisbiyada Somaliland, iyadoo beesha caalamku ay sidaasi ku soo gashay u gar naqidda xisbiyada kuna guulaysatay soo afjaridda khilaafkii xisbiyada kala irdheeyay. Khudbaddii Riyaale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad uu ka jeediyey Madaxtooyada Somaliland oo uu heshiiskani ka dhacay September 30/2009, ayaa u dhignay sidan “Waa markii u horreysay ee taariikhda ay inoogu qormayso in cid kale ina heshiisiiso. Anigoo jeclaa inaynu inaguba heshiino, waxase aan jecelahay inaan heshiiskaa wixii ka dambeeya aynu inagu waxeena wadano oo aynaan cid dambe u baahan horta waan ku talinayaa, Waxaan jecelahay walaaltinimadeenii inaynu dib u noolayno, oo aynu ka maarano cid dambe haddii ilaahay yidhaahdo oo halkaasi aynu ka bilownay aynu hore uga sii socono si aynu doorasho u gaadhno wakhtiga ugu dhakhso badan,Waxa kale oo aan u mahad naqayaa cid kasta oo isku dayday inay isku keen soo dhawayso.”Ayuu yidhi Riyaale Dhanka Kalena Madaxweyne Riyaale ayaa wuxuu ballan qaaday inuu xabsiyada ka soo dayn-doono xubno ka xidhnaa Xisbigii Mucaaradka ahaa ee KULMIYE “Qolyahaasi xidh xidhan ee mudaharaadyada sameeyay amar baan ka bixiyay ah in wixii aan dembi gaysan la sii daayo oo la kala shaandheeyo, mana xidhnaan doonaan, cidii dambi sameeyayna dambigooda lagu qaado, kii aan dambi lahayna albaabka laga qaado ayaan hore u amray imikana amarkii ayaan daba galayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay dalab uu Guddoomiyaha KULMIYE u jeediyay oo la xidhiidhay in xorriyadoodii loo soo celiyo dadkii lagu xidh xidhay Mudaharaadyadii dalka ka dhacay Guddoomiyaha: KULMIYE Gudoomiyihii Xisbiga KULMIYE oo ahaa xilligaa Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay heshiiskaa September 30 2009-kii Madaxtooyadda ka dhacay ee ay Xisbiyadda Qaranku wada gadheen ayaa yidhi sidan “Heshiiska aynu maanta saxeexnay ee aynu galnay, oo aynu doonayno inay dhamaanteen si wada jir ah oo daacadnimo ah u wada fulino una socodsiino, Anaga waa naga daacad waxaanu jecel nahay in uu fulo,waxaanu doonaynaa inaanu caddeyno inaanaan doonaynin in dalkani dhibaato dambe ku dhacdo waana in sida ugu fudud ee sida ay dadka inala shaqaynayaa ay u soo dhigeen aynu hawshaasi u fulino. Oo ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.”Ayuu yidhi Siilaanyo Isagoo Madaxweyne Riyaale ka dalbanaya in la soo daayo dad xidh-xidhan oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan ayaa yidhi “Waxa jira dad wax allaale iyo waxay geysteen jirin, oo xidhan, markii ay ina dhex socdeen heshiiskana waxa jiray balan qaadyo badan oo ah in dadkaasi la sii daynayo. Waa in xoriyadooda loo soo celiyo waayo ummadda ayay ka mid yihiin waa inay inala qaataan xoriyada iyo is fahamka. Waxaan jecelahay Madaxweyne Inaad dadkaasi xoriyadooda dib ugu soo celiso, wixii aan dambi gaysan.” Guddoomiyaha UCID: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo xafladii lagu kale saxeexanayay heshiiskaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa horta dadkii ka soo shaqeeyay heshiiskan aan kala saxeexanayno oo gudaha iyo dibadaba aad looga soo shaqeeyay, waxa maanta xisbiyada looga baahan yahay inaynu khilaafkii ku bedelaa wada shaqayn, oo aynu shakigii dhexdeena ku bedelnaa is aaminaad, Xil weyn ayaa ina saaran waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo. Waxaana xilkaasi aynu ku gaadhaynaa niyad sami iyo daacadnimo. Waxaan jecel nahay in aan sida ugu dhakhsaha badan u gaadho doorasho wanaagsan.”Ayuu yidhi Faysal Sidoo kale, Safiir ku Xigeenkii Ingiriiska u Fadhiyey wakhtigaasi Magaalada Addis Ababa Mr. John Marshal iyo Sarkaal sare oo ka socday Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya ayaa hadal ay ka jeediyeen xafladaasi waxay xukuumaddii Riyaale iyo axsaabta mucaaridka ah ku bogaadiyeen sida ay u soo afjareen khilaafaadkii siyaasadeed isla markaana ay ku qanceen heshiiskii beesha caalamka ee taageera qadiyada Somaliland ay soo hordhigeen dhinacyada siyaasadda. Qodobada heshiiskan la kala saxeexday waxa ka mid ah in Komishanka doorashooyinka qaranka wax laga bedelo si loo soo dhiso kalsoonidii lagu qabay, in diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee la laalay dib loogu noqdo oo la kala shaan dheeyo si looga soo saaro liis xalaal ah oo lagu galo doorashooyinka iyo qodobo kale. Ugu dambeyn Muranka hadda ka dhex aloosan saddex-da Xisbi Qaran ee Somaliland WADDANI , KULMIYE Iyo UCID, isla markaana in badan soo jiitamay ee la xidhiidha, isla qaddiyadda Doorashada, iyadoo dhinac-yaddu ay wax tanaasul ah samayn,haseyeeshii uu xaalkoodu yahay mindi mindi ku taag, ayaa falaqeeyaashaa siyaasaddu ay sheegeen in aanay ka fursanayn in sidii khilaafkaa 10 sano ka hor ka dhex –qarxay Xisbiyadda Qaranka Somaliland ay beesha caalamak u xalisay inay kana sidaas si lamid ah u soo farageliso, haddii ay dhinac-yaddu wax heshiis ah gaadhi wayaan bilaha soo socda. Qaran News
-
A car loaded with explosives went off on Monday in Somalia’s capital Mogadishu, targeting a popular beach restaurant, police and witnesses said. Zakia Hussein, the police spokeswoman, confirmed that a parked car filled with explosives detonated at around 6:30 p.m. local time near Lido beach, but did not kill or injure anyone. “At the time of Iftar at 6:30 p.m., a Toyota filler vehicle went off near Liido beach roundabout in Mogadishu causing damages but no casualties,” Hussein said in a brief statement. A police officer who declined to be named said that a car laden with explosives went off near Lido beach in Mogadishu’s Abdulaziz district, but no one was hurt. Witnesses said the explosion was loud and shook the area. “I was at a restaurant near where the car exploded, we felt panic and ran for our safety,” Omar Abdi, a witness, said. The blast came barely five days after a car bomb detonated at a police checkpoint in Bondhere district leaving four people dead and 12 others injured. The blast comes as the police tightened the security of the capital blocking the main roads in the city to ward off possible attacks by the militants. There was no immediate claim of responsibility for the blast, but al-Qaida allied group al-Shabab conducted such attacks in the past. View the full article
-
Somali Unidentified attackers have stabbed a woman to death in central Somalia town barely three after female teen raped and killed. According to reports, Nim’o Omar Shire (22) was killed on Monday night on her way home in Galkayo town of Mudug region. Shire who reportedly left mosque was attacked and sustained injuries on the neck. The victim was rushed to the hospital before she succumbed to the injuries. Galkayo authorities have not yet commented on the latest attack in the town which previously witnessed several incidents related to rape and murder cases. No has yet claimed the responsibility for the murder of Shire. View the full article