Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,524
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In what could be now a diminishing relationship between Kenya and Somalia, President Mohammed Farmaajo on Monday snubbed Kenyatta International Airport on his way to Mogadishu Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed. Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista. Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019 ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa khilaaf xoog leh uu ka dhax jiraa dowladda Soomaaliya iyo taliska tababarada dowladda Turkiga ee saldhigga magaalada Muqdisho khilaafkaas oo dibadda usoo baxay maalmihii ugu dambeeyay. Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, iyo Sarkaalka Turkiga u qaabilsan arimaha tababarada iyo ciidamada kaas oo sidoo kale ugu sarreeyo xarunta tababarada ee dowladda Turkiga ku leedahay magaalada Muqdisho. Caasimadda Online ayaa ogaatay in khilaafkaan uu ka dhashay Ciidamo dowladda Turkiga tababartay oo taliye looga dhigay Sarkaal ay wataan Saadaq John, iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana laga badalay taliyihii ay u soo magacaawday dowladda Turkiga. Ciidamadaan oo howlgalad gaarka ah ka fuliya magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Haramcad, waxaana taliye looga dhigay Sarkaal kamid ah ciidamada ay tababartay dowladda Turkiga halka ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole oo kamid ah Saraakiisha ka hoos shaqeeya Saadaq John iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxaa taliye ku xigeenka 2-aad looga dhigay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Korneel Fanax oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya horane taliye uga ahaa degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir markiisii horane ka soo goostay Al-Shabaab. Saadaq John iyo labada taliye ee aan kor ku soo xusnay ayaa hoos u dhigay 70% awoodda taliyaha ay dowladda Turkiga u soo magacaawday ciidamada Haramcad ee howlagalada gaarka ah ka fuliya magaalada Muqdisho waana sababta keentay khilaafka. Caasimada Online ayaa ogaatay in Sarkaalka dowladda Turkiga u magacaawday hogoominta ciidamada uu turkiga tababaray ee Haramcad uu warbixin ku siiyay Taliyihiisa ka sarreeya in uusan waxba kala socon dhaq dhaqaaqa ciidamada oo ay maamushaan Farxaan Qaroole, Kornel Fanax iyo Saadaq John. Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa taliyihiisa warbixin ku siiyay 4 howlgal oo aan laga tala gelin waxna uusan ka ogeyn ay fuliyeen ciidamada arintaasna ay sababtay muran u dhaxeeya asaga iyo labadiisa ku xigeen. Dowladda Turkiga ayaa markaas kadib xiriir la sameysay Saadaq John taliyaha qaybta Booliiska Gobalka Banaadir, waxayna ka waysay warbixintii ay ka dalbatay. Turkiga ayaa arinta gaarsiiyay taliyaha booliiska Soomaaliya oo markii dambe ka dalbaday in ay toos ula xiriiraan xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya kadib markii uu u cadeeyay in uusan waxba ka gelin. Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn joojisay ciidamo gaaraya 200 oo Askari oo loogu geeyay in ay kamid noqdaan ciidamada cusub oo ay tababarka siin doonaan macalimiinta Turkida ee arimaha ciidamada. Soo celinta ciidamadaan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii xafiiska Raysal Wasaaraha uu ka jawaabi waayay cabashada Turkiga ee arimaha ciidamada Haramcad. Turkiga ciidamada uu tababaray wali asaga ayaa gacanta ku haaya waxaana mas’uuliyadda taliyaha loo dhiibo kamid ah in uu mas’uul ka noqdo Qatar kasta oo ay wajahaan ciidamada loo dhiibay. Hadii askari ku dhinto si qaldan ama istiraatiijiyad xumo waxa uu wajahaa ciqaab ciidan iyo ciqaab kale oo aan la sheegin waana sababta keentay in Sarkaalka turkiga ugu magacaaban ciidamada Haramcad ee awoodiisa hoos loo dhigay uu cabasho u gudbiyo taliyiisa ka sarreeya ahna madaxda tababarada ciidamada Soomaaliya ee dowladda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Magaalada Kismaayo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen falal lidi ku ah Ammaanka, islamarkaana Musharaxiinta ku sugan Magaalada Qaarkood ay sheegeen in ay Qaraxyo ka badbaadeen. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kismaayo Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida ay sheegayaan wararka caawa laga helayo Magaalada Kismaayo. Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Makkah)-Xujaaj tiradoodu ka badan tahay 6.97 million oo qof ayaa u socdaalay dalka Sucuudi Carabiya si ay dhulka barakaysan ugu soo gutaan Cumrada Sanadkan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sucuudi Carabiya ee (Saudi Press Agency, SPA). Warbixintan tirada dadka dhulka barakaysan ee Sucuudi Carabiya ku soo cimraysana ayaa waaxda la socodka Cimrada ee Boqortooyadu waxa ay tilmaantay in Fiisayaal ka badan 7.4 million (7,463,259) visas loo soo saaray xujayda. Waxaana sidoo kale ay sheegeen in yoolka Mustablaka ee Boqortooyadu ay tahay in marka la gaadho sanadka 2030-ka, Dawladda Sucuudi Carabiya ay baadigoob u gali doonto inay soo dhaweyso in ka badan 30 million oo Xujaaj soo cimraysanaya si loo hubiyo adeegysada suurtagalka ah ee ugu wanaagsan aadka u cajiibka ah, ayaa lagu sheegay warbixinta waaxda la socodka Cumrada. Hase yeeshee dhulka Soomaalida ayaa sanad kasta ay sii korodhaa dadka xiligan oo kale bisha barakacysan ee Ramadan u cimro taga dhulka Cabarakaysan ee dalka Sucuudi Carabiya. Source
  6. Shirka dajitna habraaca maamulka iyo maaliyada ee Puntland ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada maaliyada dowladda Puntland . Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa inta [...] Source
  7. Maamulka iyo shacabka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa si isku tashi ah waxa ay ku dhisteen Isbitaalka guud ee degmada Xarfo, kaas oo la [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa lagu wadaa inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa 21-kii March waxay Camey u magacaabeen xil safiir, balse xiligaas lama shaacin dalka uu fariisan doono. Camey ayaa tagi doona safaaradda Soomaaliya ee Addis-Ababa marka Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Addis Ababa Cali Shariif laga soo aqbalo dalka Mareykanka, oo loo beddelay. Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay xilligii ay u bahoobeen madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana siisay xilka safiir. Dhinaca kale, xilka safiirnimo ee Camey ayaa marka lasoo aqbalo la filayaa inay saameyn ku yeelato safiirka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga Jaamac Caydiid oo ay isku heyb yihiin, maadaama Safiirada dibadda ay qeyb ka tahay habka awood qeybsiga ee 4.5. Wararka ayaa sheegaya in Jaamac Caydiid uu xilka weyn doono, marka Camey uu xilka la wareego, booskiisana la siin doono beel kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed CilmI Cismaan( Karaash) ayaa daah-furay biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland. Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Karaash oo biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo biyo qabatinku, waxaana u mahadceliyey cidwalba oo ka soo shaqaysay oo ay ugu horayso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay’adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa. “Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo”. ayuu yiri Madaxweyne Karaash. Ugu dambayn, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin qayb wayn oo kamida Nolosha, waxaana uu shacabka deegaanka biyo Xireenkan laga hirgeliyey kula dar-daarmay inay ilaashadaan, isla markaana uu wax wayn ka tari doono baahida dhanka biyaha ah ee mar walba soo foodsaarta. Biyo xireenkan oo laga hirgaliyay deegaaanka Sallaxley oo waxyar u jirta magaalada Garoowe ayaa markiiba kaydin kara biyo dhan 120,000 foosto, waxaana uu qayb ka yahay 10 biyo xireen oo laga hirgaliyey gobolada Puntland mudooyinkii dambe, waana dadaal dowladdu ay kula tacaalayso in wax laga qabto baahida dhanka biyo la’aanta ee soo wajahda dadka xoolo dhaqatada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) – Guddiga arrimaha bulshada ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa koormeer ku tagay xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka Qaran oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Xubnaha guddiga waxaa hogaaminaayay guddoomiyaha guddiga xildhibaan Cali Cismaan Xirsi iyo guddoomiye ku xigeen xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi. Goobaha imtixaanka lagu qaadaayay oo ay guddiga tageen waxaa ka mid ah xarumo ku yaalla dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Galmudug iyo Koofur galbeed. Sidoo kale guddiga waxa ay koormeer ku tageen xarumo iskuulo oo imtixaanka lagu qaadaayay kuwaas oo ku yaalla degmooyin ka tirsan gobolka banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyayaal ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanada ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland ee ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf weyn sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qaar kamida odayaasha & waxgaradka G/Sanaag ee tagay deegaanadaasi. Khilaafkan ayaa waxa uu ka dhex qarxay Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland iyo Saddex taliye oo lagu kala magacaabo Guray Cismaan Saalax, Xayle Xaaji Diraac iyo Xuseen Dheere. Saddexdan taliye ayaa iyagu waxay si aad ah uga biyo diiden inay weerar ku qaadan oo ay galaan magaalada Badhan, kaasi oo ku amray taliska guud ee ciidamada Somaliland. Magaalada Badhan ayaa waxa ku sugan Wasiirka Amniga Puntland iyo ciidamo taabacsan Maamulka Puntland. Saddexdan Taliye ayaa waxa laga cabsi qabaa kadib khilaafkan kala dhaxeeya Taliska guud inay iska casilaan xilka ay u hayaan Somaliland, kadibna ay u goostan dhinaca maamulka Puntland. Goosashada Saraakiishan ayaa waxay fashil ku noqoneysa xukuumada Biixi oo dhowaan ay ka gosteen Korneylo ka tirsanaa ciidamada Somaliland. Mana aha markii u horeysay ee Taliyayaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo ku sugan deeganadaasi uu ka dhex qarxo khilaaf noocani ah. Si kastaba, Amarka uu bixiyey Taliyaha guud ee ay ka hor-yimaaden saddexdan taliye ayaa waxa uu burinaya baaqi nabadeed ee Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyey Maamulka Puntland, kaasi oo ahaa in Somaliland ay rabto inay nabad kula xaajoto Puntland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee ciidamada AFRICOM ayaa lagu sheegay in 3 xubnood oo Shabaab ah lagu dilay weerarkan ka dhacay [...] Source
  13. Makhaayad laga cunreeyo oo ku taalay bartamaha suuqa meeraysane ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka kacay maanta dab gaystay khasaare hantiyeed inkastoo aysan jirin cid [...] Source
  14. Biyo Dhaan laga hirgaliyeyTuulada Sallaxley Madxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay biyo xireen laga hirgeliyey deegaanka Salaxley ee [...] Source
  15. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay Biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Salaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 Biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland. Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Karaash oo Biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo biyo qabatinku, waxaana u mahadceliyey cidwalba oo ka soo shaqaysay oo ay ugu horayso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay’adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa. “Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo”. ayuu yiri Madaxweyne Karaash. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin qayb wayn oo kamida Nolosha, waxaana uu shacabka deegaanka Biyo Xireenkan laga hirgeliyey kula dar-daarmay inay ilaashadaan, isla markaana uu wax wayn ka tari doono baahida dhanka biyaha ah ee mar walba soo foodsaarta. Biyo xireenkan oo laga hirgaliyay deegaaanka Sallaxley oo waxyar u jira magaalada Garoowe ayaa markiiba kaydin kara biyo dhan 120,000 oo foosto, waxaana uu qayb ka yahay 10 biyo xireen oo laga hirgaliyey gobolada Puntland mudooyinkii dambe, waana dadaal dowladdu ay kula tacaalayso in wax laga qabto baahida dhanka biyo la’aanta ee soo wajahda dadka xoolo dhaqatada ah ee abaaruhu saameeyaan. Hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo furay Biyo Xireen Laga Hirgeliyey Deegaanka Salaxley Ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  16. Nabadoon Mursal Maxamuud Cabdi oo kamid ah Nabadoonada gobolka Sanaag kana mid ahaa odayaal dhaqameed maalmahan ku sugnaa gobolka ayaa waxa uu sheegay in ciidamo [...] Source
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa inta uusan uamba bixin dalka Shiinaha waxa uu magacaabay guddiga dib u habaynta Hay,adaha dowladda ee gobolka Mudug oo [...] Source
  18. Boqollaal waaliddiin British ah ayaa u diray carruurtooda Bariga Africa si looga fogeeyo inay ku dhacaan dambiyo la xiriira dil loo adeegsado middiyo oo kusoo batay magaalada London waxaana jirtay in sannadkaan oo kaliya ay dhaceen 51 dil oo loo adeegsaday middiyo. Dhallinyarada loo celiyey Bariga Africa ayaa sheegay inay dareemayaan amni iyadoo xafiiska Arrimaha Dibadda uu ka digayo dhammaan safarrada lagu aadayo Soomaaliya iyo qatarta argagixiso ee ka jirta Africa. Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Aamina oo ay BBC wareysatay ayaa ka sheekeysay sheeko naxdin leh oo ku saabsan sida wiilkeeda oo 15 jir ah loo middiyeeyey afar mar 17 maalmood kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Soomaaliya. Hooyo Aamina waxay sheegtay in middidu ay waxyeello u geystay Kalyihiisa iyo beerka oo ay ku noqotay waxyeello joogto ah. Sannadkii hore Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa ku tilmaamay Soomaaliya waddanka 13aad ee ugu qatarta badan adduunka sababo la xiriira qatarta argagixisada. Shanti qoys oo Soomaali ah ee deggan magaalada London laba carruur ah oo ka mid ah ayey u diraan Soomaaliya si ay uga fogeeyaan dambiyada loo adeegsado middida ee ku sii baahaya magaalada London. Rakhia Ismail, oo ah hooyo afar carruur ah leh oo timid magaalada London iyadoo qoxooti ah ayaa sheegtay in waaliddiintu ay u qaadanayaan go’aankan iyagoo aaminsan in nolosha carruurtoodu ay ku badbaadeyso. Illaa iyo hadda 100 qof ayaa u dhimatay sannadkaan middi dalka UK. Saaka nin da’diisu tahay 30 jir ayaa middi lagu dilay magaalada London taasoo ka dhigeysa in London oo kaliya middi lagu dilay 51 qof. Daily Mail. Source: goobjoog.com
  19. Muddaharaadyo ballaaran oo lagu taageerayo go’aanka taliyaasha ka soo jeeda bariga gobolka Sanaag ay ciidamadooda ugala baxeen maamulka Somaliland, ayaa maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka ku yaalla bariga gobolkaasi. Degmooyinka Ceelbuh, Yubbe, Damalla Xagarre, Carmala iyo Xiingalool ayaa maanta laga dhigay mudaharaadyo lagu taageersanyahay, taliyaasha ka soo jeeda halkaasi ee ciidamadooda kala soo baxay maamulka Somaliland, kadib markii ay ka caroodeen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ahaa in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Muadaharaadka ugu weyn ayaa ka dhacay degmada Xiingalool, halkaasi oo bulshada kala duwan ee ku dhaqan ay waddooyinka buuxiyeen, iyagoo sita cananka Qaranka Soomaaliyeed ee buluugga ah iyo calanka Puntland, islamarkaana ku dhawaaqaya ereyo ay ku taageersan yihiin ciidamada ka soo baxay Somaliland. Muddaharaadyadan ayaa ku soo beegmay xilli guud ahaan ciidamadii ka soo jeeday degaannadaasi ay xalay isaga soo baxeen Somaliland, kadib markii ay qaadan waayeen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ahaa in ay weerar ku qaadan magaalada Badhan oo ay ku sugan yihiin wefdi ka socda Puntland. Halkan ka daawo mudaharaadka PUNTLAND POST The post Sanaag: Somaliland caynkaan u goynay waxay u dhigantaa maalintii calanka la qaatay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Alle ha u naxariistee Cali Maxamed oo katirsan Wasaaradda Amniga Soomaaliya islamarkaana la dilay 11-kii bishaan May iyo Cali Hilowle oo loo yaqaano (Cali dheere) islamarkaana ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Boondheere oo la dilay 13-kii bishaan May ay dilkiisa ka dambeeyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka diiwaan gashan Wasaaradda amniga Soomaaliya. Xubnahan Al-Shabaabka ah ayaa hore uga soo goostay Al-Shabaab dhowr bil oo dhaqan celin ah kadib waxaa laga shaqa geliyay Wasaaradda amniga Soomaaliya waxaana baaritaan la sameeyay lagu qabtay iyagoo ku soo guul dareestay isku day dil ay ka sameeyeen Boondheere 16-kii May, saddex habeen kadib markii ay dileen Marxuum Cali Dheere. Ragaan Al-Shabaabka ah ee la qabtay ayaa ka tirsanaa Ilaalada dhar-cadka ah ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya, waxayna heesteen Bastoolado Sharciyeeysan iyagoo ka tirsanaa Ciidamada ku qoran xarunta Wasaaradda amniga ee Ex gurigii Maxamed Dheere kuna taalo degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir. Markii la qabtay xubnahaan ayey la soo baxeyn aqoonsiyo ciidan oo muujinaya in ay ka tirsan yihiin Wasaaradda, waxaana kadib lagu wareejiyay taliyaha ilaalada Wasaaradda amniga Soomaaliya mana jirto ilaa hada wax maxkamad ah oo la soo taagay. Caasimada Online xogtaan waxaa u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya, laba qof oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda amniga, Sarkaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda amniga ee gobalka Banaadir. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in ragaan ay mar quro Al-Shabaab ka soo baxeen, dhaqan celin hal goob lagu geliyay islamarkaana halmar lagu wada qoray Wasaaradda amniga islamarkaana ay ahaayeen dad aad isugu dhow oo saaxiibo ah. Aad ayey u adkeyd in ragaan laga shakiyo sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan Wasaaradda amniga Soomaaliya oo yaqaano ragga dilalka ku eedeysan ee la soo qabtay. Caasimadda Online waxay ilo wareedyo kala duwan ka hubisay xogtaan oo dhamaantood si isku mid ah ugu xaqiijiyay in dilalkii Marxuuminta kala Cali Hilowle iyo Cali Maxamed ay ku fuliyeen rag Al-Shabaab ah oo ka diiwaangashan ciidamada ilaalada ee Wasaaradda amniga Soomaaliya. Tani waxay cadeyn u tahay in dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho aysan fulin oo kaliya Al-Shabaabka soo galootiga ah balse ay fuliyaan Al-Shabaab kale oo ka tirsan hey’adaha amniga iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya. Shakigaan waxa uu ahaa mid hore loo qabay iyo hadal hayn balaaran oo ka jirta gobalka Banaadir balse waxay daaha ka qaadisay in qatarta Al-Shabaab halka laga filayo meel aan aheyn ka jirto amni darrada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay saska ay Xukuumadda ka qaadday b Barmaamjikii Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Cali Khaliif ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyaga oo bulshada u bandhigayay wacyi gelin ku saabsan siyaasadda Somaliland siiba wada lahaanshaha dalka iyo mararka qaarkood eedo ka dhan ah xukuumadda oo ka soo baxayay khudbadahooda. “Waxa dadka qaarkood ka xanaaqeen Su’aasha Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ay keeneen ee ah, Somaliland ma la wada leeyahay ? in aanay meesha qaban oo dadka qaarkii ay ka xanaaqeen ,annigu waxaan qabaa reer Booramana waan u sheegay dad bislaaday ama soo bislaanaya ayuunbaa su’aasha caynkaas ah kalsoonideedii leh oo is weydiin karra , Somaliland waxaan arkayaa in la soo bislaanayo dadka qaarkii su’aala caynkaas ah way is weydiinayan , anniga jawaabtaydu waxay ahayd Haa waa la wada leeyahay, laakiin wax ayaa dhimman waanan magacaabay waxa dhimani waxa ay yihiin qaarkoodna iminka la qaban karro qaarkoona mustaqbalka la qaban karro,” ayuu yidhi Prof Samatar Gunaanadkii Prof Samatar ayaa sheegay inuu bisha soo socota ee Juun shir caalami ah kaga qayb-geli doono dalka Maraykanka , kaasi oo uu ku soo bandhigi doono qaddiyadda Somaliland iyo doodiihii ay ka qayb-galeen isaga iyo Cali Khaliif, waxaanu farriin u diray Bulshada Somaliland “Markaa waxaan walaalahay reer Somaliland ku leeyahay gees ilaa gees anniga iyo Dr Cali Khaliif arrimahaa aanu ka qayb-galnay waxay yihiin wax lagu faano, wax laga baqo maaha wax laga cadhoodo maaha waa wax aynu u baahanay , waayo waxay hoosta ka xariiqayaan dad bislaaday ama soo bislaanaya in aynu nahay , shir ayaan ka qayb-gelayaa lagu qabanayo Magaalada New York bishan Juun ciida dabadeed ayaa lagu qabanayaa waa wax yaabaha aan doonayo in aan u sheego Somaliland Ubaxaasii sida uu usoo dilaacayo in aan tuso, dadkeenu markaa Doodaha yaan laga biqin yaan laga cadhoonin geesinimadeedii hala yeesho lagu dhegaysto faa’iido badan ayaa ku jirta, marka dambena waa is afgaradka waxa waddan lagu wada yeesho ee hore loogu wada socdaa ama Reer Gabiley ahow ama reer Laascanood ahow , ama reer Ceerigaabo iyo Badhan ahow ama reer Saylac iyo reer Boorama ahow iyo reer Berbera .”Ayuu yidhi Prof Samatar oo u warramayay telefishanka Horn Cable. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ku maagay arrimaha ay ka hadlaan taas oo markii dambe Eng Faysalna dhalliilay labada aqoon yahan. Source
  22. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa canbaareeyay xariggii loo geystay wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog Media Group ,Ayaga oo ka dalbaday dowladda federaalka ah in si dhaqso ah xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah golaha shacabka ee baarlmaanka federalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay uuna canbaareynayo xarriga loo geystay wariye Cali. Xildhibaan Fiqi oo yiri ““Wariye Ali Adan Muumin in aragtidiisa oo uu soo bandhigay qarniga 21-aad uu ku mutaysto xabsi iyo xorriyad ka qaad waa xadgudub dastuurka dalka, xaqqa asaasiga ah ee qof ahaaneed iyo xoriyadda saxaafadda loo geystay. Isaga oo sii hadlaya “Taliska Farmaajo in umadda lugaha, cunaha iyo afka uu qabto wuxuu u arkaa “qab soo noqday” iyo dawladnimo, waana dhaqan faashiistenimo oo addduunka ka ciribtirmey. waxaan codkayga ku biirinayaa inta xorriyada garabka u ah, in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo wariyahaas garadarada lagu xiray” Sidoo kale waxaa ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah uga hadlay xarigga wariyaha Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid golaha shacabka, ayaa sheegay in cali waxa lagu heysto ay tahay sharci darro ,waxa uuna xusan in Cali Aadan uu ka mid ahaa dhowr wariye oo diiday in ay ku shaqeeyaan amarka Villa Soomaaliya “Waxaan canbaaraynayaa xariga sharci darida ah ee Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog. Waxaanan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan Wariye Cali Aadan Muumin. Xildhibaan Salaad ayaa intaasi raaciyey “Xariga Wariye Cali Aadan Muumin wuxuu daliil cad u yahay siyaasada kaligiis taliyenimada ah ee uu higsanayo Maamulka Madaxweyne Farmaajo ee lagu caburinayo warbaahinta madaxa banaan iyo wariyeyaasha fara ku tiriska ah ee diiday in ay damiirkooda ku iibsadaan laaluushka Villa Soomaaliya” Dhanka kale xarigga Cali Aadan Muumin waxaa canbaareeyay Xildhibaan Abdi raxmaan Odawaa, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in wali ay jirto Xarigga iyo caga juglayta lagu hayo saaxafadda. Xildhibaan Odawaa “Waxaan cambaareynaa xariga loo gaystay wariye Cali Aadan Muumin oo ah wariye dhalinyar kana tirsan Radio Goobjoog. Xariga iyo caga juglaynta saxaafadda waa calaamado aan u fiicney dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqayaa haya’adaha amniga ee Xukuumadda in Cali si dagdag ah loo siiyo Xorriyaddiis” Ugu danbeyn waxaa codkiisa siyaasiyiinta ku biiriyay siyaasi Cabdi raxmaan Cadi shakuur warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado xarigga wariyaha uuna si weyn uu canbaaraynayo. “Cabdiraxmaan Cabdi shakuur “Waxaan canbaaraynayaa xariga sharci darrada ah ee wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog. Maamulka Madaxweyne Farmaajo wuxuu caadaystay xarig, caburis, cagajugleys qaybin iyo laalush lagula kaco warbaahinta iyo wariyayaasha. Xorriyadda Warbaahinta waa xaq dastuuri ah, waa tiir udub dhexaad u ah nidaamka dimuqraadiga ah, waana awoodda afaraad ee dheelitirka xukunka. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyadiisa loogu soo celiyo Wariye Cali Aadan Muumin” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa degmadda Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa lagu dilay degaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmadaas. Sarkalkan ayaa waxaa lagu dilay howlgal ay halkaas ka fuliyeen ciidanka Macawisleeyda oo dagaal kula jira Al Shabaab sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA. Taliyaha Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Wakaaladda SONNA ka xigatay in sidoo kale ay howlgalka ku jileen saddex xubnood oo la socday sarkaalka kadib weerar gaatin ah oo ay ku qaadeen degaanka Xagarey oo Al Shabaab ku sugan yihiin. Sarkaalka ay dileen Macawisleeyda ayaa magaciisa lagu sheegay Macalin Caadey waxaana wararku sheegayaan in ku xigeenkiisiina uu duurka u baxsaday isagoo dhaawac ah. Sidoo kale Macawiisleyda ayaa howlgalkaas Al Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen. Degaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa xarun u ah malayshiyaadka AL-shabaab oo dagaal kala horjeeda ciidamada Xoogga dalka iyo AMISOM. The post Madaxii Al-shabaab ee degmada Cadale oo hawl lagu khaarajiyay appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Hargeysa)-Madaxwayne Biixi Oo Loogu Ugu Baaqay In Uu Xabsiga Ka Sii Daayo Sheekh Aadan Sunne Iyo Culimo Kale Oo La Xidhan, Halkan hoose ka DAAWO Source