Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,524
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ADDIS ABABA (Xinhua) -- The Intergovernmental Authority on Development (IGAD), an East African bloc, on Tuesday urged east African countries to enhance the role of women in conflict prevention, management and resolution endeavors. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in sii-hayaha agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin uu dalka Itoobiya u tagay qorshe ka dhan ah Jubaland iyo Galmudug. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu doonayo in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay facebook. Wiilka Ku-simaha ka ah Taliska Nabadsugidda ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Wiilku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale. Dowladda Itoobiy waxaan ugu baaqaynaa in ay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo. Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017-kii iyo tii Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. A Ndola businessman of Somali origin has obtained an order for the demolition of Old Regiment Community School in Ndola allegedly constructed on his piece of land. Source: Hiiraan Online
  4. The Australian teenager dubbed "Egg Boy" after he smashed a raw egg on the head of far-right Senator Fraser Anning has donated $100,000 toward helping those affected by the Christchurch mosque attacks. Source: Hiiraan Online
  5. The city of Beledweyne in central Somalia has produced the country’s first female mayor in the person of Safiya Hassan Sheikh Ali Jimale. Source: Hiiraan Online
  6. Kenya ayaa arrin muhiim ah u aragta dadaalka Somaliland ugu jirto inay hesho aqoonsi calami ah, Safiirka u fadhiya Somaliland dalka Kenya Bashe Cumar ayaa sheegay hadalkaan kaddib kulan ay la yesheen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya. Usbuucii hore mas’uuliyiin ka socota Somaliland ayaa la kulmay hoggaamiyaal sare oo Kenyan ah iyo ganacsato si ay uga wada-hadlaan qaabkii loo xoojin lahaa dhaqaalaha iyo iskaashiga Kenya iyo Somaliland. Hoggaamiyaasha Somaliland ka socday oo la kulmay Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ka wadahadlay xoojinta ganacsiga u dhaxeeya labada dal. Kulankan oo uu qeyb ka qaatay fududeyntiisa safiirka Somaliland ee Kenya ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac ay u adkeyn lahaayeen xiriirka ganacsi iyo amniga. Ra’iisul-wasaare hore Raila Odinga ayaa xusay muhiimadda ay Somaliland u leedahay xasilloonida geeska Africa. Sidoo kale hoggaamiyaha asxaabta badan Aadan Ducaale ayaa ku casuumay labada xisbi ee Somaliland UCID iyo Kulmiye baarlamanka dalka Kenya halkaas oo looga hadlay xoojinta danaha labada dhinac iyo sidii loo sii wadi lahaa xiriirka wanaagsan ee labada dal. Kenya ayaa qeyb ka ah taageerada ay Somaliland ku raadineyso aqoonsi caalami ah marka laga reebo fursadaha ganacsi ee labada dal. Somaliland ayaan helin aqoonsi caalami ah muddo 28 sano ah oo ay jirtay kaddib markii ay si iskeed ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991dii. Nation. Source: goobjoog.com
  7. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today called for the immediate and unconditional release of a journalist Ali Aden Mumin arrested in Mogadishu after posting comments on his Facebook account. Source: Hiiraan Online
  8. Dafle ma in masaajid lagu maamuusaa, mise in maxkammadda caalamiga (ICC) la horgeeyaa? Bishii 1aad, 23 keedii 1975 waxaa Xamar lagu toogtay 10 culimo oo ka dhiidhiyey mabaadi’da shuuciyadda oo la qorsheeyey in dalka xeer looga dhigo. Culimadaa waxaa soo qabtay heyadda NSS ta oo uu madax ka ahaa Axmed Saleebaan Dafle. Culimadaa qaarkood waxaa laga soo qabtay masaajidda Xamar ayagoo ama salaad ku jira ama tafsiir Quraan jeedinaya. Culimadaa la laayey waxey kala yihiin: 1. Cali Xasan Warsame 2. Cali Jaamac Xirsi 3. Aadan Cali Xirsi 4. Sheekh Axmed Iimaan 5. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed 6. Xasan Ciise Iley 7. Maxamed Siyad Xirsi 8. Sheekh Muuse Yusuf 9. Saleebaan Jaamac Maxamed 10. Yaasiin Cilmi Cawl Goortii la toogtay culimadaa, waxaa meydkoodii lagu urushay gaari qashinka ka qaado magaalada. Waxaa lasoo dirqiyey iney daawadaan toogashadaa shacab badan oo degganaa Xamar. Sida foosha xun oo loo dilay haddana loo aasay culimadaa waa nabar aan bogsooneeyn oo ku yaal qalbiga dadka Somaliyeed oo 100% ah Muslimmiin. Waxaa xannuunkaa soo nooleeyey magacaabidda Dafle lagu magacaabay masaajid laga dhisay Xamar, gaar ahaan xarunta Nabad-Sugidda. Waa sida kii kufsiga geystay oo guursaday tuu kufsaday. Waxaase layaab leh RW Kheyre oo ah qof og taariikhda dalka iyo dadka inuu ku dhiirado falkaan. Ujeeddadu maxey tahay? Bal adba. Waa ayo Axmed Saleebaan Dafle? Axmed waxuu ahaa asaasayaashii kooxdii afgambisay dawladdii dastuuriga aheeyd oo uu dalka lahaa. Kooxdaasi waxey ku tunteen dastuurkii ummadda Somaliyeed laheeyd. Kooxdaasi oo la baxday ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyad Barre waxey bilaabeen cabburis, xarig, dhac iyo dil. Waxey xireen dhammaan warbaahinta gaar ah ee uu dalku lahaa, sida wargeysyada. Waxey awoodda ka qaadeen garsoorka dalka oo madaxbannaanna. Waxey kaloo xireen dhammaan axsaabti siyaasadeed iyo hoggaamiyayaashoodi. Hawlahaa xariga iyo jaajuuseeynta waxaa qaabilsanaa Axmed Saleebaan Dafle. Waxuu ka madax ahaa heyaddii la magac baxday NSS (National Security Service). Waa heyadda ku galisay bulshada Somaliyeed argagax, baqdin, naxdin, tuhun iyo kala shaki. Heyaddu waxey ku leheyd dalka oo idil xabsiyo tiro badan oo qofkii lagu ridaa uu badbaado laheyn. Waxaa tababar siin jiray saraakiil ka socotay Jarmalka Bari oo wagaa shuuciyad aheyd. Qalabka dadka lagu ciqaabo sida korontada, middiyaha, ileys baaxad weyn, katiinadooyin iwm yaa waxaa deeq u bixin jiray Jarmalka Bari heyaddooda cabburiska iyo kadeedka bulshada oo la oran jiray STAZI. Maanta aannu joogno waxaa lasoo qufayaa xadgudubyadii STAZI u geysteen shacabka Jarmalka Bari. Dafle waa gacan ku dhiigle. Waxuu ka mid yahay shakhsiyaadka geeystay xadgubyo foolxun oo tira badan. Dafle oo ka mid ah inta yar oo ka nool maanta ‘Golaha Sare ee Kacaanka’, waxey aheyd in la horkeeno maxkamad si looga jaasiyo dambiyaduu ka galay ummadda Somaliyeed. Maanta waxuu ku noolyahay dalka Belgium. Godobtuu ka galay dalka iyo dadka Somaliyeed waa in lasoo diiwaan geliyaa oo dacwad lagaga soo oogaa maxkamadda caalimaga ee adduunka (ICC – International Criminal Court). Waddamada Bosnia, Rwanda, East Timor, Haiti, iyo Ciraq waxey maxkamadeeyeen dadkii la midka ahaa Dafle. Sidoo kale waa in loo hawlgalaa sidii Dafle abaalkiisa loo marin lahaa. Waa nasiib darro inuu maanta ku ceesho asagoo xor ah dalka Belgium, ama laga mid dhigo raggii iyo dumarkii usoo halgamay dalka oo lagu maamuuso magaciisa meel iskaba daa masaajid Alle. Dawladda Federaalka madaxdoodana waa iney ka fiirsadaan tallaabo kastoo eey qaadayaan oo la xiriirta dawladdii Siyaad Barre iyo kooxdiisi. Haddaan laga foojignaan waxey kala geyneysaa dadka Somaliyeed oo weli aan si buuxda uga bogsoon colaadddii dagaalki sokeeye oo uu u sabab ahaa dawladdii Siyaad Barre. W/Q: Cusmaan Cumar Heelleey cusmaancumar@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay ka sameeyeen bartamaha magaalada, kaasi oo lagu baadi goobayay dhalinyaro Tooreey ku dilay Gabar kasoo baxday Salaadii Taraawiixda. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hal ruux oo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay falkii lagu dilay gabadha dhalinyarada aheyd ee kasoo baxday Masjid ku yaala xaafadda Garsoor. Ruuxaan ayaa la tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa dilka Nicmo Cumar Shire, oo habeen hore lagu dilay meel ku dhow masaajidka ay kasoo baxday, iyadoo Tooreey loo adeegsaday dilkeeda. Saraakiisha amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan ruuxa losoo qabtay inuu qeyb ka ahaa dilka Nimco loo geystay, waxaana hadda lagu hayaa xabsi ku yaala waqooyiga magalada Gaalkacyo. Marka laga soo tago qabashada Shaqsiga ku eedeysay dilka Gabadha Dhalinyarada aheyd,hayeeshee majirin cid sheegatay dilkaas ama cadeysay sababta loo dilay. Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay Sanadkaan mid lagu dhibaateeyo Gabadhaha, iyada oo sanadkaan gudihiisa lagu kufsaday laguna dilay Gabar lagu Magacaabi jiray Caaisho Ilyaas Aadan. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  10. Xukuumadda Federaalka ah ayaa dhowaan u gudbisay Baarlamaanka Federaalka sharciga Doorashooyinka Qaranka ee loogu talogalay in looga gudbo Xilliga kala guurka ah ee 2020-ka, Sharcigan ayaa u baahan in si qotto dheer ay u fahmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaannada Federaalka ah iyo Siyaasiyiinta kale ee u dhuun-duleesha geeddi socodka shuruucda Qaran-Dhiska ah ee lagu askumayo Dowladnimada Soomaaliyeed, Qormadan dulmarka ah waxaa ay iftiiminaysaa Qodobka 12-aad faqradiisa 5-aad ee gundhigga u ah Sharcigan. Sharciga Doorashada ee loogu magac daray Propotional Represention Closed-List, (PR CL) ama Matalaadda Saami-Qaybsiga ku dhisan ee Liiska Xiran. ayaa ah in waddanka dhan laga dhigo hal Deegaan Doorasho (Single Constituency) oo macnaheedu tahay, in dhammaan Xisbiyada kuwada tartamayaan guud ahaan Dalka. Dadka isu diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan ayaa Dooranaya Xisbiga ay doonaan, Nidaamka PR CL Qofka cod bixiyaha ah ma dooranayo Musharrax ee wuxuu Dooranayaa Xisbi kaliya. Xisbiyada iska diiwaangaliyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyay shuruudaha ka qaybgalka tartanka Doorashada, ayaa usoo gudbinaya Guddiga Doorashooyinka tixda liiska Xildhibaannada Musharaxiintiisa iyo qoondada dumarka, islamarkaana isudheelitiran yihiin habka isku-dhafka Beelaha ay kasoo jeedaan. Marka Doorashada ay dhacdo oo dadka codadkooda dhiibtaan, waxaa la xisaabinayaan guud ahaan tirada codadka Dadku ay dhiibteen ee ansaxay inta ay noqoto, Xisbi walba codadka uu helay waxaa laga doonaya in ay gaaraan codad ka kabadan (threshold) 7% guud ahaan tirada codadka ay Dadku dhiibteen si ay uga mid noqdaan Xisbayada ka qaybgalaysa saami qaybsiga xubnaha Baarlamaanka Federaalka. Habka loogu baddelo codadka Xisbiyadu ay heleen tirada kuraasta Baarlamaanka ay Xisbiyadu ku guuleysteen ayaa ah, in tirada codadka guud ay dadku dhiibteen ee ansaxay lagu salleeyo qoondada tirada kuraasta ee Xisbi walba uu helayo tiro u dhiganta codadka Xisbi walbaa helay, iyadoo lagu jaan-goynayo habka saamiga qaybsiga loogu magac daray Sainte Lague. Haddii aan tusaale u soo qaadanno, in Doorashada ay ku tartameen 7 Xisbi, tirada dadka codadka dhiibatay guud ahaan Dalka ay noqodaan 4,750,000 cod, Xisbiyada guuleystay waxaa ay noqdeen 5 Xisbi, waxaana Doorashada looga adkaaday ama waayay labada Xisbi ee aan helin codad ku filan oo udhigma 7% codadka guud ee 4,750,000 codka ah. 1, Xisbiga A wuxuu helay 2,000,000 cod (47%) 2, Xisbiga B wuxuu helay 700,000 cod (17%) 3, Xisbiga C wuxuu helay 600,000 cod (14%) 4, Xisbiga D wuxuu helay 500,000 cod (11.7%) 5, Xisbiga E wuxuu helay 450,000 cod (10.5%) 6, Xisbiga F wuxuu helay 250,000 cod (5.8%) 7, Xisbiga G wuxuu helay 250,000 cod (5.8) Sida uu qabo Qodobka 50-aad faqradiisa 5-aad qaabka qaybinta kuraasta 7-da Xisbi ee ku tartamay doorashada waxaa soo guuleystay 5-ta Xisbi, waxaana haray 2 Xisbi in ay ka qaybgalaan saami qaybsiga kuraasta Xubnaha Baarlamaanka, qaabka qaybinta saamiga Xubnaha wuxuu noqonaya habka Sainte Lague ee tirada kisiga tixan ah ayaa loo qaybinayaa codadka 4,250,000-ka ah 5-ta Xisbi ee guuleystay sida ay u kala heleen 275-ta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah inta ay saami ahaan ugu helayaan Xisbi walbaa ayaa noqonaysa sida hoos ku qoran. 1, Xisbiga A 2,150,000 udhiganta = 130 Kursi 2, Xisbiga B 700,000 udhiganta = 45 kursi 3, Xisbiga C 600,000 udhiganta = 39 kursi 4, Xisbiga D 500,000 udhiganta = 32 kursi 5, Xisbiga E 300,000 udhiganta = 29 kursi. FG: Xisbiyada u tartamaya Doorashada ee helay codad kabadan 7% tirada guud ee codadka ansaxay ay ka bataan 5 Xisbi ama ay ka yaraadaan waxaa is baddelaya tirada codadka Xisbi walbaa helayo iyo tirada kuraasta loo qoondeynayo Xisbi walba. Faah faahinta Nidaamka saami qaybsiga ee Sainte Lague halkan laguma soo koobi karo waxaaa y u baahan tahay in si toos ah loo barto habka loo sharraxo Xisaabta ku hoos jirta. Gunaanad Ujeedka qoraalkan waa fududeyn iyo fahamsiin shacabka Soomaaliyeed Qodobada udub-dhexaadka u ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka horyaalla, fariintan kama tarjumayso diidmo ama iin-u yeelid Sharciga Doorashooyinka, turxaan bixinta iyo duleel-daarka Qodobada Sharciga waxaa u idman Hay,adaha Dastuuriga ee u xilrsaarran. W/Q: Muxudiin Iimaan Muhyadiin7@hotmail.com
  11. Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu Villa Somalia kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada. Dacic ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacay uu naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka isaga oo marti ahaa aanu is dhaqaajin. Dacic ayaa sida uu sheegay markaas kadib Farmaajo ku yiri “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.” Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye. Dalka Serbia ayaa horey uga tirsanaa dalka Yugoslavia ka hor inta aanay sanadihii sagaashaamaadkii aanu dhowr dal u kala qeybsamin, waxaana weeraray Nato markii ay laayeen muslimiinta Bosnia. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay dad siyaabo kala duwan uga fal-celiyay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Cali Khaliif ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Prof Samatar ayaa waxa uu sheegay in Somaliland la wada leeyahay ay is weydiin karaan oo qudha dadka kalsoonideedii leh, isagoona ka dhawaajiyey in uu arkayo bulshada reer Somaliland oo soo bislaanaysa. Samatar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu barnaamijka ay wadeen isaga iyo Galeyr uu yahay mid lagu faano, oo aanu aheyn wax laga baqo ama’se laga caroodo. Prof. Axmed Ismaacil Samatar, ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV, wuxuuna yiri “Waxa dadka qaarkood ka xanaaqeen Su’aasha Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ay keeneen ee ah ‘Somaliland ma la wada leeyahay?’ in aanay meesha qaban oo dadka qaarkii ay ka xanaaqeen, annigu waxaan qabaa reer Booramana waan u sheegay dad bislaaday ama soo bislaanaya ayuunbaa su’aasha caynkaas ah kalsoonideedii leh oo is weydiin karra”. “Somaliland waxaan arkayaa in la soo bislaanayo dadka qaarkii su’aala caynkaas ah way is weydiinayan, anniga jawaabtaydu waxay ahayd ‘Haa’ waa la wada leeyahay, laakiin wax ayaa dhiman, waanan magacaabay waxa dhimani waxa ay yihiin qaarkoodna iminka la qaban karro qaarkoona mustaqbalka la qaban karro”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Markaa waxaan walaalahay reer Somaliland ku leeyahay gees ilaa gees anniga iyo Dr Cali Khaliif arrimahaa aanu ka qayb-galnay waxay yihiin wax lagu faano, wax laga baqo maaha wax laga cadhoodo maaha waa wax aynu u baahanay, waayo waxay hoosta ka xariiqayaan dad bislaaday ama soo bislaanaya in aynu nahay”. “Shir ayaan ka qayb-gelayaa lagu qabanayo Magaalada New York bishan Juun, ciida dabadeed ayaa lagu qabanayaa waa wax yaabaha aan doonayo in aan u sheego Somaliland ubaxaasi sida uu usoo dilaacayo in aan tuso, dadkeenu markaa Doodaha yaan laga biqin yaan laga cadhoonin geesinimadeedii hala yeesho lagu dhageysto faa’iido badan ayaa ku jirta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxaa soo wajahay dhaqaalo yari baahsan, taasi oo keentay inay Kenya u baahato deyn badan oo ay ka hesho Bank Adduunka ama dalalka Caalamka. Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay hadda u baahan tahay inay deyn ka qaadato Bank Adduunka, waxaana la sheegay inay u baahan tahay 750 Milyan oo doolar. Dhaqaalahaasi ayaa dowladda Kenya waxay u adeegsan doontaa miisaaniyad sanadeedkaan, maadaama ay ku fashiliantay xukuumadda Kenyatta inay kordhiso dhaqaalaha dalka Kenya. Dalka Shiinaha ayaa deynta ugu badan ku leh dowladda Kenya, waxaana wargeyska Financial oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha uu shaaciyay in Kenya ay la ciir ciireyso deymo badan oo lagu leeyahay. Lacagta Deynta ah ee Kenya hadda lagu leeyahay waxaa kamid ah 4.8 Bilyan oo lagu dhisay Jid Tareen oo mara dalka Kenya, kaasi oo dowladda Shiinaha ay ka dhistay magaalada Nairobi. Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo. Dhawaan waxaa warbaahinta Kenya qabsaday baadi goobka madaxweyne Kenyatta oo xiligaasi safar ku joogay dalka Shiinaha, iyadoo dadka Kenyan-ka ah ay sheegayeen in loo heystay madaxweynahooda deymaha badan ee Shiinaha ku leeyahay Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Kooxda hoos ku sawirani waa Xilkii Gobolka Sanaag we 1983kii xiligaasi wacdaraha ka dhigay ciyaarahii xiligaasi Hadaba markii Sawirkani uu soo galay baraha bulshada waxa markiiba soo booday in xulkaasi uu xiligaas ay xidhnaayeen dirayska laga soo sheegtay midabada calanka Somaliland ee hada. Ma is tidhi reer Sanaag ama Ceeriba way inaga sii horeeyeen? Ceerigaabooy calankaaga sido Qaran News
  15. PRESS RELEASE The Government of Japan and WHO donate six ambulances to boost health service delivery in South Sudan The two vehicles donated by the Government of Japan through WHO will be distributed to Juba Teaching Hospital Blood Bank and to the National Blood Transfusion Service JUBA, South Sudan, May 28, 2019/ — Six new ambulances, donated this week (Tuesday, 28 May) to the Ministry of Health of the Republic of South Sudan by the World Health Organization (WHO) and the Government of Japan, are a vital boost to the Ministry’s efforts to increase access to health care services for its most vulnerable populations especially women and children. “In South Sudan, women and children are dying because they do not have access to the healthcare services they need. We are pleased to be able to help to reverse that trend through the donation of ambulances to four of the country’s hospitals,” said Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa. South Sudan has poor health indicators due to years of conflicts which has disrupted the health systems, with women and children facing high mortality rates from preventable diseases and conditions. The estimated maternal mortality is 789/100 000 live births, the infant mortality rate is 84/1000 live births, and child mortality rate is 104/1000. The ambulances will be deployed to increase access to key underutilized services that are recognized as having the capacity to save the lives of millions of mothers, newborns and children and to support medical teams in the field. The two vehicles donated by the Government of Japan through WHO will be distributed to Juba Teaching Hospital Blood Bank and to the National Blood Transfusion Service. The four vehicles donated by the Office of the Regional Director for Africa will be distributed to Ajak Kuac County Hospital, Twic State; Ngapagok County Hospital, Tonj State; Mary Help Maternity Hospital, Wau State and Akon County Hospital, Gogrial State to support live-saving care emergency obstetric and others referrals. “The government and people of Japan are continuing their strong support for South Sudan through this donation,” said H.E. Seiji Okada, Ambassador of Japan to South Sudan. “Voluntary blood donations save lives, and we are pleased to be contributing to this effort.” The WHO Country Representative to South Sudan, Dr Olushayo Olu, said the ambulances will also be used to boost voluntary blood transfusion through mobile blood donation drives. Receiving the ambulances, the Honorable Minister for Health, Dr Riek Gai Kok said the ambulances will help to strengthen the health system to provide the highest quality of care, and empower communities to utilize health services appropriately. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  16. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, Sheekh Jaamac ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed. Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista. Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dedejinaysa qorista Sharciga duulista Hawada appeared first on Puntland Post.
  17. When the St. Paul City Council appointed Kassim Busuri this year to fill out the unexpired term of Dan Bostrom, the 32-year-old business owner was hailed as the council’s youngest member and its first Somali-American. Source: Hiiraan Online
  18. Seven years ago, the elite Kenya Defence forces launched an offensive operation in Somalia’s Kismayo town against Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  19. Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga dowladda Puntland ee gobolka Mudug ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay nin ku eedaysan dil habeen ka hor magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar lagu magaacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray). Nimco oo da’deeda lagu sheegay 22 sano jir ayaa wakhtiga la dilay ka soo baxday salaadda Taraawiixda waxaana dhuunta tooray uga dhuftay koox hubaysan oo goobta ka baxsaday. Gabadha oo dhaawac culus qabta ayaa markiiba loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay ugu geeriyootay dhaawacii loo geystay. Ciidamada amniga ayaa kadib saacado baaritaan ah waxay xalay shaaciyeen in gacanta lagu hayo nin ku eedaysan dilka gabadhaasi kadib markii sida ay sheegeen la tixraacay raadad iyo tibaax la helay. PUNTLAND POST The post Nin loo qabtay dilkii Gaalkacyo loogu geystay Nimco Xuuray appeared first on Puntland Post.
  20. Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland. Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay [...] Source
  21. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa maanta xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Cabdiqaadir Xuseen Nuur. Xilwareejinta ayaa waxaa ka soo [...] Source
  22. A recent report by the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) indicated that at least 4.2 million people in Somalia need urgent life-saving humanitarian support. Source: Hiiraan Online