-
Content Count
208,529 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Gaanshiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa Xisbiyada ugu baaqay inay xal deg deg ah ka gaadhan khilaafkooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, si ay Doorashadu u dhacdo, waxaanu ugu baaqay in looga baahan yahay isku tanaasul iyo inay masiirka umadda ka fikiraan. Wasiirkii Gaanshiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Komishanka Somaliya ay yidhaahdaan Somaliland ayaanu Doorashooyinka ka qabbanaynaa, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo baaq u diraya Xisbiyada “Axsaabta Somaliland maaha dawladdo cadawaadi ka dhexeeyso, oo dhufays iskugu jira ee waxaa looga baahan yahay go’aan caafimaad qaba inay isku raacan, waxaa looga baahan yahay inay masiirka umadda ka fikiraan oo isku tanaasulka iyo wada tashigii aynu caanka ku ahayna ku dhaqaaqan, oo waxay isku hayaan ay ku xaliyaan, Doorashadu waa hal maalin oo sanduuqa warqad lagu rido, laakiin waxaa ka muhiimsan in marka hore khilaaf kasta iyo wax kasta oo la isku hayo inay Axsaabtu iskugu yimaadaan, oo ay wax is weydiiyaan, xalna ay ka gaadhan, ha noqoto Komishankan, ha noqoto tirada Komishanka ee la isku hayo, ama ha noqoto Doorashada lafteeda, ilaa hadda saddexda Xisbi go’aan ay ka midaysan yihiin may gaadhin, wakhtiguna uu is gurayaa, Doorashadiina wakhtigeedii uu inagu soo dhaw yahay, markaas waxba yaan la sii kala fogaanine, ee ha la isku soo dhawaado, oo xal midaysan ha la wada gaadho, maxaa yeelay maanta inagu waxaynu Caalamka ka iibinaynaa oo aynu ka rabnaa waa aqoonsigii, laakiin haddii mar walba khilaaf iyo isqabsi aynu ka bixi weyno, ciddina ina ictiraafi mayso, ee si ay wax walba inoogu hagaagan, oo Caalamkuna inoogu soo joogsado, Ictiraafna aynu u helno, waa inaynu dhexdeena ka heshiina, oo Xisbiyadu heshiis dhab ah ay gaadhan”. Mar uu ka hadlaayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Komishanka Somaliya, ayaa yidhi “Dadku inta badan waxay riyoodaan marka ay hurdaan, laakiin aad bay u adag tahay inay dadku riyoodaan marka ay soo jeedaan, weedha ka soo yeedhay Komishanka Somaliya ee ah Somaliland ayaanu Doorasho ka qabanaynaa, oo aanu sanaaduuq dhigaynaa waxaan u arkaa riyo aan sinaba suurtagal u noqon doonin, tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara, waxaanu leenahay Komishanka Somaliya adeer xitta habeen madaw Doorasho kama qaban kartaan Somaliland ee iska daaya riyada aad ku jirtaan idinka oo soo jeeda, oo bal baylahdiina dib u hagaagista, waxba Somaliland ha isku mashquulinane” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada, waxaana naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka aanu Wasiirka Seerbiya is dhaqaajin, waxaanu Wasiir Ivica ku yidhi Madaxweyne Farmaajo, “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.” Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye. Source
-
(SLT-Washington)-MacKenzie Bezos, oo ah xaaskii hore ee madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos, ayaa ballan qaadday in kala badh lacagteeda ay bixin doonto. Waxay ka mid noqotay bilyaneerrada sida Warren Buffett iyo aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates ee qayb ka mid ah maalkooda deeq ahaan u bixinaya. Mr Buffett iyo Mr Gates ayaa markii ugo horreysay codsi diray waxayna ugu baaqeen dadka ugu taajirsan dunida in kala badh amaba ka badan maalkooda ay bixiyaan. Ms Bezos waxay haysataa lacag gaadheysa $37bn (£29bn). Iyada iyo Mr Bezos ayaa kala tegay horraantii sanadkan. Waxay dalbatay 4% ka mid ah lacagta shirkadda. Baaqan ayaa waxaa saxiixay 204 qof, lammaaneyaal iyo qoysas ka soo kala jeeda 23 dal. Duqii hore ee magaalada New York Michael Bloomberg iyo aasaasaha CNN Ted Turner ayaa ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee baaqaasi aqbala sanadkii 2010. Sanadkii 2015 aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg iyo xaaskiisa Priscilla Chan ayaa ku biiray liiska, iyagoo sheegay inay bixin doonaan 99% saamiyada ay shirkadda ku leeyihiin. Wuxuu sheegay inay maalkooda ugu deeqayaan hay`adda Chan Zuckerberg Initiative si ay dunida uga dhigaan meel wanaagsan oo ay ku noolaato gabadhooda Max. Mr Bezos kama mid aha dadka baaqan aqbalay. Sanadkii hore wuxuu $2bn ugu deeqay hayad si loogu caawiyo dadka hoy laaanta ah iyo in lagu dhiso iskuullo . Tallaabadan ayaa mudatay cambaareyn kaddib markii Bezos lagu eedeeyay in aanu si wanaagsan ula dhaqmin shaqaalihiisa. Source
-
(SLT-Delhi)-Maalmo kadib markii hoggaanka loo doortay markale Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa waxuu isku dayayaa in uu hanto kalsoonida qowmiyada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Hindiya. Xisbiga Bharatiya Janata (BJP) oo hoggaanka uu u hayo Modi ayaa markale loo doortay iyadoo ololihii doorashada intii lagu jiray dhibaato badan loo geestay Muslimiinta Hindiya. Raysal wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in asxaabta mucaaradka ayna ka hadlin waxa ay u qabanayaan Muslimiinta gaar ahaan waxyaabaha asaasiga oo ay u baahan yihiin sida caafimaadka iyo Waxbarashada. Modi ayaa intaa raaciyay in faquuq kala duwan ay la kulmeen intii lagu guda jiray codbixinta lagu soo doortay baarlamaanka cusub, gaar ahaan deegaanada Mucaaradka. Balse xildhibaan Asaduddin Owaisi, oo ah xildhibaan rug cadaa ah ayaa sheegay in ayna soo dhaweyneyn khudbada Modi uu uga hadlay qowmiyada Muslimiinta dhibaatada Heysata. Saacado kadib markii lagu dhawaaqay natiijada ayuu sheegay in si aan ganbasho laheyn loo weeraray deegaano ay ku nool yihiin Muslimiinta Hindiya, waxaana falkaan ka danbeeyay taagerayaasha xisbiga haya Talada. Hogaamiyaha xisbiga Majlis-e-Ittehadul Muslimeen mr Asadudin Owasi ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaaraha Hindiya haddii ay dhab ka tahay hadalkiisa in uu la yimaado ficil wax lagaga qabanayo dhibaatada iyo weerarada ay la kulmayaan muslimiinta Hindiya. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay mar kale u geftay Soomaaliya, isagoo caddeeyay inay saddex dal u qeybisay, kuna dartay Somaliland iyo Puntland Liiska dalalka wakiilada ka jooga. Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay oo la socday Liiska Qunsuliyadaha Guud ay Itoobiya ku leedahay dalalka dibadda ay ku dartay Somaliland iyo Puntland inay dalal yihiin. “Itoobiya Wasaaradeeda Arrimaha dibadda mar kale ayay u geftay Soomaaliya, dalkeena ayay saddex u qeybisay, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran, waxaa ku jira Puntland iyo Somaliland, Soomaaliya Muqdisho ayay matashaa”ayuu yidhi Yuusuf Garaad. Yuusuf Garaad ayaa yidhi “Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya, Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay inay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda” Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay arrintan ka hadasho oo ay waajibkeeda gudato, isla markaana aanay aheyn arrin laga aamuso. Halkan ka akhriso Lifaaqa Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya: http://www.mfa.gov.et/home/Missions Source
-
Kismaayo (PP) ─ Ciidanka Jubbaland, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay hawl-gallo ka sameeyeen dhul ka baxasan deegaanka dhiif Diif ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan hawl-galka fuliyay ay Dhoobleey ka dhaqaaqeen, ayna wateen gaadiidka dagaalka, waxaana saraakiisha hawl-galka hoggaaminayay ay sheegeen inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaannada Jubbaland. Taliyaha ciidanka Jubbaland Dhoobleey, Haybe Axmed C/llaahi iyo saraakiil kale oo qayb ka ahaa hawl-galka ayaa waxay sheegeen in intii hawl-galkan uu socday aysan jirin wax dagaal ah oo dhex-maray iyaga iyo Al-shabaab, ayna tageen deegaannadii la sheegay inay ku sugnaayeen xoogagga ururka Al-shabaab. “Hawl-galkan qorshihiisu wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee deegaannada Jubbaland, gaar ahaan goobaha hawl-galka laga fuliyay oo ay ku dhuumanayeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, guul ayaana kasoo hoynay,” ayuu yiri Taliye Haybe oo si kooban ula hadlay warbaahinta. Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka Jubbaland ee deegaanka Diif Liibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inay ka go’aan tahay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose. Al-shabaab ayaan dhankeeda ka hadlin hawl-galkan la sheegay in xoogag ka tirsan kuweeda lagu baacsaday, iyadoo la og-yahay in Kooxda Al-shabaab ay awood badan ku leeyihin deegaannada ku dhaw xuduudaha ay wadaagaan Somalia iyo Kenya. Ugu dambeyn, Ururka Al-Shabaab ayaa mararka qaar waxay weerarro ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM eek a socda dalka Kenya ku leeyihiin deegaannada ku dhaw xuduudaha Jubbada Hoose, waxaana dagaalladan ay sababaan khasaarooyin naf iyo maalba leh. PUNTLAND POST The post Hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Safiirka dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka horyimid qoraalkii kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahnaa Hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee shirarka ku qabta Kenya. Ambasador Tarsan, ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibadda ay xaq u leedahay inay soo saarto qoraalka kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka ee amarka lagu siinayay dhamaan Hay’adaha la shaqeeyay aysan shir ku qabsan karin magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Tarsan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka Jawaabi doonto qoraalka kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka, isaga oo sidoo kale sheegay inay habooneyd in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ka hadasho arimahaasi. “Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya” “Mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC. Xiisadda u dhaxeysa dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa sii xoogeysatay markii dowladda Kenya ay dal ku galka u diiday xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana kadib Jawaab ka bixisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (PP) ─ Danjiraha Soomaaliya u jooga Kenya, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] ayaa kaso o horjeestay go’aan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Somalia oo hay’addaha caalamiga ku wargelisay in dhammaan shirarkii iyo siminnaaradii lagu qaban jiray magaalada Nairobi loo wareejiyo waddamo kale, sida Itoobiya, Rwanda iyo Uganda. Tarsan ayaa sheegay in arrimaha ku saabsan arrimaha dibadda dalka aanan wasaarad kale laga wareysan karin, isagoo sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay hoggaamiso siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka. “Siyaasadda arrimaha dibadda Somalia waxaa majarha u haysa wasaaradda arrimaha dibadda, wasaarad kale oo laga wareysan karana ma jirto, waxay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda ayaa magaca dawlada ku hadlaya,” ayuu yiri danjire Tarsan. Sidoo kale, Danjiraha ayaa hadalkiisa ku daray. “Mar aan toddobaadkan shir la qaatay wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Monica Juma waxay ii sheegtay inay ka jawaabi doonaan bayaan ay soo saaratay Somalia.” Daniraha wuxuu intaas ku daray in shir ka dhacay Nairobi oo lagu xusayay sanad-guurad ha’yadda Qaramada Midoobay ee UN Habitat, kaasoo markii u horreysay Afrika lagu qabtay, waxaa shirkaas ka qayb-galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo Somalia ay shirkaas u matalayeen wasiirka hawlaha guud, danjire daniraha Tarsan iyo mas’uuliyiin kale. “Kulankan wuxuu ahaa sanad-guuradii hay’adda UN Habitat oo markii ugu horreysay lagu qabtay Qaaradda Afrika, waxaa furay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Somalia waxa laga casuumay guddoomiyeyaal fara badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dib-u-dhiska, guddoomiyeyaashii la casuumay qaar ka mid ah ma imaan, waxaana joogay aniga oo ka socda safaaradda iyo xubno kale,” ayuu hadalkiisa ku daray danjiraha Somalia u fadhiya Kenya. Dhanka kale, wasaaradaha xukuumadda ayaa haatan u muuqda kuwo isku khilaafsan arrinta ku saabsan shirarkii iyo siminnaaradii lagu qaban jiray magaalada Nairobi, iyadoo go’aan aan rasmi ahayn oo dowladda gaartay lagu sheegay in shirarka iyo siminnaarada wasaaradaha ee Nairobi loogu qaban jiray loo weeciyo caasimadaha dalalka Uganda, Rwanda iyo Itoobiya. Ugu dambeyn, Xukuumadda Nairobi ayaa dhawaan billowday tallaabooyin ay cadaadis ku saareyso mas’uuliyiinta dowladda, waxaana dhawaan dal-ku-galkii ay u diidday xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dowladda Somalia oo horay looga siin jiray fiisooyinka garoonka diyaaradaha Kenya, taasoo caro xoog leh dhalisay. PUNTLAND POST The post Danjiraha Somalia ee Kenya oo si kulul uga hadlya Go’aan kasoo baxay Wasaaradaha DF appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Qaahira)-Wariyaha Tv-ga Al Jazeera Maxamuud Xuseen ayaa markale dib loogu celiyay gaal shiraha Tora ee dalka Masar sababo aan la Shaacin. Qoyska saxafigaan ayaa war saxaafadeed ay soo saareen salaasadii shalay lagu sheegay in baadhitaan cusub oo ka dhan ah wariyaha ay furtay dowlada Masar. Saxafigaan ayaa xukun la,aan hore xabsiga ugu qaatay in ka badan 880 maalmood. Khamiistii la soo dhaafay oo Taariikhdu aheyd 21-da bisha May ayey aheyd markii maxkamada Masar ay amartay in xabsiga laga sii daayo wariyahan u shaqeeya Tv-ga laga leeyahay dalka Qatar. Source
-
(SLT-Nairobi)-Masuul reer Kenya ah ayaa la xidhay isaga oo lala xidhiidhiyay gaadhi uu ku sawiran yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya oo dhar millatari loo xidhay, sida uu ku warramay wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard. Ninkan la xidhay oo lagu magacaabo Julius Macharia ayaa ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Kiambu, gobolkaas ayaa dhaca badhtamaha dalka Kenya, ayuu intaas ku sii daray wargeyska. Masuulkaas waxaa lala xidhay darawalkiisii. Waxaa lagu eedeeyay in ay baska yar ku sawireen garaadaha ciidammada iyo calanka Kenya, arrintaasina ay sharci darro ka tahay Kenya. Labadooduba midna kama hadlin. Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in xidhitaankaasi uu yahay mid aan sharci ahayn. Source
-
Bogga rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxaa ku qoran in Soomaaliya ay tahay saddex dal, Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland. Mar ay daabacayeen goobaha ay u fadhiyaan wakiilo diblomaasiyadeed ayey gooni u saareen Somaliland iyo Puntland, kana dhigeen dalal gaar ah. Eeg lifaaqa, dalalka ay qunsuliyadaha guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran taxa dalalka, laakiin Soomaaliya Muqdisho uun ayay matashaa, taxa dalalka waxaa kula jira Puntland iyo Somaliland. Arrintan waa meel ka dhac kale oo muddo todobaad ah, waxaa ay horay isla wasaaradda kharaadiidda Afrika uga saartay Soomaaliya, oo ay dalkeeda ku dartay. Inkasta oo ay ka saartay, kana cudur-daaratay, hadana Muqdisho arrimahaas weli kama hadlin, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kolonyo AMISOM Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Waqooyiga Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa goordhow waqooyiga magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay kolanyo gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM. Sida uu Goobjoog News u sheegay qof Goobjooge ah waxaa uu qaraxa ka dhacay inta u dhaxeysa X Control iyo SOS, gaar ahaan maqaayadda Barwaaqo. Qaraxa kadib, ciidamada AMISOM ayaa xabado ku furay deegaanka, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare, laakin lagama hayo wax faahfaahin ah. Gaadiidka AMISOM ayaa ka tagay dhanka Waddada Warshadaha iyaga oo ku sii-jeeday xerada Maslax ee duleedka Muqdisho. Faah-faahinta kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay nin looga shakiyay dilka Marxuumad Nimco Cumar Shire oo Habeen ka hor ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ninkaasi uu haatan ku xiran yahay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo, islamarkaana ay ku hayaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale saraakiishu waxa ay timaameen baaritaanadaasi kadib ay ka warbixin doonaan howlgalladooda. Nimco Cumar Shire oo 12 jir aheyd ayaa Habeenkii Talaadada la dilay, xilli ay ka soo baxday Masjid ku yaalla magaaladaasi oo ay ku soo dukatay Salaada Taraawiixda. View the full article
-
Dadka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in lala socodsiiyo arrimaha ku saabsan khayraad ka waddan kooda. Waxaa badatay ku-tiri ku-teen iyo mala badan oo aan cilmiyaysanayn. Maanta wa in la gaaraa dhabta iyo salka arrimahaan. Maxaa keenay sannado tiro badan oo la sahmiyay shidaal, la qoday in la waayo shidaal la ganacsi-geyn karo? Baaris Jiyofisikeed (Geophysical surveys): Hawsha ugu horrayso ee shirkad haysata ruqsado PSA da waxay tahay inay baaris sammayso, hubiso dhulka dhexdiisa inuu ku jiro shidaal. Hawshaas waa jiyofisika. Shaqo badan oo baaris ah: warbixinno jiyooloojik ah, baaris jiyofisikeed (gravimetric, magnetic iyo seismic) ayaa ka horraysay ceelal-qodidii laga sameeyay Soomaaliya. Adeegga seysmikada waxaa bixiyay shirkado badan kooda ahaa Ameerikaan, haba ugu horreysee Schlumberger. Shirkada haasi waa kuwii sammeeyay jidad ka toosan, oo maanta loo yaqaan jid-Ameerikaan, dhab ahaan na ah xariiqyo saysmikeed (seismic lines). Hirar jabaq ah (sound waves) ayaa baabuurro taayarro waaweyn leh oo gariir abuuri kara ayaa dhulka lakabyadiisa kala hooseeya dhex-marinaya hirar. Hirar kaasi way soo noqonayaan ayagoo ku socda xawaare kala duwan, oo calaamad u ah lakabyada dhulka dhex diisa ah. Waxaasi dhammaan ahaan waa la baroosees gareenayaa, oo ka gadaal la turjumayaa. Waxaa soo baxaya dhulka qaab-dhismeed kiisa: dagaxda dhali karta shidaalka, dhagaxda kaydin karta, dhagaxda dabooli karta shidaalka. Waxaa soo if-baxayaa meelaha laga raadin karo shidaalka iyo moolnimadiisa. Shirkadaha noocaan ah ujeedadooda waxay tahay inay caawinaan shirkadaha qaatay concessions ka ama Hashiiska Shidaal Raadinta iyo Soo-saarka Shidaalka. Hawshooda waxaa loogu talo-galay in la meeleeyo barta ceelka laga qodi doono, ceelka dherer kiisa, iyo lakabyada hadaf ka ah. Ceelashii ugu dambeeyay ee la qodo waa kuwii Dharoor, Puntland ee Africa Oil. Ceelal Qodid (Well drilling): Shirkadaha heshiisyada ku jira waxay kensadaan shirkado ceelal-qodidda ku takhasusay. Soomaaliya waxaa laga qoday ceelal tiradoodu gaarayso ka badan 65 oo badan koodu berriga ah; kuwa tiro yarna badda ku yaallaan. 10 ceel way ka yar yihiin ceelaha badda laga dhex qoday. Marka laga darso dhanka Km2 inta ceel ku jirto, Soomaaliya cufnaanta tirada ceelasha aad iyo aad bay u hoosaysaa. Ceelashaas badan kooda waa laga waayay shidaal (dry), qaarna waxay lahaayeen wax muujinaya in batrool ama gaas (gas or oil shows). Ceelka Afgoi-1 ayaa 3 beri isku xigto la flare gareeyay oo laakiin damay; Coriolei-1 iyo Merca-1 xoogaa saliid (batrol) ayaa lagu arkay. Dhammaan tood mug ganacsi gali kara ma lahaynin. Dhinaca Waqooyiga (Somaliland ama Puntland) kala barkii 1980 mayadii shirkadaha shidaalka way ku soo xoomeen ka dib markii shidaal laga helay Yemen oo isku jiyooloji yihiin gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Shirkadda Texaco (Chevron), Conoco, Amoco iyo kuwa la mid ah waxay durbadiiba ku degdegeen hawsha saysmikada; si dhaqso ahna ceel-qodid u gudbeen. Conoco labo ceel ayay ka qodday Sool, waxayna u gudubtay Nugal-1 oo Garoowe laga qodayay. Chevron waxaa u socday qodidda Ceelka Zaylac koofur tiisa ahaa, mid kale na waa ku xigi lahaa. Laakiin amni-darrada iyo SNM hawsheeda ayaa soo korodhay. Dhinaca koofurta, waxaa socday Ceelka Mudun-1 ee shirkadda Amoco ay wadday. Hawlahaas dhammaan tood waxay istaageen ka dib Soomaaliya markay gashay xasilooni-darro iyo qalaanqal siyaasadeed sannadkii 1990. Su’aal: Haddaba, su’aasha muuqato in lays weydiiyo waxay tahay, “Ceelasha la qoday maxaa looga waayay shidaal: saliid dareere ah ama gaas hawo ah oo gali kara ganacsi? Jawaabta su’aashaas waxay salka ku haysaa arrimahaan: Jiyoolojik model ka laga fahmay dhulka inuu ku sammaysmay. Sannadihii ugu horreeyay hadafyada inta badan waxay ahaayeen dhismooyin saabab (anticlines structures) ama meelaha qaar faults ah. Mar kasta ceelasha waxaa hadaf u ahaa in laga dul-qodo dhismayaasha saableyda ah (anticline ama faults). Sydney Barnes (Jiyoolojistihii ka mas’uulka ahaa hawlihii baarista shidaalka Shirkadda Sinclair) marku dib-u-eegid ku sammeeyay sababta ceelasho shidaal looga waayay wuxuu yiri, ‘Waxaa ka fiicnaan lahayd annagoo shidaalka ka raadina stratigraphic traps oo ah meelaha uu iska beddelo dhagaxa noociisa. Wuxuu ku qirtay qoraal kiisii AAPG 1976. Waxaa la qaatay jiyooloojik model khalad ah. Soomaaliya waxay ka sammaysan tahay shidaal-qabatiinno (petroleum basins) kala duwan oo dhismahoodna ku salaysan fikrado joolojiyeed kala duwan. Tusaale ahaan, shidaal-qabatiinka Mandheera-Luuq (Mandhera-Lugh Basin) waa rift basin; Shidaal-qabatiinka Xeebaha waa Passive Margin iyo wax la mid ah. Ceelal badan oo la qoday may gaaraynin dherer kii (moolnimada) loo baahnaa, waxaana ka mid ah Hobyo-1, oo aan gaarin Jurassic/Triassic – sida Adigrat Formation, oo lagu tuhmo inuu yahay lakab shidaaleed. Marar badan waxaa muuqday in la isticmaalay xogo saysmikeed (seismic data) oo khaldan. Waxaa kaloo muuqatay in laga qoday ceelasha qaarkood meelo khaldan, oo aan ku habboonaynin in lagu meeleeyo ceelka shidaalka. Soomaaliya shidaal la’aan miyaa? Caddayn kasta oo ah inuu shidaal ku jiro Soomaaliya ayaa la hayaa, marka laga fiiriyo dhinaca seeps (siimowga shidaal) ka, iyo jiritaanka petroleum system iyo waxa uu u baahan yahay. Hayeeshee fahamka tadhawurka dhulka iyo siduu ku sammaysmay ayaan la garanin sidii la rabay. Markii la baaray badda koofureed, ayaa joolojiyiinta xoogaa la fahmay. Weli way socotaa in la sii fahmo dhulkaan qaabka uu sammaysmay. Waxaa kaloo isbeddelay arrimaha shidaalka ee Geeska Afrika. Waxaa shidaal laga helay: Degmooyinka Wardheer-Shillaabo ee Ethiopia. Dhul kaasi waxay jiyooloji-wadaag yihiin Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. Dhawaan waxaa shidaal laga helay Ceel Qoran, Ethiopia ee Bakool ka soo horjeeda. Dhinaca kale, badda koofureed iyo xeebaha waxay la wadaagaan qaab-dhismeedka badda Kenya ee Lamu ka koofursan. Taasna shidaal ayaa laga helay. Baaristii u dhexaysay 2015-2017 kii ee badda Soomaaliya waxay dabool ka qaadeen 3 shidaal-qabatiino (petroleum basins) oo ah kan Jubba (badda Kismayo), kan Barawe iyo kan Galmudug. Saddexda waxaa lagu qiyaasay inay ku jiraan 30 bilyan ee fuusto shidaal ah. Qiyaastaan waxaa lagu caddayn karaa oo kali ah in la qodo meelahaas oo batrool ka laga soo saaro. Rajo iyo yididiilo cusub: Shaqada casriga ah ee laga qabtay dhanka daraasaad ka badda koofureed ee Soomaliya waxay gelisay shacab ka Soomaaliyeed rajo cusub iyo yididiilo. Dhawaan waxaa la rajaynayaa in shidaal laga helo badda Soomaaliya, haddii shirkado lala galo heshiisyo PSA ah oo qoditaan billaabmo. Waxaa in badan isbeddelay dhawaanahan teknoolojiyada baarista iyo qodidda taasoo sababi karta in Soomaaliya shidaal laga helo. Midda kale waa arrin siyaasadda ku xiran: Soomaaliya waa in xasilooni siyaasadeed ku baahdaa taasoo shirkadaha maalgelinta sammaynaya aad ugu baahan yihiin. W/Q: Prof Cabdulqaadir Abiikar Xuseen; Hormuud (Dean), Kulliyadda Jiyosaynis & Bii’ada ; Jaamacadda Benadir, Muqdisho, Somalia; dean-geoscience@bu.edu.so; qaadir.abiikar@hotmail.co.uk; Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku sameeyay baraha ciidamada dowladda kaga sugan yihiin, isaga oo saraakiisha amaanka la wadaagay waxyaabaha uu lasoo kulmay. Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu tagay wadada Warshadaha Bar koontaroolo ku yaalay oo ciidamada amaanka ay difaac kaga jireen, waxaana uu wasaaradda amniga iyo taliyaasha ciidamada u sheegay qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada. Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeerkiisa waxyaabaha uu ku arkay waxaa kamid ah qaabka ciidamada u shaqeeyaan iyo dhibaatooyinka ay qabaan, sidoo kale wuxuu arkay dadaalka ciidamada dowladda ay sameynayaan. Ujeedka waxa uu ku sheegay in uu qiimeeyo Askarta sugaya ammaanka ee ku sugan Baraha kontorolaada iyaga oo aan lagu wargelin ama ka war heyn socdaalkiisa. Intaas kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta ammaanka isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa howlgalada, maadaama qaybaha dambe ee bisha Ramadaan lagu jiro, isla markaana ay soo dhawdahay munaasabadda Ciidul fidriga. C/Naasir Saciid Muuse Wasiir ku xigeenka amniga gudaha ayaa sheegay in Kormeerka kadib saraakiisha amaanka lagu wargeliyay dhamaan waxyaabaha ciidamada ka dhiman iyo waxyaabaha ay heystaan. “Xasan Cali Kheyre wuxuu kormeerkaan uu ahaa mid uu si gaar ah u aadayay meelaha ciidamada ay joogaan, isaga oo u kuur galayay xaalada amaanka, wuxuu kormeerka kadib uu la kulmay saraakiisha amaanka iyo Hay’adaha amaanka, isaga oo la wadaagay waxyaabaha uu kusoo arkay kormeerkiisa” “Waxyaabaha uu arkay waxaa kamid ah caqabadaha ay qabeen ciidamada uu soo arkay, waxaa la doonayaa in ka hor ciida in aad loo sii adkeeyo amaanka magaalada Muqdisho, Waana lasii xoojinayaa xaqiijinta amaanka”ayuu yiri Wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Howlwadaag ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee u gudubta wareega Sama-Finalka ee taratnka Shabelle, kadib markii xalay aY guul ka gaartay deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Tartamayaasha labada dhinac ayaa muujiyay dadaal dheeraad ah, hayeeshee waxa ay guusha raacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaaadir. Todobo su’aal oo la weydiiyay waxa ay ka jawaab celisay lix ka mid ah, sidaasina waxa ay ku keensatay 12 Buundo. Bargaan oo iyana la weydiiyay todobo su’aal waxa ay tartamayaasha matalayaY ka jawaabeen 5 ka mid ah, sidaasina waxa ay ku heleen 10 dhicood. Guud ahaan waxaa tartanka isag haray deegaanka Bargaan, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha tartan aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Caawa waxaa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ku madlan degmooyinka Shibis iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Degmada badisa waxa ay iska xaadirin doontaa wareega afar dhamaadka ee tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Taaba gelinta sanadkan ee tartanka waa shirkadaha ganacsiga ee Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay Arday uu maalintii saddexaad Muqdisho uga socdo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane C/laahi Goodax Barre iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa booqasho ku tagay Iskuulka 15 May ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah goobaha lagu galayo Imtixaanka dowladda. Mas’uuliyintan ayaa Ardayda u sheegay in ay farxad gooni ah u tahay booqashada Iskuulka, maadaama ay ka mid ahaayeen Ardaydii ugu horreysay ee todobaatameeyadii ka aflaxday dugsiga 15 May oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee qadiimiga ah. Sidoo kale xubno ka tirsan golaha shacabka, gaar ahaan guddiga arrimaha bulshada ayaa shalay kormeeray goobo ka mid ah meelaha ay Ardaydu ku galayaan Imtixaanka. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaraddeeda Waxbarashada ayaa dadaal ku bixineysa Imtixaanada Mideysan ee dowladda, maadaama uu horay hakad ugu yimid, sababo la xariira xogtiisii oo dibadda u baxday. View the full article
-
Iyadoo xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Muqdisho iyo Nairobi ee salka ku haysa xudduud badeedda ay ka sii dareyso Kenyana ay mamnuucday duulimaadyadii sida tooska ah uga soo bixi jiray Muqdisho ee tagi jiray garoonka Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi amartayna in duulimaadyada ay marka hore ku dagaan garoonka magaalada Wajeer. Waxay Kenya sidoo kale qaadday tillaabo kale oo cadaadis lagu saarayo Soomaaliya markii ay u diidday mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya inay gudaha u galaan Kenya waxayna arrintaan mugdi gelisay hawlgallada milatari ee Kenya ka wadday Soomaaliya iyadoo labada dalba ay ka war sugayaan xukunka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda si loo dhammeeyo muranka xudduud badeedda ee labada dal. Ciidamada dalka Kenya ayaa muddo todobo sano ah gacanta ku hayey garoonka iyo dekedda magaalada Kismaayo tan iyo markii Kismaayo lagala wareegay Xarrakada Alshabaab sannadkii 2012kii. Muranka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaan saameyn ku yeelan iskaashiga milatari ee waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Waxaa jiray warar sheegaya in ciidanka Kenya ay qorsheynayaan inay ka baxaan dalka Soomaaliya kaddib markii qilaafka labada dal uu sii xoogeystay. “Arrimaha siyaasadda la xiriira waxaa wax looga qaban doonaa heer siyaasadeed, annagana waxaan hadda ilaalineynaa sharciyaddeenna, hawlgalka iyo ujeedda waa 2018 illaa 2021.” Waxaa hadalkaan saxaafadda u sheegay Meshag Keshoyan oo ah taliyaha ciidamada lugta ee ku sugan magaalada Kismaayo. Su’aasha ku saabsan goorta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya ma cadda ciidankuna waxay u muuqdaan kuwo aan daneyneyn inay arrimaha siyaasadda saameyn ku yeeshaan laakiin waxay si buuxda uga war-hayaan amarka ay u haystaan hawlgalka AMISOM ee soconaya sannadaha 2018 illaa 2021. Ciidamadu waxay sheegeen inay hadda kala talinayaan ciidamada Qaranka Soomaaliya hawgallada si wadajirka ah loo qabto ee lagu xaqiijinayo ammaanka dalka Soomaaliya. “Waxaan si aad ah u hubnaa innagoo aaminsan ujeedka hawlgalka kaasoo ku socda si tartiib ah ineynaan bixin AMISOM ahaan illaa ciidanka Soomaaliya ay awood u helaan sidii ay ula wareegi lahaayeen hawlgalka” ayuu yiri taliyuhu. Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay Dekedda Kismaayo u isticmaalaan dhoofinta dhuxusha sida mas’uuliyiin Kenyan ah iyo ururro caalami ahba sheegeen laakiin arrintaan waxaa iska fogeeyey Meshag Keshoyan oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Kismaayo jooga. “Amniga dekedda ayaan sugnaa laakiin dowladda Jubbalanad ayaa dekedda maamusha iyo xataa garoonka diyaaradaha, annaga amniga ayaan xaqiijinnaa iyaguna wey maamulaa.” ayuu yiri Keshoyan. KTN. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa booqday in ka badan 30 Isgoys oo ku yaalla waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warashadaha oo lagu sugo amniga Caasimadda. Isgoysyada uu Ra’iisul wasaaruhu tagay waxaa ka mid ah Sanca, Darjiinka, Siinaay, Howlwadaag, Bakaaraha, Black Sea,Baar-Ubax, Ex Koontarool Afgooye iyo kuwa kale. Intii uu booqashadan ku guda jiray Ra’iisul wasaaruhu waxaa la hadlay qaar ka mid ah dadka shacabka oo uu xog wareystay. Sidoo kale Ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa intaasi kadib kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka G/ Banaadir. Kulankan ayaa diirada lagu saaray xoojinta ammaanka magaalada Muqdisho oo ay haatan howlgallo ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. DFS ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaalada Muqdisho oo mararka qaar weeraro ay ka geystaan Al Shabaab, waxaana haatan Caasimadda ka socda baaritaamo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed. Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista. Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-29052019-sx.mp3 View the full article
-
Magaalada Beledweyne ee ku taal bartamaha Soomaaliya ayaa yeelatay duqii ugu horreeyey oo gabar ah ee dalka waana Safiya Xasan Sheekh Jimcaale. Xilkaan taariikhda galay oo ay Safiya heshay ayaa ku yimid markii uu u magacaabay Maxamed Cabdi Waare oo ah hoggaamiyaha Maamulka Hir-Shabeelle oo Beledweyne ay u tahay caasimad. Warar ayaa sheegaya in Safiya xilka loo dhiibay uu yahay mid ku cusub iyadoo horey u soo noqotay guddoomiyaha degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho. Iyadoo la hadleysay idaacadda VOA kaddib magacaabisteeda ayey carrabka ku adkeysay inaysan ka gamban doonin wax-ka-qabashada arrimaha horyaal oo ay awoodda u leedahay. Magaalada Beledweyne ayaa ah caasimadda gobolka Hiiraan. Magaaladu waxay ku taal dooxada Shabeelle waxayna 210 mile uga beegan tahay magaalada Muqdisho dhinaca woqooyi. Wabiga Shabeelle ayaa u kala qeybiya dhinaca bari iyo kan galbeed. Dad Soomaaliyeed ayaa aad ugu tixgeliya haweenka dhammaan dhinacyada nolosha, haweenka ayaa qeyb ka ah labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, Waxay ku jiraan militariga iyo boliiska, waxay sidoo kale hayaan xilal wasiirnimo. Africa News. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale gef u weyn u gaystay qarannimada Soomaaliya una kala qeybisey saddex dal oo kala ah Somalia, Somaliland iyo Puntland. Bogga wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa waxaa ku taxan dalalka ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha, waxaana yaab leh in Somaliland iyo Puntland loo muujiyey dal ahaan. Waa dhacdaa in dal uu dhowr magaalo ku kala yeeshoo safiiro iyo qunsuliyado, hase yeeshee halkii ay ka ahayd in Hargeysa iyo Garoowe u dhigaan laba magaalo oo Soomaaliya ka tirsan oo ay qunsuliyado ku leeyihiin, waxay u dhigeen in Hargeysa tahay dalka Somaliland, halka Garowe tahay dalka Puntland. In arrintan aysan ahayn qalad qoraal oo ay tahay ku talo-gal iyo waxa Itoobiya aaminsan tahay waxaa caddeynaya in dhammaan dalalka kale ee ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay magacaabeen kaliya hal dal iyo dhowr magaalo, sida China, India, Saudi Arabia, Turkey iyo dalal kale. Eeg sawirka hoose. Soomaaliya waa dalka kale oo ay dhowr magaalo ku leeyihiin qunsuliyado balse ay saddex dal ku kala sheegeen. Waxaa la sugayaa jawaabta ay arrintan ka bixiso dowladda Soomaaliya. http://www.mfa.gov.et/home/Missions
-
Kenya remains key to Somaliland’s quest for international recognition, the Horn of Africa country's Ambassador to Kenya Bashe Omar has said. Source: Hiiraan Online