-
Content Count
208,524 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed. Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Sucuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo magaalada barakaysan ee Makkah kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta. Madaxweyne Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu dambeeyey ee dalalkaas, arrinta Yemen iyo Kooxda Xuutiyiinta oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaaday danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Source
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow qarax xoogan halkaasi uu ka dhacay . Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM,kuwaasi oo marayay wada aada dhinaca laanta Buuru, goob jooge ku sugan Magaada Afgooye ayaa xaqiijiyay in qaraxa la eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM balse aan la ogay khasaaraha ka dhashay maadaama ciidanka AMISOM ay Rasaas fureen ka dib qarax. Ilaa iyo hada si dhab ah looga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana sii kordhaya Qaraxyada lagu aaso wadada dhineeda. Qaraxaan ayaa noqonaya kii Sadexaad ee maanta ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM lagu eegto Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose waxaana maanta laba qarax ka dheceen duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed. Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka. View the full article
-
Fadeexad Ka taagan Magacyo uu Soo xushay Agaasimaha Caafimaadku Oo uu Doonayo In Shaqaallaha Dawladda Lagu Daro (SLT-Hargaysa)- Waa musuqmaasuqii abid ka dhaca Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, taas oo uu geystay agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye. Dadkan ku jira liiskan hoos ku qoran iyaga qudhoodu xaq bay u lahaayeen in loo qoro shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka laakin waxa jooga dadkii kaga xaqa lahaa ee sida mutadawacnimada ah uga hawlgalayay Cisbitaalada iyo MCH-yada dalka kuwaas oo joogay shan sano ilaa toban sano ilaa hadda-na aan ka mid ahayn shaqaalaha dawladda u diiwaangashan. Hadaba agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xergeeye ayaa liiskan qorey isagoo og in shaqaale tiro badani ka hawlgalaan Cisbitaalada & xarumaha hooyada iyo dhallaanka kuwaas oo wali quudareynayay rajana ka qabay inay mar uun ka mid noqdaan shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia. “Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Dhinaca kale, Madaxweynaha Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ka furmi doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Somali security forces on Tuesday killed a senior al-Shabab terrorist and three other fighters as they intensified assault against the insurgents in the Horn of Africa nation. “Al-Shabab leader in Adala district and three al-Shabab militants were killed in Gaharey, 40 km from Adale,” the ministry of information said on Tuesday evening. The ministry did not provide the identity of the senior al-Shabab leader killed. There was no immediate comment from al-Qaida allied group al-Shabab on the latest incident. Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on al-Shabab in central and southern Somalia, conducting consecutive operations to flush the militants out of those regions. The group still stages attacks against Somali and African Union peacekeeping forces, targeting their bases, hotels and other public places despite intensified operations from the allied forces. View the full article
-
Warbaahinta Goobjoog ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xariga weriye Cali Aadan Muumin, oo maalintii 2aad ku xiran magaalada Muqdisho. Qoraalka waxaa lagu sheegay in xariggiisu yahay sharci darro isla markaasna loo fuliyay hab ka fog hannaanka Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. Sidoo kale waxaa la xusay in hoggaanka Dembi Baarista (CID) uu ku xadgudbay xuquuqda muwaadinnimo ee Wariyaha iyo madax-bannaanida warbaahinta xorta ah ka dib markii ay ugu yeereen weriyaha su’aalo weydiin ka dibna ay xabsiga u taxaabeen. Waxaana dowladda loogu baaqay iney sii-daayaan weriyaha, xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, Xukuumaduna ay gudato mas’uuliyadda ka saaran tahay ilaalinta sharciga iyo xuquuqda uu Dastuurku siiyey dhowrista xoriyada ra’yiga iyo afkaarta muwaadinka Soomaaliyeed. “Bahda Warbaahinta Goobjoog oo horey hanjabaad iyo cagajugleyn kala kulantay hay’adaha Aminiga ee Xukuumada Federaalka Soomalaiya waxay welwel ballaaran ka qabaan in xarigga wariye Cali Adaan Muumin uu horudhac u yahay tallaabooyin kale oo ka dhan ah warbaahinta xorta ah mana la aqbali karo in howlwadeennada warbaahinta xorta ahi ay ku shaqeeyaan cabsi iyo argagax ay kala kulmaan Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri qooraalka Haddaba, Halkan Ka Akhriso War-saxaafadeedka: Guji : WAR-SAXAAFADEEDKA ama Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Da’yarta ee 17-jirada Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2018 soo tiigsaday kama dambeysta tartanka dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika kaas oo ka dhacay dalka Burundi. Deeq Cabdiraxmaan Taree waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wacdaraha kusoo bandhigay tartankii ka dhacay Burundi wuxuuna kasoo jeedaa qoys isboorti waxaana dhalay Cabdiraxmaan Axmed Macallin Taree oo iminka qeyb ka ah macallimiinta mashruuc horomarinta ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya. “Cidna kama fikraynin markii aan ka baxaynay garoonka Aadan Cadde in aan teegsanayno fiinalaha da’yarta Afrika,balse waxa ay ku timid hamiga iyo kalsoonida aan isku qabnay iyo dhiiri gelinta aan ka helnay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay ciyaaryahan Deeq Axmed Macalin Taree. Sawirro badan oo muujinaya horomarka laacib Deeq ayaa tan iyo sanadkii hore 2018 wax siw eyn u adeegsaday warbaahinta gudaha iyo dibada wuxuuna xidigana sheegay in uu ku faraxsan yahay heerka uu ka gaaray ciyaaraha kubbadda cagta. “Qoyska waa ay ku faanaan Deeq Cabdiraxmaan Taree waayo heer wacan ayuu labadii sano ee lasoo dhaafay ka gaaray heerka wax barashada iyo kubbadda cagta tani waxa ay guul u tahay qoyska uu kasoo jeedo oo ah dad isboorti ama (Family Sports) waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdiramxaan Macallin Axmed Taree oo ah aabaha dhalay Deeq qudhiisana qeyb ka ah tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya. Xirfadyahan Deeq Taree iminka waxa uu ka tirsan yahay xulka qaranka iyo kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo oo ka mid ah naadiyada ka dheela horyaalka Soomaliya,falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa laacibkan ku sheegaan in uu yahay xirfadle aad u sareeya. “Horomarka aan iminka ka gaaray ciyaaraha waa mid bilaw ah waxaa doonayaa in aan tariikh cusub sameeyo,si mustaqbalka ay caruurtayda ugu raaxeestaan nolashayada guulaha ee isbooortiga”Deeq Cabdiraxmaan Macallin Taree ayaa ugu waramay Goobjoog mar sii horeesay. Si kastaba xiriirada kubbadda cagta FIFA iyo CAF ayaa Soomaaliya ku amaanay dhisidda da’yarta,iyagoo xiriirka kubbadda cagta kula dardaarmay in ay xooga saaraan dhallinyarada heerka wax barasho oo ay do’dooda u dhaxayso 10-19-jir,si kubbadda cagta dalka ay u gaarto meel aad u saraysa. Halkan Ka Daawo Macallin Cabdiraxmaan Taree Oo Goobjoog ugu waramay guusha uu gaaray wiilkiisa W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cabdixakiim Xasan Ashkar u magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya u qaabilsan qoqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa u yeertay safiirada Soomaaliya u joogay dalalka Masar iyo Suudaan iyadoo ku amartay in ay mudda todobaad gudihiisa dalka ku soo galaan safiiradaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay safiirka Soomaaliya ee boqortooyada Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Puntland security forces arrested a man suspected to be behind the heinous murder of Nimo Omar Shire in Galkayo town of Mudug region this week. Puntland security officials confirmed that his man is currently in custody in the central Galkayo prison where he is under further investigations. Nimo Omar Shire, 12, was stabbed to death on Tuesday night after leaving a mosque in the city following the Tarawih prayer. Galkayo has seen in the past few months series of rape against young girls and killings as the city is jointly controlled by Galmudug and Puntland security forces. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro Al-Shabaab ay ka geysteen degmooyinka Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeeaha Dhexe. Qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Al-Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa, waxaana ay sheegeen inay ku dileen sarkaal magaciisa lagu sheegay Jiinow Cigaal. Al-Shabaab ayaa sheegay in sarkaal kale oo magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Raage uu ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay duleedka degmada Balcad, sidoo kale waxay sheegeen in ciidamo kale uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa ka dhacay duleedka degmada Balcad. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerar ka dhacay duleedka degmada Mahadaay, waxaana ay Al-Shabaab sheegeen inay weerarkaasi la eegteen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay qarax kula eegteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in qaraxaasi uu gabi ahaanba burbur u geystay gaari ay la socdeen ciidamada AMISOM. Marka laga yimaado sheegashada Ururka Al-Shabaab ee qaraxyada iyo weerarada ka dhacay Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya. Maamulka degmada Balcad ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaraxa ka dhacay duleedka degmada Balcad, kaasi oo saraakiil badan ay waxyeelo kasoo gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia Hassan Ali Kheyre paid an overnight tour to main security checkpoints in Mogadishu on Tuesday evening. The PM along with senior government officials including the mayor of Mogadishu, Eng Abdirahman Omar Osman, visited more than 30 checkpoints in the seaside city. During his inspection, the Prime Minister briefed by the security heads and interacted with young people socializing in business centers and discussed them about key challenges. Somali security agencies have beefed up security across the capital to avert attacks from Al-Shabaab during the holy month of Ramadan. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa sheegay inay raalli-gelin buuxda ka bixinayaan Khariidadii Qaaradda Afrika ee la soo dhigay Website-ka Wasaaradooda, taasi oo dalka Somalia lagu biiriyey Xuduudaha dalka Ethiopia. Afhayeenka oo lagu magacaabo Nebiat Getchew, oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in Khariidadaasi laga saaray Website-kooda, islamarkii lagu soo wargeliyey qaladkaasi. Warkan oo ay baahisay Warbaahinta Ethiopia, waxa uu Afhayeenku sheegay inay Wasaaradiisu soo saartay Hadal-qoraal oo ay kaga cuddur-daaranayso Qaladkii bishan May 25-dii lagu soo daabacay Website-kooda ee dalka Somalia looga tirtiray Khariidada Rasmiga ee Qaaradda Afrika. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia waxa uu tilmaamay inay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida Khariidada qaladka ahayd uga soo dhex muuqatay Website-kooda, isla markaana kuwii ka mas’uulka ahaa Mashaakilkaasi looga qadai lahaa tallaabooyinka lama huraanka ah. Khariidadaasi waxay abuurtay Xasaasiyad ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka wada gilgisheen, kuna tilmaameen falkaasi Daandaansi iyo xadgudub ka dhan Haybadda Xuduudaha dalka Somalia ee ay dalalka Caalamka wada aqoonsan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa warbixin kooban kaga hadlay gefka markii labaad dowladda Ethiopia ku kacday, kadib markii Puntland iyo Somaliland ay u aqoonsadeen dalal ka madax banaan Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay jawaab cad ka bixiso, gefka markii labaad ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia. Qoraalkiisa ayaa u qornaa SIdan:- Ethiopia Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale u geftay Soomaaliya. Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland. Eeg lifaaqa, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran Taxa dalalka, laakiin Soomaaliya Muqdisho uun ayay matashaa, taxa dalalka waxaa kula jira Puntland iyo Somaliland. Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya. Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda. Gefkii barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia markii ay daabacday Soomaaliya, oo marka laga reebo Somaliland lagu daray Ethiopia, ayaa dad is yiri khafiifiya. Waxay yiraahdeen labada Congo waa la isku daray. Sida kale labada Sudan. Waxaa xusuusin mudan in labada Congo ay Congo wada ahaayeen, sidoo kale labada Sudan, oo khariidaddu ay sidaa ahaan jirtay. Laakiin annagu goormaan Ethiopia isku dal ahaan jirnay oo khariidaddu ay sax ahayd? Lama sheegin cidda khariidadda sameysay iyo sababta. Dowladdeennu ha noo hadasho oo ha gudato waajibkeeda. Wax laga aammuso iyo wax kale ayaa kala jira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbadii uu jeediyay maalintii qaranimada Somaliland ee 18 May, wuxuu ku sheegay in 22% la kordhiyay dugsiyada reer guuraaga ee leh barnaamijka quudinta carruurinta Madaxweyne Biixi, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadiisu iska xil saartay horumarinta iyo dib u dhiska dugsiyada, kor u qaadista qalabka waxbarashada iyo kordhinta mushaharka macalimiinta. Hase yeeshee tobaneeyo maalmood ka dib khudbadiisa waxa soo baxaya faraq u dhexeeya khudbada Madaxweynaha iyo xaaladda waxbarasho ee deegaano ka tirsan Somaliland. Doodda Madaxweyne Biixi Madaxweyne Biixi, wuxuu khudbadiisa 18 May ku yidhi “Waxbarashada waxa koriya oo bar-baariya bahda waxbarashada oo ka saarta dadka mugdiga iyo jahliga, una gudbisa iftiinka aqoonta iyo hilaadinta himillada fog iyo horumarinta dalka. Xukuumaddu waxay iska xil-saartay horumarinta iyo dib u dhiska dugsiyada, kor u qaadida qalabka waxbarasho iyo kordhinta mushaharka macallimiinta. – Waxa la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda. –Waxa la qaybiyey 1,200,000 (Hal Milyan Lix Boqol oo Kun oo Buug) oo la gaadhsiiyey ardayda tiro badan oo kala jooga gobolladadalka. – Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 454 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka. – Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta.” Maalmo ka dib khudbadii Madaxweynaha Ka dib khudbadaas Madaxweyne Biixi ee dhinaca waxbarashada, waxa soo baxay faraq aad u weyn oo u dhexeeya warbixinta uu Madaxweynuhu jeediyay ee dhinaca waxbarashada iyo xaaladda waxbarasho ee dalka. Idaacadda Radio Ergo, oo ay maamulaan hay’ado caalami ahi ayaa shalay baahisay xaalad baahi dhinaca macalinimo oo ka jirt deegaano ka tirsan gobalka Togdheer. Idacadu waxay sheegtay in hal macalin uu waxbarao 120 arday oo ku nool deegaanka Gebagebo oo dhinaca waqooyi magaalada Burco ka xigta 90km. Magaalada Burco ayaa ah caasimadda labaad ee Somaliland, sidoo kalena ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka. Macalin Jaamac Xuseen Jaamac, ayaa wuxuu macalin u yahay ardayda deegaanka oo isugu jira lix fasal oo kala duwan oo uu wax baro subixii iyo galabtii, waxaanu dejistay nidaam u gaar ah oo u fududaynaya inuu kelidii ardayda tiradaas leeg wax u dhigo. Warbixintu waxay sheegtay inay wasaaradu waxbarashada Somalilanad awoodi weyday inay deegaankan u hesho macalin yimaada deegaanka, waxaanu Macalin Jaamac sheegay in aliflaha fasalku uu hadba caawiyo fasalka kale inta uu macalin ahaan isagu wax u dhigayo ardayda fasalada kale. Dugsigan gebogebo ayaa waxa dhistay bulshada deegaanka sanandkii 2010, waxaanu ka koobanyahay laba fasal oo keliya, waxaanay warbixintu intaas raacisay inaanu iskuulkani qaadan karin ardayda fasalada 7aad iyo 8aad macalinimiin la’aan iyo baahiyaha kale ee jirta dartood. 50% ardayda iskuulka dhigata ayaa ah hablo, sida ay warbixintu sheegtay. Macalinka keliya ee ardayda ay tiradoodu tahay 120 wax baraa, wuxuu mushahar u qaataa boqol dollar oo ay wasaaradda waxbarashadu siiso, halka ay waalidkuna arday kasta ka bixiyaan labaatan kun oo lacagta Somaliland si ay taageero ugu noqoto qoyska macalinka iyo weliba baahiyaha kale ee iskuulka sida nadaafadda iyo biyaha. Guddoomiyaha deegaanka ayaa Idaacadda u sheegay inay wasaaradda waxbarashada u gudbiyeen dalab ah inay u keento macalimiin kale maadaama oo arday kale la qorayo dugsiga sannadkan, waxaanu sheegay inay sannadkan rajaynayaan inay helaan laba macalin oo kale. Isu duwaha wasaaradda waxbarashada ee gobalka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaan, ayaa iadacaadda u sheegay in afar macalin loo qorsheeyay deegaanka Gabogebo laakiin ay macalimiintii diideen inay tagaan sababo la xidhiidhka jidka deegaanka taga oo ah mid adag. Wasaaradda waxbarashada ayay idaacadu sheegtay inay qorshaysay inay deegaanka u dirto qof ka soo jeeda oo buuxiya gaabka waxbarasho ee banaan, “Waxa naga go’an inaanu macalimiin u helno iskuulada deegaanka waqooyi ee ay ka mid yihiin Faqaayuub, Ceel-dheer, Gegebogo, Kalbare iyo Booraamo. Dugsiyadaasi waxay ka koobanyihiin laba fasal amaba hal fasal.” Sidaas waxa tidhi wasaaradda wabarashada oo intaas raacisay in macalin ay u diri doonaan deegaanka Gebogebo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Gaanshiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa Xisbiyada ugu baaqay inay xal deg deg ah ka gaadhan khilaafkooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, si ay Doorashadu u dhacdo, waxaanu ugu baaqay in looga baahan yahay isku tanaasul iyo inay masiirka umadda ka fikiraan. Wasiirkii Gaanshiga ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Komishanka Somaliya ay yidhaahdaan Somaliland ayaanu Doorashooyinka ka qabbanaynaa, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo baaq u diraya Xisbiyada “Axsaabta Somaliland maaha dawladdo cadawaadi ka dhexeeyso, oo dhufays iskugu jira ee waxaa looga baahan yahay go’aan caafimaad qaba inay isku raacan, waxaa looga baahan yahay inay masiirka umadda ka fikiraan oo isku tanaasulka iyo wada tashigii aynu caanka ku ahayna ku dhaqaaqan, oo waxay isku hayaan ay ku xaliyaan, Doorashadu waa hal maalin oo sanduuqa warqad lagu rido, laakiin waxaa ka muhiimsan in marka hore khilaaf kasta iyo wax kasta oo la isku hayo inay Axsaabtu iskugu yimaadaan, oo ay wax is weydiiyaan, xalna ay ka gaadhan, ha noqoto Komishankan, ha noqoto tirada Komishanka ee la isku hayo, ama ha noqoto Doorashada lafteeda, ilaa hadda saddexda Xisbi go’aan ay ka midaysan yihiin may gaadhin, wakhtiguna uu is gurayaa, Doorashadiina wakhtigeedii uu inagu soo dhaw yahay, markaas waxba yaan la sii kala fogaanine, ee ha la isku soo dhawaado, oo xal midaysan ha la wada gaadho, maxaa yeelay maanta inagu waxaynu Caalamka ka iibinaynaa oo aynu ka rabnaa waa aqoonsigii, laakiin haddii mar walba khilaaf iyo isqabsi aynu ka bixi weyno, ciddina ina ictiraafi mayso, ee si ay wax walba inoogu hagaagan, oo Caalamkuna inoogu soo joogsado, Ictiraafna aynu u helno, waa inaynu dhexdeena ka heshiina, oo Xisbiyadu heshiis dhab ah ay gaadhan”. Mar uu ka hadlaayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Komishanka Somaliya, ayaa yidhi “Dadku inta badan waxay riyoodaan marka ay hurdaan, laakiin aad bay u adag tahay inay dadku riyoodaan marka ay soo jeedaan, weedha ka soo yeedhay Komishanka Somaliya ee ah Somaliland ayaanu Doorasho ka qabanaynaa, oo aanu sanaaduuq dhigaynaa waxaan u arkaa riyo aan sinaba suurtagal u noqon doonin, tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara, waxaanu leenahay Komishanka Somaliya adeer xitta habeen madaw Doorasho kama qaban kartaan Somaliland ee iska daaya riyada aad ku jirtaan idinka oo soo jeeda, oo bal baylahdiina dib u hagaagista, waxba Somaliland ha isku mashquulinane” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada, waxaana naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka aanu Wasiirka Seerbiya is dhaqaajin, waxaanu Wasiir Ivica ku yidhi Madaxweyne Farmaajo, “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.” Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye. Source
-
(SLT-Washington)-MacKenzie Bezos, oo ah xaaskii hore ee madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos, ayaa ballan qaadday in kala badh lacagteeda ay bixin doonto. Waxay ka mid noqotay bilyaneerrada sida Warren Buffett iyo aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates ee qayb ka mid ah maalkooda deeq ahaan u bixinaya. Mr Buffett iyo Mr Gates ayaa markii ugo horreysay codsi diray waxayna ugu baaqeen dadka ugu taajirsan dunida in kala badh amaba ka badan maalkooda ay bixiyaan. Ms Bezos waxay haysataa lacag gaadheysa $37bn (£29bn). Iyada iyo Mr Bezos ayaa kala tegay horraantii sanadkan. Waxay dalbatay 4% ka mid ah lacagta shirkadda. Baaqan ayaa waxaa saxiixay 204 qof, lammaaneyaal iyo qoysas ka soo kala jeeda 23 dal. Duqii hore ee magaalada New York Michael Bloomberg iyo aasaasaha CNN Ted Turner ayaa ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee baaqaasi aqbala sanadkii 2010. Sanadkii 2015 aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg iyo xaaskiisa Priscilla Chan ayaa ku biiray liiska, iyagoo sheegay inay bixin doonaan 99% saamiyada ay shirkadda ku leeyihiin. Wuxuu sheegay inay maalkooda ugu deeqayaan hay`adda Chan Zuckerberg Initiative si ay dunida uga dhigaan meel wanaagsan oo ay ku noolaato gabadhooda Max. Mr Bezos kama mid aha dadka baaqan aqbalay. Sanadkii hore wuxuu $2bn ugu deeqay hayad si loogu caawiyo dadka hoy laaanta ah iyo in lagu dhiso iskuullo . Tallaabadan ayaa mudatay cambaareyn kaddib markii Bezos lagu eedeeyay in aanu si wanaagsan ula dhaqmin shaqaalihiisa. Source
-
(SLT-Delhi)-Maalmo kadib markii hoggaanka loo doortay markale Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa waxuu isku dayayaa in uu hanto kalsoonida qowmiyada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Hindiya. Xisbiga Bharatiya Janata (BJP) oo hoggaanka uu u hayo Modi ayaa markale loo doortay iyadoo ololihii doorashada intii lagu jiray dhibaato badan loo geestay Muslimiinta Hindiya. Raysal wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in asxaabta mucaaradka ayna ka hadlin waxa ay u qabanayaan Muslimiinta gaar ahaan waxyaabaha asaasiga oo ay u baahan yihiin sida caafimaadka iyo Waxbarashada. Modi ayaa intaa raaciyay in faquuq kala duwan ay la kulmeen intii lagu guda jiray codbixinta lagu soo doortay baarlamaanka cusub, gaar ahaan deegaanada Mucaaradka. Balse xildhibaan Asaduddin Owaisi, oo ah xildhibaan rug cadaa ah ayaa sheegay in ayna soo dhaweyneyn khudbada Modi uu uga hadlay qowmiyada Muslimiinta dhibaatada Heysata. Saacado kadib markii lagu dhawaaqay natiijada ayuu sheegay in si aan ganbasho laheyn loo weeraray deegaano ay ku nool yihiin Muslimiinta Hindiya, waxaana falkaan ka danbeeyay taagerayaasha xisbiga haya Talada. Hogaamiyaha xisbiga Majlis-e-Ittehadul Muslimeen mr Asadudin Owasi ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaaraha Hindiya haddii ay dhab ka tahay hadalkiisa in uu la yimaado ficil wax lagaga qabanayo dhibaatada iyo weerarada ay la kulmayaan muslimiinta Hindiya. Source