Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,540
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-London)-Boris Johnson, oo ah Musharaxa loo Badinayo inuu Bedelo Theresa May, oo iska Casishay Ra’iisal Wasaarenimada Ingiriiska ayaa Maxkamad lasoo Taagayaa waxaana loo haystaa eedayn ku saabsan inuu been u sheegay shacabka ingiriiska sanadkii 2016-dii, Xilligaasi oo dalka UK ay ka socotay Olalaha Aftida ka bixidda Midawga Yurub. Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa amar yeedhmo ah u jartay Mr. Boris Johnson, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ingiriiska. Mr.Johnson ayaa lagu eedeeyay inuu ku olaleeyay xog been ah oo majaro-habaabisay bulshada, isla markaana uu dadka ugu sheegay in dawladdu ingiriisku ay todobaadkiiba ay xubnimada midawga Yurub ku bixiso £350 Milyan oo sidaas awgeed wuxuu dadka u sheegay inay doortaan in laga baxo Midawga Yurub. hal ku dheggaasi ayuu ku dhejiyay baabuurta olalaha fariintaasi oo dad badan gaadhay ayaana hadda loo haystaa inay been ahayd. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axemd ayaa balan qaaday in aanu dalkiisu faragalin doontin arimaha ka socda dalka Sudan, isla markaana aanu wax fikrad ah ku darsandoonin hawluhu siday u socdaan dalka ay jaarka yihiin ee Sudan. Abiy Axmed Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sidaasi sheegay xili uu kulan la yeeshay Generaalka xukuma golaha milatariga ee kumeelgaadhka ah ee dalka Sudan Abdul fAttah Burahn, kaas oo sidoo kalena kulano la yeeshay hogaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta todobaadkii la soo dhaafay. Source
  3. Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo saaka gaaray maagalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa degmada Badhan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta degmada Badhan ee Puntland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay u horreeyaan saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag waxgaradka iyo salaadiinta degmadaasi. Socdaalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ay ka aloosantahay degaaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyadoo uu socdo abaabul ciidan oo labada dhinacba ah. Sidoo kale socdaalkiisa ayaa ku soo aaday maalin kadib markii taliyaashii Somaliland u qaabilsanaa bariga gobolka Sanaag ay ku amar-diideen taliyaha ciidamada Somaliland islamarkaana ay qaateen calanka Qaranka Soomaaliyeed inkastoo aysan weli caddayn in ay Puntland ku biireen. Taliyaasha ayaa sida la xaqiijiyay iska diiday kadib markii taliyaha ciidamada Somaliland uu ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin wefdi ka socda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku biiray wefdiga Puntland ee ku sugan Badhan appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada WADDANI iyo UCID ayaa aad ugu kala aragti duwan Xaaladda Magaalada Berbera ay xilligan ku sugan tahay. Xisbiga UCID ayaa aaminsan in dhibaato badan ay ka taagan tahay Magaalada Berbera, sida in Masaajiddada Magaalada Badankoodu u xidhmeen Laydh la’aan, markii Maamulku xil iska saari waayay, Huteelladii iyo Meheradihii Dadku ka adeeganayeenna qaarkood xidhmeen, markii Dadkii Magaalada ku noolaa uga guureen Duruufo halkaas ka jira awgeed, laakiin Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa qaba arragti taa aad uga fog. Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Berbera ayaa sheegay in Magaalada Berbera ay ka taagan tahay Xaalad adag, taasi oo ay ka mid tahay Dadweynaha Masaajiddada ku tukada la waydiiyo Lacagtii Laydhka lagaga bixin lahaa Masaajidka, taasina muujinayso sida xaalku yahay. Mr. Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Magaaladii Berbera waxa xidhan 23 Masaajid, sababtoo ah waxay leedahay cimilo u gaar ah, xukuumad kasta oo jirtaana ay ku tixgelin jirtay, Maamul kastaana uu wax ka qaban jiray markuu la tashado Dadweynaheeda. Xalay Masaajidka uu dhisay Xaaji Shide waxa laga ururiyey 3 kun oo dollar oo laydhkii ah.” Xoghayaha Arrimaha gudaha UCID, waxa kale oo uu sheegay “Berbera Nin walba wuu iskaga tagay, waxay maraysaa in Dadka Berbera joogaa aanu 5 ama 6 kun ka badnayn, huteelladii baa is xidhay, Tukaamadii baa xidhmay, sababtuna waxa weeyaan Maamul la’aan ka jirta Gobolkan..”ayuu yidhi. laakiin, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Axmed Cali Faxle ayaa isagoo daba socda hadalka Ramaax uu kaga dayriyey Xaaladda nololeed ee Berbera, wuxuu yidhi “Ramaaxoow adigu Mucaarad ma tihid ee Annagaa Mucaarad ah, Malaha Adiga iyo Ninkii Xisbiga lahaa war iskuma haysaana, Mucaarad ma tihid, Faysal Cali Waraabe ismaydaan waraysan ee Xukuumadda ayuu jeebka ugu jiraa.” Mr. Faxle oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Gobolku balaayo ma qabo, Berbera waxa wax la yeelay intaad xilka haysay, laakiin intaad bilaa Camalka ahayd waxba may yeelin. Kuuligaa ugu liitay oo Maalintii DP World la wareegtay Maamulka Dekedda Berbera booska Kuuliga ah waxa la kala siisanayey 1500 dollar, Maantana waxa la kala siisanayaa 25 ama 30 kun dollar, Nin walba wuu ka dhergay oo guryo ayuu dhistay, Baabuur bay iibsadeen, markaa Adeer bulshada balaayo Abuur looma noqdo.”ayuu yidhi. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa maanta kaalmo gaadhsiiyay dadkii dhawaan waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii ka da’ay magaalada Burco. sidoo kale Cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Burco dadka ku jira ayaa iyagana loo qaybiyay kaalmadan. Dawladda hoose ee Burco ayaa hore gurmad dadkan loo sameeyo uga dalbatay dawladda dhexe balse weli jawaab ficil ah ka may helin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Nairobi (SMN) – Xukuumadda Kenya ayaa sheegtey in aysan oggolaan doonin dalkeeda in lasoo geliyo alaabaha oo aan lala socon ee la soo saaro diyaaradaha ka imaanaya wadanka Soomaaliya. War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda Kenya ayaa lagu shaaciyay in lala wareegi doono lana burburin doono waxkasta oo qofkii lahaa la socon diyaarada, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada dalkaasi. “Dowladda Kenya ayaa walaac amni ka qabta waxyaabaha dadkii lahaa aan la socon ee lasoo saaro diyaaradaha kasoo duula Soomaaliya, waxayna tani ka hor imaanaysaa xeerarka gaadiidka caalamiga ah ee hawada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dhanka kale, xukuumadda Kenya ayaa waxay ku adkeysaneysaa in Mas’uul Soomaliyeed oo wata dukumentiyo iyo fiiso loo diidey inuu galo magaaladda Nairobi, iyadoo ka jawaabeysa dhacdadii Jomo Kenyatta Airport. Saraakiisha socdaalka Kenya ayaa wasiir ku xigeenka Tamarta iy Biyaha, Cismaan Libaax iyo Labo Senetor kasoo celiyay Garoonka Jomo Kenyatta 20-kii bishan, iyagoo wata baasaboorka diblomaasiga. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhacdadan kadib, shaaciyay in wakiiladeeda aysan ka qeyb gali dooni shirarka deeq-biyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ku qabanayaan Nairobi, sababo la xiira caqabado ka jira dhinaca safarka. View the full article
  7. 27-may-1988 , markii si lama filaana ciidamadii ururkii snm weerar cajiiba ugu soo qaadeen Magaalada Burco oo ahayd Magaaladii labaad ee ugu waynayd Goboladii la odhan jirey Waqooyiga Soomaaliya , idaacadaha aduunka oo dhami waxay faalaynayeen dhacdadaas aduunka ka yaabisay waxay ku danbayn doonto . 28-may- waxaa iyana soo galay gudaha wadanka ciidan ka tirsan ururkii snm oo jidgooyo ka galay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera gaar ahaan agagaaraka Magaaladda Dacar-budhuq . Iyadoo xaaladdu halkaa marayso , waxa si kedisa ciidamadii snm ula wareegeen Sal-dhigii Milateri ee Cadaadley , arrintaasoo lama filaan ku noqotay Dawladii Maxamed Siyaad Barre . Waa tuma Cadaadley ? Magaaladda Cadaadley waxay ku taalaa Badhtamaha Magaalooyinka Hargaysa , Berbera iyo Burco , waxaanay masaafo isku midda u jirtaa sadexdaa magaalo iyo xuduudka Somaaliland iyo Ethopia . Dhinaca kale , Cadaadley waxay ku taalaa badhtamaha Wadooyinka isku xidha Hargaysa iyo wadadii hore ee Burco , waxa kale oo ay dhacdaa kala sooca Buuraha Golis iyo dhula loo yaqaano Oogada oo ay midba dacal ku hayso . Bogcadaa Istraajiga ah ee ay ku taalo awgeed , Dawladii Ingiriiska ayaa u dooratay in ay noqoto Saldhig Milateri ,waxaana calaamidiyay Badhasaabkii Ingiriiska ee loo yaqaanay Sir archer 1909 . Ka dib dhalashadii dawladihii Soomaaliya , waxaa marar badan lasii kordhiyay Sal-dhigii Cadaadley , waxaanu sal-dhigaasi ahaa :- – Sal-dhiga koowaad ee ay fadhiyaan ciidamadii Kamaandowsta Soomaalida ee loo yaqaanay Danab . – Xarunta Kaydka hubka iyo Rasaasta ee waqooyi galbeed . -Xudunta Difaaca Magaalooyinka Berbera,Hargaysa iyo Burco. Sidaa awgeed , waxaa sal-dhigan degenaa Gaaska 12 aad oo ka koobnaa ugu yaraan 3 kun iyo Guutadda 86aad oo iyana ka kooban ugu yaraan kun nin , Wadartooda guudna waxay noqonaysay 4 kun qiyaas ahaan , Magac ahaana waxaa la iskku odhan jirey Ciidanka Dayaxa . Ciidanka intan la eeg na waxaa loogu talagalay difaaca Magaalooyinkaa aynu soo sheegnay . Hasa yeeshee Ciidan kooban oo ka tirsan ururkii snm oo aan wadanin haba yaraatee wax gaadiid dagaala ayaa gacanta ku dhigay ,wadartiisuna ahayd qiyaas ahaan 400 . Arrintanina waxay noqotay mid mucjiso ah oo laggu wareeray, Taliyihii Ciidanka Q-26aad . Gen Moorgan markii Taliyihii Ciidankan Cadaadley haystay u sheegay in lagga qabsaday wuxuu ku yidhi , Mee Ciidankii Dayaxa , dabeeto wuxuu ugu jawaabay , Dayaxii Cadceed baa kusoo baxday , oo macnaheedu yahay , Cadaadley waa la qabsaday . intaa ka dib Gen Moorgan wuxuu ku yidhi ” Adna yaan ku arkin ” maalmo ka dib ayaanu istoogtay Taliyihii Ciidankiisa lagga qabsaday Cadaadley oo la odhan jirey Col Kaahiye Alhn . Gen , Maxamed Ali Samatar oo dhacdadan ka faaloonayayna waxaa lagga hayaa ” Cadaadley waxa qabsaday waa yaab , Hadaba ninka sawirkan ka muuqdaa waa taliyihii Ciidankii snm ee qabsaday Cadaadey saaka oo kale 1988 , magaciisuna waxa weeyaan Col Xuseen Axmed Guuleed oo ku magac dheeraa ( Xuseen dheere) sidoo kale , wuxuu iyana sidan oo kale uga qayb galay Dagaaladii Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed kula wareegeen Magaalooyinka Godey iyo Jigjiga 1977 isagoo muddo ka badan 20 sanadood ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidankii loo yaqaanay Ciidankii Xooga dalka Soomaaliyeed , intaanu ku biirin Jabhadii snm 1986 kii . Faataxada haloo maro . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
  8. Burcad badeed iyo burcad badeed la’aanba Japan waxaa ka go’an inay sii waddo hawlka caalamiga ah ee lagu sugayo ammaanka Geeska Africa taasoo muhiim u ah siyaasadda ballaaran oo ay ka leedahay Africa. Bishii hore Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay qabsadaan Markab laga leeyahay dalka Yemen kaasoo ay u isticmaalayeen weerarro ay u geysteen laba Markab oo kalluumeysi ah oo ay Spain leedahay, Waa hawlgalkii ugu horreeyey ee ay Burcad badeeddu ku guuleystaan tan iyo sannadkii 2017. “Weerarrada nuucaan oo kale ah waa qaab cusub oo ay adeegsanayaan dhawaanahaan. Ma ahan qaabkii hore oo ay weerarrada u qaadi jireen marka la eego sannado ka hor.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Japan. Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Japan ayaa lagu sheegay in Burcad badeedda Soomaaliyeed ay hoos u dhaceen inkastoo xasillooni darrada iyo faqriga sababay dambiyadaas ay wali jiraan. Source: goobjoog.com
  9. Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda. Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda. “Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”. Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalaneynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaa shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda. Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad ay siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo daneyneysa in ay kusoo biiraan Ciidanka Badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida. Weftigan oo uu hoggaaminayey Xoghaya guud ee hay’adda Socdaalka dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale. Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana la shaqayndoona wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaadandoona bulshada Dowlad Degaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan booqan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo ganacsiga labada dhinac appeared first on Puntland Post.
  11. A high-level delegation headed by Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo flew to Saudi Arabia on Wednesday, May 29. The president’s trip came after Saudi King Salman Bin Abdulaziz has invited him to an emergency meeting in Mecca, which is slated for May 30. Somalia’s foreign affairs minister and other government officials are already in Saudi Arabia, to pave the way for the president welcome, according to the sources. Saudi Arabia called for an emergency meeting to discuss current escalating tension in the Gulf and recent drone attacks in its soil by the Yemen-based Iran-backed Houthi rebels. View the full article
  12. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo. Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah. waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo kalsooni ka muujiyay in doorashada Jubaland si wanaagsan u dhacdo appeared first on Puntland Post.
  13. Dowladda Kenya aya sheegtay inaysan ogolaan doonin in alaab aan qofkii lahaa la socon la soo geliyo dalka, alaabtaas oo laga keeno dalka Soomaaliya. Hadal kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in alaabtaas lala wareegi doono lana burburin doono iyadoo la raacayo shuruucda duulimaadka. “Dowladda Kenya ayaa xustay iyadoo ka walaacsan alaab badan oo aan lala socon la soo-saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya. Tani waxay ka hor imaaneysaa shuruucda caalamiga ah ee duulimaadyada waxayna keeni kartaa Qatar Amni.” Ayey tiri dowladda Kenya. “Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa.” Islamarkaana, dowladdu waxay ku adkeysaneysaa inaan sarkaal Soomaali ah oo aan wadan sharci iyo dal-ku-gal loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, afartii muwaaddin ee Soomaaliyeed kuwaasoo loo diiday dal-ku-galka bishan May 20, 2019 ay ku socdaalayeen baasaboorro diblomaasi ah laakiin aysan wadan dal-ku-dal. (Visas) Kenya waxay sidoo kale yareysatay hadal dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya kaasoo ahaa in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan ka qeybgali doonin shirarka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee ka dhaca magaalada Nairobi. “Dowladda Kenya waxay sii wadi doontaa inay fududeyso oo ay martigeliso kulamada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol iyadoo raaceysa shuruucda caalamiga ah, muwaaddiniinta Soomaaliyeedna markasta la soo dhaweynayo haddii ay raacaan shuruucda dal-ku-galka sida ay sameeyeen dhammaan ajaanibta kale.” Ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku muransan xudduud badeed dacwaddiiso ay hortaal maxkamada caddaaladda ee caalamiga ah taasoo la filayo inay go’aan ka gaari doonto. Citizen TV. Source: goobjoog.com
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta sheegtay inaysan ogolaan doonin in alaab xamuul ah oo aysan cidna la socon ay diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya geliyaan dalkeeda. Bayaan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in shixnad kasta oo sidaas ah lala wareegi doono kadibna la burburin doono, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada. “Dowladda Kenya waxay ogaatay oo ay walaac ka qabtaa shixnado badan oo aysan cidna la socon oo ka imanaya Soomaaliya. Tani waxay jebineysaa xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka, waxayna soo rogaysaa halis amni” ayaa lagu yiri bayaanka. “Sidaas darteed, dowladda Kenya ma ogolaan doonto in alaab aysan cidna la socon ay kasoo gasho dalka Soomaaliya. Diyaarad kasta oo arrintaas sameysana waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda” Arrintan ayaa u muuqata mid cadaadis xooggan lagu saarayo ganacsatada Soomaaliyeed, oo markii hore awoodi jiray in ayaga oo dalka jooga ay alaabo u diraan Kenya, kuwaas oo markii ay halkaas tagaan ay la-wareegi jireen ganacsato kale oo xiriir shaqo la leh. Go’aanka maanta kasoo baxay Kenya ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dhowr ah oo Kenya ay ku cadaadineyso dowladda Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay Visa-ha ay xubnaha dowladda Soomaaliya ka qaadan jireen garoomada Kenya oo ay joojisay. Kenya ayaa dooneysa in Soomaaliya ay ku qasabto inay ka laabato dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee la xiriirta badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, waxayna Nairobi dooneysa in arrinta lagu dhameeyo miiska wada-hadalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. Addis Ababa (SMN) – Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga internet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo Puntland lagu daray liiska dalalka ay matalaad diblumaasiyadeed ku leeyihiin. Itoobiya waxay sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”. “Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka. “Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray. Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland. Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland. Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin. Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya. Xigasho:-Bbc View the full article
  16. Dowladda Filipino ayaa soo saartay sharci cusun oo ku amraya dhammaan ardayda ka qalin jabinaysa dugsiyada sare iyo macaahida kale inay ugu yaraan beeraan 10 [...] Source
  17. Muqdisho (SMN) – Waxaa waawa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ku madlan degmooyinka Shibis iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labada degmo oo ka mid ah degmooyinka u soo gudbay wareega 8 dhamaadka tartanka ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka Shabelle Shibis iyo Kaxda ayaa tartamadii hore ka soo dhigay wacdaro xoogan, waxaana ay ka soo hoyeen guulo u sahlay in ay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka bisha Ramadaan. Tartamayaasha degmooyinkan ayaa haatan wada diyaar garow xoogan, waxaana degmada badisa ay iska xaadirin doontaa wareega Sama-Finalka ee tartanka, halka tan laga badiyana ay guud ahaan isaga hari doonto baratanka. Howlwadaag ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee tagta Sama-Final, kadib markii ay xalay guul ka gaartay deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Sanadkan waxaa tartanka aqooneedka Shabelle abaal marinaya degmooyinka shirkadaha Beco iyo Coca-cola. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay khaladaadka is daba jooga ee Itooniya ka galeyso Soomaaliya. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Itoobiya ay meel uga dhacday jiritaanka Soomaaliya, kadib markii ay muujisay ficilo lagu wiiqayo Qaranimada Dalka. Wariyaha Idaacadda Shabelle Maxamuud C/naasur Soofeysane ayaa warbixin ka diyaariyay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Soofeysane.mp3 View the full article
  19. Qodobaddii ka soo baxay shir maalmo ka hor lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa si fiican uga hir galay degmada Badhan, saamayna ku [...] Source
  20. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaraxyo Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM maanta siyaabo kala duwan loogu eegtay gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir. Qaraxa koowaad oo ka dhacay agagaarka degmada Afgooye ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ku socdaalayay waddada aada dhanka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen, rasaas xoogan, lamana oga khasaaraha ka dhashay iyo midka soo gaaray intaba. Sidoo kale qarax kale oo Miino ah ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay Ciidamo ka tirsanMilatariga DFS oo marayay nawaaxiga deegaanka Gololey ee gobolka Sh/Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhintay hal Askari, kuna dhaawacmeen labo kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga dowladda. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen bar koontarool oo ay ku leeyhiin halka loo yaqaano Ceel Geelow ee gobolkaasi. Qaraxa saddexaad ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, iyadoona lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse xaaladda ayaa haatan ku soo laabatay si caadi ah. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda waxa ay sheegeen in qaraxii ka dhacay Sh/ Dhexe ay ku dileen Sarkaal ay magaciisa ku sheegeen Jiinow Cigaal iyo Askari ilaalo u ahaa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ay dhawaceen sarkaal kale oo lagu magacaabo Maxamed Raage, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale waxa ay warkooda ku sheegeen in qaraxa ka dhacay Ex Koontarool Balcad ay ku gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamada AMISOM. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda iyo AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. View the full article
  21. A shortage of vegetables has led to sharp price rises in the markets of the Somali capital Mogadishu, as a consequence of the long drought affecting the bread-basket production areas around the River Shabelle. Source: Hiiraan Online
  22. Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Awdal ayaa sheegay in guddoomiyihii gobolka aan la ogayan halka uu jaan iyo cirib uudhigay. Daawo. Source
  23. Adis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale war kasoo saartay arrin xiisad dhalisay oo ku saabsaneyd in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay Dowlado madax banaan u aqoonsan tahay Maamulada Puntland iyo Somaliland. Tuhunkaan ayaa imaaday kadib markii Bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya lagu arkay inay ku dartay Liiska dalalka ay matalaadda Diblumaasiyadeed ku leeyihiin Maamulada Somaliland iyo Puntland taasoo keentay inay qeylo dhaan ka muujiyaan siyaasiyiinta Soomaalida iyo madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inaysan marnaba diyaar u aheyn inay ku xadgudubyo madaxbanaanida Soomaaliya isla markaasna ay Somaliland iyo Puntland u aqoonsan tahay maamulo hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya. Nebiyat Getachew oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa yiri ” Itoobiya waxay Somaliland iyo Puntland u aqoonsan tahay inay yihiin Maamulo hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya” Sidoo kale Nebiyat Getachew ayaa sheegay inay Dowladda Itoobiya Xarumo Diblumaasiyadeed ku leedahay Muqdisho, Somaliland iyo Puntland taasina aysan la micno aheyn inay u aqoonsan tahay dowlado madaxbanaan. Mar wax laga waydiiyey sababta liiska Wadamada loogu daray Somaliland iyo Puntland ayuu ku jawaabay in Page-ka Wasaaradda ay ku qoran yihiin waxyaabo badan balse ay arrintaan dib u eegayaan. Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Booggeeda ay ku leedahay Internetka ay dal ahaan ugu aqoonsatay Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ay tixeysay dalalka ay xarumaha Diblomaasiyadeed ku leedahay Dowladda Itoobiya. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay muran badan dhalisay tallaabadii ay Dowladda Itoobiya qariirada uga saartay Dalka Soomaaliya inkastoo markii dambe ay arrintaas raali gelin ka bixisay. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com