-
Content Count
208,526 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani waxa uu maanta sheegay inay Maraykanka la bilaabi karaan Wada-xaajood, haddii ay dalkiisa ka qaadaan Cunaqabataynta saaran. Hadal-qoraal oo uu soo saraay oo laga baahiyey Telefishinka Iiraan ee ku hadla Afka Englishka ee PRESS TV waxa uu Madaxweyne Xasan Ruuxaani sheegay inay furan yihiin Albaabadda Wada-xaajoodka, loona baahan yahay inay Maraykanka qaadaan Cunaqabataynta iyo inay xaqiijiyaan ballamada ay qaadaan. Dhinaca kale, La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton waxa uu ku eedeeyey Iiraan inay ku lug lahaayeen weerarkii bishan lagu qaaday Maraakiibta shidaalka ee marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka. Dowladda Iiraan waxay horey u beenisay Eedeyntaasi. Source
-
(SLT-Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Asha Ali Abdulle ayaa la siiyey qeyb ka mid ah lacago magdhow oo loo qoondeeyey, kadib markii lagu jir-dilay Xabsiga. Haweeneydaasi waxay soo dhammaysatay xabsi 9 sanno ah oo ay ku muteysatay Afduub ay u geysatay Diyaarad nooca yar oo 19-ka kursi leh bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkii 2008-dii, waxaana xabsiga laga sii daayey bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii. Diyaaradaasi waxaa lahayd Shirkadda diyaaradaha ee Eagle Flight, waxayna xilligii la afduubanayey isaga kala gooshaysay magaallooyinka Blenheim iyo Christchurch ee dalkaasi. Maxkamad ku taalla magaalada Christchurch waxay Isniintii la soo dhaafay ku dhawaaqday in Haweeneydaasi magdhow laga siiyey dhibaatadii jidh-dilka ee loogu geystay Xabsiga muddadii ay xidhnayd. Waxay dhaawacyo ka soo gaadheen gacmaha, mana awoodo inay shaqsi ahaan soo xaajo-gudato Suuliga ama ay Shaawarka ku soo qubeysato. Haweeneydaasi oo ay Dhakhaatiirta hore u sheegeen inay qabto dhibaato maskixiyan ayaa waxaa la sheegay in laga yaabo in la siiyey illaa 15,500 dollar oo ka mid ah Kharajka guud ee magdhowgii loo xukmiyey oo dhamaa 25,000 oo dollar. Shabakadda Wararka ee stuff.co.nz ee ka soo baxa dalka NZ ayaa qoray in hal Duuliye iyo saddex qof oo rakaab oo ka mid ahaa Dhibanayaashii diyaaradda la afduubtay sheegteen magdhow. Duuliyaha oo mindi looga dhaawacay suulkiisa ayaa dalbaday magdhow dhan 146,341 Dollar, balse waxaa magdhow loo siiyey 5,000 oo Dollar, halka saddex qof ee rakaabka ee Dhibanaha ahaa la siiyey min 1,500 oo Dollar. Dhinaca kale, Maxkamad waxay go’aamisay in Asha Ali Abdulle la siiyo 15,500 oo dollar oo ah Lacagtii ka soo hadhay kharajkii guud ee la kala siiyey Duuliyaha iyo Dhibanayaasha kale. Asha Ali Abdulle oo dalka NZ tegtay sannadkii 1994-kii, waxay ku noolayd, kana shaqeysan jirtay magaalladda Blenheim, waxaana la sheegay inay ahayd qof ka xanuunsan dhimirka. Source
-
Waxaan aad u jeclaystay inaan bulshadda la wadaaago maqaalo taxane ah oo aan isleeyahay ku lafo gur, islamarkaana bulshada fahamsii shaqsi si layaableh intii ay Somaliland jirtay uga dhex shaqaysanayay Hay’adda Hanti dhawrka qaranka Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), kana mid ah shaqsiyaadka bahdilay ee madaxdii kala dambaysa ee Hay’addaasi soo maray ee baray laaluushka, waxa uu aad u yaqaanaa oo uu bartay qaabka loo Cabsi-maalo madaxda dawladda iyo sida Madaxda kolba ugu timaada Hay’addaasi sida loo hanto, isagoo ku xididaystay Hay’addaasi islamarkaana waxaan tusaalayaal u soo qaadan doonaa baadhis layaableh oo uu sameeyay, qaar uu ku fashilmay iyo qaar illaa maxkamad lala tagay oo uu ku ceeboobay, waxa kale oo aad ku arki doontaan taxanahan Hay’addo gaar ah oo uu Mushaharooyin ka qaato oo uu maalo, iyo sida uu u fashiliyo shaqada hanti dhawrka ee uu isku soo oodo. Taariikhdiisa. Cali Sheekh Maxamed Axmed(Cali Bilyan) waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka HARGEYSA, Gaar ahaan waxa ay hayb wadaag yihiin oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Madaxweynaha Hadda Talada Dalka haya, waxa ay walaalo yihiin Haweenayda iyadduna intii ay Somaliland jirtay haysata Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Golaha Guurtida oo aanay waligood hanti dhawrku galin, lana baadhin. Waxa uu Shaqadda Hanti dhawrka bilaabay bilawgii Aasaaskii Hay’addii markii la unkay, isagoo xilal kala duwan oo agaasime Waaxeed kasoo qabtay, balse waxa uu yahay masuulka keli ah ee fahmay islamarkaana ku mabay shaqadan isagoo caan ku ah Cabsi ku maalka Hay’addaha Qaranka, heshiis la galida Madaxda kolba meesha hanti dhawrku galo haysata, iyo inuu si hoose lacago laaluush ah uga soo qaado. Waxa kale oo uu qaabilsan yahay inuu ceebeeyo kolba Hay’adda ay baadhaan ee laaluush bixin wayda isagoo Buuggaa foljari ah jeebka ku qaata islamarkaana ku dhex daadiya Kolba halka ay baadhaan ee laaluush ogolaan wayda si uu u ceebeeyo, waana arimaha la ogaaday ee uu ku ceeboobay. Akhri Layaabka Dhacdadan: Sanadkii 2012-kii, waxa dhacday in hanti dhawrka qaranku galay, islamarkaana uu baadhis ka bilaabay Kastamyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Waxa Kooxdii Baadhistaasi waday madax u ahaa Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxa waktigaasi Hanti dhawrka Haystay Maxamuud Dheere oo aan shaqadda inta badan ku fiicnayn una daba fadhiisan jiray Masuuliyiin uu Cali Bilyan ka mid ahaa, taasi oo sahashay in maamul Xumo iyo hawlgab dhinaca Shaqada ahi ku dhacdo Xafiiska Hanti dhawrka. Waxa dhacday Wakhtigaasi in Baadhistaasi oo ay sameeyeen Koox uu Cali Bilyan Hogaaminayay in Cali Bilyan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Kastamka Kalabaydh u qaabiyo buugggaag (GR) fool jari ah oo baalmarsan nidaamkii Wasaaradda Maaliyadda kuwaasi oo lacag loogu ururin jiray Hanti dhawrka. Waxa arintii soo helay Xafiiska baadhista Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda oo uu wakhtigaasi madax ka ahaa nin layidhaa Khadar Indho Leeb, waxa arintii loo xidh xidhay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii uu Cali Bilyan hawsha gaar ka ah u igmaday, waxa la isla galay Maxkamadda waxaanu kiiskaasi Muddo ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Arimaha layaabka leh waxa ka mid ah in Cali Bilyan iyo Hanti Dhawrihii Guud Maxamuud Dheere ay Maxkamadda ka difaacayeen Shaqaalihii Buugta (GR) Fooljariga lagu soo qabtay, waxaana halkaasi ku kala cadaatay halka ay buugtaasi ka yimaadeen iyo inuu Cali Bilyan hawsha si gaar ah u fuliyay oo ay mid tahay shaqooyinka uu ka faa’iiday ee uu lacagta ka helo. Waxaanay tani ka mid taha shaqo maalmeed Cali Bilyan ee bahdilay islamarkaana sharafta ka qaaday Hay’adda Hanti dhawrka,waana caado illaa maanta uu ku dhaqmo oo lagu bartay. Waaxda Baadhista Wasaaradda Maaliyadda ee loo yaqaan (Internal Audit) oo uu Khadar Indho Leeb madax ka ahaa ayaa baadis xeel dheer ku samaysay Buugtii Fooljariga ahayd ee uu Cali Bilyan sheegay inuu Xafiisyadda lacagta ee Kastamyadda uu dhex dhigtay waxaana aakhirkii dhacday in la ogaaday in la buugaag badan oo kale la dhigtay kastamada kale ee wadan kuwaasi oo lacag lagu urursanayay islamarkaana uu ka dambeeyay Cali Bilyan. Waxaa la ogaaday shaqaale Cali Bilyan hawshaasi u fududeeyay oo shirqoolkaasi kula jiray, waxaana la isla galay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanay arintaasi ku cadaatay Cali Bilyan inuu falkaasi isagu gacantiisa ku sameeyay oo uu fuliyay. Waxa ay ka mid ahayd dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee hanti dhawrka shaqadiisa curyaamiyay ee keenay inay muddo dheer u dhutiyaan hanti dhawrku fool xumadaasi uu ninkaasi gayaysiiyay. Waxa uu goobaha uu baadhayo ka samaystaa shaqaale arintaasi la fududeeya kuwaasi uu wax kasiiyo laaluushka uu qaato. Qaybtii: 4-Aad. Lasoco Qaybaha Dambe: Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay labadii dhacdo ee aadka loo hadal hayay ee gafka ahaa oo dowladda Ethiopia gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ku dhaqaaqday. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Qaladka Koowaad ee Soomaaliga looga mid dhigay dhul Ethiopia kamid ah uusan aheyn wax weyn, islamarkaana markii ay la hadleen dowladda Ethiopia laga saaray sawirkii murunka keenay. Wuxuu sheegay in sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ay sameyneyso baaritaanka ku aadan cidda falkaasi ka dambeysay, islamarkaana ay lala xisaabtami doono dadka falkaasi geystay. “Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd, iyaguna markii ay khaladkooda arkeen annaguna aan kala hadalnay ayey ka saareen, cudur daar ayey ka sameeyeen, baaritaanna way sameynayaan” ayuu yiri Wasiir Cawad. Isaga oo la hadlayay BBC-da ayuu sidoo kale ka hadlay hadal heyntii ka dhalatay markii markale bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia lagu arkay in Somaliland iyo Puntland u aqoonsadeen dal ka madax banaan Somalia. ”Annagu Dowlad Soomaaliyeed baan nahay, Itoobiya kama mid nihin. Si rasmi ah ayaan dowladda Itoobiya warqad ugu qornay, wayna noo soo jawaabeen dowlad ahaan ayeyna noogu cudur daarteen. Haddii la rabay inaan baraha bulshada ku shaacinno sidaasi ma aha sida ay dowladaha ku shaqeeyaan, habab diblomaasi ayaan u marnay arrinta” “Safiirro ma joogaan Hargeysa iyo Garowe, Somaliya hal dowlad bay leedahay, hal safiir ayaana u jooga Itoobiya, safiirkaasna wuxuu joogaa Xamar, isaga ayaana diblomaasiyadda Itoobiya mas’uul ka ah”, ayuu yiri Wasiir Cawad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sedex caruur ah ayaa ku geeriyootay dagmada Cabdwaaq ee waqooyiga Galgaduud, ka dib markii ay ku qarqoomeen Barkad ay u aadeen in ay ku soo dabaashaan. Geerida Caruurta timid ka dib markii mid ka mid ah uu is ku dayay inuu biyaha galo si uu ugu dabaasho waxa uuna ku qarqoomay Biyahii, labadii caruur ee kale ayaa isku dayay inay ka soo saaraan biyaha sidaas ayeeyna ugu wada dhaceen Barkadda. Mahad Bashiir oo ah adeerka sedexda caruurta ah ee geeriyootay ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo caruurta looga diray barkadda lakiin ay u aadeen in ay ku dabaashaan oo kaliya, waxa uuna xusay in caruurta geeriyootay ahaayeen hal Wiil iyo labo Gabdhood. “Barkadda biyo loogama dirin cunugbaa dabaal u galay Gabdhuhuna iney ka soo qabtaan ayeey isku dayeen, ka dib waa ay kuwada dhaceen sidaa ayeeyna isku raaceen wax looga diray majirin”, Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in caruurtu ahaayeen kuwo aad yar marka loo eego biya baaxada ay lahaayeen iyo inaan loogu tala galin ayaga oo kale . ‘”Caruurtu aad ayeey u yaaraayeen Gabarbaa u wey caruurta 15 jir aheyd Wiilkuna waxa uu ahaa 13 sano jir Gabadha u yarna waxa ay aheyd 11 sano jir” waqityada sidaan oo kale marka Roobabka u da,aan qoys badan ayaa ku waayo caruurtooda ayagoo ku dabaasha biyo aad uga baaxad weyn, taas oo kakeenta in caruurtu ay geeriyoodaan ama dhibaato ka soo gaarto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. Magacaabistaan Safiirkaan ayaa saameyn dhanka Beelaha ah ku yeelatay safiir kale oo Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay labadaas safiir inay deg deg ay ugu soo laabtaan ugu dambeyn laba asbuuc gudahood. Tallaabada loogu yeeray Safiiradan ayaa si rasmi ah loo ogeyn, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in la bedeli doono. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan C/risaaq Shoole ayaa sanadkii hore loo magacaabay xilka Safaaradda, isagoo ka mid ahaa Agaasime kuxigeenada Madaxtooyada Villa Somalia. C/Qani Maxamed Waceys oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safiirka Masar uu saameyn doono is bedelo lagu sameynayo safaaradaha, sidoo kale waxaa saameyn doona habka awood qeybsiga ee 4.5 oo xubno ku heyb ahaa Safaarado kale loo magacaabay C/xakiin Xasan Ashkir oo ah Safiirka cusub ee loo magacaabay dalka Boqortootada Sacuudi Carabiya kana soo jeeda beesga Ogaadeen ayaa ku heyb ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta, waana sababta loo maleynayo in Mr Waceys loogu yeeray inuu muddo todobaad ah uu dalka ku soo galo. Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii dambe waday isbadalo ay ku sameeneyso Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka taasoo ay sabab u tahay loolan adag oo u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso dalka oo doonayo inuu mid kasta dadka ugu dhow u helo magacaabista Safiir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas si-weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii gudbeen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaoweeyay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE UNESCO to host Africa-China World Heritage cooperation forum These discussions will contribute to the promotion of a better representation of African sites on the World Heritage List PARIS, France, May 29, 2019/ — On 3 and 4 June, the UNESCO-Africa-China Forum on World Heritage Capacity Building and Cooperation will seek to strengthen collaboration between Africa and China in the preservation of World Heritage. It will also provide an opportunity to take stock of the sustainable development challenges facing World Heritage sites in both China and Africa and foster the sharing of experience in this area. The Director-General of UNESCO, Audrey Azoulay, will open the event in the presence of the Vice-President of Burundi, Joseph Butore, the President of UNESCO’s General Conference, Zohour Alaoui, the President of the Organization’s Executive Board, Byong-Hyun Lee, the Commissioner for Social Affairs of the African Union, Amira Elfadil, the Vice-President of the African Development Bank, Khaled F. Sherif, and the President of the Chinese National Commission for UNESCO, Tian Xuejun. Over two days, the Forum will bring together more than 150 participants: ministers, decision-makers from the culture, environment and development sectors, alongside academics, World Heritage site managers, and experts from Africa, China and Europe. During the first day, plenary sessions will focus on the safeguarding of World Heritage, legislation, job creation and the empowerment of young people. The second day of the Forum will feature technical sessions on subjects such as World Heritage protection mechanisms and joint heritage conservation efforts in Africa and China. These discussions will contribute to the promotion of a better representation of African sites on the World Heritage List, the improved the management of sites inscribed on the List of World Heritage in Danger, and the strengthening of exchange programmes between Africa and China. The Forum is also designed to facilitate the development of joint pilot and research projects. Ninety-five African sites are inscribed on the World Heritage List, fewer than 9% of the all inscribed properties. Yet, African sites account for one third of the List of World Heritage in Danger. China for its part has 53 properties inscribed on the World Heritage List. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO). SOURCE United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO) Qaran News
-
(SLT-London)-Boris Johnson, oo ah Musharaxa loo Badinayo inuu Bedelo Theresa May, oo iska Casishay Ra’iisal Wasaarenimada Ingiriiska ayaa Maxkamad lasoo Taagayaa waxaana loo haystaa eedayn ku saabsan inuu been u sheegay shacabka ingiriiska sanadkii 2016-dii, Xilligaasi oo dalka UK ay ka socotay Olalaha Aftida ka bixidda Midawga Yurub. Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa amar yeedhmo ah u jartay Mr. Boris Johnson, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ingiriiska. Mr.Johnson ayaa lagu eedeeyay inuu ku olaleeyay xog been ah oo majaro-habaabisay bulshada, isla markaana uu dadka ugu sheegay in dawladdu ingiriisku ay todobaadkiiba ay xubnimada midawga Yurub ku bixiso £350 Milyan oo sidaas awgeed wuxuu dadka u sheegay inay doortaan in laga baxo Midawga Yurub. hal ku dheggaasi ayuu ku dhejiyay baabuurta olalaha fariintaasi oo dad badan gaadhay ayaana hadda loo haystaa inay been ahayd. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axemd ayaa balan qaaday in aanu dalkiisu faragalin doontin arimaha ka socda dalka Sudan, isla markaana aanu wax fikrad ah ku darsandoonin hawluhu siday u socdaan dalka ay jaarka yihiin ee Sudan. Abiy Axmed Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sidaasi sheegay xili uu kulan la yeeshay Generaalka xukuma golaha milatariga ee kumeelgaadhka ah ee dalka Sudan Abdul fAttah Burahn, kaas oo sidoo kalena kulano la yeeshay hogaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta todobaadkii la soo dhaafay. Source
-
Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo saaka gaaray maagalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa degmada Badhan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta degmada Badhan ee Puntland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay u horreeyaan saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag waxgaradka iyo salaadiinta degmadaasi. Socdaalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ay ka aloosantahay degaaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyadoo uu socdo abaabul ciidan oo labada dhinacba ah. Sidoo kale socdaalkiisa ayaa ku soo aaday maalin kadib markii taliyaashii Somaliland u qaabilsanaa bariga gobolka Sanaag ay ku amar-diideen taliyaha ciidamada Somaliland islamarkaana ay qaateen calanka Qaranka Soomaaliyeed inkastoo aysan weli caddayn in ay Puntland ku biireen. Taliyaasha ayaa sida la xaqiijiyay iska diiday kadib markii taliyaha ciidamada Somaliland uu ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin wefdi ka socda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku biiray wefdiga Puntland ee ku sugan Badhan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada WADDANI iyo UCID ayaa aad ugu kala aragti duwan Xaaladda Magaalada Berbera ay xilligan ku sugan tahay. Xisbiga UCID ayaa aaminsan in dhibaato badan ay ka taagan tahay Magaalada Berbera, sida in Masaajiddada Magaalada Badankoodu u xidhmeen Laydh la’aan, markii Maamulku xil iska saari waayay, Huteelladii iyo Meheradihii Dadku ka adeeganayeenna qaarkood xidhmeen, markii Dadkii Magaalada ku noolaa uga guureen Duruufo halkaas ka jira awgeed, laakiin Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa qaba arragti taa aad uga fog. Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Berbera ayaa sheegay in Magaalada Berbera ay ka taagan tahay Xaalad adag, taasi oo ay ka mid tahay Dadweynaha Masaajiddada ku tukada la waydiiyo Lacagtii Laydhka lagaga bixin lahaa Masaajidka, taasina muujinayso sida xaalku yahay. Mr. Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Magaaladii Berbera waxa xidhan 23 Masaajid, sababtoo ah waxay leedahay cimilo u gaar ah, xukuumad kasta oo jirtaana ay ku tixgelin jirtay, Maamul kastaana uu wax ka qaban jiray markuu la tashado Dadweynaheeda. Xalay Masaajidka uu dhisay Xaaji Shide waxa laga ururiyey 3 kun oo dollar oo laydhkii ah.” Xoghayaha Arrimaha gudaha UCID, waxa kale oo uu sheegay “Berbera Nin walba wuu iskaga tagay, waxay maraysaa in Dadka Berbera joogaa aanu 5 ama 6 kun ka badnayn, huteelladii baa is xidhay, Tukaamadii baa xidhmay, sababtuna waxa weeyaan Maamul la’aan ka jirta Gobolkan..”ayuu yidhi. laakiin, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Axmed Cali Faxle ayaa isagoo daba socda hadalka Ramaax uu kaga dayriyey Xaaladda nololeed ee Berbera, wuxuu yidhi “Ramaaxoow adigu Mucaarad ma tihid ee Annagaa Mucaarad ah, Malaha Adiga iyo Ninkii Xisbiga lahaa war iskuma haysaana, Mucaarad ma tihid, Faysal Cali Waraabe ismaydaan waraysan ee Xukuumadda ayuu jeebka ugu jiraa.” Mr. Faxle oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Gobolku balaayo ma qabo, Berbera waxa wax la yeelay intaad xilka haysay, laakiin intaad bilaa Camalka ahayd waxba may yeelin. Kuuligaa ugu liitay oo Maalintii DP World la wareegtay Maamulka Dekedda Berbera booska Kuuliga ah waxa la kala siisanayey 1500 dollar, Maantana waxa la kala siisanayaa 25 ama 30 kun dollar, Nin walba wuu ka dhergay oo guryo ayuu dhistay, Baabuur bay iibsadeen, markaa Adeer bulshada balaayo Abuur looma noqdo.”ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa maanta kaalmo gaadhsiiyay dadkii dhawaan waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii ka da’ay magaalada Burco. sidoo kale Cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Burco dadka ku jira ayaa iyagana loo qaybiyay kaalmadan. Dawladda hoose ee Burco ayaa hore gurmad dadkan loo sameeyo uga dalbatay dawladda dhexe balse weli jawaab ficil ah ka may helin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Nairobi (SMN) – Xukuumadda Kenya ayaa sheegtey in aysan oggolaan doonin dalkeeda in lasoo geliyo alaabaha oo aan lala socon ee la soo saaro diyaaradaha ka imaanaya wadanka Soomaaliya. War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda Kenya ayaa lagu shaaciyay in lala wareegi doono lana burburin doono waxkasta oo qofkii lahaa la socon diyaarada, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada dalkaasi. “Dowladda Kenya ayaa walaac amni ka qabta waxyaabaha dadkii lahaa aan la socon ee lasoo saaro diyaaradaha kasoo duula Soomaaliya, waxayna tani ka hor imaanaysaa xeerarka gaadiidka caalamiga ah ee hawada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dhanka kale, xukuumadda Kenya ayaa waxay ku adkeysaneysaa in Mas’uul Soomaliyeed oo wata dukumentiyo iyo fiiso loo diidey inuu galo magaaladda Nairobi, iyadoo ka jawaabeysa dhacdadii Jomo Kenyatta Airport. Saraakiisha socdaalka Kenya ayaa wasiir ku xigeenka Tamarta iy Biyaha, Cismaan Libaax iyo Labo Senetor kasoo celiyay Garoonka Jomo Kenyatta 20-kii bishan, iyagoo wata baasaboorka diblomaasiga. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhacdadan kadib, shaaciyay in wakiiladeeda aysan ka qeyb gali dooni shirarka deeq-biyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ku qabanayaan Nairobi, sababo la xiira caqabado ka jira dhinaca safarka. View the full article
-
27-may-1988 , markii si lama filaana ciidamadii ururkii snm weerar cajiiba ugu soo qaadeen Magaalada Burco oo ahayd Magaaladii labaad ee ugu waynayd Goboladii la odhan jirey Waqooyiga Soomaaliya , idaacadaha aduunka oo dhami waxay faalaynayeen dhacdadaas aduunka ka yaabisay waxay ku danbayn doonto . 28-may- waxaa iyana soo galay gudaha wadanka ciidan ka tirsan ururkii snm oo jidgooyo ka galay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera gaar ahaan agagaaraka Magaaladda Dacar-budhuq . Iyadoo xaaladdu halkaa marayso , waxa si kedisa ciidamadii snm ula wareegeen Sal-dhigii Milateri ee Cadaadley , arrintaasoo lama filaan ku noqotay Dawladii Maxamed Siyaad Barre . Waa tuma Cadaadley ? Magaaladda Cadaadley waxay ku taalaa Badhtamaha Magaalooyinka Hargaysa , Berbera iyo Burco , waxaanay masaafo isku midda u jirtaa sadexdaa magaalo iyo xuduudka Somaaliland iyo Ethopia . Dhinaca kale , Cadaadley waxay ku taalaa badhtamaha Wadooyinka isku xidha Hargaysa iyo wadadii hore ee Burco , waxa kale oo ay dhacdaa kala sooca Buuraha Golis iyo dhula loo yaqaano Oogada oo ay midba dacal ku hayso . Bogcadaa Istraajiga ah ee ay ku taalo awgeed , Dawladii Ingiriiska ayaa u dooratay in ay noqoto Saldhig Milateri ,waxaana calaamidiyay Badhasaabkii Ingiriiska ee loo yaqaanay Sir archer 1909 . Ka dib dhalashadii dawladihii Soomaaliya , waxaa marar badan lasii kordhiyay Sal-dhigii Cadaadley , waxaanu sal-dhigaasi ahaa :- – Sal-dhiga koowaad ee ay fadhiyaan ciidamadii Kamaandowsta Soomaalida ee loo yaqaanay Danab . – Xarunta Kaydka hubka iyo Rasaasta ee waqooyi galbeed . -Xudunta Difaaca Magaalooyinka Berbera,Hargaysa iyo Burco. Sidaa awgeed , waxaa sal-dhigan degenaa Gaaska 12 aad oo ka koobnaa ugu yaraan 3 kun iyo Guutadda 86aad oo iyana ka kooban ugu yaraan kun nin , Wadartooda guudna waxay noqonaysay 4 kun qiyaas ahaan , Magac ahaana waxaa la iskku odhan jirey Ciidanka Dayaxa . Ciidanka intan la eeg na waxaa loogu talagalay difaaca Magaalooyinkaa aynu soo sheegnay . Hasa yeeshee Ciidan kooban oo ka tirsan ururkii snm oo aan wadanin haba yaraatee wax gaadiid dagaala ayaa gacanta ku dhigay ,wadartiisuna ahayd qiyaas ahaan 400 . Arrintanina waxay noqotay mid mucjiso ah oo laggu wareeray, Taliyihii Ciidanka Q-26aad . Gen Moorgan markii Taliyihii Ciidankan Cadaadley haystay u sheegay in lagga qabsaday wuxuu ku yidhi , Mee Ciidankii Dayaxa , dabeeto wuxuu ugu jawaabay , Dayaxii Cadceed baa kusoo baxday , oo macnaheedu yahay , Cadaadley waa la qabsaday . intaa ka dib Gen Moorgan wuxuu ku yidhi ” Adna yaan ku arkin ” maalmo ka dib ayaanu istoogtay Taliyihii Ciidankiisa lagga qabsaday Cadaadley oo la odhan jirey Col Kaahiye Alhn . Gen , Maxamed Ali Samatar oo dhacdadan ka faaloonayayna waxaa lagga hayaa ” Cadaadley waxa qabsaday waa yaab , Hadaba ninka sawirkan ka muuqdaa waa taliyihii Ciidankii snm ee qabsaday Cadaadey saaka oo kale 1988 , magaciisuna waxa weeyaan Col Xuseen Axmed Guuleed oo ku magac dheeraa ( Xuseen dheere) sidoo kale , wuxuu iyana sidan oo kale uga qayb galay Dagaaladii Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed kula wareegeen Magaalooyinka Godey iyo Jigjiga 1977 isagoo muddo ka badan 20 sanadood ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidankii loo yaqaanay Ciidankii Xooga dalka Soomaaliyeed , intaanu ku biirin Jabhadii snm 1986 kii . Faataxada haloo maro . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
-
Burcad badeed iyo burcad badeed la’aanba Japan waxaa ka go’an inay sii waddo hawlka caalamiga ah ee lagu sugayo ammaanka Geeska Africa taasoo muhiim u ah siyaasadda ballaaran oo ay ka leedahay Africa. Bishii hore Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay qabsadaan Markab laga leeyahay dalka Yemen kaasoo ay u isticmaalayeen weerarro ay u geysteen laba Markab oo kalluumeysi ah oo ay Spain leedahay, Waa hawlgalkii ugu horreeyey ee ay Burcad badeeddu ku guuleystaan tan iyo sannadkii 2017. “Weerarrada nuucaan oo kale ah waa qaab cusub oo ay adeegsanayaan dhawaanahaan. Ma ahan qaabkii hore oo ay weerarrada u qaadi jireen marka la eego sannado ka hor.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Japan. Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Japan ayaa lagu sheegay in Burcad badeedda Soomaaliyeed ay hoos u dhaceen inkastoo xasillooni darrada iyo faqriga sababay dambiyadaas ay wali jiraan. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda. Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda. “Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”. Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalaneynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaa shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda. Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad ay siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo daneyneysa in ay kusoo biiraan Ciidanka Badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida. Weftigan oo uu hoggaaminayey Xoghaya guud ee hay’adda Socdaalka dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale. Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana la shaqayndoona wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaadandoona bulshada Dowlad Degaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan booqan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo ganacsiga labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
A high-level delegation headed by Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo flew to Saudi Arabia on Wednesday, May 29. The president’s trip came after Saudi King Salman Bin Abdulaziz has invited him to an emergency meeting in Mecca, which is slated for May 30. Somalia’s foreign affairs minister and other government officials are already in Saudi Arabia, to pave the way for the president welcome, according to the sources. Saudi Arabia called for an emergency meeting to discuss current escalating tension in the Gulf and recent drone attacks in its soil by the Yemen-based Iran-backed Houthi rebels. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo. Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah. waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo kalsooni ka muujiyay in doorashada Jubaland si wanaagsan u dhacdo appeared first on Puntland Post.