-
Content Count
208,541 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa caawo heshay Roob socday in ka badan afar saac oo xidhiidh ah, kaasoo weli dhibcihiisu ku hoorayaan magaalada gudaheeda. [...] Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ay Caawa heleyso Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in dhallinyaro ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wadaan olole ay ku doonayaan in looga laabto go’aankii maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ku aadanaa Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin. Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta soo saaray xukun ku saabsan Kiiska loo heystay Wariyaha Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna amray in lasii daayo marka uu dhamaado Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo ku eg Maalinta JImcaha ah. Dhallinyaro goys ka heysto Ra’isulwaare Kheyre kana tirsan Xafiiskiisa ayaa Caawa wacay Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxayna cadaadis ku saarayaaan in laga laabto xukunkii lagu riday Wariye Cali Aadan Muumin. Dhallinyaradaas oo la aaminsan yahay inuu gadaal ka riixayo Ra’isul wasaaraha ayaa Garsoorahaas ku amray inuu racfaan ka furo xukunkii Wariye Cali Muumin isla markaasna aysan ku qanacsaneyn xukunkaas. Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa hanjabaad culus u diray Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir, haddii uu ka laaban waayana go’aankaas laga qaadi doono tallaabo ka dhan ah xilkiisa. Dhallinyaradaas ka tirsan Xafiiska Kheyre ayaa Garsooraha ugu hanjabay inay Xamar ka ceyrin doonaan maadaama uu isaga kasoo jeedo Deegaanada Somaliland haddii uu sameyn waayo arrinta Sharci darada ah oo ay rabaan. Sida uu garyaqaan ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir u sheegay Caasimada Online, mar haddii ay maxkamadda gaarto go’aan isla markaasna aan isla fadhigaas looga dhawaaqin inuu racfaan ka furan yahay, sidaas ayuu ansax ku yahay go’aankaas isla markaasna meeshaas lagu xirayo feylka fal dambiyeedkaas. Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed marka uu ridayey Xukunka Wariye Cali Aadan Muumin ma uusan sheegin inuu dambiile yahay iyo in kale, Sidoo kalana go’aankiisa wuxuu ku saleeyey inay eedeyn uga timid Xafiiska Baratakoolka Madaxweynaha, Booliska iyo Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kale waxaa xusid mudan inuusan wax racfaan ah ka furin go’aanka uu Maanta ka gaaray Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin oo si sharci darro ah ay u xirtay Dowladda Soomaaliya. Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Dhallinyarada ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Wariye Cali Muumin horey uga codsaday inuu kala shaqeeyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dhanka warbaahinta balse wuu ku gacan seeray. Dhallinyaradaas ayaa Cali u sheegay inay u geyn doonaan Ra’isul wasaaraha isla markaasna la siin doono lacag ka badan midda uu ka qaato Idaacadda uu ka tirsan balse Cali ayaa arrintaas diiday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow Cali. Madaxda ugu sareeyo dalka ayaa Social Media-yaha u isticmaalo in lagu dhalleeceeyo Siyaasiyiinta horey xilalka uga soo qabtay Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah inay dad maxkamad u geyso inuu Facebook wax kusoo qoray iyadoo la ogyahay in Dowladda ay lacag ku bixiso in Baraha Bulshada lagu fuliyo siyaasaddeeda. Ururada kala duwan oo ay shaqadooda tahay ilaalinta Xuquuqda Suxifiyiinta ayaa horey u cambaareeyey falkii sharci darada ahaa ee lagu xiray Wariye Cali Aadan Muumin, waxayna tallaabada ay wadaan dhallinyarada Xafiiska Ra’isulwasaaraha muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay caburinta ay Dowladda ku heyso Xuriyadda hadalka. F.G: Shabakadda Caasimadda Online ayaa saacadaha soo socdo idinla wadaagi doonto magacyada dadka ka tirsan Xafiiska Kheyre ee wado ololahaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalis are victims of domestic terrorism, and the international community is compounding their misery by undermining their livelihoods as part of their own so-called 'War on Terror'. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI (HOL) - The Kenyan Government has said that it will not allow unaccompanied luggage to be ferried into the country on flights from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI (HOL) - The Kenyan Government has said that it will not allow unaccompanied luggage to be ferried into the country on flights from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI (HOL) - The Kenyan Government has said that it will not allow unaccompanied luggage to be ferried into the country on flights from Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Jabuuti)-Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Ethiopia, Gedu Andargachewu ayaa kulan qasriga Madaxtooyada ee dalka Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele. Booqashadan Wasiirka Arimaha dibada Ethiopia uu ku tagay dalka Djibouti ayaa ahayd mid si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi, waxaana la socotay hambalyo xilka wasiirka ee loo magacaabay loogu hambalyeeyey. Madaxweynaha dalka Djibouti wuxuu balan qaaday in dawladdiisu ay hore usii wadayso xidhiidhka adag ee ka dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo Djibouti. Wasiirka Arimaha dibada dalka Ethiopia Gedu Andargachewu ayaa isaguna dhiniciisa sheegay inay hore u sii wadayaan xidhiidhka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dal, Gaar ahaana ay isla soo qaadeen Madaxweynaha dalka Djibouti xidhiidhada siyaasada iyo dhaqan-dhaqaalaha ee labada dal ay wadaagaan. Source
-
On May 21, a US court ruled in favor of a plaintiff who alleged that Yusuf Abdi Ali, a former commander of Somalia’s Siad Barre government, tortured him in 1987. The court awarded the plaintiff, Farhan Mohamoud Tani Warfaa – a teenager at the time of the alleged torture – $500,000 in damages. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani waxa uu maanta sheegay inay Maraykanka la bilaabi karaan Wada-xaajood, haddii ay dalkiisa ka qaadaan Cunaqabataynta saaran. Hadal-qoraal oo uu soo saraay oo laga baahiyey Telefishinka Iiraan ee ku hadla Afka Englishka ee PRESS TV waxa uu Madaxweyne Xasan Ruuxaani sheegay inay furan yihiin Albaabadda Wada-xaajoodka, loona baahan yahay inay Maraykanka qaadaan Cunaqabataynta iyo inay xaqiijiyaan ballamada ay qaadaan. Dhinaca kale, La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton waxa uu ku eedeeyey Iiraan inay ku lug lahaayeen weerarkii bishan lagu qaaday Maraakiibta shidaalka ee marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka. Dowladda Iiraan waxay horey u beenisay Eedeyntaasi. Source
-
(SLT-Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Asha Ali Abdulle ayaa la siiyey qeyb ka mid ah lacago magdhow oo loo qoondeeyey, kadib markii lagu jir-dilay Xabsiga. Haweeneydaasi waxay soo dhammaysatay xabsi 9 sanno ah oo ay ku muteysatay Afduub ay u geysatay Diyaarad nooca yar oo 19-ka kursi leh bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkii 2008-dii, waxaana xabsiga laga sii daayey bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii. Diyaaradaasi waxaa lahayd Shirkadda diyaaradaha ee Eagle Flight, waxayna xilligii la afduubanayey isaga kala gooshaysay magaallooyinka Blenheim iyo Christchurch ee dalkaasi. Maxkamad ku taalla magaalada Christchurch waxay Isniintii la soo dhaafay ku dhawaaqday in Haweeneydaasi magdhow laga siiyey dhibaatadii jidh-dilka ee loogu geystay Xabsiga muddadii ay xidhnayd. Waxay dhaawacyo ka soo gaadheen gacmaha, mana awoodo inay shaqsi ahaan soo xaajo-gudato Suuliga ama ay Shaawarka ku soo qubeysato. Haweeneydaasi oo ay Dhakhaatiirta hore u sheegeen inay qabto dhibaato maskixiyan ayaa waxaa la sheegay in laga yaabo in la siiyey illaa 15,500 dollar oo ka mid ah Kharajka guud ee magdhowgii loo xukmiyey oo dhamaa 25,000 oo dollar. Shabakadda Wararka ee stuff.co.nz ee ka soo baxa dalka NZ ayaa qoray in hal Duuliye iyo saddex qof oo rakaab oo ka mid ahaa Dhibanayaashii diyaaradda la afduubtay sheegteen magdhow. Duuliyaha oo mindi looga dhaawacay suulkiisa ayaa dalbaday magdhow dhan 146,341 Dollar, balse waxaa magdhow loo siiyey 5,000 oo Dollar, halka saddex qof ee rakaabka ee Dhibanaha ahaa la siiyey min 1,500 oo Dollar. Dhinaca kale, Maxkamad waxay go’aamisay in Asha Ali Abdulle la siiyo 15,500 oo dollar oo ah Lacagtii ka soo hadhay kharajkii guud ee la kala siiyey Duuliyaha iyo Dhibanayaasha kale. Asha Ali Abdulle oo dalka NZ tegtay sannadkii 1994-kii, waxay ku noolayd, kana shaqeysan jirtay magaalladda Blenheim, waxaana la sheegay inay ahayd qof ka xanuunsan dhimirka. Source
-
Waxaan aad u jeclaystay inaan bulshadda la wadaaago maqaalo taxane ah oo aan isleeyahay ku lafo gur, islamarkaana bulshada fahamsii shaqsi si layaableh intii ay Somaliland jirtay uga dhex shaqaysanayay Hay’adda Hanti dhawrka qaranka Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), kana mid ah shaqsiyaadka bahdilay ee madaxdii kala dambaysa ee Hay’addaasi soo maray ee baray laaluushka, waxa uu aad u yaqaanaa oo uu bartay qaabka loo Cabsi-maalo madaxda dawladda iyo sida Madaxda kolba ugu timaada Hay’addaasi sida loo hanto, isagoo ku xididaystay Hay’addaasi islamarkaana waxaan tusaalayaal u soo qaadan doonaa baadhis layaableh oo uu sameeyay, qaar uu ku fashilmay iyo qaar illaa maxkamad lala tagay oo uu ku ceeboobay, waxa kale oo aad ku arki doontaan taxanahan Hay’addo gaar ah oo uu Mushaharooyin ka qaato oo uu maalo, iyo sida uu u fashiliyo shaqada hanti dhawrka ee uu isku soo oodo. Taariikhdiisa. Cali Sheekh Maxamed Axmed(Cali Bilyan) waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka HARGEYSA, Gaar ahaan waxa ay hayb wadaag yihiin oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Madaxweynaha Hadda Talada Dalka haya, waxa ay walaalo yihiin Haweenayda iyadduna intii ay Somaliland jirtay haysata Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Golaha Guurtida oo aanay waligood hanti dhawrku galin, lana baadhin. Waxa uu Shaqadda Hanti dhawrka bilaabay bilawgii Aasaaskii Hay’addii markii la unkay, isagoo xilal kala duwan oo agaasime Waaxeed kasoo qabtay, balse waxa uu yahay masuulka keli ah ee fahmay islamarkaana ku mabay shaqadan isagoo caan ku ah Cabsi ku maalka Hay’addaha Qaranka, heshiis la galida Madaxda kolba meesha hanti dhawrku galo haysata, iyo inuu si hoose lacago laaluush ah uga soo qaado. Waxa kale oo uu qaabilsan yahay inuu ceebeeyo kolba Hay’adda ay baadhaan ee laaluush bixin wayda isagoo Buuggaa foljari ah jeebka ku qaata islamarkaana ku dhex daadiya Kolba halka ay baadhaan ee laaluush ogolaan wayda si uu u ceebeeyo, waana arimaha la ogaaday ee uu ku ceeboobay. Akhri Layaabka Dhacdadan: Sanadkii 2012-kii, waxa dhacday in hanti dhawrka qaranku galay, islamarkaana uu baadhis ka bilaabay Kastamyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Waxa Kooxdii Baadhistaasi waday madax u ahaa Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxa waktigaasi Hanti dhawrka Haystay Maxamuud Dheere oo aan shaqadda inta badan ku fiicnayn una daba fadhiisan jiray Masuuliyiin uu Cali Bilyan ka mid ahaa, taasi oo sahashay in maamul Xumo iyo hawlgab dhinaca Shaqada ahi ku dhacdo Xafiiska Hanti dhawrka. Waxa dhacday Wakhtigaasi in Baadhistaasi oo ay sameeyeen Koox uu Cali Bilyan Hogaaminayay in Cali Bilyan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Kastamka Kalabaydh u qaabiyo buugggaag (GR) fool jari ah oo baalmarsan nidaamkii Wasaaradda Maaliyadda kuwaasi oo lacag loogu ururin jiray Hanti dhawrka. Waxa arintii soo helay Xafiiska baadhista Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda oo uu wakhtigaasi madax ka ahaa nin layidhaa Khadar Indho Leeb, waxa arintii loo xidh xidhay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii uu Cali Bilyan hawsha gaar ka ah u igmaday, waxa la isla galay Maxkamadda waxaanu kiiskaasi Muddo ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Arimaha layaabka leh waxa ka mid ah in Cali Bilyan iyo Hanti Dhawrihii Guud Maxamuud Dheere ay Maxkamadda ka difaacayeen Shaqaalihii Buugta (GR) Fooljariga lagu soo qabtay, waxaana halkaasi ku kala cadaatay halka ay buugtaasi ka yimaadeen iyo inuu Cali Bilyan hawsha si gaar ah u fuliyay oo ay mid tahay shaqooyinka uu ka faa’iiday ee uu lacagta ka helo. Waxaanay tani ka mid taha shaqo maalmeed Cali Bilyan ee bahdilay islamarkaana sharafta ka qaaday Hay’adda Hanti dhawrka,waana caado illaa maanta uu ku dhaqmo oo lagu bartay. Waaxda Baadhista Wasaaradda Maaliyadda ee loo yaqaan (Internal Audit) oo uu Khadar Indho Leeb madax ka ahaa ayaa baadis xeel dheer ku samaysay Buugtii Fooljariga ahayd ee uu Cali Bilyan sheegay inuu Xafiisyadda lacagta ee Kastamyadda uu dhex dhigtay waxaana aakhirkii dhacday in la ogaaday in la buugaag badan oo kale la dhigtay kastamada kale ee wadan kuwaasi oo lacag lagu urursanayay islamarkaana uu ka dambeeyay Cali Bilyan. Waxaa la ogaaday shaqaale Cali Bilyan hawshaasi u fududeeyay oo shirqoolkaasi kula jiray, waxaana la isla galay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanay arintaasi ku cadaatay Cali Bilyan inuu falkaasi isagu gacantiisa ku sameeyay oo uu fuliyay. Waxa ay ka mid ahayd dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee hanti dhawrka shaqadiisa curyaamiyay ee keenay inay muddo dheer u dhutiyaan hanti dhawrku fool xumadaasi uu ninkaasi gayaysiiyay. Waxa uu goobaha uu baadhayo ka samaystaa shaqaale arintaasi la fududeeya kuwaasi uu wax kasiiyo laaluushka uu qaato. Qaybtii: 4-Aad. Lasoco Qaybaha Dambe: Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay labadii dhacdo ee aadka loo hadal hayay ee gafka ahaa oo dowladda Ethiopia gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ku dhaqaaqday. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Qaladka Koowaad ee Soomaaliga looga mid dhigay dhul Ethiopia kamid ah uusan aheyn wax weyn, islamarkaana markii ay la hadleen dowladda Ethiopia laga saaray sawirkii murunka keenay. Wuxuu sheegay in sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ay sameyneyso baaritaanka ku aadan cidda falkaasi ka dambeysay, islamarkaana ay lala xisaabtami doono dadka falkaasi geystay. “Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd, iyaguna markii ay khaladkooda arkeen annaguna aan kala hadalnay ayey ka saareen, cudur daar ayey ka sameeyeen, baaritaanna way sameynayaan” ayuu yiri Wasiir Cawad. Isaga oo la hadlayay BBC-da ayuu sidoo kale ka hadlay hadal heyntii ka dhalatay markii markale bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia lagu arkay in Somaliland iyo Puntland u aqoonsadeen dal ka madax banaan Somalia. ”Annagu Dowlad Soomaaliyeed baan nahay, Itoobiya kama mid nihin. Si rasmi ah ayaan dowladda Itoobiya warqad ugu qornay, wayna noo soo jawaabeen dowlad ahaan ayeyna noogu cudur daarteen. Haddii la rabay inaan baraha bulshada ku shaacinno sidaasi ma aha sida ay dowladaha ku shaqeeyaan, habab diblomaasi ayaan u marnay arrinta” “Safiirro ma joogaan Hargeysa iyo Garowe, Somaliya hal dowlad bay leedahay, hal safiir ayaana u jooga Itoobiya, safiirkaasna wuxuu joogaa Xamar, isaga ayaana diblomaasiyadda Itoobiya mas’uul ka ah”, ayuu yiri Wasiir Cawad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sedex caruur ah ayaa ku geeriyootay dagmada Cabdwaaq ee waqooyiga Galgaduud, ka dib markii ay ku qarqoomeen Barkad ay u aadeen in ay ku soo dabaashaan. Geerida Caruurta timid ka dib markii mid ka mid ah uu is ku dayay inuu biyaha galo si uu ugu dabaasho waxa uuna ku qarqoomay Biyahii, labadii caruur ee kale ayaa isku dayay inay ka soo saaraan biyaha sidaas ayeeyna ugu wada dhaceen Barkadda. Mahad Bashiir oo ah adeerka sedexda caruurta ah ee geeriyootay ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo caruurta looga diray barkadda lakiin ay u aadeen in ay ku dabaashaan oo kaliya, waxa uuna xusay in caruurta geeriyootay ahaayeen hal Wiil iyo labo Gabdhood. “Barkadda biyo loogama dirin cunugbaa dabaal u galay Gabdhuhuna iney ka soo qabtaan ayeey isku dayeen, ka dib waa ay kuwada dhaceen sidaa ayeeyna isku raaceen wax looga diray majirin”, Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in caruurtu ahaayeen kuwo aad yar marka loo eego biya baaxada ay lahaayeen iyo inaan loogu tala galin ayaga oo kale . ‘”Caruurtu aad ayeey u yaaraayeen Gabarbaa u wey caruurta 15 jir aheyd Wiilkuna waxa uu ahaa 13 sano jir Gabadha u yarna waxa ay aheyd 11 sano jir” waqityada sidaan oo kale marka Roobabka u da,aan qoys badan ayaa ku waayo caruurtooda ayagoo ku dabaasha biyo aad uga baaxad weyn, taas oo kakeenta in caruurtu ay geeriyoodaan ama dhibaato ka soo gaarto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. Magacaabistaan Safiirkaan ayaa saameyn dhanka Beelaha ah ku yeelatay safiir kale oo Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay labadaas safiir inay deg deg ay ugu soo laabtaan ugu dambeyn laba asbuuc gudahood. Tallaabada loogu yeeray Safiiradan ayaa si rasmi ah loo ogeyn, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in la bedeli doono. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan C/risaaq Shoole ayaa sanadkii hore loo magacaabay xilka Safaaradda, isagoo ka mid ahaa Agaasime kuxigeenada Madaxtooyada Villa Somalia. C/Qani Maxamed Waceys oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safiirka Masar uu saameyn doono is bedelo lagu sameynayo safaaradaha, sidoo kale waxaa saameyn doona habka awood qeybsiga ee 4.5 oo xubno ku heyb ahaa Safaarado kale loo magacaabay C/xakiin Xasan Ashkir oo ah Safiirka cusub ee loo magacaabay dalka Boqortootada Sacuudi Carabiya kana soo jeeda beesga Ogaadeen ayaa ku heyb ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta, waana sababta loo maleynayo in Mr Waceys loogu yeeray inuu muddo todobaad ah uu dalka ku soo galo. Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii dambe waday isbadalo ay ku sameeneyso Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka taasoo ay sabab u tahay loolan adag oo u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso dalka oo doonayo inuu mid kasta dadka ugu dhow u helo magacaabista Safiir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas si-weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii gudbeen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaoweeyay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.