Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Deni ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub. “Xarunta waxaa la ii sheegay in amnigeedu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni. Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsan yahay in qaraxaasi wax laga baran doono. “laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye.” Ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland. “Waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed amniga u feejignaadan. Hadan dad Soomaali ah fududeyn way adkaaneysaa in waxay doonan ay fuliyaan,” ayuu Deni ku daray. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargaysa) Shirkadda Gadiidka Ee Dhaweeye Oo Ku Guulaysatay Abaal Marinta Somaliland Awards. Adeegga Dhaweeye oo ah adeeg casri ah oo mobile app ah isla markaana aad ku dalbankarto gaadhiga kuugu dhow ayaa ku guulaystay abaalmarintii ganacsiga ugu fiican Somaliland ee loo yaqaan Bussiness of the year award waxana abaalmarinta guddoonsiiyey wasiirka wasaaradda Maalgaashiga ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cawed. Abaalmarintan oo ah mid sannadle ah ayaa waxa qabta Somaliland Awards, waxana sannadkan ku tartamayey saddex ganacsi. Adeegga Dhaweeye waa adeeggii Noociisa ah ee ugu horreeyay ee laga hirgeliyo dalka, isaga oo sameeyay shaqo abuur aad u ballaadhan. Waxa uu shaqo abuur u sameeyay darawalo tiradoodu gaadhasyo 2000 oo darawal, isaga oo isku xidhaya darawalka iyo macmiilka. Adeegga Dhaweeye waxa aad ku dalban kartaa laba hab oo ah in aad applicationka ka dalbato gaadhiga kuugu dhow adiga oo kala soo degaya playstore-ka amaba appstore-ka iyo adiga oo soo wici kara numberka 3000 ee callcentre ka. Dhaweeye Company waxa uu hiigsanayaa in uu noqdo adeegga ugu weyn ee geeska Africa isku xidha macaamiisha iyo darawalada, iyada oo adeeggu ka shaqeeyo hadda 7 Meelood oo geeska Africa ka mid ah. Ugu danbayn adeegga Dhaweeye waxa uu u mahadnaqayaa macaamiisha sharafta leh ee ku xidhan adeegga Dhaweeye isla markaana u coddeeyay ee u gartay in uu noqdo ganacsiga sannadkan ugu fiicnaa. Source
  3. Kulankan ay wada yeesheen Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa Looga hadlayay Xeerka Saxaafadda ee dhowaan ansixiyeen golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qorshe howleedka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Xarunta golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado dheer ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macallin Cumar Nadiir, waxa uu sheegay in wasiirka uu gudiga uga warbixiyay tubaha Wasaaradda warfaafinta ku shaqayso, Warbaahinta Dowlada iyo kuwa Madaxa Bannaan Horumarka iyo Caqabadaha haysta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa ka warbixiyay qorshaha Wasaaradda iyo tubaha ay Wasaaradda ku shaqayso iyadoo gudigan ay lee yihiin wada shaqayn dhow ayna ka wada shaqayn doonaan xeerka saxaafadda ee dhowaan Ansixiyeen Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo la xiriira Horumarinta Warbaahinta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta suxufiyiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Saudi Arabia has banned entry to travelers coming from Democratic Republic of Congo over fears Ebola could spread during next month's haj pilgrimage. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Hargaysa) Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Iska Hor Imaad Ciidanka Qaranka JSL Iyo Jabhada Caare Dhex Maray Source
  6. Beesha Caalamka oo dhaqaalaha ka caawiy Soomaaliland ayaa dulqaadkii ka dhamaadey kadib markii ay Masuuliyiinta Soomaaliland ay wax xal ah u waayeen Xildhibaanada kuraasta ku [...] Source
  7. (SLT-Hargaysa) Guddoomiye Cirro Aqbalay In Doorashadu Ay Ku Qab Soonto Wakhtigeedi Source
  8. (SLT-Hargaysa) Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Soo Af-Jartay Khilaafkii Ka Taagnaa Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada Source
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka. Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 bare oo loogu tala galay in ay sii tababaraan Macallimiinta Iskuullada ku yaalla Gobalka Banaadir . Tababarka barayaashan oo socon doona mudo 10 Maalmood ah ayaa waxaa bixin doona aqoonyahanno qibrad dheer u leh tababarka Macallimiinta Dugsiyada. Macallimiinta ayaa lagu tababari doonaa Manhajka ay dhowaan diyaarisay Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, oo ka kooban Fasallada 1-aad illaa 8-aad. Wasiir Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya loo gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran. “Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada Dalka,Manhajka lagu tababarayo Macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada Soomaaliyeed” ayuu yiri, Wasiir, Goodax. Wasiirka ayaa sheegay in tayada waxbarashadu ay ka kooban tahay Macallinka iyo Manhajka, balse loo baahan yahay in la helo kormeer adag oo hubiya, si loo ogaado in ay si wanaagsan isula taabba qaadeen, isagoo intaa raaciyay in Dugsi kasta iyo hay,ad walba Fasallada 1-aad illaa 8-aad ay qasab ku tahay in ay ku shaqeeyaan Manhaj ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaad ayaa sheegaya in dagaal culus uu deegaanka Karin ee degmadaasi ku dhex-maray Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid ka dib markii Jabhada Caare ay ka soo baxeen Buurtii ay hore saldhiga uga sameysteen ee ku taalay deegaanada Ceerigaabo, isla markaan weerar ku qaaden deegaanka Karin oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iyaguna markiiba iska caabin kala hor-tagay ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare, midaasi oo sababtay iska hor imaad culus. Dagaalkan ayaa imaanaya kadib markii Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare ay shalay sameysay aag badalasho, iyadoona ka guurtay Buurtii ay saldhiga hore uga dhigatay, isla markaana u guurtay marin muhiim ah oo ku yaala degaanka Tabca. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkasta oo ay soo baxayaan tirooyin is-khilaafaya oo ku aadan ciidamada labada dhinac kaga waxyeeloobay dagaalkaasi. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta daabacday war ku saabsan tacsi uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u diray dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi. Haddaba, arrintan kama degin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaa kuwa isticmaala baraha bulshada iyada oo su’aalo badan ka weydiidey madaxweyne Farmaajo sababta uu uga aamusay dadkii ku waxyeeloobey qaraxii xarunta gobolka Banaadir 24-kii bishan, dadkaasi oo 9 ay dhinteen, waxaa kale oo dhaawac culus soo gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow. Dhacdadaas kadib madaxweyne Farmaajo ma hadlin, ma soo booqan, mana ku tukan, arrintaas oo iyadana su’aalo badan la iska weydiiyey. Halkan Hoose Ka Akhriso, Sida ay dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen tacsida uu Farmaajo u diray Tunis. Source: goobjoog.com
  12. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal amarro ah soo saartay, waxaanu u qornaa sidan: Source: goobjoog.com
  13. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa ka qayb galay dhoolatus ay sameenayeen Ciidamada isu diyaarinaya ka qayb galka xuska 1da Augost. Source
  14. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb. Ciidankaan ayaa meesha ka saaray Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la geeyay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milatari kala socday Ciidanka Sunna iyo kuwa dowladda. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlusunna ay diideen in Ciidamo hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, taas badalkeeda ay Amniga Magaalada ku sugi doonaan Ciidankii dhawaan la qarameeyay. Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa diiday in Ciidamo laga qaado Muqdisho laga geeyo Magaalada Dhuusmareeb,islamarkaana uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb. Waxaa socda dedaalo la doonayo in ciidamada garoonka heysta laga saaro si dib loogu soo celi dhaq dhaqaaqii maalin laha ahaa ee ka socday. Wixii warar ah ee ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaa Insha Allah. Wararkii ugu dambeeyey qaabkii loo fuliyey qaraxii Xarunta Goboka Banaadir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Xeeldhereyaal ka tirsan jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska ayaa ka digay khatar caafimaad oo ka dhalan karta nooc sonkorta ka mid ah oo caan ku ah in lagu macaaneeyo qaar ka mid ah cabbitaannada warshadaysan sida sharaabbada aan sonkorta lahayn iyo xanjadaha aan iyadana sonkorta lagu darin. Noocan sonkorta ah oo loo yaqaanno ‘Aspartame’ waxa ay leedahay magacyo kala duwan oo ay warshadaha soo saaraa ula baxeen, laakiin magaceeda rasmiga ahi waa Aspartame oo ka turjumaya samayskeeda. Eric Milston iyo Elizabeth Dawson oo ah laba xeeldheere oo cilmibaadhis ku sameeyey khataraha caafimaad ee ay sonkortani keeni karto ayaa sheegay in uu goldaloolooyin badan lahaa go’aankii sannadkii 2013 ka ay sii deysay hay’adda badbaadada cuntada ee Midowga Yurub, kaas oo sheegayey in sonkorta Aspartame aanay wax dhibaato caafimaad ah keenayn. Waxa ay labada khabiir hay’adda badqabka cuntada ee midowga Yurub ku dhaliileen in ay go’aankaas qaadashadiisa u cuskadeen natiijada daraasad ay sheegeen labada khabiir in ay aad u daciif ahayd. Eric iyo Elizabeth oo u warramayey wargeyska New York Post ee ka soo baxa dalka Maraykanku waxa ay hay’adda ku eedeeyeen in ay iska indhatirtay daraasado tiro badan oo caddaynayey in sonkortani ay khatar ku tahay caafimaadka. Eric oo isagu mar kale la hadlayey waregeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay dad tiradooda lagu qiyaasayo 250 ruux oo ay xeeldheereyaashu baadhis ku sameeyeen ay qireen in sonkortani ay ku keentay dhibaatooyin caafimaad. Kuwaas oo ay ka mid tahay caafimaad darro dhinaca neerfeyaasha ah. Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna ka digay in sonkorta samayska ahi ay mustaqbalka fog qofka ku keento Khalkhal dhinaca xarakaadka xubnaha ah. khalkhalkaas oo ay xeeldheereyaashu ku xidhiidhiyeen Khalkhal ay sonkortani marka hore ku keento caafimaadka caloosha iyo midhicirada. Aspartame waa mud macaan samaysa leh oo sonkorta caadiga ah ka macaan 2 boqol jeer laab, laakiin haddana Kalooriska ku jiraa ay ka yar yihiin xaddiga ku jira sonkorta caadiga ah. waxaa inta badan lagu daraa dhammaan cabbitaannada ay ku qoran tahay in aanay sonkor lahayn, oo inta badan ah kuwa loogu talagalay dadka macaanka qaba. Geeska Qaran News
  16. Stockholm (SMN) – Dowladda Sweden ayaa Staffan Tillander u magacaabatay in uu noqdo danjiraheeda cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, sidda ay xaqiijisay safaaradda Muqdisho. Tillander oo lagu waddo in uu xafiiska la wareego horaanta bisha September ee sanadkan 2019 ayaa wuxuu bedeli doonaa diblumaasiga Andreas von Uexk&uuml War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in safiirka cusub uu waayo-aragnimo badan u leeyahay Soomaaliya. ‘Tillander waxa uu khibrad balaaran uu ka haystaa Afrika iyo gobolka Geeska Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka. Uexkü oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa dowlad goboleedyadda dalka kuwii ugu dambeeyay ee uu socdaal ku tegay waxaa kamid ah Puntland iyo Jubbaland. Madaxda maamuladaasi ayaa wuxuu kala arrinsaday taageerada ay siiso dowladiisa, mashaariicyadda horumarineed iyo doorashooyinka waddanka kusoo fool leh sanadkan 2020-21. Sweden ayaa safka hore uga jirta wadamada Midowga Yurub iyo kuwa kale ee caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ku garab-taagan Soomaaliya tan iyo burburka haatan laga soo kabanayo. View the full article
  17. Kismaayo (SMM) – Xeer ilaaliyaha ciidamada Jubbaland Maxamed Axmed Yaasiin ayaa soo saaray amar culus oo ku socda ciidamada maamulkaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu wargeliyey ciidamada ay ka madax banaanadaan doorashada hoggaanka maamulka Jubbaland. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  18. Baarlamaanka Puntland oo mamnuucay konteenarada Berbera Xukuumadda Puntland ayaa dheg jalaq u siin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka, kaas oo lagu mamnuucay konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland. Baarlamaanka Puntland ayaa go’aan ay soo saaareen 8-bishan July ku macnuucay konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera , ee la keeno degaannada Puntland. waxayna Goluhu sheegeen in ay curyaamin ku yihiin dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland. Guddiga dhaqaalaha Baarlamaanka oo warbixin jeediyay xiligaas ayaa tilmaamay in konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ay fududeeyeen Wasaarahada Maaliyadda iyo Ganacsiga Puntland, ayna sababi karto arrintaasi in ay howl-gab noqoto dekedda Boosaaso, oo ay xuseen in taxaa laga yaabo in xoolaha laga dhoofiyo loo wareejiyo Berbera, madaama doonyihii qaadi jiray oo badeecooyinka keeni jiray ay joog sadeen. Kadib go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland waxaa wali si xowli ah ku socda badeecooyinka ka soo dega dekedda Berbera ee Somaliland, waxaana maagaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu dhex arkayaa gaadiid xanbaarsan konteenaro laga keenay Berbera. Somaliland ayaa konteenarada ka soo dega dekedda Berbera ka qaada khidmad kaliya, halka Puntland ay ku canshuurto Kastamka Tukaraq, waxaana daagiidka badeecooyinkaas soo qaada intooda badan laga leeyahay deegaanada Somaliland. Mid ka mid ah daadiidka konteenarada ka soo qaada Berbera Badeecooyin badan oo ka yimaada China, Turkey iyo meelo kale ayaa hadda si toos u yimaada dekedda Berbera, kuwaas oo gaadiid ku soo daabulo Puntland, halka markii hore lagu soo furfuri jiray Dubai iyo Salaalah, kadibna doonyo loogu soo qaadi jiray Puntland. Macaamilka ganacsi ee Somaliland iyo Puntland ayaa imanaya, iyadoo labada maamulka ay ku muransan yihiin gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo dhowr jeer dagaallo dhiig ku daatay ku dhexmaray labada dhinac. PUNTLAND POST The post Puntland: Go’aan ka soo baxay Baarlamaanka oo aan dheg jalaq loo siin appeared first on Puntland Post.