Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,529
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tilaabooyin ka dhan ah dowladda Soomaaliya Shantii Bilood ee lasoo dhaafay , waxaana jiray heshiisyo ay galeen dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo Mas’uuliyiinta Kenya ay ka baxeen. February 16, 2019 Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay u yeertey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho. Kenya ayaa sheegtey in ay ka careysan tahay sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka. March 06, 2019 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan, kadib wada-hadallo ay Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta. Xiriirka labada dal ayaa xumaaday 16-kii February markii Kenya ay soo cayrisay safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan islamarkaana u yeeratay safiirkeeda Muqdisho, Lucas Tumbo. Dadaalka lagu soo Afjaray xiisadda labadda dal waxaa kaalin weyn ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ay si wadajir ah Magaalada Nairobi u tageen Madaxweyne Farmaajo. March 19, 2019 Ciidamada Kenya ayaa ka baxay degaanka Buusaar ee hoostago degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale xilligaasi ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Gedo taas ayaa lagu sheegay in ay tahay Culeys la saarayo dowladda dhexe ee Soomaaliya. May 10, 2019 Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, Kenya ayaa ku sheegtay War kasoo baxay in dhammaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ka iman jiray magaalada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer ka hor inta aysan u gudbin Nairobi. Diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya ayaa mar walba mari jiray Wajeer, hase yeeshee heshiis dhex-maray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, bishii March ee 2017, ayaa lagu ogolaaday duuliimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. May 21, 2019 Saddex mas’uul oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya u diiday in ay galaan Magaalada Nairobi ka dib markii loo diiday in Baasaboorka diplomaasiga ah ee ay wateen loogu dhufto Visa dalka ku galka Kenya. Saddexda Mas’uul ayaa kala ahaa wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha Cusmana Libaax Ibraahim , Senetor Sam Sam Daahir iyo Senetor Ilyaas Cali Xasan. May 29, 2019 Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhammaan Go’aamaddaan ay qaaday dowladda Kenya ay yihiin kuwo ay dooneyso in ay dowladda Soomaaliya ay Caddaadis ku saarto si ay uga laabato dacwadda Badda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu u qaybinayo awoodda dowladda maamul goboleedyada ka tirsan dawladda dhexe iyo dowladda dhexe. Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm. Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexay si ay si gaar ah ugu maamushaan gobolladooda. In kasta oo dastuurka Soomaaliya aan wali la dhamaystirin, haddana intii badnayd waa la qoray, wayna ku heshiiyeen dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu, inkast oo ay jiraan caqabado hortaagan in dhakhsa ah loo dhamaystiro. Haddaba waxaa is waydiin leh maxay Puntland mar walba u horseeddaa khilaafka ka dhex dhaca maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, iyadoo fagaare kastana uga faanta inay tahay hooyadii Federaalka? Jawaabtu waxay tahay Puntland waxay rabtaa inay federaalkana ka mid ahaato isla markaasna hesho sed bursi iyo xuquuqo dheeri ah oo aysan helin maamul goboleedyada kale, taladii ay soo jeediso iyo mowqifkii ay qaadatana aan laga daba hadlin. Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland. Tusaale ahaan: Markii Qaramada Midoobay ay oggolaadeen in Soomaaliya la siiyo 10 sano oo daakhilyo ah (UN trusteeship) oo lagu diyaarinayo kaadirkii dalka maamuli lahaa, ayaa dawladda Ingriisku u timid madaxdii SYL iyo odoyaashii Italian Somaliland, waxayna ku dhaheen haddii aad Ingriiska u doorataan inuu 10-kaas sano idin maamulo waxaan idiin ballan qaadaynaa inaa shanta Soomaaliya aan midayno oo isu keeno. SYL iyo odayaashii koonfurtu waa diideen oo waxay yiraahdeen anagu Talyaani baan ku hadalnaa, Ingiriisna ma naqaan, haddii Ingiriis waddanka qabsadana dad kale (reer waqooyi) ayaa xukunka waddanka la wareegaya, anaguna cidlaan ku soo dhacaynaa. Sidaas baa Talyaani taladii waddankii loogu dhiibay. Talyaanina meeshuu Soomaaliya dhigay cid walba way ogtahay oo iska daa in shantii Soomaaliya midowdo e, labadii midoobay baa sii kala bur-buray. Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa dilay nin reer Puntland ah. Afgambii 1978-dii oo sababta u noqday in dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burto waxaa hoggaaminayay Cabdullahi Yusuf. Jabhaddii ugu horraysay oo dawladdii cadowga ahayd ee Itoobiya hoos tagta oo halkaas dagaallada iyo xasillooni darrada ka soo abaabusha waxay tii SDF. Nidaamka Federaalka ee qabiilka iyo 4.5-ka ku dhisan waxaa noo keenay Puntland. Maamul goboleedyada waxaa noo sameeyay reer Puntland. Ciidamadii Itoobiya waxaa markii ugu soo horraysay si buuxda u soo galiyay Cabdullahi Yusuf. Heshiiyadii fitnada keenay ee maamul goboleedyadu ay ugu samaysteen is bahaysiga ka dhanka ah dawladda dhexe waxaa noo horseeday Cabdiwali Gaas oo reer Puntland ah. Hanjabaadda lagu hayo dawladda dhexe iyo xiriirka hadba loo jarayo waxaa mar kasta bilaaba Puntland. Caqabadda ugu wayn oo hor taal inuu dhamays tirmo dastuurka waxaa horseed u ah Puntland. Marka aan is waydiino ee Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay. Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, Puntland iyo Soomaaliyana u hagardaameeyaa? W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Ummad isku maqan kala maqan kalana maahsan kala maan ohoo, muxuu yahay mudankooda? Maqaalkan waxa uu daba socdaa kii aanku tilmaamaye abaalka Kenya taasoo aan sarbeeb ahaan idiinku tusay damaca Kenya anigoo markaasi hab fikir aanan keyga ahayn hase ahaate ka tarjumaya damaca Kenya idiinla wadaagay, anigoo markaasi doonayay inaan idiinku xamaasad kiciyo. Dhawaan dalka itoobiya waxay soo bandhigtay qariirad caddeyneysa mustaqbalka ay ka leedahay gobolada koonfureed ee Talyaaniga gumeysan jiray, taasoo umuuqato hankeeda ku aadan in goboladan lagu daro Itoobiya halka goboladii waqooyina laga dhigay dal madax banaan!!! iyadoo markaasi damacaasi mustaqbalka Itoobiya ku tusaya, in fikirkaasi ay dadaalkeeda ku howlantahay! Sawirkaasi qariirada Itoobiya way ka fal celisay balse qariiradaas Itoobiya soo bandhigtay waxay sheegtay inuu ku dhacay qaab qaldan markaasina si maskaxiyan bay noogu cadeysay in rajada ay naga qabto uu yahay in goboladeena koonfureed la wareegto. Dhanka kale fal celin shacab mooyee ilaa iyo hada lama hayo mid dowladeed, waxayna wado fur u noqon doontaa hanka Itoobiya iyo damaceeda qaawan ee mustaqbalka ay ka leedahay gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya. Hadaba aan tixraac ku sameeyo bandhigga qariiradan Itoobiya soo gudbisay, ma noqon karyaa mid dhaboobi kara mustaqbalka? Ma laga yaabaa in gobolada koonfureed ay noqdaan kuwa hoos taga Itoobiya? Hadafka Itoobiya hada ma socotaa libtii ay kaga gun gaadhi lahayd inay koonfurta dalka gacan ku heynteeda qabtaan!!? Baaritaanadan isku day adiguba inaad afkaartaada aad ku cabirto siday kula tahay adigoo ka eegaya marxaladaha qalafsan ee goboladan koonfureed maamulkoodu yahay!! Burburkii dowladii dhexe ee Kacaanka ee uu hogaaminaye Alle ha u naxriistee kornayl Maxamed Siyaad Barre, ka dib Soomaaliya waxaa ka bilowday is jabhadeysi oo aan loo kala harin kuwaasoo markii dambana reebay in laysku baa ba’o layskuna dilo, dowlad xumina ka dhalato, walibana kala qaybsin ay dhacdo oo jabhadihii xiligaasi dilaacay mid ka mida sheegtaan in ay ka goosteen Soomaaliya. In ku dhow 10sano iyadoo marxaladaasi tahay ayaa dhacday in caalamka ama waxa loogu yeero beesha caalamku sameeyaan dowlado lagaga hor tagi karo burburka wali dalka ka taagnaa, markaasina waxaa dowladahaasi lagu soo dhisay wadamo dariska ah. Dhisiddii dowladahaas oo midba sanadihiisa la tagayay, waxaa dhacday in la sameeyo hanaan federaal kaasoo awood siinayo in jabhadihii ka dilaacay Koonfurta Soomaaliya loo magac wanaajiyo. Sida aan xigashada ku ogahay hanaankaasi waxaa lagu soo hindisay Wadank Itoobiya si markaasi xal loogu helo is qab qabsigii iyo jabhadeyntii wadanka ku bur buray, muddo 11 sanadood oo marxalada dowlad kumeel gaar ah iyo islaamiyiin ka curtay Koonfurta iyo bartamaha dalka, dabadeedna waxaa 2012kii markii ugu horeysay doorasho barako ku bixis ah! lagu qabtay Muqdisho, iyadoo markaasi la leeyahay in laga gudbay heerarkii Kumeel gaarka ahaa, ka dibna la bilaabay dhisidda hanaankii federaalka, waxaana dhacday in dowladii waqtigaas la doortay ay hagaajiso islamarkaana ku guuleysato dhismihii maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland, oo ayana ahayd maamulkii labaaad ee ka curtay Wadanka Soomaaliya, Howlihii ugu badnaa waxaa lagu bixiyay in maamul goboleedyo gaaraya ilaa 4 dowlad goboled laga hir galiyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taasna waxay keentay in madaxdii loo magacaabay maamul goboleedyadaas ay isu aqoonsadaan inayba ayagu dowladyihiin ka dib doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi farmaajo 2017kii, hase ahaatee muddo xilligan ku siman ay wali jirto isla amar diidii dowladii dhexe. Waxayna qariiradan cadeyneysaa in Koonfurta dalka aysan ka jirin dowlad awood leh, damaca Itoobiyana yahay in ay la wareegto, sababtoo ah dal 30sanadood marnaba isku waafaqin dadkiisu in hal dowlad ku shirkoobaan ay dhici karto in la qabsado lana qaybiyo. Horaana loo yidhi Ummaddii tashan weydo waa loo taliyaa! Waxaana muuqato in aan nahay doqomo isku tali karin, kala tagi karin, iskuna dhiban badalkeedana ay noqon doonto in loo awood sheegto waxaana taasi ku kalifeyso kala qaybsanaantooda iyo kala maan sanaantooda. W/Q: Ismaaciil Ibraahim Xasan ismasitowsi2019@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Borama (Caasimada Online) ― Badhasaabka gobalka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa weli firxad kaga maqan magaalo madaxda gobalka Awdal ee Borama. Badhasaabka ayaa muddo bil ku siman firxad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Borama. Xildhibaan Dhegaweyne oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Boorama, ayaa waxa uu sheegay in Badhasaabkii gobalka Awdal uu deegaanka uu Mas’uulka ka ahaa uga baxsaday dilkii loo geystay labada Saraal ee ka soo jeeday G/Awdal. Dhegaweyne ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu Badhasaabka ugu tagay magaalada Hargeysa si uu ugu soo qanciyo in uu ku soo laabto gobalka uu ka talinayey, balse wuxuu sheegay inuu ku gacan sayray Badhasaabku, wuxuuna yiri “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto. Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday”. Wuxuuna intaas kusii daray “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ugu baaqay inuu xabsiga kasii daayo Sheekh Aadan Sunne. Xildhibaan Nac-nac ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu sii daayo Dhalinyartii lala xiray sheekh Aadan Sunne. “14-kaas nin ee masaakiinta ahaa ee wadaadada ahaa ee wali xiran ee sheekhu ku jiro sii daa ayaanu leenahay” ayuu yiri Xildhibaan Nac-nac. Xidhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay cafiskii uu Madaxweyne Biixi u fidiyey maxaabiistii Puntland, isagoona sheegay in maamulka Puntland ay weli duulaan ku wado, wuxuuna yiri “Madaxweynuu waa uu ku hagaagsan yahay haddii uu 14-kaas Tukaraq uu saamaxay waa dad muslim ah, laakiin markaad wax sii daynayso waa inaad wax ku badalataa, 14-kiina waa aynu sii daynay kuweeniina way haystaan nimankan Puntland ee nimankeena haystaana umaba jeedaan saamaxaad iyo waxaas, imika ayay inagu soo duuleen oo barigi ayay tageen marba dhan ayay inagaga imanayaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. PRESS RELEASE Terrorist Attacks in Niger, Mali, and Burkina Faso We offer our deepest condolences to the families and friends of those killed, and wish a quick recovery to all who were wounded NOUAKCHOTT, Mauritania, May 29, 2019/ — The United States condemns in the strongest terms last week’s terror attacks in Niger, as well as recent attacks in Mali and Burkina Faso, which have taken the lives of security forces defending their nations. We offer our deepest condolences to the families and friends of those killed, and wish a quick recovery to all who were wounded. These attacks offers a stark reminder of why the United States remains resolved in our fight to defeat terrorism. We stand with the Nigerien, the Burkinabe, and the Malian governments and people, and with all the countries in the region, as they confront this terrorist threat. We will continue our work to bolster their capacity to fight ISIS and other terrorist networks. Distributed by APO Group on behalf of Ambassade des États-Unis en Mauritanie. SOURCE Ambassade des États-Unis en Mauritanie Qaran News
  7. Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa xalay hoygiisa ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Cali Shire. Mudane Dhoobo ayaa salaaan iyo is-xog-wareysi ugu tegay suldaanka oo kamid ah isimada soo jireenka ah ee ugu waaweyn degaannada Puntland islamarkaana guud ahaan laga ixtiraamo geyiga Soomaalida. Guddoomiyaha oo shalay gaadhay degmada Badhan ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland oo halkaasi uga sii horreeyay saraakiil ciidan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland hoygiisa ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  8. Saddex taliye iyo ciidamadooda oo ka baxay taliska Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa si rasmiya ugu biiray ciidamada Puntland ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolkaasi. Taliyaasha ayaa Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag si ay halkaasi uga saaraan wefdi ka socda Puntland. Taliyaasha oo hoggaaminaya ciidamo wadar ahaan gaaraya ilaa 1000 askari balse degaanno kala duwan jooga ayaa ugu dambeytii si rasmiya ugu biiray ciidamada difaaca Puntland ee gobolka Sanaag sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan. Sidoo kale waxaa gobolka ku sugan xubno ka tirsan golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland oo sida la sheegayo kulamo la qaadan doona taliyaasha hoggaaminaya ciidamada soo biiray. Magaalada Badhan ee gobolkaasi waxaa haatan socdaal ku jooga guddoomiyaha Baarlamanka Puntland wasiirka Amniga iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamadii ka baxay Somaliland oo si rasmiya ugu biiray Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Gaadiidka shilka galay oo gubanaya Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay. Magacyada 2-da marxuun ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda. Marxuum Maxamed Ciil Qabe oo ku dhintay shilka Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida ay uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal. Sarkaalka ayaa sheegay in goobta shilka uu ku soo arkay gaadiidka oo gubanaya iyo maydadka 2-da marxuum balse aysan weli helin dadkii saarnaa gaariga weyn isagoo intaasi raaciyay in magaalada Qardho lagu qabtay qof argagaxsan oo loo maleynayo in uu yahay darewalkii gaariga xamuulka ah. Marxuum Cabdirashiid Yaasiin qofka labaad ee ku dhintay shilka Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee shilku dhaliyay maadaama aysan markii hore ogayn tirada dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay. PUNTLAND POST The post Shil khasaare nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  10. The Kenyan government now says it will not allow any unaccompanied baggage to be ferried into the country on flights from Somalia. In a statement issued on Tuesday, the government says any such baggage will be confiscated and destroyed in line with air transport regulations. “The government of Kenya has noted with concern many pieces of unaccompanied baggage on flights emanating from Somalia. This contravenes international air transport regulations and poses a security threat,”said the government. “Consequently, the government of Kenya will not allow unaccompanied baggage from Somalia into the country. Such baggage will be confiscated and destroyed in line with applicable, air transport safety and security regulations and the carrier airline will be held responsible.” At the same time, the government insists that no Somali official with proper documentation and visa has been denied entry into Kenya. According to the Foreign Affairs Ministry, the four Somali nationals who were denied entry on May 20, 2019 were travelling on diplomatic passports but did not have visas. “The government has no intention to deny, Somali nationals entry into Kenya provided they have the necessary entry requirements which are known to the immigration officials of the Federal Republic of Somalia,” says the Ministry. Kenya has also down played the announcement by Somalia that its representatives will not be attending global or regional events in Nairobi. “The government of Kenya will continue to facilitate and host regional and international meetings in accordance with its international obligations and commitments and Somali nationals are always welcome subject to entry requirements as is applicable to all foreign nationals,” says the Ministry. Kenya and Somali are at loggerheads in a renewed conflict that has been blamed on a maritime border dispute between the two nations. Source: CitizenTV
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka tubta guud ee gobalka Banaadir oo lagu qabtay xarunta maamulka gobalka Banaadir. Shirka oo looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha adkaynta amniga iyo sare u qaadidda bilicda caasimadda, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kusoo bandhigay wixii uu magaalada kusoo arkay intii uu ku jiray kormeer uu ugu kuur gelayay heerka uu gaarsiisanyihiin amniga iyo nadaafadda degmooyinka gobalka Banaadir. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha xoogga, guddoomiyaha gobalka, kuxigeennadiisa, taliyayaasha ciidanka xoogga, booliiska iyo Asluubta ayaa si qota dheer looga hadlay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan sidii amniga loo gaarsiin lahaa heerka ugu wanaagsan si looga hor tago falalka gurracan ee kooxaha argagaxisadu ku beegsadaan bulshada Soomaaliyeed. Shirka ayaa sidoo kale looga dooday nadiifinta caasimadda iyo sare u qaadidda bilicda si bulshada ku nool ay ugu ciidaan magaalo qurux badan oo aan qashan la hayn, waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray maamulka gobalka iyo dhammaan hay’adaha kale in ay si is-xilqaan ah ugu istaagaan hagaajinta nadaafadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka ku dhiirri geliyay in ay si gaar ah isaga xil saaraan nadaafadda degmooyinka ay madaxda ka yihiin, isaga oo u ballan qaaday maamulkii nadaafadda degmadiisa hagaajiya in abaal marinno uu ku farxo la guddoonsiin doono. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka kadib waxa uu kormeeray bangiga dhexe iyo dekadda Muqdisho si sare loogu qaado isla xisaabtan, daah-furnaanta iyo hufnaanta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Piece of History of Somaliland, former British protectorate. 5 JULY 1960, 871 Meetings of UNITED NATIONS SECURITY COUNCIL: Sir Plerson DIXON (United Kingdom): My delegation is happy to share with the delegation of Italy and the delegation of Tunisia the honour ofsponsoring the application of the Republic of Somalia for membership in the United Nations. This is an occasion which may well go down to history as unique in the annals of the United Nations. We have onmore than one occasion welcomed into the Organization former Trust Territories. We have many times welcomed States which have graduated from dependence to independence. But today we are concerned with the uniting of Somaliland, a former British protectorate which itself celebrated its independence on 26 June-and Somalia, which has been administered by Italy as a Trust Territory and reached independence on 1 July. On that same day, 1 July, the two independent States of Somaliland and of Somalia freely entered into a solemn partnership: the Republic of Somalia. There seems to me to be ample cause here for satisfaction. The two constituent parts of the Republic of Somalia have our warmest congratulations on the way in which they have advanced to independence. As the representative of one of the two administering Powers concerned, I can speak with very genuine feeling when I say how gratified we are that this important development has taken place in an atmosphere of mutual interest and good will between the administering and the administered, founded in a common aim: independence. The decision of these two independent nations to fuse their identity into one is also a matter in which their leaders and people can be assured of our best wishes for success. It is, of course, an arrangement which affects Somaliland and Somalia only, and we are confident that the new State will retain the most friendly relations with all its neighbours. Her Majesty’s Government recognized the new State on 1 July and Her Majesty was represented at the ceremonies of independence by the Minister of State for Foreign Affairs, Mr. John Profumo, who presented his credentials to President Aden Abdullahe Osman that afternoon. I was much moved by the statement we have just heard from the representative of Italy. In laying down its trust, which it has discharged on behalf of the United Natiens with such skill and devotion, the Government of Italy can do so in the knowledge that it has left the United Nations and the people of Somalia deeply in its debt. During the ten years of Italian trusteeship, my Government has watchedwith increasing admiration the work of the Italian Government and the Somali people in developing the Trust Territory. My delegation has been able during that time to observe from close quarters in the Trusteeship Council the inspiring progress which has been made. We have had the privilege ofknowing some ofthe dedicated people who have played a prominent part in this chapter of United Nations history. In particular, I should like to mention Hajji Farah Ali Omai’, who represented the Government of the former Trust Territory on so many occasions here in New York, and. of course, the Prime Minister for a number of years, Mr. Abdullahi Issa, whom we remember from earlier days in the United Nations. I should also like to recall on this occasion the arduous work which has been done by the members of that unique United Nations body, the Advisory Council in Mogadiscio, the representatives of Colombia, the Philippines and theUnited Arab Republic, who have served this Organization and the new State so devotedly. A special thought is due to the memory of Kamal Eddin Salah, who tragically lost his life in the service of the Council. To these men, together with the Italian administrators who have contributed so much, Ambassadors Fornari, Martino, Anzilotti and di Stefano, our proceedings today are a tribute. The special relationship forged between the United Nations and the people ofSomalia-a relationship bound up with the history ofthis Organization itself-will not, I am confident, be allowed to rust away. I am sure that, on the contrary, in the matter of economic, social and educational aid to theRepublic of Somalia, this Organization has a most important role to play in the future in co-operation with the leaders of the newly independent State. My delegation was happy to seeMr. Stavropoulos in Mogadiscio atthe moment ofindependence as the representative of the Secretary-General, and we hope that appropriate arrangementswill bemade to ensure that the advice and the assistance ofthe United Nations are available to the new State. We are dealing today with the application for membership of the Republic of Somalia, but I hope that it will be thought appropriate if I speak particularly of that part of the Republic with which we in the United Kingdom have had long and friendly connexions and which is less familiar to the United Nations than the former Trust Territory. It was in 1827 that the first treaty between a Somali tribe and the UnitedKingdom was signed. By 1887 a series of treaties guaranteeing British protection to various Somali tribes had been signed. and the Somali Protectorate was administered by the UnitedKingdom until 26 June 1960. I should like to give a brief sketch of some of the main aspects of this land – that is, the land with which we have had special connexions. Somaliland lies on the southern shores ofthe Gulf of Aden. Along the coast are flat maritime plains which rise steeply to the highlands, comprising a great mountain range and extensive plateau areasmore than 2,000 feet above sea-level, which provide the principal pas turea of the country. The population of the former Somaliland, mainly nomadic, is estimated at about 650,000 persons-almost one third of the population of the new Republic. The economy is principally pastoral. Animal husbandry is much the most important single source of wealth and there is considerable export trade in animals on the hoof and skins. There is also an agricultural industry of increaSing importance. Her Majesty’s Government, during its period of responsibility for the Somaliland Protectorate, sought to help to develop the basic framework of services and facilities necessary for communications, for production and for social well-being. In addition to an annual grant-in-aid for the budget ofthe Protectorate, it contributed considerable sums for development. In the last four years alone, some £2.5 million was made available. It would, I think, be appropriate to mention here that Somaliland already has first-hand experience of some aspects of the work of the United Nations, since the World Health Organization and the United Nations Childrens Fund have helped in making surveys there in connexion with particular diseases. We very much appreciate this assistance. ‘ These have been the sinews of nationhood which , we have helped to develop during our period of responsibility. Her Majesty’s Government in the United Kingdom has drawn great satisfaction from the fact that the political evolution of the Somaliland Protectorate has resulted largely from the initiative of the people of Somaliland themselves, who have shown themselves so ready and able to assume the responsibilities of statehood. It may be useful to the Council if I briefly describe the course of recent steps which led to the attainment of nationhood last week. Executive and Legislative Councils were established in the Protectorate in 1955 and first met in May 1957. The first elections were held in March 1959. The Secretary of State for the Colonies had announced on 9 February 1959, inthe Legislative Council, that an unofficial majority would be introduced in both the Executive and the Legislative Councils in1960 and that thereafter such further constitutional steps as were necessary would lead to early self-government. A new Constitution was accordingly introduced early this year, providingfor an almost entirely elected Legislature. In the elections on 17 February, Somali candidates were returned, in a heavy poll, for all the elected seats, and a coalition under Mr. Mohamed Haji Ibrahim Egal held all but one seat. The way ahead was clear. In his speech to which I have just referred, the Secretary ,,’ State for the Colonies recognised the deep desire expressed by many Somalis inthe Protectorate for a closer association with Somalia. He stated that if, after Somalia became independent, both territories wished to explore this possibility, Her Majesty’s Government would arrange for negotiations to take place. On 6 April, the Legislative Council adopted unanimously a motion calling for unionwith Somalia and for independence by 1July, the date on which the Trust Territory of Somalia was to attain independence. The elected ministers then asked to pay an early visit to London to discuss independence, a request which we warmly welcomed and which led to the Somaliland Protectorate Constitutional Conference early in May this year. Despite the obvious difficulties in making the necessary arrangements within so short a period, Her Majesty’s Government agreed to undertake constitutional measures to make possible the independence of the Protectorate by 1 July. The date fixed upon was 26 June. On that day Her Majesty’s Government ceased to have any governmental responsibility in the Protectorate, and Somaliland formally assumed full sovereignty under the exe’cutive direction of a Council of Ministers and the Prime Ministere. hip of Mr. Egal. I should like here to pay a tribute to the leadership which he has shown during this vital period in the history of his country. This was amosthappy outcome, and Her Majesty’s Government is confident that its relations with the Somali people will continue onthe presentfriendly basis. Its concern has been to grant independence to Somaliland in accordance with the wishes of the people of Somaliland. The question of a union betweenSomaliland and Somalia has been one for the SomaliS themselves. It has in fact been agreed as a free action on the part of two independent states. I turn briefly to thefuture. Her Majesty’s Government had given certain undertakings with regard to assistance to Somaliland. These have beentransferred to the Somali Republic, following the uniting ofSomaliland with Somalia, and always subject, naturally, to the wishes of the Republic. Her Majesty’s Government will further contribute to the Republic an additional annual sum which had been promisedto Somaliabefore the decision on union was reached. Her Majesty’s Government has also made arrangements, for an interim period, for the continued services of United Kingdom personnel to assist the Somali authorities, at their request. The Italian Government will be giving even more substantial aid to the Somali Republic and we are gratified to see this and other evidence of the continued close association of Italy with the Somali people. There is good reason for optimism, about the outlook for this new State. Although it is clear that the Republic of Somalia faces formidable economic problems, I am confident that, with the help of the world community, these can be solved. Moreover, the eVidence before us shows that the apparatus and habits of democratic government are well established there. The statesmanlike approach of the leaders of the Republic to the intricate arrangements involved in its establishment bears witness to their sldll in government and to theirsense of responsibility. We welcome their wish to join this Organization and to subscribe to the purposes oftheUnited Nations, and I am thinking particularly in this connexion of the maintenance of international peace and security, the development of friendly relations among nations and the achievement of international co-operation in solving international problems. It is a source’ of great contentment to us in the United Kingdom that our long association with the people of the former Protectorate should have reached so happy a culmination. We look forward with every confidence to an equally happy association with the Republic and a’re confident that it will soon be playing a full and valuable part in the fraternity of nations. In conclusion, I warmly commend to my fellow representatives the draft resolution which, with the Governments of Italy and Tunisia, we have submitted to the Security Council and am confident that it will meet with their unanimous support. Ref: UN Archives and Records Qaran News
  13. Qoraa lagu magacaabo Kemoli Sagala oo ku takhakhusay arrimaha ammaanka ayaa qormu uu ku daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ku sheegay [...] Source
  14. Garowe (Puntlandi) Saddex dhalinyaro ah ayaa caawa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay agagaarka tuulsda Libaaxo ee hoostagta degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal. Dhalinayaradaan [...] Source
  15. Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa caawo heshay Roob socday in ka badan afar saac oo xidhiidh ah, kaasoo weli dhibcihiisu ku hoorayaan magaalada gudaheeda. [...] Source
  16. ilaahay baa mahadi u sug naatay Caawa oo aan soo dhex maray Wadooyinka Caasimadda Puntland ee Garoowe muuqaalada biyaha roobku waa kuwo siwayn kuu soo [...] Source
  17. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida. [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ay Caawa heleyso Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in dhallinyaro ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wadaan olole ay ku doonayaan in looga laabto go’aankii maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ku aadanaa Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin. Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta soo saaray xukun ku saabsan Kiiska loo heystay Wariyaha Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna amray in lasii daayo marka uu dhamaado Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo ku eg Maalinta JImcaha ah. Dhallinyaro goys ka heysto Ra’isulwaare Kheyre kana tirsan Xafiiskiisa ayaa Caawa wacay Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxayna cadaadis ku saarayaaan in laga laabto xukunkii lagu riday Wariye Cali Aadan Muumin. Dhallinyaradaas oo la aaminsan yahay inuu gadaal ka riixayo Ra’isul wasaaraha ayaa Garsoorahaas ku amray inuu racfaan ka furo xukunkii Wariye Cali Muumin isla markaasna aysan ku qanacsaneyn xukunkaas. Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa hanjabaad culus u diray Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir, haddii uu ka laaban waayana go’aankaas laga qaadi doono tallaabo ka dhan ah xilkiisa. Dhallinyaradaas ka tirsan Xafiiska Kheyre ayaa Garsooraha ugu hanjabay inay Xamar ka ceyrin doonaan maadaama uu isaga kasoo jeedo Deegaanada Somaliland haddii uu sameyn waayo arrinta Sharci darada ah oo ay rabaan. Sida uu garyaqaan ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir u sheegay Caasimada Online, mar haddii ay maxkamadda gaarto go’aan isla markaasna aan isla fadhigaas looga dhawaaqin inuu racfaan ka furan yahay, sidaas ayuu ansax ku yahay go’aankaas isla markaasna meeshaas lagu xirayo feylka fal dambiyeedkaas. Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed marka uu ridayey Xukunka Wariye Cali Aadan Muumin ma uusan sheegin inuu dambiile yahay iyo in kale, Sidoo kalana go’aankiisa wuxuu ku saleeyey inay eedeyn uga timid Xafiiska Baratakoolka Madaxweynaha, Booliska iyo Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kale waxaa xusid mudan inuusan wax racfaan ah ka furin go’aanka uu Maanta ka gaaray Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin oo si sharci darro ah ay u xirtay Dowladda Soomaaliya. Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Dhallinyarada ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Wariye Cali Muumin horey uga codsaday inuu kala shaqeeyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dhanka warbaahinta balse wuu ku gacan seeray. Dhallinyaradaas ayaa Cali u sheegay inay u geyn doonaan Ra’isul wasaaraha isla markaasna la siin doono lacag ka badan midda uu ka qaato Idaacadda uu ka tirsan balse Cali ayaa arrintaas diiday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow Cali. Madaxda ugu sareeyo dalka ayaa Social Media-yaha u isticmaalo in lagu dhalleeceeyo Siyaasiyiinta horey xilalka uga soo qabtay Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah inay dad maxkamad u geyso inuu Facebook wax kusoo qoray iyadoo la ogyahay in Dowladda ay lacag ku bixiso in Baraha Bulshada lagu fuliyo siyaasaddeeda. Ururada kala duwan oo ay shaqadooda tahay ilaalinta Xuquuqda Suxifiyiinta ayaa horey u cambaareeyey falkii sharci darada ahaa ee lagu xiray Wariye Cali Aadan Muumin, waxayna tallaabada ay wadaan dhallinyarada Xafiiska Ra’isulwasaaraha muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay caburinta ay Dowladda ku heyso Xuriyadda hadalka. F.G: Shabakadda Caasimadda Online ayaa saacadaha soo socdo idinla wadaagi doonto magacyada dadka ka tirsan Xafiiska Kheyre ee wado ololahaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Somalis are victims of domestic terrorism, and the international community is compounding their misery by undermining their livelihoods as part of their own so-called 'War on Terror'. Source: Hiiraan Online
  20. NAIROBI (HOL) - The Kenyan Government has said that it will not allow unaccompanied luggage to be ferried into the country on flights from Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI (HOL) - The Kenyan Government has said that it will not allow unaccompanied luggage to be ferried into the country on flights from Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI (HOL) - The Kenyan Government has said that it will not allow unaccompanied luggage to be ferried into the country on flights from Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo. Labada Masuul [...] Source