Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,540
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Khilaaf Ka Dhex Qarxay Maamulka Gobolka Awdal + Eedaymo Kulul Oo Ay Warbaahinta La Isku Mariyeen Iyo Dacwad Laga Gudbiyay Badhasaab Ku-xigeenka, halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale xayiraad kusoo rogtay shacabka Sooomaaliyeed iyo dowladdooda, iyadoo sheegtay in aanay mar dambe ogolaan doonin in xamuulka laga qaado Somalia la geliyo dalkeeda iyadoo aanay cidna la socon. Warka kasoo baxay dowaldda Kenya ayaa lagu xusay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabta xamuulka ah ee loo geliyo dalkaas, haddii la waayo qofkii waday. Sidoo kale, Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabooyin badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Somalia, taasoo ay sheegtay inay ka hor-imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar dhanka ammanak ah. “Xukuumadda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno waddanka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa, waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa,” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay Xukuumadda Nairobi. Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa sheegay in sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal-ku-gal aan loo ogolaan doonin inuu Kenya galo, hadalkan ayaa lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Go’aankan ayaa qayb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay Kenya saaraysay dowladda Somalia, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka ganacsiga iyo alaabaha dalka Kenya la geeyo. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aaddan aloobooyinka ay ganacsatada u badan Soomaalidu u dirsadaan dalka Kenya, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay dowladda Somalia ka qaadan doonto cadaadisyadan isi soo tarayay. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo xayiraad cusub kusoo rogtay DF iyadoo aan weli jawaab laga bixin appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (inj. Yarisow) ayaa faray waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee maanta qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta. Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey. “Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.” Inj. Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda. Sidoo kale, Guddoomiye Inj. Yarisow, ku-xigeenadiisa iyo hawl-wadeennada kale ee maamulka Gobolk ayaa la wadaagay RW Somalia hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Jidadka hal-bowlaha u ah isku socodka caasimadda, naleynta iyo dar-dar-gelinta barnaamijka is-xil-qaan ee dib loogu dhisayo tiyaatarka Qaranka iyo sidoo kale madxafka Qaranka. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa kulammo dhawr ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo inuu isbeddell kala duwan oo muuqda uga sameeyo caasimadda Somalia ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu soo rogay amarro cusub oo lagu… appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomoyihii gobolka Badhan ee Somaliland Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casiley xilkaasi. Guddoomiyaha oo la hadlay Wariye Mohamed Salh ayaa ii xaqiijiyay is-casilaaddiisa, wuxuuna sababta ku sheegey in la yidhi dagaalan. Wuxuu intaas ku daray in ay isku tallo yihiin Taliyaashii ciidamada ee deegaankaasi oo uu sheegay in iyaguna ay is-casileen. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa muddo bil ku siman fakad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalka Awdal ee uu guddoomiyaha ka ahaa. Sidaas waxa sheegay xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Borama. Xildhibaan Dhegaweyne oo shalay hadal ka jeediyay soo dhawayn loo sameeyay dhallinyaradii magaalada Borama kaga jirtay barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay duleedka magaalada Borama, ayaa sheegay in badhasaabku gobalka Awdal uu deegaanka uu odayga ka ahaa uga cararay kiiskii dilka ahaa ee 29 April lagu dilay Alle haw naxariiste labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal. Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxay isku deegaan ka soo jeedaan budhcadii dishay labadaas sarkaal. Xildhibaan Dhegaweyne, wuxuu sheegay inuu magaalada Hargeysa ugu yimid guddoomiyaha gobalka si uu ugu qanciyo inuu dib ugu laabto magaalada Borama iyo gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, laakiin aanay suurtogelin inuu ku qanciyo inuu dib ugu noqdo shaqadiisa, “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto.” Ayuu yidhi xildhibaanku, isagoo intaas raaciyay “Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday.” Xildhibaanku wuxuu sheegay inaanu badhasaabku dib ugu soo noqon doonin gobalka Awdal, “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka.” Ayuu yidhi xildhibaan Dhegaweyne. Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay isku dayay inuu badhasaabka gobalka Awdal weydiiyo sababta uu uga maqanyahay gobalka, laakiin way noo suurtogeli wayday. Sidoo kale wakhti sii horeeyay oo uu Wargeysku su’aashan Telefoon ku weydiyay badhasaabka, ayaa wuxuu ku gaabsadya inuu shir ku jiro. Source
  6. (SLT-Washington)-La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton ayaa sheegay in tahay wax huban in Iran ay mas’uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Bolton ayaa warkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray “kuwa muhiim ah oo waqtigooda kusoo aaday” balse ma soo bandhigin wax caddeymo ah. Iran ayaa hore u beenisay inay mas’uul ka tahay weeraradaas. Xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii dhowaa tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay. Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa Bolton iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay dagaal u ololaynayaan, islamarkaana maamulka madaxweyne Trump uu filanayo “aragagixisanimo dhaqaale.” Source
  7. (SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin xamuulka laga qaado Soomaaliya in la geliyo dalkeeda, iyadoo aan cidna la socon. Go’aan ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabaha sida xamuulka ah loo geliyo dalkaas oo aan cidna wadan. Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar amni. “Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa” ayaa lagu yidhi go’aan ka soo baxay dowladda Kenya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegay in Sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal ku galka aan loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo, sida ay caddeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka Ganacsiga iyo alaabaha xamuulka ee Kenya loo qaado. Source
  8. (SLT-Ankara)-Saynis-yahan Turkish haysta dhlaashadda Maraykanka ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Turkiga oo uu ku xidhnaa ku-dhawaad 3 sanno. Serkan Golge oo ahaa Cilmi-baadhe ka tirsanaa Hay’adda Cirbixiyeenadda iyo Hawada Sare ee dalka Maraykaanka ee NASA waxaa uu ka mid ahaa Kumanaan qof oo ay Dowladda Turkiga u xidhay inay ka tirsan yihiin Kooxda uu hoggaamiyo Fatxullahi Guleeen. Saynis-yahankaasi waxaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo badh. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay xaqiijisay in la sii daayey Saynis-yahanka Serken Golge oo ay Dacwad-oogayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Koox argagixiso. Source
  9. (SLT-Jordan)-Boqorka Jordan King Abdullah ayaa u sheegay la taliyaha dhanka siyaasada ee madaxweyne Donald Trump Jared Kushner, in nabad waarta ay ka dhici karto bariga Dhexe marka ay imaado in dalka Falastiin loo aqoonsado wadan Madax-banaan. Mr Cabdala ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan in loo baahan yahay in Israa’iil ay soo celiso dhulka ay ku qabsatay dagaalkii carabta ay la gashay sanadkii 1967-dii. War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Jordan ayaa dhanka kale walaac looga muujiyay qorshaha sirta ah oo Mareykanku doonayo in uu ku dhameeyo colaada u dhaxeysa carabta iyo Israa’iil. Kushner ayaa lagu yiri Israel waa in ay ka baxdaa dhamaan dhulka ay kaga sugan tahay daanta Galbeed oo ay xooga kula wareegtay dagaalkii 1967-dii. Maamulka Trump ayaa ka meermeeraya in uu Falastiin u aqoonsado dal madax banaan iyadoo safaarada Mareykanka ee Israel sanadkii hore uu u soo raray magaalada Jerusalam oo uu Israel u aqoonsatay caasimada Israa’iil. Wafdiga Kushner uu hogaaminayo ayaa wada olole lagu taageerayo shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Manama sanadkaan kaasi oo diirada lagu saari doono nabad waarta oo dhexmarta labada Wadan. Source
  10. (SLT-Makkah)-Raysal Wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka ka dhacaya magaalada barakeysan ee Makka, kaasoo uu iclaamiyay Boqorka Sacuudiga. Waa wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda Qatar oo ka qeyb geli doona Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir kale oo gaar u ah Golaha Iskaashiga Khaliijka. Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa todobaadkan guddoomay warqad casuumaad ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Makkah. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijiyay in shirka oo maanta dhacaya uu ka qeyb geli doono Ra’iisul Wasaaraha Qatar, kaasoo noqonaya Mas’uulkii ugu heerka sareeyay oo Qatar ka socda oo hor-fariisan doona dalalka Baxreyn, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo labo sano ka hor xiriirka u jaray Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaalada Gobolka iyo Islaamka, gaar ahaan Xiisada Sacuudiga iyo Iiraan, caqabadaha ka jira dalka Yemen iyo weerarada Kooxda Xuutiyiinta ku hayaan danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Source
  11. “Waxay u fekeri jirtay qaabkay doonto, arrintaas ayaana nolosheedii galaaftay” Sidaasi waa sida uu Mohammad Ali Najafi, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Iran iyo duqii hore ee magaalada Tehran, ku sharraxay sababtii uu u toogtay xaaskiisii labaad. Waxa uu doonayey in uu furo – dalabkaas oo ay ka diidday. dabadeed waxa uu ku dhuftay shan xabbadood, mid kamid ah xabbadahaas ayaa wadnaha ka haleeshay, sida ay booliisku sheegeen. Booliiska ayuu isu dhiibay, inkastoo uu markii hore iskudayey in uu baxsado, kaamarooyinka booliiska ayaa qabtay oo ka duubay muuqaallo lagu qoslo. Najafi ayaa loola dhaqmay si xushmad wayni ku jirto, arrintaas oo dadka baraha bulshada adeegsada ay si wayn uga horyimaadeen, marka la eego sida ninkan loola dhaqmay iyo sida loola dhaqmo dadka caadiga ah ee dambiyada yar yar gala – sida qofka Ramadaanta afura ama gabadha aan hijaabka xidhan. Waxa uuba ku sigtay in uu qirto in uu xaaskiisa dilay. Dagganaanta ka muuqatay Mr Najafi ayaa dood wayn dhalisay – mid ka mid ah dadka Twitter-ka adeegsada ayaa bartiisa ku sheegay in qaabkii Najafi uu u galayey saldhigga booliiska uu soo xasuusiyey filimkii Se7en iyo qaabkii uu Spacey ugu dhex lugeeyey saldhigga booliiska asagoo korkiisu wada dhiig yahay. Source
  12. (SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku amray ciidanka amniga Kenya in ay si deg deg ah ay wax uga qabtaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah oo ku sii kordhaya gudaha Dalkaasi. Kenyatta ayaa soo saaray war saxaafadeedkaan shalay Arbacada ahayd xilli uu tacsi u dirayay badhasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago oo maalintii isniinta aheyd la dilay walaalkii lagu magacaabo John Kinyor. Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in walaac ay abuurtay dilalka sharci-darrada ah ee loo geysanayo dadka aan waxba galabsan loona baahan yahay in wax laga Qabto. Booliska Kenya ayaa sannadihii la soo dhaafay kordhiyay dilalka iyo tacadiga ay ku hayaan dadka rayidka, waxaana sannad kasta ay dilaan boqolaal qof. Ugu dambeyn wuxuu ku amray guddiga adeega booliska Kenya in ay qaadaan tallaabo wax ku ool ah si loola tacaalo Arimahaan. Si kastaba ha ahaatee meydka walaalka Mandago ayaa laga helay maalintii isniinta aheyd dhisme ay ciidanka booliska magaalada Eldoret ku leeyihiin suuqa Chepkanga. Source
  13. Waxaa berri oo jimco ah, 31-da bishan May lagu wadaa in magaalada barakeysan ee Maka lagu qabto shirka madaxdeedka caadiga ee 14-aad ee ururka iskaashiga Islaamka. Shirkan oo loogu magac daray “Aan u midowno Mustaqbalka”, waxaa ku baaqay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis, iyada oo lagu wado in looga hadlo in la midoobo, xal loo helo arrinta Khaliijka, Falastiin iyo Kashmiir. Waxaa kale oo shirka looga hadli-doonaa “heshiiska qarniga” ee ay soo jeediyeen Mareykanka, taasi oo xal looga gaarayo loolanka Falastiin iyo Israel. Ururka iskaashiga Islaamka, oo ay ku jiraan 57 dal, waxaa uu jiraa 50 sano, waa midka 2aad ee ugu weyn caalamka Qaramada midoobey kadib, waxaa ayna kulmaan 3-dii sanaba mar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain (FCO) waxay kula taliyeen Muwaadiniintooda inaysan u socdaalin dalka Somalia. Qoraal kasoo baxay xafiiskaasi ayaa waxaa muwaadiniinta UK looga digay inay socdaal ku tagaan deegaanada Somaliland, oo la sheegay inay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka amaanka ah. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain waxa lagu muujiyey inay sii kordhayso cabsida Argagixisadda iyo Afduubka ee ka dhici kara dalka Soomaaliya. Sidoo kale xafiiska ayaa digniin kasoo saaray deegaano ka tirsan Dalka Kenya inaysan muwaadiniinta u safrin, iyadoo laga baqayo in afduub loogu geysto gudaha dalka Kenya. Kenya waxaa hadda lagu afduubtay muwaadiniin u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan gacanta Al Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Kenya ku dooneyso in maxaabiistaasi lagu soo daayo. Ururka Al Shabaab ayaa qatar ku ah dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana weeraro kala duwan oo labada dal ay ka geysteen ay qasabtay inay waxyeelo gaarsiiyaan ajaaniib badan, taasi oo keentay digniinaha dhanka amaanka ee inta badan laga soo saaro labada dal. Muwaadiniinta u dhalatay UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan ka muujiyaan suurtagalnimada weeraro ama afduub ay kala kulmaan ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Garoowe (SMN): –Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay. Magacyada 2-da marxuu ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda.Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal. Sarkaalka ayaa sheegay in uu goobta shilka ku soo arkay gaadiidka oo gubanaya iyo maydadka 2-da marxuum balse aysan weli helin dadkii saarnaa gaariga weyn isagoo intaasi raaciyay in magaalada Qardho lagu qabtay qof argagaxsan oo loo maleynayo in uu yahay darewalkii gaariga xamuulka ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee shilku dhaliyay maadaama aysan markii hore ogayn tirada dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay. View the full article
  16. Muqdisho (SMN): –Shir Madaxeedka Dalalka iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya Magaladda Barakeysan ee Maka Almukarama ee Boqortooyadda Sacuudiga, waxaana ka qayb galaya Madax ka socota ilaa 57 Dal. Shirka oo ay sanadkan Martigalisay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxaa diirada lagu saari doona Arimaha ugu waa weyn ee ka jira dalalka Islaamka. Madaxda ka qayb galaysa ee lagu casuumay shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo shaley Gaarey Dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu halkaasi kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxda Boqortooyadda iyo kuwa dalalka kale ee Shirka Iskaashiga Islaamka ka qayb galaya. Arimaha cajiibka ah ee laga calaamadiyey shirkan furmaya waxaa kamid ah Amiirka Qatar oo ka qayb galaya Shirkan, xili ay Xiisad u dhaxeyso Sacuudiga iyo Qatar. Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa warqad u diray Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, isagoo ka codsadey in uu kazoo qayb galo kulanka Madaxda Dalalka Islaamka. View the full article
  17. Kismaayo (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad Sugida ee degmada Beledxaawo ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Al Shabaab, kaasi oo ka howlgalayay deegaanada gobolka Gedo. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee degmada Beledxaawo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka isku dhiibay ciidamada Jubbaland uu xubin muhiim ah uu ahaa ururka Al Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku howlan yihiin sidii loosoo qaban lahaa saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay kamid ahaayeen kuwa weerarada ugu badan ka geysanayay deegaanada Jubbooyinka. Sarkaalka ciidamada Jubbaland kusoo bandhigeen degmada Beledxaawo ayaa kamid ahaa kuwii fuliyay weerarada ugu badan ee Al Shabaab ka geysteen deegaanada gobolka Gedo, sida taliyaha uu sheegay. Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa shaaciyay in saraakiisha kale ee la shaqeyneysay sarkaalkaan ay fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan ciidamada maamulka Jubbaland, ka hor inta aan la bilaabin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo Al Shabaab wali weeraro ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Jubbaland. Dhamaadka bisha Ramadaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay inuu bilaaban doono howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  18. Wararka saaka aan ka helayno degmada Badhan waxay sheegayaan in gudoomiyihii gobolka badhan ee maamulka Hargeysa uu is casilay Masuulkaan ayaa ku biiray saraakiil horey [...] Source
  19. Muqdisho (SMN): –Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo Xalay Shir Saxafadeed ku qabatay Xarunta Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixisay Howlgalo ay Ciidamada Amnigu ka sameeyen Magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Taliyuhu waxaa ay sheegtay laamaha Amnigu in ay kusoo qabteen Howlgalo laga sameeyay Degmadda Hodan ilaa 3ruux oo lagu tuhmayo falal ka dhan ah Amniga, haatana ay kusocdan Baaritaano. Shaqsiyaad Laga soo qabtay Degmadda Xamarweyne iyagoo ka ganacsanaya Muqaadaraadka Maanka Dooriya iyo rag siyaabo kala duwan dilal uga fuliyey Muqdisho ayey Warbixinteeda ku dartay Zakiyo Xuseen Axmed oo sharaxaysay Howlgaladii ugu danbeeyay ee Booliska. Tan iyo Markii Dhawaan lagu dhawaaqay Howlgalo Balaaran oo Caasimada laga fulinayo Ciidamadu waxa ay wadeen Dadaalo kala duwan. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-30052019.mp3 View the full article
  21. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Al Shabaab ayaa weerarka ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin waqooyiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka oo ahaa mid qorsheysan uu ka dhacayay deegaanka ku dhawaad 30 daqiiqo. Ururka Al Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray saldhiga ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray ciidamada Jubbaland. Walow Weerarka uu socday inka badan 20 daqiiqo, haddana waxaanan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocdayadiisa kala duwan la isku adeegsaday. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid ururka Al Shabaab, dhankooda khasaaro aan badneyn uu sogaaray. Al Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah marka ay ku qaadaan saldhiga ciidamada ku sugan yihiin waxay ka helaan saanad ciidan, waxaana marar badan ay weeraro ka geysteen gobolka Jubbada Hoose. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii saddexaad muddo 10 cesho gudahood ah baaqday kulan afurin ah oo Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir, si looga hadalo arrimaha ka taagan degaanada Galmudug oo ay doorasho ku soo wajahantahay dhamaadka sanadkaan 2019. Kulamadaan oo ay abaabuleen Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Wasiir Qoor Qoor, General Gorod iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha Habar-gidir ayaa dhicisoobay sida ay noo sheegayn odayaal ka tirsan dadkii ka baaqday kulankaasi. Ballantii ugu dambeysay ee baaqata ayaa aheyd habeenkii talaadada oo lagu balamay in kulan Afurin ay ka soo qayb galaan odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir balse markii dambe uu suurta geli waayay kulankaasi. Saddexda jeer ayaa laba kamid ah lagu balamay Madaxtooyada Soomaaliya ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin South Africa, halka kulanka kale lagu balamay Hotel Jazeera balse ay suurta geli waysay in ay dhinacyada aqbalaan ama ay ka soo qayb galaan. Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa talaadadii si kulul u weerartay odayaasha beesha Sacad oo ay ka soo jeedo, waxayna sheegtay in ay qiimeyn waayeen kadib markii ay ka dalbatay in ay ka dhageestaan warbixinta ay wado ah oo ah kulanka Madaxweynaha kadibna ay ka qaataan wixii ka anfaca kulanka balse ay diideen. Odayaasha ayaa aaminsan hadii ay kulankaasi ka qayb galaan laga bixin doono fasiraad qaldan inta sawiro laga qaato kadibna ay dowladda ku dhaqaaqi doonto talaabooyin aan sax aheyn oo dadweynaha lala wadaagi doono in lagu heshiiyay. Villa Somalia ayaa kulamo kale ku casuuntay beelaha, Waceysle Abgaal, Murusade, Mareexaan, Dir iyo kuwa kale si ay uga wadahadlaan xaaladda Galmudug oo ay dhowaan ka dhici doonto doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha lamana oga in ay qabali doonaan iyo inkale. Dowlada Soomaaliya ayaa isku dayeeysa in ay dhinaca dhaqanka ka soo marto arinta Galmudug oo ay u xaal waysay balse waxaa socda kulamo kale oo dhaqanka looga wacyi gelinayo in ay la kulmaan hogaanka dowladda oo lagu eedeeyay in ay curyaamiyeen Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadin Itoobiyaan ah ayaa loo magaacabay Agaasimaha Guud Maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah sida ay ogaatay Caasimada Online. Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah oo ka tirsan Shaqaalaha hey’ada duulista hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO) ayaa talaadadii saxiixay qandaraas 2 sano ah oo uu ku hogaamin doono maamulka Hawada Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskaan ayaa is afgaradkiisa waxaa lagu gaaray dalka Morocco ee qaaradda Afrika, waxa uuna ninkaan saxiixay maalmo ka hor sida aan ku helnay xogtaan oo ay nala wadaageen mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda duulista rayidka Soomaaliya. Waxa uu maamuli doonaa dhamaan Duulimaadka iyo Hawada Soomaaliya isagoo qaadan doono kumanaan dollar oo mushaar ah iyo lacago kale oo gunna ah. Sidoo kale waxa uu yeelan doonaa fasax iyo xuquuqo kale oo dhanka shaqada ah. Sidoo kale waxa uu maamuli doonaa dhamaan lacagaha laga helo duulimaadka hawada Soomaaliya ee qadka ama hawada Soomaaliya lagu kireeyo sida ay noo sheegayn dadka aan la hadalnay. Muwaadinkaan Itoobiyaanka ah waxaa ku xigeen u ah muwaadin kale oo Itoobiyaan ah oo hore u ahaa madaxa operation-ka ee hey’adda caalamiga ah ee duulimaadka Qaramada Midoobay ee dhanka hawada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay laba dalab oo arintaan ku saabsan balse laga diiday markii ugu dambeysay. Xukuumadda waxay dalbatay in muwaadin Soomaaliyeed xilkaan loo magacaabo waxa uuna ahaa dalabkii 1-aad oo lagu gacan seeray halka markii 2-aad ay dalbatay in loo magacaabo muwaadin kale oo aan aheyn qof u dhashay Itoobiya iyo Soomaaliya iyadoo markii dambana laga diiday dalabkaas kale, waxaana lagu cadaadiyay in ay ogolaadaan ninkaan Itoobiyaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. JOHANNESBURG (AP) — South Africa’s president on Wednesday named a trimmed-down Cabinet that is 50% women, making the country’s one of few in the world to be “gender-balanced.” Source: Hiiraan Online