-
Content Count
208,532 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-30052019-vv.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay maanta xabsiga kasii deysay Cabdiraxmaan Aar. Cabdiraxmaan Aar ayey Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay khamiistii hore, taasi oo dhageysatay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah, oo maanta ku eekeyd. Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayey in dib maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto, balse maanta ayaa dib loogu soo celiyay xoriyadiisa, taasi oo u muuqata in xukuumada Kulmiye garwaaqsatay xariga sharci-darada ah ee ay kula kacday wiilkan dhalinyarada ah. Wiilkan loo haystay in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee maanta la sii daayey, ayaa wuxuu Guddoomiye ka ahaa urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The deputy Somali police commissioner, Zakia Hussein has announced a plan to beef up the entire security of the capital, Mogadishu ahead of the Eid Al-Fitr. Hussein has urged the public to collaborate with the law enforcement agencies. Speaking at a press conference, the deputy police boss said the security forces have arrested three people during an anti-drug operation in the city. Somali police stepped up operations in the capital since the start of the Holy Month of Ramadan to avert Al-Shabaab attacks. View the full article
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkenley, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka wada tirsan Militariga Soomaaliya. Dagaalkaan oo aan la ogeyn rasmi ahaan waxa sababay, ayaa waxaa la sheegay Ciidan degan Xaafadda Xoosh oo Militari ah inay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga sidaasina dagaalka uu labada dhinac ku dhexmaray. Inta la xaqiijiyey dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari halka tira kale ay ku dhaawacmeyn, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada ay kala wateen sarkaal lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan guutada Saddexaad ee Millateriga Soomaaliya iyo mid kale oo Magaciisa lagu soo koobay Ziidii. Wararka ayaa sheegaya in meesha lagu dagaalamay uu yaalo gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidankii weerarka soo qaaday. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkiinley & Saraakiisha Ciidamada Booliska oo gaaray goobtii lagu dagaalamay ayaa halkaasi ku soo arkay maydka Askariga ka tirsan Ciidamada Militariga ee halkaasi lagu dilay & gaari meesha yaallo. Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dagaalkooda, waxaana dadka ku nool Xaafada Xoosh ee degmada Dharkleenleey ay sheegeen inay cabso xoogan soo wajahday, isla markaana qeyb ka mid ah Ciidamadii dagaalamay ay weli Xaafada ku sugan yihiin. Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta laga qaaday Askarigii la dilay oo loo qaaday Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles ayaa xukunno ku ridday shan nin oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo iyadoo raggaan ay ku wareejiyeen Seychelles Midowga Yurub bishii April sida ciidanka boliisku sheegay Talaadadii. Raggaan la tuhunsan yahay ayaa waxaa u soo gacan-geliyey dowladda Seychelles hawlgalka Midowga Yurub 26-bishii April kaddib markii ay qabteen Maraakiibta Midowga Yurub. Ragga la tuhunsan yahay ayaa loo soo gudbiyey Seychelles iyadoo la raacayo heshiiska isku gudbinta ee ka dhaxeeya Seychelles iyo Midowga Yurub Waxayna markii ugu horreeysay kasoo muuqdeen maxkamadda maalintii Isniinta oo taariikhdu ahayd April 29. Boliisku waxay sheegeen in dhammaan dadkaan oo ah 5 qof inay maxkamadda kasoo muuqan doonaan. Mid ka mid ah burcad-badeedda ayaa la xiray loona soo gudbiyey Seychelles bishii November 2017. Seychelles oo ah Jasiirad ku taalla galbeedka badweynta India waxay juquraafi ahaan u dhawdahay xeebaha Soomaaliya waxayna dagaal kula jirtaa burcad-badeedda tan iyo sannadkii 2005. Seychelles ayaa la dagaalanka Burcad-badeedda kala shaqeyso saaxiibbada caalamka si loo xiro oo loo ciqaabo burcad-badeedda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Qeyb kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka. Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post sawirro: Qeyba kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN): –Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo Kaxda ayaa xalay isku arkey Barnaamijka tartan Aqooneedka Shabelle, waxaa ayna labada Degmo soo bandhigeen tartan aad u adag. Degmadda Shibis oo guusha xalay la hoyatay ayaa la timid 14 dhibcood waxaa ayna sidaas ugu soo gudubtay Wareega 4 dhamaadka tartanka, halka Degmadda Kaxda oo la loolamaysay ay heshay 8 dhibcood guud ahaana ay iskaga hartay tartanka Shabelle. Caawa waxaa tartami doona Degmooyinka Dharkenley iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir. Sanadkan tartan Aqooneedka Shabelle waxaa taaba galinaya Shirkadaha Becco iyo Cocacola. View the full article
-
Xidiga kooxda kubbadda cagta Dekedda Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa fariin adag u diray Kooxda Horseed ka dib markii ay guul daro kasoo gaartay kulan ka tirsanaa horyaalka oo ay labada koox wada dheeleyn,isagoona sheegay in markii saddexaad ay hanan karaan horyaalka Somalia Premier League olalahan. Daa’uud Tubaal waxa uu carabka ku adkeeyay in qof walba oo ka tirsan kooxda Dekedda kaliya ay u muuqata rajada ah hanashada horyaalka Somalia Premier League 2018-2019,inkastoo ay kooxdiisa loolan adag kala kulmayso kooxaha Elman Horseed,Heegan iyo Muqdisho City Club. Tani iyo kolkii uu bilaawmay horyaalka anaga ayaan hogaaminayay guul daradii naga soo gaartay Horseed waxa ay keentay in kooxo badan ay u arkan fursad banannan,balse arinka sidaa ma ahan. “Sanad ka hor ayaa nagu danbeesay guul daro sababta ay Horseed inoogu badisay waxa ay aheyd Macalin Cabdi Joon oo aqoon wanaagsan u leh kooxda Dekedda maadaam uu isaga soo maamulayay,yeelkaad taa waxa aan ku rajo weynahay in aan sanadkii saddexaad hanano horyaalka”Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa sidaas ugu waramay Goobjoog Sports. Xidigihii hore kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo Tubaal ayaa xili ciyaareedkii kowaad kooxdiisa ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u saraya,isagoo fasalkii kowaad la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somalia Super Cup. “Waxaan hogaaminaynay horyaalka Somalia Premier League, laakiin markii ay na soo gaartay guul daradii ugu horeesay olalahan dad badan ayaa shaki geliyay in aan qaadi karno iyo in kale kuma mashaquulayno loolanka baraha bulshada ee waxaa xooga saaraynaa kulamada inoo haray horyaalka”ayuu Daa’uud Tubaal sii raaciyay,isagoo u waramay Goobjoog Sports. “Hadii aan lumino fursada hanashada horyaalka waxaa diirada saaraynaa in aan ku guulaysano Star League iyo Generaal Daa’uud oo qeyb ka ah tartamado qorshaysan ee sanadka kasta” ha is dajiyaan taageerayaasheena waxaan haysanaa xirfadlayaal iyo maclimiin is fahansan oo ka dhabeen kara tartamada aan qeybta ka nahay ayuu Goobjoog u sheegay laacib Daa’uud Cabdullahi Tubaal. Si kastaba xidigaha kooxda Dekedda kubbadda cagta Dekedda ayaa labadii kol ciyaareed lasoo dhaafay ku guulaysnayay horyaalka Soomaaliya,iyagoo iminka rajo wanaagsan ka qaba in markii 3aad ay hantaan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dhuuso-mareeb (PP) ─ Maamul-goboleedka Galmudug ayaa wuxuu caddeeyay go’aan cad oo uu ka qaatay dowladda federaalka Somalia, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Somalia. Qoraalka Galmudug ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, doorshooyinka, federaaleynta iyo amniga guud ee Qaranka. Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaanahaan waxaa u dhexeeyay muran meel sare gaaray, iyadoo murankan uu salka ku hayo xilliga ay dhacayso doorashada cusub ee maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka. Xukuumadda Somalia ayaa ku adkeysanaysa in doorashooyinku ay dhacaan sannadkan dhammaadkiisa, halka madaxweynaha galmudug Xaaf uu qabo in doorashadu ay dhacayso saddex sano kaddib, iyadoo murankan aan weli laga gaarin wax xal ah. Ugu dambeyn, Tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu qaatay tallaabo uu xiriirka wada-shaqeyneed ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug; PUNTLAND POST The post Maamul goboleedka Galmudug oo go’aan cad ka qaatay Dowladda Federaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Badhan (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo deegaanada gobolkaasi. Xiisadda ayaa ka korortay kadib markii saraakiil badan oo kasoo jeeda dhanka Somaliland ay ku biireen Puntland, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay masuuliyiin kale iscasilaad ku dhawaaqeen. Baadhasaabkii Somaliland ee Bariga gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sheegay inuu haatan kulamo la qaadanayo odayaasha deegaanka. Mr, Soomaali wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay go`aankiisa, wuxuuna cadeeyey in uu diyaar u yahay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa waxyaabaha horumarka ah ee kasocda deegaankiisa, Sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca wararka aan ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo badan ay gaarayaan deegaanada gobolka, kuwaasi oo ka tirsan labada maamul. Dhawaan Puntland ayaa shaacisay inay isku soo dhiibeen ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Somaliland, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay saraakiishii hogaamineysay isku dhiibtay Puntland. Labada maamul ayaa isku haya maamulka deegaanada Hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Sanaag Caasimada@live.com
-
Guddoomiyihii Somaliland ugu magacownaa bariga gobolka Sanaag (Badhan) Cali Xuseen Maxamed ayaa saaka ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay islamarkaana gebi ahaanba ka baxay Somaliland. Cali ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu doonayo in uu dhibaato iyo dagaal u horseedo degaanno nabdoon oo waxqabad iyo horumarin u baahan sidaasi darteedna isagu shakhsi ahan ka sii mid ahaan Karin maamulkaasi. Wuxu sidoo kale sheegay in isaga iyo ciidamadii ku biiray Puntland ay isku talo yihiin ayna ka wada go’antahay in aysan dhibaato u horkicin bulshada gobolka Sanaag ee nabadda iyo horurinta u baahan. Iscasilaadda guddoomiyaha ayaa ku soo beegmatay xilli maalmo ka hor saddex taliye oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ay xilka iska casileen kadibna iyaga iyo ciidamadii ay wateen ku biireen dhanka Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihi Somaliland ee gobolka Badhan oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa mar kale xayiraad kusoo rogtay shacabka Sooomaaliyeed iyo dowladdooda, iyadoo sheegtay in aanay mar dambe ogolaan doonin in xamuulka laga qaado Somalia la geliyo dalkeeda iyadoo aanay cidna la socon. Warka kasoo baxay dowaldda Kenya ayaa lagu xusay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabta xamuulka ah ee loo geliyo dalkaas, haddii la waayo qofkii waday. Sidoo kale, Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabooyin badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Somalia, taasoo ay sheegtay inay ka hor-imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar dhanka ammanak ah. “Xukuumadda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno waddanka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa, waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa,” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay Xukuumadda Nairobi. Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa sheegay in sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal-ku-gal aan loo ogolaan doonin inuu Kenya galo, hadalkan ayaa lagu caddeeyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Go’aankan ayaa qayb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay Kenya saaraysay dowladda Somalia, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka ganacsiga iyo alaabaha dalka Kenya la geeyo. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aaddan aloobooyinka ay ganacsatada u badan Soomaalidu u dirsadaan dalka Kenya, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay dowladda Somalia ka qaadan doonto cadaadisyadan isi soo tarayay. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo xayiraad cusub kusoo rogtay DF iyadoo aan weli jawaab laga bixin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyeha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (inj. Yarisow) ayaa faray waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee maanta qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta. Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey. “Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.” Inj. Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda. Sidoo kale, Guddoomiye Inj. Yarisow, ku-xigeenadiisa iyo hawl-wadeennada kale ee maamulka Gobolk ayaa la wadaagay RW Somalia hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Jidadka hal-bowlaha u ah isku socodka caasimadda, naleynta iyo dar-dar-gelinta barnaamijka is-xil-qaan ee dib loogu dhisayo tiyaatarka Qaranka iyo sidoo kale madxafka Qaranka. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa kulammo dhawr ah oo maamulka gobolka Banaadir uu ku doonayo inuu isbeddell kala duwan oo muuqda uga sameeyo caasimadda Somalia ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu soo rogay amarro cusub oo lagu… appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomoyihii gobolka Badhan ee Somaliland Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casiley xilkaasi. Guddoomiyaha oo la hadlay Wariye Mohamed Salh ayaa ii xaqiijiyay is-casilaaddiisa, wuxuuna sababta ku sheegey in la yidhi dagaalan. Wuxuu intaas ku daray in ay isku tallo yihiin Taliyaashii ciidamada ee deegaankaasi oo uu sheegay in iyaguna ay is-casileen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Badhasaabka gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa muddo bil ku siman fakad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalka Awdal ee uu guddoomiyaha ka ahaa. Sidaas waxa sheegay xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Borama. Xildhibaan Dhegaweyne oo shalay hadal ka jeediyay soo dhawayn loo sameeyay dhallinyaradii magaalada Borama kaga jirtay barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay duleedka magaalada Borama, ayaa sheegay in badhasaabku gobalka Awdal uu deegaanka uu odayga ka ahaa uga cararay kiiskii dilka ahaa ee 29 April lagu dilay Alle haw naxariiste labadii sarkaal ee ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal. Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa waxay isku deegaan ka soo jeedaan budhcadii dishay labadaas sarkaal. Xildhibaan Dhegaweyne, wuxuu sheegay inuu magaalada Hargeysa ugu yimid guddoomiyaha gobalka si uu ugu qanciyo inuu dib ugu laabto magaalada Borama iyo gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, laakiin aanay suurtogelin inuu ku qanciyo inuu dib ugu noqdo shaqadiisa, “Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto.” Ayuu yidhi xildhibaanku, isagoo intaas raaciyay “Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday.” Xildhibaanku wuxuu sheegay inaanu badhasaabku dib ugu soo noqon doonin gobalka Awdal, “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka.” Ayuu yidhi xildhibaan Dhegaweyne. Wargeyska Geeska Afrika ayaa xalay isku dayay inuu badhasaabka gobalka Awdal weydiiyo sababta uu uga maqanyahay gobalka, laakiin way noo suurtogeli wayday. Sidoo kale wakhti sii horeeyay oo uu Wargeysku su’aashan Telefoon ku weydiyay badhasaabka, ayaa wuxuu ku gaabsadya inuu shir ku jiro. Source
-
(SLT-Washington)-La-taliyaha Amniga Qaranka, John Bolton ayaa sheegay in tahay wax huban in Iran ay mas’uul ka ahayd weeraro horaantii bishan lagu qaaday maraakiib mareysay xeebta dalka Imaaraadka Carabta. Bolton ayaa warkan weriyayaasha ugu sheegay magaalada Abu Dhabi oo uu u joogo wada-hadallo amni oo uu ugu yeeray “kuwa muhiim ah oo waqtigooda kusoo aaday” balse ma soo bandhigin wax caddeymo ah. Iran ayaa hore u beenisay inay mas’uul ka tahay weeraradaas. Xiisadda ka dhex oogan Iran iyo Mareykanka ayaa kasii dareysay toddobaadyadii dhowaa tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku dhowaaqay inuu doonayo inuu meesha ugu hooseyso geeyo saliidda Iran ay dhoofiso, oo dhaqaalaheeda uu ku tiirsan yahay. Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa Bolton iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay dagaal u ololaynayaan, islamarkaana maamulka madaxweyne Trump uu filanayo “aragagixisanimo dhaqaale.” Source
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aanay ogolaan doonin xamuulka laga qaado Soomaaliya in la geliyo dalkeeda, iyadoo aan cidna la socon. Go’aan ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in lala wareegi doono, lana burburin doono alaabaha sida xamuulka ah loo geliyo dalkaas oo aan cidna wadan. Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar amni. “Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa” ayaa lagu yidhi go’aan ka soo baxay dowladda Kenya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegay in Sarkaal Soomaali ah oo aan wadan dal ku galka aan loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo, sida ay caddeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ay muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay, kaasoo ahaa xayiraada dhanka safarada, balse waxaa haatan soo if baxday xayiraado dhanka Ganacsiga iyo alaabaha xamuulka ee Kenya loo qaado. Source
-
(SLT-Ankara)-Saynis-yahan Turkish haysta dhlaashadda Maraykanka ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Turkiga oo uu ku xidhnaa ku-dhawaad 3 sanno. Serkan Golge oo ahaa Cilmi-baadhe ka tirsanaa Hay’adda Cirbixiyeenadda iyo Hawada Sare ee dalka Maraykaanka ee NASA waxaa uu ka mid ahaa Kumanaan qof oo ay Dowladda Turkiga u xidhay inay ka tirsan yihiin Kooxda uu hoggaamiyo Fatxullahi Guleeen. Saynis-yahankaasi waxaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo badh. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay xaqiijisay in la sii daayey Saynis-yahanka Serken Golge oo ay Dacwad-oogayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Koox argagixiso. Source