Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,544
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The US goal in Somalia is to weaken al-Shabaab militarily in order to achieve a political settlement, senior officials of the US Africa Command said on Wednesday. “We’re not talking about annihilating it, getting rid of it completely,” Ambassador Alexander Laskaris, Africom’s civilian deputy commander, said of Shabaab in a press briefing. Instead, he explained, the US aims to “slowly degrade it, reduce it to manageable proportions.” Insurgencies of the sort underway in Somalia for more than a decade are likely to end by means of “a hybrid of military pressure and political accommodation,” Mr Laskaris suggested. “I don’t care how it’s done,” he added in regard to the way in which a political settlement might be reached between Somali warring parties, “but it needs to be done consistent with Somali culture.” EXIT RAMP The political dimension of the conflict in Somalia is at least as important as the military dimension, Mr Laskaris said. Engaging with Somali civilians while exploiting divisions within Shabaab is less expensive and potentially more effective than military operations, he noted. “Al-Shabaab is not a monolith,” the State Department official said. Some of the clans and sub-clans that supply it with fighters may be more willing than other sources of Shabaab strength to strike deals with Somali authorities, he suggested. “It’s appropriate to explore how to coax people off the battlefield,” Mr Laskaris added. A key aim, he said, is to “create an exit ramp” whereby defectors can safely leave Shabaab’s ranks. The stepped-up US air attacks on Shabaab targets have put the group “on the defensive,” added Rear Admiral Heidi Berg, Africom’s intelligence director. “They are on the defensive, restrained in their movement and broken in their ability to command their forces,” she said. DEFECTIONS Strikes from the skies, which Africom says have killed scores of Shabaab fighters, have disrupted the group’s command-and-control capabilities, limited its mobility, and spread fear and mistrust within its ranks, Ms Berg said. Defections have increased as a result, she said. The toll taken by US attacks is “challenging clans’ willingness to support al-Shabaab… as they see their recent recruits being killed,” Ms Berg told journalists on Wednesday, from Stuttgart, Germany- the Africom headquarters. She cautioned, however, that Shabaab remains a resilient organisation still able to carry out assassinations and deadly bombings. “Al-Shabaab remains adaptive, resilient and capable of attacking Western and partner interests in Somalia and East Africa,” she said. The Islamist militants are “well positioned to take advantage of a security vacuum should the AU continue its draw-down,” Ms Berg warned. ACTION Created in October 2007, the US Africa Command (Africom) is one of six of the US Defence combatant commands around the world and is charged with military relations with African nations often through the African Union. In Somalia, it has focused on aerial support, targeting militants as the African Union Mission in Somalia (Amisom) troops and those of the Somali National Army battle from the ground. But some critics say every of those drone ambushes has thrust the militants into action for revenge. “Airstrikes were deemed to have degraded Al-Shabaab’s operational capability and freedom of movement,” Secretary-General Antonio Guterres told the UN Security Council in a report last week. “They have also led, however, to increased Al-Shabaab movement into urban centres, in particular Mogadishu, where their forces are less likely to be targeted from the air.” Shabaab retains resources sufficient to continue its fight, Mr Laskaris acknowledged indirectly. He noted that the insurgency pays its soldiers more generously — and more reliably — than the Somali government does in the case of its own troops. A third Africom official — Chief Master Sgt Ramón Colón-López, the command’s senior enlisted leader — said at the briefing that one of his duties in regard to Somali government troops is to help ensure they are being paid and fed properly “so they don’t go fighting for the wrong side.” “In countering terrorism, the State as impartial mediator is so important to solving all levels of disputes. State actors need to have a commitment to remain a neutral arbiter. Citizens are going to terrorist organisations for basic justice.” Source: Daily Nation
  2. Sanca (SMN) – Waxaa isa sootaraya Cabashooyinka Qaxootiga African-ka ah ee ku nool Yemen ee ku aadan in dhibaatooyin xoogan ay ku wajahayaan dalkaasi. Qaxootigaan oo ay ku jiraan Dad Soomaali ah ayaa waxa ay daneynayaan in dib loogu soo celiyo dalkooda maadaama Colaado ay hareeyeen dalkaasi Yemen. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Yemen ayaa sheegtay in iyagoo la kaashanaya Hay’adda IOM ay dib ugu celin doonaan dalalkooda Muhaajiriin isugu jira Somalia iyo Ethiopian. Meelaha Dadkaan Qaxootiga ah ay ku xanniban yihiin ee ka tirsan dalkaasi Yemen ayaa waxaa ka mid ah Laxij , Abyan iyo qeybo kale oo dalka Yemen ah. Waxaa dhinaca kale walaac laga muujinayaa xaaladda Nololeed ee dadkaas oo u badan Ethiopian ayna ka mid yihiin Somali kuwaas oo daruufo adag ay u sii dheertay dhibaatada Amni ka taagan dalka Yemen. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Degmooyinka Dharkenley iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir ayaa caawa ku baratami doono tartanka aqooneedka bisha Ramadaan . Labada degmo oo nasiib u yeeshay in ay u soo gudbaan wareega 8 dhamaadka ayaa tartamadii hore muujiyay karti iyo dadaal dheeri ah. Tartamayaasha degmooyinkan ayaa haatan wada diyaar garow xoogan, waxaana degmada badisa ay u gudbi doontaa wareega Sama-Finalka ee tartanka Shabelle. Tartanka ayaa hatan maraya meel xiiso badan, gaar ahaan is reeb reebka dgemooyinka, waxaana wareega afar dhammaadka horay isaga sii xaadiriyay Howlwadaag iyo Shibis. Sanadkan waxaa tartanka aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marinaya degmooyinka shirkadaha Beco iyo Coca-cola. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Soomaaliya ee ay wadaan dalalka Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo difaaca Qaranka iyo jiritaanka Soomaaliya. Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa intaasi ku daray in ay jiraan dad si gaar ah ugu adeegaya danaha dowladaha Kenya iyi Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli in dhawaanahan Soomaaliya ay dhaq dhaqaqyo xoogan kala kulmeysay dalalka ay dariiska yihiin ee Kenya iyo Itoobiya. View the full article
  5. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag waxaa ay Maanta kusoo dhaweeyeen taliyeyaal iyo Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,balse kusoo biiray dhinaca Puntland. Taliyeyaasha oo Soomaaliland ugu Mgacaawnaa Gobolka Sanaag ayaa Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland Janaraal Nuux Ismaciil Taani oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag,waxaana saraakiishaan ay hoggaaminayaan Ciidamo ku dhow 100 Askari Xildhibaano ka tirsan Puntland iyo waxgarad ayaa kulan soo dhaweyn ah waxaa ay kulan deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag kula qaateen saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa. Xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ee dhinaca Gobolka Sanaag ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xoogeysatay,waxaana abaabul dagaal uu ka socdaa degmada Badhan ee Gobolka sanaag halkaas oo ay ku sugan yihiin Wasiirka amniga Puntland Cabdi Samad Maxamed Galan iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale xiisadaas ayaa waxaa ay saameysay Maamulkii Magalada Badhan ugu Magacaawna Soomaaliland,iyada oo Guddoomiyihii Magaaladaas uu Maanta xilkaasi iska casilay,waxaana Guud ahaan gobolka Sanaag laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Tuulada dawacaley oo ka trsan degmada iskushuba ee gobolka Bari ayaa laga hirgaliyay Ceel-biyood riig ah oo loogu talagalay in ay dadka iyo duunyaduba ay [...] Source
  7. Afmadow (SMN ) – Xarakadda Al Shabaab ayaa sheegtay in weeraro saf ballaaran ah ay ku qaaday Saldhigyo Militari oo ku yaal degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose. Iska hor imaadyo xooggan ayey sheegeen in xalay ay gudaha degmada iyo hareeraheeda ku dhaxmareen Ciidamada Huwanta ah iyo xoogagooda. Al Shabaab ayaa guullo ka sheegtay weeraradaasi, waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay la wareegeen xarumo Ciidan oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay shaaciyeen in dagaal muddo saacado ah socday ay Ciidamadoodu la galeen kuwa Kenya ee Saldhigga ku leh duleedka degmadaasi. Dhinaca kale ma jiro waxa hadal ka soo baxay Taliska Ciidamadda Jubbaland oo ku aadan weerarkan iyo sheegashada Al Shabaab. Inta badan iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Jubaland, kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ayaa ka dhaca gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeeysay Dowladda Soomaaliya. Galmudug waxaa ay joojisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka. Sidoo kale warsaxaafadeed oo aad u dheeraa ayaa Galmudug waxaa ay beesha caalamka ka dalbatay inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo in aysan aqoonsan sharciyada ay waddo xukuumadda Soomaaliya iyo in ay xoojiyaan la xisaabtanka dowladda federaalka. Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli uu aad u xun yihiin xiriirka u dhexeeya dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada qaar. Dhowaan ayaa sidoo kale maamulka Puntland waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka. Halkan ka Akhriso
  9. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-30052019-vv.mp3 View the full article
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay maanta xabsiga kasii deysay Cabdiraxmaan Aar. Cabdiraxmaan Aar ayey Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah. Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay khamiistii hore, taasi oo dhageysatay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah, oo maanta ku eekeyd. Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayey in dib maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto, balse maanta ayaa dib loogu soo celiyay xoriyadiisa, taasi oo u muuqata in xukuumada Kulmiye garwaaqsatay xariga sharci-darada ah ee ay kula kacday wiilkan dhalinyarada ah. Wiilkan loo haystay in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee maanta la sii daayey, ayaa wuxuu Guddoomiye ka ahaa urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. The deputy Somali police commissioner, Zakia Hussein has announced a plan to beef up the entire security of the capital, Mogadishu ahead of the Eid Al-Fitr. Hussein has urged the public to collaborate with the law enforcement agencies. Speaking at a press conference, the deputy police boss said the security forces have arrested three people during an anti-drug operation in the city. Somali police stepped up operations in the capital since the start of the Holy Month of Ramadan to avert Al-Shabaab attacks. View the full article
  12. Gudoomiyaha Gollaha wakiiladda Dowladda Puntland oo hogaaminaya wafdi balaaran oo ka socda Dowladda Puntland oo ka kooban Wasiiro,Xildhibaano iyo Talliyaal ciidan ayaa deegaanka Bali-busle ee [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkenley, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka wada tirsan Militariga Soomaaliya. Dagaalkaan oo aan la ogeyn rasmi ahaan waxa sababay, ayaa waxaa la sheegay Ciidan degan Xaafadda Xoosh oo Militari ah inay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga sidaasina dagaalka uu labada dhinac ku dhexmaray. Inta la xaqiijiyey dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari halka tira kale ay ku dhaawacmeyn, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada ay kala wateen sarkaal lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan guutada Saddexaad ee Millateriga Soomaaliya iyo mid kale oo Magaciisa lagu soo koobay Ziidii. Wararka ayaa sheegaya in meesha lagu dagaalamay uu yaalo gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidankii weerarka soo qaaday. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkiinley & Saraakiisha Ciidamada Booliska oo gaaray goobtii lagu dagaalamay ayaa halkaasi ku soo arkay maydka Askariga ka tirsan Ciidamada Militariga ee halkaasi lagu dilay & gaari meesha yaallo. Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dagaalkooda, waxaana dadka ku nool Xaafada Xoosh ee degmada Dharkleenleey ay sheegeen inay cabso xoogan soo wajahday, isla markaana qeyb ka mid ah Ciidamadii dagaalamay ay weli Xaafada ku sugan yihiin. Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta laga qaaday Askarigii la dilay oo loo qaaday Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Dowladda Kenya ayaa beenisay sheegashooyin ku saabsanaa inay afar sarkaal oo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya loo diiday in ay galaan waddankeeda iyagoo watay baasaboor [...] Source
  15. Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in Kenya lasoo galiyo xamuulka aan lala socon ee lagasoo qaado Soomaaliya. Go’aankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii dowladda Kenya ay [...] Source
  16. Maxkamadda sare ee Jasiiradda Seychelles ayaa xukunno ku ridday shan nin oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo iyadoo raggaan ay ku wareejiyeen Seychelles Midowga Yurub bishii April sida ciidanka boliisku sheegay Talaadadii. Raggaan la tuhunsan yahay ayaa waxaa u soo gacan-geliyey dowladda Seychelles hawlgalka Midowga Yurub 26-bishii April kaddib markii ay qabteen Maraakiibta Midowga Yurub. Ragga la tuhunsan yahay ayaa loo soo gudbiyey Seychelles iyadoo la raacayo heshiiska isku gudbinta ee ka dhaxeeya Seychelles iyo Midowga Yurub Waxayna markii ugu horreeysay kasoo muuqdeen maxkamadda maalintii Isniinta oo taariikhdu ahayd April 29. Boliisku waxay sheegeen in dhammaan dadkaan oo ah 5 qof inay maxkamadda kasoo muuqan doonaan. Mid ka mid ah burcad-badeedda ayaa la xiray loona soo gudbiyey Seychelles bishii November 2017. Seychelles oo ah Jasiirad ku taalla galbeedka badweynta India waxay juquraafi ahaan u dhawdahay xeebaha Soomaaliya waxayna dagaal kula jirtaa burcad-badeedda tan iyo sannadkii 2005. Seychelles ayaa la dagaalanka Burcad-badeedda kala shaqeyso saaxiibbada caalamka si loo xiro oo loo ciqaabo burcad-badeedda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  17. Qeyb kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka. Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post sawirro: Qeyba kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (SMN): –Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo Kaxda ayaa xalay isku arkey Barnaamijka tartan Aqooneedka Shabelle, waxaa ayna labada Degmo soo bandhigeen tartan aad u adag. Degmadda Shibis oo guusha xalay la hoyatay ayaa la timid 14 dhibcood waxaa ayna sidaas ugu soo gudubtay Wareega 4 dhamaadka tartanka, halka Degmadda Kaxda oo la loolamaysay ay heshay 8 dhibcood guud ahaana ay iskaga hartay tartanka Shabelle. Caawa waxaa tartami doona Degmooyinka Dharkenley iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir. Sanadkan tartan Aqooneedka Shabelle waxaa taaba galinaya Shirkadaha Becco iyo Cocacola. View the full article
  19. Xidiga kooxda kubbadda cagta Dekedda Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa fariin adag u diray Kooxda Horseed ka dib markii ay guul daro kasoo gaartay kulan ka tirsanaa horyaalka oo ay labada koox wada dheeleyn,isagoona sheegay in markii saddexaad ay hanan karaan horyaalka Somalia Premier League olalahan. Daa’uud Tubaal waxa uu carabka ku adkeeyay in qof walba oo ka tirsan kooxda Dekedda kaliya ay u muuqata rajada ah hanashada horyaalka Somalia Premier League 2018-2019,inkastoo ay kooxdiisa loolan adag kala kulmayso kooxaha Elman Horseed,Heegan iyo Muqdisho City Club. Tani iyo kolkii uu bilaawmay horyaalka anaga ayaan hogaaminayay guul daradii naga soo gaartay Horseed waxa ay keentay in kooxo badan ay u arkan fursad banannan,balse arinka sidaa ma ahan. “Sanad ka hor ayaa nagu danbeesay guul daro sababta ay Horseed inoogu badisay waxa ay aheyd Macalin Cabdi Joon oo aqoon wanaagsan u leh kooxda Dekedda maadaam uu isaga soo maamulayay,yeelkaad taa waxa aan ku rajo weynahay in aan sanadkii saddexaad hanano horyaalka”Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa sidaas ugu waramay Goobjoog Sports. Xidigihii hore kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo Tubaal ayaa xili ciyaareedkii kowaad kooxdiisa ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u saraya,isagoo fasalkii kowaad la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somalia Super Cup. “Waxaan hogaaminaynay horyaalka Somalia Premier League, laakiin markii ay na soo gaartay guul daradii ugu horeesay olalahan dad badan ayaa shaki geliyay in aan qaadi karno iyo in kale kuma mashaquulayno loolanka baraha bulshada ee waxaa xooga saaraynaa kulamada inoo haray horyaalka”ayuu Daa’uud Tubaal sii raaciyay,isagoo u waramay Goobjoog Sports. “Hadii aan lumino fursada hanashada horyaalka waxaa diirada saaraynaa in aan ku guulaysano Star League iyo Generaal Daa’uud oo qeyb ka ah tartamado qorshaysan ee sanadka kasta” ha is dajiyaan taageerayaasheena waxaan haysanaa xirfadlayaal iyo maclimiin is fahansan oo ka dhabeen kara tartamada aan qeybta ka nahay ayuu Goobjoog u sheegay laacib Daa’uud Cabdullahi Tubaal. Si kastaba xidigaha kooxda Dekedda kubbadda cagta Dekedda ayaa labadii kol ciyaareed lasoo dhaafay ku guulaysnayay horyaalka Soomaaliya,iyagoo iminka rajo wanaagsan ka qaba in markii 3aad ay hantaan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. Dhuuso-mareeb (PP) ─ Maamul-goboleedka Galmudug ayaa wuxuu caddeeyay go’aan cad oo uu ka qaatay dowladda federaalka Somalia, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Somalia. Qoraalka Galmudug ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, doorshooyinka, federaaleynta iyo amniga guud ee Qaranka. Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaanahaan waxaa u dhexeeyay muran meel sare gaaray, iyadoo murankan uu salka ku hayo xilliga ay dhacayso doorashada cusub ee maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka. Xukuumadda Somalia ayaa ku adkeysanaysa in doorashooyinku ay dhacaan sannadkan dhammaadkiisa, halka madaxweynaha galmudug Xaaf uu qabo in doorashadu ay dhacayso saddex sano kaddib, iyadoo murankan aan weli laga gaarin wax xal ah. Ugu dambeyn, Tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu qaatay tallaabo uu xiriirka wada-shaqeyneed ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug; PUNTLAND POST The post Maamul goboleedka Galmudug oo go’aan cad ka qaatay Dowladda Federaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Badhan (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo deegaanada gobolkaasi. Xiisadda ayaa ka korortay kadib markii saraakiil badan oo kasoo jeeda dhanka Somaliland ay ku biireen Puntland, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay masuuliyiin kale iscasilaad ku dhawaaqeen. Baadhasaabkii Somaliland ee Bariga gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sheegay inuu haatan kulamo la qaadanayo odayaasha deegaanka. Mr, Soomaali wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay go`aankiisa, wuxuuna cadeeyey in uu diyaar u yahay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa waxyaabaha horumarka ah ee kasocda deegaankiisa, Sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca wararka aan ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo badan ay gaarayaan deegaanada gobolka, kuwaasi oo ka tirsan labada maamul. Dhawaan Puntland ayaa shaacisay inay isku soo dhiibeen ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Somaliland, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay saraakiishii hogaamineysay isku dhiibtay Puntland. Labada maamul ayaa isku haya maamulka deegaanada Hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Sanaag Caasimada@live.com