Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,545
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog Media Group ayaa xabsiga laga siidayay, ka dib maalinimadii Arbada la horgeeyay Maxkamadda.gobalka Banaadir. Cali ayaa waxa uu maalinimadii arbacada uu ka soo muuqday Maxkamadda gobalka Banaadir , assagoo lagu soo eedeeyay aflagaado iyo waxyaabo la xariira Imtixaanka wasaaradda waxbarashda. ee dugsiyada sare ee sanad waliba ay qaado. Garsoorka ayaana laalay dacwadihii lagu soo eedeeyay Cali,waxa uuna cadeeyay in eedeeymaha la hor keenay aan dacwad la oran Karin, waxa Garsoorka uu laamaha ammaanka uu faray in Wariye Cali Aadan xoriyaddiisa dib loo siiyo maalinta jimcada marka uu soo dhamaado Imtixaanka Wasaaradda waxbarashada ay qaado sanad waliba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horreysay ka hadashay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa oo u goostay maamulka Puntland. Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonto Saraakiishaas, halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Hal Qof ayaa ku Dhintay Shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Waqooyi Ee Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidammada Ka Goostay Millatariga Somaliland Oo Ka La Hadlay Sababta Ay Uga Goosteen Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC.) Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal. Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland. Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, Isla markaana xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha. Ugu dambayn, Weftiga Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin waxaa ay yeelandoonaan shirar iyo kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, Isla markaa lagu tayaynayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu qayb ka yahay heshiiska lagu dhisayo dekedda Kalluumaysiga degmada Eyl balanqaadyadii Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo shirkad Shiinays ah la saxiixatay heshiis deked looga dhisayo Eyl appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay muranka ka dhex aloosan Dowladda dhexe iyo Maamul gobaleedyada dalka. Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in murankaasi ay kamid yihiin qodob aan ku qorneyn ajendayaasha wada-hadalkooda iyo go’aamada hawada la isku marinayo. Garaad ayaa sidoo kale waxa uu dhaliilay qoraalada kasoo baxaya maamulada ee ku qoran afka qalaad, isagoona xusay in uu jiro tuhun iyo damac ku shubasho doorasho. “Muranka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka mid ah qodob aan ku qorneyn ajendayaasha wadahadalkooda iyo mowqifyada hawada la isu marinayo ee qaarkood uu ku qoran yahay afka ajnabiga la isku dacweynayo” ayuu ku yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Wuxuuna intaas kusii daray “Waa tuhunka uu midba midka kale ka qabo in uu damacsan yahay in uu gacanmaroojin iyo ku shubasho uu ku soo saaro Xildhibaannada Baarlamaanka 2020 iyo waxa xiga”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT- Otterndorf) Booliiska Jarmalka ayaa habeen hore xilli saq dhexe aheyd waxay nin Soomaali ah oo 26 sano jir ah meydkiisa ka heleen guri uu degnaa oo ku yaalla magaalo la yiraahdo Otterndorf oo dalkaas ku taalla. Boliiska ayaa waxaa wargeliyey dad Soomaali ah, oo meydka ninkan arkay, iyadoo Otterndorf ay ku taallo gobolka Niedersachsen. Saraakiisha Booliisku ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in la dilay ninka ka dib markii ay jirkiisa ka heleen calaamado muujinaya in la dilay, iyagoo haatana wada baaritaano la xiriira sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay. Ninkan Soomaaliga ah ee lagu dilay dalka Jarmalka oo aan magaciisa la sheegin ayaa meydkiisa waxaa gacanta ku haya booliska oo baaritaan ka dib ku wareejin doona Soomaalida si ay u aasaan. Source
  8. (SLT-Jiddah) Boqorka Sacuudiga ayaa Iiraan ku tilmaamay halis ku soo fool leh ammaanka adduunka. Boqol Salmaan ayaa shirka Carabta ka sheegay in loo baahan yahay in dalalka Khaliijka iyo beesha caalamka ay Iiraan ka hor istaagaan wax uu ugu yeeray falal dambiyeedyada iyo faragalinta ay gobolka ka waddo. Iiraan ayaa diiday sheegashooyinka Sacuudiga ee ku aadan in ay ka dambaysay weerarradii dhawaan lagu qaaday maraakiibta shidaalka qaadda. Source
  9. (SLT-Makka) Madaxweynaha dalkaasi Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay magaalada Makka ee dalka sacuudiga shirkii degdeg ah ee ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta. Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madax dalalka carabta qaarkood, waxaana ka mid ahaa Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan, Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani iyo madax kale. Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya dowlada Somalia iyo dowladahaas, iyadoo kulamadaas ay ku dhamaadeen jawi is afgarad leh sida ay sheegeen masuuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia ee la socda wafdiga Madaxweynaha. Source
  10. Ramaah must be brought to justice for inciting violence Lewis Center, Ohio—This week, in a poorly shot video, Mr. Sulaiman Ali aka Ramaah, the former Sahel region governor during the Silanyo administration, was inciting violence. He was calling for chaos and disorder, and he was even threatening to set up road blocks around Berbera port over his false narrative that the Sahel communities are suffering deliberate economic hardship. Lately, the clan-based websites such as Hadhwanaagnews and others have became the favorite venues to disseminate anti-Somaliland vitriol, which lacks any objectivity or accuracy just to malign Somaliland people and their government. Mr. Ramaah is the poster child of what is wrong with Somaliland’s governance and political system: He was a high school dropout, turned politician because he simply knew how the political clan dynamics of city of Burao functioned. He met Silanyo during a visit to Columbus, Ohio in 2010. He begged Silanyo’s wife for a position if Silanyo won the 2010 presidential election. Finally, through her recommendation he got the job as the governor of Sahel. A person like Mr. Ramaah should never have been a governor in the first place. But the corrupt Silanyo administration, which had undermined good governance and transparency in Somaliland, enabled him to became a governor, for the sake of cronism. Read the whole article….. Please read and post a comment. Read Thanks, Ali Mohamed Founder and Editor Gubanmedia.com, which carries news analysis and commentary about the greater Horn of Africa region. Lewis Center, Ohio Qaran News
  11. PRESS RELEASE Tackle root causes of migration to protect refugees and displaced people from leaving their homes UNFPA strongly believes that durable solutions to forced displacement should include women and adolescent girls’ empowerment NEW YORK, United States of America, May 31, 2019/ — “African countries have a long record of keeping their borders, doors and hearts open to refugees and internally displaced people – an example not followed by everyone in the world,” said António Guterres, Secretary-General of the United Nations. “The best way to protect refugees and displaced people is to prevent them from having to leave their homes.” “The best way to protect refugees and displaced people is to prevent them from having to leave their homes. That means tackling root causes – poverty, conflict, discrimination and exclusion of all kinds. “The 2030 Agenda for Sustainable Development and the African Union’s Agenda 2063 are our roadmap. Both agendas are aligned around a people-centred and planet-sensitive transformation. Eradicating poverty is their overriding priority,” he said. He was speaking at a special panel discussion – one of four Africa Dialogue Series 2019 side events – at the United Nations Headquarters on 23 May, on the challenges faced by refugees, migrants and internally displaced persons (IDPs), their specific needs, including being recognized as a group that can bring significant benefits such as health, human capital development and the eradication of poverty. Changing Africa’s narrative The narrative about Africa needed to change in four principal respects, said Amina Mohammed, United Nations Deputy Secretary-General: “First, Africa’s progressive response to forced displacement must be recognized and supported.” “Africa is not a continent of mass exodus. Most African migrants are educated and move within the continent for economic opportunities, contributing to growth.” “Second, understandings of migration in Africa must align with the facts. Africa is not a continent of mass exodus; in fact, in 2017 less than 2.9 per cent of Africa’s population left the continent. Most African migrants are educated and move within the continent for economic opportunities, thereby contributing to growth,” she explained. “Third, African youth play a catalytic role for peace, including by using social media to combat xenophobia. Finally, the economic outlook for Africa is positive, especially in light of the African Continental Free Trade Area, which will boost inclusive economic growth through infrastructure development and employment creation, especially for youth.” Solutions to displacement must include empowerment of women and girls “Forced displacement is not only a tale of human tragedy; it also poses a real threat to achieving peace, prosperity and development,” said Bience Gawanas, Under-Secretary General and Special Adviser on Africa to the UN Secretary-General. “Behind each number (refugee), there is a human being. I, myself, am a product of African solidarity. Having left home in my teens during the war of liberation against apartheid in Namibia, I spent years in refugee camps in Angola and Zambia and benefitted immensely from the generosity of the Angolan and Zambian people. I want to take this opportunity to personally thank you for your big heart,” she said. UNFPA strongly believes that durable solutions to forced displacement should include women and adolescent girls’ empowerment, as this is critical for peace, security and sustainable development of Africa, said Dereje Wordofa, Assistant Secretary-General and UNFPA Deputy Executive Director. “When in possession of opportunities, education, safe environments, health care and services, regardless of their status [ … ] Africa’s young will continue to thrive.” “Twenty-five years ago, a global revolution started in Cairo. The International Conference on Population and Development (ICPD) for the first time enshrined individuals’ right to make their own reproductive choices freely and responsibly.” To harness the demographic dividend for Africa, investment in the continent’s youth is needed, he urged. “When in possession of opportunities, education, safe environments, health care and services, regardless of their status as citizens, migrant, forcibly displaced or refugee, Africa’s young will continue to thrive.” Africa is under-appreciated and under-represented María Fernanda Espinosa Garcés, President of the 73rd Session of the UN General Assembly, said Africa’s tremendous contribution to the UN continues to be under-appreciated and the region’s voice under-represented in the international system. “We have what could be called a ‘solidarity deficit’ – multilateral decision-making processes, policies and programmes that should be skewed towards the needs, views and priorities of Africa are not yet there. We need durable solutions – voluntary return or repatriation as appropriate, but also resettlement and integration. “We need durable solutions – voluntary return or repatriation as appropriate, but also resettlement and integration. And we need greater political and financial support for transitions at the humanitarian-development nexus. The Global Compacts on refugees and migrations adopted last year provide a solid basis for us to move forward, and I call on leaders in Africa and across the world to implement them both,” she urged. Ensure access to sexual and reproductive health for migrants and refugees “It is critical to ensure that migrants and refugees have access to health and education services, including sexual and reproductive health, while protecting the health of host populations through improved implementation of international health regulations, said Mabingue Ngom, UNFPA Regional Director for UNFPA West and Central Africa. Ekhlas Ahmed, a youth representative and former refugee from Sudan, spoke of her experiences: “Everything started with the voice … Once I found my voice, I never stopped using it to ensure that women, girls and young refugees are treated with the dignity and respect they deserve.” As part of the 2019 Africa Dialogue Series, the UN Office of the Special Adviser on Africa (OSAA), the Permanent Mission of the African Union to the United Nations, and UNFPA, the United Nations sexual and reproductive health agency, organized a side event at the United Nations Headquarters on 23 May on “Emerging issues from Africa ICPD Regional Reviews (Addis Ababa Declaration on Population and Development +5): Linkages between mobility, human dignity and refugees, returnees and IDPs – Celebrating successes and addressing challenges.” The panel discussion was one of four Africa Dialogue Series 2019 side events organized around the 2019 theme of the African Union – “The Year of Refugees, Returnees and Internally Displaced Persons (IDPs): Towards Durable Solutions to Forced Displacement in Africa.” Moderated by UNFPA Regional Director for West and Central Africa Mabingue Ngom, under the chairmanship of UNFPA Deputy Executive Director Dereje Wordofa, it brought together a diverse panel. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Population Fund (UNFPA). SOURCE United Nations Population Fund (UNFPA) Qaran News
  12. Beijing, May 31 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka China ayaa [...] Source
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Maamulkood oo u goostay maamulka Puntland Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, C/Qani Maxamuud Caateeye oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonto Saraakiishaas. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay Maxkamadeyn doonaan Saraakiishii iyo ciidamadii ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland, isagoona ku eedeyay inay yihiin qaran-dumis. “Ciidamadu waxay kamid ahaayen Ciidamada Somaliland, Waxan halkan fariin ugu dirayaa Ciidamadii ka goostay Somaliland ee ka baxay, ay noqden Niman kasoo horjeestay dowladoodii, dowlad dumisna ay noqdeen, laguna maxkamadeynayo wixii maanta ka dambeeya, kiiskoogina ka bilaabmi doono, una gudbin doono maxkamada darajada koowaad ee gobolada bariga” ayuu yiri Wasiir C/qani Caateeye. Wuxuuna intaas kusii daray “Intuu berrina halkan galo ayuu hadana maalinta kale halkan imanaya, maalinta uu yimaado ayaa wixii xukuna ee halkaa kasoo baxa, noocu doono ha ahaade, ayaa lagu xukumi doona laguna dhaqmi doona hadu ilaahay idhaahdo”. Wasiirka ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay inaysan jirin wax amar ah oo lagu faray Saraakiisha goosatay inay weerar ku qaadan degmada Badhan, isagoon tilmaamay inay Badhan kamid tahay deegaanada hoos taga maamulkooda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Waxaa si milge iyo maamuus leh kuugu martiqaadaynaa inaad nagala soo qaybgasho bandhigga buugaagta bahda laashin: Gaso ganuun iyo gasiin. Prof Cali A. Jimcaale Bidhaamiye . Barbaariye Bashiir Cali Xuseen Godob iyo Gallad. Dr Xuseen M.Cabdule Waa habeenka Hal abuurka iyo Qoraaga ee magaalada Zurich. Goobta: Reformiert Kirche Zurich Stauffacherstrasse 8 8004 Zurich Amminta: 15.06.2019 Goorta: 18:30 Kala xidhiidh: Cabdalla Saciid : +4179 585 37 98‬ Liibaan Axmed Qoodow:‭+41 76 558 30 21‬ Cabdiraxiin H. Galayr : +41 76 612 72 80
  15. Soomaaliya waxay dhibane u yihiin argagaxiso gudaheeda ka jirto iyo beesha caalamka oo dhibaato joogto ah ku heyso hormarka nololeed ee dalkan taagta daran sameyn lahaa waxayna beesha caalamka Soomaaliya gudaheeda kaga dhawaaqeen Dagaal Argagaxisada loogu jiro laakiin shacabka dhibaatadiisa dib ugu soo laabaneyso. Dagaalka Argagaxisada ka dhanka ah ee beesha caalamka Soomaaliya ka wado wuxuu galaaftay nolosha Soomaali badan oo aan wax dambi ah galin. Argagaxisada waxay shacabka ka dhigtaan gabaad, wey dilaan sidoo kalena il dhaqaale ayay ka dhigtan si la mid ah beesha caalamka ee Dagaal Argagaxisada kula jirto dhibaatada ay shacabka Soomaalida ah u geestaan ma yaro ayagoo ujeedkooda yahay inay argagaxisada bartilmaamed ka dhigtaan ayay naf iyo maalba cagta mariyaan, cidna ma weydiiso waxayna u arkaan shacabkaas inay yihiin kuwo argagaxisada garab siiyaan. Sidaa darteed bulshada Soomaaliyeed waa dhari labada dhinac ka gubtay Argagaxisada uma axsaan falaan sidoo kalena kuwa dhahaan Argagaxisada ayaan dagaal kula jirnaa iyagana naftooda iyo maalkooda shacabka Soomaalida qiimo uma lahan waana sababta ugu weyn shacabka Soomaalida noloshooda u maareysan la’yihiin. Weerarkii 9/11 iyo Burburintii Al Barakaat: Shirkaddii xaawaladda ahayd Al Barakaat waxaa la sameeyay markii Dowladdii Dhexe burburtay sanadii 1991 kadib markii diyaasbaro dalka ka carartay walaac badan ka muujiyeen kuna adkaatay sidii eheladooda lacag ugu diri lahaayeen ee dalka ku sugnaa. Mudo labo bilood gudaheeda Al Barakaat waxaa u suura gashay in dhammaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya xarumo ka sameysato si hufnaan ku dheehana qoysaska lacagta ay usoo diraan eheladooda dibada ku sugan ku helaan. Laakiin qaraxyadii 11 September 2001 dhaceyn wax walbo ayay badaleen waxayna madaxda Mareykanka la yaabeyn qoladii weerarka kusoo qaaday si ay dhaqaale ahaan isugu filnaayeen dhaq dhaqaaq kala duwana u sameeyeen xiligaas waxayna baadi goob u galeyn cid walbo oo Al-Qaacida dhaqaale ahaan si hoose iyo si sare u siisay. Qolooyinka baarista Mareykanka u qaabilsan oo horeyba ula dhacsaneyn hanaanka Al-Barakaat u shaqeyso oo lacagaha USA looga diro una gaarto UAE oo xaruntooda dhexe ku taalay ayaa baaritaanka sare usii qaadeyn. Cadaadis siyaasadeysan ee dhanka Aqalka cad kaga yimid qolyihii baarista wadeyn ayaa ku qasbay inay baarista soo idleeyaan kuna dhawaaqaan in Al Barakaat ay ahayd shirkad Al-Qaacidda dhaqaale ahaan taageerto sidoo kalena aas aasaha Al- Barakat lagu tilmaamo inuu Osama Bin Laden saaxiib la ahaa. Xafiiskii Al-Barakat waa lagu duulay waana la dhacay waxaana la fariisiyay ra’sumaalkii ay shirkadaan laheyd sidoo kalena aas aasaha shirkadda waxaa lagu daray liiska kuwa aan sameyn karin duulimaadyada caalamiga ah. Sanado kadib guddoonkii qaabilsanaa baaritaanka weerarkii 9/11 ayaa ku dhawaaqay in Al Barakaat aysan wax qalad ah galin sidoo kalena aysan wax xiriir ah Al-Qaacidda la laheyn. Laakiin nasiib daro ra’sumaalkii Al Barakat laga fariisiyay iyo dhacii loo geystay cidna si sharci ah ma aysan uga hadlin sidoo kalena aas aasaheeda ilaa sanadii 2016 looma ogoleyn inuu duulimaad caalami ah sameeyo. Al-Barakaat burburkii loo geystay ee marmarsiiyaha beenta ah hugsanaa wuxuu noqday hnanaan ay Beesha Caalamka Arrimaha Soomaaliya u wajahaan: Qofkaan waa Dambiile sidii la rabo halaga yeelo ilaa laga cadeynayo inuusan wax Dambi ah galin! Qaladkii Laga Fahmay Maxkamadihii Iyo Soo Shaac Bixidii Al Shabaab: Mareykanka markii labaad oo ay Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan aafeeyeen waxay dhacday sanadii 2006 kadib markii Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa Muqdisho ka xureeyeen hoggaamiyo kooxeedyadii gacanta ku heyn jiray, waxay Mareykanka la yaabeyn awoodda maxkamadaha iyo sida ay Koonfurta Soomaaliya u qabsadeyn ayadoo meesha ka saareen awoodii hoggaamiye kooxeedyadii. Sidaa darteed Mareykanka iyo Itoobiya waxay bilaabeyn inay adduunka ka gadaan in Maxkamadaha ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda, waxaana dhacday in ciidamada Itoobiya gudaha usoo galeen Soomaaliya ayadoo Mareykanka dhaqaale ahaan iyo military ahaan taageerayo waxayna qabsadeyn Muqdisho sidoo kalena Maxkamidihii meesha ayaa laga saaray awoodii ay lahaayeen. Balse iska caabinta iyo madax adeegga ay la imaadeyn qaar ka mid ah dhalinyarada maxkamadihii waxay sababtay garab cusub inuu soo baxo oo ah Al-Shabaab kaasi oo qasaaro ku sababay Itoobiyaanka madaama dagaalka uu waji kale yeeshay. Waxaa dhacday in Mareykanka uu kala dilay maxkamadihii wuxuuna sameeyay in kuwa qunyar socodka ah ee midowgii maxaakiimta ka tirsanaa Muqdisho loogu yeeray ugu dambeyntiina dalka Madaxweyne waxaa ka noqday mid ka mid ah kuwii uu Mareykanka ugu yeeray Muslimiinta Qunyar socodka ah. Dhinaca kalena Mareykanka wuxuu Al-Shabaab ku daray liiska argagaxisada caalamiga ah kuna tilmaamay Muslimiin Xagjiriin ah oo aan wax wada hadal ah lala gali karin. Dhuun Qabashadii Xawaaladaha Iyo Halis hor Leh: Qeybta lacag bixinta Mareykanka ayaa gabi ahaanba dhuunta qabteyn Soomaalidii reer Ameerika ee shacabka Soomaaliyeed lacagaha xawaaladaha ugu soo diri jireyn. Kadib markii Al-Barakaat meesha ka baxday xawaaladaha shaqeynayeen waxaa la sheegay in $1.5 billion lacago ah gudaha Soomaaliya usoo direen. Xawaaladaha waxaa laga diiwaan galiyay bangiyada Mareykanka oo ay lacagta dhigtaan kadibna UAE ayaa loo soo diri jiray sidaas ayay gudaha Soomaaliya kusoo gaartaa. Laakiin dagaalka beesha caalamka ku heyso argagaxisada waxaa dhacday in qasnajiga Mareykanka ku wargaliyay bangiyada halista kaga imaan karto in la marsiiyo lacagaha Soomaaliya loo diraayo oo aan aqoonsi iyo dabagal laheyn. Sidaa darteed inta badan bangiyada gudaha Mareykanka ku yaalo waxay gabi ahaanba joojiyeen adeegii ay xawaaladaha u qaban jireen. Waxaana dhacday in xawaalado badan lacagahooda boorso ku qaadaan oo ay sidaas UAE ku geeyaan ayagoo halis aad u weyn la kulmi kareen dhanka amaan ahaan. Waa gardaro lagu qaaday xawaaladaha Soomaalida ee gudaha Soomaaliya lacago usoo diraan ayadoon wax caddeyn ah loo heynin inay argagaxisada xiriir la leeyihiin. Curyaaminta Shirkadaha madaxa soo qaadayo ee gudaha soomaaliya ka hawl galaan: Dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed inay nolol maalmeedkooda hormariyaan dibadaha kaliya kuma ekeyn ee xitaa waa la cuuryaamiyaa shirkadaha u istaagaan caawinta dadkooda ee gudaha Soomaaliya ka hawl galaan. Hagar daamintaan waxaa ku xeel dheer Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eriteria qaabilsan ee UN-ka hoos imaado Monitoring Group for Somalia and Eritrea (SEMG). Hay’adan waxay marar badan soo saartay warbixino ay ku dhaawaceyso kuna cuna qabateeneyso shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah. Tusaale ahaan SEMG waxay soo saareen 2006 in Maxkamadihii Islaamiga ah gudaha Lubnan u direyn ciidan Xisbulaah ka garab dagaalamo waxayna ahayd warbixin been ah oo aan waxba ka jirin. Sidoo kale SEMG waxay eedeyn usoo jeedisay sidoo kalena ay hay’adaha Qaramada mIdoobey ku dacweysay shacqsiyaad iyo shirkado Soomaali ganacsado ah oo diideyn inay warbixin ka siiyaan qandaraasyada UN-ka siiyaan, waxayna SEMG soo saartay warbixin been ah in raashiinka ay WFP deeq ahaan Soomaaliya u keento suuqa maddow lagu kala iibsado waxayna midaas sababtay in WFP qandaraasyada kala laabato ganacsatadii Soomaalida ahayd ayadoo warbixin been ah la adeegsanayo. SEMG kaliya Soomaaliya dhibaato kuma heyso sidoo kale labo la taliye oo Bangiga Aduunka ka tirsan ayaa soo saareyn warbixin ah in Soomaaliya halis dhaqaale oo weyn ku jirto adeegsiga dhanka lacagaha mashiinka la isugu diro ama hawo ahaan la isugu diro sidoo kalena macaamiil badan hantidooda halis ku jirto halka xaqiiqada ay tahay shirkadaha adeega lacagaha hawada loo adeegsado hayaan kaash ku filan oo magdhow ahaan 100% macaamiisha Soomaaliyeed u balan qaadayo in hantidooda marnaba lumeyn. Ugu dambeyntii SEMG iyo hay’adaha kale ee Soomaaliya dhibaatada ku hayaan waxay u badaleyn dhibaatada mid siyaasadeysan waxaana midaas caddeyn u ah ciidamada Kenya inay bur buriyeen sidoo kalena rakaateeyaan qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu weyn Koonfurta Soomaaliya. Kenya arinkaan wey beenisay, laakiin shaqaalahooda dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyeen bur burka ay u geysteen shirkadaha isgaarsiinta. Kenya si awood ku dheyhan waxay ku bur buriyeen 11 xarumood ama Tower sanadii 2011 marka ay Soomaaliya ciidankooda xoog kusoo galeyn. Sidoo kalena 7 xarumood ayay bur buriyeen 2018 halka labo xarumo is gaarsiin ay bur buriyeen 2019. Si kasto ay Kenya u beeniso burburinta ay isgaariinta Soomaaliya ku heyso haddana waxaa la yaab ah in saraakiisha dhanka ammaanka Kenya qaabilsan ay xaqiiyeen inay burburiyeen xarumaha shirkadda Hormuud iyo qalabkooda ayagoo uga fal celinayaan aar gudasho ahaan in Al-Shabaab ay burburisay xarumo ay leedahay SAFARICOM oo ah shirkad isgaarsiin oo Kenya gudaheeda ka shaqeyso. Markii saraakiisha Kenya la weydiiyay waxa iska galay weerarka Al Shabaab gudaha Kenya ka geysatay iyo burburinta xarumaha Hormuud waxay madaxda Kenya ku jawaabeyn “Dhamaantood waa Soomaali isku mid ayey noo yihiin!” Soomaaliya waa diidan tahay inay is dhiibto dhibaato walbo oo lagu haayo: 20-sano ka hor dadka aqoonyahanada Soomaalida ah waxay Soomaaliya u heysteen dal dadkiisa aysan hooy heysan madaama ay u nugul yihiin dhibaato walbo dowlad la’aanta dhacday awgeed. Dhibaato kasto oo lasoo arkay Soomaaliya uma hakaneyso waxayna la imaadeyn hal abuur ganacsi iyo aragti dhaqaale oo ka dhigay kuwa ku adkeysan karo dhibaato walba. Midda ugu cajiibka badan ee ah tusaale iftiimayo ayaa ah sida Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada hormartay kaga gaartay guul ayadoo Afrika badankeeda shirkado ajaanib ah dhanka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada u maamulaan. Bal qiyaas Soomaaliya ganacsi ahaan iyo hormarka isgaarsiinta/tiknoolajiyada ka gaari laheyd haddii aysan jiri laheyn dhibaatada joogtada ah ee ku saleysan Argagaxisada gudaha ka jirto, fashilka dhanka hoggaanka dalka iyo Reer Galbeedka dagaalka ay argagaxisada kula jiraan oo ay shacabka Soomaalida naftooda iyo maalkooda ku aafeeyaan. Waxaa qortay: trtworld.com https://www.trtworld.com/opinion/terrorising-the-victims-of-terror-in-somalia-27095?fbclid=IwAR3R2FiC2htfZTyDSmJZdDmRw64V2Yfc7JS3OulJn8-wOcnYMQg04izH8Ps Waxaa soo turjumay Cabaas Cali Xasan Email: filimside@gmail.com
  16. Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheegtay inay kasoo daad-gureysay dalka Yemen qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 4,300 tan iyo sannadkii 2017 dadkaas oo si iskood ah o xushay in dib loo celiyo. Hawshan dib loogu celinayo qaxootiga ayaa waxaa fududeysay UNHCR oo gacan ka heleysa hay’ado kale oo ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada oo ku sugan dalka Yemen waxaana dadkii ugu dambeeyey ee dib loo celiyo ay gaarayaan 125 qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo laga soo qaaday magaalada Cadan. “Dadkii usbuucaan laabtay waxaa ka mid ahaa dad Soomaali ah kuwaasoo waaliddiin qaxooti ah ay ku dhaleen dalka Yemen, iyo kuwo kale oo Soomaaliya ku dhashay una qaxay dalka Yemen iyagoo ka baxsanaya dagaallada iyo amni-darrada ka jirtay dalka Soomaaliya.” Sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR. Dadkaan ayaa Markab siday kusoo xirtay dekedda magaalada Berbera ee Soomaaliya subaxnimadii Khamiista. UNCHR waxay sheegtay in xaaladda dadka qaxootiga ah ee magangelyo doonka ah ay ka sii dareysay maaddaama dalka Yemen ay ka jirto xaalad bini’aadannimo middii ugu xumeyd. Sida laga soo xigtay UNHCR, Soomaalida dalka Yemen qaxootinnimada u jooga waa boqolkiiba 90 marka la eego qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ah ee jooga dalka Yemen, UNHCR waxay intaas ku dartay in tiro badan oo qaxootiga Yemen jooga ay ka codsadeen hay’adda in laga caawiyo sidii dib looga celin lahaa Soomaaliya kaddib markii ay la kulmeen walaac dhanka amnigooda ah islamarkaana ay waayeen adeeggii ay u baahnaayeen. Soddon iyo saddex safar oo la qorsheeyey ayaa illaa hadda la sameeyey kuwaasoo dad laga soo qaaday Yemen la geeyey Soomaaliya tan iyo markii uu billawday qorshe lagu celinayo qaxootiga kasoo jeeda Soomaaliya ee ku sugan dalka Yemen. Source: goobjoog.com
  17. Somalis are victims of domestic terrorism, and the international community is compounding their misery by undermining their livelihoods as part of their own so-called ‘War on Terror’. Combatants in the so-called War on Terror (WoT) have turned the lives of innocent Somalis into a living hell. Terrorists use civilians as targets, human shields, and sources of revenue. Similarly, Western Terror Warriors (TWs) treat them as unavoidable collateral damage or potential terrorist supporters. Consequently, communities are caught in the crossfire and their efforts to build livelihoods suffer immensely. This is how terrorists and the TWs are undermining Somali livelihoods. 9/11 and the destruction of Al Barakat The money wiring company, Al Barakat, was formed after the Somali government collapsed in 1991. Diasporic Somalis, who fled the civil war, were anxious to find a way to send money to their desperate families. Within two years, the company had agents in all major Somali population centres in the West as it effectively transmitted millions of dollars to all parts of Somalia. But September 11 changed everything. American authorities, shocked by the attackers’ audacity, searched high and low for Al Qaeda’s financiers. Investigators who were already looking into Al Barakat’s unconventional movement of money from the USA to their central office in the UAE intensified their investigations. Political pressure from the White House forced investigators to quickly and speciously conclude that Al Barakat was Al Qaeda’s financier and that the founder of the company was Bin Laden’s friend. Al Barakat’s offices were raided, its assets frozen, and its founder was put on the no-fly list. Several years later, the 9/11 Commission vindicated Al Barakat and stated that its proprietor had no links to Al Qaida. Yet, Al Barakat’s assets are still impounded while its founder remained on the no-fly list until 2016. Al Barakat’s unjustified ruin became a model for the way the International Community addresses Somali issues: guilty until proven innocent. Misrepresenting the Islamic Courts and Al Shabaab’s Rise America’s next Somali adventure came in 2006 when the Union of Islamic Courts (UICs) liberated Mogadishu from warlords. Surprised by the warlords’ defeat, America and its Ethiopian ally concocted the assertion that the UICs was Al Qaeda’s affiliate. Ethiopian troops, with American blessing, invaded Mogadishu and forced the UICs underground. However, Somali resistance led by the UICs’ youth wing, Al Shabaab, made the occupation costly. Consequently, America engineered the fragmentation of the UICs leadership into ‘moderates’ and ‘radicals’. The ‘moderates’ were invited to Mogadishu with its leaders ending up as Somalia’s President. Meanwhile, the USA listed Al Shabaab as a terrorist organisation. Demonising the hawalas Subsequently, the US Treasury almost crippled Somali-Americans’ ability to remit money to Somalia. Diasporic Somalis transfer $1.5 billion through Somali money-wiring companies (Hawalas) that developed after Al Barakat’s demise. Hawalas registered in the USA deposit clients’ money in American banks, which are then wired to the UAE from where it is transferred to customers in Somalia. As the WoT escalated, the US Treasury tightened the screws on hawalas by warning American banks of the risks involved since the identities of the recipients could not be verified. Frightened by the counsel, all but one the few American Banks that had hawala clients withdrew their service. Consequently, many Hawalas have been forced to carry suitcases of cash from the United States to the UAE. This practice continues with all the attendant risks and despite the lack of evidence linking hawalas to terrorism. Subverting emerging companies Efforts to undermine Somali livelihoods are not limited to overseas money transfers but have also targeted domestic enterprises. A leading actor in this effort is the United Nation’s Monitoring Group for Somalia and Eritrea (SEMG). This agency has consistently produced reports peppered with unsubstantiated claims that have damaged the credibility of Somali individuals and organisations. For instance, SEMG falsely reported in 2006 that the Islamic Courts Union sent hundreds of their militias to Lebanon to assist Hezbollah. Further, several local businessmen who had refused to become SEMG’s informers were accused of swindling the World Food Program (WFP) by selling rations in the black market. Consequently, WFP rescinded its business with these contractors. Despite international investigators finding no evidence to substantiate the claims, the victims of this falsehood were never compensated nor were their names cleared by SEMG. SEMG is not alone in its approach of fabricating facts. For example, Two consultants of the World Bank averred that Somalis face staggering risk in using eMoney due to the absence of sufficient cash reserves to satisfy customer demands. But the fact is that customers have not lost any money and eMoney companies have 100 percent reserve cash. Finally, while the SEMG and others have been engaged in diplomatic subversion of Somali efforts, Kenyan security agencies have sabotaged some of the hardware of the major telecommunication companies in southern Somalia. Kenya has denied this, but members of its security personnel have confidentially confirmed the destruction. Kenyan forces destroyed 11 towers in 2011 as Kenya invaded Somalia. They also wrecked seven and two towers in 2018 and 2019 respectively. Notwithstanding the official denials, Kenyan security officers confirmed that the destruction of Hormuud facilities were retaliatory acts since Al-Shabaab destroyed Safaricom installation in Kenya. When asked what Hormuud had to do with Al-Shabaab’s actions, Kenyan authority’s response was “they are all Somalis.” Refusing to Relent Two decades ago, a Somali scholar considered Somalis as homeless because they became vulnerable to others’ machinations due to their statelessness. Despite such odds, Somali communities and entrepreneurs have remained resilient. A remarkable testimony to their grit is that unlike the rest of Africa where foreigners dominate Telecommunications and IT industry, Somalis developed the sector from scratch. One wonders what Somalis might have accomplished if they were not sandwiched between pernicious local terrorists, a failed elite, and the Western ‘War on Terror’. Source: https://www.trtworld.com/opinion/terrorising-the-victims-of-terror-in-somalia-27095?fbclid=IwAR3R2FiC2htfZTyDSmJZdDmRw64V2Yfc7JS3OulJn8-wOcnYMQg04izH8Ps
  18. Koofurta Soomaaliya waxaa jirta maahmaahda “ Deriska dagaalkaaga raba Dooradaada (Digaaggaada) iga cesho ayuu ku yiraahdaa”, maahmaahdaasi waxa ay si fiican u ifineysaa in xiriirkiinu xumaanayo marka deriskaagu kugu mashquuliyo in aad ka cesheto digaagga oo ay adag tahay in la maamulo. Xuska iyo tookha Itoobiya ee dagaalkii 77 waxa uu dad badan oo Soomaaliyeed xusuusinayaa in weli Itoobiya uu ka taliyo maamulka Dergiga ee hanti wadaagga ahaa kaas oo u hammuun qabay in uu dhul iyo dad uusan lahayn qabsado xoog iyo xalaal hadba kii suuragal ah, haddii ay sidaas tahay oo weli dergi iyo damicii dhul ballaarsigu jiro waa in Itoobiya ogaato in nidaamkii kacaanka ee hanti-waddaagga ahaa oo u hamuun qabay in uu 9 gobol oo Soomaali galbeed layiraahdo kasoo ceshado Itoobiya uu weli jiro, dhashii iyo dhawicii dagaalkaasina ay weli farta qaniinsan yihiin. Salvador Valdes Mesa madaxweyne ku xigeenka Kubba Naasweyn oo hadda kujira da’aadda casaasaqa kana mid ah xisbiga shuuciga ah ee Kubba ceeb ayay ku tahay in uu weli nafci ku raadiyo taageeradii ay Kubba siiyey Itoobiya iyada oo hub iyo dhaqaale uga qaadatay Ruushka 1977-dii si ay calooshood u saqeystayaal ugu dirto kaqaybgalka dagaalkii u dhexeeyey Itoobiya iyo Soomaaliya. Dad badan oo Soomaaliyeed maanta waa ogyihiin in Minilik, Xayle Salaase, Mingistu Xayle Maryan, Melez Zanawi iyo Abiy Axmed ay isku aragti ka yihiin hormarinta damaca dhulballaarsiga balse waxa ay ku kaladuwan yihiin ay yihiin qaabka (Method) loo marayo sida Soomaalida oo dhan looga dhigi karo qabiil kamid a kuwa Itoobiya (Ethnic group) kaas oo leh ismaamul-goboleed katirsan federaalka Itoobiya. Raisalwasaare Abiy Axmed qaabka uu qaatay si uu u horumariyo aragtida damaca dhulballaarsiga waa qiyaanada qarsoon ee isdhexgalka geeska Afrika (Integration) taas oo ah hubka aamusan ee lagu qabsado dadka iyo dowladahoodaba si loogu daro dalal kale. Haddii aad rabto in ogaato astaamaha damaca dhulballaarsiga iyo hubka aamusan ee loo adeegsado oo ah isdhegal dib u fiiri sida ay u dhaqmeyso wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo hadda dowlad-goboleedyada Soomaaliya u aqoonsaneysa dowlado ay kula macaamisho dhaqanka siyaasadda laba wajiilaha (Double face) Xuska Itoobiya ee Dagaalkii 77 waxa uu na xusuusinayaa in hanka Itoobiya weli halkiisii yahay! W/Q: Axmed Ciise Guutaale
  19. (SLT-Burco) Xarunta Derbijiifka Burco Oo Ka Jawaabay Eedaymo Uga Yimi Masuul Ka Tirsan Xisbiga Wadani Source
  20. (SLT-Burco)Xukuumadihi Uu Kala Danbeeyey Somaliland Ayaa Maamul Daajin Ka Sameeyey Degmada Fiqi Ayuub. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdalla Maxamed Maaxi oo ahaa wiil dhalinyar ah ayaa maanta lagu diley Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada KPP ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa markii la dilayey waxa uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda jimcaha. Dabley bastoolado ku hubeeysaneed ayaa dilkiisa ka dib goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Banaadir oo meesha ka qaaday meyd wiilka dhalinyarada ahaa. Alle ha u naxariistee Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada afgooye, balse Muqdisho u yimid waxbarasho, waxaana weli la ogeyn dadkii ka dambeeyay dilkiisa iyo sababta loo dilay. Majirto cid sheegatay masuuliyada dilka wiilkaan yar sidoo kale laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya wali kama hadlin dilka ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh, waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com