Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,545
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadlay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku biiray maamulka Puntland. Saraakiisha iyo ciidankan u goostay maamulka Puntland ayaa waxay ka soo jeedan Bariga Sanaag, kuwaasi oo ka biyo diiday amar ahaa inay weeraran degmada Badhan. Mustafe Shiine ayaa waxa uu sheegay inay nasiib-daro tahay in qof Somaliland u dhashay, gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo bur-bur ku yimid ciidanka Somaliland. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay mucaaradnimadu aysan aheyn inay u sacabo tumaan bur-bur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo nidaamka dowliga, isagoona xusay inay mar walba ka horeyso Somaliland xifaaltanka siyaasadeed. Qoraal uu Facebook soo dhigay ayuu Mustafe Shiine, kaga hadlay arrintaasi, wuxuuna ku yiri: “Waxa aan arkayaa in dadka qaar ay wax weyn u arkayaan saraakiil iyo ciidan ka soo jeeda Bariga Sanaag oo u goostay Maamulka Puntland, kadib markii sida ay sheegeen la amray inay Badhan qabsadaan. Dadka arrintan walaaca ka muujinaayay waxay u arkayaan in dhaawac soo gaadhay ciidanka qaranka Somaliland Waa nasiibdaro in qof Somaliland u dhashay gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo burbur ku yimaada ciidanka qaranka Somaliland. Ciidmada Somaliland waa kuwa suurtogeliyay in gees ka gees ay maanta nabad ahaato oo aanay la daruuf noqon waxa ka dhacaaya jaaarkeeda. Marnaba cududa ciidamada qaranka Somaliland noqon mayso mid wiiqanta, haddii uu madaxweyne Muuse Biixi amray in la tirakoobo oo lala xisaabtamana waanu soo dhawaynayanaa waa in ciidanka laga dhex waayaa sarkaal ku naaxa caaglayaal aan ummadda u diiwaan gashanayn oo isaga ku kooban. Maaha inaan mucaaradninada aanu doonayno in maalinta codka loo dareero aanu kursiga ku dhaafino madaxweynaha inay nagaga khaldanto ama ay indhaha na tirto oo aanu u sacaba tumayno burbur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo guud ahaan nidaamka dawliga ah. Maaha ugub in saraakiil deegaankaasi la soo jeedaa ay marna Puntland tagaan marna Somaliland ku soo noqdaan. Somaliland, ayaa mar walba ka horeysa xifiltanka siyaasadeed “Somaliland first”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Wasaaradda arrimaha debadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay cabasho ka gudbisay heshiis ay xukuumadda Puntland shalay la saxiixatay shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha oo ku saabsan fulinta mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha. Qoraal saaka ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo ay ku qorontahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay cabasho la xiriirta heshiiskaasi u gudbisay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay” ayaa lagu yiri qoraalka. Hadalka wasaaradda ayaa ku soo beegmay xilli baraha bulshada lagu faafiyay warqad ay ku qorantahay in xukuumadda Soomaaliya ay dalka Shiinaha u gudbisay cabasho ku aaddan heshiiska fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland la geshay shirkadda CCECC. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in dowladda Soomaaliya cabasho ka gudbisay heshiiska Puntland iyo shirkadda CCECC? appeared first on Puntland Post.
  3. Roobab mahiiggaan ah oo saacado badan da’ayay, ayaa mowjado daadad ah ku soo rogay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal. Degaanno ay ku jiraan Sinujiif, Dangoroyo, Uusgure, Libaaxo, Xaaji Khayr iyo Dalsan, ayaa la soo sheegayaa in ay daadad xooggan ku celiyeen, roobabka gu’ga oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay halkaasi. Balse, iyadoo ay weli subaxnimo hore tahay, ayaan xog faahfaahsan laga hayn, khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday tuulooyinkaasi oo dhammaantood ku yaalla dhulka hoose ee loo yaqaanno “Ayax-geed-gaaban”. Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sidoo kale roobkii shalay ku bilowday uu weli ka da’ayaa, waxaana maayado biyaa dhex qul-qulayaan gudaha magaalada, iyadoo ay khatar wajahayaan dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee nawaaxiga Garoowe oo meela godan ku yaalla. PUNTLAND POST The post Daadad ku rogmaday degaanno ka tirsan gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  4. Booliiska dalka Maraykanka ayaa goor dhoweyd sheegay in ugu yaraan 11 ruux ay dhinteen 6 kalena dhaawacmeen kadib markii nin hubaysan uu toogasho ka geystay xarunta dowladda hoose ee degmada Virginia Beach oo ku taalla gobolka Virginia ee dalkaasi Maraykanka. Qofka toogashada geystay oo ka tirsanaa shaqaalaha waaxda adeegga dadweynaha degmada Virginia Beach ayaa isna markii dambe Booliisku toogtay sida uu sheegay taliyaha Booliiska degmadaasi oo lagu magacaabo James Cervera. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Booliisku ay weli baaritaan ku hayaan dhacdada islamarkaana ay faahfaahin buuxda ka bixin doonaan markii ay baaritaanka soo dhammeeyaan. Sidoo kale duqa degmada Virginia Beach Bobby Dyer oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhacdada ku tilmaamay “tii ugu xumayd ee soo marta taariikhda degmadiisa” isagoo u tacsiyeeyay dadka eheladooda ku waayay toogashadaasi. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay toogasho ka dhacday Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  5. Ciidamadani waxa ay sanadkii hore badhtankiisa ka soo goosteen maamulka Puntland mudo kadibna waxa ay ku laabteen xagaasi Daawasho wacan Qaran News
  6. 20ka Feberweri waxa Somaliland looga yaqaannaa maalinta dhallinyarada Somaliland waxaanay ka dhalatay xadhig, cadaadis iyo dil loo geystay macallimiin, aqoonyahanno iyo arday ka mudaharaadday xukun la saarayay dhallinyaro samafaleyaal ah. Waxa xadhigga raggaas kaalin ku lahaa Injineer Faysal Cali Waraabe, waxaanu qayb ka yahay murugada sannad walba laga xusayo halkii lagu dilay ardaygii diiddanaa in makamad la saaro macallimiintiisa oo Barre la odhan jiray. Waxa xuskan taallo looga sameeyay dhinaca Woqooyi ee Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Maadaama oo ay Somaliland cafis qaadatay, arrinkan maxkamad laguma saarin Faysal Cali Waraabe. Faysal waxa Muqdisho ugu xidhnaa xatooyo xoolo ummadeed, waxaana xeerku ahaa in la dilo qofkii lubsada 100,000 oo hantida ummadda ah. Waxa loo dilay Jibriil Aamiin oo ay ilmaabti ahaayeen Alxaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo xitaa Muqdisho u yimi si uga ergeeyo dilka ilmaabtigii. Walaw uu Maxamed Siyaad Barre aqbalay, markii uu sidaas u laabtay Xasan Guuleed ayaa qudha laga jaray Jibriil Aamin. Faysalw axa taas ka badbaadiyay General Gaanni. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo ka mid ahaa dhallinyaradii ururkii Ufo ee sanadkii 1981kii uu xabsiga ku guray taliskii Siyaad Barre , ayaa soo bandhigay qaabkii loo qab-qabtay iyo doorkii uu kulaa Faysal Cali Waraabebe xadhiggii uu taliskii kacaanku kula kacay wakhtigaas dhallinyaradii UFO. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali oo ka qayb-galay dood uu Tv-ga saab 20 bishii Feeberweri u qabtay xubno kamid ahaa ururkii Ufo, ayaa mar waxa laga weydiiyey qaabkii loo qabtay iyo cidii basaastay wakhtigasi wuxuu sheegay sidan:-“Qabashadayadii wuxuu warku ka baxay horena waan u sheegay oo in kastoo la igu qabsaday oo la yidhi dadku tuugtoodaba ma sheegaana adigu tuuggaaga maxaad u sheegaysaa, haddana waan u celinayaa. Ninka la yidhaahdo Faysal Cali waraabe ee Guddoomiyaha ka ah Xisbiga UCID, isagoo u xidhan lacag berigaa la isku dili jiray boqol kun oo halka Xisbiga ku xidhan Xamar, ayaa ninkii la odhan jiray Gaanni ee Siyaad barre adeerka u ahaa ayaa loo soo bedelayey Waqooyiga. Markaa Gaani ayaa doonay cid uu la kaashado oo barta dadkii Waqooyiga, markaa wuxuu yidhi ‘Faysal Cali Waraabe yaa arkay oo Faysal oo odhan jiray anniga ayaa ka madax ah xaggaas oo wax-walba waan kula qabanayaa haddii Ilaahay waqooyi ku keeno” markaa waxa lagu yidhi wuu xidhan yahay Gaani ayaad adeerkii ku noqday, markaana waxa joogay odayaal badan oo uu Aabbihii kamid yahay Faysal oo Xamar joogay in badan oo arki kari waayey lix bilood oo dhow-dhow xitaa Siyaad Barre. Markaa Gaani ayaa adeerkii ku noqday oo wuxuu ku yidhi “ninkii ila shaqayn lahaa, meel adagna waad igeysay hawl adagna waad ii dhiibtay ninkii ila shaqayn lahaana jeelka ayuu ku jiraa”. ‘Kaxayso’ ayuu ku yidhi ninka intaas oo qof uu ka diiday oo lixdaa bilood sugayey, markaa wuu soo kaxeeyey,wakhtigaas oo annagu aanu ka shaqaynaynay dhakhtarka ayuu keenay “ayuu yidhi Maxamed Baaruud Cali Dhanka kalene waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe markii uu Gaanni xabsiga ka soo daayey ee uu Hargeysa keenay inuu Faysal casuumay Maxamed Baaruud iyo rag kale oo ka mid ahaa Uffo, isla markaana uu ka dalbaday inay la shaqeeyeen Dowladdii Siyaad Barre, balse ay ka diideen, isagoo intaasi ka dib Faysal is baran Gaanni rag kale oo la qayili jiray dhalinta uffo, kuwaas soo xaday xogtii la doonayey “annaga wuuna casuumay Faysal Ramadaan ayey ahayd guriga Axmed Xuseen Caabbi meeshan shidhka la yidhaah-do ee Sheekh Bashiir agtiisa ahayd ayuu nagu casuumay. Wuxuuna yidhi “ninka caynkaasi (Gaanni) saaxiib ayaanu nahay Isaaqa cadow uma aha. Saaxiib muddo is-yaqaannay baanu nahay. Noloshayda ayuu badbaadiyay, haddii aad aqoon u leedihiin, waad qiri lahaydeen waxa aan sheegayo. Dowladdani ee waxay cadow u tahay majeerteenka, markaa waxaan doonayaa in aad la shaqaysaan. Horumar ayeynu gaadhaynnaa. Gaashaanbuur aynu ka dhiganno, yaynaan cadaw ka dhigan” Dadkayagii meesha joogay waxaanu isku raacnay intayadii meesha fadhiday, waxaanu ku nidhi “odayaasheenii waxay joogaan Hargeysa, Burco, Berbera iyo dhulkaas oo dhan ayey wada joogaan Waqooyi ayey wada joogaan siyaasiyiinteeniina waata Xamar joogta annagu rag cusub ayaanu nahay oo iminka uun waddanka yimi. Markaa annagu rag kaala xaali kara siyaasadda Waqooyiga ma nihin” Sidaa awgeed wuxuu is baray marka taa aanu ka diidnay rag kale ayuu Faysal isbaray Gaanni, rag nala qayili jiray ayaa loo diroo guri kamid ah gur-yahayadii ayey ka soo qadeen Joornaalkan, lacag yar oo markaa gaadhaysa maxakamaddii ayaa laga sheegee waxana laga bixiyey laba iyo afartan kun oo Soomaali ah, waxaanay noqotay afar kun oo dollar, afar kun oo dollar ayaannu ku dhimannay 28-kayagaa nin aanu ku dhiman gaadhnay giddigayo .” Ayuu yidhi Maxamed Baaruud. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku laabtay Muqdisho, waxaanu Gaanni siiyay magacyada laba qof oo la shaqayn doona, sidoo kale wuxuu labadaas qof u sheegay General Maxamed Cali Samatar. Waxa magacyadaas loo soo gudbiyay Ibraahin Cid oo ahaa madaxii HANGASH ee Hargetsa, kaas oo maxkamaddii UFO ka sheegay in uu siiyay afartan kun oo lacagtii Soomaaliya ah una dhigmaysa $d4000. Waa kuwa ay HANGASH sheegeen in ay u keeneen warbixinta UFO ee lagu maxkamadeeyay 28ka dhallinyarada ah ee UFO. Xilliga ay maxkamaddu dhacayso, labada qof ee HANGASH sheegtay in ay soo gudbiyeen joornaalkii iyo xogta UFO, ma ay joogin gudaha. Waxaanay u tallaabeen halganka SNM. Waxa ay kala ahaayeen Marxuun Mujaahid Aadan Cali Guhaad oo ka mid ahaa raggii la shahiiday Maxamed Mooge Liibaan 6dii Juun 1984kii iyo Xaji Cabdi Aw Cadde (Cabdi-Laangadhe) oo ah madax-dhaqameed xurmo leh oo ku nool maanta Hargeysa. Xaaji Cabdi wuu nool yahay waanu iska difaaci karaa eeddaas ay HANGASH ka sheegtay Maxkamaddii Badbaadada. Faysal Cali Waraabe oo aan abtirsiinta adeer ugu ahay, waxa aan weydiin lahaa: 1. Muxuu ahaa horumarka aad sheegaysay ee Gaanni inna gaadhsiin lahaa? 2. Ma xasuuqa iyo xadhigga ayaa ahaa horu-socod? 3. Ma in uu kaa badbaadiyay “xatooyo xoolo dadweyne” ayaad kaga abaal-celisay in gudaha la dhigo 28 aan waxba galabsan? 4. Halkee ayaad joogtay 1988-1991 oo aanu annaga oo afarjir ah garaamkayagii qamaddida ahaa ugu deeqnay SNM? 5. Halkeed ku sugnayd markii dalku la soo noqday madax-bannaanida 18kii Mey 1991? 6. Haddii uu Gaanni sidan kuu badbaadiyay, waa maxay nacaybka aad Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre u muujisaa? 7. Ma u diyaar tahay madal furan oo aad kaga jawaabto doorkii aad ku lahayd xadhigga UFO? Xigasho: 1. Buugga: The Mourning Tree (An Autobiography and a prison memoir) Author Mohamed Barud Ali, 2010 printed by Ponte Ivisible, Italy pages 34-35 2. https://hilaacnews.com/…/doorkii-uu-ku-lahaa-guddoomiye-f…/… Xuquuqda qoraalkani waxa leh Siciid Gahayr Qaran News
  7. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka martida ku marti qaaday oo afur ugu sameeyay Ururada bulshada gaar ahaan Ardayada iyo macalimiinta Jaamacadaha Ururada dhalinyarada Aqoonyahanada iyo qaar kamid ah shaqaalaha Hay”adaha Dowlada. Kulankan afurka ah ayuu Madaxweynahu ugu tala galay in uu dhalinyarada iyo haldoorka kala duwan ee ka qayb galay kaga dhagaysto aragtiyadooda la xidhiidha kor u qaadista wacyiga bulshada gaar ahaan dardar galinta tacliinta iyo garaadka ardayda iyo dhalinyarada soo koraysa. Madaxweynaha oo koox koox ula kulmay dhalinyarada iyo Aqoonyahanadan waxaa kale oo uu ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo sidii wax looga qaban lahaa iyadoo uu Madaxweynahu balan qaaday in uu kor u qaadayo tageerada iyo garab istaaga ururada kala duwan ee u dhaqdhaqaaqa bulshada. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee ku dhow inay ku guulaystaan markii labaad tartanka Ramadaanka isagoo balan qaaday in tageero ay Xukuumada Jubbaland la garab istaagi doonto marka ay kusoo guulaystaan tartanka Ramadaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo marti qaaday ururada bulshada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  8. PRESS RELEASE Ethiopia promotes effective early childhood interventions to ensure all children survive, develop and reach their full potential Ethiopia builds national capacity to better integrate and scale up early childhood development interventions and services GENEVA, Switzerland, May 31, 2019/ — The Federal Ministry of Health (FMoH) of Ethiopia in collaboration with key sector ministries and partners is promoting effective nurturing care interventions during early childhood to ensure that every child survives and develops his or her full potential in order to be a responsible and productive citizen that contributes to the national socioeconomic growth and development. As a priority, Ethiopia builds national capacity to better integrate and scale up early childhood development interventions and services into existing national policies, strategies and guidelines thereby ensuring that every child survives and develops to his or her full potential with a strong focus on the first 1000 days i.e. from pregnancy to 3 years of age. Responsive care giving, early stimulation through play and communication using homemade toys and opportunities for early learning are the critical interventions in CCD to promote brain development in the 0-3 years. The first national capacity building training on Care for Child Development (CCD) has been successfully conducted in Addis Ababa, Ethiopia from 6-17 May 2019. The national Maternal and Child Health, Nutrition and Health Extension programme experts from federal Ministry of Health; regional child health experts, development partners, NGOs working on child health and development, health care providers (including paediatricians and neonatologists) from health centres and hospitals and instructors in health science/medical college have participated. The capacity building training was organized by the FMOH in collaboration with WHO, UNICEF, USAID, PATH and African ECD Network. The training was conducted in two phases. Phase one (6-11 May 2019) included the training of 15 master trainers where the science and evidence behind CCD was discussed and appreciated. The contents of CCD and facilitation skills were also mastered. Phase two (13-17 May 2019) gave the master trainers an opportunity to use the knowledge and skills they learned to train 27 participants on CCD. The trainees included representatives from the Federal MOH, 10 Regional Health Bureaus, teaching institutions, development partners, NGOs and health care providers from health centres and Hospitals in Addis Ababa. The WHO in collaboration with the African Early Child Development Network (AfECN) provided technical support for the training while UNICEF, USAID, PATH contributed to the local cost. WHO also provided the full set of training materials and associated job aids. The WHO/UNICEF Care for Child Development generic training package was used for the training. The training methodology included self-learning, hands on clinical practice, role plays, group discussions and technical seminars which were highly appreciated by all trainees from both groups. The last day, 17 May 2019, was devoted for translating knowledge into action. The discussions led by the FMOH focused on programmatic implications and immediate actions to realize CCD in the Ethiopian context. Adaptation, integration and planning for implementation were key themes discussed and debated. Results from the situation analysis on current status of ECD programming and gaps were presented and will serve as a basis for developing an ECD road map for action. Outline of a national ECD strategic plan was presented and discussed. Draft Counselling card, IEC materials and the participant manual for CCD were reviewed and suggestions made for further improvement. Finally, each participant developed and shared specific actions he /she will take to introduce and implement CCD in his/her respective health facility or programme as well as teaching institutions as soon as possible. Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  9. The situation of the mentally ill in all Somali spoken territories is very alarming. The same is in the Somali communities in Diaspora.We hear from European countries, USA and Canada... Source: Hiiraan Online
  10. GENEVA (Xinhua) -- A total of almost 4,300 Somali refugees have returned home from Yemen since the roll-out in 2017 of an Assisted Spontaneous Return programme facilitated by the UN refugee agency UNHCR Source: Hiiraan Online
  11. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Bardaale ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan kadib markii ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalka oo saq-dhexe billowday, ayaa la sheegayaa in intiisa badan uu ka socdo hareeraha garoonka diyaaradaha ee magaalada. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu soo qaaday ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh magaalada. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegayaa inay ridayaan madaafiic culus oo si xooggan looga maqlayo magaalada. Bardaale ayaa waxa ay saldhig ciidan u tahay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom iyo kuwa kale ee aan Amisom ku jirin ee ka socda dowladda dalkaas. Waxaa yar xogta laga heli karo khasaaraha dagaalka, ayada oo xilli habeen ay tahay iminka. Wixii kusoo kordha la soco wararkeena dambe Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cismaan aadan (Fiisigis) '' Waxaad Dumiseen Derbi la dhisaayey 28sano'' Slået op af Radio Daljir i Fredag den 31. [...] Source
  13. Mamaulka Jeegaanta ee taliskiisu uu yahay magaalada Hargaisa ayaa dhibaato joogto ah ku haya shacabka gobolka Sool. “Shaqsiga ku xiran Jeelka Laascaanood siidayntiisu Boqol Doolar [...] Source
  14. The Liberal government is taking a series of steps to help migrant workers trapped in an abusive workplace and newcomers to Canada who are victims of family violence. Source: Hiiraan Online
  15. 20ka Feberweri waxa Somaliland looga yaqaannaa maalinta dhallinyarada Somaliland waxaanay ka dhalatay xadhig, cadaadis iyo dil loo geystay macallimiin, aqoonyahanno iyo arday ka mudaharaadday xukun la saarayay dhallinyaro samafaleyaal ah. Waxa xadhigga raggaas kaalin ku lahaa Injineer Faysal Cali Waraabe, waxaanu qayb ka yahay murugada sannad walba laga xusayo halkii lagu dilay ardaygii diiddanaa in makamad la saaro macallimiintiisa oo Barre la odhan jiray. Waxa xuskan taallo looga sameeyay dhinaca Woqooyi ee Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Maadaama oo ay Somaliland cafis qaadatay, arrinkan maxkamad laguma saarin Faysal Cali Waraabe. Faysal waxa Muqdisho ugu xidhnaa xatooyo xoolo ummadeed, waxaana xeerku ahaa in la dilo qofkii lubsada 100,000 oo hantida ummadda ah. Waxa loo dilay Jibriil Aamiin oo ay ilmaabti ahaayeen Alxaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo xitaa Muqdisho u yimi si uga ergeeyo dilka ilmaabtigii. Walaw uu Maxamed Siyaad Barre aqbalay, markii uu sidaas u laabtay Xasan Guuleed ayaa qudha laga jaray Jibriil Aamin. Faysalw axa taas ka badbaadiyay General Gaanni. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland oo ka mid ahaa dhallinyaradii ururkii Ufo ee sanadkii 1981kii uu xabsiga ku guray taliskii Siyaad Barre , ayaa soo bandhigay qaabkii loo qab-qabtay iyo doorkii uu kulaa Faysal Cali Waraabebe xadhiggii uu taliskii kacaanku kula kacay wakhtigaas dhallinyaradii UFO. Mujaahid Maxamed Baaruud Cali oo ka qayb-galay dood uu Tv-ga saab 20 bishii Feeberweri u qabtay xubno kamid ahaa ururkii Ufo, ayaa mar waxa laga weydiiyey qaabkii loo qabtay iyo cidii basaastay wakhtigasi wuxuu sheegay sidan:-“Qabashadayadii wuxuu warku ka baxay horena waan u sheegay oo in kastoo la igu qabsaday oo la yidhi dadku tuugtoodaba ma sheegaana adigu tuuggaaga maxaad u sheegaysaa, haddana waan u celinayaa. Ninka la yidhaahdo Faysal Cali waraabe ee Guddoomiyaha ka ah Xisbiga UCID, isagoo u xidhan lacag berigaa la isku dili jiray boqol kun oo halka Xisbiga ku xidhan Xamar, ayaa ninkii la odhan jiray Gaanni ee Siyaad barre adeerka u ahaa ayaa loo soo bedelayey Waqooyiga. Markaa Gaani ayaa doonay cid uu la kaashado oo barta dadkii Waqooyiga, markaa wuxuu yidhi ‘Faysal Cali Waraabe yaa arkay oo Faysal oo odhan jiray anniga ayaa ka madax ah xaggaas oo wax-walba waan kula qabanayaa haddii Ilaahay waqooyi ku keeno” markaa waxa lagu yidhi wuu xidhan yahay Gaani ayaad adeerkii ku noqday, markaana waxa joogay odayaal badan oo uu Aabbihii kamid yahay Faysal oo Xamar joogay in badan oo arki kari waayey lix bilood oo dhow-dhow xitaa Siyaad Barre. Markaa Gaani ayaa adeerkii ku noqday oo wuxuu ku yidhi “ninkii ila shaqayn lahaa, meel adagna waad igeysay hawl adagna waad ii dhiibtay ninkii ila shaqayn lahaana jeelka ayuu ku jiraa”. ‘Kaxayso’ ayuu ku yidhi ninka intaas oo qof uu ka diiday oo lixdaa bilood sugayey, markaa wuu soo kaxeeyey,wakhtigaas oo annagu aanu ka shaqaynaynay dhakhtarka ayuu keenay “ayuu yidhi Maxamed Baaruud Cali Dhanka kalene waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe markii uu Gaanni xabsiga ka soo daayey ee uu Hargeysa keenay inuu Faysal casuumay Maxamed Baaruud iyo rag kale oo ka mid ahaa Uffo, isla markaana uu ka dalbaday inay la shaqeeyeen Dowladdii Siyaad Barre, balse ay ka diideen, isagoo intaasi ka dib Faysal is baran Gaanni rag kale oo la qayili jiray dhalinta uffo, kuwaas soo xaday xogtii la doonayey “annaga wuuna casuumay Faysal Ramadaan ayey ahayd guriga Axmed Xuseen Caabbi meeshan shidhka la yidhaah-do ee Sheekh Bashiir agtiisa ahayd ayuu nagu casuumay. Wuxuuna yidhi “ninka caynkaasi (Gaanni) saaxiib ayaanu nahay Isaaqa cadow uma aha. Saaxiib muddo is-yaqaannay baanu nahay. Noloshayda ayuu badbaadiyay, haddii aad aqoon u leedihiin, waad qiri lahaydeen waxa aan sheegayo. Dowladdani ee waxay cadow u tahay majeerteenka, markaa waxaan doonayaa in aad la shaqaysaan. Horumar ayeynu gaadhaynnaa. Gaashaanbuur aynu ka dhiganno, yaynaan cadaw ka dhigan” Dadkayagii meesha joogay waxaanu isku raacnay intayadii meesha fadhiday, waxaanu ku nidhi “odayaasheenii waxay joogaan Hargeysa, Burco, Berbera iyo dhulkaas oo dhan ayey wada joogaan Waqooyi ayey wada joogaan siyaasiyiinteeniina waata Xamar joogta annagu rag cusub ayaanu nahay oo iminka uun waddanka yimi. Markaa annagu rag kaala xaali kara siyaasadda Waqooyiga ma nihin” Sidaa awgeed wuxuu is baray marka taa aanu ka diidnay rag kale ayuu Faysal isbaray Gaanni, rag nala qayili jiray ayaa loo diroo guri kamid ah gur-yahayadii ayey ka soo qadeen Joornaalkan, lacag yar oo markaa gaadhaysa maxakamaddii ayaa laga sheegee waxana laga bixiyey laba iyo afartan kun oo Soomaali ah, waxaanay noqotay afar kun oo dollar, afar kun oo dollar ayaannu ku dhimannay 28-kayagaa nin aanu ku dhiman gaadhnay giddigayo .” Ayuu yidhi Maxamed Baaruud. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku laabtay Muqdisho, waxaanu Gaanni siiyay magacyada laba qof oo la shaqayn doona, sidoo kale wuxuu labadaas qof u sheegay General Maxamed Cali Samatar. Waxa magacyadaas loo soo gudbiyay Ibraahin Cid oo ahaa madaxii HANGASH ee Hargetsa, kaas oo maxkamaddii UFO ka sheegay in uu siiyay afartan kun oo lacagtii Soomaaliya ah una dhigmaysa $d4000. Waa kuwa ay HANGASH sheegeen in ay u keeneen warbixinta UFO ee lagu maxkamadeeyay 28ka dhallinyarada ah ee UFO. Xilliga ay maxkamaddu dhacayso, labada qof ee HANGASH sheegtay in ay soo gudbiyeen joornaalkii iyo xogta UFO, ma ay joogin gudaha. Waxaanay u tallaabeen halganka SNM. Waxa ay kala ahaayeen Marxuun Mujaahid Aadan Cali Guhaad oo ka mid ahaa raggii la shahiiday Maxamed Mooge Liibaan 6dii Juun 1984kii iyo Xaji Cabdi Aw Cadde (Cabdi-Laangadhe) oo ah madax-dhaqameed xurmo leh oo ku nool maanta Hargeysa. Xaaji Cabdi wuu nool yahay waanu iska difaaci karaa eeddaas ay HANGASH ka sheegtay Maxkamaddii Badbaadada. Faysal Cali Waraabe oo aan abtirsiinta adeer ugu ahay, waxa aan weydiin lahaa: 1. Muxuu ahaa horumarka aad sheegaysay ee Gaanni inna gaadhsiin lahaa? 2. Ma xasuuqa iyo xadhigga ayaa ahaa horu-socod? 3. Ma in uu kaa badbaadiyay “xatooyo xoolo dadweyne” ayaad kaga abaal-celisay in gudaha la dhigo 28 aan waxba galabsan? 4. Halkee ayaad joogtay 1988-1991 oo aanu annaga oo afarjir ah garaamkayagii qamaddida ahaa ugu deeqnay SNM? 5. Halkeed ku sugnayd markii dalku la soo noqday madax-bannaanida 18kii Mey 1991? 6. Haddii uu Gaanni sidan kuu badbaadiyay, waa maxay nacaybka aad Farmaajo iyo Maxamed Siyaad Barre u muujisaa? 7. Ma u diyaar tahay madal furan oo aad kaga jawaabto doorkii aad ku lahayd xadhigga UFO? Xigasho: 1. Buugga: The Mourning Tree (An Autobiography and a prison memoir) Author Mohamed Barud Ali, 2010 printed by Ponte Ivisible, Italy pages 34-35 Source
  16. Sakaatul-fidriga (2) Salaadda ciidda ka hor in aad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo bannaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga. Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sida oo kale lab iyo dhaddig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid. Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sida oo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, balse waxa la doonaya in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda ba. Axkaamta iyo eedaabta ciidda Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo inu soo gutay waxqabadyadii la faray. Waxa mudan inaynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray. Ugu horrayn waa in aynnu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxana ka mid ah:- Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah. Waa laba rakcadood. Rakcadda hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku Rakcadda labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo tuusaya (khilaafna waa ku jira). Khadbadu salaadda way ka dambaynaysa. Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale. Sida oo kale waxa xusid mudan labada ciidood in midna salaadda la dedejiyo midna dib loo dhigo. Salaadda ciidda Fidriga lama dadajiyo oo qofku isaga oo sii quraacday buu tagi karaa, oo sakaatul Fidrigiina iska sii bixiyey, halka salaadda ciidda Adxaha loo dagdagayo sidii wax loo qali lahaa, sida darteed baa loo dadajiya salaadda. Waxa sida oo kale mashruuc ah in la tarkbiiro (Alle la waynneeyo) maalmaha ciidda, khaas ahaan ciidda Adxaha iyada saddex cisho ayaa la akhrinayaa takbiirta. Saxaabadu suuqyada ayey ku takbiiri jireen. waxa kale oo yadna xasuusin mudan in takbiirta la akhrinaya ay tahay ta ka sugnaatay Rasuulka CSW, ee Saxaabaduna akhrin jireen. Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com Tell: 063 440 85 03. 97 08 515 SheekhRakuub.wordpress.com Source
  17. Moorgan isagoo gaashaanle dhexe ah waxa taliye looga dhigay qaybtii 21aad ee deegaanka uu ka soo jeedo si uu uga tirtiro dad taageersan jabhadda SSDF ee Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayo oo wakhtigaasi ka waday dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah. Cabdilaahi Yuusuf markii uu qabsaday magaalooyinka Ballanballe iyo Goldogob waxa ka saaray oo askartiisa badh ku laayey ciidamo uu Moorgan hogaaminayey, taas baa Moorgan lagu dalacsiiyey oo laga dhigay gaashaanle sare. Markii uu ku guulaystay inuu ka tirtiro goboladaasi jabhadii SSDF waxa loo soo wareejiyey 1986 gobolada waqaqooyi si uu uga hortago Jabhadda SNM oo dardar cusub ka waday goboladan, waxaana markaana laga dhigay darajada Ganaraal si loogu abaalmariyo shaqadii uu ka soo qaybtay gobolada Mudug iyo qaybo ka mid ah Nugaal, taas baa keentay inuu markiiba cadaadis iyo dhibaato hor leh bilaabo. Talaabooyinkan uu shacabka ka qaaday waxay fursad siisay SNM waxaanay heshay taageero shacab oo dhalinyaro badan baa u talaabay wayna sii xoogaysatay, Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan dalkiiba waxa uu ka dhigay bandow, dadkiina waxa uu u qorsheeyey wax uu laayo iyo qaar uu xidho, taasina waxay keentay in dhallinyaradii ugu badnayd u talowdo SNM, waxaanay SNM u yaqaaneen Diiriye oo waxay odhan jireen dadkii buu noo soo dareeriyey oo Qaaxo noogu yimid. Mar wal oo shacabka la cadaadiyo waxa badanaysay dhalinyarada u talaabaysa SNM ee ka mid noqonaysa, taasina waxay fursad u ahayd SNM oo dadkii uu Gaanni dajinayey uu Moorgan ka soo wada yaaceen cadaadiska badan ee uu ku hayey, haseyeeshee isaga waxay la noqotay in laga cabsado oo uu sidaas wax ku maamuli karo. Moorgan imaanshiyihiisa waa siday rabeen SNM oo xoog badan oo aanay markii hore hayn bay heleen, haseyeesheee dadkii aan carari Karin ama soo talaabi Karin waxa soo foodsaartay dhibaato adag iyo nolol qalafsan, kii la doonna habeen badhka lala baxayey oo badhka la gayn jirey, qaar iyagoo isku xidhxidhan baa mar la wada layn jirey halka qaarkood jeelasha uun lagu hayn jirey. Labadaasi sarkaal ee la isku bedelay (Gaani iyo Moorgan) mid siyaasad qabow buu goboladan oo kacsan ku hayey midna dhalinyaradii oo dhan buu ka saaray heer ay gaadho in nin qori qaad ahiba aanu ku hadhin goboladan. Markii uu cadaadiskii batay dadkii waxay naceen nidaamkii dalka ka talinayey, taasina waxay keentay in habeen madow madax madax iskugu soo shubaan SNM magaalooyinka waaweyn ka dib markii Siyaad Bare la heshiiyey Mingiste si SNM loo soo xero galiyo. Kooxdii ugu horeysay ee SNM ee soo gashay magaalada Hargeysa waxay dagaal ku bilowday xaruntii ciidamada 26aad ee Soomaaliya ugu weynayd, taasinay waxay keentay inuu Moorgan u baxsaday madaarka si hadii ay sii kululaato uga baxsan karo. Waxaanu markii dambe buurta madaarka soo saaray wixii hub culus lahaa iyo diyaaradihii dagaalka oo si siman u burburiyey magaaladda, dhowaaqa kaliya la maqlayey waxay ahayd madfac garbo siman ugu soo dhacayey magaalada iyo guuxa diyaaradaha laba noqonaya madaarka Hargeysa ee dadkii qaxayey ugu tagay banaanadda. Dhinac marka ka eegto Moorgan wuxuu shidaal ugu sii shubay SNM markii uu dhalnyaradii oodhan u saaray, farsamo xumadiisuna way taageertay SNM, sidaas bay SNM ku guulaystay oo ay Somaliland ku qabsatay. WQ:Barkhad-Ladiif M. Cumar. Source
  18. Nairobi - Authorities in Somalia should immediately release broadcast reporter Ali Adan Mumin, who remains detained even though a court ordered his release, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dalka Cuba, Salvador Valdes Mesa ayaa ka qaybgalay Munaasabad xusuuseed loo qabtay askartii Cuba kaga dhimatay Dagaalkii ay la galeen Soomaaliya iyaga oo garab siinayay Itoobiya. Salvador ayaa Arbacadii Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana munaasabadda Goobjoog ka ahaa wakiilo kala duwan oo uu ku jiro Danjiraha Cuba ee Midowga Afrika Angel Villa iyo Madax katirsan Dowladda Itoobiya. Cuba ayaa ku faantay in Itoobiya ay ka muustay Ciidankii Soomaalida oo inta badan jebiyay dhufeesyadoodii, waxaana uu ubax dhigay taallo lagu xardhay Sawirada Askarta dhimatay. Wargeyska Prensa Latina ayaa sheegay in Cuba muujisay doorkii ay ku lahayd dib u celinta Ciidankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee kudhowaaday in uu qabsado caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa March-1978. Ciidan badan oo ka socday Cuba oo taageero ka helayey midowgii Sofiyeet ayaa ku garabsiiyey Ciidankii Itoobiya dagaalkii 1978 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya dagaalkaasi waxa uu istaagay 15-kii May 1978-dii, xiligaas Itoobiya ayaa nafis heshay maadaama gurmad deg deg ah ka heshay midowgi Soofiyeet iyo Cuba. Cuba si dhab ah uma shaacin tirada Askartii uga geeriyootay dagaalkaas, waxaana taallo lagu xasuusanayo Askartii Cuba ee kudhintay dagaalkaas laga dhisay Itoobiya iyada oo sanad waliba Bisha May loo qabto Munaasabad xusuus ah. Sababta Cuba ay u garab istaagtay itoobiya waxa ay khubaro badan ku sheegeen in awoodda Ciidamadii Soomaalida iyo kuwii Itoobiya aanay isku dhigmin xilligaas marka laga eego dhinacyada tababarka iyo hubka iyo xirfadda lagu dagaalka. Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Cuba ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay Xiriirka dalkiisa iyo Itoobiya wixii ka dambeeyay 1977-dii oo ay garab iyo gaashaan u noqdeen, isla markaana la’aantood Itoobiya xiligaas ay ku hoos noolaan lahayd Soomaaliya. Maanta oo Jimco ah ayuu dib ugu laabtay Dalkiisa, waxaana dhanka kale uu kamid ahaa Madaxdii ka qaybgashay Xafladii lagu caleemo saaray Madaxweynaha Cusub ee Koofur Afrika Cyril Ramaphosa. Isha: Prensa Latina
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan kula [...] Source
  21. UNITED NATIONS(AFP) - The United Nations Security Council decided Friday to cut 1,000 troops from a regional peacekeeping force in Somalia, despite a rise in attacks by the Al-Shabaab militia in Mogadishu. Source: Hiiraan Online