Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,545
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United Nations mission in Somalia on Saturday condemned the murder of one of its security staff in the central town of Galkayo on Friday evening. Mohamed Abdi Khayre, a UN local security assistant, was killed as he was leaving a mosque in the city of Galkayo, said Raisedon Zenenga, officer-in-charge of UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the deputy special representative of the UN secretary-general in Somalia. “We mourn the passing of Khayre, who served with distinction in the UN Department of Safety and Security during his tenure with the organization,” Zenenga said in a statement issued in Mogadishu. No individual or group has thus far claimed responsibility for the killing of Khayre, who was rushed to a local hospital but later died of his wounds. “We urge the authorities to spare no effort in tracking down the gunmen responsible for this heinous murder of a courageous colleague who put himself in harm’s way to protect UN personnel based in the city of Galkayo,” Zenenga said. “The entire UN family in Somalia extends their heartfelt condolences to the family and friends of Mr. Khayre,” he added. View the full article
  2. The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Kheyre has on Saturday left the country’s capital for Qatar, his office has confirmed. During his stay, the PM will meet senior Qatari official during his visit in Doha aimed at strengthening cooperation between the two Arab league member states. Mogadishu and Doha developed close diplomatic cooperation since Saudi Arabia, Bahrain, UAE, and Egypt announced blockade on Qatar a year ago. Qatar financed ambitious development projects in Somalia, including the upgrading Mogadishu-Jowhar and Mogadishu-Afgoye which was launched in February. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka isla markaasna ka tirsan Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dowladaha Qadar kala kaashaneyso burburinta Maamulada Galmudug iyo Jubbaland sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Ca Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’isulwasaaraha Qadar saakay kula kulmay Makka Al-Mukarama, isla markaasna wuxuu sheegay inuu dalka Qadar u diray Ra’isul wasaaraha Kheyre iyo Taliye xigeenka NISA taasina ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in meesha looga saarayo Galmudug iyo Jubbaland. Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshahaan uu Taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin u tagay dalka Itoobiya si loo helo awood ciidan iyo mid dhaqaale oo lagula dagaalamo Galmudug Jubbaland. Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dadka uu ugu yeeray kuwa Samaha jecel inay ka hor tagaan Shirqool uu sheegay in loo maleegayo Labadaas Maamul. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa Facebook: Madaxweynaha Sacuudiga ayuu kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, saakayna Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda ayuu dalka Qatar u diray. Maalmahan waxaa Addis Ababa isaga daba noqonayey Taliye xiggeenka Nabadsugidda. Waxaan kaloo maqashiisanahay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa tegayo. Wax kala maaha dagaal Galmudug iyo Jubaland ka dhan ah ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale loo raadsaday. N&N waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol. Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha degaanka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ka warbixiyey roobab waaweyn oo ka da’ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena kormeeray qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood. Maayarka ayaa sheegay in roobabkani ay ahaayeen kuwo xoogan, kuwaas oo sababay in ay korantadu magaalada ka tagto, laakiin ay saaka dib u soo noqotay korontadii, waxaanu maayarku caddeeyey in sababo amni dartood loo damiyey korontada, iyada oo xadhkaha magaalada dhexdeeda mara qaarkood ay soo dhaceen. Ilaa hadda ma jiro wax khasaare ah oo uu roobkaasi geystay sida uu Maayarku u sheegay Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Sool Barkhad Cumar Axmed. Shacabka ku dhaqan degmooyinka magaalada Laascaanood ee uu maayarku la kulmay ayaa iyaguna warbixinno ka siiyey roobabkaasi ka da’ay magaalada iyo sida ay xaaladda degmooyinkaasi tahay, iyaga oo soo dhoweeyey kormeerkan maayarku ku maray magaalada Laascaanood. Source
  5. (SLT-Muqdisho)Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,isagoo kusii jeeda dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa waxaa Garoonka kusii sagootiyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasaaraha Dalka ayaa inta uu joogo Qatar sida la Sheegay wuxuu kulamo looga hadlayo xoojinta xidhiidhka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi. Source
  6. (SLT-London)Kooxda kubada cagta saville ee ka dhisan wadanka Spain ayaa shaacisay inuu shil gaadhi ku dhintay ciyaaryahankeedii Jose Antionia Reyes oo 35 jir ahaa. Way soo saartay kooxda Saviile ayaa lagu sheegay in ciyaaryahankani uu ku dhintay shil gaadhi ” xidigii ay jeclayd kooxda Saville ee Jose Antonia Reyes waxa uu ku dhintay shil gaadhi, nabad ayaan u rajaynaynaa” ayaa lagu yidhi fariin lagu baahiyey boga Twitter-ka ee kooxda Saville. Ciyaaryahankan geeriyooday ee Jose Antonia Reyes ayaa sideedii sanadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayey kooxda Saville isaga oo ka soo mid noqday kooxdaha Athletic Madrid iyo Real Madrid ee dalka Spain isla markaana ka mid ahaa kooxdii Arsenal ee sanadkii 2003-2004 ku qaadday horyaalka Ingiriiska iyada oo aan laga badin. Sidoo kale dalka Spian oo uu u dhashay ayuu u saftay 21 tartan oo caalami ah. Hoos ka DAAWO siduu shilku u dhacay.. Source
  7. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga gobolka ayaa maanta booqday dooxooyinka dhanka bari ka xiga magaalada Garoowe oo ay fataxaad ka sameeyeen roobabka gu’ga. Wasiirada wasaaradaha Degaanka iyo Gaadiidka Puntland oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, taliyaha qeybta Booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday dooxooyinka loo yaqaan “Ayaxda” oo gebi ahaanba qarsoomay kadib markii roobab mahiiggaana oo ka da’ay mowjado fatahaada ka sameeyeen. Mas’uuliyiinta ayaa ku xannibay oo shishay u dhaafi waayay, tuulada Sinujiif oo 60 km dhinaca bari ka xigta caasimadda Puntland, halkaasi oo wadada laamiga laba meelood ka go’day, islamarkaana isu-socodkii gaadiidka ku xayirmay. Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale oo doonayay in ay u gudbaan tuulada Xaaji Khayr oo daadadku aaseen ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe, kadib markii ay u suurta-geli wayday. Sidoo kale, wararka laga helayo tuulooyin badan oo ku yaalla bariga gobolka Nugaal, ayaa sheegay in ay go’doon yihiin tuuloyinkaasi oo ku haftay mowjado daadad ah oo roobabku fataheen halka qaar ay aasmeen. Isgaarsiinta ayaa guud ahaan ka go’an degaannada fatahaaddu ka dhacday, waxaana yar in xog sugan laga helo khasaaraha naf iyo maalba leh ee roobabku geysteen. Dhinaca kale, Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa galabta faafin deg deg ah ku magacaabay guddi la tacaala fatahaadda oo ka kooban golayaasha dowladda. Halkaan ka eeg sawirada fatahaadda PUNTLAND POST The post Qeybo kamid ah gobolka Nugaal oo qarsoomay kadib markii fatahaado ku dhufteen appeared first on Puntland Post.
  8. Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo [...] Source
  9. Muqdisho (SMN) – Illaa 82 caruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal agoon ah ayaa maanta la guddoonsiiyay deeq lacageed, kuwaas oo ay ka dhinteen Wariyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhintay gudaha dalka. Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa caruurtaasi mid mid waxaa loogu guddoonsiiyay lacag dhan 50 Dollar. Abaabulka barnaamjikan waxaa lahaa Wariyeyaasha Muqdisho, balse waxaa fuliyay waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya. C/risaaq Cilmi Jaamac Black oo ka mid ah bahda Warfaafinaha ee xafiiska Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay deeqdan, waxaana uu sheegay in caruurtaasi ay ka tageen Wariyeyaashii dhinta ay ka war heyn doonto dowladda Soomaaliya. Waa sanadkii labaad oo deeq lacageed la gaarsiinayo Agoontan, si ay ugu dabaal dagaan maalmaha Ciidul Fidriga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  10. Ku simaha ahna madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Garoowe, Juun, 01 2019: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka. Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland. Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn. Guddiga ayaa kala ah: – 1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye 2. Wasaaradda Hawlaha Guud G/Ku Xigeen 3. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Xubin 4. Wasaaradda Maaliyadda Xubin 5. Wasaaradda Ganacsiga Xubin 6. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin 7. Wasaaradda Deegaanka Xubin 8. Wasaaradda Caafimaadka Xubin 9. Wasaaradda Qorshaynta Xubin 10. Madaxtooyada Xubin 11. Taliska Ciidanka Booliska Xubin 12. Hay’adda HADMA Xoghayn 13. Hay’adda PHA Xubin 14. Guddoomiyayaasha Gobolada Xubin Ugu dambayn, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan guriga, isla markaasna u fududeeyaan guddigan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday. _DHAMMAAD_ The post Faafin Deg deg ah: Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka appeared first on Puntland Post.
  11. Maamulka gobolka Karkaar ayaa si hagar la’aana ugu gurmaday, tuulada Xaaji Khayre ee gobolka Nugaal oo go’doontay, kadib markii roobabka gu’ga ay maayado xiis ah ku soo rogeen. Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Cabdullaahi Maxamed Barre caato, duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa gurmad ballaaran u fidiyay shacabka ku dhaqan tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal oo daadadka soo rogmaday go’doomiyeen. Daadadka oo si xawliya ku socda, ayaa la soo sheegayaa in ay qaateen qoys reer miyi ah oo ku noolaa nawaaxiga tuulada Xaaji Khayre kana koobnaa 8 ruux , balse laga soo badbaadiyay 5 xubnood oo qoyska kamid ah, halka 3 kale ay ku dhinteen. Sidoo kale, daadadka ayaa aasay xaafado ka tirsan tuuladaasi, waxaana maamulka gobolka karkaar oo gurmad u sameeyay soo badbaadiyay dad ku noolaa xaafadaha buuxsamay ee tuulada. Mowjadaha daadadka ah, waxa kaloo ay qaateen gaadiid yaryar iyo kuwa xamuula oo marayay laamiga, waxaana ay meelo kala duwan ka gooyeen laamiga. Roobabka ayaa tuulada Xaaji Khayre ka go’doomiyay gobolka Nugaal intiisa kale, markii ay gooyeen laamiga, sidoo kale waxaa hawada ka baxday isgaarsiinta degaanka. Gurmadka uu fidinayo maamulka gobolka Karkaar ayaa weli socda lamina oga khasaaraha dhabta ah ee daadadka ay dhaliyeen. Hoos ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Gurmad loo fidinayo tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal oo aasantay appeared first on Puntland Post.
  12. Baydhaba (Caasimada Online) – Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana billowday isku day xilka looga qaadayo madaxweyne Lafta-gareen. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Gudoomiye Shariif Sheekhunaa ayaa Khilaafkoodu waxaa uu salka ku yahaa xariga Mukhtaar Roobow oo ay gacanta ku heyso Hay’adda nabadd sugida Soomaaliya. Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu kaalin ku lahaa xariga Roobow, wuxuuna amray in uu si deg deg ah usoo daayo, isaga oo sheegay in xarigiisa ay iska kaashadeen Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya. Lafta-gareen ku gacansayrey codsiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna iska fogeeyey eedeemaha loo soo jeediyey, isaga oo ku adkeystay inuusan wax kaalin ah ku lahayn xariga Roobow. Shariif Shiikhunaa ayaa waxaa la safan Xildhibaano iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur galbeed ee taageersan Mukhtaar Rooboow, waxaana wararku ay sheegayaan in laga Cabsi qabo Mooshin laga keeno madaxweyne Lafta-gareen. Xubnahan ayaa rumeysan in Lafta-gareen uu awood u leeyahay inuu madaxda dowladda ku qasbo inay soo daayaan Mukhtaar Roobow, ayaga oo sheegay in haddii lafta-gareen uu xiriirka u jaro dowladda ay ku qasban tahay inay warkiisa maqasho, maadaama aysan dooneyn maamul goboleed kale oo kasoo horjeesta. Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadley Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey Khilaafka oo laga cabsi qabo inuu meel xun gaaro, islamarkaana galaafto madaxweyne Lafta-gareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Somali Journalists Syndicate (SJS) welcomes the release of Goobjoog media journalist Ali Adan Mumin who was released from police custody late on Friday 31 May, 2019. He spent four days in jail. Source: Hiiraan Online
  14. Deegaanka Xaaji kheyr ee gobolka Karkaar Gabar 17 sano jir ah iyo laba carruur ah ayaa daadkii ka soo rogmaday togaasi ay kula tageen. Roobka [...] Source
  15. Marxalado iyo xaalado kala duwan ayaa SNM halgankeedu soo maray min abaabulkii hore ee ballaysinka ahaa, ku dhawaaqii rasmiga ahaa, u banbixii goobaha naf-hurka iyo bilowgii dagaalka hubaysan, dhammaystirkii hawlaha dib u xoraynta, illaa wareejintii talada iyo dhalashadii Somaliland. Taariikhdaasi si dhab ah oo garashaysan oo ka baxsan soohdimaha caaddifadda iyo qiirada ama jibbada ogaalkayga loo ma qiimayn, si mug leh na wax ba looga ma qorin marka laga reebo in kooban oo hal-karaanle ah. Muqdisho ayaa la tilmaamaa abaabulkii hore ee SNM in uu ka bilaabmay nuskii dambe ee tobanlihii 1970-aadkii. Madaxdii sare xukuumaddii Soomaaliya rag ka mid ah oo kaashanaya qaar ka mid ah saraakiishii ciidamada qalabka sida iyo amniga iyo waxgarad kale ayaa ku dhaqaaqay abaabul qarsoodi ahaa oo dareenkiisu daarranaa in laga horyimaaddo oo lagu kaco siyaasaddii ka sii daraysey ee xukuumadda. Madaxdaas iyo kooxaha ay abaabulkaas la wadeen waxa ay ka soo jeedeen Gobolladii Waqooyi, waxa aanay u badnaayeen reer keliya (Isaaq). Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib ayaa madaxda sare ka mid ahaa hormoodkooda. Dhanka saraakiisha waxa foolaad u ahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac labadooda ba AHN. Kelitalisnimadii waddanka ka jirtey cabsi iyo baqdin la xidhiidha, iyo kalsooni-darradii iyo kala shakigii dadka lagu dhex beeray ayaa keenaysey in si qarsoodi ah wax lagu wado, hab-raac qabali ahna la isugu xidhmo oo loo wada xidhiidho, waayo talisku isagaa inta uu qabyaaladdii dadka ku yidhi “ha la aaso”, haddana iilka iyo luxudkii la jiifiyey dadkii u daba maray oo ka soo qufay oo dibedda ula soo baxay, madaxtooyadiisana la yimi oo ku rabbaystay iyada oo miciyo libaax yeelatay. Goobta labaad ee abaabulka hore ee SNM ka socdey waxa ay ahayd Sucuudiga oo ay ku noolaayeen waxgarad gobolladaas ka soo jeedey oo waa’ hore badankoodu dalka ka haajirey. Labadaas qolo ee gudaha iyo dibedda abaabulkaas kaga foognaa waxa la tibaaxaa in ay is ogaayeen, hadda na aanay lahayn himilo guud mooyaane hadafyo hoose oo ku salaysan sida wax loo yagleelayo iyo sida himilada iyo higsiyada gaadhitaankooda la isku waafajinayo. Waxa kale oo jirtey in labada qolo hawluhu u kala fududaayeen. Qolyaha guduhu waxa ay ku jireen af libaax oo way ka halis badnaayeen dhiggoodii kale ee Sucuudiga hawsha ka wadey oo haystey xorriyad ta qolyaha gudaha ka roon iyo u madaxbannaan hawsha ay qabanayeen abaabulkeeda. Si kasta ba ha ahaato’e, qolyihii dibedda ayaa magacii yeeshay oo London kaga dhawaaqay SNM 6-dii April 1981. Suurta gal ma ahayn in Sacuudiga urur dabeecaddaas leh laga dhisaa ama lagaga dhawaaqaa. Sidaas darteed ayay kooxdaasi inta ay dhigeen wixii ay gacanta ku hayeen ugu hulleeleen waddanka Boqortooyada Ingriiska, iyaga iyo koox kale oo halkaas sii joogteyna sannadkaas SNM ugaga dhawaaqeen. Qolyaha Sucuudigu waxa ay soo direen rag ay ka mid ahaayeen Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar, Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) iyo Xasan Aadan Wadaad-diid saddexda ba AHN oo noqday horseedkii halganka hubaysan, waxa weheliyey ragga ay ka mid ahaayeen Prof Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, Maxamed Xaashi Cilmi, Axmed Maxamed Jaamac Dable iyo Axmed Maxmed (Seyidi). London waxa kaga biiray qolyahaas Sacuudiga ka yimi rag ay ka mid ahaayeen Axmed Jimcaale (AHN), Xasan Ciise Jaamac, Cali Cabdilqaadir, Axmed Saylici iyo Siciid Cabdillaahi Cigaal oo xilli dambe taliskii Maxamed Siyaad dib ugu laabtay. Ku dhawaaqaas SNM wax weyn ayuu ka beddelay siyaasaddii dalka, waxaana abuurmay xiisad iyo jawi tuhunno siyaasadeed iyo qaar qabali ah huwanaa oo kala gurasho iyo xeelado dahsoonba lahaa. Waxa kordhay oo baallaha fidsaday cadaadiskii maamulayaasha talisku dadka ku hayeen. Sidii aynu soo xusnay waxa Hargeysa lagu xidhxidhay dhallinyaradii UFFO, waxa gadoodkii ardayda 20-kii Feb 1082. 1-dii May 1982 waxa magaalada Burco ka dhacay muddaharaadyo ka dabqaadanayey kuwaas Hargeysa ka qarxaday. Muddo ka dibna waxa la xidhxidhay xubno ka mid ah dawladdii MS Barre, ayna ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Maxamed Sh. Aadan iyo dad kale oo badan oo isugu jira saraakiil ciidammo iyo sibilba leh, iyo waxgarad kala duwan oo ka soo jeeda gobolladii Waqooyi. Tuulada Dharkayn-geeye ee Degmada Buuhoodle waxa maxkamad milateri badhka taagtey oo si foolxun loogu toogtey Col. Cabdillaahi X. Siciid Cabdi (AHN) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu qiimaha badnayd XDS, taas oo dareen weyn ku dhalisay oo dhiillo gelisey saraakiil badan oo ka soo jeeddey gobolladii waqooyi. Saraakiishii ugu horreysey ayaa ka gudubtey xuduudda oo u tallowday dhanka Itoobiya. Maxamed Cali Faarax (AHN) iyo Jabhaddii Afraad ayaa ka xidhiidh furtay ciidamadii Soomaaliya. Aadan Sh. Maxamed (Aadan Shiine, AHN), Aadan Saleebaan (Ma gubte), AHN, Axmed Dhagax (AHN) iyo Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka goostay saraakiishii ciidamada. Dawladdii Itoobiya ayaa saraakiishaas u soo jeedisey in ay ku biiraan SSDF oo saldhigyadeeda ciidameed daadsanaayeen soohdinta u dhaxaysa labada waddan min Goraya-cawl oo galbeedka Hargeysa ku qumman ilaa koonfurta shishe ee Soomaaliya. Saraakiishaasi waxa ay diidmo ku qaaddeceen codsigii Itoobiyaanka, waxanay u sheegeen in ay ka mid yihiin ururka SNM oo markaas fadhigiisu ahaa London. Halkaas waxa ka bilaabmay digorogashadii maamulka ee SNM uu Itoobiya ugu soo guurey iyo bilowgii halgankii hubaysnaa. La soco qaybta 8aad, hadduu Alle idmo, oo ku saabsan caqabadihii SNM ay Itoobiya kala kulantay iyo sidii ay uga gudubtey. Qaran News
  16. The Officer-in-Charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the Deputy Special Representative of the UN Secretary-General in Somalia, Raisedon Zenenga, condemned in the strongest possible terms the murder of the UN local security assistant Mohamed Abdi Khayre as he was leaving a mosque in the city of Galkayo yesterday evening. Source: Hiiraan Online
  17. Dad badan oo ergo ah baa isoo wacay. Waa kuwo aan xurmo badan u hayo. Waxa aan ku idhi “Been iyo gef ma wado. Waan joojinayaa haddii aad qallooc ku aragtaan dhambaallada. Kolba inta aan doono cabbiraadda aragtidayda laga ergayn maayo, balln-qaadka waan fulinayaa”. Sidaas ayaan isku nabaadiinaynnay. Jaalleyaal badan oo mudan ah baa yidhi “Ramadaan haki”. Waxa aan u sheegay in runta la sheegi karo xilli walba. Waan ka xumahay in aan wacadkaasna ka baxo. Haddii lagu hanjabi lahaa in wax la iga qorayo: sida dhacday, waxa aan leeyahay “Nin durbaan qaatay, ilaaq dalbay”. Wallaaleyaal falcelintu waxa ay muujisaa, aan habkii quusinta u dhigo’e, in weedhaada ay u bogeen/dabbaal-degeen ciddii aad la rabtay iyo intii ku xeernayd. Waan la socdaa inaad u riyaaqdeen, oo aad igu hambalyayseen. Ummadduna waa ka marag, fasax buuxa ayaad u haysataan inaad i naqdidaan. Eegga sida Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaan keli-telis ahay, waxa aan wada-tashi iyo wada-hadal adag ka gelayaa in uu soo baxo Diiwaanka Hagardaamo: huqda iyo hantaaqda Faysal Cali Xuseen iyo in kale. Kollay xaggayga waxa baajintiisa ku xidhan shuruudo adag… Nin xog, xoog iyo xeelad ku meel marin kara soo-saariddiisana waan ahay.. 12kan aan ballan-qaaday iska illaawa, waa inoo 10ka Juun kaddib marka aan gudbiyo aashayda/ujeeddayda. Astaantaas macangagnimada iyo dad-maqalka ka uu dhankayga ku suntan yahay ayaan qormadan ku faallaynayaa. Injineer Faysal isaga ayaa keligii jara talada xisbiga UCID. Ma rabo cid kale oo ku biirta. Sida uu Dr Cagaweyne ka warramay waxa 2003dii doonay in uu UCID ku biiro Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo watay shardi ah “Haddii aan madaxweyne kaa dhigo, ma igu wareejinaysaa UCID?”. Waxa uu yidhi “SAHAN oo bilaa Gabboose ah ii keena”. Ma oggola qof mansab iyo magac leh oo kala qaata hagista UCID. Haddii uu keli-telis jiro, kaalmaha ugu sarreeya ayuu ka gelayaa. Dad badan oo ay ka mid yihiin Cabdi Ismaaciil (Mingiste) Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) iyo Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa UCID uga tegay awood-maroorsiga, maqal-la’aanta iyo xuurtada Faysal ku hayo Xisbiga. Marka laga yimaaddo in uu dhegaha awdanayo, waxa uu sameeyaa falal masuuliyiinta UCID ku dirqiya inay ka baxaan oo caragsi, liidid iyo xurmo-darro ah. Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu noqday Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka UCID 2012ka, waxa uu ahaa nin aqoon ahaan, bulsho ahaan, dhaqaale ahaan, sumcad ahaan iyo taageero ahaanba dhisay. Isaga ayaa bixin jiray wixii kharash ku baxaya ololaha UCID ee Awdal/Selel. Waxa uu ka tegay markii Faysal iska yidhi “Illaa hadda iyaga ayaa murashixiin ah. Haddii murashixiinta UCID ay noqon waayaan qaar ku habboon hoggaaminta dalka, uma codaynayo, annaga ayaa siinnay fursad ay ku hadlaan. Waxay ahayd inay xilliga ololaha uun hadlaan”. Jamaal Cali Xuseen ayaa kaga jawaabay “Faysal wuxuu la mid yahay diyaaraddii Hargeysa ka kacday ee Hargeysa duqeeyay. Lama arag Guddoomiye Xisbi oo yidhaahda u codayn maayo murashixiinta UCID” Doorka Cabdirashiid Xasan Mataan ee UCID waxa laga garan karaa taageeradii Xisbigu ka helay AwdaL/Selel 2012ka oo la barbarhigo intii uu ka helay 2002, 2003, 2010, 2005 iyo 2017. Markii uu Xisbiga ka baxay waxa uu Faysal yidhi “Salaatu-shugri ayaan tukaday” waayo isaga ayaa sabab u ahaa bixitaankiisa. Ma marka aad boqnaha is-goyso ayaad Ilaahay u mahadnaqdaa? Ma ninkii ka murugoon lahaa adhaxda uu is-jaray ayaaba sujuudaya? Ma xumaha aad samayso ayaa Eebbe loogu mahad-naqaa? Is-adkayntu waxa ay seejisaa dad badan oo Xisbiga fadhiidka sed iyo saami u kordhin lahaa. Dr Cagaweyne, Dr Ismaaciil Cali Aw Jaamac, Siyaasi Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Cabdillaahi-Yare) iyo aqoonyahanno ka soo jeeda beesha Faysal Cali Xuseen ayaa mar ku wada biiray Xisbiga KULMIYE, waxaanay dhallinyaro deegaanka ah ku guubaabiyeen inay Xisbiga kula biiraan, waxa ka mid ahaa Mawliid Muuse Dacar Guddoomiye-ku-xigeenka WADDANI ee Maroodijeex. Barbaarti waxa ay ku yidhaahdeen “Miyaad ka mid noqotaan UCID. Kollayba siyaasad iyo xigaalnimo ma kala durkaan?”. Waxa ay yidhaahdeen “Faysal waanu u tagnay. Waxa aanu ku nidhi ‘Maxaad xisbiga nooga oggoshay?’. Waxa uu yidhi “Waxba idiinkama oggoli”. Waxa aanu u tagnay Siilaanyo oo aanu isagana intii ku nidhi Maxaad xisbiga nooga oggoshay?’. Waxa uu yidhi “idinkama lihi”. Markaas ma ninka sidaas leh ee aan cidba u baahnayn ayaan ku biirnaa?’. Qaar ka mid ah da’yarti way ku qanceen doodda odayaasha, waxaanay kula biireen KULMIYE. Injineer Faysal Cali-Waraabe waxa uu ka mid ahaa guddi ka-qayb gasha wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa se ergadaas laga reebay sannadkii 2013ka. Waa kaddib maalmihii uu sida gaarka ah ula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu cambaarayn u jeediyay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna iska difaacay. Qof ahaantayda waxa aan Email kula xidhiidhay Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Danjire Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ahaa Safiirka Wareega ee Somaliland. Dulucdiisu waxa ay ahayd “Haddii ay Faysal isku dhaceen xukuumadda, keligii xisbiga UCID ma aha, maxaad ugu dari weydeen qof kale, si aan loo moodin in xukuumaddu wax qarsanayso oo ay mucaaridka uga dhuumanayso?”. Si xalkasnimo leh ayay iigu soo warceliyeen. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu yidhi “Waxa aanu xubin xil sare ka haya Xisbiga ku nidhi ‘Ka soo qaado Faysal warqad oggolaansho inaad UCID metesho ah” waana loo diiday. Markaas Faysal wuu u diiday. Wuxuu u arkaa inay sax yihiin haddii uu ku jiro, qaladna ay tahay haddii uu ka maqan yahay. Hawsha qaranku qof uma joogsanayso”. Isla Faysal ayaan ku idhi “Miyaad cid kale hawshaas u xilsaartid, haddii aad xukuumadda isku dhacdeen… Kol uu aniga noqdana” kama soo war celin.. Waa kuma qofka ay xukuumaddu ku xidhay oggolaanshaha Faysal? Siyaasaddu way bac iyo shaki badan tahay, haddii aan magacaabo, waxa aan ka cabsi qabaa in uu Faysal ka shakiyo in aan xogtan siiyay, oo ay isku dhacaan.. Waan ka boodayaa. Xilliyadaas waxa uu ku hanjabay Faysal “in ay keligood (UCID) wada-hadal la geli doonaan Soomaaliya” waxaanu ahaa hadal ay madaxda Xisbigu isku maandhaaftay. Nin UCID ka mid ah oo reer Burco ah baa yidhi “Waxa aanu isku ogayn in aanu Togdheer isu raacno, waanu iga tegay. Mar uu Berbera marayo ayaan wacay. Wuxuu yidhi “Miyaanad nala socon, iska daa annaga ayaa soo dhammayn doonna hawsha”. Faysal Cali Xuseen cidi kama ab wacna, adduunna uma liiceene, arrin-xumada ayaa abaar ka daran. Waxa halkaas dhigay keli-telisnimo lafta iyo dhuuxa kaga jirta. Waa astaan dhadhisay in uu meel gaadho.. Siciid Maxamed Gahayr Qaran News
  18. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa diraar garowga maalmaha ciida ee inagu soo aadan. Suuqa wayn ee magaalada Garoowe ayaa waxa [...] Source
  19. Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa ka cabanay biyaha roobka ee buux dhaafiyay wadooyninka dhexmara xaafadahaasi oo xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Haweenka [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday inay mar kale dhimeyso Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, si loo gaarsiiyo 19,626 Askari inta aan la gaarin 28-ka Febaraayo sanadka soo socda ee 2020. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Jimcihii shalay isku raacay in 1,000 askari oo hor leh laga saaro dalka, iyadoo aanay si rasmi ah loo sheegin dalka uu noqonayo, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Kenya ama Burundi inay yihiin askarta laga saarayo. Qorshahan cusub waxaa golaha hor dhigtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada bixiya Dhaqaalaha lagu socodsiiyo howlgalka AMISOM, waxaana dlakan sidoo kale uga sugan Saraakiil tababar siiya Ciidamada Soomaalida ee SNA iyo kuwa AMISOM. Marka talaabadaas la qaadayo waxaa iyana bar bar socda qorshe ah in la kordhiyo Booliska AMISOM, lana gaarsiiyo ilaa iyo 1040-askari oo Boolis ah. Qorshahaan ayaa qayb ka ah kii xaalada kala guurka ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2017-kii iyadoona tan iyo waqtigaas si tartartiib ah loo dhimayay Ciidamada AMISOM. QM ayaa raadinaysa sidii ay xasilooni ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya xilli dagaalamyaasha Al-Shabaab oo ku xiran urur waynaha Al-Qaacida uu u jeedkoodu yahay sidii ay meesha kaga saari lahaayeen dowladnimada Soomaaliya. Taliska AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celiyay in inta aaney dhamaan mudada dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Famaajo ay ammaanka dalka ku wareejinayaan Ciidamada Soomaaliya, iyadoo la dhimayo tirada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee gaaraya 22 kun askari, kuwaasoo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Hawlgalka midowga afrika ee AMISOM ayaa la’asaasay sanadkii 2007-kii iyadoona dowladaha ay Ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlagalka AMISOM ay ka mid yihiin Brundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. New York (SMN) – Golaha AmMaanka ee QM ayaa maalintii shalay u codeeyay qaraar cusub oo lagu dhimayo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, xilli ay Soomaaliya ku soo wajahan tahay doorasho sanadka 2020-KA. Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska ayaa waxay xubnaha Golaha AmMaanka ansixiyeen in 1,000 askari laga soo qaado Soomaaliya, iyadoo tirada Askarta AMISOM noqonayso sanadka soo socda 19,626. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorsho la dejiyay 2017 kaasoo loogu tala galay in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya uga baxaan si aan hal mar ahayn, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada xoogga dalka marka la gaaro 2021-KA. Waxaa sidoo kale dalka ku sugan Askar boolis ah oo gaaraya 1,040, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa. AMISOM oo 10 sano jirsatay ayaa ka gacan siisa DF in ay dib u hanato gacan ku haynta gobollada dalka, oo qeybo ka mid ah wali ay ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Xarun Ku Taalla Magaalada Hargeysa Oo Lagu Eedeeyay Dhaqan Xumo+ Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Dacwad-na Ka Gudbiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka waaaweyn ee Puntland ayaa ka go’ay tuulada Sinujiif oo 60 km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe kadib markii uu daadad xooggan ku celiyay roob mahiiggaan ah oo in ka badan 24-saac ka da’yay gobolka Nugaal. Isu-socodka gaadiidka ayaa tan iyo saaka hakad ku jira inta u dhexaysa Garoowe iyo Qardho maadaama uu laamiga ka go’ay tuulada Sinujiif. Mowjado daadad ah oo roobku soo celiyay ayaa bad u ekaysiiyay guud ahaan dooxooyinka “Ayax-geed-gaaban” oo dhaca bariga gobolka Nugaal halkaasi oo la soo sheegayo in ay buuxsameen tuulooyin badan. Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ay weli qiimaynayaan khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka ku soo rogmaday gobolka. Sawirada hoose waa halka laamiga ka go’ay PUNTLAND POST The post Sawirro: Roobabka gu’ga oo kala jaray laamiga hawlbowlaha ee gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
  24. Tuulada Xaaji kheyr ee gobolka Kar kaar ayaa roobabkii ka da,ay waxa ay daadku latageen saddax Caruur ah, laba wiil iyo hal gabar. Sidookale waxa [...] Source
  25. Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay shil Gaari oo uu ka badbaaday Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Cali oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Shilkan oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo u badan dhaawac ay ka soo gaartay ilaalada Wasiirkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiir Saadaq Sheekh Cali ayaa xilliga uu shilku dhacayay ku guda jiray kormeerka xeryo Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin halkaasi. View the full article