-
Content Count
208,545 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa ku amartay dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland in meelaha godan iyo dooxooyinka laga saaro dadka reer miyiga si looga badbaadiyo daadadka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo gelinkii dambe ee shalay booqday degaanno u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif oo daadad ku rogmadeen ayaa guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland ku amray in ay dadka reer miyiga ka saaraan meelaha godan ee daadadka u nugul ay wacyi-gelin buuxda ka sameeyaan halista daadadka si ay bulshada ugu baraarugto. Isagoo xiganayaa saadaasha roobabka waxa uu sii raaciyay in ilaa 5-ta bishaan la filayo in roobab badan ay ka da’aan degaannada Puntland sidaasi darteedna loo baahanyahay bulshada in laga wacyi-geliyo halista daadadka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo amartay in dadka reer miyiga laga saaro meelaha godan iyo dooxooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Liverpool oo markii 6-aad qaaday UEFA Champions League Kooxda Liverpool ayaa markii lixaad ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga. Ciyaarta kama dambeysta (final) tartankan oo sanadkan 2019 ka dhacday gagida Metropolitano magaalada Madrid ee dalka Spain, ayaa Liverpool 2-0 awood sheegatay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Tottenham, oo markii ugu horreystay taariikh timid kama dambeysta tartankan. M. Salah Liverpool oo aad loogu saadaalinayay tartankan ayaa bilowgii ciyaarta dhashatay goolka furitaanka waxaana qadiiqadii 2-aad u dhaliyay gool ku laad Mahamed Sallah, halka daqiiqadii 87-aad ee dhamaadkii ciyaarta uu goolka labaad u dhaliyay Divock Origi. D. Origi Cayaarta ayaa ugu dambeyn ku soo gaba-gabowday 2-0, oo Liverpool ku hanatay koobkii dhagaha waaweynaa ee UEFA Champions League, halka Tottenham oo sanadkan sameysay taariikh aysan waligeed sameyn guuldaro ka soo gaartay kama dambeystii. Liverpool ayaa lix jeer ku guuleysatay tartankan UEFA Champions League, kuwaas oo kala ah 1977, 1978, 1981,1984, 2005 iyo 2019. Liverpool waa kooxda saddexaad ee ugu guuleysiga badan tartankan, waxaa kaga horreeya kooxaha AC Milan iyo Real Madrid. Dalka Ingiriiska ayaa sanadkan 2019, kuwada guuleystay tartamada kooxaha Yurub ee UEFA Champions League iyo Europa league. PUNTLAND POST The post Liverpool oo ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub 2019 appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Degmada Kaxda, Halkaasi oo uu ugu kuur galaayay Mashaariicda Horumarineed ee ka socota Degmada. Waxa uu sidoo kale xariga ka jaray Xafiiska Ururka Haweenka, dhismaha taalada laga dhex sameeyay gudaha Degmada, iyo weliba gaari gar-gaar (Ambulance) oo ay yeelatay Degmada. Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu kormeer kusoo sameeyay wadooyin jid-cadayaal ah oo laga hergeliyay gudaha degmada iyo kuwo hada ku socda habeyn. Shacabka Degmada Kaxda ayuu ku amaanay Eng. Yariisow, sida ay isugu tashteen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay Haweeneyda R/Wasaare Ku Xigeenka ka ah wadanka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil. Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Weerar lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Qaramada Midoobay, kaasi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Al-Shabaab ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Kheyre ay ku dileen magaalada Gaalkacyo, maadaama uu Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Amniga iyo Nabad galyada gobolka Mudug, sida ay ku sheegeen qoraal kasoo baxay. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maxamed Kheyre uu masuul ka ahaa amaanka dhamaan Shaqaalahada Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya deegaanada gobolka Mudug, waxaana dilkiisa ka dambeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab. “Mujaahidiinta ayaa Gaalkacyo ku dilay madaxii amniga iyo Nabad gelyada hay’adaha Qaramada Midowday ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka iyo weerarada qorsheysan ee ka dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ay dagaal adag kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM. Ciidamada amaanka ayaa wali ku raad jooga dadka ka dambeeyay dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee loo geystay Maxamed Kheyre, iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loosoo qabtay weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Kormeeray Waddada Laamiga ee xiriirisa gobolada Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Buundada Midigar iyo degaanka Sin-ujiif, taas oo bur-bur uu kasoo gaaray Roobab xoog leh oo ka da’ay Puntland. laamiga go’ay iyo bururka soo gaadhay wadada waxa ay xanibtey isu socodka dalka. Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goleyaasha dawladda, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa markuu kormeerkiisa dhammaystay waxa uu ka hadlay waxyeelada Waddooyinka soo gaaray, ugu horayn Allah ayuu uga mahadnaqay nimcada uu ku manaystay shacabkiisa. Sidoo kale Kusimaha Madaxweynaha waxaa uu sheegay in daadadka roobku keeneen bur-bur xoogleh uu ka soo gaaray waddooyinka hal bowlaha ah, kuwaas oo dowladdu u xilsaartay guddi qiimayn ku samayn doona waxyeelada guud ee ka soo gaartay dadka, Xoolaha, Deegaanka iyo Waddooyinka goladada Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka bur-buray, waxaana uu tilmaamay in goobaha hadda waxyeelada xoogga leh ay soo gaartay 5 Sano kahor ku dhisteen iskutashi tisqaaday, iminkana si lamida taasi in la joogo wakhtigii ay kaalin tooda ka qaadan-lahaayeen. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland Oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii Da’ay. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa muddo labo bil ah kadib soo bandhigay xiriiradii kala duwanaa ee dadweynaha magaalada Muqdisho la sameeyeen Nambarka gaaban ee 991 oo dhawaan laga hergeliyay magaalada. Nambarkaasi gaaban ayaa ciidamada booliska waxay ugu talo galeen inay dadweynaha kala xiriiraan, si ay ula wadaagaan qataraha dhanka amaanka ah, xaalada deg dega iyo marka ay u baahdaan inay boolis deg deg usoo gaaraan. Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in muddo 56 maalin oo uu dhisan Nambarkaasi gaaban inay la xiriireen 3339 ruux oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo macluumaad kala duwan la wadaagayay laamaha amaanka. Wicitaanadaasi ayaa 340 kamid ah waxaa la sheegay inay noqdeen Cabasho iyo xogo sirdoon oo muhiim ah, taasi oo laamaha amaanka u suurogalisay inay soo qabtaan dadka shacabka tuhmeen ee lala wadaagay laamaha amaanka. 10 kamid ah wicitaanada shacabka ay sameeyeen ayaa la sheegay in lagu soo qabtay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab, sida lagu sheegay warbixin booliska ay soo bandhigeen oo u muuqday kuwo xayeysiis ah. Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale ku howlan ka jawaabista xogaha dhanka amaanka iyo sirdoonka ah ee loosoo gudbiyay, sida warbixinta lagu sheegay. Waxaa jirta Kalsooni yaraan dhanka Shacabka iyo ciidamada Booliska ah, taasi oo wali laga yaabo inay saameyn ku yeelatay xiriir wanaagsan oo dhex mara Shacabka iyo Laamaha Booliska. Shacabka ayaanan heysan damaanad qaad buuxda marka ay xogo dhanka sirdoonka iyo amaanka la wadaagaan laamaha amaanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-1062019.mp3 View the full article
-
Roobab xoogan oo ka da,ay magaalada Qardho ee gobalka Bari ee Puntland iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa geestay khasaare soo gaaray dad reer guuraa ah ku dhaqan magaalada Qardho.. Roobabka oo bilaawday galinkii danbe ee shalay ayaa soo gaaray ilaa 9:00 kii subaxnimo ee saakay asagoo biyo badan dhigay Togaga waaweyn taas oo keentay in daaday ay soo rogmadaan. Inta la xaqiijiyay qoys ka 8 ruux ka koobnaa 3 ka mid ah waxaa qaaday dadadkii Roobka ayagoo aan la heyn geeri iyo nololba halka 5-tii ruux ee kale gurmad loo fidiyay oo ayagoo kooma ku jira loo qaaday Isbitaalka guud ee Garowe. Degaanka Xaaji kheyr waa halkii ay daganaayeen qoyska dhibku soo gaaray, caruurta ayaa kala ahaa daadku qaaday gabadh 17 sano jir ah iyo laba carruur ah oo ka yaraa waxaana la tagay daadkii ka soo rogmaday tuulada Xaaji Cali. Waxaa sidoo kale sidoo kale daadku ay la taageen xoolo iyo Gaadiid sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Qardho ee Puntland oo ku howlanay gurmadka dadka ay waxyeelado soo gaartay. Qaar ka mid ah waxgaradka degaanada qaar ayaa sheegay in roobka uu da’aayay Saacaddo badan taas oo keentay in uu daaday badan ku soo rogo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhowaan warqad u qortay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha iyo deeq bixiyaasha kale in aysan Nairobi ku qaban shirarka iyo tababarada quseeya Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Warqad ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in siyaasiinta iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay ku aadkaatay gelista Kenya sidaas darteedna loogu baaqayo Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale in shirarka iyo siminaarada Soomaaliya ku saabsan ku qabtaan dalalka Itoobiya, Yugaanda iyo Ruwaanda. Soomaaliya oo ah dal sabool ah oo sakabasho ku jiro islamarkaana ay bur bursan yihiin dhamaan ilahiisa dhaqaalaha ayaa dad badan waxay u arkaan in aysan laheyn doorasho iyo jiheyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay. Dad badan ayaa u arka in arintaan ay sababi karto in Soomaaliya ay ku wayso taageeradii ay heli jirtay hadii ay isku day’ado in ay Kenya ka weeciso barnaamijyada quseeya Soomaaliya sababtuna waxaana lagu sheegay in aysan Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha kalaba ay ribtaankooda tahay joogista Kenya islamarkaana ay ku qabaan dano kale oo badan. Deeq bixiyaasha iyo hey’adaha Qaramada Midoobay waxay aragti qaldan ka qaataan in la jiheeyo ama la amro waxayna inta la xasuusto ay laaleen dalabyo badan oo uga yimid wadamo badan oo la biilo ama la caawiyo sida Soomaaliya oo kale. Falanqeeyaasha arimaha siyaasadda Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay waxay sheegeen in aysan Soomaaliya laheyn doorasho oo ay tahay kaliya in ay qaadato wixii loo keeno ama loo yeeriyo, sidii lagu soo waday ku dhawaad 20-kii sano ee la soo dhaafay. Hadii ay Soomaaliya ku adkaysato in Kenya laga wareejiyo barnaamijyada quseeya Soomaaliya waxay noqon doontaa in aysan helin dhamaan shirarkii iyo tababaradii loo qaban jiray, iyagoo sabab uga dhigay in Soomaaliya aysan doorasho laheyn iyo Kenya ay dano kale oo waa-wayn ku qabaan hey’adaha la doonayo in laga wareejiyo Nairobi. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Yuusuf Cismaan Cabdule Shaacir oo kamida Abwaanada Somaliland, ayaa waxa uu dhaliilay xus ay qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo loogu magac daray “Maalinta caalamiga ah ee Fayo-dhowrka caadada”. Yuusuf Shaacir oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Xarunta dhaqanka ee Hargeysa ay ku gaftay dhaqanka Somalida, isagoona ka dhawaajiyey inuu dacwad ka dhan ah ka gudbiyey Xaruntan. Abwaan Shaacir ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu arrintaasi ka qaado talaabo adag, isagoona sheegay inay tahay arrin wax u dhimeysa Diinta, wuxuuna yiri: “Kulankaa waxa loogu Magac-daray ‘Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka’ arrinkaasi wuxuu ahaa arrin ku cusub Dadka, dhaqanka iyo Diintaba. Facebook-gooda markaa gasho waxa ku sii qoran aynu jabino deyrka ka hadal la’aanta Caadada Dumarka”. “Caadadu waynu ognahay waa wax Caafimaadka Dumarka la xiriira oo Diinteedu si wanaagsan oo asturan uga hadashay, laakiin in Xaflad loo sameeyo oo la yiraahdo maalin baa lagu xusayaa gaar ah, waa wax aad u cajaa’ib ah oo innagu soo kordhay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Meelo badan baan u gudbiyey Dacwadda, waxaan u gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta oo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Labada Gole ee Baarlamaanka Guddiyadooda anshaxa waanu u gudbinay, Ciddii kale ee ay khusaysana waanu u gudbinaynaa, sida Guddida wanaag-farista”. “Madaxweynahana halkan farriin baan uga gudbinayaa ah, wuxuu ku dhaartay inuu ilaalinayo Diinta, Dalka iyo Dadkaba, markaa inuu arrintaa Tallaabo ka qaado ayaan farriin ugu dirayaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Roobab xoogan oo khasàare u gaystay biriishyada Burco daawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
(SLT-London)-Boqortooyada Ingiriiska ayaan laba toddobaad ah isticmaalin Shidaalka lagu kiciyo Warshadaha iyo Mishiinnada Laydhka, muddadaasi ayaa noqonaysa tii ugu dheerayd tan iyo 1880-kii. Qofka Hawshan Maamulay ayaa sheegay in dab dhalileyaal shidaal loo adeegsaday ay markii ugu dambaysey ee ay isticmaaleen ahayd 17-kii bishan dhamaanaysa ee May. Fintan Slye oo ah Agaasimaha Qaranka Uk ee Korontada (ESO), ayaa sheegay in Britain ay bishan tijaabisay Adeegsiga Tamarta laga dhaliyo Cadceedda iyo Hawada, kaasina waa sababta aan muddo 2 toddobaad ah loo isticmaalin Warshadaha Shidaalka lagu kiciyo. Mr Slye wuxuu sheegay in Dawladdu qorshaysay in marka Wejigan Tijaabada ah laga baxo in la waajaho in wixii ka dambeeya 2025-ka laga gudbo Isticmaalka Shidaalka, loona gudbo laydhka laga dhaliyo awoodaha kale, laakiin wuxuu xusay in loo baahan yahay in shaqo badan la qabto “Weli waxa taalla hawl ay tahay in la qabto..”ayuu Slye oo sheegaya inaan Tamarta Cadceedda isticmaalkeedu dhamaystir u baahan yahay. Masuulkani wuxuu sheegay April illaa 14-kii bishan May ay kaydinayeen Tamarta Cadceedda. Wasiirka Tamarta ee Ingiriiska Chris Skidmore ayaa sheegay in Cadceedda oo keliya aan Tamarta laga dhalilayn, balse Hawaduna tahay waxa ugu badan ee Laydhka laga samaynayo. Warbaahinta Ingiriisku waxay sheegtay in 4.5 Milyan Guri ay ku filan tahay Laydhka Hawada laga dhaliyo. 35% Hawada ah iyo 21 cadceedda ah ayaa laydh laga dhaliyey, sida ay Warbaahinta Ingiriisku sheegtay, taasi oo ah ta muddada 2-da Toddobaad ah lagaga maarmay Laydhkii Shidaalka laga dhalinayey. Source
-
Fatahaadda ay sameeyeen roobabka Qoyska reer Maxamed Bile oo ku noolaa miyiga tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal, kana koobnaa 8 ruux, ayaa xalay waxaa qaatay diiqalyo xooggan oo ku rogmatay dooxada reerku yaallay. 3 xubnood oo kamid ah qoyska ayaa ku dhintay daadadka, halka 5-tii xubnood oo kale ayaa la soo badbaadiyay, kadib markii saaka laga soo helay geed dhaladiisa haatana waxa lagu dabiibaya isbitaalka guud ee magaalada Qardho. Haddaba, Saynab Maxamed Bile oo reerka uga shaqeyn jiray magaalada Garoowe, ayaa saaka la soo gaarsiiyay warka sheegaya in qoyskoodii biya la tageen, waxaana ay orod kaga baxday magaalada Garoowe, si ay bal raq iyo ruux u raadiso qoyskeedii, balse mowjadaha daadadka ayaa ku xannibay tuulada Sinujiif. Saynab oo aad u murugaysan ayaa telefishinka Puntland kula hadashay duleedka magaalada Garoowe, markii ay soo laabatay, iyadoo ka warbixisay xogta ay ka heshay musiibada dhacday. Halkaan hoose ka daawo hadalkeeda PUNTLAND POST The post Daadadku waxay qaateen qoyskaygii oo dhan appeared first on Puntland Post.
-
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dilkii Maxamed Cabdi Khayre oo ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Gobolka Mudug. War saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku cambaareysay dilka Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Gaalkacyo. Siihayaha ahna ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa Maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilkaas geystay. Waxaa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Maxamed Cabdi Kheyre oo xalay lagu dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay Masaajid. Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in dhamaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay ka xun yihiin geerida Maxamed kana tacsiyadeynayaan. Dabley hubeysnayd ayaa xalay dilay Maxamed Cabdi Kheyre ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xusen Cabdi ayaa waxaa uu si adag u cambaareyey xadhiga ay xukuumadu muddo bil ka badan ay wali xabsiga ugu sii hayso guddoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisbigaasi Maxamed Sadiiq Dhamme, waxaana uu sheegay in guddoomiyuhu ku xidhan yahay sharci-darro. Sidoo kale xoghayaha ayaa waxaa uu ka Hadley isla markaana uu nasiib daro ku tilmaamay in ciidamo Somaliland ka goostaan isla markaana ay ku biiran maamulka Puntland, waxaana uu xukuumada ugu baaqay inay faahfaahin dadka qanciya ay ka bixiso arimaha sababtey arintaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source