Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,545
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online)-Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano kala duwan oo ka tirsan Puntland ayaa sababay inay xiranto wadada isku xirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyo deegaanada kale ee Puntland. Roobabka ayaa jaray laamiga weyn ee xiriiriya magaalada Garowe iyo magaalada Boosaaso, waxaana go’don noqonaya deegaanada kale ee dhanka waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garowe. Masuuliyiinta Puntland ayaa ku dhawaaqay guddi loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan samata bixinta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada xiriiriya Puntland. Roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sababay inay ka dhashaan daadad xoogan oo jaray buuntada weyn ee Midigar, sidoo kale waxaa go’ay bartamaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe. Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay xilligaan qabaan dhibaatyin ku aadan inay Shaqadooda istaagto. Waxaa xiligan oo kale sidoo kale sare u kac laga dareemayaa qiimaha raashiinka, maadaama ay adag tahay in qeybaha kala duwan ee Bagaashka isaga kala gudbaan deegaanada Puntland.
  2. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo guddiga loo xilsaaray gurmadka khasaarihii Roobabku geysteen, ayaa saaka kulan degdeg ah la qaadanaya hay’addaha caalamiga ah, iyagoo lagal [...] Source
  3. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) is seen in the audience ahead of President Donald Trump's State of the Union address at the U.S. Capitol in Wash., on Feb. 5, 2019. (Mandel Ngan/AFP/Getty Images) Source: Hiiraan Online
  4. Muqdish0 (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo waxyeelo kala duwan geystay. Weerarka oo xalay dhacay ayaa la sheegay inuu daqiiqado badan ka socday deegaanka, iyadoo ciidamada amaanka ee xarunta ku sugnaa iyo maleeshiyaadka ay ku dagaalameen bartamaha deegaanka. Xarunta Degmada Garasbaaleey oo ku taala dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle ayaa weerarka lagu qaaday, waxaana kadib la sheegay in kooxaha weerarka geystay ay u baxsadeen dhanka deegaanka Ceelshada Biyaha. Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu geystay dhaawac soo gaaray mid kamid ah ilaalada xarunta deegaanka, iyadoo aysan shaacin dhanka kale waxyeelada gaartay. Ciidamada ilaalada xarunta deegaanka Garasbaaleey ayaa gurmad ka helay ciidamada Asluubta, waxaana u suuro gashay inay meesha ka eryaan kooxaha weerarka ku qaaday xarunta deegaanka. Ciidamada amaanka ayaa weerarka kadib xaafadaha Garasbaaleey ka bilaabay baaritaano ay amaanka ku xaqiijinayaan, iyadoo aan la ogeyn sababta weerarka ka dambeysay. Majiro cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaleey,hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Andy Ruiz Jr. dethroned British title-holder Anthony Joshua with a stunning seventh-round stoppage at New York's Madison Square Garden on Saturday (Sunday AEST) to become the first Mexican-American world heavyweight champion. Source: Hiiraan Online
  6. MINNEAPOLIS (AP) — Many bilingual high school graduates in Minnesota will be crossing commencement stages this spring with a distinction honoring their proficiency in another language beyond English. Source: Hiiraan Online
  7. Police in Narok have arrested a middle aged man on their terror watch, hours before Madaraka Day fete was marked in the town. Source: Hiiraan Online
  8. Liverpool claim their sixth European Champions League title with 2-0 win over Tottenham Hotspur. Source: Hiiraan Online
  9. A mere promise by Somalia to “revisit” the actions of an international company at the core of maritime dispute between Kenya and Somalia is at the centre of the diplomatic row between the two neighbours. Source: Hiiraan Online
  10. The U.S. Justice Department is preparing to investigate Google to see if it broke an antitrust law, with a focus on accusations the company gave preference to its WATCH: that I'own businesses in searches Source: Hiiraan Online
  11. East African countries moved a step closer to approving a ban on skin-bleaching products. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay ka kooban yihiin ku dhowaad 70 Wasiir markii la isku daro Wasiirada, Wasiiru ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha Xukuumadda Kheyrre oo marar badan lagu sameeyay isbadalo waa-wayn. In badan oo kamid ah Wasiiradii xilka laga qaaday iyo kuwii is-casilay waxay xilalkooda ku waayeen diidmada in ay daacad u noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wasiirada diiday in ay daacad (Nacamleeyaal) u noqdaan Xasan Cali Kheyre ee xilalka laga qaaday waxaa kamid ah Yuusuf Garaad Cumar, Cabdi Faarax Juxa, Khadra Axmed Ducaale, Cabdifitaax Ibraahim Geesey iyo Sheekh Daahir Maxamuud Geelle. Hadda Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa ku jira hal wasiir oo Academic ah islamarkaana aan toos u hoos imaanin Xasan Cali Kheyre ama aan loo amrin sida Wasiirada kaliye ee Dowladda Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo hore u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, ayaa la sheegay in uu yahay wasiirka kaliya ee aan loola dhaqmin Wasiirada kale. Caasimada Online ayaa ogaatay Wasiirka Arimaha dibadda uusan badanaa xaadirin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kulamada Golaha Wasiirada, sidoo kale waxa uu jebiyay amaro badan oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Amarada uu diiday qaadashadooda waxaa kamid ah in uu Ra’iisul Wasaaraha ku wargeliyo markii uu doonayo in uu wareysi bixiyo ama uu soo saaro War-saxaafadeed. Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa iska diiday in uu ka qayb qaato ololayaasha ay ka qayb galaan Golaha Wasiirada ee lagu amaanayo Ra’iisul Wasaaraha markii ay warbaahinta la hadlayaan. Waxyaabaha kale oo ay ogaatay Caasimada Online waxaa kamid ah in Wasiir Cawad uu shirka Golaha Wasiirada ka sheego qaladaadka Xukuumadda, taas oo ah qodob oo aysan wasiirada kale ku dhiiran karin waxaana hore xilalkooda ugu waayay Yuusuf Garaad, Wasiir Juxa iyo Daahir Geelle. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Wasiirka uu toos ugu xiran yahay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, go’aanada uu gaarayana uu ka tala geliyo Madaxweynaha Soomaaliya waqtiyada qaarna la geeyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Shirka golaha Wasiirada balse uusan aheyn sida wasiirada kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa sii xumanaya xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay dowladda Kenya ay qaadaneyso go’aano lagu cadaadinayo Soomaaliya si uga tanaasusho muranka badda iyo dacwadda taallo Maxkamadda ICJ. Kenya waxay qaadatay talaabooyin badan oo aan u wanaagsaneen diblomaasiyadda labada dal, waxayna dadka falanqeeya arimaha siyaaasadda ay ku tilmaameen go’aanada Kenya talaabooyin hor dhac oo ay xigi doonaan go’aano kale sida ka muuqata hab-dhaqanka Kenya. Dowladda Kenya waxay bilaawday in ay barnaamijyo baraarujin iyo kicin dadweyne ah ay ka billaawdo warbaahinta dalkaasi, waxana dhowr Idaacadood iyo Tv-yo ku yaala dalkaasi laga sii daayay doodo mid ah oo ku saabsan muranka badda ee labada dal. Sidoo kale Kenya waxay warbaahinta u furtay in ay toos ula xariiraan Wasaaradda Arimaha dibadda Kenya, si loo siiyo warbixino ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda laba dal. Waxyaabaha kale oo ay Kenya sameysay waxaa kamdi ah in muwaadiniinteeda ay lawadaagto xog iyo faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan xiisadda dowladaha dariska ah. Barnaamijyada ka baxay warbaahinta Kenya waxaa kamid ah su’aal dadweynaha Kenya la waydiiyay oo ah:- Hadii ICJ u go’aamiso Soomaaliya dul badeedka Kenya maxaa la gudboon muwaadiniinta Kenya ? Talaabo nuucee ah ayey kula tahay in dowladda Kenya ay qaado si loo difaaca xuduudaha dalka ? Miyeey sax tahay in Soomaaliya oo kumanaan qaxooti ah halkaan ka joogaan ay ku soo xadgduubto xuduudaha Kenya ? iyo barnaamijyo kale ayaa kamid ah barnaamijyada ay tabinayaan waxrbaahinta Kenya. Kaliya ma ahaan in Soomaaliya ay dhibaatooyin iyo xadgudubyo kala kulmayso Kenya balse waxaa si lamid ah weerar qarsoon iyo mid banaanka yaalaba ku haaya dowladda itoobiya. Laba jeer ayey oo todobaad gudihiis ayey Itoobiya u ku xadgudubtay Soomaaliya mar waxay ka dhigtay gobal hoos yimaada Itoobiya marna waxay sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay dalal yihiin, waxayna dhamaantood ay ahaayeen ku xadgudubka midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Kenya iyo Itoobiyaha ay doonayaan in sidii Israel ay u gumeysato dhulka Falastiin ay u gumeestaan Soomaaliya islamarkaana ay ka aamusan yihiin Dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed. “Kenya iyo Itoobiya waxay doonayaan in sidii Israel ay u gumeysato Falastiin ay u gumeestaan Soomaaliya, dowladda iyo maamul gobaleedyadana waa ka aamusin yihiin dulmiga socda” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Iyadoo ay dowladda Kenya wado kicin dadweyne, warbaahinta dalkaasina ay ka dhigatay marin muwaadiniinta Kenya lagala hadlo. Sidoo kalane ay fur furtay xafiisyadeeda laga heli xogta xiisadda labada dal maxaa aamusiyay Soomaaliya? Miyeysan aheyn in dowladda Soomaaliya aysan colaadsan warbaahinta maadaama arintu ay tahay qadiyad wayn oo qof kasta oo Soomaali ah taabaneyso? Mise tahay in dowladda ay xogta arintaan la wadaagto dadweynaha oo ay hadasho ? su’aalo arintaan ku saabsan ayey Caasimada Online weydiisay Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane oo bare ka ah jaamacado ku yaala magaalada Muqdisho. “Waxyaabaha la yaabka ah ee muuqda waxaa kamid ah in DF-ka ay colaadsatay warbaahintii oo ay aheyd in ay ka dhigato marin ay u adeegsato muranka Kenya oo laga baahiyo barnaamijyo wacyi gelin ah sida ay dowladda Kenya wado” ayuu yiri Professor Cali Saciid Maxamuud Kulane. “Dowladda waa barnaamijkaan dadka u dareensiisaa in uu yahay qadiyad mucaarad iyo muxaafdna uu waajib ka saaran yahay laakiin dowladda waa isku koobtay arintaan balse waa qalad” ayuu Caasimada Online u sheegay Cali Saciid Maxamuud Kulane. Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya bur bur iyo dagaalo sokeeyo waxay wajahayso dhibaatooyin badan oo uga imaanaya dowladaha dariska iyo kuwa kale oo doonaya kheyraadka Alle ku maneestay. Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay aad uga liidato siyaasadda arimaha dibadda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay cadaadiska in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed, ka guul gaaridda muranka kala dhaxeeya madaxda maamul gobaleedyada iyo xogta aysan muwaadiniinteeda la wadaagin. Halka Kenya ay mucaarad iyo muxaafad u midoobeen islamarkaana dowladda ay garab ka dhigatay warbaahinta, siyaasiinta iyo qof kasta oo muwaadin kenyaan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa is bar-bar ku dhig sameeyay qaabka bulshada ay Madaxweynaha u yihiin isugu hayaan Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi. Mustafe Shiine ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awoodi kari waayey in uu isku soo dhaweeyo ilmaadeeradii, marka laga imaadaba bulshada kale ee reer Somaliland. Halka uu Madaxweyne Uhuru ku tilmaamay mid kolba direys u xiranaya siduu u mideyn lahaa malaayiinta uu talada u hayo. Mustafe Shiine ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay kala qeybinta bulshada reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in qaranka Somaliland uusan waxba u noqoneyn muddada kooban ee uu talada hayo. “Ragna malaayiin kala diimaa bay mideyntoodii marba dirays u xidheen, qaarna markay Ilmaadeertii isu laab-xaadhi kari waayeen, ayaa intii kalena ka quusatay oo ay xadhkaha goosatay” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay. Wuxuuna kusii daray “Caqligii lagu waday ee suufka iyo xanjada isku hayay kolkii meesha laga saaray, ayuu ninkii aan niyada iyo qalbiga ka ahaynba fursad u arkay. Taariikhda uun baa kugu sunti “kala diree”, qaranka Somaliland waxba u noqon maayo, mid danaysi kula joogay iyo mid u kala abtiriyay toona, wakhtigu wuu gaaban yahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay inay iska indho tirayso xaaladaha ka taagan deegaanka Badhan, oo ay ka dhago adeygtay baaqyadii loo jeediyey. Xildhibaan Bulqaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa waxa kale oo uu xukuumada ku eedeyay inay sharcigii ku tumatay, isagoona xusay in ciidamada dowladu ay guryaha ugu daatan xildhibaano xasanaad leh oo ay xiraan. Xildhibaanka ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka Saab, wuxuuna yiri “Wax badan ayaan ka hadlay xaaladaha Badhan ka taagan, oo xukuumadu ka dhago adayg-tay oo waliba waxba ka qaban wayday, runtiina maanta waan ku hambalyaynayaa xukuumadu horumarka ay ka gaadhay gobolka sanaag wax kale oo aan maanta yiraahdo majirto”. Wuxuuna intaas kusii daray “Mid kale hadli maayo waayo waa Ramadaane, lakiin waxa la yiri xildhibaanadii guryaha ayaa loogu daadanayaa oo sharcigiiba waa layska laabay oo dastuurkii iyo xasaanadii xildhibaanadu shaqayn mayaan, lakiin wax kale odhan maynee inta sharciga la soo celinayo waanu aamusnaaneyna”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Kooxda laga leeyahay Ingiriiska ee kubadda cagta ee Liverpool ayaa xalay markii 6aad ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ee loo yaqaan UEFA Champions League. Cayaar aad u xiiso badan oo ka dhacday Wanda Metropolitano stadium ee magaalada Madrid, waxaana 2-0 ku badiyey naadiga Liverpool oo ay goolasha u kala dhaliyeen Maxamed Salaax iyo Divock Origi . Waa koobkii 6aad oo noocan oo ay hesho Liverpool, horay waxaa ay ugu guuleysatay Istanbul, 2005, sidoo kale Rome, 1977 iyo 1984, aan raacinno Wembley, 1978, iyo Paris, 1981. Marka koobkan laga hadlayo waxaa ka horeeya kooxda Real Madrid oo heysata 13 iyo Milan oo 7 ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Makka) Ra’isal Wasaraha ugu Saamaynta Baddan Dunidda Islaamka iyo Qaaradda Asia ee Dr’ Mahathir Bin Mohamad oo Dalkiisa Malaysia Ka Dhigay Waddan hodan ah oo ku jira kaalmaha ugu horeeya waddamada horumaray , 32 Million oo Shacabkiisa Ahna Sannadkii ugu Yaraan 32 Kun oo Dollar Per capita Soo Gasho Calaa Qof Waddamada Dunidda iyo Asia ugu Dhaqaalaha Baddan uguna Horrumarsan Ka Dhigay Dalkiisa oo Laba Xili Loo Kala Doortay in uu Dalkiisa Hogaamiyo oo 50 Sanno Dalkiisa ushaqeenayey Ahna Hogaamiyihii ugu Mudadda Dheeraa ee Dalkiisa Soo Maray Caalamul Carbna Miisaan Culus Ku Dhex Leh, Ayaa isaga iyo Xaajiyadiisa Siti Hasmah Kaligood Baytkii Barakaysnaa iyaga oo Bilaa ilaalo ah Dhex Dawaafay.. Halka Meel Dhawr Talaabo ujirta uu Soo Galay Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo aanay Xukuumaddiisu Magaaladda Muqdisho gacanta ku wada haynin dhaqaale ahaana ku tiirsan bulshada adduunka caawimadooda, waxa galbinaayay cutubyo ka tirsan Ciidamadda habmaamuska Dalka Sacuudiga oo ammaankiisa sugaayay, iyagoo isku xeeray intii uu dawaafka cimrada ku jiray. Labadan Sawir Oo siwayn ugu faafay baraha bulshada ayay dadka kaga doodayeen kala duwanaanshaha madaxda Soomaalida iyo kuwa caalamka. Source
  18. (SLT-Qatar) Ciyaartoygii caanka aha ee Maxamuud Soofe Yaasin (Jamaal Gadari ) ayaa Caawa geeriyooday. Jamaal Gadari ayaa kamid aha Xidigihii Xulka kubadda Cagta Togdheer ee sideetamaadki, kadib wuxuu u wareegay Dalka Qatar oo Xulka Dalkaas uu laacib wayn ka noqday. Alle hawnaxariiso Jamaal Gadari wuxuu koobab caalamiya kula guulaystay Xulka kubadda cagata Qatar, muddo kooban ayuu xanuun u jiifay siday warka ku heshay shabakadda Somalilandtoday.com kadibna tii alle ayaa u timi. Dhammaan bahada Somalilandtoday Media Group waxay tacsi u dirayaan bahada Ciyaaraha Somaliland, Gobolka Togdheer iyo eheladii uu ka baxay Jamaal Gadari, marxuumkana alle waxaanu uga baryaynaa Inuu u naxariisto. Source
  19. (SLT-Madrid) Liverpool ayaa markii lixaad ee taariikhda kooxdeeda ku guulaysatay koobka UEFA Champions League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda ay Premier league ka wada ciyaaraan ee Tottenham. Mohamed Salah ayaa daqiiqadii labaad ee ciyaarta goolka furitaanka rekoodhe ku dhaliyay laakiin Origi ayaa noqday xidigii Tottenham kaga oohiyay goolka labaad iyada oo ciyaarta saddex daqiiqo ka hadhsan tahay. Liverpool ayaa ka soo kabsatay guuldaradii xili ciyaareedkii hore ee finalkii Champions league wuxuuna ugu danbayn Klopp awooday in uu dhinac iskaga dhigay habaarkii ka haystay finalkada kulamadii uu Liverpool soo maamulay. Goolhaye Alisson ayaa door layaableh ka qaatay in Liverpool ay koobkan ku guulaysatay isaga oo jamaahiirta Reds iyo Klopp ilaawsiiyay ceebtii Loris Karius ee xili ciyaareedkii hore. SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN: LIVERPOOL (4-3-3): Alisson, Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane. Kaydka: Dejan Lovren, James Milner, Joe Gomez, Daniel Sturridge, Alberto Moreno, Adam Lallana, Alex Oxlade-Chamberlain, Simon Mignolet, Xherdan Shaqiri, Rhian Brewster, Divock Origi, Caoimhin Kelleher. TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Kieran Trippier, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Moussa Sissoko, Harry Winks; Dele Alli, Christian Eriksen, Son Heung-min; Harry Kane. Kaydka: Davinson Sanchez, Erik Lamela, Victor Wanyama, Michel Vorm, Eric Dier, Kyle Walker-Peters, Fernando Llorente, Juan Foyth, Paulo Gazzaniga, Serge Aurier, Lucas Moura, Ben Davies. Daqiiqadii 1 aad REKOODHE!! Tottenham ayaa qaab qalbi jab ah ciyaarta ugu bilaabtay kadib markii uu Sadio Mane kubbad ku helay cidhifka xerada ganaaxa isla markaana uu isku dayay in uu kubbada bixiyo laakiin Sissoko ayaa gacanta si cadaan ah ugu dajiyay taas oo keentay in uu garsooruhu markiiba rekoodhe tilmaamay. Daqiiqadii 2 aad Mohamed Salah ayaa kubbada hor dhigtay goolhaye Hogo Lloris kaas oo darbo xoogan ugu garaacay rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay wuxuuna Salah ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Liverpool markiiba hogaanka kula wareegtay. Tottenham ayaa naxdin iyo murugo ciyaarta ugu bilaabtay laakiin waxay kaga jawaabtay in ay kubbada inta badan cabta ku qabtay isla markaana ay ahayd kooxda inta ugu badan raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd. Waxaa labada kooxoodba laga dareemayay naxdin iyo deganaansho la’aan waxaana qayb wayn ka ahaa maalmaha badan ee ayna kulan ciyaarin iyo saamaynta finalka Champions League. Liverpool ayay ku adkaatay in ay ciyaarto kubbadii quruxda badnayd ee looga bartay halka Tottenham ay ku dhibtoonaysay in ay hal mar tijaabiso goolhaye Alisson qaybtii hore ee ciyaarta. Daqiiqadii 17 aad Alexander-Arnold ayaa ku dhawaaday in uu gool lama filaan ah u keeno Liverpool kadib markii uu meel fog ka beegsaday goolka Tottenham laakiin kubbada halista ku noqon lahayd Lloris ayaa wax yar birta u martay. Ciyaarta ayaa noqotay mid tatiko ahaan u adag in fursad la abuuri karo waxayna Tottenham ahayd kooxda inta ugu badan kubbada maamulaysay balse marka ay ula dhaqaaqdo dhinaca goolka Liverpool ay kubbada qaldayeen ama laga difaacayay. Daqiiqadii 38 aad Andy Robertson ayaa ku dhawaaday in uu indhaha caalamka ku xado gool layaableh kadib markii uu darbo darbo xoogan ka soo tuuray meel xerada ganaaxa Spurs aad uga baxsan laakiin goolhaye Lloris ayaa hal gacan kubbada iskaga saaray. Liverpool ayaa heshay koornayaal badan laakiin waxay awoodi kari waayeen in ay ku dhaliyaan wax goolal ah, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay Tottenham oo aan Alisson tijaabin iyo Reds oo natiijada ilaashatay balse aan wax badan oo kale weerarka ka samayn. Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Tottenham soo laabtay iyada oo doonaysay in ay xal u hesho qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd balse Reds ayaa muhiimada kowaad ka dhigatay in ay hogaanka ciyaarta ilaashato. Sidii qaybtii hore ee ciyaarta waxay wali labada kooxood ku ciyaarayeen tatiko taxadar badan leh waxaana jiray kubbado badan oo la qaldayay gaar ahaan Tottenham oo marka ay weerar gasho kubbada si qalad ah u bixinaysay. Daqiiqadii 58 aad Klopp ayaa go’aan ku gaadhay in uu ciyaarta wax ka badalo wuxuuna saaray Roberto Firmino oo ciyaarta saamayn ku yeelan kari waayay wuxuuna soo galiyay Origi si uu weerarka ugu xoojiyo. Daqiiqadii 62 aad Klopp ayaa badalkiisa labaad ku sameeyay Wijnaldum oo uu khadka dhexe ka saaray wuxuuna soo galiyay James Milner waxayna ciyaartu wali sii ahayd mid adag oo laysku mari laayahay. Daqiiqadii 66 aad Pochettino ayaa u adkaysan kari waayay xaalada ay kooxdiisa Tottenham ku jirtay wuxuuna kaydka ka soo kiciyay xidigii saddexleyda finalka ugu soo saaray Lucas Moura isaga oo ciyaarta ka saray Harry Winks. Mohamed Salah iyo James Milner ayaa Liverpool ciyaarta ka dili karay laakiin waxay lumiyeen fursado fiican waxayna Tottenham wali ka dagaalamaysay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd. Badalka ayaa sii socday wuxuuna Pochettino ciyaarta ka saaray Sissoko oo ahaa xidigii rekoodhaha galay daqiiqadii kowaad waxaana la soo galiyay Eric Dier. Daqiiqadii 82 aad iyo 84 goolhaye Allison ayaa si layaableh kooxdiisa Liverpool koobka ugu badbadiyay isaga oo fursado cajiib ah ka beeniyay Son iyo Christian Erikson si uu kooxdiisa u siiyo fursada ay hogaanka ku sii haysay. Daqiiqadii 87 aad Alla Maxay Waali Ahayd!! Xidiga habeen dhaladka u noqday Liverpool ee Divock Origi ayaa Tottenham ku qalbi jabiyay goolka labaad ee ay Reds baahida wayn u qabtay si ay kalsooni u hesho. Origi ayaa goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Matip oo siiyay kubbad uu xerada ganaaxa ku helay wuxuuna noqday gool ka oohiyay kooxda Tottenham iyo jamaahiirta kooxdeeda. Haddii uu Origi hore uga soo oohiyay Barcelona isla markaana uu ku abuuray xusuus ay ka seexan waayeen muddo dheer, waxa uu markan Tottenham ka dilay rajada ay ku soo laabayeen. Daqiiqadii 90 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Joe Gomez si uu waqtiga ugu dhamaysto wuxuuna saaray Sdaio Mane. Alisson ayaa gool badbaadino fiican ka sameeyay dhamaadkii ciyaarta si uu Tottenham ugu diido in ay wax rajo ahi gasho waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Reds ku dishay rajadii Spurs. Liverpool ayaa markii lixaad ku guulaysato koobka UEFA Champions league waxayna Reds koobka kooxaha Yurub dib ugu soo celisay Anfield oo shan jeer oo hore la keenay. Source
  20. Guddoomiyaha PHA Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Daadad ka dhashay roobab mahiiggaana oo todobaadyadii u dambeeyay ka da’ayay degaannada Puntland, ayaa burbur xooggan u geystay, wadada laamiga ee xiriirisa magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Wadadan oo halbowle u ah isku-xirka gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ayaa meelo kala duwan ka go’day, kadib markii ay maasheeyeen hirar daadad ah oo ka abuurmay roobabka gu’ga. Laga soo bilaabo degaanka Yalho oo ka tirssan gobolka Bari ilaa tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal, waxaa laamigu ka go’ay lix meelood, waxaana gebi haanba joogsaday isu-socodka gaadiidka isaga goosha Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ku xaniban labada dhinac. Laamiga ayaa ka go’ay degaannada; Yalho, Sanjilbo,jurile, Carta, Xaajikhayr iyo Sinujiif oo ka kala tirsan gobollada Bari, karkaar iyo Nugaal,iyadoo meelaha qaar laamiga dhan xaaqmay, halka qeyba kalena godad iyo boholo ka samaysmeen. 1 June 2019 Laamiga dheer ee Garoowe iyo Boosaaso oo daadad gooyeen Sidoo kale, waxa saddex meelood ka burburray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood oo daadad xooggan ay bohol iyo godad ka sameeyeen, islamarkaana gaadiidku si dhib ah isaga gudbayaan. Waxaa la sheegaya in shilal badan oo khasaare naf iyo maalba geystay ay ka dhasheen, burburka laamiga oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen ilaa 10 shil oo kala duwan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ilaalada waddooyinka Puntland. Maaha wax shalay iyo maanta oo keliya dhacay, ee waxaa jira qeyba kamid ah laamiga oo todobaad ka hor go’ay, gaadiidkiina ku xanniban yihiin, waxaana xusid mudan in xataa mas’uuiyiin ka tirsan golayaasha dowladda oo ka yimid gobolka Sanaag, kuna socday Garoowe ay u xayiran yihiin wadada go’an. Sidaan oo kale markii ay dhacdo, waxaa doorkeedu muuqan jiray, hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA oo kaalinteeda la mahadiyay November 2013, xilligaasi oo ay go’day buundada weyn ee Middigar, islamarkaana ay laamiga xaaqeen fatahaado uu sameeyay roob dabaylo watay oo ka da’ay gobolla kamid ah Puntland. Hay’adda ayaa wakhtigaasi dadaal badan gelisay dib u dayac-tirka meelaha uu laamiga ka go’ay iyo dhismaha buundada weyn ee Middigar oo markiiba loo hawlgalay dib u-dhiskeeda laguna guulaystay. Buunada Midigar oo go’day 11 Nov 2013 ayaa xillgaasi dib loo dhisay Balse, xilligan oo mudda todobaad ka badan ay go’an yihiin qeyba kamid ah laamiga, halka qeyba kalena ay tan iyo shalay go’een, ayaysan xataa ka hadlin hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, iska daa in ay wax ka qabatee. Haddaba, maxaa ku dhacay hay’addii PHA? Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ay sii duukhaysay tan iyo sannadkii 2018, kadib markii ay ku fashilantay mashruucii weynaa ee dib u-dhiska wadada laamiga ah ee Garoowe iyo Gaalkacyo. 8-dii September 2018, dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday, in ay joojisay mashruucii dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, kadib markii jarmalku uu musuq maasuq iyo wax isdaba-marin ku eedeeyay maamulka sare ee hay’adda PHA oo Puntland u qaabilsaneyd fulinta iyo hirgelinta mashruuca. 8 Sep 2018 Jarmalka oo joojiyay Mashruucii wadada Garowe_Gaalkacyo Wixii wakhtigaasi ka dambeeyay, waxaa sida la xaqiijiyay meesha ka baxay kalsoonidii lagu qabay hufnaanta maamulka sare ee hay’adda PHA, waxaana ka dareeray dhammaan hay’adihii mashaariicda la fulin jiray. Waxaa ka sii horraysay, dagaal ka dhacay xarunta hay’adda, kadib markii ilaalada xarunta ay weerar ku qaadeen guddoomiyaha PHA, Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi oo ay ku eedeeyeen in uu musuq maasuqay mushar iyo xuquuq ay ku lahaayeen. Eng Cabdirisaaq ayaa ka badbaaday weerarkaasi, balse waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada hay’adda oo isu dhigay rasaasta,si uu u difaaco guddoomiyaha. Arrimahaasi is-biirsaday, ayaa sida la sheegayo sabab u noqdeen in shaqadii hay’adda uu hoos u dhac ballaaran ku yimaado, ayna haatan ku soo ururtay uun magac u-yaal, taasoo ay dheertahay xasarado u dhexeeya maamulka iyo shaqaalaha oo ka aloosan gudaheeda. PUNTLAND POST The post Xog: Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA oo fashilantay appeared first on Puntland Post.
  21. Xanuun Maskaxeed-ka Dahsoon ee Faysal Ali Waraabe Qabo (Post traumatic stress syndrome disorder) Faysal Cali Waraabe horta muu ahayn nin khibrad siyaasadeed oo hore leh, Waxa uu ahaa nin qaab basaasnimo ugu shaqayn jiray dowladii Siyaad Bare ee Somalia ka talin jirtay. Soo galitaankiisii siyaasaduna runtii waxa ay ahayd arin si kedis ah ku timid oo aan soo jiitamin. Xisbiyadii laga sameeyay Somaliland ayuu ahaa xisbiga sadexaad , taas oo dadka qaar runtii ku tilmaamaan in aanu si cadaaladi ku jirto aanu xisbugu ku soo bixin oo waxoogaa musuq maasuq xaga doorashadii jirtay {cadayn hadii aad rabto eeg warbixintii Cabdilaahi Jawaan uu ku war bixiyay}. Faysal waa shakhsi aad u fuddud oo si fuddud go’aan ku qaata , isla markaana si fudud isu bedela, dhibaatada kale ee Faysal lagu arkay mudadii uu ku jiray siyaasada waxa uu u muuqday shakhsi aan siinayn ihtimaam wayn wadanka baahiyaha ka jirta oo mar walba dowlada jirta gacan saar la leh oo mar marka qaarkood aad si cad u arkayso in xisbigiisu aanu ahay xisbi mucaarid ee uu yahay xisbi magac u yaal ah oo lagu qarafaysto ama lagu dawarsado. Waxa kale oo jirta in uu Faysal noqon karo nin wadanka Somaliland dagaal gelin kara oo runtii waxbaan xasuuqayaa ama waxbaanu dilaynaa inta badan afkiisa laga maqlo, waxa kale oo jirta in la odhan karo meeliba meesha ay bari ka xigoto wuu ka sii neceb yahay, oo aanay beelaha Hartiga Somaliland aanay isku halayn karayn ama la odhan karaba qaar ka mid ah beesha dhexe is kuma halayn karaan. Faysal Ali waraabe ma jecela in wadanka Somaliland is bedel xaqiiqi ahi ka dhaco , sabatuna waxa weeye waxa uu maalin caayaa siyaasada Xukuumada markaa joogta, waa hadii ay canka u buuxin-weydo. Maanta Muse Biixi ayuu U niikinayaa berina marka dibnuhu qalaan uu ka soo horjeesanayaa. Dhakhaatiir ku takhasustay Xanuunada dahson ee maskaxda oo daraasad ku samaysay Faysal iyo hab dhaqankiisa ayaa si cad u sheegay in Faysal uu yahay dhibane la daalaa dhacaaya Xanuun maskaxeedka afka qalaad lagu yidhaahdo (Post traumatic stress syndrome disorder) dhinaca kale Oday Reer Hargaysa ah ayaa maalin la weydiiyey…… Adeer Faysal ma waalanyey mise waa miyir Qabaa? Odaygii ayaa ku jawaabay Waalida-ba Udaa. By: Osman Abdillahi Sool….. Freelance Journalist. Qaran News
  22. Puntland iyo Somaliland ayaa Isniinta berriya si rasmiya isu dhaafsanaya maxaabiistii labada dhinac ku kala qabsadeen dagaalladii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Labada maamul ayaa hore u saxeexay Heshiis maxaabiis is-weydaarsiya oo ay fududaysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee caalamiga inkastoo aan warbaahinta laga shaacin heshiiskaasi. Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 18 maxbuus balse 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC ayaa la sii daayay kadib markii la dhaqan-celiyay waxaana hadda gacanta Puntland ku haray saddex maxbuus oo u dhashay gobollada Waqooyi galbeed. Saddexda maxbuus mid kamid ah waa taliye ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Somaliland halka labada kale ay yihiin askar. Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo ka tirsanaa ciidamada Puntland kuwaasi oo dhammaantood ay gacanta ku hayso mana jirin cid ay ka siidaysay Somaliland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo maalinta berriya is-dhaafsanaya maxaabiistii Tukaraq appeared first on Puntland Post.