Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,550
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay maxaabiis Puntland looga qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee labada dhinac is dhaafsanayaan maxaabiista. Maalinta Beri ah oo ay ku beegan tahay Isniin ayaa la shaaciyay in labada dhinac ay is dhaafsan doonaan ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq. Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay qabatay ku dhawaad 15 maxbuus, kuwaasi oo badankood lasii daayay markii ay noqdeen kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag. Somaliland ayaa dhankeeda shaacisay inay qabatay ku dhawaad 14 maxbuus, kuwaasi oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay, iyadoo la sii deyn doono maalinta beri ah. Saddexda Maxaabiis ee ku jira gacanta Puntland ayaa la sheegay in midkood uu yahay sarkaal ka tirsan Milatariga Maamulka Somaliland halka labada kale ay Askaryihiin. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa 8-dii Feb 2018-kii waxaa ay ku dagaallameen Tukaraq, halkaas oo Somaliland ay dagaal kula wareegtay ilaa maantana ka taliso. Waxaa muuqata in hadda xaalada deegaanadaasi ay wanaagsan tahay, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jirtay cabsi dadka deegaanka soo wajahay, kadib markii dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemay deegaanada Sool iyo Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta maamulka deegaanka Garasbaaley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday. Ciidamadii ku sugnaa xaruntaasi ayaa naloo sheegay iney iska difaaceen raggii weerarka kusoo qaaday, iyaga oo gurmad ka helay ciidamo kale oo DFS. Dad ku dhow maamulka Garasbaaley ayaa inoo xaqiijiyey dhaawaca Laba ruux, iyadoo aan lasoo sheegin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay. Weerarkan kadib, ciidamada Booliiska DFS oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana lagu soo qabtay dad badan. Maamulka deegaanka Garasbaaley weli wax faah faahin ah ka bixin weerarkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Shabellaha Dhexe, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore, kadib wareegto uu soo saaray. Waxaa xilkan hayey Cumar Maxamed Cumar, iyadoo loo magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo horay xilkaasi usoo qabtay. Waare ayaa sababta xilkan uu u magacaabay ku sheegay in loo baahan yahay isbedallo iyo in la sameeyo golaha deegaanka Warsheekh. Hoos ka akhriso wareegtada: Source: goobjoog.com
  4. April 17, waa dunida la xusaa maalinta dhirta, Soomaaliyana kama reebana, sanadkan waxaa cusbaa in Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), uu daah-furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero hal milyan oo geed. Haddaba, wuu yaryahay sanad aan abaari ka dillaacin deegaannada xoolaha aynnu ku dhaqanno, roobkii wuu yaraaday, gumaadkii aynnu dhirta ku haynney waxba iskama beddelin, webiyadu marna waa fatahayaan marna way gudhayaan, dhulkii xoolaha ku samcanaa haddiiba uu roob helo biyuhu kuma hakadaan oo waxaa ka samaysmay boholo iyo dooxyo biyaha dhaafiya. Qaylo dhaanta ka imanaysa nabaad guurka dhulka Soomaalidu degto dhammaantii waa isku mid; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti intaba. Su’aashu waxay tahay Soomaalida iyo deegaanka ma colaad guun ah baa ka dhexaysa? Ilaa dadka qaar aamineen meesha Soomaalidu ku badato way kululaataa, waxaana ka kaca dabaylo siigo iyo boodh wata, waxaana markiiba ka baxa dhirta ay ka mid tahay Qudhaca, Maraaga, Galoolka, Cadaadda, Dimcadka, Jeerinka iyo geed inaguba cusub oo loo bixiyey Garanwaa oo belo qabaha aad mooddid in uu yahay ciqaab Soomaalida loo soo diray si la inooga abaal mariyo dhibka aynnu degaanka ku haynno. Qormaddeenna maanta, waxaa xoogga ku saari-doonnaa “Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa? Aniga sawir guud ka bixin doona xiriirka taariikhiga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo geedaha iyo weliba sababta wacyigelin kasta oo la sameeyo ay isu badali la’dahay habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba. Si ka duwan bulshooyinka kale ayay Soomaalidu u jeceshahay in ay isku sawirto meelaha dhirta ama cawska cagaarani ku yaallo. Dadka ka soo muuqda TV yada Soomaalida ee ama shir-jaraaid ka hadlaya ama waraysi kale bixinaya, dadka sawiradooda soo geliya baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet ka iyo dadka ehaladooda ama caruurtooda isla sawira intuba waxay ka midaysanyihiin ama u badanyihiin in ay isku beegaan ama dhex joogsadaan marka ay isa sawirayaan meel doog ama cagaar leh. Soomaalida gudaha dalka ku hadhay iyo kuwa dibadda u baxdayba way ka simanyihiin arintan. Sidoo kale Soomaalida degta deegaanada Soomaali Galbeed ama NDF iyo Djibouti iyaguna waa inala mid. Kulay ku tahay kuwa deggan dhulka xeebta ah ee quruxda badan waxay u badanyihiin in ay isla doontaan meel dhir leh oo ay isku sawiraan. Ilaa aan markii dambe u qaatay anigu in haddiiba aad meel doog leh aragtid ay kugu soo dhacayso in aad sawir isla gaadhid inta aadan ka gudbin. Waxaan is waydiiyey Soomaalidu dadyowga kale miyay ka deegaan jeceshahay? Miyay ka waddanisantahay? Ma dhulkooda ayaa dooggu ku yaryahay oo way ku diimayaan? Ma midabka cagaarka ah ayay midabada kale ka jeceshahay? Ma waxaa ku beeran cuqdad in deegaankoodu yahay saxare aan dhir iyo doog toonna lahayn? Aniga waxay ila tahay in aynnu niyadda ka rumaysannahay ama aynnu qabno cuqdad in aynaan haysan wax kale oo aynnu isku sawirno. Guryaheennu ma qurux badna, jidadkeennu waa wada sandqad iyo buul fool xun oo qaad lagu hoos iibiyo kuwaasoo ku gudban guryaha quruxda badan ee wada muraayadda ah ee dhowaan dalka laga dhisay. Xoolaheennu waqtiga intiisa badan waa caato ama wayd aan ishu qabanayn. Beri dhowayd oo aan tegey magaalada Hargaysa waxaa la ii sheegay in nin dharka iibiya oo dukaankiisa aad u qurxiyey uu ka cabanayo dhalinyarada inta ay soo booqdaan dukaanka isku sawiraya dhexdiisa ama kadinkiisa oo haddana aan waxba ka iibsanayn. Taasaa igu dhalisay fikradda ah in dadkani haddii ay heli lahaayeen suuqyo iyo waddooyin bilic leh in aysan u baahdeen in xilliga roobku da’o ay doogga sawariddooda la sugaan. Haddaad u fiirsatid, Soomaalida dookha iyo doonistaba waxaa kaga jira iska hor-imaad, tusaale ahaan dadka sidaa doogga u jecel deegaanka inay ilaaliyaan iska daaye iyagaa dhibaataada ugu badan ku haya. Arintani waxay salka ku haysaa waagii hore ee miyiga loo badnaa reerka haddii xoolo ka lumaan oo dadka qaarkood helaan xoolihii lumay kuwa kale ee maqan waxaa loo gubi jirey kayn iska dhan si loo ogaysiiyo in xoolihii la helay, waxaa loo yaqaanney “Oog”, Oogtu waxay ahayd baaqa keliya ee dadka marka uusan codkoodu is gaadhayn ay isugu baaqaan. Goynta dhirtu reer miyiga macne badan lama leh, caruurtoodu waaba ku falaaddaa cidina kama celiso, haddana noloshoodu geedkaa uun bayba ku xidhantahay. Deegaanka Soomaalidu way isku dishaa oo waxaa suurtowda in buur yar oo biyo iyo baad midna lahayn labo beelood iskaga dilaan boqolaal ruux, haddana sidaas oo ay tahay deegaanka wax kuma qabto waxna kalama soo baxdo. Deegaanka Soomaalidu degto marka loo eego aduunyada kale wuu ka badanyahay tirada dadka ku nool sidaas oo ay tahay haddana kuma filna oo hadh iyo habeen dadku waa geeddi iyo hayaan. Xilliga barwaaqada daaqa iyo biyuhu waa banqay, muddo yar ka dibna waa oomane iyo abaar aan geed ishu qabato lagu ogayn. Dhir badan bay jarayaan markaasay meel gawaan ah oo aan dhirba lahayn ood uga dhigayaan, dhirta qaar way gubayaan oo dhuxul ka dhigayaan, cawska isaga hadalkiisaba daa. Waxay u muuqdaan ummad wax walba kala boobaysa oo aan cidna wax u hambaynayn. Baddan aynnu goor iyo ayaan adduunka ugu faanno ee ku walacsanno in aanu leenahay xeebta Africa ugu dheer qaylo dhaanteedu kama hinna ta berriga laga soo sheegayo, oo waad la socoteen in la lahaa sun baa lagu aasay iyo haamo aan la aqoon wax ku jira baa xeebaha ku soo caaryey. Sanadihii la soo dhaafay wacyi gelin badan baa ilaalinta deegaanka laga sameeyey, dawladaha ama maamulada dalka ka dhisan waxay wada leeyihiin wasaarado ama hay’ado u qaabilsan ilaalinta deegaanka, hadh iyo habeen waxaa qaylo dhaan laga wadaa deegaankii haddana wax weyni iskama bedelaan habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba. Soomaalidu xoolaha nool way jeceshahay oo wayba isku dilaan, laakiin deegaankii xoolahaasi ku noolaan lahaayeen qiime badan inooguma fadhiyo, waana ta keentay in xoolaheenna tayadooda cad iyo caanaba hoos ugu dhacaan. Taladani waxay igu dhalatay markaan arkay deegaanno badan oo waayo dhowayd dhir fiican lahaa oo maanta aan geed lagu ogayn. Inkasta oo aanan indhowayd tegin dhulkii la odhan jirey Waamo ee dhirta iyo kaymaha lahaa haddana ma filayo in uu ka nasiib badanyahay dhulka intiisa kale. Waxaa Qoray: Ambassador Jaamac Caydiid Email: jamaidid@gmail.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Maamulka Galmudug gaar ahaan wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda dhexe ay burburisay heshiiskii qeybsiga dakhliga Kalluumeysiga ee ka dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo DFS. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ku socota : Safiirka China ee Somalia iyo Cidkasta oo ay quseyso Intii u dhaxaysey November 15, 2018 iyo April 20, 2019, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciyeysey oo ay shati kaluumeysi siisay 31 Shirkadood oo Shirkadaha Shiinaha ah si ay uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya mudo hal sano ah iyada oo la kordhin karo. Sida aad ka warqabtaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Xubnaha ka ah oo ay kamid tahay Galmudug ayaa wada saxiixay heshiis wadaag ah oo lagu qaybsanayo kheradka Somalia oo lagu kala saxiixay Baydhaba, Soomaaliya iyo Addis Ababa, Ethiopia. Haddaba, xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u qeexay in Galmudug State aysan fileynin in ay hesho, saamiga kheyraadka galmudug kaa oo ay wakiil kaga ahayd dadka Galmudug, qaybta dakhliga laga soo ururiyay kirada kalluumeysi ee Shirkadaha Shiinaha ilaa maanta. Waxaan kula talineynaa xafiisyada ay quseyso warqadaani iyo Shirkadaha Shiinaha ee haatan ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha iyo hareeraha Aagga Dhaqaalaha Bada ee Galmudug, Galmudug’s Exclusive Economic Zone (EEZ), in Dowlad Goboleedka Galmudug aysan ka qayb ahayn Heshiisyada khayraadka ee kor ku xusan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha sababaha kor ku xusun dowlad gobaledka Galmudugna qodobada heshiisyadaas ay ugu dambeyntii dib u tirtirtay/ baabi’isay dhammaantood. Sidaa daraadeed, Dhamaan Shirkadaha iyo maraakiibta Shiinaha ee hoos ku xusan waa inay ka fogaadaan Galmudug Zone Economic Zone (EEZ) oo saameyn degdeg ah leh. Waxaan ka fileynaa inay u hoggaansamaan shuruucda u deggan Dowlad Goboleedka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dhiirigelineynaa oo aan ku soo dhaweyneynaa Shirkadaha Kalluumeysiga ee Shiinaha wadashaqeyn toos ah oo u dhexeysa Dowlad gobaledka Galmudug iyo Shirkad kasta oo Shiineys ah ama waddan kale oo raadinaysa danaha wanaagsan ee Galmudug State of Somalia. Source: goobjoog.com
  6. Boosaaso (Caasimada Online)-Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano kala duwan oo ka tirsan Puntland ayaa sababay inay xiranto wadada isku xirta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyo deegaanada kale ee Puntland. Roobabka ayaa jaray laamiga weyn ee xiriiriya magaalada Garowe iyo magaalada Boosaaso, waxaana go’don noqonaya deegaanada kale ee dhanka waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garowe. Masuuliyiinta Puntland ayaa ku dhawaaqay guddi loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan samata bixinta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada xiriiriya Puntland. Roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sababay inay ka dhashaan daadad xoogan oo jaray buuntada weyn ee Midigar, sidoo kale waxaa go’ay bartamaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe. Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay xilligaan qabaan dhibaatyin ku aadan inay Shaqadooda istaagto. Waxaa xiligan oo kale sidoo kale sare u kac laga dareemayaa qiimaha raashiinka, maadaama ay adag tahay in qeybaha kala duwan ee Bagaashka isaga kala gudbaan deegaanada Puntland.
  7. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland iyo guddiga loo xilsaaray gurmadka khasaarihii Roobabku geysteen, ayaa saaka kulan degdeg ah la qaadanaya hay’addaha caalamiga ah, iyagoo lagal [...] Source
  8. Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) is seen in the audience ahead of President Donald Trump's State of the Union address at the U.S. Capitol in Wash., on Feb. 5, 2019. (Mandel Ngan/AFP/Getty Images) Source: Hiiraan Online
  9. Muqdish0 (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo waxyeelo kala duwan geystay. Weerarka oo xalay dhacay ayaa la sheegay inuu daqiiqado badan ka socday deegaanka, iyadoo ciidamada amaanka ee xarunta ku sugnaa iyo maleeshiyaadka ay ku dagaalameen bartamaha deegaanka. Xarunta Degmada Garasbaaleey oo ku taala dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle ayaa weerarka lagu qaaday, waxaana kadib la sheegay in kooxaha weerarka geystay ay u baxsadeen dhanka deegaanka Ceelshada Biyaha. Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu geystay dhaawac soo gaaray mid kamid ah ilaalada xarunta deegaanka, iyadoo aysan shaacin dhanka kale waxyeelada gaartay. Ciidamada ilaalada xarunta deegaanka Garasbaaleey ayaa gurmad ka helay ciidamada Asluubta, waxaana u suuro gashay inay meesha ka eryaan kooxaha weerarka ku qaaday xarunta deegaanka. Ciidamada amaanka ayaa weerarka kadib xaafadaha Garasbaaleey ka bilaabay baaritaano ay amaanka ku xaqiijinayaan, iyadoo aan la ogeyn sababta weerarka ka dambeysay. Majiro cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaleey,hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Andy Ruiz Jr. dethroned British title-holder Anthony Joshua with a stunning seventh-round stoppage at New York's Madison Square Garden on Saturday (Sunday AEST) to become the first Mexican-American world heavyweight champion. Source: Hiiraan Online
  11. MINNEAPOLIS (AP) — Many bilingual high school graduates in Minnesota will be crossing commencement stages this spring with a distinction honoring their proficiency in another language beyond English. Source: Hiiraan Online
  12. Police in Narok have arrested a middle aged man on their terror watch, hours before Madaraka Day fete was marked in the town. Source: Hiiraan Online
  13. Liverpool claim their sixth European Champions League title with 2-0 win over Tottenham Hotspur. Source: Hiiraan Online
  14. A mere promise by Somalia to “revisit” the actions of an international company at the core of maritime dispute between Kenya and Somalia is at the centre of the diplomatic row between the two neighbours. Source: Hiiraan Online
  15. The U.S. Justice Department is preparing to investigate Google to see if it broke an antitrust law, with a focus on accusations the company gave preference to its WATCH: that I'own businesses in searches Source: Hiiraan Online
  16. East African countries moved a step closer to approving a ban on skin-bleaching products. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay ka kooban yihiin ku dhowaad 70 Wasiir markii la isku daro Wasiirada, Wasiiru ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha Xukuumadda Kheyrre oo marar badan lagu sameeyay isbadalo waa-wayn. In badan oo kamid ah Wasiiradii xilka laga qaaday iyo kuwii is-casilay waxay xilalkooda ku waayeen diidmada in ay daacad u noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wasiirada diiday in ay daacad (Nacamleeyaal) u noqdaan Xasan Cali Kheyre ee xilalka laga qaaday waxaa kamid ah Yuusuf Garaad Cumar, Cabdi Faarax Juxa, Khadra Axmed Ducaale, Cabdifitaax Ibraahim Geesey iyo Sheekh Daahir Maxamuud Geelle. Hadda Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa ku jira hal wasiir oo Academic ah islamarkaana aan toos u hoos imaanin Xasan Cali Kheyre ama aan loo amrin sida Wasiirada kaliye ee Dowladda Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo hore u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, ayaa la sheegay in uu yahay wasiirka kaliya ee aan loola dhaqmin Wasiirada kale. Caasimada Online ayaa ogaatay Wasiirka Arimaha dibadda uusan badanaa xaadirin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kulamada Golaha Wasiirada, sidoo kale waxa uu jebiyay amaro badan oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Amarada uu diiday qaadashadooda waxaa kamid ah in uu Ra’iisul Wasaaraha ku wargeliyo markii uu doonayo in uu wareysi bixiyo ama uu soo saaro War-saxaafadeed. Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa iska diiday in uu ka qayb qaato ololayaasha ay ka qayb galaan Golaha Wasiirada ee lagu amaanayo Ra’iisul Wasaaraha markii ay warbaahinta la hadlayaan. Waxyaabaha kale oo ay ogaatay Caasimada Online waxaa kamid ah in Wasiir Cawad uu shirka Golaha Wasiirada ka sheego qaladaadka Xukuumadda, taas oo ah qodob oo aysan wasiirada kale ku dhiiran karin waxaana hore xilalkooda ugu waayay Yuusuf Garaad, Wasiir Juxa iyo Daahir Geelle. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Wasiirka uu toos ugu xiran yahay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, go’aanada uu gaarayana uu ka tala geliyo Madaxweynaha Soomaaliya waqtiyada qaarna la geeyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Shirka golaha Wasiirada balse uusan aheyn sida wasiirada kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa sii xumanaya xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay dowladda Kenya ay qaadaneyso go’aano lagu cadaadinayo Soomaaliya si uga tanaasusho muranka badda iyo dacwadda taallo Maxkamadda ICJ. Kenya waxay qaadatay talaabooyin badan oo aan u wanaagsaneen diblomaasiyadda labada dal, waxayna dadka falanqeeya arimaha siyaaasadda ay ku tilmaameen go’aanada Kenya talaabooyin hor dhac oo ay xigi doonaan go’aano kale sida ka muuqata hab-dhaqanka Kenya. Dowladda Kenya waxay bilaawday in ay barnaamijyo baraarujin iyo kicin dadweyne ah ay ka billaawdo warbaahinta dalkaasi, waxana dhowr Idaacadood iyo Tv-yo ku yaala dalkaasi laga sii daayay doodo mid ah oo ku saabsan muranka badda ee labada dal. Sidoo kale Kenya waxay warbaahinta u furtay in ay toos ula xariiraan Wasaaradda Arimaha dibadda Kenya, si loo siiyo warbixino ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda laba dal. Waxyaabaha kale oo ay Kenya sameysay waxaa kamdi ah in muwaadiniinteeda ay lawadaagto xog iyo faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan xiisadda dowladaha dariska ah. Barnaamijyada ka baxay warbaahinta Kenya waxaa kamid ah su’aal dadweynaha Kenya la waydiiyay oo ah:- Hadii ICJ u go’aamiso Soomaaliya dul badeedka Kenya maxaa la gudboon muwaadiniinta Kenya ? Talaabo nuucee ah ayey kula tahay in dowladda Kenya ay qaado si loo difaaca xuduudaha dalka ? Miyeey sax tahay in Soomaaliya oo kumanaan qaxooti ah halkaan ka joogaan ay ku soo xadgduubto xuduudaha Kenya ? iyo barnaamijyo kale ayaa kamid ah barnaamijyada ay tabinayaan waxrbaahinta Kenya. Kaliya ma ahaan in Soomaaliya ay dhibaatooyin iyo xadgudubyo kala kulmayso Kenya balse waxaa si lamid ah weerar qarsoon iyo mid banaanka yaalaba ku haaya dowladda itoobiya. Laba jeer ayey oo todobaad gudihiis ayey Itoobiya u ku xadgudubtay Soomaaliya mar waxay ka dhigtay gobal hoos yimaada Itoobiya marna waxay sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay dalal yihiin, waxayna dhamaantood ay ahaayeen ku xadgudubka midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Kenya iyo Itoobiyaha ay doonayaan in sidii Israel ay u gumeysato dhulka Falastiin ay u gumeestaan Soomaaliya islamarkaana ay ka aamusan yihiin Dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed. “Kenya iyo Itoobiya waxay doonayaan in sidii Israel ay u gumeysato Falastiin ay u gumeestaan Soomaaliya, dowladda iyo maamul gobaleedyadana waa ka aamusin yihiin dulmiga socda” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Iyadoo ay dowladda Kenya wado kicin dadweyne, warbaahinta dalkaasina ay ka dhigatay marin muwaadiniinta Kenya lagala hadlo. Sidoo kalane ay fur furtay xafiisyadeeda laga heli xogta xiisadda labada dal maxaa aamusiyay Soomaaliya? Miyeysan aheyn in dowladda Soomaaliya aysan colaadsan warbaahinta maadaama arintu ay tahay qadiyad wayn oo qof kasta oo Soomaali ah taabaneyso? Mise tahay in dowladda ay xogta arintaan la wadaagto dadweynaha oo ay hadasho ? su’aalo arintaan ku saabsan ayey Caasimada Online weydiisay Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane oo bare ka ah jaamacado ku yaala magaalada Muqdisho. “Waxyaabaha la yaabka ah ee muuqda waxaa kamid ah in DF-ka ay colaadsatay warbaahintii oo ay aheyd in ay ka dhigato marin ay u adeegsato muranka Kenya oo laga baahiyo barnaamijyo wacyi gelin ah sida ay dowladda Kenya wado” ayuu yiri Professor Cali Saciid Maxamuud Kulane. “Dowladda waa barnaamijkaan dadka u dareensiisaa in uu yahay qadiyad mucaarad iyo muxaafdna uu waajib ka saaran yahay laakiin dowladda waa isku koobtay arintaan balse waa qalad” ayuu Caasimada Online u sheegay Cali Saciid Maxamuud Kulane. Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya bur bur iyo dagaalo sokeeyo waxay wajahayso dhibaatooyin badan oo uga imaanaya dowladaha dariska iyo kuwa kale oo doonaya kheyraadka Alle ku maneestay. Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay aad uga liidato siyaasadda arimaha dibadda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay cadaadiska in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed, ka guul gaaridda muranka kala dhaxeeya madaxda maamul gobaleedyada iyo xogta aysan muwaadiniinteeda la wadaagin. Halka Kenya ay mucaarad iyo muxaafad u midoobeen islamarkaana dowladda ay garab ka dhigatay warbaahinta, siyaasiinta iyo qof kasta oo muwaadin kenyaan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa is bar-bar ku dhig sameeyay qaabka bulshada ay Madaxweynaha u yihiin isugu hayaan Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi. Mustafe Shiine ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awoodi kari waayey in uu isku soo dhaweeyo ilmaadeeradii, marka laga imaadaba bulshada kale ee reer Somaliland. Halka uu Madaxweyne Uhuru ku tilmaamay mid kolba direys u xiranaya siduu u mideyn lahaa malaayiinta uu talada u hayo. Mustafe Shiine ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay kala qeybinta bulshada reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in qaranka Somaliland uusan waxba u noqoneyn muddada kooban ee uu talada hayo. “Ragna malaayiin kala diimaa bay mideyntoodii marba dirays u xidheen, qaarna markay Ilmaadeertii isu laab-xaadhi kari waayeen, ayaa intii kalena ka quusatay oo ay xadhkaha goosatay” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay. Wuxuuna kusii daray “Caqligii lagu waday ee suufka iyo xanjada isku hayay kolkii meesha laga saaray, ayuu ninkii aan niyada iyo qalbiga ka ahaynba fursad u arkay. Taariikhda uun baa kugu sunti “kala diree”, qaranka Somaliland waxba u noqon maayo, mid danaysi kula joogay iyo mid u kala abtiriyay toona, wakhtigu wuu gaaban yahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay inay iska indho tirayso xaaladaha ka taagan deegaanka Badhan, oo ay ka dhago adeygtay baaqyadii loo jeediyey. Xildhibaan Bulqaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa waxa kale oo uu xukuumada ku eedeyay inay sharcigii ku tumatay, isagoona xusay in ciidamada dowladu ay guryaha ugu daatan xildhibaano xasanaad leh oo ay xiraan. Xildhibaanka ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka Saab, wuxuuna yiri “Wax badan ayaan ka hadlay xaaladaha Badhan ka taagan, oo xukuumadu ka dhago adayg-tay oo waliba waxba ka qaban wayday, runtiina maanta waan ku hambalyaynayaa xukuumadu horumarka ay ka gaadhay gobolka sanaag wax kale oo aan maanta yiraahdo majirto”. Wuxuuna intaas kusii daray “Mid kale hadli maayo waayo waa Ramadaane, lakiin waxa la yiri xildhibaanadii guryaha ayaa loogu daadanayaa oo sharcigiiba waa layska laabay oo dastuurkii iyo xasaanadii xildhibaanadu shaqayn mayaan, lakiin wax kale odhan maynee inta sharciga la soo celinayo waanu aamusnaaneyna”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Kooxda laga leeyahay Ingiriiska ee kubadda cagta ee Liverpool ayaa xalay markii 6aad ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ee loo yaqaan UEFA Champions League. Cayaar aad u xiiso badan oo ka dhacday Wanda Metropolitano stadium ee magaalada Madrid, waxaana 2-0 ku badiyey naadiga Liverpool oo ay goolasha u kala dhaliyeen Maxamed Salaax iyo Divock Origi . Waa koobkii 6aad oo noocan oo ay hesho Liverpool, horay waxaa ay ugu guuleysatay Istanbul, 2005, sidoo kale Rome, 1977 iyo 1984, aan raacinno Wembley, 1978, iyo Paris, 1981. Marka koobkan laga hadlayo waxaa ka horeeya kooxda Real Madrid oo heysata 13 iyo Milan oo 7 ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Makka) Ra’isal Wasaraha ugu Saamaynta Baddan Dunidda Islaamka iyo Qaaradda Asia ee Dr’ Mahathir Bin Mohamad oo Dalkiisa Malaysia Ka Dhigay Waddan hodan ah oo ku jira kaalmaha ugu horeeya waddamada horumaray , 32 Million oo Shacabkiisa Ahna Sannadkii ugu Yaraan 32 Kun oo Dollar Per capita Soo Gasho Calaa Qof Waddamada Dunidda iyo Asia ugu Dhaqaalaha Baddan uguna Horrumarsan Ka Dhigay Dalkiisa oo Laba Xili Loo Kala Doortay in uu Dalkiisa Hogaamiyo oo 50 Sanno Dalkiisa ushaqeenayey Ahna Hogaamiyihii ugu Mudadda Dheeraa ee Dalkiisa Soo Maray Caalamul Carbna Miisaan Culus Ku Dhex Leh, Ayaa isaga iyo Xaajiyadiisa Siti Hasmah Kaligood Baytkii Barakaysnaa iyaga oo Bilaa ilaalo ah Dhex Dawaafay.. Halka Meel Dhawr Talaabo ujirta uu Soo Galay Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo aanay Xukuumaddiisu Magaaladda Muqdisho gacanta ku wada haynin dhaqaale ahaana ku tiirsan bulshada adduunka caawimadooda, waxa galbinaayay cutubyo ka tirsan Ciidamadda habmaamuska Dalka Sacuudiga oo ammaankiisa sugaayay, iyagoo isku xeeray intii uu dawaafka cimrada ku jiray. Labadan Sawir Oo siwayn ugu faafay baraha bulshada ayay dadka kaga doodayeen kala duwanaanshaha madaxda Soomaalida iyo kuwa caalamka. Source
  23. (SLT-Qatar) Ciyaartoygii caanka aha ee Maxamuud Soofe Yaasin (Jamaal Gadari ) ayaa Caawa geeriyooday. Jamaal Gadari ayaa kamid aha Xidigihii Xulka kubadda Cagta Togdheer ee sideetamaadki, kadib wuxuu u wareegay Dalka Qatar oo Xulka Dalkaas uu laacib wayn ka noqday. Alle hawnaxariiso Jamaal Gadari wuxuu koobab caalamiya kula guulaystay Xulka kubadda cagata Qatar, muddo kooban ayuu xanuun u jiifay siday warka ku heshay shabakadda Somalilandtoday.com kadibna tii alle ayaa u timi. Dhammaan bahada Somalilandtoday Media Group waxay tacsi u dirayaan bahada Ciyaaraha Somaliland, Gobolka Togdheer iyo eheladii uu ka baxay Jamaal Gadari, marxuumkana alle waxaanu uga baryaynaa Inuu u naxariisto. Source
  24. (SLT-Madrid) Liverpool ayaa markii lixaad ee taariikhda kooxdeeda ku guulaysatay koobka UEFA Champions League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda ay Premier league ka wada ciyaaraan ee Tottenham. Mohamed Salah ayaa daqiiqadii labaad ee ciyaarta goolka furitaanka rekoodhe ku dhaliyay laakiin Origi ayaa noqday xidigii Tottenham kaga oohiyay goolka labaad iyada oo ciyaarta saddex daqiiqo ka hadhsan tahay. Liverpool ayaa ka soo kabsatay guuldaradii xili ciyaareedkii hore ee finalkii Champions league wuxuuna ugu danbayn Klopp awooday in uu dhinac iskaga dhigay habaarkii ka haystay finalkada kulamadii uu Liverpool soo maamulay. Goolhaye Alisson ayaa door layaableh ka qaatay in Liverpool ay koobkan ku guulaysatay isaga oo jamaahiirta Reds iyo Klopp ilaawsiiyay ceebtii Loris Karius ee xili ciyaareedkii hore. SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN: LIVERPOOL (4-3-3): Alisson, Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane. Kaydka: Dejan Lovren, James Milner, Joe Gomez, Daniel Sturridge, Alberto Moreno, Adam Lallana, Alex Oxlade-Chamberlain, Simon Mignolet, Xherdan Shaqiri, Rhian Brewster, Divock Origi, Caoimhin Kelleher. TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Kieran Trippier, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Moussa Sissoko, Harry Winks; Dele Alli, Christian Eriksen, Son Heung-min; Harry Kane. Kaydka: Davinson Sanchez, Erik Lamela, Victor Wanyama, Michel Vorm, Eric Dier, Kyle Walker-Peters, Fernando Llorente, Juan Foyth, Paulo Gazzaniga, Serge Aurier, Lucas Moura, Ben Davies. Daqiiqadii 1 aad REKOODHE!! Tottenham ayaa qaab qalbi jab ah ciyaarta ugu bilaabtay kadib markii uu Sadio Mane kubbad ku helay cidhifka xerada ganaaxa isla markaana uu isku dayay in uu kubbada bixiyo laakiin Sissoko ayaa gacanta si cadaan ah ugu dajiyay taas oo keentay in uu garsooruhu markiiba rekoodhe tilmaamay. Daqiiqadii 2 aad Mohamed Salah ayaa kubbada hor dhigtay goolhaye Hogo Lloris kaas oo darbo xoogan ugu garaacay rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay wuxuuna Salah ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Liverpool markiiba hogaanka kula wareegtay. Tottenham ayaa naxdin iyo murugo ciyaarta ugu bilaabtay laakiin waxay kaga jawaabtay in ay kubbada inta badan cabta ku qabtay isla markaana ay ahayd kooxda inta ugu badan raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd. Waxaa labada kooxoodba laga dareemayay naxdin iyo deganaansho la’aan waxaana qayb wayn ka ahaa maalmaha badan ee ayna kulan ciyaarin iyo saamaynta finalka Champions League. Liverpool ayay ku adkaatay in ay ciyaarto kubbadii quruxda badnayd ee looga bartay halka Tottenham ay ku dhibtoonaysay in ay hal mar tijaabiso goolhaye Alisson qaybtii hore ee ciyaarta. Daqiiqadii 17 aad Alexander-Arnold ayaa ku dhawaaday in uu gool lama filaan ah u keeno Liverpool kadib markii uu meel fog ka beegsaday goolka Tottenham laakiin kubbada halista ku noqon lahayd Lloris ayaa wax yar birta u martay. Ciyaarta ayaa noqotay mid tatiko ahaan u adag in fursad la abuuri karo waxayna Tottenham ahayd kooxda inta ugu badan kubbada maamulaysay balse marka ay ula dhaqaaqdo dhinaca goolka Liverpool ay kubbada qaldayeen ama laga difaacayay. Daqiiqadii 38 aad Andy Robertson ayaa ku dhawaaday in uu indhaha caalamka ku xado gool layaableh kadib markii uu darbo darbo xoogan ka soo tuuray meel xerada ganaaxa Spurs aad uga baxsan laakiin goolhaye Lloris ayaa hal gacan kubbada iskaga saaray. Liverpool ayaa heshay koornayaal badan laakiin waxay awoodi kari waayeen in ay ku dhaliyaan wax goolal ah, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay Tottenham oo aan Alisson tijaabin iyo Reds oo natiijada ilaashatay balse aan wax badan oo kale weerarka ka samayn. Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Tottenham soo laabtay iyada oo doonaysay in ay xal u hesho qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd balse Reds ayaa muhiimada kowaad ka dhigatay in ay hogaanka ciyaarta ilaashato. Sidii qaybtii hore ee ciyaarta waxay wali labada kooxood ku ciyaarayeen tatiko taxadar badan leh waxaana jiray kubbado badan oo la qaldayay gaar ahaan Tottenham oo marka ay weerar gasho kubbada si qalad ah u bixinaysay. Daqiiqadii 58 aad Klopp ayaa go’aan ku gaadhay in uu ciyaarta wax ka badalo wuxuuna saaray Roberto Firmino oo ciyaarta saamayn ku yeelan kari waayay wuxuuna soo galiyay Origi si uu weerarka ugu xoojiyo. Daqiiqadii 62 aad Klopp ayaa badalkiisa labaad ku sameeyay Wijnaldum oo uu khadka dhexe ka saaray wuxuuna soo galiyay James Milner waxayna ciyaartu wali sii ahayd mid adag oo laysku mari laayahay. Daqiiqadii 66 aad Pochettino ayaa u adkaysan kari waayay xaalada ay kooxdiisa Tottenham ku jirtay wuxuuna kaydka ka soo kiciyay xidigii saddexleyda finalka ugu soo saaray Lucas Moura isaga oo ciyaarta ka saray Harry Winks. Mohamed Salah iyo James Milner ayaa Liverpool ciyaarta ka dili karay laakiin waxay lumiyeen fursado fiican waxayna Tottenham wali ka dagaalamaysay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd. Badalka ayaa sii socday wuxuuna Pochettino ciyaarta ka saaray Sissoko oo ahaa xidigii rekoodhaha galay daqiiqadii kowaad waxaana la soo galiyay Eric Dier. Daqiiqadii 82 aad iyo 84 goolhaye Allison ayaa si layaableh kooxdiisa Liverpool koobka ugu badbadiyay isaga oo fursado cajiib ah ka beeniyay Son iyo Christian Erikson si uu kooxdiisa u siiyo fursada ay hogaanka ku sii haysay. Daqiiqadii 87 aad Alla Maxay Waali Ahayd!! Xidiga habeen dhaladka u noqday Liverpool ee Divock Origi ayaa Tottenham ku qalbi jabiyay goolka labaad ee ay Reds baahida wayn u qabtay si ay kalsooni u hesho. Origi ayaa goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Matip oo siiyay kubbad uu xerada ganaaxa ku helay wuxuuna noqday gool ka oohiyay kooxda Tottenham iyo jamaahiirta kooxdeeda. Haddii uu Origi hore uga soo oohiyay Barcelona isla markaana uu ku abuuray xusuus ay ka seexan waayeen muddo dheer, waxa uu markan Tottenham ka dilay rajada ay ku soo laabayeen. Daqiiqadii 90 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Joe Gomez si uu waqtiga ugu dhamaysto wuxuuna saaray Sdaio Mane. Alisson ayaa gool badbaadino fiican ka sameeyay dhamaadkii ciyaarta si uu Tottenham ugu diido in ay wax rajo ahi gasho waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Reds ku dishay rajadii Spurs. Liverpool ayaa markii lixaad ku guulaysato koobka UEFA Champions league waxayna Reds koobka kooxaha Yurub dib ugu soo celisay Anfield oo shan jeer oo hore la keenay. Source