Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,545
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu dagaal culus ka dhex qarxi rabo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka dagan Xaafadda Jaamacadaha. Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ka shidaal qaadanayo Wasaaradda Waxbarashada ayaa dadka dagan Xaafadda Jaamacadaha oo u dhow Seybiyaano u sheegay inay isaga guuraan halkaas muddo 7 Maalin ah oo ku akeyd Shalay. Dadka deegaanka oo u badan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Ilmo ay dhaleyn ayaa arrintaas ka hor imaaday, waxayna Xaafadaha Jaamacadaha noqotay mid ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo farabadan oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay soo weerarto. Caasimadda Online oo la hadashay Taliyaha Ciidamada halkaas ku sugan ayaa sheegay inay kasoo baxeyn furumaha dagaalka AL-Shabaab kadib markii ay maqleyn in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rabaan inay dadka ka saaraan Xaafadda Jaamacadaha oo ah meel ay dagan yihiidn dad aad u farabadan. Taliyaha ayaa sheegay inay dhiigooda u huri doonaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka halkaas dagan oo u badan ilmo ay dhaleen askarta Dowladda ee safka hore kaga jiro dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab. ” Ma aqbali karno in ay nasoo weeraraan ciidamo ka tirsan Dowladda anagoo difaacyo hore ku maqan, waxaana u diyaar garownay dagaal culus oo xataa qaadan karo bilooyin” ayuu yiri taliyahaas oo diiday in magaciisa loo isticmaalo warbaahinta. Ciidamada halkaas ku sugan ayaa qiyaas ahaan gaarayo illaa 200 oo askari oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka iyo Gaadiidka dagaalka. Ciidamadaas ayaa dhufeysyo adag ka sameystay gudaha Xaafadaha sidoo kalana waxayna qoryaha darandooriga u dhaca iyo Sabano la fuuleyn Dabaqyada Xaafadaas sida uu soo arkay wariye ka tirsan Caasimadda Online oo saaka halkaas tagay. Ciidamada halkaas dhufeysyada uga jiro ayaa Xalay diiday inay laamiga Jaamacadaha ka gudbaan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gurmad ahaan ugu socday Xaafadda Garas Baaley oo ay soo weereen Kooxo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna ugu dambeyn ciidamadaas ka wareegeyn dhanka Xoosh. Xaaladda Xaafadaha Jaamacadda ayaa ah mid dagaal, waxaana lagu dhex arkayaa ciidamo badan oo ku jiro difaac adag iyo kuwa kale oo saaran dabaqyada dhaadheer ee halkaas ku yaal. Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin xiisadda halkaas ka taagan, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli aysan dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku qaban Xarumihii horey looga bixiyey dadkii Shacabka oo ilaa hadda haawanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Tirinto, Canada :- Immigrants who failed to declare the existence of a lost family member when they first came to Canada will now get a [...] Source
  3. Dooxa (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  4. Jowhar (SMN) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii looga qaaday Cumar Maxamed Cumar oo ahaa guddoomiyihii maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale isla wareegtadan ayaa waxaa guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loogu magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo horay u soo qabtay xilkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  5. Makka (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay R/Wasaare Ku Xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil. Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  6. Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad oo hadda warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo [...] Source
  7. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Sabtidii xaflad duco ah u qabatay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku shahiiday weerar gaari biimaysan loo adeegsaday oo lala beegsaday gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Daljirka Dahsoon ee Muqdisho 22-kii bishii hore ee May. Wasiirka Maaliyadda, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo hadal ka jeediyay kulanka ducada ayaa sheegay in mabaadiida qaran ee uu dhaqangeliyay Marxuum Xuseen Ceelaabe intii uu ku jiray geedi socodkiisaa qorsheynta , maaliyadda iyo diblomaasiyadda ay dhabbo wanaagsan u xaartay howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Xuseen Ceelaabe Faahiye waxa uu noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda sanadkii 2007. Waxa kale oo uu qabtay xilalka Wasiir ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta ee Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii 2005-2007. Waxa uu noqday muddo 12 sano ka badan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Ceelaabe kama aanu cararin dalka intii uu socday dagaalka sokeeye, magangalyana uma doonan dalal kale, hayeeshee waxa uu doorbiday inuu ku nagaado dalka, oo uu u adeegayay muddo 58 sano, oo ay ku jirto 13 sano oo uu ka howlgalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa uu in badan oo waqtigiisa nololeed ku bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa si daacadnimo ah oo nafhurnimo leh. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa ka sheegay isu imaatinka ducada in Shahiid Xuseen Ceelaabe uu kaalin muuqata ka qaatay iskudubaridka ololaha bani’aadannimo ee Dowladda ay fulisay sanadkii 1974, kaasi oo dib u dejin loogu sameeyay dad ku dhow nus milyan ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi iyo gobollada bartamaha oo loo raray gobollada koonfureed si looga badbaadiyo abaartii darnayd ee loogu magacdaray ”abaartii daba-dheer” ee saamaynta ku yeelatay deegaanno badan oo dalka ka tirsan. Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedka Shahiid Xuseen Ceelaabe, halka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo xubin ka ah Guddi latalin oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Nuur Axmed Wehliye oo lataliye ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Mudane Xuseen Siyaad (Caato) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda ay soo bandhigeen guulaha shahiidka. Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, danjireyaal, qaar ka mid ah Agaasimeyeyaasha Guud ee Wasaaradaha, diblomaasiyiin, shaqaallaha rayidka iyo qaar ka mid ah ehellada shahiidka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- Facebook Twitter View the full article
  8. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Cabdi Waare ayaa hadlay xaaladda Galmudug oo uu sheegay in haatan ay meel adag mareyso. Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan aanay marnaba diyaar u ahayn in Galmudug ay sii ahaato sida ay hadda tahay, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay ku baaqayaan in laga shaqeeyo wanaagga Galmudug. Waare ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyin kusoo kordhay wadada xiriirisa Hiiraan iyo Galgaduud, isaga oo sheegay in ka maamul ahaan aysan u dulqaadaneyn in wadadaasi xiranto. “Dadka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Hiiraan waxa ay walwal ka qabaan xaaladda murugsan oo cakiran oo isku qasan oo ka jirta Galmudug, Koonfur annaga oo saas ula tacaaleyno iney waqooyi inaga xiranto ma yeeleyno, waxa alle iyo wixii ka qeybqaadanaya in meeshaas tafaraaruq ka yimaado, in lagu dagaallamo inuu Shabaab soo galo, in dad walaalo ah is dilaan oo siyaasadeysan, annaga doorasho waxbo nagama gelin, maamul waxbo nagama gelin, jidkaas dhuunteenna waaye, ma aqbaleyno jidkaas inuu xirmo, dadka walaalaha ah ee ku nool Galmudug waxaan ugu baaqeynaa iney si walaaltinimo ah, sidii Soomaalida wax ku dhaqi jirtay, sidii la isku xigay in la fiiriyo, Xamar culeyska ka jira oo xildhibaan, Senator ama dowladda leh waxaan leeyahay ilaahay ka cabsada oo barakada soonka fiiriya, umaddaasi waxay u baahan tahay in la kala dhexgalo, in la qaboojiyo, in la wanaajiyo, uma baahna siyaasad, uma baahna olole doorasho, waxay u baahan tahay dad heshiis ah” ayuu yiri Waare. Ugu dambeyn, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay dib u heshiisiin ee aysan u baahneyn in lasii huriyo xiisadaheeda siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Maamulka Shirkadda DP World ayaa ka warbixiyey markabkii ugu weynaa ee dekedda Berbera ku soo xidha oo xalay soo gaadhey magaaladaas. Markabkan ayaa lagu magacaabaa Sima Sahba ayaa siday alaabooyin Koontiinarro ah, iyada oo ay dejinta alaabtaasi bilaabeen Wiishashka cusub ee ay dhowaan shirkadda DP World keentay dekedda Berbera, maadaama oo aanu markabkani lahayn wiishash. Sida uu ku soo Warramay Weriye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA uga soo warama gobolka Saaxil, Waxaana ugu horayn markabkan iyo shixnadda uu sido ka warbixiyey madaxa hawlgalinta shirkadda DP World ee Dekedda Berbera Cali Ismaaciil, waxaanu sheegay inuu markabkani ka diwaan gashan yahay dalka Sangabuur isla markaana sido shixnad gaadhaysa 2136 oo koontiinar oo uu qaadi doono shixnad intaas u dhiganta, wuxuuna intaa ku daray inay tahay markii u horraysay ee markab noocan oo kale ahi uu ku soo xidho Dekedda Berbera, iyadoo arrintaas ay suurta galisay Wiishashka iyo Taaga cusub ee Dekedda ay ka hirgaliyey shirkadda DPW. Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Yuusuf Cali Nuur oo muddo afartan sanno ah ka shaqaynayey Dekedaha iyo maraakiibta ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee markabkan oo kale uu ku soo xidho Dekedda Berbera, taasna ay keentay horumarka ay muddooyinkii u dambeeyey ku talaabsatay Dekedda Berbera, isagoo tilmaamay in waqtiyadii hore dhib badan lagala kumi jiray rogida shixnadaha ay maraakiibtu sido, balse taasi ay meesha ka baxday, wuxuuna amaanay shirkadda DPW oo uu sheegay inay wax weyn ka qabatay Dekedda intii ay gacanta ku haysay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ayaa waxa waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay weriye Eskinder Fire oo ka tirsan idaacadda VOA, qaybteeda amxaariga, waraysiga oo ay Ingiriisi u turjuntay Idaacadda VOA qaybteeda Ingiriisida, ayaa waxa uu Wargeyska Geeska Afrika waraysigaas u turjumay Af Soomaali, waxaanu waraysigu u dhacay sidan: Su’aal: Sanad guuradii koowad ee raysal wasaarenimadaada waxaad tidhi “qorshahaygu wuxuu yahay oo keliya inaan kor ugu qaado Itoobiya heer sare, baraarujiyo shacabka islamarkaana kor u hinjiyo dal madaxiisu hoos u fooraro. Ma jirto niyad xumo kale oo aan intaas ahayn oo aan leeyahay.” Maxaad uga jeeday hadalkaas? Abiye Axmed: ma aaminsani inay haboon tahay in awoodda lagu sii dhegenaado mudo dheer. Inta aan awoodda hayona, waxaan qabaa inaan u isticmaalo si aan u bedelo nolosha dadka. Balse inta aan ku guda jiro dadaalka ku aadan keenidda is bedel, waxa dhici kara qaladaad- balse niyadayda iyo ficilkaygu waxaay ujeedaan in kor loo qaado Itoobiya. Ajandahaygu maaha inaan isticmaalo kooxo gaar ah, inaan weeraro kooxo gaar ah, ama inaan riixo kooxo gaar ah ama cadaadiyo dadka. Waxa aan ku hawlanahay waaa shaqo kor loogu qaadayo Itoobiya. Taas ayaa ah waxaan rabo, waana taas waxaan qabtaaa. Waxaan si kalsooni ah u odhan karaa inaan wax lug ah ku yeelan doonin dilka dadka ama inaanan uga faa’idi doonin sifo sharci darro ah aniga oo wax kala baxaya jeebabka dadka inta aan hogaanka hayo. Suaal: fariintii aad u dirtay dawladda iyo dadka Eritrea xuskii Maalinta Madax-banaanida Eritrea waxaad sheegtay in Itoobiya diyaar u tahay oo ay ka go’an tahay in si wada jir ah wax looga qabto arimaha weli taagan ee labada dal hortaagan. Maxaay yihiin arimahaas weli taagani? Abiy Axmed: haddii aynu soo qaadano dhibta ka dhex jirta Somaliya iyo Kenya, waxaannu doonaynaa Eritrea iyo Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya inay iska kaashadaan oo ay gacan iska siiyaan sidii arimahaas loo xaliyi lahaa. Waxaaynu ognahay in dhib kasta oo ka dhex jirta Somalia iyo Kenya ay nagu soo fidi karto. Sidaasdarteed, waaxanu doonaynaa inaanu ka wada shaqayno si loo xaliyo. Koonfurta Suudaan waxa ka jira arimo aad u kala duwan. Ma qabno in Itoobiya keliya ay xaliyi karto dhibtaas. Sidoo kale weeye marka ay timaado dhibta ka dhaxaysa anaga iyo Eritrea. Waxa sidoo kale jira dhibaatooyin ka dhexeeya Eritrea iyo dalal kale. Markaa gobolkani waa mid ay ka jiraan dhibaatooyin badan. Balse waxa intaas dheer, in gobolkani yahay mid doonaya inuu u dhaqaaqo dhinaca is dhexgalka. Su’aal: xuduudda u dhaxasya labada dal (Eritrea iyo Itoobiya) ilaa maanta way xidhan tahay. Xaaladdu waa sidee hada? Abiy Axmed: markii geedi socodka nabadda ee labada dhinac uu bilaabmay, waxaaynu aragnay in xuduudii laga furay labada dhinac ba si balaadhan. Waxaynu odhan karnaa dadku labada dhinacba way u qulqulayeen – ma ahayn sidii dalal shisheeye oo kale, balse dhaqdhaqaaqu wuxuu la mid ahaa kuwa ka dhex dhaca dal gudihiisa. Ma jirin badhitaan adagi. Dad badan ayaa halkan iyo halkaas ba u socday. Balse taas oo keliya ma ahayn. Xubnaha mucaaradka Itoobiya ee saldhigoodu ahaa Eritrea ayaa ku soo noqday Itoobiya, xubnihii mucaaradka Eritrea ee saldhigoodu ahaa Itoobiya ayaa iyana ku noqday Eritrea. Waxa loo baahan yahay inuu jiro hanaan baadhitaan iyo hanaan kastam oo wax lagu hubiyo. Waxaanu markaas u baahanahay awoodaas si ay suurtagal u noqoto in la ogaado waxa ay dadku soo gelinayaan [dalka] iyo waxa ay ka saarayaan. Waxa jira walaac ah in hadii laga dhigo xadka meel furan oo aan waxba lagu baadhin inay adkaanayso in laga hortago dhibaatooyinka. Waxaanu doonaynaa inaanu hubino in hadii ay dadku ka tegayaan Itoobiya oo ay aadayaan Eritrea ama ay ka imanayaan Eritrea oo ay ku soo socdaan Itoobiya, inay u socdaan nabad, horumar iyo dalxiisa. Su’aal: marka la eego dhinaca is bedelka Itoobiya iyo dib-u-habaynta shuruucda , dadka qaar waxaay leeyihiin hadii talaabooyinka la qaaday ay yihiin kuwo ku filan in la arki ahaa natiijadood. Balse maadaama oo talaabooyinka la qaaday aanay ku filnayn waxa aynu aragnaa waa isla arimihii hore u jiray oo iska sii socda. Maxaad kaga jawaabaysaa? Abiy Axmed: dadka oo dhan waa in loola dhaqmaa si isku mid ah sharciga hortiisa. Waa inaaan marna loo isticmaalin aar goosi. Marka aynu ixtiraamno isku xukunka sharciga, waa inay taas waafaqdaa. Marka dawladdu ay qaado talaabo, waxa jira qaar odhanaya go’aankan waxa qaatay qof ka soo jeeda qoomiyadayda ama bulshadayda. Ilaa fekerka caynkaas ahi uu dhamaado ama dabar go’, waxaay halis gelinaysaa suurtagalnimada in la ilaaliyo isku xukunka sharciga. Sanadkii hore gudihiisa, waxa jiray dad badan oo ay ahayd in la xidho. Kumanaan ayaa xabsiyada ku jira oo ku eedaysan amniga qaranka, musuqmaasuq iyo baro-kicin iwm. Ma jirto baahi loo qabo in dad faro badan xaaladaas la geliyo, sababta oo ah waxaanu doonaynaa inaanu hoos u dhigno dembiga ee ma doonayno inaanu maxaabiis soo kordhino. Balse weli waxa jira dad dacwado kaga socdaan heer federal iyo heer gobol. Sababtu maaha inaanaan talaabooyin qaadayn, ee waxa sababtu tahay inaanu awoodda saarnay la dagaalanka dembiyada culculus. Dhinaca kale, hadii aynaan fahmin in sharciga lagu dhaqo dadkoo dhan si siman, ma yeelanayno mustabal waara. Source
  11. Wasiir Dhabancad 7 April 2019 Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad oo hadda warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay khasaaraaha ka dhashay roobab xooggan oo maalmahan ka da’ayay degaannada Puntland. Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (biriq) ay tureen roobab mahiiggaana oo ka da’ay gobollada Nugaal iyo Sanaag saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale wuxuu sheegay in 100 qoys ay ku xoola beeleen roobabkaasi halka ay go’een ilaa 17 waddo oo ku yaalla gobollada Nugaal iyo Sanaag. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Puntland oo war ka soo saartay khasaaraha roobabka appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa ka hadlay Maxaabista Somaliland ee Puntland u xidhan, xilli Somaliland fasaxday Maxaabiistii Puntland ee u xidhayd, waxaanu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Maxaabiista Somaliland ee Puntland u xidhan in la soo dayn doono. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, ismarin waaga XIsbiyada Qaranka iyo Beesha Caalamka, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay anaga oo wax ka weydiinay sababta keentay in ilaa hadda Puntland soo dayn weydo Maxaabiista Somaliland ee u xidhayd, “Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, talaabo aad iyo aad u wanaagsan, oo gobonimo leh ayuu qaaday, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuna aad bay u soo dhaweeyeen go’aanka uu ka qaatay Maxaabistii Puntland, inaguna aad iyo aad baynu ugu rajo weynahay oo boqolkiiba boqol weynu ku kalsoon nahay inay Puntland inoo soo dayso Maxaabiista ay inaga haysto”. Mar uu ka hadlaayey Doorashada, ismarin waaga Xisbiyada iyo Beesha Caalamka, ayaa wuxuu yidhi “Beesha Caalamku aad bay u doonaysaa inay Doorashadu inoo qabsoonto, Doorashada oo inoo dhacdana danteena ayaa ku jirta, Beesha Caalamka, gaar ahaana Wadamada inaga caawiya Doorashadu waa u diyaar inay Doorashadeena inoo qabtaan, Xisbiyada kulmiye iyo UCID waa u diyaar Doorashada inay galaan, laakiin Xisbiga Waddani ayaa ilaa hadda aan diyaar u ahayn, oo jawaab laga sugayaa, markaas Xisbiga Waddani-na waxaanu ku rajo weyn nahay inay Doorashada ogolaadaan, Doorashada oo sidii loogu tagalay inoo qabsoontana wax badan iyo faa’iido ayey inoo leedahay, waxayna keenaysaa in geedi socodkeena Dimuqraadiyadeeda ay sare u sii qaado, Doorashada oo inoo dhacdana cid kale ama Wadan kale dani uma ah ee inaga Somaliland ahaan ayey dani inoogu jirtaa”. Source
  13. (SLT-Riyadh)-Qoyska wariyihii Sacuudiga ee lagu dilay dalka Turkiga 2-dii bishii October ee sannadkii hore ayaa wali ka sabri la inay helaan Meydka Wiilkooda. Allaha u Naxariisto Jamal Khashoggi ayaa maalintaa galay dhismaha Qunsuliyada ee Sacuudiga ee magaalada Istanbul si uu u soo qaato shahaado cadeyn u ah in ay kala tageen xaaskii Hore. Iyadoo 2-da bishan June ay u gali doonto bishii sagaalaad markii la dilay wariyaha ayaa hadane xubno ka mid ah qoyskiisa sheegeen in meel uun loogu sheego meydka Jamal si ay ugu Sabraan. Inkasta oo walaacaan bilo kadib uusan dhamaan ayaa hadane xukuumada Ankara qabtaa in aashito lagu burburiyay meydka Saxafigaan. Mudo baadi goob loogu jiray raqda iyo ruuxda Saxafigaan ayaa ugu danbeyn dowlada Turkiga shaacisay in lagu dhexdilay dhismaha Qunsuliyada. Wariyahaan oo ka howlgalayay majalada Washington Post ee dalka Mareykanka ayaa marar badan dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee Boqortooyada Sacuudiga. Qorshaha dilkaan oo Turkiga sheegay in ay ku lug lahaayeen 15 nin oo loo tababaray dilka Khashogi oo tagay Sacuudiga ayaa lagu tuhmayaa in uu amray dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan. Balse dowlada Sacuudiga ayaa diiday eedaan waxaana ay sheegtay in dhowr iyo toban la tuhme ay u qabatay ayna Maxkamadeyn Doonto. Turkiga ayaa diiday qorshaha dowlada Riyaad waxaana uu ka dalbaday hadii daacad uu yahay in uu ku soo wareejiyo ragga la tuhmayo si dalkiisa loogu Maxkamadeeyo. Dadaalo ay galeen hey,adaha qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo dowlada Turkiga oo lagu cadaadinayo Sacuudiga ayaa noqon waayay kuwa mira Dhala. Source
  14. (SLT- Quneytra)-3 Askari ayaa geeriyootay, 7 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Millateriga Israel madaafiic ku garaacday 3 fadhiisin Ciiddan oo ku yaalla Gobalka Quneytra ee Bariga dalka Suuriya. Warbaahinta Dowladda Syria ayaa saakayto sheegtay inay Ciiddanka iska caabiyeen Duqymo ay Ciiddanka Israel geysteen, iyadoo ay Ciiddanka Difaaca Syria hawada ku burburiyeen Gantaal ay Israel Waaberigii hore ee saakayto ku soo ganeen Koonfurta Caasimadda Syria ee Dimishiq. Ilo Millateri ayaa u sheegay WakaalladdaWararka Syria ee SANA inay duqeymahaasi ka soo dhacaeen qeybta ay Milliteriga Israel ka joogaan dhanka Buuraha Golan Haytis Dhanka kale, Millateriga Israel waxay xaqiijiyeen inay duqeeyeen bar-tilmaameedyo ay Milliteriga Syria lahaayeen, oo kala ahaa Saldhig ay Lidka Diyaaradaha yaalleen, Xarumo Sirdoon iyo goobo wax laga ilaaleeyo. Afhayeen u hadlay Millateriga Israel ayaa sheegay in duqeymahaasi looga jawaab celinayey 2 Madfac o oay ciiddanka Syria la beegsadeen Degmadda Hermoon ee Waqooyiga Buuraha Golan Haytis. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug gaar ahaan wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda dhexe ay burburisay heshiiskii qeybsiga dakhliga Kalluumeysiga ee ka dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo DFS. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ku socota : Safiirka China ee Somalia iyo Cidkasta oo ay quseyso Intii u dhaxaysey November 15, 2018 iyo April 20, 2019, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciyeysey oo ay shati kaluumeysi siisay 31 Shirkadood oo Shirkadaha Shiinaha ah si ay uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya mudo hal sano ah iyada oo la kordhin karo. Sida aad ka warqabtaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Xubnaha ka ah oo ay kamid tahay Galmudug ayaa wada saxiixay heshiis wadaag ah oo lagu qaybsanayo kheradka Somalia oo lagu kala saxiixay Baydhaba, Soomaaliya iyo Addis Ababa, Ethiopia. Haddaba, xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u qeexay in Galmudug State aysan fileynin in ay hesho, saamiga kheyraadka galmudug kaa oo ay wakiil kaga ahayd dadka Galmudug, qaybta dakhliga laga soo ururiyay kirada kalluumeysi ee Shirkadaha Shiinaha ilaa maanta. Waxaan kula talineynaa xafiisyada ay quseyso warqadaani iyo Shirkadaha Shiinaha ee haatan ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha iyo hareeraha Aagga Dhaqaalaha Bada ee Galmudug, Galmudug’s Exclusive Economic Zone (EEZ), in Dowlad Goboleedka Galmudug aysan ka qayb ahayn Heshiisyada khayraadka ee kor ku xusan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha sababaha kor ku xusun dowlad gobaledka Galmudugna qodobada heshiisyadaas ay ugu dambeyntii dib u tirtirtay/ baabi’isay dhammaantood. Sidaa daraadeed, Dhamaan Shirkadaha iyo maraakiibta Shiinaha ee hoos ku xusan waa inay ka fogaadaan Galmudug Zone Economic Zone (EEZ) oo saameyn degdeg ah leh. Waxaan ka fileynaa inay u hoggaansamaan shuruucda u deggan Dowlad Goboleedka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dhiirigelineynaa oo aan ku soo dhaweyneynaa Shirkadaha Kalluumeysiga ee Shiinaha wadashaqeyn toos ah oo u dhexeysa Dowlad gobaledka Galmudug iyo Shirkad kasta oo Shiineys ah ama waddan kale oo raadinaysa danaha wanaagsan ee Galmudug State of Somalia.
  16. (SLT-Washington)-Dhamaan dadka dalbanaya dal ku galka Mareykanka ayay tahay in ay soo gudbiyaan faah-faahinta ay baraha bulshada ku isticmaalaan, sharcigaasi ayaa goor dhaw dhaqan galay. Waaxda sharciyada Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadka soo gudbiyaan magacyada ay baraha bulshada ku isticmaalaan iyo email aderees-yadooda oo ilaa muddo shan sanadood ah shaqeeynayay iyo sidoo kale telefoon nambaradooda. Markii sannadkii hore la soo saaray sharcigaan ayay maamulku sheegeen in uu saameyn ku yeelan doonto 14.7 million oo qof sannadkiiba. Balse sharcigan cusub ayaan saameyn doonin saraakiisha iyo diblomaasiyiinta doonaya in ay u safraan Mareykanka. “Waxaan markasta ka shaqeeyn doonnaa hababkii lagu hormarin lahaa geedi socodka baaritaanadeena, kuwaasi oo an ku difaaceeyno muwaadiniinteena,” ayay waaxda sheegtay. Markii hore waxa baaritaanka noocaan ahi mari jiray dadka laga shakiyo oo baaritaan dheeraad u baahda, kuwaasi oo ka yimaada waddamada ay maamulaan ururada argagixisada. Balse haatan qofkasta oo dalbada dal ku galka Mareeykanka ayuu qabanayaa sharcigaan. Qof kastaa oo ka been sheegana macluumaadkiisa waxa uu la kulmaayaa “ganaaxyo adag oo dhanka socdaalka ah”, sida laga soo xigtay sarkaal la hadlay warbaahinta Hill. Maamulka Trump ayaa markii ugu horeeysay sharcigaan soo jeediyay bishii Maarso ee 2018-kii. Madaxweynaha Mareykanka ayaa isbedel xoog leh ku sameeyay socdaalka oo ka mid ahaa qodobadii ugu waaweynaa ololihiisii lagu soo doortay sannadkii 2016-kii. Source
  17. (SLT-Washington)-Dowlada Mareykanka iyo kooxda Talibaan ayaa dib u bilaabi doono wadahadalo cusub bishaan kaasi oo lagu qaban doono magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Arrintaan ayaa waxaa xaqiijisay waaxda Arimaha dibeda Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in isfaham laga gaadho wadahadalada nabadeed ay soo afjari doonto colaada 17-dii sanno ee la soo dhaafay ka socda dalka Afghanistaan. Zalmay Khalilzad, oo ah siyaasi rug cadaa ah ayaa dowlada Mareykanka u matali doona wadahadalkaan Markale. Khalilzad ayaa ka ambabaxay Mareykanka waxaana 17-da maalin ee soo socota uu socdaal ku mari doonaa wadamada Afghanistan, Pakistan, Germany, Belgium iyo Imaaraadka sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda Arimaha Dibeda. Siyaasigaan ayaa lix mar kulan la qaatay xubno ka tirsan Ururka Taalibaan waxaana ay ka wada hadleen amniga Afghanistaan. Ururka Taalibaan ayaa doonaya in ciidanka Mareykanka ay iskaga baxaan dalka Afghanistaan. Source
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-02062019-bb.mp3 View the full article
  19. Roobab laxaad leh oo labadii cisho ee u dambeeyay ka da’ayey gobolka togdheer ayaa waxa ay gooyeen biriij lugeed uu madaxweynaha somaliland dhagax-dhigay oo ay dhisaysay dawlada hoose ee Burco oo cusub oo dhowaan uun farta laga qaaday dhismihiisa. Biriijka loogu talogalay in dadka lugaynayaa ka talaabaan ayaa waxa laga dhisay meel caan ah oo loo yaqaano ceel-gooni oo dadku aad uga talaabi jireen, waxaana la furay oo la dhamaystiray maalmo dhaweyd oo ay ka soo wareegtay mudo aan ka badnayn afartan iyo shan cisho ka hor. Marka la rog-rogay waxa sababay in uu biriij cusubi dumo ayaa ah wax aan umada ka qarsoonayn, oo ah hantida umadu leedahay in aan loo ilaalinayn looguna dhisayn wax wanaagsan oo ay dadku munaafacaadsadaan mudo badan oo dambe , ee ah uun gole kaga kac iyo wax baan qabtay aan jirin oo indhaha umada la isaga jeedinayo. Waxqabad la’aanta ay umadu kala kulantay goleyaasha deegaanada dalka intooda ugu badan waxa ka daran tayo xumida marka ay is yidhaahdaan wax qabta iyo waxa ay dhisayaan oo ah indhaha dadka uun tus in aad wax dhisaysaan laakiin waxa ay dhisayaan iyo waxa ay ku dhisayaanba in umadu leedahay oo waxooga wax wanaagsan loo galiyo oo tayo leh aanay kuba jirin. Waxa jirtay in bari dhawayd bulshadu ku baraarugtay bal in goleyaasha deegaanada oo mudo todoba sano ah fadhiyey waxa ay qabteen iyo waxa ay soo kordhiyeen wax la iska weydiiyo , mayorka Burco waxa uu indhihii umadda isaga jeediyey in uu eedeeyo madaxwayne geeriyooday wakhti hore oo uu ka dhigo nin reereed oo gobolo gaar ah dhaqaale iyo cashuur u xidhay. Dadkeena oo aan waxba hubsani waxa ay qaateen hadalkii noocaas ahaa waxaana ay iloobeen in lala xisaabtamo mayorka iyo golaha deegaanka Burco oo la yidhaahdo maxaad umada u qabateen mudadaa aad meesha fadhideen , waana mid xaq loogu lahaa in la weydiiyo. Dadka waxooga wax wanaagsan ha loogu qabto Bilahi Calayk . Muhamed Dhimbiil Image Image Qaran News
  20. Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay maxaabiis Puntland looga qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee labada dhinac is dhaafsanayaan maxaabiista. Maalinta Beri ah oo ay ku beegan tahay Isniin ayaa la shaaciyay in labada dhinac ay is dhaafsan doonaan ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq. Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay qabatay ku dhawaad 15 maxbuus, kuwaasi oo badankood lasii daayay markii ay noqdeen kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag. Somaliland ayaa dhankeeda shaacisay inay qabatay ku dhawaad 14 maxbuus, kuwaasi oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay, iyadoo la sii deyn doono maalinta beri ah. Saddexda Maxaabiis ee ku jira gacanta Puntland ayaa la sheegay in midkood uu yahay sarkaal ka tirsan Milatariga Maamulka Somaliland halka labada kale ay Askaryihiin. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa 8-dii Feb 2018-kii waxaa ay ku dagaallameen Tukaraq, halkaas oo Somaliland ay dagaal kula wareegtay ilaa maantana ka taliso. Waxaa muuqata in hadda xaalada deegaanadaasi ay wanaagsan tahay, waxaana maalmihii ugu dambeeyay jirtay cabsi dadka deegaanka soo wajahay, kadib markii dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemay deegaanada Sool iyo Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  21. Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta maamulka deegaanka Garasbaaley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday. Ciidamadii ku sugnaa xaruntaasi ayaa naloo sheegay iney iska difaaceen raggii weerarka kusoo qaaday, iyaga oo gurmad ka helay ciidamo kale oo DFS. Dad ku dhow maamulka Garasbaaley ayaa inoo xaqiijiyey dhaawaca Laba ruux, iyadoo aan lasoo sheegin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay. Weerarkan kadib, ciidamada Booliiska DFS oo halkaasi gaaray ayaa sameeyey howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana lagu soo qabtay dad badan. Maamulka deegaanka Garasbaaley weli wax faah faahin ah ka bixin weerarkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Shabellaha Dhexe, isaga oo xilkii ka qaaday guddoomiyahii hore, kadib wareegto uu soo saaray. Waxaa xilkan hayey Cumar Maxamed Cumar, iyadoo loo magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo horay xilkaasi usoo qabtay. Waare ayaa sababta xilkan uu u magacaabay ku sheegay in loo baahan yahay isbedallo iyo in la sameeyo golaha deegaanka Warsheekh. Hoos ka akhriso wareegtada: Source: goobjoog.com
  23. April 17, waa dunida la xusaa maalinta dhirta, Soomaaliyana kama reebana, sanadkan waxaa cusbaa in Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), uu daah-furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero hal milyan oo geed. Haddaba, wuu yaryahay sanad aan abaari ka dillaacin deegaannada xoolaha aynnu ku dhaqanno, roobkii wuu yaraaday, gumaadkii aynnu dhirta ku haynney waxba iskama beddelin, webiyadu marna waa fatahayaan marna way gudhayaan, dhulkii xoolaha ku samcanaa haddiiba uu roob helo biyuhu kuma hakadaan oo waxaa ka samaysmay boholo iyo dooxyo biyaha dhaafiya. Qaylo dhaanta ka imanaysa nabaad guurka dhulka Soomaalidu degto dhammaantii waa isku mid; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti intaba. Su’aashu waxay tahay Soomaalida iyo deegaanka ma colaad guun ah baa ka dhexaysa? Ilaa dadka qaar aamineen meesha Soomaalidu ku badato way kululaataa, waxaana ka kaca dabaylo siigo iyo boodh wata, waxaana markiiba ka baxa dhirta ay ka mid tahay Qudhaca, Maraaga, Galoolka, Cadaadda, Dimcadka, Jeerinka iyo geed inaguba cusub oo loo bixiyey Garanwaa oo belo qabaha aad mooddid in uu yahay ciqaab Soomaalida loo soo diray si la inooga abaal mariyo dhibka aynnu degaanka ku haynno. Qormaddeenna maanta, waxaa xoogga ku saari-doonnaa “Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa? Aniga sawir guud ka bixin doona xiriirka taariikhiga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo geedaha iyo weliba sababta wacyigelin kasta oo la sameeyo ay isu badali la’dahay habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba. Si ka duwan bulshooyinka kale ayay Soomaalidu u jeceshahay in ay isku sawirto meelaha dhirta ama cawska cagaarani ku yaallo. Dadka ka soo muuqda TV yada Soomaalida ee ama shir-jaraaid ka hadlaya ama waraysi kale bixinaya, dadka sawiradooda soo geliya baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet ka iyo dadka ehaladooda ama caruurtooda isla sawira intuba waxay ka midaysanyihiin ama u badanyihiin in ay isku beegaan ama dhex joogsadaan marka ay isa sawirayaan meel doog ama cagaar leh. Soomaalida gudaha dalka ku hadhay iyo kuwa dibadda u baxdayba way ka simanyihiin arintan. Sidoo kale Soomaalida degta deegaanada Soomaali Galbeed ama NDF iyo Djibouti iyaguna waa inala mid. Kulay ku tahay kuwa deggan dhulka xeebta ah ee quruxda badan waxay u badanyihiin in ay isla doontaan meel dhir leh oo ay isku sawiraan. Ilaa aan markii dambe u qaatay anigu in haddiiba aad meel doog leh aragtid ay kugu soo dhacayso in aad sawir isla gaadhid inta aadan ka gudbin. Waxaan is waydiiyey Soomaalidu dadyowga kale miyay ka deegaan jeceshahay? Miyay ka waddanisantahay? Ma dhulkooda ayaa dooggu ku yaryahay oo way ku diimayaan? Ma midabka cagaarka ah ayay midabada kale ka jeceshahay? Ma waxaa ku beeran cuqdad in deegaankoodu yahay saxare aan dhir iyo doog toonna lahayn? Aniga waxay ila tahay in aynnu niyadda ka rumaysannahay ama aynnu qabno cuqdad in aynaan haysan wax kale oo aynnu isku sawirno. Guryaheennu ma qurux badna, jidadkeennu waa wada sandqad iyo buul fool xun oo qaad lagu hoos iibiyo kuwaasoo ku gudban guryaha quruxda badan ee wada muraayadda ah ee dhowaan dalka laga dhisay. Xoolaheennu waqtiga intiisa badan waa caato ama wayd aan ishu qabanayn. Beri dhowayd oo aan tegey magaalada Hargaysa waxaa la ii sheegay in nin dharka iibiya oo dukaankiisa aad u qurxiyey uu ka cabanayo dhalinyarada inta ay soo booqdaan dukaanka isku sawiraya dhexdiisa ama kadinkiisa oo haddana aan waxba ka iibsanayn. Taasaa igu dhalisay fikradda ah in dadkani haddii ay heli lahaayeen suuqyo iyo waddooyin bilic leh in aysan u baahdeen in xilliga roobku da’o ay doogga sawariddooda la sugaan. Haddaad u fiirsatid, Soomaalida dookha iyo doonistaba waxaa kaga jira iska hor-imaad, tusaale ahaan dadka sidaa doogga u jecel deegaanka inay ilaaliyaan iska daaye iyagaa dhibaataada ugu badan ku haya. Arintani waxay salka ku haysaa waagii hore ee miyiga loo badnaa reerka haddii xoolo ka lumaan oo dadka qaarkood helaan xoolihii lumay kuwa kale ee maqan waxaa loo gubi jirey kayn iska dhan si loo ogaysiiyo in xoolihii la helay, waxaa loo yaqaanney “Oog”, Oogtu waxay ahayd baaqa keliya ee dadka marka uusan codkoodu is gaadhayn ay isugu baaqaan. Goynta dhirtu reer miyiga macne badan lama leh, caruurtoodu waaba ku falaaddaa cidina kama celiso, haddana noloshoodu geedkaa uun bayba ku xidhantahay. Deegaanka Soomaalidu way isku dishaa oo waxaa suurtowda in buur yar oo biyo iyo baad midna lahayn labo beelood iskaga dilaan boqolaal ruux, haddana sidaas oo ay tahay deegaanka wax kuma qabto waxna kalama soo baxdo. Deegaanka Soomaalidu degto marka loo eego aduunyada kale wuu ka badanyahay tirada dadka ku nool sidaas oo ay tahay haddana kuma filna oo hadh iyo habeen dadku waa geeddi iyo hayaan. Xilliga barwaaqada daaqa iyo biyuhu waa banqay, muddo yar ka dibna waa oomane iyo abaar aan geed ishu qabato lagu ogayn. Dhir badan bay jarayaan markaasay meel gawaan ah oo aan dhirba lahayn ood uga dhigayaan, dhirta qaar way gubayaan oo dhuxul ka dhigayaan, cawska isaga hadalkiisaba daa. Waxay u muuqdaan ummad wax walba kala boobaysa oo aan cidna wax u hambaynayn. Baddan aynnu goor iyo ayaan adduunka ugu faanno ee ku walacsanno in aanu leenahay xeebta Africa ugu dheer qaylo dhaanteedu kama hinna ta berriga laga soo sheegayo, oo waad la socoteen in la lahaa sun baa lagu aasay iyo haamo aan la aqoon wax ku jira baa xeebaha ku soo caaryey. Sanadihii la soo dhaafay wacyi gelin badan baa ilaalinta deegaanka laga sameeyey, dawladaha ama maamulada dalka ka dhisan waxay wada leeyihiin wasaarado ama hay’ado u qaabilsan ilaalinta deegaanka, hadh iyo habeen waxaa qaylo dhaan laga wadaa deegaankii haddana wax weyni iskama bedelaan habdhaqanka dadkeenna miyi iyo magaalaba. Soomaalidu xoolaha nool way jeceshahay oo wayba isku dilaan, laakiin deegaankii xoolahaasi ku noolaan lahaayeen qiime badan inooguma fadhiyo, waana ta keentay in xoolaheenna tayadooda cad iyo caanaba hoos ugu dhacaan. Taladani waxay igu dhalatay markaan arkay deegaanno badan oo waayo dhowayd dhir fiican lahaa oo maanta aan geed lagu ogayn. Inkasta oo aanan indhowayd tegin dhulkii la odhan jirey Waamo ee dhirta iyo kaymaha lahaa haddana ma filayo in uu ka nasiib badanyahay dhulka intiisa kale. Waxaa Qoray: Ambassador Jaamac Caydiid Email: jamaidid@gmail.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Maamulka Galmudug gaar ahaan wasaaradda Kalluumeysiga ee maamulkaasi ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda dhexe ay burburisay heshiiskii qeybsiga dakhliga Kalluumeysiga ee ka dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo DFS. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ku socota : Safiirka China ee Somalia iyo Cidkasta oo ay quseyso Intii u dhaxaysey November 15, 2018 iyo April 20, 2019, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciyeysey oo ay shati kaluumeysi siisay 31 Shirkadood oo Shirkadaha Shiinaha ah si ay uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya mudo hal sano ah iyada oo la kordhin karo. Sida aad ka warqabtaan, Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Xubnaha ka ah oo ay kamid tahay Galmudug ayaa wada saxiixay heshiis wadaag ah oo lagu qaybsanayo kheradka Somalia oo lagu kala saxiixay Baydhaba, Soomaaliya iyo Addis Ababa, Ethiopia. Haddaba, xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u qeexay in Galmudug State aysan fileynin in ay hesho, saamiga kheyraadka galmudug kaa oo ay wakiil kaga ahayd dadka Galmudug, qaybta dakhliga laga soo ururiyay kirada kalluumeysi ee Shirkadaha Shiinaha ilaa maanta. Waxaan kula talineynaa xafiisyada ay quseyso warqadaani iyo Shirkadaha Shiinaha ee haatan ka shaqeeya kalluumeysiga gudaha iyo hareeraha Aagga Dhaqaalaha Bada ee Galmudug, Galmudug’s Exclusive Economic Zone (EEZ), in Dowlad Goboleedka Galmudug aysan ka qayb ahayn Heshiisyada khayraadka ee kor ku xusan ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha sababaha kor ku xusun dowlad gobaledka Galmudugna qodobada heshiisyadaas ay ugu dambeyntii dib u tirtirtay/ baabi’isay dhammaantood. Sidaa daraadeed, Dhamaan Shirkadaha iyo maraakiibta Shiinaha ee hoos ku xusan waa inay ka fogaadaan Galmudug Zone Economic Zone (EEZ) oo saameyn degdeg ah leh. Waxaan ka fileynaa inay u hoggaansamaan shuruucda u deggan Dowlad Goboleedka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku dhiirigelineynaa oo aan ku soo dhaweyneynaa Shirkadaha Kalluumeysiga ee Shiinaha wadashaqeyn toos ah oo u dhexeysa Dowlad gobaledka Galmudug iyo Shirkad kasta oo Shiineys ah ama waddan kale oo raadinaysa danaha wanaagsan ee Galmudug State of Somalia. Source: goobjoog.com