-
Content Count
208,545 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT- Cardiff)-Booliska Magaalada Cardiff ayaa Xabsiga u taxaabay laba dhallinyaro ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Dhibaataynayeen Dad ku sugnaa Masaajid ku yaalla Halkaasi. Dhallinyarada la xidhay oo 18 iyo 19 jirro ah ayaa Xarun lagu Magacaabo Dar Ul Isra oo ku taalla Magaalada Cardiff isla-markaana Masaajidku qayb ka yahay ka sameeyay Rabshad ay ku cabsi-geliyeen Dadkii doonayey inay tukadaan. Falkan oo dhacay 01:30 habeennimo ee Axaddii ayaa waxa si wada jir ah uga hadlay Maamulka Dar Ul Isra iyo Guddiga Muslimiinta Gobolka Wales, waxayna sheegeen in dhibaatada ay geysteen dhallinyaradaasi aanay keenin wax dhaawac ah “Cid ka socota Masaajidku ma dhaawacmin, Booliska ayaa xaaladda Gacanta ku haya oo la xaalaya, wayna sii wadanayaan Baadhitaannadooda, waxaanu u Mahad-celinaynaa Booliska Koonfurta Wales sida ay uga fal-celiyeen..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen. Booliska oo intii ay hawl-galkan wadeen xidhay Waddooyinka iyo Xarumaha laga raaco Tareennada ee Cardiff ayaa mar dambe sheegay inay tallaabooyinka noocaas ah u qaadeen inay ka hor-tagaan inay dhacaan Weerarro loo adeegsado Mindiyo. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar haan kuwa Afka u duuban ay weerar ku qaadeyn Xaafadda Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadaas oo watay ilaa 8 Baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa damcay inay xoog ku galaan Xaafadda jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay Maalmahaan difaac kaga jireen ciidamo u abaabulan qaab qabiil oo diidan in dadka laga saaro Xaafadda Jaamacadaha oo ah dhul Dowladeed. Ciidamada Dowladda ayaa dib uga soo laabtay halkaas kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeyn Ciidamada Xaafadda jaamacadaha oo koryaha cul culus la fuulay dabaqayada ku yaal halkaas. Illaa hadda lama soo sheegin khsaaraha ka dhashay weerarka ay Ciidamada Dowladda ku qaadeyn Jaamacadaha. Ciidamadaan ayaa dib ugu laabtay halkii ay ka imaadeyn, waxaana Xaafadda Jaamacadaha soo buux dhaafiyey Ciidamo u abaabulan qaab Qabiil oo wato Baabuurta Dagaalka iyo Qoryaha sida darandooriga u dhaco. Waxaa Xaafadaha Jaamacadaha ka bilowday qax, waxayna ciidamada halkaas joogo dadka ku wargeliyeen inay isaga tagaan inta ay ka dhamaaneyso Xiisadda dagaal ee halkaas ka taagan. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa 7 Maalin u qabatay in looga guuro halkaas balse arrintaan waxaa ka hor imaaday dadka halkaas dagan oo u badan Ciidamo ka tirsan Dowladda. Wixii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
-
(SLT-Khartoum)-Ugu yaraan 2 qof ayaa lagu dilay halka 10 kalena lagu dhaawacay caasimada dalka Sudan ee Khartuum kadib markii rasaas ay ciidamadu ku fureen goob ay ku sugnaayeen dadka dibadbaxaya. Kumanaan qof oo ka soo horjeeda xukunka dalka ay ku dhagan yihiin ciidamada Milatarigu ayaa ku sugan jidka Nile ee Khartuum, waxaana rasaas ay ciidamadu ay ku fureen ay halkaasi ku dileen laba qof, sida ay xaqiijiyeen guddida dhakhaatiirta ee dalka Sudan oo war-bixin ka soo saaray falkii dhacay ee lagu toogtay dadka dibadbaxaya ee rasaasta lala beegsaday. Balse Guddidan dhakhaatiirta ayaan cadayn ciidamada rasaasta ku furay dibadbaxayaasha kuwa ay yihiin iyo sidoo kale kuwa la dilay ama la dhaawacay, inkastoo wararka lagaga helayo dalka Sudan ay sheegayaan in mid ka mid ah labada qof ee la dilay ay Rasaastu madaxa kaga dhacday. Kumanaan dibadbaxyaaal ah ayaa ku sugan wadada ugu weyn ee hormarta xarunta milatariga ee Khartoum, waxaanay dadka fadhiya goobtaasi ay warbaahinta u sheegeen in daraasiin gaadiidka gaashaaman iyo ciidamada Bileyska ee rabshadaha ka hortagaan ay xidheen goobtaasi isla markaana ay rasaas u adeegsanayaan dadka dibadbaxa samaynaya. Source
-
Muqdisho (SMM) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta maanta Deeq Lacageed gaarsiisay 00 Qoys oo ka mid ah dadka Yamaniniyiinta ah ee ku sugan M/Muqdisho. Qoysaskan oo dalkooda uga soo cararay dagaallo ayaa in muddo ah ku noolaa gudaha Caasimadda, iyaga oo wajahayay daruufo nololeed. Gudoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Ismaan oo ka warbixiyay deeqdan ayaa sheegay in ay ugu talagaleen in Qoysaskaasi ay uga faa’iideystaan u dabaaldaga maalmaha Ciidul Firdiga. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliiyeed in la caawiyo dadkaasi. Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa tan markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan howlo Samafal ka waday gudaha magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay Garoowe, ay biyo ku xireen guryo ku yaalla xaafadaha magaaalada, kadibna ay isku furmeen barkadihii iyo suuliyadii guryahaasi. Duqa ayaa ka digay in halis caafimaad ay ka dhalan karto, biyaha roobka ee ku xirmay xaafadaha Garoowe iyo xeryaha bara-kacayaasha ee nawaaxiga magaalada, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ilaaliyaan nadaafadda guryahooda iyo carruurtooda, si looga hortago cudurada ka dhalan kara biyaha wasakhaysan ee fadhiya xaafadaha. Sidoo kale, wuxuu sheegay in biyaha ku xannibmay xaafadaha iyo waddooyinka Garoowe, ay sabab u yihiin dadka dhisanaya iyo kuwa carra-kaawada ku goynaya, meelihii ay ka bixi jireen biyaha magaalada, sidaasi darteedna ay biyuhu ku xirmayaan xaafadaha. Waxaase uu sii raaciyay in ay bilaabi doonaan hawlgallo lagu banneynayo dhismayaasha iyo carra-kaawooyinka sida sharci-darrada u dhisan ee biyaha ku celiya magaalada, isagoo digniin u jeediyay dadka dhista meelaha biya-mareenka ah. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo ka digay halis ku soo wajahan magaalada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in Darawal waday Gaari Hoomey ama BL uu ku dilay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir. Dilkan ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyka Seyniyaano Degmada Hodan. Goobjoogayaal ayaa sheegay in Askariga wax dilay iyo darawalka ay murmeen, maadaama wadadaasi ay aad cariiri u aheyd, taasina waxaa ay keentay in askariga uu xabad ku dhufto darawalka. Darawalka Gaadiidka dadweynaah ee Maanta la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay(Laangeel). Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamada booliska Soomaaliya. Koontaroolka Saybiyaano ayaa dadka waxa ay u garanayaan (Kala Wareeg) maadaama gaadiidka ka yimaada Ex-Control illaa Afgooye aysan soo dhaafi Karin halkaasi, halka kuwa ka baxa Muqdisho iyagana aysan dhaafi karin Koontaroolkaasi waa gaadiidka dadweynaha. Koontaroolada ay joogaan Ciidamada Booliska qaarkood ayaa waxaa lagu dhibaateeyaa dadka shacabka ah, maadaama aanan loo ogoleyn gaadiidka inay soo maraan. Meelaha qaar ee Ciidamada Booliska ay joogaan ayaa gaadiidka waxa ay waydiiyaan Aqoonsi dowladeed oo kaliya, balse dadka oo dhan ayaanan u shaqeynin dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka Sucuudi Carabiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa shaaciyay khasaaraaha ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay degaannada maamulkaasi. . Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (Biriq) ay tureen roobab mahiiggaan oo ka da’ay gobollada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag. Sidoo kale wuxuu sheegay in 100 qoys ay ku xoola beeleen roobabkaasi, islamarkaana ay go’een illaa 17 waddo oo ku yaalla gobolladaasi. Roobabka ka da’ay ayuu sheegay wasiirku in ay kala goyeen isku socodkii Puntland iyo sidoo kale goboladda kale ee Soomaaliya. Dhanka kale Puntland ayaa guddi u saaray qiimeynta iyo wax ka qabashada khasaarada ay Roobabku geysteen, waxaa ayna maanta la kulmeen gudgigaasi hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala maamulkaasi. Kulankan oo uu guddoomiyey wasiir Dhabanacad, ayaa waxaa looga hadlay sidii ay hay’aduhu doorkooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ay roobabku saameeyeen iyo dayactirka lagu sameynayo waddooyinka ay biyuhu jareen. View the full article
-
It is the territorial dispute over the delimitation of a 100,000 square kilometres territory in the Indian Ocean. Somalia and Kenya are claiming part of the territory off the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo maraya heer gabagaba ah ayaa waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya wareega Sama-Finalka ee Tartanka. Illaa 4 degmo ayaa u soo gudbay wareegan, kuwaas oo kala ah Howlwadaag, Dharkenley , Shibis iyo Xamarweyne oo ka wada gobolkan Banaadir. Tartanka u dhexeeya degmooyinkan ayaa waxaa la qaban doonaa caawa, iyadoona lugta ugu horreysa ay isku arki doonaan degmooyinka Howlwadaag iyo Xamaraweyne, waxaana kulankaasi uu soo geli doono 7:30 Habeenimo. Sidoo kale tartanka xiga ayaa waxa uu dhex mari doonaa Shibis iyo Dharkenley, waxaana la qaban doonaa 10:00-ka habeenimo, sida uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga tartan aqooneed Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Howlwagaad iyo Xamaraweyne degmada badisa ayaa waxa ay tagi doontaa Final, halka Shibis iyo Dharkenley cida badiso ay sidoo kale iska xaadiri doonto wareega kama dambeysta ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanakan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School. View the full article
-
Prime Minister Dr Abiy Ahmed received President Mohamed Abdullahi Mohamed of Somalia this morning and held discussions at the office of the Prime Minister. Source: Hiiraan Online
-
Askari ka tirsan Ciidamada DFS oo dil ka geystay Seybiyaano
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska uu ka geystay agagaarka Saybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Darawal waday gaariga dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka. Qof goobjooge ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhacdada kadib uu baxsaday Askarigii ka dambeeyay falkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa waxyeelo u geysta dhalinyarada kaxeeya Mootada Bajajaaj-ta iyo sidoo kale darawalada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha waxaana marar badan dowladdu ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinkaasi. View the full article -
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka ortooyada Sucuudi Carabiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka. Halkan Hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta (axad 2-da juun) wuxuu gaaray Adis ababa kadib markii uu Casumaad ka helay Hogaamiyaha Itoobiya Aby [...] Source
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-02062019-web.mp3 View the full article
-
Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in Ethiopia on sunday (june 2) on an 2 day officia visit. He was received at the Bole [...] Source
-
(SLT-Garoowe)-Roobab laxaad leh oo ka da’ay Deegaannada Puntland intooda badan ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho, Baro-kac iyo Jidad go’ay. Roobabkan oo ka da’ay Gobollo badan oo Puntland ayaa illaa hadda waxa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Qof, waxaana ka dhashay Fatahaado waaweyn, kuwaasi oo sababay inuu go’o jidka u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo ah Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed-karaash oo sidoo kalena ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka, kuwaasi oo loo xil-saaray inay soo qiimeeyaan Khasaaraha gaadhay Dadka, Xoolaha, Waddooyinka iyo waxyaabaha kale ee Muhiimka ah. Guddiga ayaa kala ah: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye Wasaaradda Hawlaha Guud , G/Ku Xigeen 3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha , Xubin Wasaaradda Maaliyadda Xubin Wasaaradda Ganacsiga Xubin 6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin 7.Wasaaradda Deegaanka Xubin 8.Wasaaradda Caafimaadka Xubin 9.Wasaaradda Qorshaynta Xubin 10.Madaxtooyada Xubin 11.Taliska Ciidanka Booliska Xubin Hay’adda HADMA Xoghayn 13.Hay’adda PHA Xubin 14.Guddoomiyayaasha Gobollada Xubin Ku-simaha Madaxweynuhu wuxuu Cid kasta oo hawshani khusayso uu ka codsaday inay Guddiga kala shaqeeyaan Gurmadka ay Dadka ku samato-bixinayaan, waxaanu markaa ka dib uu kormeer ku tagay Goobaha khasaaruhu ka jiro. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Waftiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Makkah Al-Mukarama, halkaasoo ay uga qeyb galeen shirarka Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta iyo kuwa Iskaashiga Islaamka. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo qorshe uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dadaal ugu jira in xal diblomaasiyadeed laga gaadho khilaafka Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo Ammaanka iyo nabadda Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu Abiy Ahmed uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta booqday caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa. Farmaajo marka uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka. Dhanka kale, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u kicitay dalka Qatar iyada oo la sheegayo inuu halkaasi ku aaday arrimo la xiriira mashaariic. Labada mas’uul ayaa dalka ka maqan xilli ay dowladda dhexe xiriirka u jareen dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmumudug, waxaa kale oo walaac badan laga muujinayaa faragelinta dowladda dhexe ee doorashooyin la filayo Galmudug iyo Jubbaland. Keliya ma qasna xaaladda gudaha, ee gobolka gaar ahaan Kenya ma fiicna xiriirka ay la leedahay Muqdisho, oo bilihii ugu dambeeyey waxaa dhacday iney Kenyaanka qaadaan talaabooyin ay ka mid tahay iney culeys saaraan fiisaha diblomaasiga ah, waxaa ay wareejiyeen diyaarihii toos u tagi jiray Nairobi oo hadda mara Wajir, waxaa kale oo la diiday xamuul aan cidna la socon in laga diro Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wafddiga Madaxweyaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Adis ababa ku qaabilay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed Cali. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya waxaa uu ka qeyb qaatay dhir lagu beerayay gudaha dhismaha Xafiiska Ra’isalwasaaraha. War kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in labad dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,iskaashiga, dhaqaalaha iyo qodobo kale. Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen xasillonida, amaanka iyo wada shaqeynta Gobolka. Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in uu dhex dhexaadinayo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo uu hadda u dhaxeeyo dagaal diblomaasiyadeed salkana ku haya muranka badda. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu Abiy Ahmed uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda. Sanadkan gudihiisa Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa u safray tiro saddex jeer ah, waxaana la xusuustaa in Madaxweynuhu xilligii Ololaha ku jiray in Madaxdii hore ku eedeyn jiray safarada dalka Itoobiya.