Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,550
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ayatulaha Somaliland: Faysal Cali Waraabe —Jawaabtii Siciid Gahayar Waxaan wiigan ku arkaayay maqaal ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID. Maqaalkaasi waxaa qoray nin la yidhaa Siciid Gahayr kuna baahiyay mareegaha warqaadka iyo Facebook. Maqalkaasi ayaa ahaa mid ujeedada la geelayahay ay ahyid in gudoomiyaha Xisbiga UCID magac dil lagu sameeyo. Suaasha ayaa ah —Maxaa imika soo kiciyay doodan gacan ku rimis ah ee aan inagu cusbayn ee mala Awal ka ah?Midakalena ninkan ku eedaynaya danbiyo anu Faysal galin saw ma ogayn in edayntani anay ahayn mid inagu cusub—rag horena iskudayga magacdilka—Gudoomiyaha ruxiga ah ku fashilmeen. Hadaba ninkan marka uu doodan markale soo kiicinayo ma waxa uu helay cadaymo cusub (new evidence) oo shacbiga ka qarsoonayid? Waxaan isku dayay inaan fahmo bal in, Siicid Gahayr qoraalkiisa balse kuma arag xog cusub oo ku kalifay in halayayga qaranakani leeyahay ka faafiyo dacaaydo karma dil ah. Hadaba akhiriste ma ogatahay in aasaasayaashi Xisbiga UCID ee aan ka mid ahaa — kuwii dalka kusugnaa wakhtiggii Ururada ay qaadan wayeen dacaydan. Waxay goaan ku goosteen inta aanay tageero u muujin inta gudoomiyaha lagu sameeynayo (full reference check) dunta shaqsiyadiisa. Qorwayntii Markaa Ururkii UCID oo alla hawnaxariiste hormood ka ahaa, Axmed Muuse Geedi (Sanjab) oo markaasi u qoolaa—Xogahayaha Guud ee Ururka ayaa ayaa xunbihii ururka UFO ee markaa nolaa (2001?) shir la yeeshay. Maxamed Baaruud oo Siiciid Gahayr ku celceliye in markhaati ka dhiganayo ayaa waxa u sheegay gudiidaasi warkaasi Faysal suqa loogaliyey iyaga wax eed ah u haynin. Dadka magac dilka iyo xasnimada la daba socodaa waxaa kaliya ee Gaani kula xidhiidhin jireen waxay ahyid — Faysal iyo Gaani oo gobal ka soo wada shaqeeyey waa intaan Gaani loo soo badalin qaybtii 26 oo midna maddax milatari ah, midna maddax dawlad hoose. Haddii markii Gaani loo soo badalay, Hargeeysa ay kulamo yeesheen kama dhigayso dambiile. Midna waxaa ah aqoon daro ama ula kac goormaad qof sirtii aad gudbin kartaa? Miyaanay ahayn markaad sir lagugu aminay aad bixiso—Faysal iyo UFO wax sir ah oo dhextaalay ma jirto—Doodaasi ayaa hadaba ahyid mid jaban markastan nin dan gaara ah leh ama dhabarka laga soo taabtay isku dayi in magac dilo kula kaco, Gudoomiyaha ruuxiga ah ee Somaliland. Argatidaydani waxay Siiciid Gahayar iyo raga magac dilka Gudoomiyaha la cadaystay xusuusinaysaa in ay tahay nusqaan (serious allegation) in qof lagula kaco magac dil. Hadii sharcigu sarayn lahaa waxa dhici lahayid eedamaha noocasi oo kale ah lagu mudan lahaa CIQAAB CULUS. Waa qalinkii, Axmed Cabdi Ciise Social scientist Qaran News
  2. Askari ka tirsan ciidan booliska Soomaaliya ayaa Dawal gaari B L ah ayaa bwaxa uu ku dilay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir. wararka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in agagaarka Seeybiyaano askari ku sugnaa uutoogtay nin ahaa Dawal Gaari B L nuuca loo yaqaano Hoomay-da. warar kale duwan ayaa ka soo baxayo sida dilka uu udhacay, wararka qaar ayaa tibaaxaya in askariga dilka geystay iyo Darawalka uu soo kale dhex galay muran, ka dibna askarigu uu sidaas dilay ninka darawalka ahaa. Ciidamada ammaanka iyo dad shacab ah oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meedka marxuumka la dilay, halaka askarigii dilka geystayna uu goobta ka baxsaday. Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa ay gudaha Magaalada Muqdisho dilal kala duwan u geystaan Darawalada Mooto Bajaajta iyo kuwa ka shaqeysta gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee BL-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. image.png Dhakool hayska xidhnaado Xabsi hayska dhex jiifo Xayraankii ina Biixi Xeradiisa dhexdeeda Haku xaadir ahaado Waa xisaabo kaleeto Iyo xeelado aasan Waa xumaan la maleegay Xinna waa weheshaaba Adigoo Xaraf jooga Xuurto weeye ku hayso Waa xiniinyo u sheego Xididkiisiyo qoyska Yaanay booqan xigaalo Waa mid uu xisku diiday Iyo xoog iyo waalli Anigoon is xigsiinnin Xil uun baa i damqaayee Xiska maankiyo laabta Xubbi daa hadalkiisee Xaaddu iima dareemin Xabiibkii na abuurtiyo Allaa xaajo ogsoone Sida ay xantu sheegtay Inkastuu xumo geystay Xawda uu dad ka gooyey Waxan loo xakameeyey Xaakimkii siduu naadshay Xeerkii meesha u yaalliyo Xurmadii sharcigooda Tii xasaanaddu siisay Xadkoodii lama qaadin Waxna loomaba xeerin Xaaraan weeyiyo baadil Xukun duudsiya weeye Anigoon xaglinaynin Xaq uun baa i dhibaayee Xinjiri iima dubaaxin Waase xaajo adduunyo By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  4. Ciidsiinta Agoonta Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu iidsiinayey caruur agoon ah.#TAYAYNIYOTIIGSI Puntland State [...] Source
  5. Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Cafis u fidiyey maxaabiis munaasabadda Bisha Ramadaan iyo Ciidul-fitriga awgeed. Maxaabiistaan Cafiska loo fidiyay ayaa xiran xabsiyada deegaanda Puntland waxa ayna gaar 120 maxbuus ku waas oo ku jira xabsiyo kala duwan. Maxaabiista ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso,Garowe ,Qardho iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaana sheegay in bisha Ramadaan iyo munaasabadda Ciida owgeed cafis ayuu maamulku u fidiyay 120 kaas maxbuus oo kala xirna xabsiyada Puntland. Halkaan ka aqriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliiska degmada Xamar Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Kooxaha Burcada iyo ciidamada Booliska ayaa israsaaseyn Ku dhex martay degmada Xamarweyne, iyadoona khasaare uu ka dhashay israsaaseyntaasi. Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay oo Shacab ah, halka afar qof oo kalana ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu yahay kooxihii burcada ahaa, iyadoona ciidamada ay gacanta Ku dhigeen kooxaha burcada ah. “Ciidamada boliiska degmada X/Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan” sidaasi waxaa sheegtay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakiya. Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa Ku dagaalama kooxo burcad ah iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Xaflad lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta ah oo tiradoodu ay gaaraysay 150 caruur ah, taas oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro samafalayaal ah, waxaana qayb ka ahaa shacabka oo ay la wadaageen. Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa ku wehlinyay xafladdan Wasiirka Caddaalada iyo Arimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato, Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamc Yuusuf Jaamac Dabaraani, dhalinyarada howshaan soo agaasimey iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadin iyo ammaan u jeediyay dhallinyaradii kasoo shaqaysay barnaamijkan Khayriga ah ee lagu soo bandhigayay Ciidsiinta 150 kamida Caruurta Agoonta ah, waxaana uu sheegay inay mudan tahay in lasii dar-dargeliyo oo la xoojiyo si looga farxiyo Caruurta Agoonta ah iyo kuwa kale ee aan haysan wax ay ku ciidaan. Ugu dambayn, kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Karaash ayaa abaalmarino iyo shahaado sharaf guddoon siiyay dhallinyaradii barnaamijkan soo agaasintey, waxaana uu kula dar-daarmay inay halkaasi ka sii wadaan howshan muhiimka ah ee ay qabteen. The post Kusimaha Madxweynaha oo Ka Qayb Galay Xaflad Lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta Ah appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa cafis ufidiyay 121 maxaabiis ah oo ku kala xirnaa xabsiyada kala duwan ee Puntland. Maxaabiistaan oo xirnaa dambiyo fudud [...] Source
  9. (SLT-Qatar) Alle hawnaxariiso Ciyaar toygii Gobolka Togdheer iyo Xulka Qatar Maxamuud Soofe Yasiin (Jamaal Gadari) oo ku geeriyooday Dalka Qatar. Hoos ka DAAWO Goolashii guusha ee uu Dalka Qatar u Dhaliyay ee Tariikhda Galay . Hoos ka DAAWO Source
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo dowladda Kenya ay qaadeyso tallaabooyin is xig-xiga oo ka dhan ah kuna cadaadineyso Soomaaliya, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu si la yaab leh u sheegay inaysan jirin xiisad weyn oo u dhaxeysa labada dal. Cawad oo la hadlay wargeyska The Standard ee kasoo baxay Naiorbi, ayaa sheegay in aysan jirin wax muran diblomaasiyadeed oo weyn ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaa jiri kara is-faham darro kooban, balse ma rumeysni inuu noo dhaxeeyo muran diblomaasiyadeed oo weyn” ayuu wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u sheegay wargeyska The Standard. “Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo saaxiibo ah kuwaas oo awooda inay ka gudbaan kana guuleystaan khilaafyo kasta oo jiri kara.” Cawad oo tusaaleenaya in xiriirka labada dal uu weli wanaagsan yahay ayaa sheegay in socdaal uu dhowaan Nairobi ku tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, islamarkaana kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ay dowladda Kenya ku ballan-qaaday 500 oo deeq waxbarasho ah oo ay siineyso Soomaaliya. Deeqadaas, ayaa sida uu sheegay Soomaaliya loogu tababari doonaa dhaqaatiir, kal-kaaliyayaal, macallimiin iyo maamullo. Wareysiga uu siiyey The Standard, ayuu si kastaba Cawad ku sheegay in Soomaaliya ay aad ula yaabtay go’aanka Kenya ay dib ugu soo rogtay hakadkii ay diyaaradaha ka imanaya Muqdisho ku sameyn jireen magaalada Wajeer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Hormuud Telecom Foundation has donated cash handouts to 300 Yemeni refugees in Mogadishu, the capital of Somalia, this is part of the Foundation’s Ramadan Programs. Last Month, Hormuud Foundation has donated cash handouts to 100 low-income women in Mogadishu. Hormuud Foundation donated dry food to 250 households. Each receiving 25kg of rice, flour and sugar; and 5 kg of pasta, 3 litres of cooking oil and 2kg of Dates. In May, Hormuud Telecom Foundation donated cash handouts of US$100,000 to 1,000 orphans. View the full article
  12. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 55 kiis oo cusub oo cudurka daacuun caloolaha ah kaddib baaritaan ay sameysay laanta baarta cudurrada faafa intii u dhaxeysay 13 illaa 19 bishii May sannadkaan 2019. Ma jirin kiisas daacuun ah oo la soo wariyey usbuucyadii 1 iyo 7 aad ee laanta baaritaanku hawlgalka wadday sababo la xiriira xiritaanka xaruntii ugu weyneyd ee lagu daaweyn jiray daacuunka taasoo warbixnta laga soo uruuriyey. Tirada sii kordheysa ee kiisaska la tuhunsan yahay ee daacuunka tan iyo billawgii bishii December ee sannadkii 2017 waa 7290. Intii lagu guda jiray warbixinta laga soo billaabo bishii Febraayo illaa 19 May 2019 dhammaan kiisaskaan waxaa laga soo wariyey 16 degmo oo ku yaalla gobolka Banaadir. Dadka kiisaska lagu arkay waxaa ka mid ah carruur da’doodu ka hooseyso 5 sano. Daacuunka ayaa laga xakameeyey degmooyinka maamullada Jubaland, Hishabeelle iyo Koofur Galbeed kaddib markii meelahaas laga fuliyey durriinka daacuunka ee afka laga qaato (OCV) Waxaa wali jira meelo laga soo sheegayo cudurka oo ku yaalla gobolka Banaadir sida Dharkeynley, Deyniile, Hodan, Madiina, Hawlwadaag, Xamarjajab, Xamarweyne, Boondheere, Kaxda, Waaberi iyo Warta nabadda. Tan iyo billawgii sannadkan 2019, 153 astaamood oo cudurka muujinaya ayaa la helay laguna baaray Sheybaarka Caafimaadka ee Qaranka ee magaalada Muqdisho. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa sii wada baaritaanno dheeri ah islamarkaana looga jawaabayo dhammaan meelaha cudurku uu ka jiro. CGTN. Source: goobjoog.com
  13. The vice president of Puntland, Ahmed Elmi Karash, has named a committee to assess the ongoing floods that caused havoc in the administration. The task force is in charge to assess the impact of the calamity in order to dispatch response to inform of rescue to the affected families who are mainly pastoralists. They are composed of cabinet members, members of the regional security, governors and non-governmental organizations. At least nine people were killed as heavy rains lash in the semi-autonomous northern state since the past week. The minister also confirmed dozens of nomadic villagers with their animals who are still stranded in some areas that need help. The rainy season has kicked off in most parts of the country following a delayed period that triggered the food crisis. View the full article
  14. Muqdisho (PP) ─ Ciidammo kawada tirsan kuwa Dowaldda Somalia ayaa ku dagaallamay goor-dhaw xaafadda Jaamacadaha oo ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, halkaasoo dhawaan ay dowladdu sheegtay in laga guuro. Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Somalia ay soo saartay amar ku aaddan in laga guuro dhismayaasha jaamacadaha dalka qaarkood, si dib loogu hawl-geliyo iyo in sidoo kale laga guuro xaruntii Madbacadda Qaranka si iyana dib loogu hawl-geliyo. Tan iyo markuu amarkan soo baxay ayaa waxaa xaafadda Jaamacadaha ka jiray diyaar-garow ay ciidammo u abaabulan hab beeleed ugu jireen inay ka hor-tagaan qorshaha la doonayo in qoysaskooda looga raro halkaas. Ciidamada uu dagaalka kooban dhexmaray oo watay gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa waxay kala ahaayeen kuwo millateri ah iyo kuwo gaar ah oo uu tababaray Mareykanka, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo uu dhaliyay dagaalkan. Xaafadda ay colaaddu kasoo cusboonaatay ayaa waxaa la sheegayaa inay ka jirto kacsanaan xooggan, waxaana xiisaddan ay cabsi weyn ku beertay shacabkii ku noolaa xaafaddaas, inkastoo ay ciidamada abaabulan ee kasoo horjeeda go’aankan ay ku adkeysanayaan inay iska difaaci doonaan cid walba oo doonaysa inay halkaas ka rarto. Illaa hadda ma jir wax war ah oo kasoo baxay dhanka ha’yadaha amniga DF, kuwaasoo ku saasab dagaalka ka dhacay xaafadda Jaamacadda, inkastoo ay taliska booliiska Somalia horay u sheegeen in haddii dadkaas ay amarka qaadan waayaan xoog looga saari doono halkaas. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa dhawaanahan wadday qorshayaal ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato dhulkii dowladda si shacabka loogu adeego, balse waxay ku guul-darreysteen inay xeradii ciidamada badda ee Somalia ay ka saaraan Senator Muuse Suudi Yalaxoow daggan. PUNTLAND POST The post Iska-horimaad ciidammo kawada tirsan kuwa DF ku dhex-maray degmo ka tirsan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ka dhawaajiyay inuu jiro qorshe la doonayo in lagula diriro maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo xilligan ay fara-gelin ku hayso dowladda federaalka Somalia. CC Warsame, ayaa sheegay in safarka ra’iisul wasaaraha DF uu tagay dalka Qatar, safarro uu horay taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ugu tagay Itoobiya, safar madaxweynaha Somalia uu maanta ku tagay Addis Ababa ay yihiin qorshe isla socda oo ku wajahan dagaalka Galmudug iyo Jubbaland. “Colaadda ka dhanka ah Galmudug iyo Jubbaland waxaa awood ciidan iyo mid dhaqaale looga raadsaday Waddamada Qatar iyo Itoobiya,” ayuu yiri Warsame oo si kooban u hadlay. Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray. “Kooxoda isku magacowday Nabad iyo Nolol waxay masiirkooda siyaasadeed ku dareen guusha iyo guul-darrida ay kasoo hooyaan labadaa dowlad goboleed, Waxaana inta samaha jecel ugu baaqayaa inay shirqoolkaas ka hor-tagaan oo ay garabsiiyaan labada dowlad goboleedyada duullaanka lagu yahay.” Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho lagu soo xulanayo hoggaanka maamulkaas, waxaana la sheegay inay jiraan xubno ay dowladda dhexe ee Somalia wadato, iyadoo madaxa Jubbaland, Axmed Madoobe uu sheegay in lagu hayo maamulkiisa fara-gelin ka timdi Muqdisho. Sidoo kale, Maamulka Galmudug ayaa dhawaan wuxuu kasoo horjeestay qorshe ay wadatay dowladda dhexe ee Somalia, kaasoo ahaa in doorasho ay ka dhacdo dhammaadka sannadkan, inkastoo madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] uu diiday inay doorasho dhacdo. Ugu dambeyn, CC Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii saadaalinayay safarada madaxda dowladdu ku tagayaan dalalkaas oo hadda dhab noqday, waxaana uu ka digay wuxuu ugu yeeray shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah maamul-goboleedyada dalka qaarkood. PUNTLAND POST The post CC Warsame oo Shaaciyay in la abaabulayo colaad ka dhan ah Jubbaland iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.
  16. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops are on Sunday interrogating two al-Shabab terrorists who were arrested on Saturday in a foiled ambush in southern Somalia. The AU mission said the two terrorists were arrested with detonators at Wanlawyen in Baledogole when the militants tried to ambush the troops who were escorting a logistics convoy from Arbiska moving towards Baledogole. “As the convoy approached the black-spot, soldiers disembarked and moved on foot 500 meters away from the road where they met two men hiding, and upon checking, found in possession of improvised explosive device (IED) triggers,” said the AU mission in a statement issued on Saturday night. It said the two suspects have been taken to Baledogole for further interrogation for possible prosecution. Al-Shabab was ousted from the capital Mogadishu in 2011 but the terror group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
  17. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood. Daadadkii roobabka ayaa wadada gaarsiiyey bur-bur xoogan. Deegaanada uu kormeeray Madaxweyne Ku-xigeenku waxaa ka kamid ah Buuro-wadal iyo dooxada Woow ee gobolka Sool, wadada waxaa soo gaadhay bur-bur xooggan oo aan laga fursanayn in si dhakhso ah waxlooga qabto, maadaama burburka wadadu ku fidaayo inteeda bedqabta. Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, Guddoomiyaha gobolka Sool, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa korneerka kadib ka hadlay waxyeelada soo gaartay waddooyinka hal bowlaha ah ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in laga wada qayb-qaato, waxa uu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabandoono, marka ay yaraadaan daadadka socda, qiimaynta iyo ka warqabka wadooyinkana loo feejigan yahay. Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa mar kale ku celiyay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka bur-buray, sidii awalba ay uga qayb qaadan jireen. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii ka Da’ay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  18. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Sunday met for talks with Somali president Mohamed Abdullahi Farmaajo in Addis Ababa. Abiy’s office said the two: “held discussions on bilateral issues, including further strengthening cooperation in regional peace & security. Relations between the two countries have received a greater boost in recent times with visits by both leaders to the respective capitals. Farmaajo last visited Addis Ababa months back following which he flew with Abiy to Nairobi to meditate on a diplomatic spat between Kenya and Somalia. He has also been to Ethiopia for a tripartite meeting between the two countries and neighbouring Eritrea. At the heart of that summit has been respecting for sovereignty and better economic and social cooperation between them. “The two leaders, including the First Lady of Somalia, planted seedlings within the compound,” a post on social media added. The tree planting has become a regular feature of the PM’s activities within and outside the presidential palace. Abiy last week launched what his office said was a campaign to plant four billion trees across Ethiopia. He kicked off the initiative in Adama, Oromia region and has since joined visitors to his office to plant one seedling. View the full article
  19. Somaliland: Senior Defence Forces Officer On The Badhan Situation Major Gurey Osman Salah, speaking to the independent television channel, Bulsho TV, from the town of Badhan, has confirmed that the situation in eastern Sanaag is calm. Major Gurey also confirmed that the town is currently divided into two sectors, one side with the Somaliland authorities and the other side with the Puntland administration. Speaking about the the size of the forces that recently defected from Somaliland, Major Gurey Osman Salah, denied the claims that they were four brigades, roughly between 700 and 800 hundred soldiers, but stated they were far less than that and that these forces had previously defected from Puntland. Major Gurey Osman Salah, also stressed that Badhan and it’s environs are part and parcel of Somaliland, but more work needs to be done in terms of the civilian administration and economic development. There have been no further confrontation between the Somaliland Defence Forces and the Puntland militia, since six people were killed in a skirmish outside the hamlet of Damale Hagare ten days ago. Qarannews.com Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta deeq lacageeg u qeybisay 300 oo qoys oo katirsan Jaaliyadda Yaman ee ku nool magaalada Muqdisho. Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Hotelka Shaamow ayaa 300 oo qoys oo dan yar waxaa lagu guddoonsiiyey lacag dhan $100 (Dollar) qoys kasta. Madasha lagu qeybinayay Deeqdan ayaa waxaa ku sugnaa Madax ka tirsan Shirkadda Hormuud iyo Hay’adda Hormuud Foundation oo deeqda Qeybinayay Dadka la siinayay Deeqdan iyo Marti kale. Cabdi Cali Maxamed oo ku hadlayay Magaca Shirkadda Hormuud ayaa sheegay in talaabada qeybinta deeqdan ay tahay mid lagu Caawinayo Dadka nugul ee baahiyaha qaba kuwasi oo ku nool muqdisho iyo gobolada Dalka. Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah Maamulaha Guud ee Hay’adda Hormuud Foundation ayaa sheegay in Hay’adda Hormuud Foundation mar walba u taagan tahay sidii ay u caawin lahayd dadka noocan oo kale ah. Sidoo kale Maamulaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha Hay’adda ay ka wado muqdisho iyadoo sidan oo kale ay sanad walba shirkadda u qabato barnaamijyada Caawinaada dadka tabaaleysa. Ibraahim Saalax Deefullah oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo isu keenida dadka door ku lahaa ayaa madaxda Hay’adda Hormuud ku tilmaamay in ay ilgaar ah u leedahay Dadka cawinaada u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah Dadka Maanta la siiyay Deeqdan dhaqaale ayaa u mahad celiyay Madaxda Hay’adda hormuud iyagoo tilmaamay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xili ay dadkan u baahnayeen Madaama Diyaargarowga ciida ku guda jiraan, Sanad walba sidan oo kale ayaa Hay’adda Hormuud Foundation waxay deeqaha Caawinaada Gar gaarka ay sidan oo kale uga fulisa Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Gobolada Dalka.
  21. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has met Qatari Deputy Prime Minister and Foreign Affairs Minister, Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Bin Jassim Al Thani in Doha on Saturday. The two leaders discussed ways to further strengthen already existing strong bilateral ties. “Somali PM and his Qatari Deputy PM counterpart had fruitful discussions that highlighted diplomatic relations between two states.” Somali ambassador to Qatar, Abdirizack Farah Ali said. Their talks also focused on how to speed up ongoing Qatari funded development projects in Somalia. Somali Premier has stressed the need for the state of Qatar to fulfil the pledges made by Doha. “ The two leaders discussed how to implement the development projects mainly roads in Mogadishu-Afgoye-Jowhar and the construction of Hobyo port and they will soon send a technical team to assess the situation.” Ambassador, Ali confirmed. Somalia and Qatar signed USD 200 million for the construction of road projects in Somalia and among other ambitious developments. View the full article