Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. One of nine siblings, Nimco Isack was born in Nashville to Somali immigrants who came to this country in 1996. Source: Hiiraan Online
  2. OGAYSIIS- OGAYSIIS-OGAYSIIS Dhamaan shacabka degan Waddanka UK waxa la ogaysiinayaa in ay ka soo qayb galaan Xaflad balaadhan oo lagu xusayo 26Jun lagu qabanyo Galbeedka London Restaurant Najma. Source
  3. Gobolka Saaxil Maanta Waxa Uu U Baahan Yahay Hogaamiyihii Hagi Lahaa Horumarkiisa Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mida aqoon yahanadda reer Somaliland, isla markaana muddo aad u dheer shaqooyin kala duwan dalka ka soo qabtay gaar ahaana xiligii dib u dhiska Wuxuu ku dhashay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isagoo wax ku bartay dugsiga caanka ah ee Sheekh. Iyadoo markii uu waxbarashadda dugsiga sare dhamaystay loo diray dlka Ruushka oo uu waxbarasho sare oo jaamacadeed ku soo qaatay cilmiga milateriga. Sidoo kale markii uu ka soo noqday dalka Ruushka waxa uu taliye milateri ka noqday goboladda dhexe ee wixii berigaas la isku odhan jiray Soomaaliya. Sanadkii 1984-kii ayaa hadana mar labaad waxbarasho loogu diray dalka Maraykanka halkaasoo uu waxbarasho jaamacadeed military college.ku soo qaatay Waxaanu markii uu dhamaystay waxbarashadiisa u gudbay dhinaca dalka Canada, halkaasoo uu certificate of Engineering ku soo qaatay. Isagoo Canada ku noolaa muddo dheer, isla markaana shaqooyin kala duwan ka qabtay. Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horaantii sanadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ka ku tilmaamay u jeedadda uu dalka u yimid in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa. Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha magaaladaas ka mida. Waxaanu Eng. Ibraahim Xaaji, hadda ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye. Waxaana maalintaas soo dhawayntiisa aan u kala hadhin dadweynaha reer Berbera oo ay ka mid ahaayeen aqoon yahano, siyaasiyiin, masuuliyiin hore, dhalinyaro iyo haweenba. Hadaba marka la eego xaaladaha adag ee ay wakhtigan la joogo ku jiraan dadka reer Berbera iyo baahiyaha kala gedisan ee ka taagan gobolka ayaa loo arkaa in Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi, uu yahay shaqsiga keliya ee loo arko in uu yahay ninka ka saari kara, haddii madax looga dhigo gobolka Saaxil. Gobolka saaxil ayaa xiliga la joogo waxay u baahan tahay cidii wax ka qaban lahayd kor u qaadidda dhamaanba adeegyadda bulshadda, sida shaqo abuurka, caafimaadka, biyaha, waxabrashadda, kalluumaysiga. Sidoo kale wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah ee kala duwan oo ay ka midka yihiin sibidhka iyo Ranjiga oo ku duugan degaamadda gobolka Saaxil, kuwaasoo ay dhamaantoodba ka faa’iidaysigoodda ka aradan yihiin bulshadda gobolku. Qaran News
  4. ABU DHABI, United Arab Emirates — Prince Mohammed bin Zayed, the 29-year-old commander of the almost negligible air force of the United Arab Emirates, had come to Washington shopping for weapons. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal kasoo saaray dagaalada ku saabsan dhulalka Danta guud ee Dowladda Soomaaliya gaar ahaan midkii galabta ka dhacay Xaafadda Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho. Thaabit ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si nabadgalyo ah ku wajahdo marka la doonayo in dadka laga kiciyo Guryaha danta guud ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho halkii laga shaqeyn lahaa inuu dhiig daato weliba iyadoo lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan. Halkaan hoose ka akhriso hadalka Guddoomiyiihii hore ee Thaabit uu soo dhigay bartiisa Facebook: Arimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday. Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo. Waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin. Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Ciidamada booliska dagmada X/weyne oo is ku dayayey in ay gacanta ku dhigaan koox burcad ah ayaa iyaga iyo burcaddii waxaa is rasaaseynku dhex martay suuqa dagmada Xamar-weyne,. Kooxda burcada ah ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 3 ruux kuwaas oo doonayay inay dhac u geystaan dadka u soo dukaameysi tagay suuqa iyo kuwa ku suganba, maadaama suuqa aad u badan tahay saxmadiisa oo dadkuna u diyaar garoobayaan munaasabadda Ciida. Khassare ayaana Ka Dhshay Israsaaseynta ka dhacdey Suuqa Xamarweyne. ilo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa ay ciidamada boliiska degmada X/Weyne ayaa sheegay in ay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan. Goobjoog New Source: goobjoog.com
  7. Cali Bilyan waxa uu hanti dhawrka dhexdiisa ka samaystay kooxo ay isku adeegtaan kuwaasi oo uu ku shaqaysto islamarkaana uu si gaar ah ugu dirto goobaha qoyan ee uu sida gaar ah danta uga leeyahay. Waxa ay kooxahani u fududeeyaan khidadaha layaabka leh ee uu ku caano maalay kuwaasi oo uu iyagana dhaqaalaha kasoo gala wax kasiiyo. Waxa uu sidoo kale iska dhigaa ninka Awood ahaana ugu xiga hanti dhawraha guud ee Qaranka isagoo si toos ah ugu xidhma hanti dhawraha guud islamarkaana ku maala khidaha iyo laaluushka uu kasoo qaado hay’addaha qaranka qaarkood kuwaasi oo uu si bil ah uu lacago dheeri ah uga qaato. Hanti Dhawrihii hore ee Hay’addaasi xilkeeda soo qabtay Siciid Saleebaan Mire oo ahaa shaqsi aqoon dheeraad ah uleh Shaqada Hanti dhawrka qaranka islamarkaana intii uu joogay dar dar culus galiyay, aadna loo dareemay shaqadiisa ayaa islamarkii uu qabsaday Xafiiskaasi waxa uu Fahmay hanaanka shaqo ee Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxaanu toos ah dagaal ugu qaaday hawl maalmeedkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa shaqo, isagoo shaqo ka fadhiisin ku sameeyay, islamarkaana tusay qaladaadkiisa. Waxa uu Siciid Saleeban Mire ka diiday inuu la wadaago khidadaha xun ee uu muddada dheer kusoo shaqaynayay waxaanu ka joojiyay gabi ahaanba inuu wax ogaado hawl maalmeedka hanti dhawrka iyo shaqooyinkii baadhiseed ee ay sameeyeen wakhtigii uu joogay. Waxa uu sidoo kale ogaaday oo uu si fiican u fahmay Goobo gaar ah oo uu Cali Bilyan ku xidhnaa oo uu maali jiray islamarkaana uu laaluush ka qaadan jiray kuwaasi oo uu Hanti dhawrka kaga gudbanaa. Baadhisihii U Dambeeyay Ee Uu Cali Bilyan Hormuudka Ka Ahaa. Waxa uu Cali Bilyan Watay tiimkii baadhay Dawladda Hoose Ee Berbera, waxaana la sheegaa inuu heshiis hoose lagalay Maayar Cabdikariin Cidin Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, isagoo sida la sheegay ka qaatay Lacag iyo dhul cabirkiisu wayn yahay, waxa arintaasi la qaatay oo ay heshiis ku ahaayeen si hoose, Hanti dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir. Waxa Documantigii Dawladda hoose ee Berbera Habeen madaw Hargeysa ka qaaday nin lagu magacaabo Naasir oo ay Hanti dhawre Axmed Dirir Ilmaadeer yihiin. Sidaasi ayaana lagu aasay baadhistii Dawladda Hoose ee Berbera. Berbera waa meesha ugu musuqa badan ee lagu hiigay xoolaha umadda waxaana muuqata sababta loo qariyay baadhistaasi, ee Dokomentiga habeenka loo guureeyay, in Xoolo buuran la waydaarsaday, waxaana hawshaasi fuliyay Cali Bilyan. Waxa uu Cali Bilyan dhawr bilood ka hor baadhay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa uu iyagana heshiis ama gor gortan kala galay Maayarka iyo nin ay ilmaadeer yihiin Cali oo dhulka u qaabilsan dawladda hoose oo lagu magacaabo Khaalid Abiib. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay inay Cali Bilyan iyo Axmed Yuusuf Dirir ka qaateen Dawladda Hoose ee Hargeysa lacag sodon kun oo dollar dhan(30,000-Dollars), waxa lanoo xaqiijiyay inuu lacagtaasi Cali Bilyan gacantiisa kaga soo qaaday Kaalinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ku dhegsan halkaasi oo ay ugu balamiyeen Masuuliyiinta ugu saraysa Dawladda Hoose ee Hargeysa. Lacagtaasi ayaa laaluusha ahaan looga dhigay si uu u qariyo xogta baadhista faylka uu gacanta ku hayo ee hanaanka Xisaabta Dawladda hoose kaasi oo uu illaa hadda kuu taagan yahay oo uu hoosta dhigay si loo ilaawo hadhayna uu habeen madaw dib ugu celiyo Dawladda Hoose. Waxa uu sidoo kale Baadhay oo uu madax u ahaa tiimkii baadhay Xafiisyadda Lacagta Airport-ka Hargeysa gaar ahaan shirkaddo yar yar oo halkaasi lacago buuran ka ururiyo, waxaanu iyagana la galay heshiis, iyadoo la sheego inuu halkaasna lacago ka qaatay, faylkoodii baadhistana uu illaa hadda ku taagan yahay oo uu hoosta dhigay. F.G: Cali Bilyan Waxa Shaqadiisa Xun Sii Libin Laabay Intii Xukuumaddani Jirtay, Waxaanu Isku Haleeyaa Walaashiisa Golaha Guurtida Joogta Oo Inta Badan Sheegata Inay Saaxiib Dhaw La Tahay Marwada Labaad Ee Madaxweynaha. Qaybtii: 5-Aad. Lasoco Qaybaha Dambe: Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Source
  8. Ayatulaha Somaliland: Faysal Cali Waraabe —Jawaabtii Siciid Gahayar Waxaan wiigan ku arkaayay maqaal ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID. Maqaalkaasi waxaa qoray nin la yidhaa Siciid Gahayr kuna baahiyay mareegaha warqaadka iyo Facebook. Maqalkaasi ayaa ahaa mid ujeedada la geelayahay ay ahyid in gudoomiyaha Xisbiga UCID magac dil lagu sameeyo. Suaasha ayaa ah —Maxaa imika soo kiciyay doodan gacan ku rimis ah ee aan inagu cusbayn ee mala Awal ka ah?Midakalena ninkan ku eedaynaya danbiyo anu Faysal galin saw ma ogayn in edayntani anay ahayn mid inagu cusub—rag horena iskudayga magacdilka—Gudoomiyaha ruxiga ah ku fashilmeen. Hadaba ninkan marka uu doodan markale soo kiicinayo ma waxa uu helay cadaymo cusub (new evidence) oo shacbiga ka qarsoonayid? Waxaan isku dayay inaan fahmo bal in, Siicid Gahayr qoraalkiisa balse kuma arag xog cusub oo ku kalifay in halayayga qaranakani leeyahay ka faafiyo dacaaydo karma dil ah. Hadaba akhiriste ma ogatahay in aasaasayaashi Xisbiga UCID ee aan ka mid ahaa — kuwii dalka kusugnaa wakhtiggii Ururada ay qaadan wayeen dacaydan. Waxay goaan ku goosteen inta aanay tageero u muujin inta gudoomiyaha lagu sameeynayo (full reference check) dunta shaqsiyadiisa. Qorwayntii Markaa Ururkii UCID oo alla hawnaxariiste hormood ka ahaa, Axmed Muuse Geedi (Sanjab) oo markaasi u qoolaa—Xogahayaha Guud ee Ururka ayaa ayaa xunbihii ururka UFO ee markaa nolaa (2001?) shir la yeeshay. Maxamed Baaruud oo Siiciid Gahayr ku celceliye in markhaati ka dhiganayo ayaa waxa u sheegay gudiidaasi warkaasi Faysal suqa loogaliyey iyaga wax eed ah u haynin. Dadka magac dilka iyo xasnimada la daba socodaa waxaa kaliya ee Gaani kula xidhiidhin jireen waxay ahyid — Faysal iyo Gaani oo gobal ka soo wada shaqeeyey waa intaan Gaani loo soo badalin qaybtii 26 oo midna maddax milatari ah, midna maddax dawlad hoose. Haddii markii Gaani loo soo badalay, Hargeeysa ay kulamo yeesheen kama dhigayso dambiile. Midna waxaa ah aqoon daro ama ula kac goormaad qof sirtii aad gudbin kartaa? Miyaanay ahayn markaad sir lagugu aminay aad bixiso—Faysal iyo UFO wax sir ah oo dhextaalay ma jirto—Doodaasi ayaa hadaba ahyid mid jaban markastan nin dan gaara ah leh ama dhabarka laga soo taabtay isku dayi in magac dilo kula kaco, Gudoomiyaha ruuxiga ah ee Somaliland. Argatidaydani waxay Siiciid Gahayar iyo raga magac dilka Gudoomiyaha la cadaystay xusuusinaysaa in ay tahay nusqaan (serious allegation) in qof lagula kaco magac dil. Hadii sharcigu sarayn lahaa waxa dhici lahayid eedamaha noocasi oo kale ah lagu mudan lahaa CIQAAB CULUS. Waa qalinkii, Axmed Cabdi Ciise Social scientist Qaran News
  9. Askari ka tirsan ciidan booliska Soomaaliya ayaa Dawal gaari B L ah ayaa bwaxa uu ku dilay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir. wararka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in agagaarka Seeybiyaano askari ku sugnaa uutoogtay nin ahaa Dawal Gaari B L nuuca loo yaqaano Hoomay-da. warar kale duwan ayaa ka soo baxayo sida dilka uu udhacay, wararka qaar ayaa tibaaxaya in askariga dilka geystay iyo Darawalka uu soo kale dhex galay muran, ka dibna askarigu uu sidaas dilay ninka darawalka ahaa. Ciidamada ammaanka iyo dad shacab ah oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meedka marxuumka la dilay, halaka askarigii dilka geystayna uu goobta ka baxsaday. Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa ay gudaha Magaalada Muqdisho dilal kala duwan u geystaan Darawalada Mooto Bajaajta iyo kuwa ka shaqeysta gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee BL-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. image.png Dhakool hayska xidhnaado Xabsi hayska dhex jiifo Xayraankii ina Biixi Xeradiisa dhexdeeda Haku xaadir ahaado Waa xisaabo kaleeto Iyo xeelado aasan Waa xumaan la maleegay Xinna waa weheshaaba Adigoo Xaraf jooga Xuurto weeye ku hayso Waa xiniinyo u sheego Xididkiisiyo qoyska Yaanay booqan xigaalo Waa mid uu xisku diiday Iyo xoog iyo waalli Anigoon is xigsiinnin Xil uun baa i damqaayee Xiska maankiyo laabta Xubbi daa hadalkiisee Xaaddu iima dareemin Xabiibkii na abuurtiyo Allaa xaajo ogsoone Sida ay xantu sheegtay Inkastuu xumo geystay Xawda uu dad ka gooyey Waxan loo xakameeyey Xaakimkii siduu naadshay Xeerkii meesha u yaalliyo Xurmadii sharcigooda Tii xasaanaddu siisay Xadkoodii lama qaadin Waxna loomaba xeerin Xaaraan weeyiyo baadil Xukun duudsiya weeye Anigoon xaglinaynin Xaq uun baa i dhibaayee Xinjiri iima dubaaxin Waase xaajo adduunyo By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  11. Ciidsiinta Agoonta Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu iidsiinayey caruur agoon ah.#TAYAYNIYOTIIGSI Puntland State [...] Source
  12. Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Cafis u fidiyey maxaabiis munaasabadda Bisha Ramadaan iyo Ciidul-fitriga awgeed. Maxaabiistaan Cafiska loo fidiyay ayaa xiran xabsiyada deegaanda Puntland waxa ayna gaar 120 maxbuus ku waas oo ku jira xabsiyo kala duwan. Maxaabiista ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso,Garowe ,Qardho iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaana sheegay in bisha Ramadaan iyo munaasabadda Ciida owgeed cafis ayuu maamulku u fidiyay 120 kaas maxbuus oo kala xirna xabsiyada Puntland. Halkaan ka aqriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliiska degmada Xamar Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Kooxaha Burcada iyo ciidamada Booliska ayaa israsaaseyn Ku dhex martay degmada Xamarweyne, iyadoona khasaare uu ka dhashay israsaaseyntaasi. Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay oo Shacab ah, halka afar qof oo kalana ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu yahay kooxihii burcada ahaa, iyadoona ciidamada ay gacanta Ku dhigeen kooxaha burcada ah. “Ciidamada boliiska degmada X/Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan” sidaasi waxaa sheegtay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakiya. Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa Ku dagaalama kooxo burcad ah iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Xaflad lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta ah oo tiradoodu ay gaaraysay 150 caruur ah, taas oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro samafalayaal ah, waxaana qayb ka ahaa shacabka oo ay la wadaageen. Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa ku wehlinyay xafladdan Wasiirka Caddaalada iyo Arimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato, Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamc Yuusuf Jaamac Dabaraani, dhalinyarada howshaan soo agaasimey iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadin iyo ammaan u jeediyay dhallinyaradii kasoo shaqaysay barnaamijkan Khayriga ah ee lagu soo bandhigayay Ciidsiinta 150 kamida Caruurta Agoonta ah, waxaana uu sheegay inay mudan tahay in lasii dar-dargeliyo oo la xoojiyo si looga farxiyo Caruurta Agoonta ah iyo kuwa kale ee aan haysan wax ay ku ciidaan. Ugu dambayn, kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Karaash ayaa abaalmarino iyo shahaado sharaf guddoon siiyay dhallinyaradii barnaamijkan soo agaasintey, waxaana uu kula dar-daarmay inay halkaasi ka sii wadaan howshan muhiimka ah ee ay qabteen. The post Kusimaha Madxweynaha oo Ka Qayb Galay Xaflad Lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta Ah appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa cafis ufidiyay 121 maxaabiis ah oo ku kala xirnaa xabsiyada kala duwan ee Puntland. Maxaabiistaan oo xirnaa dambiyo fudud [...] Source
  16. (SLT-Qatar) Alle hawnaxariiso Ciyaar toygii Gobolka Togdheer iyo Xulka Qatar Maxamuud Soofe Yasiin (Jamaal Gadari) oo ku geeriyooday Dalka Qatar. Hoos ka DAAWO Goolashii guusha ee uu Dalka Qatar u Dhaliyay ee Tariikhda Galay . Hoos ka DAAWO Source
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo dowladda Kenya ay qaadeyso tallaabooyin is xig-xiga oo ka dhan ah kuna cadaadineyso Soomaaliya, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu si la yaab leh u sheegay inaysan jirin xiisad weyn oo u dhaxeysa labada dal. Cawad oo la hadlay wargeyska The Standard ee kasoo baxay Naiorbi, ayaa sheegay in aysan jirin wax muran diblomaasiyadeed oo weyn ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaa jiri kara is-faham darro kooban, balse ma rumeysni inuu noo dhaxeeyo muran diblomaasiyadeed oo weyn” ayuu wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u sheegay wargeyska The Standard. “Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo saaxiibo ah kuwaas oo awooda inay ka gudbaan kana guuleystaan khilaafyo kasta oo jiri kara.” Cawad oo tusaaleenaya in xiriirka labada dal uu weli wanaagsan yahay ayaa sheegay in socdaal uu dhowaan Nairobi ku tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, islamarkaana kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ay dowladda Kenya ku ballan-qaaday 500 oo deeq waxbarasho ah oo ay siineyso Soomaaliya. Deeqadaas, ayaa sida uu sheegay Soomaaliya loogu tababari doonaa dhaqaatiir, kal-kaaliyayaal, macallimiin iyo maamullo. Wareysiga uu siiyey The Standard, ayuu si kastaba Cawad ku sheegay in Soomaaliya ay aad ula yaabtay go’aanka Kenya ay dib ugu soo rogtay hakadkii ay diyaaradaha ka imanaya Muqdisho ku sameyn jireen magaalada Wajeer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Hormuud Telecom Foundation has donated cash handouts to 300 Yemeni refugees in Mogadishu, the capital of Somalia, this is part of the Foundation’s Ramadan Programs. Last Month, Hormuud Foundation has donated cash handouts to 100 low-income women in Mogadishu. Hormuud Foundation donated dry food to 250 households. Each receiving 25kg of rice, flour and sugar; and 5 kg of pasta, 3 litres of cooking oil and 2kg of Dates. In May, Hormuud Telecom Foundation donated cash handouts of US$100,000 to 1,000 orphans. View the full article
  19. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 55 kiis oo cusub oo cudurka daacuun caloolaha ah kaddib baaritaan ay sameysay laanta baarta cudurrada faafa intii u dhaxeysay 13 illaa 19 bishii May sannadkaan 2019. Ma jirin kiisas daacuun ah oo la soo wariyey usbuucyadii 1 iyo 7 aad ee laanta baaritaanku hawlgalka wadday sababo la xiriira xiritaanka xaruntii ugu weyneyd ee lagu daaweyn jiray daacuunka taasoo warbixnta laga soo uruuriyey. Tirada sii kordheysa ee kiisaska la tuhunsan yahay ee daacuunka tan iyo billawgii bishii December ee sannadkii 2017 waa 7290. Intii lagu guda jiray warbixinta laga soo billaabo bishii Febraayo illaa 19 May 2019 dhammaan kiisaskaan waxaa laga soo wariyey 16 degmo oo ku yaalla gobolka Banaadir. Dadka kiisaska lagu arkay waxaa ka mid ah carruur da’doodu ka hooseyso 5 sano. Daacuunka ayaa laga xakameeyey degmooyinka maamullada Jubaland, Hishabeelle iyo Koofur Galbeed kaddib markii meelahaas laga fuliyey durriinka daacuunka ee afka laga qaato (OCV) Waxaa wali jira meelo laga soo sheegayo cudurka oo ku yaalla gobolka Banaadir sida Dharkeynley, Deyniile, Hodan, Madiina, Hawlwadaag, Xamarjajab, Xamarweyne, Boondheere, Kaxda, Waaberi iyo Warta nabadda. Tan iyo billawgii sannadkan 2019, 153 astaamood oo cudurka muujinaya ayaa la helay laguna baaray Sheybaarka Caafimaadka ee Qaranka ee magaalada Muqdisho. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa sii wada baaritaanno dheeri ah islamarkaana looga jawaabayo dhammaan meelaha cudurku uu ka jiro. CGTN. Source: goobjoog.com
  20. The vice president of Puntland, Ahmed Elmi Karash, has named a committee to assess the ongoing floods that caused havoc in the administration. The task force is in charge to assess the impact of the calamity in order to dispatch response to inform of rescue to the affected families who are mainly pastoralists. They are composed of cabinet members, members of the regional security, governors and non-governmental organizations. At least nine people were killed as heavy rains lash in the semi-autonomous northern state since the past week. The minister also confirmed dozens of nomadic villagers with their animals who are still stranded in some areas that need help. The rainy season has kicked off in most parts of the country following a delayed period that triggered the food crisis. View the full article