-
Content Count
208,550 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Top North Korean official reappears days after purge report
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
SEOUL, South Korea (AP) — A senior North Korean official who had been reported as purged over the failed nuclear summit with Washington was shown in state media on Monday enjoying a concert near leader Kim Jong Un. Source: Hiiraan Online -
Waxaa sannadihii la soo dhaafay ay isu-soo-baxyo ka socdeen Isgoyska Meskel Square, ee bartamaha magaalada Addis Ababa, meeshaas oo aan ka fogeyn xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Bole Mikael, kuwaas oo aan indhahayga ku soo arkay bilihii March iyo April 2016. Dibad-baxyada, waxaa dhigaayey shacabka dulman ee Oromada, oo garwaaqsaday in is-beddelkii ay dalbanayeen saddexda sano – laga soo billaabo May 2014 illaa April 2018 – uusan ahayn kan uu horkacayo Abiy Axmed Cali. Waxay doonayeen structural changes, laakiin wuxuu is-beddelkii ku soo koobmay cosmetic changes. Sheekada Oromada waxay la mid noqotay gabyaagii Soomaaliyeed, ee la yaabay sedbursiga ka dhacay Soomaaliya xilligii Maxamed Siyaad Barre, ee yiri “gaajada ka bax baan lahaa, ma haddaan galay geerashkeedii”. Oromadii u ololeysay is-beddelka sal iyo baarka ah, ayaa waxay haddeer fahmeen in lala ciyaaray chess game, oo iyagoo sii jeeda lagu geddiyey isla is-beddelkii ay iyagu dhaliyeen, kaddib markii kursiga lagu soo riixay mid la sheegta Oromonimo, laakiin aan shaqo ku lahayn Oromo. Tusaale, is-beddelka ka dhacay Itoobiya, waxaa si weyn uga faa’iiday (greatest beneficiaries) qowmiyadda Amxaarada. Abiy Axmed, oo ay Amxaaradu dhaleen, isla markaana iyaga ka qaba, wuxuu si xad-dhaaf ah ugu sedburiyey Amxaaradii. Badankood hay’adaha halbowlaha ah ee dowladda cusub ee Itoobiya, oo ay ku jirto Hay’adda Nabad-sugidda ee NIS, wuxuu Abiy Ahmed madax uga dhigay dad Amxaaro ah. Xitaa guddiyada madaxa bannaan, ma lahan mid Amxaaradu ay ka maqan tahay. Arrimahaas, waxay dhaliyeen uurkutaallo iyo in Oromadu ay dareemaan alienation. Waxay yaqiinsadeen in is-beddelkii oo dhan uu ku soo biya-shubtay wax loogu daneynayo qowmiyad gaar ah, laguna ciqaabayo qowmiyadaha kale, ee ka soo horjeeda sedbursiga iyo is-cabburiska ka jira dhismaha qarannimada Itoobiya. Oromada, waxaa ka yaabiyey in si toos ah, oo aan gabbaad lahayn, loo weeraray mabda’oodii taariikhiga ahaa ee modern Oromo nationalism. Halkii uu wax ka qaban lahaa dareenka ay cabbireen dadkiisa Oromada ah, wuxuu bilcaksi Abiy Ahmed u muuqdaa inuu ku shaqeynayo the grand principle position of Amhara, oo ah (1) in la baa bi’iyo nidaamka ethnic federalism, ee qowmiyad walba ay gaarkeeda isu xukumeyso, nidaamkaas oo Oromadu ay ku dhex heshay is-maamul u gooni ah, iyo (2) iyo siyaasadda cusub ee Mademer ee taas daba taalla, oo dhabbaha u xaaraysa in dib loogu noqdo habkii Menelik ee Amharisation-ka ahaa, ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo Oromo badan lagu Amxaareeyey, ayna kaga mid noqdeen qowmiyadda Amxaarada. Kuweenna isku taxallujiya inay dersaan taariikhda, dhaqanka, siyaasadda iyo bulshooyinka Geeska Afrika, waxay ahayd wax aan qiyaasi karnay in dagaalka kama dambeysta ah uusan dhex mari doonin Oromada iyo Tigreega, balse uu dhex mari doono Amxaarada iyo Oromada. Laakiin, lama saadaalin karo, illaa iyo hadda, cidda dagaalka ku adkaan doonta ugu danbeynta. Haddii aan eegno taariikhda Itoobiya, dagaallada siyaasadeed ee Itoobiya laguma kala adkaado. Maalin waxaa adag Amxaarada, maalin-na waxaa adag Tigreega. Illaa qarnigii 12-aad, Oromadu waxay ahaayeen resource-ka ay Tigreega iyo Amxaaradu ku dul-dagaallamaan, ee laga helo xoogga iyo xamaaliga dagaalka lagu wado (manpower) Maanta, mutaqafka iyo mutacallimka Itoobiya wuxuu u badan yahay Amxaarada, Oromadu-na waxay hayaan population aan xad lahayn, laakiin waxgarad badan ma hayaan, oo indheergaratadoodii waxaa horey u laayey, ama ciqaabay, oo Itoobiya ka ceyriyey Haile Selassie, Mengistu iyo Meles Zenawi. Waxaa intaa sii dheer, Oromada iyo Amxaarada, waxay ku kala duwan yihiin: Amxaaradu waa dad kala dambeeya, oo muddada dheer ee ay xukumayeen Itoobiya waxay ka faa’iideen inay wax-bartaan, hoggaan-na ka dhigtaan kuwooda wax yaqaanna. Bilcaksi, Oromadu ma lahan kala dambeyn, waxaana soo rafaadiyey xukunnadii kala duwanaa ee isaga kala dambeeyey Itoobiya. Sidaas awgeed, waxaa ku dhacay lack of direction, waxaana mar walba talada u qabta kuwa iyaga la dulsaaro, ee looga dhigo hoggaan. Hase yeeshee, soo if-baxa kuwooda waxbartay, sida Lemma Megersa, Jawar Maxamed, Abiy Axmed, Workeneh Gebeyehu, iyo kuwo kale, ayaa albaab cusub u furay mustaqbalka Oromada. Shaki iigama jiro in Megersa, oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Difaaca, uu noqon lahaa kan abuura real structural changes gudaha Itoobiya, waayo wuxuu taageero xoog badan ku dhex leeyahay ummadda Oromada, balse waxaa ka soo wada horjeeda Amxaarada, Tigreega iyo wixii iyaga u sii adeega. Si kastaba, sida keliya ee kacdoonnada Oromada lagu joojin karo waa in Abiy Axmed uu xukunka ku wareejiyo Megersa, oo ah nin aan si sahlan loo loodin karin. Imaanshaha Megersa, waxay meesha ka saari doontaa damaca Amxaaradu ku doonayso inay ku soo noqoto xukunka Itoobiya, iyadoo jaranjaro ka dhiganaysa Abiy Ahmed Cali. W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis Maxamed Xaaji Ingiriis oo PhD Candidate Jaamacada Oxford. Wuxuu sidoo kale cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Russia has never had an African colony. It stayed out of the scramble for Africa, only engaging with African states in the 19th Century. In 1869, for instance, the Russians gave Ethiopia military support to threaten the position of the British in their quest to control the Suez Canal. They did this because Britain was one of their main European rivals. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee tagay waxaa baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ay aad u hadal hayeen lacag gaaraysa 1.7 milyan oo dollar oo Kenya ay qabatay, taasi oo sida la sheegay uu lahaa sarkaal Soomaali ah. Warbixinnadan ayaa waxay sheegayeen in lacagta uu Itoobiya kasoo diray sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo aad ugu dhow kuna beel ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa warbixinta asalkeeda laga keenay wargeyska The Star ee kasoo baxa Nairobi, kaasi oo warbixintiisa aan raacin wax xigasho ah oo ku saabsan cidda uu warka ka helay, haddii ay yihiin Soomaali ama Kenyan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa weriyaha caanka ah, Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxa uu sheegay in warkan uu yahay mid been ah oo aan sal lahayn. “Warbixinada uu dhowaan qoray website wareed Kenyan ee ah in Kenya ay qabatay boorso ay ku jirtay lacag dhan 1.7 milyan oo dollar oo cidna aysan la socon waa been, sida ay ku warrameen ilo-wareedyo Soomaali iyo Kenyan oo dhowr ah” ayuu yiri Haaruun Macruuf. Warbixinadan ayaa waxaa si gaar ah u adeegsaday dad aad uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, oo ay ku jirana xildhibaanno, kuwaas oo ku eedeeyey musuq-maasuq iyo inuu lacag u dhiibtay dad ehel la ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa khamiistii wuxuu ergaygiisa arrimaha Soomaalida u magacaabay danjire James Swan, oo ah diblomaasi Maraykan ah oo khabiir ah. James Swan ayaa sidoo kale wuxuu noqon doonaa madaxa xafiiska Qaramada Midoobay. Haddaba, ergaygan oo Maraykanka hore ugu ahaa safiirkooda u qaabilsan Soomaalida, ayaa waxa ay dad badani isweydiinayaan aqoonta uu u leeyahay Somaliland iyo xogta uu ka hayo, maadaama oo ay Somaliland xudun u noqon doonto shaqada iyo xilka uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay. Wargeyska Geeska Afrika ayaa dib ugu noqday kaydka uu ka hayo ergayga cusub ee Maraykanka ah oo hore si waafi ah uga hadlay qaddiyadda Somaliland, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo gobalka ku saabsan. September 2012 Bishii September ee sannadkii 2012, wuxuu danjire James Swan ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, Danjire James Swan, oo markaas ahaa safiirka dalka Maraykanka u qaabilsana Somaliland iyo Somaliya ayaa shirjaraa’id oo ku qabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu ku sheegay in wejigii hore ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qorsheeyay sidii uu wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa mustaqbalka. Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo la xidhiidhay hadal uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas la doortay uu ku balan qaaday inuu sii wadayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi safiirku “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho ee Ingiriiska iyo Norway fududeeyeen, ayaa muhiimadii ugu horeysay ee wada hadaladaasi noqdeen kuwo lagu qorsheeyo sida mustaqbalka wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa. Sidoo kale, waxaan filaynaa in qorshahaasi sii socon doono, iyagoo ku dhisan sidii bilowgii ay ku heshiiyeen, kuna bilaabi doonaan inay qorshe dhigtaan, oo bilowga la cadeyn doono qodobada wada xaajoodka mustaqbalka lagu soo qaadan doono. Laakiin, taasi waxay u muuqataa mid ku soo kordhaysa hawlahii labada dhinac oo xilligan bilaabaya inay qeexaan shuruudaha wada xaajoodkaa.” March 2013 Bishii March ee sannadkii 2013, wuxuu danjire James Swan, waraysi uu siiyay koox lagu magacaabi jiray USDOTSomali, oo ka tirsanayd wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaanu waraysigaas ku sheegay in Maraykanku la dhacsanyahay horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo dimuqraadiydada, “Dawlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda caalamkuba waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u hayaan dedaalka ay sameeyeen dadka reer Somaliland sanadihii la soo dhaafay iyaga oo si heersare ah u ilaaliyay nabadgalyada iyo xasiloonida dhulka Somaliland, iyo dhinaca dawlada oo qabatay dhawr doorashooyin oo aad u heer sareeyay, waxa kale oo bogaadin iska leh shacabka dedaalkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan dhaqaalaha iyo arimaha nolasha.” Wuxuu diblomaasigan Maraykanka ahi intaas raaciyay “ Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku waxay rabtaa inay sii wado inay kala shaqayso dadka Somaliland iyo maamulka dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, dib u dhiska iyo horumarinta iyo dhinacyada xidhiidhka dawladnimo ee aanu wadaagno, isla markaasna mawqifka dawlada Maraykanku waa mid barbar socda la’na mawqif ah qaramada midoobay, midawga Afrika iyo dawladaha la jaarka ah Somaliya.” Gunaanad Waxa muuqata in ergaygan cusub, inkastoo laga yaabo inuu wato siyaasadda dawladda Maraykanka oo wakhtigan ah mid kool-koolisa dawladda Soomaaliya, haddana uu uga duwanaan doono Somaliland wakiiladii hore ee Qaramada Midoobay oo badankooda xilkan loo soo magacaabay iyagoon fahan badan ka haysan kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya. Ergaygan ayaa wuxuu 24 January 2012 madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Axmed-siilaanyo oo ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen nabadgelyada guud ee Geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leeyihiin argagixisada iyo budhcad badeedii wakhtigaas jirtay. Geeska Qaran News
-
Kadib markii qaar kamid ah taliyaasha Somaliland ee gobolka Sanaag iyo ciidamo ay hoggaaminayan oo ka tirsanaa maamulkaasi ay dhowaan ku biireen dhanka Puntland ayaa sida la sheegayo xukuumadda Muuse Biixi warbixin qaldan ka gudbisay gobolka Sanaag. Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay u dirtay hay’adaha Samal-falka iyo kuwa horumarinta ee caalamiga ah waxay uga digtay in ay ka hawlgalaan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka soo jeedan ciidamada ku biiray Puntland. Somaliland waxay hay’adaha u sheegtay in amniga degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag uu gacanta ka baxay kadib markii malayshiya-beeleedyo hubaysan la wareegeen waxaana ay ku wargelisay in aan laga hawlgeli Karin. Sidoo kale Somaliland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah warbixin ku siisay in degmooyinka ay ku jiraan Xiingalool iyo Dhahar ay xarumo qarsoodiya ku leeyihiin ururka Al-shabaab oo sida ay sheegtay ka hawlgala degaannadaasi. Sarkaal ku sugan magaalada Nairobi oo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in saraakiisha sare ee hay’addiisu ay wax ka weydiiyeen sax ahaanshaha warbixinta Somaliland. Warbixinta oo uu weheliyo sawir muujinaya malayshiyaad hubaysan oo baabuur saaran ayaa loo diray hay’adaha iyadoo sawirka hoostiisa lagu qoray Badhan sida uu tilmaamay sarkaalka. Wuxuu sheegay in uu qoraal jawaab ah ka celin doono warbixinta Somaliland la wadaagtay hay’adda oo uu ku tilmaamay mid lagula dagaaallamayo nabadda iyo horumarka gobolka Sanaag gaar ahaanna loogu colaadinayo isir iyo dad gaar ah. Balse sarkaalka ayaa diiday in uu nala wadaago warqadda Somaliland u dirtay hay’adaha isagoo sida uu sheegay ilaalinaya xogt-gaarka ee u dhexaysa hay’addiisa iyo cidda ay bah-wadaagta shaqo yihiin. PUNTLAND POST The post Somaliland oo si kale uga aar-gudanaysa degaannada ay ka soo jeedan ciidamada ku biiray Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Qudus (Caasimadda Online) – Illo wareed ka tirsan Israa’iil oo heer sare ah ayaa xaqiijiyey in Caasimadda Falastiin ay noqon doonto Abu Dis sida lagu qoray heshiiska Qarniga ee lagu dhisayo Dowlad Madax banaan oo Falastiin ah. Wargeyska laga leeyahay dalka Israa’iil ee lagu magacaabo Makor Rishon ayaa shalay Qoray in Magaalada Abu Dis ee ku taal meel ka baxsan xeendaabka ay Yahuuda heysato ee Qudus oo ay ka arrimiso Falastiin ay noqon doonto Caasimadda cusub ee Falastiin. Abus Dis ayaa lagu heshiiyey inay noqoto magaalo maamul ahaan hoos tagto Falastiin balse ay Ciidan ahaan maamusho Israa’iil sida ku qoran Qodobka B ee Heshiiskii Oslo. Wargeyskaan ayaa sidoo kale qoray in Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas uu sanadkii 2018 ka diiday Dowladda Mareykanka iyo israa’iil in Magaaladaas laga dhigo Caasimadda dalka Falastiin isla markaasna laga saaro Ciidamada Israa’iil ee xoogga ku heysto. Bishii December ee Sanadkii 2017 Dowladda Mareykanka ayaa Jerusalem u aqoonsatay inay tahay Caasimadda Israa’iil waxayna Bishii May 2018 si rasmi ah ugu soo guurisay Safaaraddii ugu taalay Tel Aviv. Inkastoo aan weli lasoo bandhigin heshiiska Qarniga ee la doonayo in Dowlad looga dhigo Israa’iil isla markaasna falastiin loo madax banaaneeyo maamulkeeda lana qaato qaar ka tirsan dhulkeeda haddana waxaa marba la helayaa qodobo kamid ah heshiiskaas. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Qudus Caasimada@live.com
-
Is-haynta Somalia iyo Kenya ma aha arrin ugub ah ee waa soojireen, asaxaabihii iyo ingiriisba xog fiican ka hayeen. Qofkii raba inuu wax fiican ka ogaadana waxan kula talin lahaa inuu daawado SAFARI, film uu ingiriisku ka sameeyay Kenya, door muuqdana uu ku lahaa Mr JAMA oo ahaa nin Somali ah. Hase yeeshee arrinta waxa dhabqiyey saddex isbedel oo dib ka yimid: 1) Maraykan xog mooge ah oo bedelay ingiriiskii isku wadi jiray labada reer, isagoo midba tahanti ula tallaabsanayay. 2) Somalia oo burburtay, dad, duunyo iyo dawladnimo waxay ka lahaydna ay Kenya bililiqaysatay. 3) Kenya oo aan la gabanayn: “SOMALIA MA RABEE FUUDKEEDAN RABAA!!!” Markuu Maraykan sidii COWBOY vs CALI BEESATEEN ugu degay Somalia isagoo huwan shaalkii Qaramada Midoobay, waxa la isku ogaa inuu ciidamo aysan ku jirin dawladaha derisku adeegsado. Hase yeeshee tiisuu wataye taaka taakuu ciidamo Kenyan ah u mahiibsiiyey goboladii Jubooyinka oo ay in badan ku taabmi jireen. Taasoo ay Ethiopia iyo Djibouti-na hal la qalay raqdeed dhankooda ugusoo qamaameen. Kenya oo si gaara Maraykan qandaraas uga qaadatay dhabqinta Somalia iyo kusii haynteeda xaaladaa murugsan ayaa saami u heshay in gurigeeda hasha lagu qalo, quruskeedana ka coodato, qaxootigeedana la dejiyo. Dhanka kalena Soomaali waa dudee. Qaarkeed dawlado ku dhistay, hantideediina dhigatay, weliba dhabanka u salaaxday. Iyana markay istiri tani quluulatay, ayay xuduudii bad iyo berriba iyadu dib u calaamaysatay, iyadoo weliba ay ka go’an tahay inaysan mid hore u jirtay, mid lagu heshiiyo iyo mid maxkamadi xukunto midna u aabayeelin. Wajeer in la maro masaafada, madaxdu hogato madaarada, Islee lagu maalo maatida, Ingiriis ma arkayn manaamkee, maraykan baa jeexay map-koo, farmaajo-na siiyay mandate. Hadaysan sidaas ahayn waxaynu arki doonaa Farmajo iyo Khayre oo ka dhabeeyay go’aankoodii sababaysnaa oo ahaa in shirarka laga wareejiyo Nairobi. Marmarsiinyaha durba lagu dhaawacayo go’aankaas taariikhiga ah, ee dadyow aan filayo in loosoo dhiibay ay ku celcelinayaan baraha bulshada, inan Somalia doorasho lahayn, waxan ka leeyahay: Lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa! Anago tiro iyo tayoba inta kayar ayaan 1949 kii muqdisho keenay afartii dawladood oo adduunka berigaas ugu tunweynaa, si ay u dhegaystaan rabitaanka dhabta ah ee Somalia. Waa wax jira inan lax la qalayo la weydiin dhankee laguu dhigaa! Laakiin ogaada hadaan lax la helin inan shillal iyo shiro tooni jiri karin. Taasoo macnaheedu yahay hadaynaan inagu cid dambeba u dirsan Nairobi, inaysan gogoli ooli doonin. Weliba dawladu meelaha ay magacawday Xalane kasokow sida: Kampala, Kigali Iyo Addis Ababa kulligood waa macquul hoostayna ka jecelyihiin in wuxuun lagu caynsho. Sidaa darteed waxan talo kusoo jeedin lahaa in iyana la geliyo oo loo wafdiyo. W/Q: Saxardiid Kilwe ssaxardiid@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madasha Wada-tashiga Somaliland oo ay ku midaysan-yihiin Siyaasiyiin reer Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo xiisada dagaal ee kasoo cusboonatay bariga gobolka Sanaag. Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale waxay eedo u jeediyen xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, iyagoona iska fogeeyay inay Madaxweyne Biixi ugu jiraan jeebka oo ay saaxiib la yihiin. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Guure, Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo kamida Madasha Wada-tashiga, ayaa maanta waxay warbaahinta kula hadleen magaalada Hargeysa, iyagoona si wada jira u sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga, Xasan Guure Jaamac oo ugu horeyntii isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Madasha ayaa in badan la tabanayey, waanu ogayn oo in badan baa Dadku na lahaa ma jeebkii Muuse ayaad gasheen oo Saaxiibkiin ayaad raacdeen, laakiin Muuse Saaxiib lamaanu ahayn”. “Sansaanka muuqda iyo waxa aan xog-ogaalka u ahay in aanay doorashadaasi qabsoomayn, markaa waxaanu u sheegaynaa saddexda Xisbi Dadku in aanay sugayn doorasho ka dambaysa 2019-ka, jidad badana inay u furan yihiin, waxaynu ridnay Golihii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, markaa ma shaqaynayaan in Gole Xisbiyo ahi Dadka afduubaan” ayuu yiri Xasan Guure. Xasan Guure ayaa sidoo kale waxa uu xukuumada Madaxweyne Biixi u jeediyey inay si deg-deg ah wax uga qabato xiisada gobolka Sanaag, ayna ku dhameeyan si nabadgalyo ah. Cabdisalaan Gabaxaddi oo isaguna ka hadlay Madasha ayaa sheegay inay Somaliland ka dhacaan falal la mid ah kuwii dhici jiray xilligii Siyaad Barre, wuxuuna yiri “Siyaad barre Nidaamkiisii ridnay, laakiin dhaqankiisii wax badan baa innagu soo hadhay”. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna sidoo kale ka hadlay Madasha ayaa waxa uu sheegay inay xukuumada Biixi ku fashilantay dhameystirka diiwaangelinta, isagoona ka dhawaajiyey in xukuumada laga filayey inay diiwaangelintaasi dhameystirto si doorashooyinku ugu qabsooman waqtigooda. Waxa ugu dambeyntiina la hadlay warbaahinta Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Culimada Somaliland kana tirsan Madasha, ayaa wuxuu ku baaqay in Dastuurka ay reer Somaliland qorteen lagu dhaqo oo aan lagu tuman sharciga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan ayaa laga soo sheegaya mudaharaadyo xooggan oo mar kale dib uga bilowday dalka Suudaan sida ay soo werisay warbaahinta caalamka. Boqollaal dibad-baxayaal oo ka horjeeda hoggaanka militariga ayaa saaka oo Isniin ah buuxiyay afaafka hore ee xarunta taliska ciidamada militariga iyo wasaaradda Gaashaandiga dalka Suudan ee magaalada Khartuum halkaasi oo ay haatan ka socdaan isku dhacyo u dhexeeya dibad-baxayaasha iyo ciidamada. Ciidamada ayaa isku dayay in ay xoog ku kala cayriyaan mudaharaadyaasha oo xiray isu socodkii gaadiidka magaalada kadib markii ay buuxiyeen waddooyinka soo gala wasaaradda Gaashaandhiga iyo jidadka kale ee magaalada Khartuum. Kooxaha ka horjeeda golaha ku meel gaarka militariga ee waddanka maamula ayaa ku baaqaya in isu soo baxyada la ballaariyo islamarkaana aan dheg loo jalaq-siin awaamiirta militariga dalka. Guud ahaan magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan ayaa saaka gariiraysa mowjado dibad-baaxayaal ah oo ku dhawaaqaya ereyo ka dhana maamulka militariga ee dalka maamula. PUNTLAND POST The post Mowjado mudaharaadyo oo dib uga bilowday dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
One of nine siblings, Nimco Isack was born in Nashville to Somali immigrants who came to this country in 1996. Source: Hiiraan Online
-
Gobolka Saaxil Maanta Waxa Uu U Baahan Yahay Hogaamiyihii Hagi Lahaa Horumarkiisa Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo ka mida aqoon yahanadda reer Somaliland, isla markaana muddo aad u dheer shaqooyin kala duwan dalka ka soo qabtay gaar ahaana xiligii dib u dhiska Wuxuu ku dhashay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isagoo wax ku bartay dugsiga caanka ah ee Sheekh. Iyadoo markii uu waxbarashadda dugsiga sare dhamaystay loo diray dlka Ruushka oo uu waxbarasho sare oo jaamacadeed ku soo qaatay cilmiga milateriga. Sidoo kale markii uu ka soo noqday dalka Ruushka waxa uu taliye milateri ka noqday goboladda dhexe ee wixii berigaas la isku odhan jiray Soomaaliya. Sanadkii 1984-kii ayaa hadana mar labaad waxbarasho loogu diray dalka Maraykanka halkaasoo uu waxbarasho jaamacadeed military college.ku soo qaatay Waxaanu markii uu dhamaystay waxbarashadiisa u gudbay dhinaca dalka Canada, halkaasoo uu certificate of Engineering ku soo qaatay. Isagoo Canada ku noolaa muddo dheer, isla markaana shaqooyin kala duwan ka qabtay. Col. Ibraahim Xaaji Cabdi Cilmi, oo horaantii sanadkan dalka Somaliland dib ugu soo laabtay ayaa ka ku tilmaamay u jeedadda uu dalka u yimid in ay la xidhiidho sidii uu dalkiisa iyo dadkiisaba wax ugu qaban lahaa. Iyadoo markii uu gaadhay magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha magaaladaas ka mida. Waxaanu Eng. Ibraahim Xaaji, hadda ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye. Waxaana maalintaas soo dhawayntiisa aan u kala hadhin dadweynaha reer Berbera oo ay ka mid ahaayeen aqoon yahano, siyaasiyiin, masuuliyiin hore, dhalinyaro iyo haweenba. Hadaba marka la eego xaaladaha adag ee ay wakhtigan la joogo ku jiraan dadka reer Berbera iyo baahiyaha kala gedisan ee ka taagan gobolka ayaa loo arkaa in Eng. Ibraahim Xaaji Cabdi, uu yahay shaqsiga keliya ee loo arko in uu yahay ninka ka saari kara, haddii madax looga dhigo gobolka Saaxil. Gobolka saaxil ayaa xiliga la joogo waxay u baahan tahay cidii wax ka qaban lahayd kor u qaadidda dhamaanba adeegyadda bulshadda, sida shaqo abuurka, caafimaadka, biyaha, waxabrashadda, kalluumaysiga. Sidoo kale wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah ee kala duwan oo ay ka midka yihiin sibidhka iyo Ranjiga oo ku duugan degaamadda gobolka Saaxil, kuwaasoo ay dhamaantoodba ka faa’iidaysigoodda ka aradan yihiin bulshadda gobolku. Qaran News
-
ABU DHABI, United Arab Emirates — Prince Mohammed bin Zayed, the 29-year-old commander of the almost negligible air force of the United Arab Emirates, had come to Washington shopping for weapons. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal kasoo saaray dagaalada ku saabsan dhulalka Danta guud ee Dowladda Soomaaliya gaar ahaan midkii galabta ka dhacay Xaafadda Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho. Thaabit ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si nabadgalyo ah ku wajahdo marka la doonayo in dadka laga kiciyo Guryaha danta guud ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho halkii laga shaqeyn lahaa inuu dhiig daato weliba iyadoo lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan. Halkaan hoose ka akhriso hadalka Guddoomiyiihii hore ee Thaabit uu soo dhigay bartiisa Facebook: Arimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday. Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo. Waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin. Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciidamada booliska dagmada X/weyne oo is ku dayayey in ay gacanta ku dhigaan koox burcad ah ayaa iyaga iyo burcaddii waxaa is rasaaseynku dhex martay suuqa dagmada Xamar-weyne,. Kooxda burcada ah ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 3 ruux kuwaas oo doonayay inay dhac u geystaan dadka u soo dukaameysi tagay suuqa iyo kuwa ku suganba, maadaama suuqa aad u badan tahay saxmadiisa oo dadkuna u diyaar garoobayaan munaasabadda Ciida. Khassare ayaana Ka Dhshay Israsaaseynta ka dhacdey Suuqa Xamarweyne. ilo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in caawa ay ciidamada boliiska degmada X/Weyne ayaa sheegay in ay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan. Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Cali Bilyan waxa uu hanti dhawrka dhexdiisa ka samaystay kooxo ay isku adeegtaan kuwaasi oo uu ku shaqaysto islamarkaana uu si gaar ah ugu dirto goobaha qoyan ee uu sida gaar ah danta uga leeyahay. Waxa ay kooxahani u fududeeyaan khidadaha layaabka leh ee uu ku caano maalay kuwaasi oo uu iyagana dhaqaalaha kasoo gala wax kasiiyo. Waxa uu sidoo kale iska dhigaa ninka Awood ahaana ugu xiga hanti dhawraha guud ee Qaranka isagoo si toos ah ugu xidhma hanti dhawraha guud islamarkaana ku maala khidaha iyo laaluushka uu kasoo qaado hay’addaha qaranka qaarkood kuwaasi oo uu si bil ah uu lacago dheeri ah uga qaato. Hanti Dhawrihii hore ee Hay’addaasi xilkeeda soo qabtay Siciid Saleebaan Mire oo ahaa shaqsi aqoon dheeraad ah uleh Shaqada Hanti dhawrka qaranka islamarkaana intii uu joogay dar dar culus galiyay, aadna loo dareemay shaqadiisa ayaa islamarkii uu qabsaday Xafiiskaasi waxa uu Fahmay hanaanka shaqo ee Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxaanu toos ah dagaal ugu qaaday hawl maalmeedkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa shaqo, isagoo shaqo ka fadhiisin ku sameeyay, islamarkaana tusay qaladaadkiisa. Waxa uu Siciid Saleeban Mire ka diiday inuu la wadaago khidadaha xun ee uu muddada dheer kusoo shaqaynayay waxaanu ka joojiyay gabi ahaanba inuu wax ogaado hawl maalmeedka hanti dhawrka iyo shaqooyinkii baadhiseed ee ay sameeyeen wakhtigii uu joogay. Waxa uu sidoo kale ogaaday oo uu si fiican u fahmay Goobo gaar ah oo uu Cali Bilyan ku xidhnaa oo uu maali jiray islamarkaana uu laaluush ka qaadan jiray kuwaasi oo uu Hanti dhawrka kaga gudbanaa. Baadhisihii U Dambeeyay Ee Uu Cali Bilyan Hormuudka Ka Ahaa. Waxa uu Cali Bilyan Watay tiimkii baadhay Dawladda Hoose Ee Berbera, waxaana la sheegaa inuu heshiis hoose lagalay Maayar Cabdikariin Cidin Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, isagoo sida la sheegay ka qaatay Lacag iyo dhul cabirkiisu wayn yahay, waxa arintaasi la qaatay oo ay heshiis ku ahaayeen si hoose, Hanti dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir. Waxa Documantigii Dawladda hoose ee Berbera Habeen madaw Hargeysa ka qaaday nin lagu magacaabo Naasir oo ay Hanti dhawre Axmed Dirir Ilmaadeer yihiin. Sidaasi ayaana lagu aasay baadhistii Dawladda Hoose ee Berbera. Berbera waa meesha ugu musuqa badan ee lagu hiigay xoolaha umadda waxaana muuqata sababta loo qariyay baadhistaasi, ee Dokomentiga habeenka loo guureeyay, in Xoolo buuran la waydaarsaday, waxaana hawshaasi fuliyay Cali Bilyan. Waxa uu Cali Bilyan dhawr bilood ka hor baadhay Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa uu iyagana heshiis ama gor gortan kala galay Maayarka iyo nin ay ilmaadeer yihiin Cali oo dhulka u qaabilsan dawladda hoose oo lagu magacaabo Khaalid Abiib. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay inay Cali Bilyan iyo Axmed Yuusuf Dirir ka qaateen Dawladda Hoose ee Hargeysa lacag sodon kun oo dollar dhan(30,000-Dollars), waxa lanoo xaqiijiyay inuu lacagtaasi Cali Bilyan gacantiisa kaga soo qaaday Kaalinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ku dhegsan halkaasi oo ay ugu balamiyeen Masuuliyiinta ugu saraysa Dawladda Hoose ee Hargeysa. Lacagtaasi ayaa laaluusha ahaan looga dhigay si uu u qariyo xogta baadhista faylka uu gacanta ku hayo ee hanaanka Xisaabta Dawladda hoose kaasi oo uu illaa hadda kuu taagan yahay oo uu hoosta dhigay si loo ilaawo hadhayna uu habeen madaw dib ugu celiyo Dawladda Hoose. Waxa uu sidoo kale Baadhay oo uu madax u ahaa tiimkii baadhay Xafiisyadda Lacagta Airport-ka Hargeysa gaar ahaan shirkaddo yar yar oo halkaasi lacago buuran ka ururiyo, waxaanu iyagana la galay heshiis, iyadoo la sheego inuu halkaasna lacago ka qaatay, faylkoodii baadhistana uu illaa hadda ku taagan yahay oo uu hoosta dhigay. F.G: Cali Bilyan Waxa Shaqadiisa Xun Sii Libin Laabay Intii Xukuumaddani Jirtay, Waxaanu Isku Haleeyaa Walaashiisa Golaha Guurtida Joogta Oo Inta Badan Sheegata Inay Saaxiib Dhaw La Tahay Marwada Labaad Ee Madaxweynaha. Qaybtii: 5-Aad. Lasoco Qaybaha Dambe: Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Source