Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in Marakanku diyaar u yahay wadahadallo uu Iiraan la yeesho oo bilaa shuruud ah. Pompeo ayaa hadalkaa ka sheegay dalka Switzerland oo uu booqasho rasmi ah ku marayo, dalkaas oo danaha Maraykanka wakiil uga ahaa Iiraan tan iyo sannadkii 1979. Hadallada Pompeo ayaa u dhadhamayay sidii kuwo nabadeed, ka dib toddobaadyo ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran. Balse baaqa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ma u qalmaa in la dhoho waa mid aan shuruud lahayn, maadaa oo uu sheegay in Iiraan looga baahan yahay in ay caddayso in ay u dhaqmayso sidii dal caadi ah, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uusan joojinayn dadaallada uu wax uga qabanayo wax uu Pompeo ku tilmaamay tallaabooyinka halista ah ee Iiraan. Xitaa haddii ay labada dhinac kulmaan, ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan. Madaxweyne Trump ayaa isaga baxay heshiis uu sixiixay Obama oo muddo sannado laga xaajoonayay, kaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan. Iiraan ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in heshiiskaas dib wada hadal looga galo. Switzerland ayaa sheegtay in ay rajaynayso in ay mar kale dhexdhexaadiye noqoto, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland ayaan la gaban sida dawladdiisu ay uga walaacsan tahay saamaynta ay shacabka Iiraan ku yeelan karto cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda. Pompeo ayaanse sheegin wax bidhaaminaya in Washington ay rabto in ay dabciso cunqabataynta Iiraan. Source
  2. Dowladda Puntland oo iclaamisey in ay labo maalmood fasax yihiin dhamaan shaqaalaha Dowladda, shirkadaha gaar ka ah iyo Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka shaqeeya. [...] Source
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in dagaal xooggan oo ku saabsan doorashada Jubaland uu dhex-mari doono Kenya iyo Somalia, ayada oo dowladda Muqdisho ay isku dayi doonto inay Axmed Madoobe ka tuurto xukunka, halka Kenya ay ka go’an tahay inuu sii joogo. Warbixin wargeyska uu qoray ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay adeegsan doonto isbahaysi cusub oo gobolka ah iyo dalalka Qatar iyo Turkey, si maamulka Jubaland looga wareejiyo Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya. Sida warbixinta lagu sheegay, qorshahan ayaa waxaa ku jira in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah oo aan ku jirin Amisom la geeyo Kismaayo, si ay saameyn ugu yeeshaan doorashada Jubaland, loona xaqiijiyo in qof ay dowladda taageersan tahay uu kusoo baxo. Ethiopia ayaa si aad ah usoo dhoweeneysa qorshahan, ayada oo leh ujeedadeeda gaarka ee ah inay gacanta ku dhigto dekedda Kismaayo, oo ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan. Waxa ay sidoo kale dhowaan dhistay ciidamo badda ah oo u baahan saldhigyo ay ka maamulaan Badda Cas iyo Badweyne Hindiya, sidaas darteedna muhiimad gaar ah ayay u leedahay dekedda Kismaayo, sida ay warbixinta tiri. Warbixinta Daily Nation ayaa tiri “Kenya waxay u baahnaan doontaa fur-furaan iyo xariifnimo si ay uga bad-baado seefta Itoobiya iyo Eritrea ee kusoo socota, oo ay Soomaaliya adeegsaneyso” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalalka xayiraada ku saaray dalkiisa ay bilaabeen inay dalalka Gobolka cadaadis ku saaraan inay iyaga ka soo horjeestaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dowladdiisa ka aamustay oo aanay taageerin go’aanadii ka soo baxay Shirarkii degdega ahaa ee ka dhacay Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Carabta, Ururka Islaamka iyo Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka. Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in go’aanada qaar ee shirka aan lagala tashan, sidaas darteed ay iyaga qeyb ka aheyn. Waxaa uu shirkiisa ku soo hadal qaaday in Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xayiraada ku soo rogay dalkiisa ay cadaadis ku hayaan dalalka Gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya loo cadaadinayo xidhiidhka ay Qatar la leedahay. “Dalalka na saaray xayiraada waxay ku cadaadinayaan dalalka gobolka, inay anaga naga soo horjeedaan, sida Soomaaliya oo loo cadaadinayo xiriirka ay nala leedahay” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, kaddib markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xidhiidhka u jareen Qatar, kuna eedeeyay inay taageerto Argagixisada. Source
  5. (SLT-Khartoum)-Ciidamada Milateriga Suudaan ayaa bilaabay inay xoog ku kala eryaan Mudaharaadayaasha ku sugan banaanka Wasaaradda Gashaandhiga wadankaasi oo ah xudunta kacdoonka. Guddiga dhexe ee dhakhaatiir Suudaan ayaa xaqiijiyay dhimashada labo qof iyo dhaawaca tiro kale, waxaana la maqlayaa Rasaas xoog leh oo ka dhacaysa goobaha ay fadhiyeen mudaharaadayaashu. Mohammed Elmunir oo ka mid ahaa mudaharaadayaashii naftooda la soo baxsaday ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadu xireen iridihii laga baxayay kadibna ay rasaas ku fureen mudaharadaayaashii ” waxay xireen dhammaan iridihii laga baxayay ee Fagaaraha, Qofkasta waa tooganayeen, iyagoo gubayay Teendhooyinkii ay deganaayeen mudaharadaayaashu, qofkastaa naftiisa ayuu la cararay” Sidaas waxaa yidhi Mohammed Elmunir Howlgalkan ayaa imaanaya maalmo ka dib Markii Milateriga Suudaan ay sheegeen in Tallaabo ay ka qaadi doonaan shacabka ku mudaharaadaya banaanka wasaaradda gashaandhiga, iyagoo sheegay in amniga dalka ay khatar galinayaan Dhaqaaqa Mudaharadayaasha Suudaan oo socday muddo dheer ayaa ku guulaystay in xukunka laga tuuro Madaweynihii hore Cumar Xasan Albashiir, waxaana xukunka la wareegay golle milateri, haseyeeshee shacabka Suudaan ayaa ka horyimid, iyagoo ugu baaqay Generaalada Ciidamada in dowladda rayid ah xukunka lagu wareejiyo Source
  6. (SLT-Washington)-Waxaa cirka isku sii shareeraya walwalka iyo walaaca heesta Bulshada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ku aadan is qaarijinta dhalinyarada Soomaalida. Ma ahan wax ku cusub dalka Mareykanka in dhalinyarada soomaaliyeed ay is ugaarsadaan waxaana falkaan uu bilowday sanadkii 2007-dii, inkastoo hadane uu dib u soo laabtay sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkaan Bartamaha ah oo aynu ku guda Jirno. Culimada ku nool magaalada ayaa sheegay in aan la aqbali karin in dhalinyarada is dileysa la fiirsado waxaana ay ugu baaqeen in waalidiinta ay si dhow ula socdaan Ubadkooda. Khudbadihii Jimcaha ayaa badi looga hadlay dilalka masaajidada waaweyn oo uu ka mid yahay Masjidka Abubakar Al-Sadiiq. Dilkii ugu danbeeyay ayaa waxaa loo geestay laba habeen ka hor oo taariikhdu aheyd 31-dii May wiil lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim kaasi oo meydkiisa la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Minneapolis. Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay Universal ayaa sheegay in ay ku jahawareersan yihiin wax ka qabashada Arintaan. Waxay sheegeen in caruurta qaar aan la fahmi karin sababo la xiriira in ay dalka Mareykanka kaga soo horeeyeen waalidkooda halka qaarna ay cudur daar uga dhigeen fahamka luuqada. Dhalinyarada ayaa iskula socda qaab kooxeysi ah oo ay isku Dilayaan. Dalka Mateykanka ayaa ah dal si fudud lagu heli karo Hubka arintaan oo la soo sababeynayo sare u kaca dilalka Soomaalida. Inkastoo sanad waliba dhibaatada ugu daran oo shacabka Mareykanka ay u dhintaan ay aheyd shilalka iyo daroogada ayaa hada kaalinta koowaad waxaa soo galay Toogashada. Source
  7. (SLT-London)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa beeniyay inuu “wax laga yaqyaqsado” ku tilmaamay amiiradda Sussex ee ka tirsan boqortooyada Igiriiska, iyadoo xitaa la hayo cajalad uu codkiisa ku duuban yahay. Meghan Markle ayaa ah xaaska amiir Harry, oo ay ayeeyo u tahay boqoradda Ingiriiska, waxayna dhawaan dhashay wiil cusub oo ku soo biiray dhaxal sugeyaasha boqortooyada. “Waligey Meghan kuma tilmaamin ‘wax laga yaqyaqsoodo’,” ayuu Trump bartiisa Twitter-ka kusoo qoray maanta oo Axad ah. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa sheekadan sameeyay warbaahinta faafisa wararka been abuurka ah, waana lagu qabtay!” Mr Trump ayaa hadalka la qoonsaday ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Sun, mar uu isku diyaarinayay safarkii uu ku tagay dalka Ingiriiska. Meghan oo u dhalatay dalka Mareykanka, horayna u ahayd atariisho ayaa si joogto ah u dhaliisha Mr Trump. Waxay taageero buuxda u heysay Hillary Clinton oo Trump kula loollameysay doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii. Mar ay ka hadleysay Trump ayay ku tilmaantay inuu yahay “qof shacabka kala qeybinaya, oo dumarka neceb. Mar wareysiga uu Trump siinayay wargeyska The Sun loogu sheegay inay hadalladaas tidhi Meghan ayuu sheegay inuusan horay usii maqlin oo ay markaas ugu horreysay. “Ma aanan ogeyn taas. Maxaan ka dhihi karaa? Ma aanan ka war qabin inay ahayd wax laga yaqyaqsoodo”, ayuu yidhi Mr Trump. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay ku biirtay qoyska boqortooyada, wuxuuna ku tilmaamay inay noqoneyso amiirad “aad u wanaagsan”. Maanta oo Aaxad ah ayuu wargeyska The Sun boggiisa Internet-ka soo dhigay cod laga duubay Trump markii la wareysanayay. Source
  8. Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa todobaadkan qoraal ka soo saaray xaaladda Soomaaliya ee dhanka siyaasad, amni iyo xataa waqtiga ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale jirtay in ay ka digeen xaalado khatar ku noqon kara nabadda iyo amniga, dibna u celin kara Soomaaliya. Golaha ammaanka meelna kuma sheegin in Soomaaliya ay iminka ku jiro xaalad khatar ah, oo keeni karta in la adeegsado Chapter 7(VII), laakin waxaa uu leeyahay haddii sida wax loo qosrheeyey lagu guul-dareysto waxaa ay xaaladda nabad-galyo iyo midda amni isku badali karaan mid khatar ah, oo keeni karta inuu golaha ammaanka adeegsado Chapter 7(VII) Qodobkiisa ama article 39. “Chapter VII article 39, golaha ammaanka waxaa uu u xadidayaa jiritaanka xaalad khatar amni, oo meel looga dhacay nabadda ama fal gar-darro, markaas ayuu xadidayaa cabirka go’aannada la qaadanayo sida ku qoran qodobbada 41 iyo 42, oo ah ilaalinta iyo soo-celinta nabadda iyo amniga caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri golaha ammaanka. Haddaba, iyada oo laga duulayo cutubkan aan soo sheegtay, Qaramada midoobey waxaa ay soo-jeedineysaa: (1). Waxaa ay ugu yeereysaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney dedejiyaan horumarka ku aadan xal siyaasadeed oo waara, oo ay ku jiraan: Heshiiska awoodda iyo dib u eegista dastuurka KMG ah. (2) Sameynta hey’ado dowli ah oo howlshoodu tahay kor-joogteynta. (3) Kala saaridda mas’uuliyadaha iyo kaalinta ciidamada amniga, waxaa uuna golaha ugu yeeray dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney qorsheeyaan amniga doorashada iyaga oo la kaashanaya AMISOM, UNSOS, iyo UNSOM, si ay dhacdo doorasho loo dhan yahay, oo nabad iyo xor iyo xalaal ah, oo qof iyo codkii ah 2020/2021 Golaha ammaanka sida uu sheegay waxaa uu rajo ka qabaa in dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka wada shaqeeyaan hirgelinta 3-daas qodob si looga fogaado in Soomaaliya ay gasho xaalad khatar, keeni kartana in golaha adeegsado ama u baahdo Chapter 7(VII) Qodobkiisa ama article 39. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Todobo dhaqaatiir ah ayaa dalka Gaana ku sameeyay qaliinkii ugu horeeyay ebid ee maxkaxda lagu sameeyo iyadoo aan la jarin dhakada. Qalliinka maskaxda waa farsamo [...] Source
  10. Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgallo ay ka wadaan gobolka Gedo ay kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi, kana saareen dagaallamayaal Al-shabaab ah. Dhame Cali Maxamed, Taliyaha Ururka 49-aad ee ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanku ay ku baxeen deegaanno hoostaga degmada Baardheere, islamarkaana si kooban ay ula dagaallameen Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay in meelaha ay ciidanku qabsadeen ay ka mid tahay Tuulada Cali Xareed oo uu sheegay iney Al-shabaab ku lahaayeen goob gaadiidka lacagaha looga qaado. “Howlgalladeena waxay ahaayeen kuwo qorsheysan, waxayna ciidanku la wareegeen Tuulada Cali Xareed iyo deegaanno kale, nimanka argagaxisada ah waan daba soconnaa, howlgalkuna wuu qorsheysan yahay” ayuu yiri taliyaha. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal waxa ka jira in laga saarey deegaannadan, hase ahaatee ciidanka xoogga dalka ayaa waday howlgallo ka dhan ah ururkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kenya has banned fishing activities off the Coast near the Somalia border over security concerns. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadalayay amniga magaalada Muqdisho. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa ay ka qeyb galay saraakiisha laamaha amniga, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga Caasimadda, inta lagu guda jiro dabaal daga maalmaha Ciidul Fidriga. Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare ku xigeenka XFS oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga in ay labo jibaaraan howlaha lagu sugayo amniga Muqdisho. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda ayaa howlgallo amniga lagu xaqiinayo ka waday dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
  13. Sudanese security forces have used live ammunition in a major operation to disperse a protest camp in central Khartoum, witnesses and Arab television stations reported. Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  15. Doha (Caasimada Online)-Dowladda Qatar ayaa shaacisay sababta ka dambeysa cadaadiska saaran dowladda Soomaaliya, oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar Mohamed Bin Abdulrahmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Qatar uu sababay in dowlado badan Cadaadis ay saaraan dowladda Soomaaliya. Wasiirka wuxuu sheegay in dowladihii xiriirka u jaray sanadkii 2017 ay cadaadis saarayaan dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka doonayaan inay Qatar xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya. Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ay ka aamustay go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxda Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga Islaamka ku yeesheen dalka Sacuudiga. “Dalalka na saaray xayiraada waxay ku cadaadinayaan dalalka gobolka, inay anaga naga soo horjeedaan, sida Soomaaliya oo loo cadaadinayo xiriirka ay nala leedahay”ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar. Dowladda Soomaaliya oo go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay xiisadii wadamada Khaliijka ayaa loo arkaa inay u janjeerto dhanka dowlada Qatar, taasi oo keentay inay cadaadis badan la kulanto. Madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ayaa marar badan isaga daba noqday dalka Qatar, waxaana wali fulin balanqaadka iyo Mashaariic Dowladda Qatar shaacisay inay ka hergelin doonto dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Maamulka degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab. Maxamed Isaaq Araxas oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shaqsigan markii uu is soo dhiibayey uu watey qoriga AK-47,iskuna dhiibay ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugnaa. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shaqsigan uu ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa Berdaale iyo sidoo kale madaxii maaliyadda. “Sarakaal kan ka tirsanaa ALshabaab oo hada soo goostay,waxaa lagu magacaabaa Ibrahim Maxamed Adan ( Ibarhim Boolis ), waxaa uu ahaa qof wax badan dagaallo ay ina dhexmareen, Labo jago ayuu hayey, madixii sirdoonka iyo Maaliyadda Bardaale, nin aad looga yaqaano deegaannada ayuu ahaa, iyadoo la tixgelinayo baaqii madaxweynaha JFS ee ahaa cafiska waan soo dhaweynaynaa, xiriirro ayaa ina dhexmaray, kadib markii uu go’aansaday in uu kasoo baxo Al-shabaaba, isagoo arkay dhibaatada lagu hayo shacabka, taasii ayaana sabab u ahayd in uu isku soo dhiibo Dowladda” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab ee ku sugan gobolka Baay iney isku soo dhiibaan dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayeen in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Xiisaddan ayaa si gaar ah waxaa looga dareemayaa Magaalada Badhan iyo deegaanno kale oo ku dhow, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Wasiirka amniga Puntland ayaa ku sugan Badhan, waxaana dhowaan halkaasi gaaray ciidamo la sheegay iney ka goosteen dhanka Somaliland. Shacabka Badhan ayaa iska diiday Somaliland, waxaana ay sheegeen iney ka tirsan yihiin oo ay hoostagaan Puntland. Waxaa jirta cabsi ah in mar walbo dagaal uu dhacdo, iyadoo Labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Somalia ayaa shaacisay inay dhici doonaan shirar looga hadlayo arrimaha shidaalka dalka, kaasoo ay ka qayb-galayaan shirkado daneynaya shidaalka Somalia. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda macdanka iyo shidaalka Somalia, Maxamuud C/qaadir Hilaal ayuu ku sheegay in shirka koowad lagu qabanayo Turkiga, isla markaana ay ka qayb-geli doonaan shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaasoo daneynaya shidaalka Somalia. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka labaad uu ka dhacayo Mareykanka si la mid ah ayna ka qayb-geli doonaan shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo daneynaya shidaalka Somalia. Dhanka kale, Wasiirku ma shaacin waqtiga ay shirarkaasi dhici doonaan, balse waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan xildhibaannada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga shidaalka Somalia, kaasoo golaha si dhaqso badan lagu mariyay, waxaana qorshuhu yahay in shidaalka dalka loo gacan-geliyo mid ka mid ah waddamada aadka ugu dhaw dowladda hadda jirta. Ugu dambeyn, Arrimaha shidaalka Somalia iyo habka loo wadaagayo waxaa dhawr jeer isku khilaafay maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka ah, iyadoo aanay jirin wax xal ah oo weli khilaafkaas laga gaaray. PUNTLAND POST The post DF oo shaacisay in la qabanayo shirar looga hadli doono arrimaha shidaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Maxaabiistaasi laga soo qaadayo magaalada Hargeysa ayaa hore loogu qabatay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo haatan ku xiran magaalada Garoowe. Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 maxbuus balse waxay mar dambe sii daysay 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC kadib markii dhaqan-celin loo sameeyay. Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood maanta la keenayo Garoowe. Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC. PUNTLAND POST The post Diyaarad maxaabiis ka keenaysa Hargeysa oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  20. Garow (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) ayaa cafis loogu fidiyay 121 Maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee maamulkaasi. Maxaabiistan oo ku eedeysanaa dambiyo fudud ayey Puntland go’ansatay in sii deyso bisha barakeysan Ramadaan iyo munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  21. Garow (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) ayaa cafis loogu fidiyay 121 Maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee maamulkaasi. Maxaabiistan oo ku eedeysanaa dambiyo fudud ayey Puntland go’ansatay in sii deyso bisha barakeysan Ramadaan iyo munaasabadda Ciidul Fidriga aawgeed. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  22. Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Xiisadda dhulalka dowladda ka dhalatay ee ka taagan Xaafaddo ka mid ah Muqdisho. Mudane Taabit ayaa ku baaqay in si deg-deg ah oo nabadgaliyo la socoto loo xaliyo xiisadda, isla markaana aan loo bareerin daadinta dhiiga shacabka, isagoo xusay in ax walba oo keeni kara in la daadiyo dhiigga shacabka lagu xalliyo si nabad-galyo ah. Haddaba, Qoraalka uu duqii hore ee Muqdisho kaga hadlay xiisadda Xamar ka taagan ayaa u qornayd sidan; Arrimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday. Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo. Sidoo kale, waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin. Ugu dambeyn, Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego. PUNTLAND POST The post Duqii hore ee Muqdisho oo si adag uga hadlay xiisadda dhuleed ee ka taagan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale sheegtay in la qaban doono shir looga hadlayo arimaha Shidaalka Soomaaliya, kaasi oo noqonayo shirkii labaad, kadib shirkii horaantii sanadkaan ka dhacay dalka Ingiriiska. Shirka labaad ayaa ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Badroolka Xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wasiirka ayaa sheegay in shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ay ka qeyb galayaan Shirkado inta badan daneynaya arimaha shidaalka Soomaaliya ee ku yaala Qaaradda Aasiya. Shirka Labaad ayuu sheegay inuu ka dhici doono dalka Mareykanka, waxaana ka qeyb galayaasha inta badan ay noqon doonaan, kuwo ka diiwaan gashan dalka Mareykanka, sida uu warbixinta ku sheegay. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ma uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ay shirarkaasi dhici doonaan,hayeeshee waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay Arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay Magalada London ee dalka Ingiriiska. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (SMN) – Wareega Sama-Finalka ee tartan aqooneedka Shabelle oo xalay la qabtay ayaa waxaa ku loolamay demgooyinka Howlwadaag, Xamarweyne, Dharkenley iyo Shibis oo ka wada tirsan gobolkan Banaadir. Kulanka ugu horreeya ayaa waxaa isaga horyimid Howlwadaag iyo Xamaraweyne, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u qiimo badan. Howlwadaag oo la weydiiyay 7 Su’aal waxa ay ka jawaabtay 4 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysatay labo kale, sidaasina, waxa ay ku heshay 12 buundo. Degmada Xamarweyne oo iyana la weydiiyay 7 su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celiyeen tartamayaasheeda 4 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka fa’iideysteen 3 kale, waxaana ay keensadeen dhibco gaaraya 14, sidaasina waxa ay ugu gudubtay wareega kama dambeysta ee tartanka, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Dhinaca kale waxaa isla xalay la qabtay tartan kale oo xiiso badan oo dhexmaray degmooyinka Dharkenley iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Degmooyinkan uu dambeeyay wareega Sama-Finalka ayaa muujiyay dadaal xoogan, hayeeshee waxa ay guusha raacday degmada Dharkenley ee M/ Muqdisho. Dharkenley ayaa la timid 18 dhicood oo ay ugu gudubtay wareega Finalka ee tartanka Sanadlaha ah ee Idaacadda Shabelle, halka Shibis ay keensatay 8 buundo Tartanka bisha Ramadaan oo maraya heerkii ugu dambeeyay waxa caawa Finalka isku beegan degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley, halka kaalinta 3-aad ay isla caawa u tartami doonaan degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola. Halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Comercial Secondry School View the full article