Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,550
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Lamu (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa amar ku soo rogtay Kalluumeysatadeeda ka jallaabta meel ku dhow xeebaha Soomaaliya. Kalluumeysatada ayaa la faray in aysan ku dhawaan biyaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan tagin degaannada ku dhow sohdinta Soomaaliya ee dhinaca badda. Joseph Kanyiri, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Lamu ayaa sheegay in kalluumeysatada ay gaari jireen ilaa Xeebta Raas Kambooni ee Soomaaliya haddase ay adag tahay in halkaas la tago. Waxa uu intaas ku daray in Ciidamada kala duwan ee Kenya ay ilaalo gaar ah ku hayaan dhaq dhaqaaqa Xeebaha Kenya ee u dhow Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay in Ganacsi u badan Kontraban laga geliyo Kenya sidoo kalena dadka lagu kala gudbiyo. “Waxaa jira goobo ay kalluumeysatadeenna doonayaan inay gaaraan balse nasiib darro ay dhibaatooyin ka jiraan. Walaceenna ugu weyn waxa uu yahay inay jiraan alaab kontaraban ah iyo dadk si si sharci darro ah halkaas looga gubinayo, waxaana ka shaqeeneynaa inaay joojinno dhaq-dhaqaaqyadaas” ayuu yiri. Mr Kanyiri, ayaa dhinaca kale Kalluumeysatada Kenyaanka ah ka qaaday xayiraaddii dhinaca kalluumeysiha ee habeenkii ahayd, waxaana uu sheegay in ay kaliya ka kalluumeysan karaan Bariga Lamu. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta dib uga qarxay deegaanka Taaragaduud oo qiyaastii 20 Km u jira magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa lix Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi. Xaaladdd ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac. View the full article
  3. Baardheere (SMN) – Cabdicasiis Cali Cumar taliye ku xigeenka qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Howgla Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan ay kula wareegeen tuulooyinka Cali Xareed iyo Juungal oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolkaasi. Sidoo kale taliye ku xigeenka qeybta 49-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in iska hor imaad ka dhacay halkaasi ay ku dileen labo ka tuirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen saddex kale, sida uu hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada DFS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobolka Gedo ee Jubbaland. View the full article
  4. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-030619-ww.mp3 View the full article
  5. Hogaaniyayaasha Wadamada Carabta halmar ayay hoos wada fiiriyeen kadib markii Raysal wasaaraha Pakistaan Imran Khan uu Canaan kulul iyo far ku fiiq uu la hor [...] Source
  6. Somali Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled, has chaired high-level security meeting in Mogadishu on Sunday evening. The weekly meeting attended by heads of regional security, mayor and governor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman is aimed to streamline security in the city mainly during the Islamic festive season of Eidul Fitri. Deputy premier who toured various departments of the Banadir police headquarters has praised efforts by the uniformed forces to keep the residents of the Somali capital safe via their modern technology monitoring system. Somali security agencies have been on high alert during the holy month of Ramadan to preempt attacks from armed group al-Shabaab. Extra security checkpoints have been erected in major roads across the city for vigilance. View the full article
  7. Kooxda ISIS ee woqooyiga Soomaaliya ayaa qoraneysa dagaalyahanno si xowli ah iyadoo ay jiraan kororka weerarrada dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanku ka fuliso Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Africa ee Mareykanka (AFRICOM) kaasoo lagu faahfaahiyey awoodda kooxda. Tan iyo bishii April, AFRICOM waxay qaadday illaa siddeed weerar oo dhanka cirka ah kuwaasoo lagu beegsaday kooxda ISIS ee Soomaaliya, waxaana qiyaastii lagu dilay weerarradaas 20 dagaalyahan. Dagaalyahannada weerarradaas lagu dilay waxaa ka mid ah taliyihii labaad ee kooxda laakiin qiyaas ay sameeyeen falanqeeyeyaal dhanka ammaanka ah ayaa tirada laga dilay kooxda ku sheegay 100 illaa 200 oo dagaalyahan, saraakiisha ammaanka ayaa iyaguna sheegaya in tirada ay intaas ka sii badan karto. “Kooxda ISIS ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa illaa 300 oo dagaalyahan iyagoo badankood ka hawlgala woqooyiga maamulka Puntaland,” Sida ay sheegtay afhayeenka Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM Samantha Reho, Inkastoo duqeynta cirka dagaalyahanno badan looga laayey kooxda ISIS haddana waxay wali wadaan dadaallo ay ku qoranayaan dagaalyahanno kaddib markii qasaare uu kasoo gaaray weerarro lagu beegsaday. Kooxaha ku safka ah ISIS ayaa aad u yaraa laakiin waxay si joogto ah u joogeen Soomaaliya muddo sannado ah. Kooxda ayaa xoogga saarta gobolka Bari ee maamulka Puntland oo ah maamul si iskiis ah isku maamula. Kooxda ISIS aad ayey u yar tahay marka lala barbardhigo Xarrakada Alshabaab ee gacan saarka la leh Alqaeda taasoo leh dagaalyahanno lagu qiyaasay 5,000 kuna soo jirtay halgan dheer oo ay ku afgambineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Illaa bishii hore dhammaan weerarradii AFRICOM ee Soomaaliya waxaa lala eegtay Alshabaab. Wali kooxda ISIS waxay dhibaato ku haysaa hawlgallada amniga lagu sugayo ee dalka waxayna taasi sababtay in ciidanka Soomaaliya ee Mareykanku taageero ay qaadaan tillaabooyin ka dhan ah Xarrakada Alshabaab. Militariga Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada dowladda taageera ayaa ka saaray kooxda ISIS dhul ay haysteen sida lagu sheegay warka kasoo baxay AFRICOM. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kooxda ISIS ee Soomaaliya ay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay qabaa’ilka iyadoo hoggaankooduna ay saameyn ku dhex leeyihiin sidaasna ku qortaan xubno ka mid noqda. “Marka la eego qabaa’ilka, qeyb ka mid ah dadka ayaa taageera ISISta Soomaaliya kuna biiraan sababo badan awgood waxaana sababahaas ka mid ah lacag iyo in la qaato fikirka ISIS,” ayey tiri afhayeen Reho. Arrimahaan ayaa u ogolaanaya in ISIS Soomaaliya ay hesho dagaalyahanno badan. Iyadoo awoodda kooxda ISIS ee Soomaaliya ay yar tahay haddana guulaha ay ka gaartay inay dagaalyahanno qorato ayaa u muuqda mid ka weyn kooxaha kale ee ISIS ka midka ah kuwaasoo ka dagaallama Galbeedka Africa. Stars. Source: goobjoog.com
  8. Sacuudiga iyo Emeraatka ayaa ka xumaaday in Dowlada Qatar ay ka laabatay Go’aamadii ay qaybta ka ahayd gunaanadka Shirkii Wadanada Islaamka uga socday Magaakada Barakaysan [...] Source
  9. Kenya has banned fishing activities off the Coast near the Somalia border over security concerns. Lamu County Commissioner Joseph Kanyiri says all fishermen are prohibited from carrying out their activities in Ras Kamboni and any other areas past Kiunga Town, all of which lay close to the Kenya-Somalia border. In an exclusive interview with the Nation in Lamu on Monday, Kanyiri reiterated that the ban on the fisherfolk is due to security reasons. The county security boss said areas close to the border have had incidents of trafficking in contraband goods, drugs and people hence the need for citizens to keep off. He added that there was tight security surveillance and that anyone found loitering in the no-go zones will be arrested. Mr Kanyiri, however, stated that the ban on night fishing in most parts of Lamu East has been lifted and that fishermen are free to carry on their activities day and night but not close to the border. “There are some areas that our fishermen will probably want to go fishing but those are no-go areas. The area next to Somalia border, that’s Ras Kamboni and any other area past Kiunga Town. We shall not allow our fishermen to conduct activities there for security reasons for now but as we continue to review the situation, we’ll be happy to communicate to the fishermen as and when they can resume fishing in those places. But in the meantime, the ocean is quite vast and I believe there are good fish harvesting grounds in other areas within our Indian Ocean that our good fishermen can use,” said Mr Kanyiri. He added: “We’ve areas where small vessels can still do the fishing. It’s unfortunate that even the areas that the fishermen want to go are more turbulent. Our major concern is also that there might be trafficking in contraband goods, drug trafficking or even human trafficking taking place in the prohibited areas and we are working towards ending such activities.” View the full article
  10. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, received on Monday at his office in the ministry a copy of the credentials of the new Ambassador of the European Union Delegation to the Federal Republic of Somalia, Mr. Nicolás Berlanga Martinez. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation expressed his satisfaction and appreciation for the distinguished relations between Somalia and the European Union, stressing that the European Union is one of the most important partners in the development and reconstruction projects of the country. The Minister and the new European Ambassador exchanged many ideas and initiatives to promote and develop multi-purpose relations to support the peace process and reconciliation and to implement and activate all agreements signed between the two parties and their follow-up. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Wiil Ku dhintey Danab (Biriq) Roob Degmada Sallexlay iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex oo shacabka u digay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Qaraarka cusub ee trisigiisu yahay 2472 ee Golaha Amniga (GA) ka soo saaray xaaladda Soomaaliya 31 May 2019 waxaa loo cuskaday Cutubka 7aad ee Axdiga [...] Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa khamiistii wuxuu ergaygiisa arrimaha Soomaalida u magacaabay danjire James Swan, oo ah diblomaasi Maraykan ah oo khabiir ah. James Swan ayaa sidoo kale wuxuu noqon doonaa madaxa xafiiska Qaramada Midoobay. Haddaba, ergaygan oo Maraykanka hore ugu ahaa safiirkooda u qaabilsan Soomaalida, ayaa waxa ay dad badani isweydiinayaan aqoonta uu u leeyahay Somaliland iyo xogta uu ka hayo, maadaama oo ay Somaliland xudun u noqon doonto shaqada iyo xilka uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay. Wargeyska Geeska Afrika ayaa dib ugu noqday kaydka uu ka hayo ergayga cusub ee Maraykanka ah oo hore si waafi ah uga hadlay qaddiyadda Somaliland, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo gobalka ku saabsan. September 2012 Bishii September ee sannadkii 2012, wuxuu danjire James Swan ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, Danjire James Swan, oo markaas ahaa safiirka dalka Maraykanka u qaabilsana Somaliland iyo Somaliya ayaa shirjaraa’id oo ku qabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu ku sheegay in wejigii hore ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qorsheeyay sidii uu wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa mustaqbalka. Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo la xidhiidhay hadal uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas la doortay uu ku balan qaaday inuu sii wadayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi safiirku “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho ee Ingiriiska iyo Norway fududeeyeen, ayaa muhiimadii ugu horeysay ee wada hadaladaasi noqdeen kuwo lagu qorsheeyo sida mustaqbalka wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa. Sidoo kale, waxaan filaynaa in qorshahaasi sii socon doono, iyagoo ku dhisan sidii bilowgii ay ku heshiiyeen, kuna bilaabi doonaan inay qorshe dhigtaan, oo bilowga la cadeyn doono qodobada wada xaajoodka mustaqbalka lagu soo qaadan doono. Laakiin, taasi waxay u muuqataa mid ku soo kordhaysa hawlahii labada dhinac oo xilligan bilaabaya inay qeexaan shuruudaha wada xaajoodkaa.” March 2013 Bishii March ee sannadkii 2013, wuxuu danjire James Swan, waraysi uu siiyay koox lagu magacaabi jiray USDOTSomali, oo ka tirsanayd wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaanu waraysigaas ku sheegay in Maraykanku la dhacsanyahay horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo dimuqraadiydada, “Dawlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda caalamkuba waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u hayaan dedaalka ay sameeyeen dadka reer Somaliland sanadihii la soo dhaafay iyaga oo si heersare ah u ilaaliyay nabadgalyada iyo xasiloonida dhulka Somaliland, iyo dhinaca dawlada oo qabatay dhawr doorashooyin oo aad u heer sareeyay, waxa kale oo bogaadin iska leh shacabka dedaalkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan dhaqaalaha iyo arimaha nolasha.” Wuxuu diblomaasigan Maraykanka ahi intaas raaciyay “ Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku waxay rabtaa inay sii wado inay kala shaqayso dadka Somaliland iyo maamulka dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, dib u dhiska iyo horumarinta iyo dhinacyada xidhiidhka dawladnimo ee aanu wadaagno, isla markaasna mawqifka dawlada Maraykanku waa mid barbar socda la’na mawqif ah qaramada midoobay, midawga Afrika iyo dawladaha la jaarka ah Somaliya.” Gunaanad Waxa muuqata in ergaygan cusub, inkastoo laga yaabo inuu wato siyaasadda dawladda Maraykanka oo wakhtigan ah mid kool-koolisa dawladda Soomaaliya, haddana uu uga duwanaan doono Somaliland wakiiladii hore ee Qaramada Midoobay oo badankooda xilkan loo soo magacaabay iyagoon fahan badan ka haysan kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya. Ergaygan ayaa wuxuu 24 January 2012 madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Axmed-siilaanyo oo ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen nabadgelyada guud ee Geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leeyihiin argagixisada iyo budhcad badeedii wakhtigaas jirtay. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumada iyo dawlada hooseba ay awoodi waayeen in labada biriish ee caasimadda Hargeysa ay yihiin kuwo madow oo bilaa laydh ah. Labada biriish ee caasimada ayaa habeenkii aan lahayn wax laydh ah muddo aad u dheer waxaana inta badan dadka dul lugeeyaa ay isticmaalaan ilayska gaadiidka biriishyadaas dul maraaya iyada oo xiliga danbe ee habeenkii ay baqdin badan ku abuurto dadka dul maraaya hadaanay caawin gaadiidka biriishyadan isticmaalaa. Haddaba; qaar ka mid ah shacbiga Hargeysa oo wargeyska Geeska Afrika uu fikirkooda wax ka wadiiyay kadib markii uu sawiro ka soo qaaday biriishyadaas oo aan lahayn wax laydh ah, ayaa wax la’la yaabo in labada biriish ee caasimadu ay ku suganyihiin xaalad ilays la’aan ah. Ugu horayntii Cabdicasiis Aadan Cilmi oo fikirkiisa arintan ka dhiibanaayay waxa uu yidhi “Ayaan-daro ka wayni majirto in labadii biriish ee caasimadu laydh La’yihiin, waana damiir xumada dadka loo igmaday bilicda casimada inay tahliwaayaan inay laanbado Ku xidhaan labada biriish, xukumaduna dhaliisha iyaday dusha kasarantahay” Boqol Dhaan Xasan Cilmi ayaa isaguna aragtidiisa dhaliisha dusha ka saaray shacab iyo dawladba “ Hadaan fikirkayga cabiro, waa layaab in caasimada badhtankeedu u Madaw noqdo, siiba labada biriish marka aan ku koobnaano waa wax aad u fudud in laydh loo shido, laakiin waxaan fikirkayga qabaa in dawlada hoose oo shaqadeeda ay ka mid tahay bilicda iyo amaanka magaalada ay ka gaabisay, dhanka kalena shirkadaha laydhka laftooda ayaa ku ceebaysan, sababtoo ah waxay adeegooda ka iibiyaan dhamaan caasimada oo nidaam dhiigmiirad-nimo ah ayay u iibiyaan adeegooda, ma waxa ay garan waayeen bulshada iyo dalka ay lacagta shan laabka ah ka qaadaan wax dib ugu celiya?, marka labadaba laga yimaado waxa kale oo iyaguna qayb ka ah shacabka iyo ganacsatada la jaarka ah labada biriish ee caasimada. Ugu dambayn waa wax aad u fudud in la shido laydhkaasi laakiin waa la hagraday!.” Cabdishakuur Axmed Raage, ayaa isna yidhi “Biriishyadu waa inay iftiin yeeshaan maadaama oo si la mid ah wadooyinka caadiga ah aannay meherado iyo guryo iftiimiyaa ku ool. Amaanka qaranka, quruxda magaalada iyo bedqabka bulshada isticmaalaysaba waa u muhiim in biriishku iftiin lahaado, dawladda ayaa ka masuul ah guud ahaan ammaanka, iftiinka biriishkuna wuxuu kor u qaadayaa nabadgalyada. Biriishyada labada ah ee Hargeysi waxay u dhaw yihiin xarumo dawladeed iyo goobo ganacsi oo muhiim ah, waxay ahayd in ay ku baraarugaan” Ayaan Mustafe Ismaacil ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in biriishyadii lagu xaragoon lahaa ay u eekaadaan mugdi “ Waa aan ka xunahay in magaalada Hargeysa oo caasimad ah aanay biriishyadeedu lahayn wax laydh ah, waa dayacaad ka timi dawlada hoose iyo xukuumadaba, waana wax laga xumaado in biriishyadii inta la qurxiyo lagu faani lahaa inay maanta kharaabado u eeg yihiin.” Ugu danbayntii Cabdicasiis Xasan Maxamed ( cabdicasiis Lafta-Gareen) ayaa aragtidiisa sidan u dhigay “ Labada biriish waxay astaan u yihiin isku xidhka magaalada Hargaysa, haddii ay tahay dhaqaalaha ahaaan iyo amniga ahaan ba Labada waxay qayb ka yihiin taariikhda magaalada Hargaysa Intaas waa muhiimada labada biriish ee Harageysa, Hadaba yaa masuul ka ahaa in aanay laydh lahayn waxa masuuliyadeeda qaadaya oo ku ceebaysan golaha deegaanka ee Hargeysa” Haddaba, yaa ku ceebaysan oo ay masuuliyadooda tahay in labada biriish ee Hargeysa oo ku yaala badhtamaha magaaladu ay noqdaan kuwo mugdi ah oo bilaa koronto ah? Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddida Wanaag Farista Oo Si Kulul U Dhalliishay Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. “Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay” Odayada mujaahidiinta ah ee Madasha wadatashiga oo xaalada dalka ka Hadlay Ayaan jeclaystay inaan laba oday oo muxtarim ah hadaladoodii midba erey ka idhaahdo wixii iiga baxay. Mujaahid #Xasan_Guure oo ka mid ah Mujaahidiinta mar walba umada bad-baadinteeda ku Hawlan waxaan ku bogaadinayaa sida Aqoonta, aragti fogaanta, iyo tudhaalaha leh ee uu qadiyadaha cakiran uga hadlay. Sida uu sheegay Xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool sharciga ma waafaqsana, xadhigiisa iyo sii hayntiisuna waa Dastuur jebin cawaaqib xumo ka dhalan doonto sharcigana hadaan xukuumadu Ilaalin garan mayo cida lagu dhaqi doono ee aqbalaysa. Waxa kale oo aan bogaadinayaa xaqiiqona ah sida Muj. Xasan Guure sheegay Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtidu Doorashooyinka ma qabtaan masuulna Kama aha, haddii ay qabsoomi waayaana iyagu kuma dhaliilna ee waxa ku ceebaysan Xukuumada iyo xisbiyada ilaa hadda isku haysta sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, taas oo haday qabsoomi waydana ay xilka sii haynayaan ilaa inta Kuwa masuuliyadoodii dayacay doorasho ku qabanayaan, waqtigeedii haday ku qabsoontana sida marar badan shir gudoonku cadeeyey ay diyaar u yihiin inay kuraasta baneeyaan wixii iyaga ku xidhana ay dhamaystirayaan. Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Axmed Siilaanyo Mudane Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu cay iyo aflagaado qaawan kula dul dhacay Mudanayaasha labada gole oo uu ku tilmaamay Qaar laaluushka iyo xaaraanta xalaashaday oo aanu samuhuba ku duxin waxaanu ku tilmaamay inay sharci daro ku fadhiyaan oo xasaanad iyo xil-toona aanay haynin. Maxamed Xaashi ayaan intaas ku hadhine waxa uu madaxweynaha laftiisa ku eedeeyey nin aan mushaharkiisa ku qanacsanayn oo wax ka badan oo xaaraana jeclaysanaya Waxaan leeyahay Maxamed Xaashi oo keligii saxane/keligii muwaadin ah Sharcigu aragtidaada maaha ee waa waxa ku qoran Dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala, Golayaasha qarankana sharcigaas bay ku yihiin sharci Kuna leeyihiin Xasaanad aan cidina ka qaadi Karin qof sharciga indhaha ka xidhaya mooyaane. Maxamed Xaashi Cilmi isaga ayaa Mudadii koobnayd ee uu wasiirka ahaa Caan ku noqday Eex iyo qaraabo kiil badheedh ah oo cid kastoo wasaarada ahayd ama ay Wada shaqayn lahaayeenba xog-ogaal ka ahayd. Waxaan u soo jeedin Lahaa inuu ka waantoobo sharaf dilida iyo aflagaadada joogtada ah ee uu golayaasha qaranka ku hayo isagoon cadayn u haynin waxa uu ku eedaynayo. Sidoo kalena aanu shuruucda dalka Marin habaabinin oo ka been abuuranin. Gebagebada qoraalkayga waxaan Xukuumada leeyahay Xildhibaan Dhakool waxa uu leeyahay Xasaanad dastuuri ah, Ha la ilaaliyo shuruucda dalka oo xoriyadiisii si bilaa shuruud ah ha loogu soo geliyo. Sharcigii inoo dhigan Inta aan la dhaqangelin Nina aanu dhinac Marin Midna jeelka lagu dhigin Qaran wali dhamaystiran Oo shacabku dheefsado Dhabtii iima muuqdaan dhalanteed la mood iyo Waa dheeli Xaajadu !!!!! Allaa Mahad leh SULEYMAAN CABDISITAAR DUBAD Cabdisitaar@hotmail.com Qaran News
  17. (SLT-Washington)-Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in Marakanku diyaar u yahay wadahadallo uu Iiraan la yeesho oo bilaa shuruud ah. Pompeo ayaa hadalkaa ka sheegay dalka Switzerland oo uu booqasho rasmi ah ku marayo, dalkaas oo danaha Maraykanka wakiil uga ahaa Iiraan tan iyo sannadkii 1979. Hadallada Pompeo ayaa u dhadhamayay sidii kuwo nabadeed, ka dib toddobaadyo ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran. Balse baaqa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ma u qalmaa in la dhoho waa mid aan shuruud lahayn, maadaa oo uu sheegay in Iiraan looga baahan yahay in ay caddayso in ay u dhaqmayso sidii dal caadi ah, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uusan joojinayn dadaallada uu wax uga qabanayo wax uu Pompeo ku tilmaamay tallaabooyinka halista ah ee Iiraan. Xitaa haddii ay labada dhinac kulmaan, ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan. Madaxweyne Trump ayaa isaga baxay heshiis uu sixiixay Obama oo muddo sannado laga xaajoonayay, kaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan. Iiraan ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in heshiiskaas dib wada hadal looga galo. Switzerland ayaa sheegtay in ay rajaynayso in ay mar kale dhexdhexaadiye noqoto, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland ayaan la gaban sida dawladdiisu ay uga walaacsan tahay saamaynta ay shacabka Iiraan ku yeelan karto cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda. Pompeo ayaanse sheegin wax bidhaaminaya in Washington ay rabto in ay dabciso cunqabataynta Iiraan. Source
  18. Dowladda Puntland oo iclaamisey in ay labo maalmood fasax yihiin dhamaan shaqaalaha Dowladda, shirkadaha gaar ka ah iyo Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka shaqeeya. [...] Source
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in dagaal xooggan oo ku saabsan doorashada Jubaland uu dhex-mari doono Kenya iyo Somalia, ayada oo dowladda Muqdisho ay isku dayi doonto inay Axmed Madoobe ka tuurto xukunka, halka Kenya ay ka go’an tahay inuu sii joogo. Warbixin wargeyska uu qoray ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay adeegsan doonto isbahaysi cusub oo gobolka ah iyo dalalka Qatar iyo Turkey, si maamulka Jubaland looga wareejiyo Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya. Sida warbixinta lagu sheegay, qorshahan ayaa waxaa ku jira in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah oo aan ku jirin Amisom la geeyo Kismaayo, si ay saameyn ugu yeeshaan doorashada Jubaland, loona xaqiijiyo in qof ay dowladda taageersan tahay uu kusoo baxo. Ethiopia ayaa si aad ah usoo dhoweeneysa qorshahan, ayada oo leh ujeedadeeda gaarka ee ah inay gacanta ku dhigto dekedda Kismaayo, oo ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan. Waxa ay sidoo kale dhowaan dhistay ciidamo badda ah oo u baahan saldhigyo ay ka maamulaan Badda Cas iyo Badweyne Hindiya, sidaas darteedna muhiimad gaar ah ayay u leedahay dekedda Kismaayo, sida ay warbixinta tiri. Warbixinta Daily Nation ayaa tiri “Kenya waxay u baahnaan doontaa fur-furaan iyo xariifnimo si ay uga bad-baado seefta Itoobiya iyo Eritrea ee kusoo socota, oo ay Soomaaliya adeegsaneyso” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalalka xayiraada ku saaray dalkiisa ay bilaabeen inay dalalka Gobolka cadaadis ku saaraan inay iyaga ka soo horjeestaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dowladdiisa ka aamustay oo aanay taageerin go’aanadii ka soo baxay Shirarkii degdega ahaa ee ka dhacay Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Carabta, Ururka Islaamka iyo Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka. Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in go’aanada qaar ee shirka aan lagala tashan, sidaas darteed ay iyaga qeyb ka aheyn. Waxaa uu shirkiisa ku soo hadal qaaday in Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xayiraada ku soo rogay dalkiisa ay cadaadis ku hayaan dalalka Gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya loo cadaadinayo xidhiidhka ay Qatar la leedahay. “Dalalka na saaray xayiraada waxay ku cadaadinayaan dalalka gobolka, inay anaga naga soo horjeedaan, sida Soomaaliya oo loo cadaadinayo xiriirka ay nala leedahay” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, kaddib markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xidhiidhka u jareen Qatar, kuna eedeeyay inay taageerto Argagixisada. Source
  21. (SLT-Khartoum)-Ciidamada Milateriga Suudaan ayaa bilaabay inay xoog ku kala eryaan Mudaharaadayaasha ku sugan banaanka Wasaaradda Gashaandhiga wadankaasi oo ah xudunta kacdoonka. Guddiga dhexe ee dhakhaatiir Suudaan ayaa xaqiijiyay dhimashada labo qof iyo dhaawaca tiro kale, waxaana la maqlayaa Rasaas xoog leh oo ka dhacaysa goobaha ay fadhiyeen mudaharaadayaashu. Mohammed Elmunir oo ka mid ahaa mudaharaadayaashii naftooda la soo baxsaday ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadu xireen iridihii laga baxayay kadibna ay rasaas ku fureen mudaharadaayaashii ” waxay xireen dhammaan iridihii laga baxayay ee Fagaaraha, Qofkasta waa tooganayeen, iyagoo gubayay Teendhooyinkii ay deganaayeen mudaharadaayaashu, qofkastaa naftiisa ayuu la cararay” Sidaas waxaa yidhi Mohammed Elmunir Howlgalkan ayaa imaanaya maalmo ka dib Markii Milateriga Suudaan ay sheegeen in Tallaabo ay ka qaadi doonaan shacabka ku mudaharaadaya banaanka wasaaradda gashaandhiga, iyagoo sheegay in amniga dalka ay khatar galinayaan Dhaqaaqa Mudaharadayaasha Suudaan oo socday muddo dheer ayaa ku guulaystay in xukunka laga tuuro Madaweynihii hore Cumar Xasan Albashiir, waxaana xukunka la wareegay golle milateri, haseyeeshee shacabka Suudaan ayaa ka horyimid, iyagoo ugu baaqay Generaalada Ciidamada in dowladda rayid ah xukunka lagu wareejiyo Source
  22. (SLT-Washington)-Waxaa cirka isku sii shareeraya walwalka iyo walaaca heesta Bulshada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ku aadan is qaarijinta dhalinyarada Soomaalida. Ma ahan wax ku cusub dalka Mareykanka in dhalinyarada soomaaliyeed ay is ugaarsadaan waxaana falkaan uu bilowday sanadkii 2007-dii, inkastoo hadane uu dib u soo laabtay sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkaan Bartamaha ah oo aynu ku guda Jirno. Culimada ku nool magaalada ayaa sheegay in aan la aqbali karin in dhalinyarada is dileysa la fiirsado waxaana ay ugu baaqeen in waalidiinta ay si dhow ula socdaan Ubadkooda. Khudbadihii Jimcaha ayaa badi looga hadlay dilalka masaajidada waaweyn oo uu ka mid yahay Masjidka Abubakar Al-Sadiiq. Dilkii ugu danbeeyay ayaa waxaa loo geestay laba habeen ka hor oo taariikhdu aheyd 31-dii May wiil lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim kaasi oo meydkiisa la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Minneapolis. Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay Universal ayaa sheegay in ay ku jahawareersan yihiin wax ka qabashada Arintaan. Waxay sheegeen in caruurta qaar aan la fahmi karin sababo la xiriira in ay dalka Mareykanka kaga soo horeeyeen waalidkooda halka qaarna ay cudur daar uga dhigeen fahamka luuqada. Dhalinyarada ayaa iskula socda qaab kooxeysi ah oo ay isku Dilayaan. Dalka Mateykanka ayaa ah dal si fudud lagu heli karo Hubka arintaan oo la soo sababeynayo sare u kaca dilalka Soomaalida. Inkastoo sanad waliba dhibaatada ugu daran oo shacabka Mareykanka ay u dhintaan ay aheyd shilalka iyo daroogada ayaa hada kaalinta koowaad waxaa soo galay Toogashada. Source
  23. (SLT-London)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa beeniyay inuu “wax laga yaqyaqsado” ku tilmaamay amiiradda Sussex ee ka tirsan boqortooyada Igiriiska, iyadoo xitaa la hayo cajalad uu codkiisa ku duuban yahay. Meghan Markle ayaa ah xaaska amiir Harry, oo ay ayeeyo u tahay boqoradda Ingiriiska, waxayna dhawaan dhashay wiil cusub oo ku soo biiray dhaxal sugeyaasha boqortooyada. “Waligey Meghan kuma tilmaamin ‘wax laga yaqyaqsoodo’,” ayuu Trump bartiisa Twitter-ka kusoo qoray maanta oo Axad ah. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa sheekadan sameeyay warbaahinta faafisa wararka been abuurka ah, waana lagu qabtay!” Mr Trump ayaa hadalka la qoonsaday ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska The Sun, mar uu isku diyaarinayay safarkii uu ku tagay dalka Ingiriiska. Meghan oo u dhalatay dalka Mareykanka, horayna u ahayd atariisho ayaa si joogto ah u dhaliisha Mr Trump. Waxay taageero buuxda u heysay Hillary Clinton oo Trump kula loollameysay doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii. Mar ay ka hadleysay Trump ayay ku tilmaantay inuu yahay “qof shacabka kala qeybinaya, oo dumarka neceb. Mar wareysiga uu Trump siinayay wargeyska The Sun loogu sheegay inay hadalladaas tidhi Meghan ayuu sheegay inuusan horay usii maqlin oo ay markaas ugu horreysay. “Ma aanan ogeyn taas. Maxaan ka dhihi karaa? Ma aanan ka war qabin inay ahayd wax laga yaqyaqsoodo”, ayuu yidhi Mr Trump. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay ku biirtay qoyska boqortooyada, wuxuuna ku tilmaamay inay noqoneyso amiirad “aad u wanaagsan”. Maanta oo Aaxad ah ayuu wargeyska The Sun boggiisa Internet-ka soo dhigay cod laga duubay Trump markii la wareysanayay. Source
  24. Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa todobaadkan qoraal ka soo saaray xaaladda Soomaaliya ee dhanka siyaasad, amni iyo xataa waqtiga ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale jirtay in ay ka digeen xaalado khatar ku noqon kara nabadda iyo amniga, dibna u celin kara Soomaaliya. Golaha ammaanka meelna kuma sheegin in Soomaaliya ay iminka ku jiro xaalad khatar ah, oo keeni karta in la adeegsado Chapter 7(VII), laakin waxaa uu leeyahay haddii sida wax loo qosrheeyey lagu guul-dareysto waxaa ay xaaladda nabad-galyo iyo midda amni isku badali karaan mid khatar ah, oo keeni karta inuu golaha ammaanka adeegsado Chapter 7(VII) Qodobkiisa ama article 39. “Chapter VII article 39, golaha ammaanka waxaa uu u xadidayaa jiritaanka xaalad khatar amni, oo meel looga dhacay nabadda ama fal gar-darro, markaas ayuu xadidayaa cabirka go’aannada la qaadanayo sida ku qoran qodobbada 41 iyo 42, oo ah ilaalinta iyo soo-celinta nabadda iyo amniga caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri golaha ammaanka. Haddaba, iyada oo laga duulayo cutubkan aan soo sheegtay, Qaramada midoobey waxaa ay soo-jeedineysaa: (1). Waxaa ay ugu yeereysaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney dedejiyaan horumarka ku aadan xal siyaasadeed oo waara, oo ay ku jiraan: Heshiiska awoodda iyo dib u eegista dastuurka KMG ah. (2) Sameynta hey’ado dowli ah oo howlshoodu tahay kor-joogteynta. (3) Kala saaridda mas’uuliyadaha iyo kaalinta ciidamada amniga, waxaa uuna golaha ugu yeeray dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney qorsheeyaan amniga doorashada iyaga oo la kaashanaya AMISOM, UNSOS, iyo UNSOM, si ay dhacdo doorasho loo dhan yahay, oo nabad iyo xor iyo xalaal ah, oo qof iyo codkii ah 2020/2021 Golaha ammaanka sida uu sheegay waxaa uu rajo ka qabaa in dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka wada shaqeeyaan hirgelinta 3-daas qodob si looga fogaado in Soomaaliya ay gasho xaalad khatar, keeni kartana in golaha adeegsado ama u baahdo Chapter 7(VII) Qodobkiisa ama article 39. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Todobo dhaqaatiir ah ayaa dalka Gaana ku sameeyay qaliinkii ugu horeeyay ebid ee maxkaxda lagu sameeyo iyadoo aan la jarin dhakada. Qalliinka maskaxda waa farsamo [...] Source