Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Muddo Laba Sanno Ah Odayaashi Madashu Midh Run Ah Ayay Sheegeen”. Muniir Axmed Cigaal Odayaasha madasha wadatashiga abaabulkoodi hore Muuse Biixi anigoo ogaa inay isku cindanayeen oo ay wakhtigaas midaysay Mucaaridnimadii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo Muuse Biixi aha Muxaafid Muxaarid, hadana waxaan maanta qiraya inay Alle hortii runta ku rafteen oo shegeen in tii Siilaanyo dhaantay Xukuumadda Heego ee Muuse Biixi. Xukuumaddii Axmed Siilaanyo danbiga ugu wayn ee ay Waddanka ka gashay waa inay Muuse Biixi Dalka u afduubtay, oo dhammaan haykalkii dawladeed ugu adeegtay, Muuse Biixi degaankiisu ma wadan oo Somaliland ma wadan oo KULMIYE ma wadan oo isagaa ugu tageero yaraa hadana waxaba waa la jiidhsiiyay, danbarkeedina maanta Somaliland waa haysa mana dhawa sidaan sadalinaayo wax ka sii xumaada mooyane waxba ma soo kordhinaayo waayo umaba abaabulna. Xukuumadda Muuse Biixi Xukuumaddii Siilaanyo ka Wasiiro xun, oo ka tayo xun oo ka tallo xun oo ka isku wad xun oo ka dhaqaale xun oo ka garawshiyo xun oo ka saamayn la’aan xun. Marka Alle hortii odayaashu maanta runta ayay ku rafteen. Madaxweyne Muuse Biixi kama dabaalan doono, furfurka Sanaag Bari, tabashasa SOOL iyo heshiiskii Khaatumo, saamiga doorashada ee Gobolada iyo degmooyinka, khilaafka Xisbiyada, Maamul daadajinta Gobolada, Saami qaybin cadaladeed oo ummadda loo sameeyo isaga oo wax kasta isku koobay ilaa Askari ilaa linayaa ilaa Taliyaashi Ciidamadda ilaa Maxkamaddii Sare ee ilaa Wasiiradii mudnaa ilaa kuwii Lacagta u hayay, Baanka dhexe Maaliyada, 5-ta Agaasime ee Shanta Wasaradood ee Dalka ugu wayn, Madaxtooyada, Baandhe dhexe, Qorshanta, Caafimaadka, Cadaaladda waxaasi dawladnimo maha waa ku cariigsi iyo ha dunto amma anaa wada xaabsanaaya waxaas Oo dhan kama dabaalan doono sidaan anigu sadalinaayo marka si kasta iyada uga liidata Xukuumaddii Siilaanyo. Tusan Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsan yahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Waxa uu ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda.
  3. Goobjoog news qeybta ciyaaraha waxa ay kuu soo gudbinaysaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ciyaaraha dalka iyo bisha May 2019,horayna waxaan idinku soo bandhignay bilihii lasoo dhaafay Janaayo,Febraayo,Maarso iyo April waana markii ugu horeesay taariikhda in sidaas loo soo bandhigo bil kasta dhacdooyinka isboortiga Soomaaliya. 01-May 2019-Xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAf ayaa si weyn u amaanay abaabulka xoogan iyo dhisidda da’yarta kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ku amaanay juhdiga ay ku bixiyaan da’yarta kubbadda hadana ku jirta heerka wax barasho waxayna balan qaadeen in Soomaaliya ku taageerayaa dhisidda ciyaaryahanada da’yarta. 02-May 2019- Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan ayaa ku guuleystay horyaalka heerka 2aad ee (Division 1) xilli cayaareedka 2018-2019, iyadoo u soo gudubtay ka ciyaarista horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2019-2020 waxaana kooxdan koobka u qaaday tababrihii hore kooxda Heegan horyaalka Soomaaliya kula guulaystay xili ciyaareedkii 2014-2015 Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gadaamow). 03-May 2019-Kooxda kubbadda Cagta Rajo Football Club ayaa in ka badan 20-sano ka dib usoo gudubtay ka dheelista horyaalka Somalia Premier League ka dib markii ay kaalinta 2aad kaga dhamaysteyn horyaalka 2aad ee (Division 1) horay waxaa kooxdan la oran jiray Haajis waxaana kasoo baxay ciyaartooyd badan. 04-May 2019-Orodyahan Cabdi Daa’uud Rooble ayaa guulo waa weyn ka gaaray labo tartamo ka kala duwan oo kaga qey galay dalalka Germany iyo Zambia. 05-May 2019-Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa caasimada Muqdisho ka daah Furay tartanka iskuulada Gobolka Banaadir 2019 ee (Youth League) waana sanadkii 4aad oo xariir ah ay tartanka qabanayaan waaxda dhalinyarada Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. 06 May 2019- Guddiga dhismaha garoonka kubbadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed ku taageeray dhismaha garoonka Mira Awaare,iyagoo Raysal wasaaraha warbixin ka sameeyay halka uu marayo qorshaha dhismaha. 07-May 2019- Oradyahanka heerka caalami ee dalkeena Soomaaliya Cabdi Daaud Rooble oo caan ku ah orodka masaadafada fog sida, 5,000, 1000, 10 KM, 22 Km iyo Maratahon-ka ayaa markale lasoo baxay wacdaro ciyaareed natiijo guul uu sare uga qaaday calanka Soomaaliya kadib markii uu kaalinta saddexaad ka galay orodka 10km wuxuuna sanadka u ahaa mid cajiib ah. 08 May 2019– Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi la socday ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaan halkaas kaga horeeyay Jamaal Xaashi Tuure tan iyo markii dib loo doortay Cabdiqani Saciid Carab iyo xubanaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya 15November 2018 waxa ay balanqdeen in horomarinta kubbadda cagta gobolada dalka. 09-May 2019-Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa) ayaa sheegay in is badal weyn lagu sameyndoono kooxda Galmudug ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir. 10-May 2019- Xidigihii hore kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Horseed Ciise Minhaaj iyo Maxamed Cabdiraxiin Cali ayaa nasiib u yeeshay ciyaaryahano laga soo aruuriyay da’yarta gobolada dalka Kenya oo tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo ku dheelay wadanka Spian,iyagoo sidoo kale si toos ama (Live) garoonka Campnuo ku daawaday kulan ciyaareed u dhaxeeyay kooxaha Barcelona iyo Getafe kaas oo ka tirsanaa horyaalka laligaha ee dalka Spain. 11-May 2019- Yoonis Cabdrisaaq Faarax oo ka mid ah ciyaartooy Soomaaliyeed ee xirfada wanaagsan kana ciyaara yurub ayaa ku biiray kooxda Trysil ee dalka Norway xidigan ayaa horay ugu tirsanaa kooxda Southend ee dalka UK waxaana laacibkan dhalay ciyaaryahankii hore kooxaha Madbacada Qaranka iyo Horseed Cabdirisaaq Faarax Garoojoe oo iminka ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman. 12-May 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa macalimiinta kala ah Ignatius & Jerry oo kasoo jeeda dalka Ghana u magacaabay xulka qaranka Soomaaliya, Ignatius ayaa loo dhiibay xulka da’yarta,halka Jerry isna loo magacaabay tababaraha goolhayaasha Soomaaliya labada macalin ayaa u mahad celiyay xiriirka kubbadda cagta,iyagoo sheegay in ay ciyaaraan doorkooda horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya. 13-May 2019-Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa safarkii kowaad ugu u ambaxay dalka Malawi,isagoo ka qeybgalay shir looga hadlyay horomarinta kubbadda cagta iyo dhisidda ciyaartooyda da’yarta ee loo yaqaano (Grass Root) waxayna u aheyd socodaalkii 1aad oo safar banaanka u aado tan iyo markii loo magacaabay xilkan 16–Febraayo 2019. 14-May 2019-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xafiiska ku qaabilay Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya,Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed guddoomiye ku xigeenka 2aad,Cabdulahi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqdeynta xiriirka iyo agaasimaha ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Axmed Cabdalla Tigaana waxaana kulankaas loogu wada hadlay horomarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland,madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in ay ka go’antahay garab istaagida bahda ciyaaraha Puntland. 14-May 2019-Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa tabar u soo xeray 34 macalin oo ka kala socday horyaalka heerka 2aad iyo iskuulada ka qeybgalaya tartanka dugsiyada 2019 waxaana tababarkan bixinayay macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta dalka. 15-May 2019-Maxamed Cali Jabane oo ah kaaliya Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kulan xog waraysi ah degmada Cadaado kula qaatay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame labada dhinac ayaa ka wada hadlay baahiya iyo waxyaalaha ay u baahanyihiin in laga taageero xiriirka kubbadda cagta Galmudug,si dhalinyarada ku nool deegaanada Galmudug ay u helaan qorshaha horomarinta. 16-May 2019- Tartanka kubbadda cagta oo loogu tala galay horomarinta caruurta agoonta Booliska iyo Asluubta ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,maamulka xarunta barbaarinta caruurta agoonta ayaa tartamo kala duwan u qabta dhalinyarada,iyagoo u diyaariyay garoomo kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga. 17-May 2019- Guddoomiyaha Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa saddex sano ka dib kasoo muuqday dhex dhexaadinta ciyaar kubbadda cagta ah oo gudaha wadanka,isagoo garsooray kulan ay wada ciyaareen caruurta agoonta ee booliska Soomaaliyeed,Garsoore Wiish ciyaar oo dhex dhexaadiya waxaa ugu danbeesay October 2016 kulan ay wada ciyaareen kooxaha Banaadir SC iyo Heegan. 18-May 2019-DR Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kusoo laabtay caasimada Muqdisho,isagoo sheegay in shirkii uu ka qeybgalay Malawi lagu soo bandhigay arimo badan oo ku aadan horomarinta kubbadda cagta,Soomaaliyana laga doonayo in ay qibrad ka qaato sida ay u shaqeeyaan xiriirada caalamka si loo gaaro heegsi dheer. 19-May 2019- Maamulka Isbortiga Degmada Shibis ayaa soo bandhigay koox dhalinyaro ah oo ay da’dooda u dhaxayso 10-20 jir ee oo loo diyaarinayo mustaqbalka xulka qaranka kubbadda Kolayga Soomaaliya waxaana mashruucan hindisay Macalin Daa’uud Axmed Dheere oo horay ugu soo dheelay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iminkana ah madaxa horomarinta ciyaaraha Maamulka Gobolka Banaadir. 20-May 2019- Laacibka kooxda Horseed Sports Club Maxamed Cabdi Nuur (Mayman) ayaa saddex sano ka dib kusoo laabtay ka mid noqshada xulka qaranka Soomaaliya ee (Ocean Stars),Mayman waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanhay kusoo laabashada safka xulka. 21-May 2019-Siham Ibrahim ayaa ku guuleysatay tartankii Tour championship waxeyna ka qeeb Gali doontaa koobka Adduunka ee Golf-ka oo ka dhacay North Carolina ee Mareekanka,waxey noqonaysaa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeeb gasho,xariirka Golf-ka ayaa guulo waaweyn saameyay sanadihii danbe. 22-May 2019-Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug ayaa sheegay in wasaarada ciyaaraha Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka rajaynaa in ay si wanaagsan u fahmaan in isboortiga uu ka madaxbanaan yahay arimaha la isku hayo ee siyaasadda,loona baahanay in laga shaqeeyo horomarinta ciyaaraha iyo fursadaha ay u baahan yihiin dhalinyarada ku nool gobolada Soomaaliya. 23-May 2019-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhalinyarada ku nool deegaanada Puntland u sheegay in uu maamulkiisa uu da’daal badan ku bixinayo dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Puntland,isagoo dhalinyarada u balanqaaday in labada sano ee soo aadan ay helayaan goobo tayaysan ay ku soo bandhigaan xirfadooda. 24-May 2019-Guddoomiyaha Gobolka Wajir Maxamed Cabdi ayaa bogaadiyay kooxda Northern Wanderers oo laga dhisay gobolka waqooyi bare ee Kenya,iyagoo ka qeyb galaya ciyaaraha horyaalka ee Kenyan Premier League,yoolkeeda taa siyaasiinta Soomaaliyeed ee xilalka waaweyn ka hayo wadanka Kenya ayaa si weyn u taageeray qorshaha horomarinta kooxda Northern Wanderers. 25-May 2019-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeen arrimaha horumarinta gobollada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, Abuukar Isloow Xasan ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Maamulka HirShirshabeelle,socdaalkaa waxa uu qeyb ka ah dadaallada horumarineyd ay qaateen X.K.Cagta Soomalaiya. 26-May 2019-Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka qeyb qaataan dhisidda da’yarta kubbadda cagta ee la doonayo in ay wax ka badalaan wadanka iyo in ay dhiiri geliyaan ciyaaryahanada ka dheela dalka. 27-May 2019-Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw Xasan iyo wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar ayaa si wadajir Magaalada Jowhar xarigga uga jiray xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta maamulka Hirshabeele. 28-May 2019-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeele Cali Guudlawe Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Abukar Islaw ayaa kulan kuwada yeeshay magaada Jowhar waxaana kulankaa loogu wada hadlay horomararka kubbadda cagta Hirshabeele iyo la soo gaarsiiyo mashaariicda kubbadda cagta Soomaaliya maadaama gobolkan uu waligiis caan ku ahaa nuucyada kala duwan ee ciyaaraha. 29-May 2019- Da’yarta Xulka Qaranka 14-jirada Teeniska Dheer ayaa guul mubiim ah ka gaaray ciyaar ka tirsan Isreeb reebka Africa oo ka dhacday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,ciyaaryahanka Soomaaliyeed Maxamed Daahir Axmed ayaa ka badiyay Ciyaaryahan ka socda dalka Seychelles. 30-May 2019-Daa’uud Cabdullahi Tubaal oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa sheegay in ay kooxdiisa ay sanadkii saddexaad xariir ah ay ku guulaysan karto horyaalka Somalia Premier League wuxuuna laacibkan ka mid ahaa xidigihii kasoo dhaqaaqay naaidga L.L.P Jeenyo wuxuuna fasalkii 1aad kooxdiisa la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Super Cup. 31-May 2019-Ciyaaryahanada xulka Qaranka ayaa guul ka gaaray kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club kulanka ayaa ahaa mid saaxiibtinimo waxaana 2-0 guusha ku qaatay xidigaha Ocean Stars,sidoo kale horaantii May da’yarta M.C.C ayaa iyagana 2-0 kaga badiyay dhigooda ee 17-jirada xulka qaranka.xulka ayaa labadii ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaaray kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta. Halkan Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha May 2019 Oo Ay Goobjoog Kuu Soo Diyaarisay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  4. Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al Shabaab maanta ay ku qaadeen saldhig Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ku leeyihiin deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex maray labadan dhinac. Ilo wareedyo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarkii ka horreeyay intaba. Mana jiro weli wax war ah oo ay soo saareen Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, xilli saacadihii la soo dhaafay kolonyo ay la soceen Ciidamo ka tirsa kuwa Alfa Group qarax khasaare geystay lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Bariire oo qiyaastii 65 KM K/Galbeedka xiga Muqdisho. View the full article
  5. Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexye ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo Burcad ah ay dhac ugu geysteen Gaadiid Xamuul ah agagaarka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gadiidkan oo saddex ahaa ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen gobolka Hiiraan, waxaana raggaasi ay ku baarteen deegaanka Maquutaale ee gobolka Sh/ Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dhammaan dadkii la socday Gawaaridaasi laga qaatay wax alla waxii ay siteen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in deegaankan oo hoos yimaada Mahadaay ay dhibaato ku hayaan kooxo hubeysan oo la sheegay in ay yihiin Burcad. Dhanka kale xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlay dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo ay geystaan kooxo qooleysato ah oo ku sugan waddooyinka gobolladaasi. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Tartanka faca weyn ee Idaacadda Shabelle oo soo gaaray wareegii ugu dambeeyay ee kama dambeysta ayaa waxaa caawa ku baratami doono degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley oo ka wada tirsan G/Banaadir. Labada degmo ayaa muujiyay dadaal xoog leh, waxaana ka soo dhex baxeen illaa 16 degmo oo ka qeyb galay barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis ayaa caawa u tartami doono kaalinta saddexaad ee tartanka, waxaana kulankaasi uu soo gali doono saacadu marka ay tahay 7:30 daqiiqo ah. Kulanka xiga ee Xamarweyne iyo Dharkenley oo ah mid darbi ah, ayaa waxa waxa uu soo geli doonaa 10:00-ka habeenimo, Insha Allah. In la saadaaliyo natiijada ayaa adag, marka la’eego awoodooda degmooyinkan , hayeeshe degmada badisa waxa ay hantin doona Koobka, halka tan soo hartana ay gali doonto kaalinta labaad ee tartanka aqooneedka Idaacadda Shabelle. Barnaamijkan oo ah kan ugu xiisaha badan ee la qabto bisha Ramadaan ayaa waxaa si Muuqaal ah uga daawan kartaa Facebooka Shebelle Media Network . Taaba gelinta sanadkan waa shirakada Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare Adult Commercial Secondry School View the full article
  7. Muqdishio (SMN) – Waxaa maanta Suuqyada waa weyn magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayaa mashquul xoogan oo ku aadan u diyaar garowga iyo dabaal daga maalmaha Ciidul Fidriga. Suuqyada haatan ugu mashquulka badan ayaa waxaa ka mid ah Bakaaraha, Suuq Bacaad, Xamarweyne iyo kuwa kale ee laga dukaameysto. Dadka ayaa si aad ah u adeeganaya, waxaa Suuqyada ku arkeysaa Waalidiin Carurtooda u adeegaya, si ay uga qeyb qaataan damaasha Ciida. Maxamed Salaad oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarweyne ayaa ka warbixiyay, sida ay sanadkan ugu diyaar garoobeen Ciidul Fidriga. Dhiniciisa Cabdi Faarax Nuur oo Xamarweyne ku iibiya qalabka Caruurta ayaa Shabelle uga sheekeeyay wax ay soo kordhiyeen sanadkan. Sidoo kale meelaha laga dareemayo mashquulka ayaa waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo mac macaanka iyo kuwa la’isku qurxiyo, sida timaha jaraha iyo goobaha Cilaan Saarka Dumarka. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/mu.mp3 View the full article
  8. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa soo saartey go’aan cusub oo ay kaga mamnuucday howlaha Kalluumeysi xeebaha ku dhaw xuduuda Soomaaliya, sababo la xiriira dhanka ammaanka. Guddoomiyaha gobolka Xeebta ku yaalla ee Lamu Joseph Kanyiri ayaa sheegay inuusan jirin doonin waxaa hadda ka dambeeyay kalluumeysi laga sameeyo nawaaxiga Ras Kamboni iyo degmada Kiunga. Mas’uulkan ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha Kalluumeysiga laga mamnuucay ay marin u u noqdeen alaabaha Kontor-baanka ah ee laga keeno dalka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dusha kala socon doonaan dhaq-dhaqaaqa xeebaha ku dhaw Soomaaliya, islamarkaana la xiri doono qofkii jebiya amarka cusub. Go’aankan ayaa si toos ah u saameyn doona kalluumeysatada u dhashay Kenya, oo horey uga kalluumeysan jiray xeebaha gobolka Lamu ee kaabiga ku haya xadka Soomaaliya. Kenya ayaa waday mudooyinkii dambe dedaallo ay wax uga qabanayso amni darrada dalkaasi, oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro, gaar ahaan magaalooyinka xadka dhaca iyo caasimadda, Nairobi. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  10. Lamu (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa amar ku soo rogtay Kalluumeysatadeeda ka jallaabta meel ku dhow xeebaha Soomaaliya. Kalluumeysatada ayaa la faray in aysan ku dhawaan biyaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan tagin degaannada ku dhow sohdinta Soomaaliya ee dhinaca badda. Joseph Kanyiri, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Lamu ayaa sheegay in kalluumeysatada ay gaari jireen ilaa Xeebta Raas Kambooni ee Soomaaliya haddase ay adag tahay in halkaas la tago. Waxa uu intaas ku daray in Ciidamada kala duwan ee Kenya ay ilaalo gaar ah ku hayaan dhaq dhaqaaqa Xeebaha Kenya ee u dhow Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay in Ganacsi u badan Kontraban laga geliyo Kenya sidoo kalena dadka lagu kala gudbiyo. “Waxaa jira goobo ay kalluumeysatadeenna doonayaan inay gaaraan balse nasiib darro ay dhibaatooyin ka jiraan. Walaceenna ugu weyn waxa uu yahay inay jiraan alaab kontaraban ah iyo dadk si si sharci darro ah halkaas looga gubinayo, waxaana ka shaqeeneynaa inaay joojinno dhaq-dhaqaaqyadaas” ayuu yiri. Mr Kanyiri, ayaa dhinaca kale Kalluumeysatada Kenyaanka ah ka qaaday xayiraaddii dhinaca kalluumeysiha ee habeenkii ahayd, waxaana uu sheegay in ay kaliya ka kalluumeysan karaan Bariga Lamu. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta dib uga qarxay deegaanka Taaragaduud oo qiyaastii 20 Km u jira magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa lix Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi. Xaaladdd ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac. View the full article
  12. Baardheere (SMN) – Cabdicasiis Cali Cumar taliye ku xigeenka qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Howgla Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan ay kula wareegeen tuulooyinka Cali Xareed iyo Juungal oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolkaasi. Sidoo kale taliye ku xigeenka qeybta 49-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in iska hor imaad ka dhacay halkaasi ay ku dileen labo ka tuirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen saddex kale, sida uu hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada DFS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobolka Gedo ee Jubbaland. View the full article
  13. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-030619-ww.mp3 View the full article
  14. Hogaaniyayaasha Wadamada Carabta halmar ayay hoos wada fiiriyeen kadib markii Raysal wasaaraha Pakistaan Imran Khan uu Canaan kulul iyo far ku fiiq uu la hor [...] Source
  15. Somali Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled, has chaired high-level security meeting in Mogadishu on Sunday evening. The weekly meeting attended by heads of regional security, mayor and governor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman is aimed to streamline security in the city mainly during the Islamic festive season of Eidul Fitri. Deputy premier who toured various departments of the Banadir police headquarters has praised efforts by the uniformed forces to keep the residents of the Somali capital safe via their modern technology monitoring system. Somali security agencies have been on high alert during the holy month of Ramadan to preempt attacks from armed group al-Shabaab. Extra security checkpoints have been erected in major roads across the city for vigilance. View the full article
  16. Kooxda ISIS ee woqooyiga Soomaaliya ayaa qoraneysa dagaalyahanno si xowli ah iyadoo ay jiraan kororka weerarrada dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanku ka fuliso Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Africa ee Mareykanka (AFRICOM) kaasoo lagu faahfaahiyey awoodda kooxda. Tan iyo bishii April, AFRICOM waxay qaadday illaa siddeed weerar oo dhanka cirka ah kuwaasoo lagu beegsaday kooxda ISIS ee Soomaaliya, waxaana qiyaastii lagu dilay weerarradaas 20 dagaalyahan. Dagaalyahannada weerarradaas lagu dilay waxaa ka mid ah taliyihii labaad ee kooxda laakiin qiyaas ay sameeyeen falanqeeyeyaal dhanka ammaanka ah ayaa tirada laga dilay kooxda ku sheegay 100 illaa 200 oo dagaalyahan, saraakiisha ammaanka ayaa iyaguna sheegaya in tirada ay intaas ka sii badan karto. “Kooxda ISIS ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa illaa 300 oo dagaalyahan iyagoo badankood ka hawlgala woqooyiga maamulka Puntaland,” Sida ay sheegtay afhayeenka Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM Samantha Reho, Inkastoo duqeynta cirka dagaalyahanno badan looga laayey kooxda ISIS haddana waxay wali wadaan dadaallo ay ku qoranayaan dagaalyahanno kaddib markii qasaare uu kasoo gaaray weerarro lagu beegsaday. Kooxaha ku safka ah ISIS ayaa aad u yaraa laakiin waxay si joogto ah u joogeen Soomaaliya muddo sannado ah. Kooxda ayaa xoogga saarta gobolka Bari ee maamulka Puntland oo ah maamul si iskiis ah isku maamula. Kooxda ISIS aad ayey u yar tahay marka lala barbardhigo Xarrakada Alshabaab ee gacan saarka la leh Alqaeda taasoo leh dagaalyahanno lagu qiyaasay 5,000 kuna soo jirtay halgan dheer oo ay ku afgambineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Illaa bishii hore dhammaan weerarradii AFRICOM ee Soomaaliya waxaa lala eegtay Alshabaab. Wali kooxda ISIS waxay dhibaato ku haysaa hawlgallada amniga lagu sugayo ee dalka waxayna taasi sababtay in ciidanka Soomaaliya ee Mareykanku taageero ay qaadaan tillaabooyin ka dhan ah Xarrakada Alshabaab. Militariga Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada dowladda taageera ayaa ka saaray kooxda ISIS dhul ay haysteen sida lagu sheegay warka kasoo baxay AFRICOM. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kooxda ISIS ee Soomaaliya ay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay qabaa’ilka iyadoo hoggaankooduna ay saameyn ku dhex leeyihiin sidaasna ku qortaan xubno ka mid noqda. “Marka la eego qabaa’ilka, qeyb ka mid ah dadka ayaa taageera ISISta Soomaaliya kuna biiraan sababo badan awgood waxaana sababahaas ka mid ah lacag iyo in la qaato fikirka ISIS,” ayey tiri afhayeen Reho. Arrimahaan ayaa u ogolaanaya in ISIS Soomaaliya ay hesho dagaalyahanno badan. Iyadoo awoodda kooxda ISIS ee Soomaaliya ay yar tahay haddana guulaha ay ka gaartay inay dagaalyahanno qorato ayaa u muuqda mid ka weyn kooxaha kale ee ISIS ka midka ah kuwaasoo ka dagaallama Galbeedka Africa. Stars. Source: goobjoog.com
  17. Sacuudiga iyo Emeraatka ayaa ka xumaaday in Dowlada Qatar ay ka laabatay Go’aamadii ay qaybta ka ahayd gunaanadka Shirkii Wadanada Islaamka uga socday Magaakada Barakaysan [...] Source
  18. Kenya has banned fishing activities off the Coast near the Somalia border over security concerns. Lamu County Commissioner Joseph Kanyiri says all fishermen are prohibited from carrying out their activities in Ras Kamboni and any other areas past Kiunga Town, all of which lay close to the Kenya-Somalia border. In an exclusive interview with the Nation in Lamu on Monday, Kanyiri reiterated that the ban on the fisherfolk is due to security reasons. The county security boss said areas close to the border have had incidents of trafficking in contraband goods, drugs and people hence the need for citizens to keep off. He added that there was tight security surveillance and that anyone found loitering in the no-go zones will be arrested. Mr Kanyiri, however, stated that the ban on night fishing in most parts of Lamu East has been lifted and that fishermen are free to carry on their activities day and night but not close to the border. “There are some areas that our fishermen will probably want to go fishing but those are no-go areas. The area next to Somalia border, that’s Ras Kamboni and any other area past Kiunga Town. We shall not allow our fishermen to conduct activities there for security reasons for now but as we continue to review the situation, we’ll be happy to communicate to the fishermen as and when they can resume fishing in those places. But in the meantime, the ocean is quite vast and I believe there are good fish harvesting grounds in other areas within our Indian Ocean that our good fishermen can use,” said Mr Kanyiri. He added: “We’ve areas where small vessels can still do the fishing. It’s unfortunate that even the areas that the fishermen want to go are more turbulent. Our major concern is also that there might be trafficking in contraband goods, drug trafficking or even human trafficking taking place in the prohibited areas and we are working towards ending such activities.” View the full article
  19. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, received on Monday at his office in the ministry a copy of the credentials of the new Ambassador of the European Union Delegation to the Federal Republic of Somalia, Mr. Nicolás Berlanga Martinez. The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation expressed his satisfaction and appreciation for the distinguished relations between Somalia and the European Union, stressing that the European Union is one of the most important partners in the development and reconstruction projects of the country. The Minister and the new European Ambassador exchanged many ideas and initiatives to promote and develop multi-purpose relations to support the peace process and reconciliation and to implement and activate all agreements signed between the two parties and their follow-up. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Wiil Ku dhintey Danab (Biriq) Roob Degmada Sallexlay iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex oo shacabka u digay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Qaraarka cusub ee trisigiisu yahay 2472 ee Golaha Amniga (GA) ka soo saaray xaaladda Soomaaliya 31 May 2019 waxaa loo cuskaday Cutubka 7aad ee Axdiga [...] Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa khamiistii wuxuu ergaygiisa arrimaha Soomaalida u magacaabay danjire James Swan, oo ah diblomaasi Maraykan ah oo khabiir ah. James Swan ayaa sidoo kale wuxuu noqon doonaa madaxa xafiiska Qaramada Midoobay. Haddaba, ergaygan oo Maraykanka hore ugu ahaa safiirkooda u qaabilsan Soomaalida, ayaa waxa ay dad badani isweydiinayaan aqoonta uu u leeyahay Somaliland iyo xogta uu ka hayo, maadaama oo ay Somaliland xudun u noqon doonto shaqada iyo xilka uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay. Wargeyska Geeska Afrika ayaa dib ugu noqday kaydka uu ka hayo ergayga cusub ee Maraykanka ah oo hore si waafi ah uga hadlay qaddiyadda Somaliland, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo gobalka ku saabsan. September 2012 Bishii September ee sannadkii 2012, wuxuu danjire James Swan ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, Danjire James Swan, oo markaas ahaa safiirka dalka Maraykanka u qaabilsana Somaliland iyo Somaliya ayaa shirjaraa’id oo ku qabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu ku sheegay in wejigii hore ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya lagu qorsheeyay sidii uu wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa mustaqbalka. Isagoo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo la xidhiidhay hadal uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas la doortay uu ku balan qaaday inuu sii wadayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi safiirku “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo xukuumada Muqdisho ee Ingiriiska iyo Norway fududeeyeen, ayaa muhiimadii ugu horeysay ee wada hadaladaasi noqdeen kuwo lagu qorsheeyo sida mustaqbalka wada xaajood wax ku ool ahi u dhici lahaa. Sidoo kale, waxaan filaynaa in qorshahaasi sii socon doono, iyagoo ku dhisan sidii bilowgii ay ku heshiiyeen, kuna bilaabi doonaan inay qorshe dhigtaan, oo bilowga la cadeyn doono qodobada wada xaajoodka mustaqbalka lagu soo qaadan doono. Laakiin, taasi waxay u muuqataa mid ku soo kordhaysa hawlahii labada dhinac oo xilligan bilaabaya inay qeexaan shuruudaha wada xaajoodkaa.” March 2013 Bishii March ee sannadkii 2013, wuxuu danjire James Swan, waraysi uu siiyay koox lagu magacaabi jiray USDOTSomali, oo ka tirsanayd wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaanu waraysigaas ku sheegay in Maraykanku la dhacsanyahay horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo dimuqraadiydada, “Dawlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda caalamkuba waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u hayaan dedaalka ay sameeyeen dadka reer Somaliland sanadihii la soo dhaafay iyaga oo si heersare ah u ilaaliyay nabadgalyada iyo xasiloonida dhulka Somaliland, iyo dhinaca dawlada oo qabatay dhawr doorashooyin oo aad u heer sareeyay, waxa kale oo bogaadin iska leh shacabka dedaalkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan dhaqaalaha iyo arimaha nolasha.” Wuxuu diblomaasigan Maraykanka ahi intaas raaciyay “ Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku waxay rabtaa inay sii wado inay kala shaqayso dadka Somaliland iyo maamulka dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, dib u dhiska iyo horumarinta iyo dhinacyada xidhiidhka dawladnimo ee aanu wadaagno, isla markaasna mawqifka dawlada Maraykanku waa mid barbar socda la’na mawqif ah qaramada midoobay, midawga Afrika iyo dawladaha la jaarka ah Somaliya.” Gunaanad Waxa muuqata in ergaygan cusub, inkastoo laga yaabo inuu wato siyaasadda dawladda Maraykanka oo wakhtigan ah mid kool-koolisa dawladda Soomaaliya, haddana uu uga duwanaan doono Somaliland wakiiladii hore ee Qaramada Midoobay oo badankooda xilkan loo soo magacaabay iyagoon fahan badan ka haysan kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya. Ergaygan ayaa wuxuu 24 January 2012 madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Axmed-siilaanyo oo ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen nabadgelyada guud ee Geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leeyihiin argagixisada iyo budhcad badeedii wakhtigaas jirtay. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumada iyo dawlada hooseba ay awoodi waayeen in labada biriish ee caasimadda Hargeysa ay yihiin kuwo madow oo bilaa laydh ah. Labada biriish ee caasimada ayaa habeenkii aan lahayn wax laydh ah muddo aad u dheer waxaana inta badan dadka dul lugeeyaa ay isticmaalaan ilayska gaadiidka biriishyadaas dul maraaya iyada oo xiliga danbe ee habeenkii ay baqdin badan ku abuurto dadka dul maraaya hadaanay caawin gaadiidka biriishyadan isticmaalaa. Haddaba; qaar ka mid ah shacbiga Hargeysa oo wargeyska Geeska Afrika uu fikirkooda wax ka wadiiyay kadib markii uu sawiro ka soo qaaday biriishyadaas oo aan lahayn wax laydh ah, ayaa wax la’la yaabo in labada biriish ee caasimadu ay ku suganyihiin xaalad ilays la’aan ah. Ugu horayntii Cabdicasiis Aadan Cilmi oo fikirkiisa arintan ka dhiibanaayay waxa uu yidhi “Ayaan-daro ka wayni majirto in labadii biriish ee caasimadu laydh La’yihiin, waana damiir xumada dadka loo igmaday bilicda casimada inay tahliwaayaan inay laanbado Ku xidhaan labada biriish, xukumaduna dhaliisha iyaday dusha kasarantahay” Boqol Dhaan Xasan Cilmi ayaa isaguna aragtidiisa dhaliisha dusha ka saaray shacab iyo dawladba “ Hadaan fikirkayga cabiro, waa layaab in caasimada badhtankeedu u Madaw noqdo, siiba labada biriish marka aan ku koobnaano waa wax aad u fudud in laydh loo shido, laakiin waxaan fikirkayga qabaa in dawlada hoose oo shaqadeeda ay ka mid tahay bilicda iyo amaanka magaalada ay ka gaabisay, dhanka kalena shirkadaha laydhka laftooda ayaa ku ceebaysan, sababtoo ah waxay adeegooda ka iibiyaan dhamaan caasimada oo nidaam dhiigmiirad-nimo ah ayay u iibiyaan adeegooda, ma waxa ay garan waayeen bulshada iyo dalka ay lacagta shan laabka ah ka qaadaan wax dib ugu celiya?, marka labadaba laga yimaado waxa kale oo iyaguna qayb ka ah shacabka iyo ganacsatada la jaarka ah labada biriish ee caasimada. Ugu dambayn waa wax aad u fudud in la shido laydhkaasi laakiin waa la hagraday!.” Cabdishakuur Axmed Raage, ayaa isna yidhi “Biriishyadu waa inay iftiin yeeshaan maadaama oo si la mid ah wadooyinka caadiga ah aannay meherado iyo guryo iftiimiyaa ku ool. Amaanka qaranka, quruxda magaalada iyo bedqabka bulshada isticmaalaysaba waa u muhiim in biriishku iftiin lahaado, dawladda ayaa ka masuul ah guud ahaan ammaanka, iftiinka biriishkuna wuxuu kor u qaadayaa nabadgalyada. Biriishyada labada ah ee Hargeysi waxay u dhaw yihiin xarumo dawladeed iyo goobo ganacsi oo muhiim ah, waxay ahayd in ay ku baraarugaan” Ayaan Mustafe Ismaacil ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in biriishyadii lagu xaragoon lahaa ay u eekaadaan mugdi “ Waa aan ka xunahay in magaalada Hargeysa oo caasimad ah aanay biriishyadeedu lahayn wax laydh ah, waa dayacaad ka timi dawlada hoose iyo xukuumadaba, waana wax laga xumaado in biriishyadii inta la qurxiyo lagu faani lahaa inay maanta kharaabado u eeg yihiin.” Ugu danbayntii Cabdicasiis Xasan Maxamed ( cabdicasiis Lafta-Gareen) ayaa aragtidiisa sidan u dhigay “ Labada biriish waxay astaan u yihiin isku xidhka magaalada Hargaysa, haddii ay tahay dhaqaalaha ahaaan iyo amniga ahaan ba Labada waxay qayb ka yihiin taariikhda magaalada Hargaysa Intaas waa muhiimada labada biriish ee Harageysa, Hadaba yaa masuul ka ahaa in aanay laydh lahayn waxa masuuliyadeeda qaadaya oo ku ceebaysan golaha deegaanka ee Hargeysa” Haddaba, yaa ku ceebaysan oo ay masuuliyadooda tahay in labada biriish ee Hargeysa oo ku yaala badhtamaha magaaladu ay noqdaan kuwo mugdi ah oo bilaa koronto ah? Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Guddida Wanaag Farista Oo Si Kulul U Dhalliishay Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  25. “Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay” Odayada mujaahidiinta ah ee Madasha wadatashiga oo xaalada dalka ka Hadlay Ayaan jeclaystay inaan laba oday oo muxtarim ah hadaladoodii midba erey ka idhaahdo wixii iiga baxay. Mujaahid #Xasan_Guure oo ka mid ah Mujaahidiinta mar walba umada bad-baadinteeda ku Hawlan waxaan ku bogaadinayaa sida Aqoonta, aragti fogaanta, iyo tudhaalaha leh ee uu qadiyadaha cakiran uga hadlay. Sida uu sheegay Xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool sharciga ma waafaqsana, xadhigiisa iyo sii hayntiisuna waa Dastuur jebin cawaaqib xumo ka dhalan doonto sharcigana hadaan xukuumadu Ilaalin garan mayo cida lagu dhaqi doono ee aqbalaysa. Waxa kale oo aan bogaadinayaa xaqiiqona ah sida Muj. Xasan Guure sheegay Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtidu Doorashooyinka ma qabtaan masuulna Kama aha, haddii ay qabsoomi waayaana iyagu kuma dhaliilna ee waxa ku ceebaysan Xukuumada iyo xisbiyada ilaa hadda isku haysta sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, taas oo haday qabsoomi waydana ay xilka sii haynayaan ilaa inta Kuwa masuuliyadoodii dayacay doorasho ku qabanayaan, waqtigeedii haday ku qabsoontana sida marar badan shir gudoonku cadeeyey ay diyaar u yihiin inay kuraasta baneeyaan wixii iyaga ku xidhana ay dhamaystirayaan. Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Axmed Siilaanyo Mudane Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu cay iyo aflagaado qaawan kula dul dhacay Mudanayaasha labada gole oo uu ku tilmaamay Qaar laaluushka iyo xaaraanta xalaashaday oo aanu samuhuba ku duxin waxaanu ku tilmaamay inay sharci daro ku fadhiyaan oo xasaanad iyo xil-toona aanay haynin. Maxamed Xaashi ayaan intaas ku hadhine waxa uu madaxweynaha laftiisa ku eedeeyey nin aan mushaharkiisa ku qanacsanayn oo wax ka badan oo xaaraana jeclaysanaya Waxaan leeyahay Maxamed Xaashi oo keligii saxane/keligii muwaadin ah Sharcigu aragtidaada maaha ee waa waxa ku qoran Dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala, Golayaasha qarankana sharcigaas bay ku yihiin sharci Kuna leeyihiin Xasaanad aan cidina ka qaadi Karin qof sharciga indhaha ka xidhaya mooyaane. Maxamed Xaashi Cilmi isaga ayaa Mudadii koobnayd ee uu wasiirka ahaa Caan ku noqday Eex iyo qaraabo kiil badheedh ah oo cid kastoo wasaarada ahayd ama ay Wada shaqayn lahaayeenba xog-ogaal ka ahayd. Waxaan u soo jeedin Lahaa inuu ka waantoobo sharaf dilida iyo aflagaadada joogtada ah ee uu golayaasha qaranka ku hayo isagoon cadayn u haynin waxa uu ku eedaynayo. Sidoo kalena aanu shuruucda dalka Marin habaabinin oo ka been abuuranin. Gebagebada qoraalkayga waxaan Xukuumada leeyahay Xildhibaan Dhakool waxa uu leeyahay Xasaanad dastuuri ah, Ha la ilaaliyo shuruucda dalka oo xoriyadiisii si bilaa shuruud ah ha loogu soo geliyo. Sharcigii inoo dhigan Inta aan la dhaqangelin Nina aanu dhinac Marin Midna jeelka lagu dhigin Qaran wali dhamaystiran Oo shacabku dheefsado Dhabtii iima muuqdaan dhalanteed la mood iyo Waa dheeli Xaajadu !!!!! Allaa Mahad leh SULEYMAAN CABDISITAAR DUBAD Cabdisitaar@hotmail.com Qaran News