-
Content Count
208,550 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE International Monetary Fund (IMF) Staff concludes visit to South Africa Robust actions are needed to reduce the fiscal deficit and reverse the increase in public debt WASHINGTON D.C., United States of America, June 3, 2019/ — South Africa’s subdued economic growth could be reignited if the pace of structural reform implementation accelerates; robust actions are needed to reduce the fiscal deficit and reverse the increase in public debt; the government has a renewed opportunity to press ahead with policies to further strengthen governance, encourage competition, increase labor market flexibility, and, more generally, reduce the cost of doing business. An International Monetary Fund (IMF) mission, led by Ana Lucía Coronel, visited South Africa during May 27–June 3, 2019 to discuss recent economic developments and outlook in the context of its regular surveillance activities. At the end of the visit, Ms. Coronel issued the following statement: “Following President Ramaphosa’s election, there is a sense of cautious optimism about economic prospects as the new government formulates its policy agenda. Amid challenging global economic conditions, the growth outlook will depend critically on the pace of implementation of reforms that address long-standing structural constraints. If reform implementation accelerates sufficiently to lift business confidence and jump-start private investment, growth would be reignited. However, if reforms are delayed, investment would fail to pick up, economic growth would remain weak in the medium term, and per-capita income would continue to decline. With underexploited export potential, the external position would remain weak and the current account deficit financed mainly by non-FDI inflows. “The fiscal deficit is set to worsen as weak growth constrains revenue, current expenditure remains rigid, and public enterprises require additional support. As a result, debt pressures are likely to further increase in the near term. Weak finances and operations of public enterprises, particularly Eskom, represent a major downside risk to growth and the fiscus. Against this background, action is needed to reduce the fiscal deficit, reverse the ongoing increase in public debt, and restore much-needed fiscal buffers to protect the government’s development objectives and its ability respond to shocks. “Given favorable food price developments, inflation has remained at or below the midpoint of the official target range in the last few months, contributing to a moderation of inflation expectations. In this context, monetary policy is appropriately focused on anchoring inflation expectations at a lower level, balancing upside inflation risks from higher administered prices and temporary supply factors on the one hand, with the recent subdued inflation developments on the other. Financial stability has been maintained, despite weak growth having started to negatively affect banks’ performance. The entry of a few new players to the banking system has contributed to the reduction of the pricing of financial products. “A focus on policy actions to remove long-standing structural constraints to growth and accelerate job creation is a must. The government has a renewed opportunity to press ahead with policies to further strengthen governance, encourage competition, increase labor market flexibility, and, more generally, reduce the cost of doing business. Public enterprise efficiency needs to be improved with measures that strengthen their finances and harden the budget constraints they face. In particular, Eskom will require bold action to redefine its business model so that it becomes self-sustained and ensures affordable and reliable electricity supply. Without fundamental reforms in Eskom’s finances and operations, continued budget transfers or assumption of its debt by the government will not resolve the company’s issues. Postponing the needed adjustment of the entity will only force greater difficulties down the road. “Acting decisively on tackling structural impediments to growth would help complement the authorities’ efforts to conduct sound macroeconomic policies, thus restoring policy certainty and boosting investor confidence. An improved business environment resulting from reform implementation would attract much-needed private investment, and, in turn, lead to a virtuous cycle of growth, job creation, and social inclusion. “The mission thanks the authorities and other counterparts for their hospitality and productive discussions.” Distributed by APO Group on behalf of International Monetary Fund (IMF). SOURCE International Monetary Fund (IMF) Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Baashe Cali Jaamaca oo ka mida Mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu taageero u muujiyey Beesha Harti oo uu sheegay inay iska dhicin doonaan Xukuumada Muuse Biixi. Siyaasi Baashe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaday degmada Badhan, isagoona ka dhawaajiyey in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay qalaalase ka wado Somaliland. Bashe Cali Jaamac oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaaladda Laascaanood, ayaa wuxuu yiri “Maanta dalku meel aad u liidata ayuu marayaa, weerarkii Badhan lagu qaaday wuxuu la mid yahay weerarkii Tukaraq lagu qaaday, Xukuumaddani waxay ujeedo garan mayno balse cadaawad dhibaato xumaan iyo hagardaamo ayey wadaa cadaaladii sinaantii iyo xaqsoorkiina wey ka tag-tay”. “Odayaasha Madashana waan ku taageersan nahay hadalkooda,dhab ahaana umadda waxna looma qabanayo ee dhibta ha lagu daayo haddii kale Harti uu israaci doonaa oo Xukuumadda Muuse Biixi uu iska celin doonaa,iyadoo Beesha Harti wanaag Sharif Maamus iyo ixtiraan u Hayaan guudo ahaan Shacabka Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray “Bishii khayrka badnayd Bishii ugu fadliga badnayd way dhamaatay ee ALLE khayrkeeda iyo wanaageeda hayna siiyo,waxaana umadda Muslimka iyo umadda Somaliland ugu ducaynayaa wanaag khayrka bishan ALLE haydin siiyo waxaanan ka baryayaa inuu nimcadiisa inoo siyaadiyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray Maamul Goboleedka Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka. Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo isu ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey saraakiishan, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari ayaa sheegay inay guul tahay imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee maamulka Puntland laga hayey. Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey Maxaabiis tiradoodu dhammayd 14 oo lagu qabtay dagaalkii Tuka-raq ku dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kuwaas oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka. Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegidoonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi, Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul kooda Puntland. Iyadoo Maxaabiistaa ay la wareegtay hay’adda ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka. Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa axaddii ku gacan seertay qodobada kasoo baxay, ayada oo sheegtay inaan lagala tashan. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar. “Dalalka…waxay inta ay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa ku dhalleeceeyey Qatar inay tahay mid tabar-darran oo aan xamili karin cadaadiska. “Waxay iila muuqataa in ka qeyb-galka shirarka iyo heshiisyada lagu gaaro kadibna laga laabto wixii la go’aamiyey ay tahay natiijada cadaadiska saaran dal aan madax-banaaneyn ama aan la isku haleyn karin” ayuu yidhi. Qatar ayaa waxaa muddo laba sano ah saaran go’doon dhaqaale oo cir iyo dhul ah oo ay geliyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain. Source
-
(SLT- Ereteriya)-Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Cismaan Saalax Maxamed ayaa qaabilay ergayga Somaliland u qaabilsan Qaramada Midooobay Mudane Maxamed Warsame Ducaale oo gaadhay magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya. Ma jirto faahfaahin ka soo baxday kulanka madaxda sare ee Ereteriya iyo Danjiraha Somaliland ee UN-ta laakiin, Somaliland iyo Ereteriya ayaa xidhiidh togan yeeshay tan iyo markii wefti cusus oo Asmara ka socda yimid Hargeysa bilihii la soo dhaafay. Somaliland: Eritrea president Isaias Afwerki and his foreign minister Osman Saleh Mohammed receives, Dr. Mohamed Warsame Duale, Somaliland envoy to the UN. Dr. Duale arrived in the Eritrean capital, Asmara. @AliJibrilMedia pic.twitter.com/AMkX3uSXfU — Geeska Afrika Media (@GeeskaM) June 3, 2019 HOA #Eritrea #Ethiopia #Somalia #Djibouti #Somaliland https://t.co/WFE771ILUp — Eritrean Press (@EritreanPress) June 3, 2019 Somaliland: #Eritrea president Isaias Afwerki and his foreign minister Osman Saleh Mohammed receives, Dr. Mohamed Warsame Duale, one of #Somaliland Top envoys . Dr. Duale arrived in the Eritrean capital, Asmara. @AliJibrilMedia pic.twitter.com/z4KNHoTfZH — Mohamoud A. Hassan (@maxamuudoday) June 3, 2019 Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Martinez ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladdu ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa. Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dib u dhiska Iyo nabadeynta dalka. Dhankiisa, Danjire Martinez ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Midowga Yurub danjire uga noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dhinac. Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Cafis u fidiyey 121 Maxbuus, Farxadda Ciidda Soon Awgeed. Maxaabiista Cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xidhan Xabsiyada Gaalkacayo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso. Wareegtada Cafiska ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland soo saartay ayaa u qornayd sidan:- Cafis Maxaabiis “Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xeer Madaxweyne Lr, os ee 29 May,2019 Cafis ugu fidiyey Maxaabiis Munaasibadda bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed. Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland Markuu Arkay: Talo soo jeedinta Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo dhaqan-celinta. Wuxuu Xeeriyey. Waxa Cafis loo fidiyey Munaasibadda Bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed 121 Maxbuus oo ku kala xidhan Xabsiyada Puntland. Xabsiga Boosaaso, 52 maxbuus Xabsiga Qardho, 27 Maxbuus Xabsiga Garoowe, 52 Maxbuus Xabsiga Gaalkacayo, 13 Maxbuus..” Source
-
Al-Shabaab fighters were reported to have attacked a Somali special forces’ base in Lower Shabelle region on Monday morning. The attack occurred at K-60, where soldiers from the US-trained Danab unit are stationed. The ambush has sparked hours-long gunfight between the militants and Danab troops which inflicted casualties on both sides, according to the local residents. It’s yet unclear the exact number of the fatalities. The attack comes hours after a roadside bomb blast on a convoy carrying Alfa Group forces in Bariire village, which is located about 60-km southwest of Mogadishu. View the full article
-
Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay sii daayeen 14 maxaabiis ah, kuwaasi oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo ay la galeen Puntland. Hay’adda ICRC ayaa kasoo shaqeysay in maxaabiistan maanta laga dejiyo magaalada Garoowe, iyadoo dhanka kalena Puntland sii deysay Saddex maxaabiis oo ay ku qabteen dagaalkaasi. Ehlada maxaabiistii maanta la keenay magaalada Garoowe ayaa soo dhoweeyay arrintan, iyaga oo u mahadceliyey ICRC. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda. Source: goobjoog.com
-
Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenay ayaa qaaday tallaabo kale oo sii xumeyn karto xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ku taagnaa hal lug. Dowladda Kenya ayaa dab qabadsiisay Alaab iyo Raashin ku fadhiyey 55 Kun oo Dollar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen Odayaasha dhaqanka ee ku nool Magaalada Mandere. Alaabtaan ayaa ganacsi ahaan looga keenay dalka Soomaaliya waxaana is hor istaag ku sameeyey Ciidamada Dowladda Kenya oo ugu dambeyn gubay hantidaas ay lahaayeen dad Soomaaliyeed. Odayaasha Mandheere ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay joojisay in Badeeco laga soo gudbiyo Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya tan iyo markii la afduubtay Dhakhaatiirtii u dhashay dalka Cuba. Badeecada ay gubtay Dowladda Kenya ayaa ah kuwa ay qabteen tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana meeshaas ka cad in aruurinta alaabtaas ay ka horeysay amarkii dowladda Kenya kasoo baxay ee ahaa inaan Kenya lasoo gelin karin alaab ka timid Soomaaliya oo uusan la socon qofkii lahaa. Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay xayiraad saareen Goobaha ay Soomaalida kasoo saaran jireen Dhagxaanta,taasina ay saameyn ku yeelatay fursadihii shaqo ee la heli jiray. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu aad usoo xumaanayo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya qaaday tallaabooyin muujinayo inay dooneyso sidii ay isaga hor imaan lahaayeen Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Dowladda Soomaaliya aysan illaa iyo hadda qaadin wax talaabo ah oo ku wajahan falalka isa soo taraya ee ay Kenya ku cadaadineyso, xili laga digay go’aanno kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa u kala gudbiyay maxaabiis dagaal oo Puntland iyo Somaliland ku kala qabsadeen dagaalladii Tukaraq. ICRC ayaa duhurnimadii maanta Garoowe ka soo dejisay 14 maxbuus oo Puntland looga qabtay dagaalladii Tukaraq waxaana ay magaalada Hargeysa u qaadday 3 maxbuus oo kamid ahaa maxaabiistii Somaliland looga qabtay Tukaraq. Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 askari oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland balse 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC ayaa la sii daayay kadib markii la dhaqan-celiyay. Waxaase Puntland xabsiga ku sii haysay 3 maxbuus oo u dhashay gobollada waqooyi galbeed uuna ku jiray korneyl taliye xigeen ah kuwaasi oo maanta loo qaaday magaalada Hargeysa. Sidoo kale Somaliland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood dib loogu soo celiyay Garoowe. Heshiiska maxaabiis is-weydaarsiga labada dhinac ayaa waxa fududaysay hay’adda Laanqeyrta Cas oo maxaabiista u kala wareejisay Garoowe iyo Hargeysa. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo la kala wareegay maxaabiis dagaal appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
“Muddo Laba Sanno Ah Odayaashi Madashu Midh Run Ah Ayay Sheegeen”. Muniir Axmed Cigaal Odayaasha madasha wadatashiga abaabulkoodi hore Muuse Biixi anigoo ogaa inay isku cindanayeen oo ay wakhtigaas midaysay Mucaaridnimadii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo Muuse Biixi aha Muxaafid Muxaarid, hadana waxaan maanta qiraya inay Alle hortii runta ku rafteen oo shegeen in tii Siilaanyo dhaantay Xukuumadda Heego ee Muuse Biixi. Xukuumaddii Axmed Siilaanyo danbiga ugu wayn ee ay Waddanka ka gashay waa inay Muuse Biixi Dalka u afduubtay, oo dhammaan haykalkii dawladeed ugu adeegtay, Muuse Biixi degaankiisu ma wadan oo Somaliland ma wadan oo KULMIYE ma wadan oo isagaa ugu tageero yaraa hadana waxaba waa la jiidhsiiyay, danbarkeedina maanta Somaliland waa haysa mana dhawa sidaan sadalinaayo wax ka sii xumaada mooyane waxba ma soo kordhinaayo waayo umaba abaabulna. Xukuumadda Muuse Biixi Xukuumaddii Siilaanyo ka Wasiiro xun, oo ka tayo xun oo ka tallo xun oo ka isku wad xun oo ka dhaqaale xun oo ka garawshiyo xun oo ka saamayn la’aan xun. Marka Alle hortii odayaashu maanta runta ayay ku rafteen. Madaxweyne Muuse Biixi kama dabaalan doono, furfurka Sanaag Bari, tabashasa SOOL iyo heshiiskii Khaatumo, saamiga doorashada ee Gobolada iyo degmooyinka, khilaafka Xisbiyada, Maamul daadajinta Gobolada, Saami qaybin cadaladeed oo ummadda loo sameeyo isaga oo wax kasta isku koobay ilaa Askari ilaa linayaa ilaa Taliyaashi Ciidamadda ilaa Maxkamaddii Sare ee ilaa Wasiiradii mudnaa ilaa kuwii Lacagta u hayay, Baanka dhexe Maaliyada, 5-ta Agaasime ee Shanta Wasaradood ee Dalka ugu wayn, Madaxtooyada, Baandhe dhexe, Qorshanta, Caafimaadka, Cadaaladda waxaasi dawladnimo maha waa ku cariigsi iyo ha dunto amma anaa wada xaabsanaaya waxaas Oo dhan kama dabaalan doono sidaan anigu sadalinaayo marka si kasta iyada uga liidata Xukuumaddii Siilaanyo. Tusan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsan yahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Waxa uu ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda.
-
Goobjoog news qeybta ciyaaraha waxa ay kuu soo gudbinaysaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ciyaaraha dalka iyo bisha May 2019,horayna waxaan idinku soo bandhignay bilihii lasoo dhaafay Janaayo,Febraayo,Maarso iyo April waana markii ugu horeesay taariikhda in sidaas loo soo bandhigo bil kasta dhacdooyinka isboortiga Soomaaliya. 01-May 2019-Xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAf ayaa si weyn u amaanay abaabulka xoogan iyo dhisidda da’yarta kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ku amaanay juhdiga ay ku bixiyaan da’yarta kubbadda hadana ku jirta heerka wax barasho waxayna balan qaadeen in Soomaaliya ku taageerayaa dhisidda ciyaaryahanada da’yarta. 02-May 2019- Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan ayaa ku guuleystay horyaalka heerka 2aad ee (Division 1) xilli cayaareedka 2018-2019, iyadoo u soo gudubtay ka ciyaarista horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2019-2020 waxaana kooxdan koobka u qaaday tababrihii hore kooxda Heegan horyaalka Soomaaliya kula guulaystay xili ciyaareedkii 2014-2015 Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gadaamow). 03-May 2019-Kooxda kubbadda Cagta Rajo Football Club ayaa in ka badan 20-sano ka dib usoo gudubtay ka dheelista horyaalka Somalia Premier League ka dib markii ay kaalinta 2aad kaga dhamaysteyn horyaalka 2aad ee (Division 1) horay waxaa kooxdan la oran jiray Haajis waxaana kasoo baxay ciyaartooyd badan. 04-May 2019-Orodyahan Cabdi Daa’uud Rooble ayaa guulo waa weyn ka gaaray labo tartamo ka kala duwan oo kaga qey galay dalalka Germany iyo Zambia. 05-May 2019-Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa caasimada Muqdisho ka daah Furay tartanka iskuulada Gobolka Banaadir 2019 ee (Youth League) waana sanadkii 4aad oo xariir ah ay tartanka qabanayaan waaxda dhalinyarada Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. 06 May 2019- Guddiga dhismaha garoonka kubbadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed ku taageeray dhismaha garoonka Mira Awaare,iyagoo Raysal wasaaraha warbixin ka sameeyay halka uu marayo qorshaha dhismaha. 07-May 2019- Oradyahanka heerka caalami ee dalkeena Soomaaliya Cabdi Daaud Rooble oo caan ku ah orodka masaadafada fog sida, 5,000, 1000, 10 KM, 22 Km iyo Maratahon-ka ayaa markale lasoo baxay wacdaro ciyaareed natiijo guul uu sare uga qaaday calanka Soomaaliya kadib markii uu kaalinta saddexaad ka galay orodka 10km wuxuuna sanadka u ahaa mid cajiib ah. 08 May 2019– Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi la socday ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaan halkaas kaga horeeyay Jamaal Xaashi Tuure tan iyo markii dib loo doortay Cabdiqani Saciid Carab iyo xubanaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya 15November 2018 waxa ay balanqdeen in horomarinta kubbadda cagta gobolada dalka. 09-May 2019-Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa) ayaa sheegay in is badal weyn lagu sameyndoono kooxda Galmudug ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir. 10-May 2019- Xidigihii hore kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Horseed Ciise Minhaaj iyo Maxamed Cabdiraxiin Cali ayaa nasiib u yeeshay ciyaaryahano laga soo aruuriyay da’yarta gobolada dalka Kenya oo tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo ku dheelay wadanka Spian,iyagoo sidoo kale si toos ama (Live) garoonka Campnuo ku daawaday kulan ciyaareed u dhaxeeyay kooxaha Barcelona iyo Getafe kaas oo ka tirsanaa horyaalka laligaha ee dalka Spain. 11-May 2019- Yoonis Cabdrisaaq Faarax oo ka mid ah ciyaartooy Soomaaliyeed ee xirfada wanaagsan kana ciyaara yurub ayaa ku biiray kooxda Trysil ee dalka Norway xidigan ayaa horay ugu tirsanaa kooxda Southend ee dalka UK waxaana laacibkan dhalay ciyaaryahankii hore kooxaha Madbacada Qaranka iyo Horseed Cabdirisaaq Faarax Garoojoe oo iminka ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman. 12-May 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa macalimiinta kala ah Ignatius & Jerry oo kasoo jeeda dalka Ghana u magacaabay xulka qaranka Soomaaliya, Ignatius ayaa loo dhiibay xulka da’yarta,halka Jerry isna loo magacaabay tababaraha goolhayaasha Soomaaliya labada macalin ayaa u mahad celiyay xiriirka kubbadda cagta,iyagoo sheegay in ay ciyaaraan doorkooda horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya. 13-May 2019-Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa safarkii kowaad ugu u ambaxay dalka Malawi,isagoo ka qeybgalay shir looga hadlyay horomarinta kubbadda cagta iyo dhisidda ciyaartooyda da’yarta ee loo yaqaano (Grass Root) waxayna u aheyd socodaalkii 1aad oo safar banaanka u aado tan iyo markii loo magacaabay xilkan 16–Febraayo 2019. 14-May 2019-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xafiiska ku qaabilay Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya,Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed guddoomiye ku xigeenka 2aad,Cabdulahi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqdeynta xiriirka iyo agaasimaha ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Axmed Cabdalla Tigaana waxaana kulankaas loogu wada hadlay horomarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland,madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in ay ka go’antahay garab istaagida bahda ciyaaraha Puntland. 14-May 2019-Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa tabar u soo xeray 34 macalin oo ka kala socday horyaalka heerka 2aad iyo iskuulada ka qeybgalaya tartanka dugsiyada 2019 waxaana tababarkan bixinayay macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta dalka. 15-May 2019-Maxamed Cali Jabane oo ah kaaliya Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kulan xog waraysi ah degmada Cadaado kula qaatay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame labada dhinac ayaa ka wada hadlay baahiya iyo waxyaalaha ay u baahanyihiin in laga taageero xiriirka kubbadda cagta Galmudug,si dhalinyarada ku nool deegaanada Galmudug ay u helaan qorshaha horomarinta. 16-May 2019- Tartanka kubbadda cagta oo loogu tala galay horomarinta caruurta agoonta Booliska iyo Asluubta ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,maamulka xarunta barbaarinta caruurta agoonta ayaa tartamo kala duwan u qabta dhalinyarada,iyagoo u diyaariyay garoomo kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga. 17-May 2019- Guddoomiyaha Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa saddex sano ka dib kasoo muuqday dhex dhexaadinta ciyaar kubbadda cagta ah oo gudaha wadanka,isagoo garsooray kulan ay wada ciyaareen caruurta agoonta ee booliska Soomaaliyeed,Garsoore Wiish ciyaar oo dhex dhexaadiya waxaa ugu danbeesay October 2016 kulan ay wada ciyaareen kooxaha Banaadir SC iyo Heegan. 18-May 2019-DR Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kusoo laabtay caasimada Muqdisho,isagoo sheegay in shirkii uu ka qeybgalay Malawi lagu soo bandhigay arimo badan oo ku aadan horomarinta kubbadda cagta,Soomaaliyana laga doonayo in ay qibrad ka qaato sida ay u shaqeeyaan xiriirada caalamka si loo gaaro heegsi dheer. 19-May 2019- Maamulka Isbortiga Degmada Shibis ayaa soo bandhigay koox dhalinyaro ah oo ay da’dooda u dhaxayso 10-20 jir ee oo loo diyaarinayo mustaqbalka xulka qaranka kubbadda Kolayga Soomaaliya waxaana mashruucan hindisay Macalin Daa’uud Axmed Dheere oo horay ugu soo dheelay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iminkana ah madaxa horomarinta ciyaaraha Maamulka Gobolka Banaadir. 20-May 2019- Laacibka kooxda Horseed Sports Club Maxamed Cabdi Nuur (Mayman) ayaa saddex sano ka dib kusoo laabtay ka mid noqshada xulka qaranka Soomaaliya ee (Ocean Stars),Mayman waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanhay kusoo laabashada safka xulka. 21-May 2019-Siham Ibrahim ayaa ku guuleysatay tartankii Tour championship waxeyna ka qeeb Gali doontaa koobka Adduunka ee Golf-ka oo ka dhacay North Carolina ee Mareekanka,waxey noqonaysaa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeeb gasho,xariirka Golf-ka ayaa guulo waaweyn saameyay sanadihii danbe. 22-May 2019-Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug ayaa sheegay in wasaarada ciyaaraha Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka rajaynaa in ay si wanaagsan u fahmaan in isboortiga uu ka madaxbanaan yahay arimaha la isku hayo ee siyaasadda,loona baahanay in laga shaqeeyo horomarinta ciyaaraha iyo fursadaha ay u baahan yihiin dhalinyarada ku nool gobolada Soomaaliya. 23-May 2019-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhalinyarada ku nool deegaanada Puntland u sheegay in uu maamulkiisa uu da’daal badan ku bixinayo dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Puntland,isagoo dhalinyarada u balanqaaday in labada sano ee soo aadan ay helayaan goobo tayaysan ay ku soo bandhigaan xirfadooda. 24-May 2019-Guddoomiyaha Gobolka Wajir Maxamed Cabdi ayaa bogaadiyay kooxda Northern Wanderers oo laga dhisay gobolka waqooyi bare ee Kenya,iyagoo ka qeyb galaya ciyaaraha horyaalka ee Kenyan Premier League,yoolkeeda taa siyaasiinta Soomaaliyeed ee xilalka waaweyn ka hayo wadanka Kenya ayaa si weyn u taageeray qorshaha horomarinta kooxda Northern Wanderers. 25-May 2019-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeen arrimaha horumarinta gobollada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, Abuukar Isloow Xasan ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Maamulka HirShirshabeelle,socdaalkaa waxa uu qeyb ka ah dadaallada horumarineyd ay qaateen X.K.Cagta Soomalaiya. 26-May 2019-Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka qeyb qaataan dhisidda da’yarta kubbadda cagta ee la doonayo in ay wax ka badalaan wadanka iyo in ay dhiiri geliyaan ciyaaryahanada ka dheela dalka. 27-May 2019-Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw Xasan iyo wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar ayaa si wadajir Magaalada Jowhar xarigga uga jiray xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta maamulka Hirshabeele. 28-May 2019-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeele Cali Guudlawe Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Abukar Islaw ayaa kulan kuwada yeeshay magaada Jowhar waxaana kulankaa loogu wada hadlay horomararka kubbadda cagta Hirshabeele iyo la soo gaarsiiyo mashaariicda kubbadda cagta Soomaaliya maadaama gobolkan uu waligiis caan ku ahaa nuucyada kala duwan ee ciyaaraha. 29-May 2019- Da’yarta Xulka Qaranka 14-jirada Teeniska Dheer ayaa guul mubiim ah ka gaaray ciyaar ka tirsan Isreeb reebka Africa oo ka dhacday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,ciyaaryahanka Soomaaliyeed Maxamed Daahir Axmed ayaa ka badiyay Ciyaaryahan ka socda dalka Seychelles. 30-May 2019-Daa’uud Cabdullahi Tubaal oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa sheegay in ay kooxdiisa ay sanadkii saddexaad xariir ah ay ku guulaysan karto horyaalka Somalia Premier League wuxuuna laacibkan ka mid ahaa xidigihii kasoo dhaqaaqay naaidga L.L.P Jeenyo wuxuuna fasalkii 1aad kooxdiisa la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Super Cup. 31-May 2019-Ciyaaryahanada xulka Qaranka ayaa guul ka gaaray kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club kulanka ayaa ahaa mid saaxiibtinimo waxaana 2-0 guusha ku qaatay xidigaha Ocean Stars,sidoo kale horaantii May da’yarta M.C.C ayaa iyagana 2-0 kaga badiyay dhigooda ee 17-jirada xulka qaranka.xulka ayaa labadii ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaaray kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta. Halkan Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha May 2019 Oo Ay Goobjoog Kuu Soo Diyaarisay W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Al Shabaab maanta ay ku qaadeen saldhig Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ku leeyihiin deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex maray labadan dhinac. Ilo wareedyo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarkii ka horreeyay intaba. Mana jiro weli wax war ah oo ay soo saareen Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, xilli saacadihii la soo dhaafay kolonyo ay la soceen Ciidamo ka tirsa kuwa Alfa Group qarax khasaare geystay lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Bariire oo qiyaastii 65 KM K/Galbeedka xiga Muqdisho. View the full article
-
Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexye ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo Burcad ah ay dhac ugu geysteen Gaadiid Xamuul ah agagaarka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gadiidkan oo saddex ahaa ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen gobolka Hiiraan, waxaana raggaasi ay ku baarteen deegaanka Maquutaale ee gobolka Sh/ Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dhammaan dadkii la socday Gawaaridaasi laga qaatay wax alla waxii ay siteen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in deegaankan oo hoos yimaada Mahadaay ay dhibaato ku hayaan kooxo hubeysan oo la sheegay in ay yihiin Burcad. Dhanka kale xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlay dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo ay geystaan kooxo qooleysato ah oo ku sugan waddooyinka gobolladaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Tartanka faca weyn ee Idaacadda Shabelle oo soo gaaray wareegii ugu dambeeyay ee kama dambeysta ayaa waxaa caawa ku baratami doono degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley oo ka wada tirsan G/Banaadir. Labada degmo ayaa muujiyay dadaal xoog leh, waxaana ka soo dhex baxeen illaa 16 degmo oo ka qeyb galay barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis ayaa caawa u tartami doono kaalinta saddexaad ee tartanka, waxaana kulankaasi uu soo gali doono saacadu marka ay tahay 7:30 daqiiqo ah. Kulanka xiga ee Xamarweyne iyo Dharkenley oo ah mid darbi ah, ayaa waxa waxa uu soo geli doonaa 10:00-ka habeenimo, Insha Allah. In la saadaaliyo natiijada ayaa adag, marka la’eego awoodooda degmooyinkan , hayeeshe degmada badisa waxa ay hantin doona Koobka, halka tan soo hartana ay gali doonto kaalinta labaad ee tartanka aqooneedka Idaacadda Shabelle. Barnaamijkan oo ah kan ugu xiisaha badan ee la qabto bisha Ramadaan ayaa waxaa si Muuqaal ah uga daawan kartaa Facebooka Shebelle Media Network . Taaba gelinta sanadkan waa shirakada Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare Adult Commercial Secondry School View the full article
-
Muqdishio (SMN) – Waxaa maanta Suuqyada waa weyn magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayaa mashquul xoogan oo ku aadan u diyaar garowga iyo dabaal daga maalmaha Ciidul Fidriga. Suuqyada haatan ugu mashquulka badan ayaa waxaa ka mid ah Bakaaraha, Suuq Bacaad, Xamarweyne iyo kuwa kale ee laga dukaameysto. Dadka ayaa si aad ah u adeeganaya, waxaa Suuqyada ku arkeysaa Waalidiin Carurtooda u adeegaya, si ay uga qeyb qaataan damaasha Ciida. Maxamed Salaad oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarweyne ayaa ka warbixiyay, sida ay sanadkan ugu diyaar garoobeen Ciidul Fidriga. Dhiniciisa Cabdi Faarax Nuur oo Xamarweyne ku iibiya qalabka Caruurta ayaa Shabelle uga sheekeeyay wax ay soo kordhiyeen sanadkan. Sidoo kale meelaha laga dareemayo mashquulka ayaa waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo mac macaanka iyo kuwa la’isku qurxiyo, sida timaha jaraha iyo goobaha Cilaan Saarka Dumarka. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/mu.mp3 View the full article
-
Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa soo saartey go’aan cusub oo ay kaga mamnuucday howlaha Kalluumeysi xeebaha ku dhaw xuduuda Soomaaliya, sababo la xiriira dhanka ammaanka. Guddoomiyaha gobolka Xeebta ku yaalla ee Lamu Joseph Kanyiri ayaa sheegay inuusan jirin doonin waxaa hadda ka dambeeyay kalluumeysi laga sameeyo nawaaxiga Ras Kamboni iyo degmada Kiunga. Mas’uulkan ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha Kalluumeysiga laga mamnuucay ay marin u u noqdeen alaabaha Kontor-baanka ah ee laga keeno dalka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dusha kala socon doonaan dhaq-dhaqaaqa xeebaha ku dhaw Soomaaliya, islamarkaana la xiri doono qofkii jebiya amarka cusub. Go’aankan ayaa si toos ah u saameyn doona kalluumeysatada u dhashay Kenya, oo horey uga kalluumeysan jiray xeebaha gobolka Lamu ee kaabiga ku haya xadka Soomaaliya. Kenya ayaa waday mudooyinkii dambe dedaallo ay wax uga qabanayso amni darrada dalkaasi, oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro, gaar ahaan magaalooyinka xadka dhaca iyo caasimadda, Nairobi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article