Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-03062019-sax.mp3 View the full article
  2. Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Dood culus ayaa ka dhalatay sida uu Ra’isulwasaraha dalka Pakistan Imran Khan ula macaamilay Boqorka Dalka Sacuudiga Salman intii lagu guda jiray Xafladda kulankii ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ee ka dhacay Magaalada Barakeysan ee Makka Al-Mukaram. Muuqaalo lagu faafiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey Ra’isulwasaaraha Dalka Pakitan Khan oo ku socdo Roog Cagaaran si uu ula kulmo Boqorka dalka Sacuudiga Salman, salaan kadib, Ra’isulwasaaraha Pakistaan ayaa la arkayey isagoo si toos ah ula hadlayo Turjumaankiisa halkii uu la hadli lahaa Boqorka Sacuudiga oo Hab maamuus ahaan ay aheyd inuu Boqorka la hadlo. Ra’isulwaaraha Pakistan ayaa la arkayey isagoo ka dhaqaaqayo halkii uu Boqorka kula kulmay isagoo aan sugin wax jawaab ah iyo inuu Turjumaanka u fasiro hadalka uu boqorka ku dhahay taasoo ay Boqortooyada ku tilmaamtay inay aheyd ihaaneysi. #ViDEO: #Saudi @KingSalman receives Pakistani PM @ImranKhanPTI at the venue of #IslamicSummit pic.twitter.com/LPd3BgOHOY — Saudi Gazette (@Saudi_Gazette) May 31, 2019 Warbixino aan la xaqiijin ayaa sheegayo inay Sacuudiga dacwad heer sare ah u gudbisay Dowladda Pakistaan taasoo ka dhan ah Ra’isulwasaare Imran Khan oo lagu eedeeyey inuu galay fal dambiyeed ka dhan ah Hab maamuuska Xafladdii ka dhacday Makka Al-Mukarama. Booqashada uu Ra’isulwasaaraha Pakistan ku tagay dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka dhashay inay labada Dowladood kala saxiixdaan heshiisyo badan oo ku kacay illaa 20 Malyaar oo Dollar. Kulankii ay Sacuudiga qaban qaabisay ee ka dhacay Magaalada Makka Al-Mukarama ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa in lagu qalqal geliyo Dowladda Iiraan oo ay xurguf kala dhaxeyso Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Somaliland oo gacanta ugu jiray Maamulka Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka. Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo isagu ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey saraakiishan, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari ayaa sheegay inay guul tahay imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee maamulka Puntland laga hayey. Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey Maxaabiis tiradoodu dhammayd 14 oo lagu qabtay dagaalkii Tuka-raq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka. Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegidoonaan deegaankoodii Garooowe. Waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi, Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Somaliland iyo Puntland. Iyadoo Maxaabiistaa ay la wareegtay hay’adda ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa hambalyo u diray wakiilka cusub ee xoghayaha Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya James Christopher Swan. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo loogu hambalyeeyay Mr. Swan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda Puntland ay ka go’antahay la shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo u hambalyaysay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay James Swan appeared first on Puntland Post.
  5. Kenya ayaa ka mamnuucday kalluumeysatadooda meelaha u dhaw xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira walaac laga qabo amniga. Taliyaha boliiska deegaanka Lamu Joseph Kanyiri ayaa sheegay in dhammaan kalluumeysatada laga joojiyey inay hawlo kalluumeysi ka fuliyaan Ras-Kambooni iyo meelo kale oo dhaafsiisan magaalada Kiunga, dhammaan goobahaas ayaa u dhaw xudduudda Kenya la leedahay Soomaaliya. Wareysi uu siiyey wareyska Nation ayuu ku nuux-nuuxsaday Mr Kanyiri in mamnuucitaanka kalluumeysiga goobahaas ay tahay mid la xiriirta amniga iyo Qatar soo wajihi karta kalluumeysatada. Taliyaha Lamu ayaa sheegay in meelaha u dhaw xudduudda ay ka dhaceen dhacdooyin ay ka mid yihiin dhoofinta alaabo mamnuuc ah, daroogo iyo dad sidaas-daraadeed waa in muwaaddiniintu ka fogaadaan. Wuxuu Taliyuhu intaas ku daray inay jiraan hawlgallo lagu adkeynayo ammaanka qofkii lagu arko goobahaasna la xiri doono. Mr Kanyiri ayaa sheegay in xannibaaddii saarneyd kalluumeysata xilliga habeennimo qeybo ka mid ah Lamu la qaaday kalluumeysatana loo ogol yahay inay kalluumeystaan maalin iyo habeen laakiin aysan u dhawaan xudduudda. Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Dhisme Laga Dhisayo Albaabka Hore Ee Xannaanada Magaalada Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. PRESS RELEASE International Monetary Fund (IMF) Staff concludes visit to South Africa Robust actions are needed to reduce the fiscal deficit and reverse the increase in public debt WASHINGTON D.C., United States of America, June 3, 2019/ — South Africa’s subdued economic growth could be reignited if the pace of structural reform implementation accelerates; robust actions are needed to reduce the fiscal deficit and reverse the increase in public debt; the government has a renewed opportunity to press ahead with policies to further strengthen governance, encourage competition, increase labor market flexibility, and, more generally, reduce the cost of doing business. An International Monetary Fund (IMF) mission, led by Ana Lucía Coronel, visited South Africa during May 27–June 3, 2019 to discuss recent economic developments and outlook in the context of its regular surveillance activities. At the end of the visit, Ms. Coronel issued the following statement: “Following President Ramaphosa’s election, there is a sense of cautious optimism about economic prospects as the new government formulates its policy agenda. Amid challenging global economic conditions, the growth outlook will depend critically on the pace of implementation of reforms that address long-standing structural constraints. If reform implementation accelerates sufficiently to lift business confidence and jump-start private investment, growth would be reignited. However, if reforms are delayed, investment would fail to pick up, economic growth would remain weak in the medium term, and per-capita income would continue to decline. With underexploited export potential, the external position would remain weak and the current account deficit financed mainly by non-FDI inflows. “The fiscal deficit is set to worsen as weak growth constrains revenue, current expenditure remains rigid, and public enterprises require additional support. As a result, debt pressures are likely to further increase in the near term. Weak finances and operations of public enterprises, particularly Eskom, represent a major downside risk to growth and the fiscus. Against this background, action is needed to reduce the fiscal deficit, reverse the ongoing increase in public debt, and restore much-needed fiscal buffers to protect the government’s development objectives and its ability respond to shocks. “Given favorable food price developments, inflation has remained at or below the midpoint of the official target range in the last few months, contributing to a moderation of inflation expectations. In this context, monetary policy is appropriately focused on anchoring inflation expectations at a lower level, balancing upside inflation risks from higher administered prices and temporary supply factors on the one hand, with the recent subdued inflation developments on the other. Financial stability has been maintained, despite weak growth having started to negatively affect banks’ performance. The entry of a few new players to the banking system has contributed to the reduction of the pricing of financial products. “A focus on policy actions to remove long-standing structural constraints to growth and accelerate job creation is a must. The government has a renewed opportunity to press ahead with policies to further strengthen governance, encourage competition, increase labor market flexibility, and, more generally, reduce the cost of doing business. Public enterprise efficiency needs to be improved with measures that strengthen their finances and harden the budget constraints they face. In particular, Eskom will require bold action to redefine its business model so that it becomes self-sustained and ensures affordable and reliable electricity supply. Without fundamental reforms in Eskom’s finances and operations, continued budget transfers or assumption of its debt by the government will not resolve the company’s issues. Postponing the needed adjustment of the entity will only force greater difficulties down the road. “Acting decisively on tackling structural impediments to growth would help complement the authorities’ efforts to conduct sound macroeconomic policies, thus restoring policy certainty and boosting investor confidence. An improved business environment resulting from reform implementation would attract much-needed private investment, and, in turn, lead to a virtuous cycle of growth, job creation, and social inclusion. “The mission thanks the authorities and other counterparts for their hospitality and productive discussions.” Distributed by APO Group on behalf of International Monetary Fund (IMF). SOURCE International Monetary Fund (IMF) Qaran News
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Baashe Cali Jaamaca oo ka mida Mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu taageero u muujiyey Beesha Harti oo uu sheegay inay iska dhicin doonaan Xukuumada Muuse Biixi. Siyaasi Baashe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaday degmada Badhan, isagoona ka dhawaajiyey in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay qalaalase ka wado Somaliland. Bashe Cali Jaamac oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaaladda Laascaanood, ayaa wuxuu yiri “Maanta dalku meel aad u liidata ayuu marayaa, weerarkii Badhan lagu qaaday wuxuu la mid yahay weerarkii Tukaraq lagu qaaday, Xukuumaddani waxay ujeedo garan mayno balse cadaawad dhibaato xumaan iyo hagardaamo ayey wadaa cadaaladii sinaantii iyo xaqsoorkiina wey ka tag-tay”. “Odayaasha Madashana waan ku taageersan nahay hadalkooda,dhab ahaana umadda waxna looma qabanayo ee dhibta ha lagu daayo haddii kale Harti uu israaci doonaa oo Xukuumadda Muuse Biixi uu iska celin doonaa,iyadoo Beesha Harti wanaag Sharif Maamus iyo ixtiraan u Hayaan guudo ahaan Shacabka Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray “Bishii khayrka badnayd Bishii ugu fadliga badnayd way dhamaatay ee ALLE khayrkeeda iyo wanaageeda hayna siiyo,waxaana umadda Muslimka iyo umadda Somaliland ugu ducaynayaa wanaag khayrka bishan ALLE haydin siiyo waxaanan ka baryayaa inuu nimcadiisa inoo siyaadiyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray Maamul Goboleedka Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka. Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo isu ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey saraakiishan, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari ayaa sheegay inay guul tahay imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee maamulka Puntland laga hayey. Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey Maxaabiis tiradoodu dhammayd 14 oo lagu qabtay dagaalkii Tuka-raq ku dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kuwaas oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka. Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegidoonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi, Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul kooda Puntland. Iyadoo Maxaabiistaa ay la wareegtay hay’adda ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka. Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa axaddii ku gacan seertay qodobada kasoo baxay, ayada oo sheegtay inaan lagala tashan. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar. “Dalalka…waxay inta ay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa ku dhalleeceeyey Qatar inay tahay mid tabar-darran oo aan xamili karin cadaadiska. “Waxay iila muuqataa in ka qeyb-galka shirarka iyo heshiisyada lagu gaaro kadibna laga laabto wixii la go’aamiyey ay tahay natiijada cadaadiska saaran dal aan madax-banaaneyn ama aan la isku haleyn karin” ayuu yidhi. Qatar ayaa waxaa muddo laba sano ah saaran go’doon dhaqaale oo cir iyo dhul ah oo ay geliyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Saraakiil U Goostay Puntland Iyo Xadhiga Xildhibaan Dhakool, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT- Ereteriya)-Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Cismaan Saalax Maxamed ayaa qaabilay ergayga Somaliland u qaabilsan Qaramada Midooobay Mudane Maxamed Warsame Ducaale oo gaadhay magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya. Ma jirto faahfaahin ka soo baxday kulanka madaxda sare ee Ereteriya iyo Danjiraha Somaliland ee UN-ta laakiin, Somaliland iyo Ereteriya ayaa xidhiidh togan yeeshay tan iyo markii wefti cusus oo Asmara ka socda yimid Hargeysa bilihii la soo dhaafay. Somaliland: Eritrea president Isaias Afwerki and his foreign minister Osman Saleh Mohammed receives, Dr. Mohamed Warsame Duale, Somaliland envoy to the UN. Dr. Duale arrived in the Eritrean capital, Asmara. @AliJibrilMedia pic.twitter.com/AMkX3uSXfU — Geeska Afrika Media (@GeeskaM) June 3, 2019 HOA #Eritrea #Ethiopia #Somalia #Djibouti #Somaliland https://t.co/WFE771ILUp — Eritrean Press (@EritreanPress) June 3, 2019 Somaliland: #Eritrea president Isaias Afwerki and his foreign minister Osman Saleh Mohammed receives, Dr. Mohamed Warsame Duale, one of #Somaliland Top envoys . Dr. Duale arrived in the Eritrean capital, Asmara. @AliJibrilMedia pic.twitter.com/z4KNHoTfZH — Mohamoud A. Hassan (@maxamuudoday) June 3, 2019 Source
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Martinez ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladdu ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa. Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dib u dhiska Iyo nabadeynta dalka. Dhankiisa, Danjire Martinez ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Midowga Yurub danjire uga noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dhinac. Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Iska Difaacay Eedaymo Uga Yimid Odayaasha Madasha Wadda-tashiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Cafis u fidiyey 121 Maxbuus, Farxadda Ciidda Soon Awgeed. Maxaabiista Cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xidhan Xabsiyada Gaalkacayo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso. Wareegtada Cafiska ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland soo saartay ayaa u qornayd sidan:- Cafis Maxaabiis “Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xeer Madaxweyne Lr, os ee 29 May,2019 Cafis ugu fidiyey Maxaabiis Munaasibadda bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed. Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland Markuu Arkay: Talo soo jeedinta Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo dhaqan-celinta. Wuxuu Xeeriyey. Waxa Cafis loo fidiyey Munaasibadda Bisha Ramadaan iyo Ciidal-fidriga awgeed 121 Maxbuus oo ku kala xidhan Xabsiyada Puntland. Xabsiga Boosaaso, 52 maxbuus Xabsiga Qardho, 27 Maxbuus Xabsiga Garoowe, 52 Maxbuus Xabsiga Gaalkacayo, 13 Maxbuus..” Source
  16. Al-Shabaab fighters were reported to have attacked a Somali special forces’ base in Lower Shabelle region on Monday morning. The attack occurred at K-60, where soldiers from the US-trained Danab unit are stationed. The ambush has sparked hours-long gunfight between the militants and Danab troops which inflicted casualties on both sides, according to the local residents. It’s yet unclear the exact number of the fatalities. The attack comes hours after a roadside bomb blast on a convoy carrying Alfa Group forces in Bariire village, which is located about 60-km southwest of Mogadishu. View the full article
  17. Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay sii daayeen 14 maxaabiis ah, kuwaasi oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo ay la galeen Puntland. Hay’adda ICRC ayaa kasoo shaqeysay in maxaabiistan maanta laga dejiyo magaalada Garoowe, iyadoo dhanka kalena Puntland sii deysay Saddex maxaabiis oo ay ku qabteen dagaalkaasi. Ehlada maxaabiistii maanta la keenay magaalada Garoowe ayaa soo dhoweeyay arrintan, iyaga oo u mahadceliyey ICRC. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda. Source: goobjoog.com
  19. Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenay ayaa qaaday tallaabo kale oo sii xumeyn karto xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ku taagnaa hal lug. Dowladda Kenya ayaa dab qabadsiisay Alaab iyo Raashin ku fadhiyey 55 Kun oo Dollar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen Odayaasha dhaqanka ee ku nool Magaalada Mandere. Alaabtaan ayaa ganacsi ahaan looga keenay dalka Soomaaliya waxaana is hor istaag ku sameeyey Ciidamada Dowladda Kenya oo ugu dambeyn gubay hantidaas ay lahaayeen dad Soomaaliyeed. Odayaasha Mandheere ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay joojisay in Badeeco laga soo gudbiyo Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya tan iyo markii la afduubtay Dhakhaatiirtii u dhashay dalka Cuba. Badeecada ay gubtay Dowladda Kenya ayaa ah kuwa ay qabteen tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana meeshaas ka cad in aruurinta alaabtaas ay ka horeysay amarkii dowladda Kenya kasoo baxay ee ahaa inaan Kenya lasoo gelin karin alaab ka timid Soomaaliya oo uusan la socon qofkii lahaa. Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay xayiraad saareen Goobaha ay Soomaalida kasoo saaran jireen Dhagxaanta,taasina ay saameyn ku yeelatay fursadihii shaqo ee la heli jiray. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu aad usoo xumaanayo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya qaaday tallaabooyin muujinayo inay dooneyso sidii ay isaga hor imaan lahaayeen Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Dowladda Soomaaliya aysan illaa iyo hadda qaadin wax talaabo ah oo ku wajahan falalka isa soo taraya ee ay Kenya ku cadaadineyso, xili laga digay go’aanno kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  20. Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa u kala gudbiyay maxaabiis dagaal oo Puntland iyo Somaliland ku kala qabsadeen dagaalladii Tukaraq. ICRC ayaa duhurnimadii maanta Garoowe ka soo dejisay 14 maxbuus oo Puntland looga qabtay dagaalladii Tukaraq waxaana ay magaalada Hargeysa u qaadday 3 maxbuus oo kamid ahaa maxaabiistii Somaliland looga qabtay Tukaraq. Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 askari oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland balse 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC ayaa la sii daayay kadib markii la dhaqan-celiyay. Waxaase Puntland xabsiga ku sii haysay 3 maxbuus oo u dhashay gobollada waqooyi galbeed uuna ku jiray korneyl taliye xigeen ah kuwaasi oo maanta loo qaaday magaalada Hargeysa. Sidoo kale Somaliland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood dib loogu soo celiyay Garoowe. Heshiiska maxaabiis is-weydaarsiga labada dhinac ayaa waxa fududaysay hay’adda Laanqeyrta Cas oo maxaabiista u kala wareejisay Garoowe iyo Hargeysa. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo la kala wareegay maxaabiis dagaal appeared first on Puntland Post.