Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe Juun, 03, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal [...] Source
  2. Seventeen members of the armed forces of Somaliland and Puntland who were captured in the armed conflict that broke out in May 2018 were released and returned home today with the help of the International Committee of the Red Cross (ICRC). Source: Hiiraan Online
  3. Maareeyaha keydka haamaha shidaalka magaalada Berbera Xasan Axmed Ibraahim (Embassy) ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda muslinka ah gaar ahaan shacbiga Somaliland munaasibada ciidul-fidriga awgeed. Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=HJlCLk_sdFw Qaran News
  4. Wajeer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya garoonka Wajeer ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay caawa ku xaniban tahay diyaarad ka kacday magaalada Muqdisho oo ku sii jeedda Nairobi. Diyaaradda African oo galabta ka baxday Muqdisho ayaa garoonka Wajeer lagu xanibay kadib markii la sheegay inay ku daahday Garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay. Sida aan xogta ku helnay diyaaradda ayaa waxaa saaran rakaab ku dhow boqol ruux oo ay ku jiraan wasiiru dowle ka tirsan xukuumadda, labo Xildhibaano oo ka tirsan baarlamaanka iyo rag dowlada ka tirsan. Diyaaradda ayaa markii baaritaanka uu u dhammaaday, waxaa lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaas uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay maalinta berri. Illaa iyo hadda ma cadda in sharcigaas yahay mid garoonka Wajeer u degan iyo in diyaaraddan Soomaaliya ka timid kaliya sidaas lagu sameeyey, maadaama labada dal xiisad ka dhaxeyso. Waxaan sidoo kale caddeyn in diyaaradda ay ayada sabab u ahayd daaha iyo in baaritaanka Kenyan-ka oo dheeraaday uu sababay daaha. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  5. (SLT-Sudan) Dalka Sudan xaalada ayaa kacsan dhimasho badan ayaa dhacday dhaawacuna Wuu xarad beelay. Hoos ka DAAWO Source
  6. Nasiibdarada qaranka maanta haysata waa xukuumad iyo xisbigeedii oo leh “waxba dhawran maynee Allow dhagaxyo soo daadi “. “Xadhiga xildhibaan Dhakool waxa uu u muuqanayaa Isaaq ma tihid “. Sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha ururka la baxay madasha wadatashiga Mujaahid Xassan Guure oo ay si wada jir ah shirjaraa’id Hargeysa ay ugu wada qabteen laba xubnoo oo ka mid ahaa 7 mujaahid ee aasaasay ururkii SNM ee dagaalka kala hortagay mid ka mid ahayd dawladihii Afrika ugu awooda badnaa. Xubnahan oo indhawyd bulshadu ay baafinaysay,kadib markii ay afka xidheen tiiyoo uu dalku wadadii saxa ahayd ka baydhay, ayay soo kicisay dulmiga isdaba jooga ah ee ay ku kacayso xukuumadda Muuse Biixi. Sida ay xubnahani sheegeen waxa dalkii uu qaaday nidaam is indho tir ah oo ka duwanayn ficiladii lagula dagaalamaayay kelitaliyihii Siyaad Bare. Professor Cabdisalaan Yaasiin, ayaa dhinaciisa sheegay in qaabkan ay xukuumaddu wax u xidhxidhayso marka la eego uu noqonaayo in halgankii SNM aanu xalaal ahayn, waxana isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi “marka la eego qaabkan ay xukuumaddu u xidhxishayso saxaafiyiinta,siyaasiyiinta, Abwanada iyo qaar xisbiyada ka mid ahi waxay noqonaysaa sidii Cali Guray yidhi ee ahayd ‘in halgankii SNM aanu xalaal ahayn ‘.” Xubnahani waxa kale oo ay ka dayriyeen sida uu dalka ku maamulaayo Madaxweynaha waxaanay barbardhigeen xukuumadda Muuse tii ka horeysay ee Siilaanyo “marka la eego waxa jirta in xukuumaddii hore ay dalka u dhaantay oo ay noqotay sida mar walba la caadaystay, malaha tii horaaba la qaatay, taasaaba shacabka loo qaatay ” ayuu raaciyay mujaahid Xassan Guure. Maaha xubnahan oo keliya kuwa ka anfariirsan qaabka ay xukuumadda Muuse iyo xisbigeeda isku indhatirayaan ee ay hoga madow ugu shalwinayaan wax alle iyo wixii qarankan suurto geliyay ee ay ka mid tahay xorriyatul qawlka, doorashooyinka,isku duubnida bulshada iyo ilaalinta sharciga ee waxaa sidaasi oo kale afka gacanta saaray ururada bulshada, sida dalada guud ee SONSAF,ururada xuquuqul insaanka,kuwa xirfad -layaasha,sida kuwa garyaqaanada, saxaafiyiinta iyo xisbiyada mucaaridka ah. “Masuuliyada in dalka ay doorasho ka qabsoobto ma aha mid la wada lee yahay ee waa mid sida dastuurku qabo u gaar ah xukuumadda “, sidaa waxa shir jaraa’id uu qabtay ku yidhi gudoomiyaha ururada aan dawliga ahayn Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo si weyn uga biyo diiday qaabka xirfadaysan ee ay xukuumadda iyo xisbigeeda meesha uga saarayaan doorashada golaha wakiilada iyo deegaankaba. Ururada xuquuqul insaanka,kan garyaqanada, maxkamada Gobolka Maroodijeex iyo guddida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa dhamaantood ganafka ku dhuftay sharci ahaanshaha xadhiga xildhibaan Dhakool, kuwaasi oo isku raacay in ay xukuumaddu ku kacday sharci jebin, haseyeeshee gudoomiyaha 2aad ee xisbiga tallada dalka haya ayaa saaka waraysi gaar ah oo uu siiyay TVga bulsho ,isagu dib ula yaabay hay’adaha sharciga, sida Garsoorka Xeerdejinta, ururada xuquuqul insaanka iyo Garyaqaanada oo uu sheegay inuu aad ula yaaban yahay shacbiga leh xildhibaanku xasaanad ayuu Lee yahay,waxana isagoo arrintaa ka hadlaya Axmed Cabdi Dheere ood arkayso inuu kelifan yahay uu yidhi ” anigu waxaan aad ula yaabaa shacabkeena kala garan waayay xaasanada iyo xasaanad la’aanta “. Mr.Axmed waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi “xildhibaanku waxa uu xasaanada iska qaaday markii uu ka horyimid 18 may”, isagoo gudoomiye Axmed Cabdi Dheere ku sheegay in 18 may ay tahay tan siisay xasaanada xildhibaanka. Marka qododbadaasi oo idil la eego waxa xaqiiq ah in xukuumadda maanta joogta ay tahay mid hal nin oo isku qanacsani uu dalka siduu doono ka yeelaayo, kaasi oo ragga ku xeerana ay laba mid uun noqonayaa, kuwo aan isaga waxba ka duwanayn oo ku dacadiga bulshada guul iyo farxad u arka iyo kuwo aan lahayn kartidii ay runta ugu sheegi lahaayeen. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaad Moodaa Muuse,xukuumaddiisa iyo xisbigiisuba inaanay dheg u lahayn halista dhinac walba leh ee uu dalkii wajahaayo oo aanay waxba dhawranayn, waxaase sheegi doonta taariikhda dhaw. Musfafe Ciise (Mustafe Shiine) Qaran News
  7. STUTTGART, Germany — Islamic State militants holed up in northern Somalia are recruiting fighters fast enough to offset battlefield losses despite an uptick in U.S. airstrikes in the country, U.S. Africa Command said in a new analysis of the group’s force strength. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka U Magacaabay Sacad Cali Shire, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Shiikh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sheegay in bilashada bisha soonfur laga arkay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ciidal Fidriga Awgeed Dhammaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo Guud ahaan Muslimiinta meel ay joogaanba, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Wasiir wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda federalka ee Soomaaliya Shiikh Nuur Maxamed Xuseen,ayaa sheegay in maalinimada Barri oo Talaada ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, sanadka 1440 Hijriya. Wasiirka ayaa xusay inay bilashada Bisha Shawaal laga arkay gudaha dalka gaar ahaan gobalada Shabellaha hoose,Shabellaha dhexe iyo waliba deegaano dhaca Jubbada hoose. Sidoo kale wasiirka waxa ayaa sheegay in deegaanda bisha laga arkay ay ka mid yihiin Wanlaweyn iyo Afgooye oo Shabeelaha hoose aha iyo waliba deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellaha dhexe ah. Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in ay jiran deegaano hoos taga Kismaayo oo Jubbada hoose ah in laga arkay bilashada bisha Shawaal,sidaa darteedna ay maalinta barri tahay maalino Ciida ah sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Owqaafta Shiikh Nuur Maxamed Xuseen. Halkaan ka aqriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Maareeyaha keydka haamaha shidaalka magaalada Berbera Xasan Axmed Ibraahim (Embassy) ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda muslinka ah gaar ahaan shacbiga Somaliland munaasibada ciidul-fidriga awgeed. Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Shacabka Somaliland iyo umadda muslinka hamablyo u diray. Source
  14. (SLT-Riyadh)-Wadamo dhaca qaarada Aasiya iyo kuwa Carbeed ayaa isku khilaafsan maalinta Koowaad ee Ciidul Fitriga qaar kamid ah ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta 1-aad oo ah maalinimo salaasa ah halka kuwa kale ay sheegeen in maalinta koowaad ay tahay maalinta Arbacada, June 5. Imaaradka Carabta, Sacuudiga iyo Baxreyn ayaa isku raacay in maalinta Salaasada ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida. Indonesia ayaa ku dhawaaqday in maalinta Salaasada ay tahay maalinta ugu dambeysa ee Ramadan ciidana ay tahay maalinta Arbacada, June 5, iyagoo sheegay in maanta aan la arkin Bisha. Guddiyada aragtida bisha u kala qaabilsan Japan iyo Malaysia ayaa sidoo kale isku raacay in maalinta Koowaad ee ciida ay tahay Arbacada. Dhanka kale war-saxaaafadeed ka soo baxay safaaradda Imaaradka Carabta ee Bangkok ayaa lagu sheegay in xarunta Islaamiga ee Thailand iney ku dhawaaqday in maalinta salaasadu soon tahay, Arbacadana 5 June iney tahay maalinta 1-aad ee Ciida. Wasiirka Tiknoolijiyadda iyo Sayniska ee dalka Pakistan Fawad Chaudhry ayaa xusay in marka la eego Calendar-ka ay wasaaradiisu u diyaarisay Bisha Hijriga in 5 June ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida oo ah Arbacada. Ugu dambeyn golaha Imaamyada wadanka Australia ayaa iyana dhankooda ku biiray wadamada ku adkeystay in maalinta Koowaad ee Ciida iney tahay Arbacada islamarkana la soomayo berri oo salaasa ah. W/T: Abdiaziz Hassan Ibraahim (Loyal) Xigasho: Khaleej Times Gmail:Abdiazizh99@gmail.com Source
  15. Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Jubbaland ayaa sheegtay in 10 qof oo masjidka Quba ee magaalada Kismaayo ka soo baxay salaada maqrib kaddib ay bisha [...] Source
  16. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow) ayaa xariga ka jaray Mashruuc horumarineed oo laga fuliyay Dugsiga hoose, dhaxe iyo sare ee Shariif Qulateyn oo ay wax ku bartaan agoon iyo dad danyar ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulkiisu uu mar walba u taagan yahay sidii uu gacan uga geysan lahaa horumarinta Iskoolada ay wax ku bartaan Agoonta iyo dadka danyarta ah, isagoo uga mahadceliyey hay’adda kaalmada soo gaarsiisay taageerada ay muujiyeen. Eng. Yarisow ayaa xusay in Iskoolka Shariif Qulateyn uu kamid yahay goobaha ay wax ku bartaan ciyaalka agoonta iyo dadka danyarta ah, una baahan yahay xili walba taageero buuxda. “Waxaan idin kaga mahadcelinaynaa taageeradiina ku aaddan Iskoolkan Shariif Qulateyn oo kamid ah Iskoolada ugu magaca weyn Caasimadda, anaguna mar walba waxaan u taagan nahay sidii waxbarashada Dugsiyada Muqdisho u noqon lahaayeen kuwa tayo wanaagsan oo si bilaash ah wax looga barto” Mashaariican oo ay fulisay hey’adda Help Yateem ayaa isugu jira qalab xafiiseed Computero iyo fasalo cusub oo dugsiga lagu soo kordhiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Imaaraatka Carabta ayaa goor dhowayd ku dhawaaqay inay maalinta berito tahay maalinta koowaad ee ciidul Fidri sida uu qorayo wargeyska afka dheer ee Gulfnews. Sucuudi [...] Source
  18. Dhamaan akhristayaashayada iyo guud ahaan shicibka reer Somaliland iyo sidoo kale dhamaan muslimiintaba waxa aanu halkani hambalyada ciida leenahay ku ciida ciid wanaagsan. Maalinta bari ah ayaa loo dareeri doonaa salaada ciida iyada oo ay halkaasi Ku soo dhamaatay bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Qaran News
  19. Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maalinta Berri ah ay tahay Kowda Bisha Shawaal. Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal. Go,aankaan oo kasoo baxay maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xir saartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn. Waxaa jiro wadamo kale oo Islaam ah oo looga dhawaaqay in Ciidda ay tahay Maalinta Arbacada ah waxaana wadamadaas hormuud u ah Malaysia iyo Indonosia, waxaana muuqato in dowladaha Islaamka ay isku khilaafeen dhalashada Bisha Shawaal. Illaa hadda go,aan kama soo bixin dowladda Soomaaliya inkastoo la aaminsan yahay in go,aanka Dowladda uu ku xiran yahay kan Sacuudiga. Wararka qaar ayaa sheegaya in wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ay saacadaha soo socdo ku dhawaaqi doonto in Berri ay tahay Ciid inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Wixii soo kordha kala soco Caasimadda Online
  20. Somaliland: New UN Envoy, Amb. James Swan & His Approach To The Region On Thursday, May 30th, 2019, the United Nations Secretary General appointed Ambassador James Swan of the United States of America, as the new envoy to Somaliland and Somalia. Ambassador Swan is a seasoned diplomat with several post across the globe including Somalia. The new UN envoy has an extensive experience in the region, much like the former envoy, Ambassador Nicholas Haysom of South Africa. The question a lot of analysts are asking is, “What will be the approach of Ambassador Swan to region and how will it differ from previous envoys?”. In order to answer this question, we must look back at some of the comments made and positions taken by Ambassador James Swan with regard to the Somaliland-Somalia conundrum. These examples were compiled by the Geeska Afrika journal. – 24th of January, 2012, Ambassador James Swan met with President Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo” in Hargeisa. The meeting was a formal introduction and part of the efforts by the Silaanyo administration to engage the United States of America. Both parties discussed areas of mutual interest pertaining to security and piracy in the region. – September, 2012, Ambassador Swan held a press conference in Nairobi during his tenure as the plenipotentiary to Somalia. In his press conference the ambassador talked about the nascent talks between Somaliland and Somalia under the tutelage of the then presidents, Ahmed Mohamed Mohamud “Silaanyo” and Hassan Sheikh Mohamed. The ambassador welcomed the talks and stated that the United States would do whatever it can to encourage and support the discussions. – March, 2013, Ambassador James Swan in a press briefing to the USDOT Somalia remarked “on the achievements made by Somaliland with regard to democratization, security and providing services to its citizens. We applaud the efforts made by the people of Somaliland to maintain peace in the region and to explore new avenues for resolving any lingering political situations with neighboring countries. The United States of America supports efforts by the United Nations, the African Union and the regional countries to find a resolution in the Horn of Africa”. All these above mentioned comments and remarks were made whilst the Ambassador was a representative of the United States of America, which was in line with the policy of his country at that time. However, the ambassador is now a United Nations envoy, and although there has been no significant change in US policy, which is to support the “federal solution” in Somalia, there is a recognition of the reality on the ground and a understanding for Somaliland’s desire to chart it’s own path. It is quite clear that Ambassador James Swan has a good grasp of the situation in the region, and it is hoped, in Somaliland, anyway, that he will be given the time and support to further the talks between the two administrations in order to find a lasting and peaceful resolution that will satisfy both Somaliland and Somalia. Qarannews.com Qaran News
  21. Waraka caawa laga helayo magaalada Bosaso ee xarunta gobalaka Bari ee Puntland ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada ay toogteen askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee booliska magaalada Bosaso. Kooxoha oo ku hubeysnaa Basloodo ayaa askariga toogtay waqtigii afurka ka dib xili uu ku sugnaa suuqa Qaadka lagu iibiyo, ayagoo askariga ku dhuftay dhowr Xabadood waxaana halkaas ku geeriyooday askarigii. la toogtay.. Askariga la dilay oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ayaa magaciisa lagu soo koobay Xamari, waxaana goobta iskaga baxsaday kooxihii dilka geystay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka askariga,waxaana ay sameeyen howlgallo baaritaano wallow aan dad loo qaban dilkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargaysa) Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI ayaa ka hadlay mawqifkooda shirka beelaha bariga iyo Galbeedka Burco. Muniir Axmed Cigaal oo kamid ah madaxda Xisbiga WADDANI ayaa arrintaas Uga waramay Telefeeshinka ERYAL TV. Hoos ka DAAWO Source
  23. Shacabka ku dhaqan gobolka Sagaan gaar ahaan degmada Braan ayaa shir ay isugu ymaadeen waxa ay uga hadleen xaalada gobolka iyo duulaanka ay ku soo [...] Source
  24. Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa soo saaray amar saameynaya Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka, Saraakiisha maamusha Kontoroolada Magaalada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saadaq Joon ayaa amray ku siiyay Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka inay heegan buuxa galaan inta lagu guda jiro maalmaha farxada ee Ciidul Fidriga, sidoo wuxuu Saadaq Joon amar ku siiyay Saraakiisha maamusha baraha Kontorool ee caadiga ah iyo kuwa guur guura inay adkeeyaan ammaanka, islamarkaana si miirqab leh u baaraan Gaadiidka raaxada ah. Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo fulinaya amarka Taliye Saadaq Joon ayaa dhankiisa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ku amray inay kordhiyaan shaqada dhanka amniga ah maalmaha lagu guda jiro Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyaga oo kaashanaya Guddoomiye kuxigeenada iyo Waaxeedyada. Guddoomiye Waaxeedyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray inay sameeyaan kormeer dhanka amniga ah, islamarkaana soo gudbiyaan goobaha amni darada lagu abaabulayo iyo hadii ay dareemaan falal lidi ku amniga. Sababta sidan loo sameynayo ayaa lagu sheegay inay tahay baqdin ku aadan in maalmaha ciida la ilaaliyo inay dhacaan falal lid ku ah ammaanka ama ay weeraro laga fuliyo goobaha ay isugu imaanayaan shacabka u dabaal dagaya Munaasabadda Ciidul Fidriga. Goobjoog News Source: goobjoog.com