-
Content Count
208,569 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa soo saaray amar saameynaya Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka, Saraakiisha maamusha Kontoroolada Magaalada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saadaq Joon ayaa amray ku siiyay Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka inay heegan buuxa galaan inta lagu guda jiro maalmaha farxada ee Ciidul Fidriga, sidoo wuxuu Saadaq Joon amar ku siiyay Saraakiisha maamusha baraha Kontorool ee caadiga ah iyo kuwa guur guura inay adkeeyaan ammaanka, islamarkaana si miirqab leh u baaraan Gaadiidka raaxada ah. Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo fulinaya amarka Taliye Saadaq Joon ayaa dhankiisa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ku amray inay kordhiyaan shaqada dhanka amniga ah maalmaha lagu guda jiro Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyaga oo kaashanaya Guddoomiye kuxigeenada iyo Waaxeedyada. Guddoomiye Waaxeedyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray inay sameeyaan kormeer dhanka amniga ah, islamarkaana soo gudbiyaan goobaha amni darada lagu abaabulayo iyo hadii ay dareemaan falal lidi ku amniga. Sababta sidan loo sameynayo ayaa lagu sheegay inay tahay baqdin ku aadan in maalmaha ciida la ilaaliyo inay dhacaan falal lid ku ah ammaanka ama ay weeraro laga fuliyo goobaha ay isugu imaanayaan shacabka u dabaal dagaya Munaasabadda Ciidul Fidriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxa golaha ku meel gaarka ah ee Militariga maamula waddanka Suudaan Abdel Fatttah al-Burhan ayaa saaka oo talaada ku dhawaaqay in doorashooyin guud dalka laga qabanayo mudda 9 bilood gudaheeda kadib mudaharaadyo dhiig ku daaatay oo shalay ka dhacay dalkaasi. Gen al-Burhan ayaa sheegay in la laalay heshiisyadii dhexmaray isbaheysiga la baxay Xorriyadda iyo Isbeddelka ee ay ku midaysan yihiin Mucaaradka iyo golaha Militariga Suudaan islamarkaana la joojiyay wada-xaajoodkii u dhexeeyay labada dhinac kadib markii uu Mucaaradka ku eedeeyay in ay doonayaan xukun-maroorsi. Sidoo kale wuxuu sheegay in la dhisayo xukuumad shaqada sii wadda oo diyaarisa doorashooyin guud oo la qabto mudda 9 bilood gudaheeda isagoo beeniyay in golaha Militarigu ay isku dhejinayan xukunka. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo Isniintii shalay ay in ka badan 30 ruux ku dhinteen kadib markii ciidamada Amniga Suudaan ay xoog ku kala cayriyeen dibad-baxayaal dalbanayey in golaha Militarigu ay qabtaan doorashooyin. PUNTLAND POST The post Golaha Militariga Suudaan oo ku dhawaaqay doorasho guud appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiyada curdunka ah ee dalka ka hanaqaadaya waxaa saarran culeysyo fara badan oo dhan kasta ah, marka laga eego Khibrad-yarida Nidaamka Axsaabta ee guud ahaan dalka kajirta, caqabaha ku horgudban Xisbiyada waxaa ugu horreeya buuxinta shuruudaha sidii ay ku noqon lahaayeen Xisbiyo qaran, sida diiwaan-galinta 10,000 oo qof oo taageerayaasha Xisbi walba ah iyo xafiisyo in ay ku leeyihiin 9 Gobol oo kamid ah 18 Gobol ee dalku leeyahay iyo $1,000 oo ah Khidmadda diiwaangalinta Xisbiga ah. Waxaa kale Xisbiyada usii dheer bixinta qarash dhan ($550,000 = 275 Xil. $2,000 )(shan boqol iyo konton kun oo doolar) in ay kusoo shubaan sanduuqa lacagta ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Qidmadan waxaa ay tahay Khidmadda diiwaan galinta Musharaxiinta Xildhibaannada Xisbiga sida uu qabo Qodobka 24-aad Faqraddiisa 4-aad ee Sharciga Doorashada. Shuruudaha ka qayb-galka Doorashada Xisbiyada waxaa kamid ah isla markaana ugu weyn tahay isu-dheelitirka liiska Musharaxiinta Beelaha iyo tirada Musharaxiinta 275-ta Musharax. FG. waxaa kale oo jira 275 Musharax ku xigeenno ah marka loo baahdo in la buuxiyo kursi ama xubinta Xildhibaan ee bannaanaata sabab kasta haku timaado. Caqabadaha ay la kulmayaan Xisbiyada waa habka isu-dheelitirka liiska Musharaxiinta iyo Qoondada Dumarka iyo keenista Musharaxiinta 275-ta Xildhibaan ee ka qaybgasha tartanka Doorashada oo ay beelaha udhan yihiin. Musharaxiinta ay helistooda adag tahay ayaa kamid ah Musharaxiinta kasoo jeedda Soomaaliland, sababtoo ah dadka kasoo jeeda deegaannadaas ayaa ah tirada ugu yar ee ku nool goobaha ay maamusho Dowladda Federaalka ah, tusaale: haddii ay dhacdo in Shan (5 ) Xisbi oo kaliya ay noqoto in ay ka qaybgalaan Doorashada 2020-ka waxaa Xisbi walba laga doonayaa inuu 61 Musharax Reer Soomaaliland ah. iyo 11 Senator, uu kusoo saaro liiskiisa isla markaana tirada guudna ay noqoneysaa, 72 Musharax oo Reer Soomaaliland ah ayaa laga doonayaa Xisbi walba. Mushkiladda kale ee Xisbiyada ay la kulmayaan waxaa kamid ah sida Musharaxiinta loogu tixayo liiska, iyo qancinta Musharaxiinta sida loogu kala horreysiinayo 275-ta Musharax ee ka qaybgalaya xubnaha Baarlamaanka, shaxda liiska Musharaxiinta Xisbi walbaa wuxuu ka kooban yahay 30 xirmo, halki xirmana waxaa ay noqonaysaa 9 qof kuna salaysan 4.5, Sharciga Doorashooyinka wuxuu Xisbiyada farayaa isu-dheelitirka Beelaha, taas oo macnaheedu tahay isdhexgelinta beelaha ee liiska Musharaxiinta sagaalleyda ah. Tusaale ahaan sida Shaxda hoose ka muuqata. Shaxdan tusaalaha ah waxaaa ay tahay in faham guud laga qaato habka isudheelitirka Beelaha iyo sida la isku dhexgalinayo, taas oo macnaheedu tahay in Sharcigu uu diidan yahay in Xisbiyada Beel gaar ah siiyaan xubno kabadan inti ay ku lahayd baarlamaanka hadda jira, isla markaana Xisbiyada ay noqon waayaan Xisbiyo beelaha wada matalo, Sidaas darraadeed ayuu Qodobka 22-aad Faqraddiisa 6-aad uga hadlay isku dheelitirka Beelaha Soomaaliyeed sida shaxda kore ku xusan, balse Xisbiyada waxaa ay xur u yihiin sida ay doonaan in ay u kala hormarinayaan liiska 275-ta musharax ay gudbinayaan iyagoo ku jaan goynaya shaxda 30-ka xirmo ee sagaaleyda ah Beeluhuna u dhan yihiin. Liiska xubnaha Musharaxiinta waxaa asal u noqonaya isu-dheelitirka Beelaha si ay uhelaan fursad isku mid ah dhammaan beelaha Soomaaliyed, haddii Laba (2) Xisbi iskumid ka noqdaan liiska Beelaha Musharaxiinta, mudnaanta xulista iyo ansixinta Musharaxiinta Xisbiyada soo guuleystay waxaa lasiinayaa Xisbiga ugu codadka badan ee tartanka Doorashada ku guuleystay, Xisbiga ku xiga ayaa loo samaynayaa xulista iyo ansixinta Musharaxiintiisa wuxuuna soo buuxin doonnaa kuraasta Beelaha kale ee aanan ka helin xubintooda ee liiska Xisbiga isaga ka horreeyay ka dhiman, Xisbiyada 3-aad 4-aad 5-aad ayaa sii buuxin doonna dhamaan Beelaha kale ee ku qaday labada Liis ee ka horreysay ilaa Beel walba ka hesho xubinteeda Baarlamaanka Federaalka ay ku lahayd. Beel walba ee hal xubin ku leh Baarlamaanka hadda jira, ma waynayso xubinta ay hadda ugu jirta Baarlamaanka mana heleyso xubno kabadan tirada hadda ay leedahay, Laakiin Xisbiyada waxaa ay Xaq u leeyihiin in ay kasoo dhex xushaan Beel walba dhexdeeda qofka (Rag & Dumar) ah oo ay doonaan in uu kamid noqdo Mushariintooda soo galaysa Baarlamaanka. Gunaanad Ujeeddada Qormadan isu dul taagtay Qodobka 22-aad Doorashooyinka ayaa ah fahamsiin iyo faah faahin guud ee aan ugu talogalnay in Shacbiga Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada, iyo cid walba oo danaynaysa Garoonka cusub ee Siyaasadda dalka. Qormadan laguma durayo Sharciga Qabyo-Qoraalka Doorashooyinka Qaranka ee horyaala Baarlamaanka Federaalka, Waxa kaliya ee aan uga golleenahay ayaa ah in Xildhibaannada, Xisbiyada, Siyaasiyiinta iyo Inta kale ee danaysa xaaladda siyaasadda dalka ay fikir guud ka qaataan gunta sharcigan si ay u helaan waqti ku filan oo ay ku fahmaan islamarkaana isugu diyaariyaan ka qaybgalka Doorashada 2020–ka ayagoo fahamsan shuruudaha aasaasiga u ah Sharciga Doorashooyinka 2020-ka. FG: Diidista ama Ansixinta iyo wax kabadellidda sharcigan waxaa shaqo ku leh Hay’adaha Dastuuriga ah ee u xil saarran, qoraalkan waxaan kala soo dhex baxnay qodobbo kamid ah Sharciga Qabyo-Qoraalka Doorashooyinka Qaranka ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka. W/Q: Muxudiin Iimaan Muhyadiin7@hotmail.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka. Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa axaddii ku gacan seertay qodobada kasoo baxay, ayada oo sheegtay inaan lagala tashan. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar. “Dalalka…waxay inta ay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa ku dhalleeceeyey Qatar inay tahay mid tabar-darran oo aan xamili karin cadaadiska. “Waxay iila muuqataa in ka qeyb-galka shirarka iyo heshiisyada lagu gaaro kadibna laga laabto wixii la go’aamiyey ay tahay natiijada cadaadiska saaran dal aan madax-banaaneyn ama aan la isku haleyn karin” ayuu yiri. Qatar ayaa waxaa muddo laba sano ah saaran go’doon dhaqaale oo cir iyo dhul ah oo ay geliyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Badhan (Caasimada Online) – Kadib markii qaar kamid ah taliyaasha Somaliland ee gobolka Sanaag iyo ciidamo ay hoggaaminayan oo ka tirsanaa maamulkaasi ay dhowaan ku biireen dhanka Puntland ayaa sida la sheegayo xukuumadda Muuse Biixi warbixin qaldan ka gudbisay gobolka Sanaag. Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay u dirtay hay’adaha Samal-falka iyo kuwa horumarinta ee caalamiga ah waxay uga digtay in ay ka hawlgalaan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka soo jeedan ciidamada ku biiray Puntland. Somaliland waxay hay’adaha u sheegtay in amniga degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag uu gacanta ka baxay kadib markii malayshiya-beeleedyo hubaysan la wareegeen waxaana ay ku wargelisay in aan laga hawlgeli Karin. Sidoo kale Somaliland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah warbixin ku siisay in degmooyinka ay ku jiraan Xiingalool iyo Dhahar ay xarumo qarsoodiya ku leeyihiin ururka Al-shabaab oo sida ay sheegtay ka hawlgala degaannadaasi. Sarkaal ku sugan magaalada Nairobi oo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa sheegay in saraakiisha sare ee hay’addiisu ay wax ka weydiiyeen sax ahaanshaha warbixinta Somaliland. Warbixinta oo uu weheliyo sawir muujinaya malayshiyaad hubaysan oo baabuur saaran ayaa loo diray hay’adaha iyadoo sawirka hoostiisa lagu qoray Badhan sida uu tilmaamay sarkaalka. Wuxuu sheegay in uu qoraal jawaab ah ka celin doono warbixinta Somaliland la wadaagtay hay’adda oo uu ku tilmaamay mid lagula dagaaallamayo nabadda iyo horumarka gobolka Sanaag gaar ahaanna loogu colaadinayo isir iyo dad gaar ah. Balse sarkaalka ayaa diiday in uu nala wadaago warqadda Somaliland u dirtay hay’adaha isagoo sida uu sheegay ilaalinaya xogt-gaarka ee u dhexaysa hay’addiisa iyo cidda ay bah-wadaagta shaqo yihiin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ISIS ee woqooyiga Soomaaliya ayaa qoraneysa dagaalyahanno si xowli ah iyadoo ay jiraan kororka weerarrada dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanku ka fuliso Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Africa ee Mareykanka (AFRICOM) kaasoo lagu faahfaahiyey awoodda kooxda. Tan iyo bishii April, AFRICOM waxay qaadday illaa siddeed weerar oo dhanka cirka ah kuwaasoo lagu beegsaday kooxda ISIS ee Soomaaliya, waxaana qiyaastii lagu dilay weerarradaas 20 dagaalyahan. Dagaalyahannada weerarradaas lagu dilay waxaa ka mid ah taliyihii labaad ee kooxda laakiin qiyaas ay sameeyeen falanqeeyeyaal dhanka ammaanka ah ayaa tirada laga dilay kooxda ku sheegay 100 illaa 200 oo dagaalyahan, saraakiisha ammaanka ayaa iyaguna sheegaya in tirada ay intaas ka sii badan karto. “Kooxda ISIS ee Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa illaa 300 oo dagaalyahan iyagoo badankood ka hawlgala woqooyiga maamulka Puntaland,” Sida ay sheegtay afhayeenka Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM Samantha Reho, Inkastoo duqeynta cirka dagaalyahanno badan looga laayey kooxda ISIS haddana waxay wali wadaan dadaallo ay ku qoranayaan dagaalyahanno kaddib markii qasaare uu kasoo gaaray weerarro lagu beegsaday. Kooxaha ku safka ah ISIS ayaa aad u yaraa laakiin waxay si joogto ah u joogeen Soomaaliya muddo sannado ah. Kooxda ayaa xoogga saarta gobolka Bari ee maamulka Puntland oo ah maamul si iskiis ah isku maamula. Kooxda ISIS aad ayey u yar tahay marka lala barbardhigo Xarrakada Alshabaab ee gacan saarka la leh Alqaeda taasoo leh dagaalyahanno lagu qiyaasay 5,000 kuna soo jirtay halgan dheer oo ay ku afgambineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Illaa bishii hore dhammaan weerarradii AFRICOM ee Soomaaliya waxaa lala eegtay Alshabaab. Wali kooxda ISIS waxay dhibaato ku haysaa hawlgallada amniga lagu sugayo ee dalka waxayna taasi sababtay in ciidanka Soomaaliya ee Mareykanku taageero ay qaadaan tillaabooyin ka dhan ah Xarrakada Alshabaab. Militariga Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada dowladda taageera ayaa ka saaray kooxda ISIS dhul ay haysteen sida lagu sheegay warka kasoo baxay AFRICOM. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kooxda ISIS ee Soomaaliya ay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay qabaa’ilka iyadoo hoggaankooduna ay saameyn ku dhex leeyihiin sidaasna ku qortaan xubno ka mid noqda. “Marka la eego qabaa’ilka, qeyb ka mid ah dadka ayaa taageera ISISta Soomaaliya kuna biiraan sababo badan awgood waxaana sababahaas ka mid ah lacag iyo in la qaato fikirka ISIS,” ayey tiri afhayeen Reho. Arrimahaan ayaa u ogolaanaya in ISIS Soomaaliya ay hesho dagaalyahanno badan. Iyadoo awoodda kooxda ISIS ee Soomaaliya ay yar tahay haddana guulaha ay ka gaartay inay dagaalyahanno qorato ayaa u muuqda mid ka weyn kooxaha kale ee ISIS ka midka ah kuwaasoo ka dagaallama Galbeedka Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka soobaxay dhawaan. Soodhoweyn: Dawladda Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2472 (2019) ee ka soo baxay kulankii Goluhu yeeshay 31 May 2019. Mahadcelin: Waxaanu u mahadcelinaynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Hay’adaha Qaramada Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo dhamaan Dawladaha taageera dib-u-soo-kabashada, dhismaha Dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya. Ammaan: Waxaanu ku amaanaynaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay taageerada joogtada ee ay u muujiyaan Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo ilaalinta Qaranimada, xaduudaha, wadajirka iyo midnimada Somalia. Soodhoweyn iyo Xoojin: Waxaanu mar labaad soo dhoweynaynaa oo xoojinaynaa soojeedinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriirta:- 1-Muhimada ay Soomaaliya u leedahay in hay’adaha Dawladda ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ka wadashaqeeyaan degganaan Siyaasadeed oo sahasha in la dedejiyo dhismaha Ciidan Qaran iyo hirgelinta qorshaha kala guurka amniga (transition plan) ee masuuliyada Aminga dalka kula wareegayaan hay’adaha amniga Soomaaliya. 2-In la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhexaysa Dawladda dhexdeeda (Dawladda Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedka), Qaramadda Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo Dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya si loo dedejiyo oo loo dhameystiro dhismaha Qaran iyo Dawladnimo Soomaaliyeed oo mid ah, Dimuqraadic ah, oo hanan karta masuuliyada dadkeeda iyo dalkeeda. 3-Iyadoo la fulinayo heshiiskii Baydhabo, laguna dhaqmayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, In Hay’adaha Dawladda ee heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed dardargeliyaan sidii horumar looga gaari lahaa oo loogu heshiin lahaa dhamesytirka Dastuurka, qaybsiga kheyraadka, Muuqaalka uu yeelanayo qaab-dhismeedka Dawladnimo ee Soomaaliya iyo awood qaybsiga Siyaasadeed. 4-Ugu dambeyn, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa oo xoojinaysaa in Dawladda Federaalka ah, Dawlad Goboleedyada iyo xoogaga taageeraya Soomaaliya ee ay ugu horeeyaan AMISOM, UNSOS, UNSOM iyo Diplomaasiyiinta Dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ka wadashaqeeyaan in markasta oo maamul jira waqtigu ka dhamaado laga dheeraado waqti kordhin oo la qabto doorasho loo dhan yahay, si nabad ah ku dhacda, xor iyo xalaal ah. iyo sidoo kale in 50 sano ka dib sanadka 2020/2021 Soomaaliya laga hirgeliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan wakiiladooda ku metelaya Siyaasadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay Qaraar dhowaan ka soo baxay Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Guud ahaan Soomaaliya ayaa saaka laga ciidayaa marka laga reebo qeyba kamid ah Galmudug kadib markii xalay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ay shaaciyeen in ay Ciid tahay. Wasaaradda awqaafta iyo Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan degaanno hoostaga Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe laga arkay bisha Shawaal. U qeybsanaha dhanka Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in ay ciid tahay kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiinka. Sidoo kale Puntland, Jubaland, Hirshabeelle iyo Somaliland ayaa dhammaantood xalay ku dhawaaqay in ay Ciid tahay iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmaha farxadda leh ee Ciida-Al-fidriga. Dhinaca kale inta badan dunida Carabta iyo Muslimka ayaa maanta u dabbaal-degaya munaasabadda Ciid-Alfdriga marka laga reebo qaar kamid ah waddamada Asiya oo laga soomanyahay kadib markii ay sheegeen in aysan arag bishii Shawaal. PUNTLAND POST The post Qeyba kamid ah Soomaaliya oo aan maanta laga Ciidin appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE UN Human Rights Chief deplores killings and detentions amid peaceful protests in Sudan Reports that live ammunition was used by security forces next to, and even inside, medical facilities are extremely alarming GENEVA, Switzerland, June 3, 2019/ — UN High Commissioner for Human Rights Michelle Bachelet on Monday strongly deplored the use of live ammunition in protest camps in Khartoum, which reportedly resulted in a number of people being killed and injured. Their leaders have also reportedly been detained. “The protestors in Sudan have over the past few months been an inspiration, peacefully demonstrating and working to engage with the Transitional Military Council,” High Commissioner Bachelet said. “I utterly deplore the apparent use of excessive force in the protest camps. Reports that live ammunition was used by security forces next to, and even inside, medical facilities are extremely alarming. I urge the security forces to immediately halt such attacks, and to ensure safe, unimpeded access to medical care for all.” Bachelet stressed that “those exercising their rights to freedom of peaceful assembly and expression must be protected, not targeted or detained. This is a fundamental tenet of international human rights law.” “Once again, I appeal to the transitional authorities to make a concerted effort towards a swift transition to a civilian administration,” Bachelet said. “The use of excessive force must be promptly and independently investigated and those responsible brought to justice. The human rights violations that have marked Sudan’s history, and sparked the sustained protests over the past six months, must not be allowed to continue. This is a real setback.” Distributed by APO Group on behalf of Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR). SOURCE Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR) Qaran News
-
Eid Mubarak (Taqabalalaahu minaa waminkum min saalixil acmaal.) Goobtan dalxiis nagula ciid. Gudmo Biyo-cas. Waa kee deegaanka Gudmo biyo-cas ? Gudmo biyo-cas siaan u barano halka ay dhacdo, sida ay tahay muuqaal ahaan, wadada loo maro iyo waxay caanku tahayba ila soco. Halkani waa ceerigaabo waa subax jimce ah abaaro 6:30 subaxnimo safarku wuxuu ka bilaabmayaa kaantaroolka galbeed ee ceerigaabo, waxaanu ka koobanahay asxaab 6 ah oo kala ah Macalin Dg Awale Hassan , Caaqil Hamse Hassan Farah, Macalin Abdiwahab Farjar, Macalin Mukhtaar Nuux Maxamed, Weriye Abdirahman Ahmed Elsar Iyo Aniga oo EngIsmail M Aden-Dhicir Ah. Dhaqaaq iyo tawakal dabadeed isla 6:40 Am waxaanu caano Geel markaa uun la lisay kasii qaadanay deegaanka Ceel-lamaan hal cabaar ah dabadeed waxaanu gaadhnay deegaanka Yufle oo ah halka aanu uga leexanayno Degmada Gudmo Biyo-cas. Waxaanu sii qaadnay jidka dheer ee halista badan waa Daw (Wado laalaab ah) sidoo kale aan dhisnayn oo raf ah mararka qaar wayku adagtay gaadhiga inuu fanto buurta dherer awgeed sidoo kale isna daadega ayaa dhib badan ( hadii roobab ah da’aana waxaa daadku qaadaa wadadii la hagaagiyay sidaas oo ay dhagax dhib badan ku noqoto). Buurta wadadani waa buurta caanka ah ee Harti-yimi ( sida ay magacan kula baxday waa taariikh dheer oo horre waa waagii laysku duuli jiray Aano darteed laysna layn jirray waxa igu maqaalo ah in Buurtan uu yimi colkii Harti oo duulaan ah kuna duulaan ah dadkii deegaanka yaalay kadibna ay dadkii deegaanka yaalay oo yaraa ay farsamo ay iskaga caabiyaan ciidanka oo badnaa ay u degeen, guud ahaan buurta taaga soo jeedana ay habeenkii dab ka shideen nin iyo qori dab ah oo masaafo isu jira ah. Sidaana ay duulaankii ku moodeen ciidan tiro badan oo u diyaar ah kadibna ay sidaa ku noqdeen halkaa magaca la baxdayna aanay soo dhaafin wax colaad ahina aanay ka dhicin goobta.) Wadadan marka la dhaafo oo ay hareeraheedana raacsan yihiin ilaaa deegaamada shishe Xabaalihii horre ee loo maleeyo faraaciintii kuwaas oo ah xabaalo dhisme gurri dherer leeg oo korkana fiiqan waxaa qaarkood laga baadhay dahab la sheegay inuu ku aasnaa oo lagala baxay qaar kamid ah kuwo kalena lagu hungoobay halka aan qaarna weli la baadhan, waa mucjiso taariikh fog oo facweyn tilmaamaysa guud ahaan gobolkan sanaag waana kii abwaankii caanka ahaa ee Xaaji Aadan Afqalooc (AHUN) Gabay kulahaa “Madxafkii dadkii hore dhigiyo madhaxi baa yaale. Maanlahiyo taalloyinkaad aqallo moodaysid. Meelihii kinsiga lagu qarshey maangaddood tahaye. Muuqooda qaar baa ahraam lagu maleeeyaaye . Ambaqaad socod iyo safar raaxo lahaaa dabadeed waxaanu soo gaadhnay deegaanka Ilad Gud-bax halkan kumaanu leexan bariidin dabadeed waxaanu usii kicitinay dhanka deegaanka Daryale deegaankan Daryale waa tuulo taariikhi ah waa dhul beeyoley ah sidoo kalena xoolo dhaqato ah waa deegaanka uu ku aasan yahay Alle hauraxmadee Awoowe Sh Awdal Clan Siciid ee qudbigiisu ku yaalo. Siyaarasho usii ducayn iyo faataxo umarid ah dabadeed waxaanu ka huleelnay Qudbigii Sh Awdal Clan. Anagoo usii jihaysanay dhanka deegaanka Suuro waanu soo gaadhnay tuulada Suuro oo yana lagu miisayo beeyo jawaanadana lagu cabaynayo sidoo kale xoololey ah. Halkana waanu dhaafnay bacda bariidin waxaanu u jihaysanay bar abaarkii safarka iyo deegaankii Gudmo oo aan markan wax deegaan ah oo kale aanay kasokayn. Ugu dambayn waxaanu soo gaadhnay abaaro 9:30 subaxnimo deegaanka quruxda dabiiciga ah leh ee Gudmo Biyo-cas oo ahayd halka uu safarkani ku eekaa. Gudmo Biyo-cas qiyaas ahaan waxay galbeed ka xigtaa magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo qiyaas dhan 90 kiiloo mitir oo buur iyo banaan ah, waa deegaan bilic iyo qurux dabiiciya leh. Wuxuu deegaan kani caan ku yahay dhirta Timirta oo weliba midho bixisa, dhir kala duwan, geedka dhaadheer ee madaah da looyaqaano , xabkaha, maydiga, dahabka, biyo dhac (waa bito dhaca 2aad ee ugu dheer biyo dhactada dhulka somalida inta logyahay waxaana ka dheer ka Deegaanka Daris oo keliya . Daris waxay ku taal ama hoostagtaa isla degmada Gudmo Biyo-cas ee gobolka sanaag), ceelal lagu dabaasho, biyo il kasoo burqanaya, malab iyo beeraha dalagu ka baxo. Deegaan kani waa xeeb ku dhawaad diirimaad yar lahaa markaas waana durdurkaa Gu iyo Jiilaal ma go’aha ah. Xus iyo xasuus iska reebid, sheeko wadaag dadkii deegaanka, dabaal, maydhasho biyo dhaca ah, qadhaabasho beeraha ah iyo hilibayn dabadeed waxaanu usoo kicitinay deegaankayagii aanu ka safarnay waxaananu kusoo hoyanay magaaladii ceerigaabo. Halkaana waxaa kusoo idlaaday safarkii dal barashada deegaanka balaadhan ahaa ee lahaa cajaaib ka faraha badan ee kolayba ahaa mid xasuus ku reebaya qalbiyada dadka si gaar ahna aniga iyo asxaabtaydii oo ahaa dadka fahansan wax badan oo dalxiiska ah raad dheer ku reebay. Alle ayaa mahadleh dhulkeena hodanka ka dhigay, hadii aad dalxiis, cagaar iyi taariikh ubaahan tahay waa Gobolka Sanaag. Nagula dalxiis dhulkeena hooyo soo barro oo soo dareen qiimaha lahaanshaha dalxiiska u baahan maalgelin silooga faaidaysto dadyawga shisheeyena u iman lahaayeen inana uga macaashi lahayn. Dhulku waa hodan dadkiisuna weli ma dhaadana. Ku daxiis asxaabtaadana ugu baaq. Eng Dhicir iyo Dhulka hooyo. W/Q: Eng Ismail M Aden-Dhicir Email: Ismail1234821@gmail.com Mob: +252634094855 Qaran News
-
Wajeer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya garoonka Wajeer ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay caawa ku xaniban tahay diyaarad ka kacday magaalada Muqdisho oo ku sii jeedda Nairobi. Diyaaradda African oo galabta ka baxday Muqdisho ayaa garoonka Wajeer lagu xanibay kadib markii la sheegay inay ku daahday Garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay. Sida aan xogta ku helnay diyaaradda ayaa waxaa saaran rakaab ku dhow boqol ruux oo ay ku jiraan wasiiru dowle ka tirsan xukuumadda, labo Xildhibaano oo ka tirsan baarlamaanka iyo rag dowlada ka tirsan. Diyaaradda ayaa markii baaritaanka uu u dhammaaday, waxaa lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaas uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay maalinta berri. Illaa iyo hadda ma cadda in sharcigaas yahay mid garoonka Wajeer u degan iyo in diyaaraddan Soomaaliya ka timid kaliya sidaas lagu sameeyey, maadaama labada dal xiisad ka dhaxeyso. Waxaan sidoo kale caddeyn in diyaaradda ay ayada sabab u ahayd daaha iyo in baaritaanka Kenyan-ka oo dheeraaday uu sababay daaha. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Nasiibdarada qaranka maanta haysata waa xukuumad iyo xisbigeedii oo leh “waxba dhawran maynee Allow dhagaxyo soo daadi “. “Xadhiga xildhibaan Dhakool waxa uu u muuqanayaa Isaaq ma tihid “. Sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha ururka la baxay madasha wadatashiga Mujaahid Xassan Guure oo ay si wada jir ah shirjaraa’id Hargeysa ay ugu wada qabteen laba xubnoo oo ka mid ahaa 7 mujaahid ee aasaasay ururkii SNM ee dagaalka kala hortagay mid ka mid ahayd dawladihii Afrika ugu awooda badnaa. Xubnahan oo indhawyd bulshadu ay baafinaysay,kadib markii ay afka xidheen tiiyoo uu dalku wadadii saxa ahayd ka baydhay, ayay soo kicisay dulmiga isdaba jooga ah ee ay ku kacayso xukuumadda Muuse Biixi. Sida ay xubnahani sheegeen waxa dalkii uu qaaday nidaam is indho tir ah oo ka duwanayn ficiladii lagula dagaalamaayay kelitaliyihii Siyaad Bare. Professor Cabdisalaan Yaasiin, ayaa dhinaciisa sheegay in qaabkan ay xukuumaddu wax u xidhxidhayso marka la eego uu noqonaayo in halgankii SNM aanu xalaal ahayn, waxana isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi “marka la eego qaabkan ay xukuumaddu u xidhxishayso saxaafiyiinta,siyaasiyiinta, Abwanada iyo qaar xisbiyada ka mid ahi waxay noqonaysaa sidii Cali Guray yidhi ee ahayd ‘in halgankii SNM aanu xalaal ahayn ‘.” Xubnahani waxa kale oo ay ka dayriyeen sida uu dalka ku maamulaayo Madaxweynaha waxaanay barbardhigeen xukuumadda Muuse tii ka horeysay ee Siilaanyo “marka la eego waxa jirta in xukuumaddii hore ay dalka u dhaantay oo ay noqotay sida mar walba la caadaystay, malaha tii horaaba la qaatay, taasaaba shacabka loo qaatay ” ayuu raaciyay mujaahid Xassan Guure. Maaha xubnahan oo keliya kuwa ka anfariirsan qaabka ay xukuumadda Muuse iyo xisbigeeda isku indhatirayaan ee ay hoga madow ugu shalwinayaan wax alle iyo wixii qarankan suurto geliyay ee ay ka mid tahay xorriyatul qawlka, doorashooyinka,isku duubnida bulshada iyo ilaalinta sharciga ee waxaa sidaasi oo kale afka gacanta saaray ururada bulshada, sida dalada guud ee SONSAF,ururada xuquuqul insaanka,kuwa xirfad -layaasha,sida kuwa garyaqaanada, saxaafiyiinta iyo xisbiyada mucaaridka ah. “Masuuliyada in dalka ay doorasho ka qabsoobto ma aha mid la wada lee yahay ee waa mid sida dastuurku qabo u gaar ah xukuumadda “, sidaa waxa shir jaraa’id uu qabtay ku yidhi gudoomiyaha ururada aan dawliga ahayn Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo si weyn uga biyo diiday qaabka xirfadaysan ee ay xukuumadda iyo xisbigeeda meesha uga saarayaan doorashada golaha wakiilada iyo deegaankaba. Ururada xuquuqul insaanka,kan garyaqanada, maxkamada Gobolka Maroodijeex iyo guddida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa dhamaantood ganafka ku dhuftay sharci ahaanshaha xadhiga xildhibaan Dhakool, kuwaasi oo isku raacay in ay xukuumaddu ku kacday sharci jebin, haseyeeshee gudoomiyaha 2aad ee xisbiga tallada dalka haya ayaa saaka waraysi gaar ah oo uu siiyay TVga bulsho ,isagu dib ula yaabay hay’adaha sharciga, sida Garsoorka Xeerdejinta, ururada xuquuqul insaanka iyo Garyaqaanada oo uu sheegay inuu aad ula yaaban yahay shacbiga leh xildhibaanku xasaanad ayuu Lee yahay,waxana isagoo arrintaa ka hadlaya Axmed Cabdi Dheere ood arkayso inuu kelifan yahay uu yidhi ” anigu waxaan aad ula yaabaa shacabkeena kala garan waayay xaasanada iyo xasaanad la’aanta “. Mr.Axmed waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi “xildhibaanku waxa uu xasaanada iska qaaday markii uu ka horyimid 18 may”, isagoo gudoomiye Axmed Cabdi Dheere ku sheegay in 18 may ay tahay tan siisay xasaanada xildhibaanka. Marka qododbadaasi oo idil la eego waxa xaqiiq ah in xukuumadda maanta joogta ay tahay mid hal nin oo isku qanacsani uu dalka siduu doono ka yeelaayo, kaasi oo ragga ku xeerana ay laba mid uun noqonayaa, kuwo aan isaga waxba ka duwanayn oo ku dacadiga bulshada guul iyo farxad u arka iyo kuwo aan lahayn kartidii ay runta ugu sheegi lahaayeen. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaad Moodaa Muuse,xukuumaddiisa iyo xisbigiisuba inaanay dheg u lahayn halista dhinac walba leh ee uu dalkii wajahaayo oo aanay waxba dhawranayn, waxaase sheegi doonta taariikhda dhaw. Musfafe Ciise (Mustafe Shiine) Qaran News
-
STUTTGART, Germany — Islamic State militants holed up in northern Somalia are recruiting fighters fast enough to offset battlefield losses despite an uptick in U.S. airstrikes in the country, U.S. Africa Command said in a new analysis of the group’s force strength. Source: Hiiraan Online
-
Wasiir wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda federalka ee Soomaaliya Shiikh Nuur Maxamed Xuseen,ayaa sheegay in maalinimada Barri oo Talaada ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, sanadka 1440 Hijriya. Wasiirka ayaa xusay inay bilashada Bisha Shawaal laga arkay gudaha dalka gaar ahaan gobalada Shabellaha hoose,Shabellaha dhexe iyo waliba deegaano dhaca Jubbada hoose. Sidoo kale wasiirka waxa ayaa sheegay in deegaanda bisha laga arkay ay ka mid yihiin Wanlaweyn iyo Afgooye oo Shabeelaha hoose aha iyo waliba deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellaha dhexe ah. Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in ay jiran deegaano hoos taga Kismaayo oo Jubbada hoose ah in laga arkay bilashada bisha Shawaal,sidaa darteedna ay maalinta barri tahay maalino Ciida ah sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Owqaafta Shiikh Nuur Maxamed Xuseen. Halkaan ka aqriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Wadamo dhaca qaarada Aasiya iyo kuwa Carbeed ayaa isku khilaafsan maalinta Koowaad ee Ciidul Fitriga qaar kamid ah ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta 1-aad oo ah maalinimo salaasa ah halka kuwa kale ay sheegeen in maalinta koowaad ay tahay maalinta Arbacada, June 5. Imaaradka Carabta, Sacuudiga iyo Baxreyn ayaa isku raacay in maalinta Salaasada ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida. Indonesia ayaa ku dhawaaqday in maalinta Salaasada ay tahay maalinta ugu dambeysa ee Ramadan ciidana ay tahay maalinta Arbacada, June 5, iyagoo sheegay in maanta aan la arkin Bisha. Guddiyada aragtida bisha u kala qaabilsan Japan iyo Malaysia ayaa sidoo kale isku raacay in maalinta Koowaad ee ciida ay tahay Arbacada. Dhanka kale war-saxaaafadeed ka soo baxay safaaradda Imaaradka Carabta ee Bangkok ayaa lagu sheegay in xarunta Islaamiga ee Thailand iney ku dhawaaqday in maalinta salaasadu soon tahay, Arbacadana 5 June iney tahay maalinta 1-aad ee Ciida. Wasiirka Tiknoolijiyadda iyo Sayniska ee dalka Pakistan Fawad Chaudhry ayaa xusay in marka la eego Calendar-ka ay wasaaradiisu u diyaarisay Bisha Hijriga in 5 June ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida oo ah Arbacada. Ugu dambeyn golaha Imaamyada wadanka Australia ayaa iyana dhankooda ku biiray wadamada ku adkeystay in maalinta Koowaad ee Ciida iney tahay Arbacada islamarkana la soomayo berri oo salaasa ah. W/T: Abdiaziz Hassan Ibraahim (Loyal) Xigasho: Khaleej Times Gmail:Abdiazizh99@gmail.com Source