-
Content Count
208,553 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo saaka hadlal ka jeediyay munaasabadda iidda, ayaa sheegay in Puntland aysan qaadan doonin, nabadda uu ku baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inta Somaliland ay haysato degaanno ka tirsan Puntland. “Dhulkeennii waa la haystaa, Sanaag baa u dambaysay waa la soo galay, Sool baa ka horraysay, isagoo halkaa jooga Muuse Bixii wuxuu leeyahay nabad baan qaatay, reer Barigu waxay yiraahdaan aa la tahay, inta uu ku jiro Puntland dalkeenna oo Puntland dalkeeda ku jiro aa latahay baan leeyahay” ayuu yiri Karaash. Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sheegay in Puntland ay nabad rabto weligeedna doonaysay, balse aysan nabadi suurtoobi Karin ilaa Somaliland ay ku laabato xuduudaheeda “ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaanu leenahay: xuduudaadii tag, haddaad nabad doonayso” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Sidoo kale, wuxuu u hambalyeeyay taliyaal ciidamadooda kala soo baxay Somaliland oo ku biiray ciidamada Puntland ”waxan u hambalyeynaya, ciidamadii halkaas reer Sanaag ee guusha soo hoyiyay, hambalyo baan leeyahay Ciid wanaagsan”. Hadalka Axmed Karaash ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay la kala wareegeen maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalladii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. hoos ka daawo hadalkiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Muuse Biixi waxaan leeyahay aa la tahay! appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Shirkadda Spectrum Geo, kadib markii ay boggeeda rasmiga ku baahisay in sharciga Batroolka uu ansixiyey baarlamaanka federaalka ah isla markaana uu saxiixay madaxweynaha JF. Arrintaas waxaa Senator-ka ku tilmaamay marin habaabin sharciyeed. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Abshir Axmed: Shirkadda Spectrum Geo waxa ay boggeeda rasmiga ku daabacday 30 May 2019 qormo ka soo horjeeda dastuurka dalka sida aad ka heli karto lifaaqan https://bit.ly/2Wa8HsP. Qormadaas oo ay cinwaan uga dhigtay Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay Sharciga Batroolka (Somalia’s Parliament Approves Petroleum Law Legislation). Qoraalka waxaa kale oo ay ku sheegtay in Hindise Sharciyeedka Batroolka uu sugayo oo kaliya saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Haddaba, si loo ogaado marin habowga sharciyeed ee Shirkada Spectrum Geo ay ku faafisay boggeeda waxaan halkan kula wadaagayaa Dadweynaha Soomaaliyeed habraaca dastuuriga ah ee ay tahay in xeer dejinta Dalku ay marto ka hor inta uusan noqon hindise sharciyeed kastaa sharci dhaqangal ah. Marka hore, awoodda xeer dejinta Dalka waxaa u xilsaaran labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah: Golaha Shacabka Golaha Aqalka Sare Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro si uu noqdo sharciga dalka. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran: In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu maro golaha kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah oo si faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay meel mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu uga dhigo SHARCI dhaqangal ah. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah. Sidaas darteed, Sharciga Batroolka ee ay ka hadashay Shirkadda Spectrum Geo waxaa ansixiyay oo kaliya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaana loo soo gudbin doonaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga una dhammeystiro habraaca dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, waxaan u soo jeedinayaa Shirkadda Spectrum Geo in ay dib u saxdo qormada ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah, aniga oo ugu baaqaya in ay ilaaliso sharciga Dalka u yaal ayna ka fogaato tallaabooyinka ka hor imaanaya sharciga Dalka. Sidoo kale, waxaan kula talinayaa Shirkadda in ay ka feejignaato qoraallada noocaan ah ee baalmarsan habraaca sharcidejinta Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali forces on Monday killed two al-Shabab militants and injured three others in an offensive in the country's southern region of Gedo, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Kenya ayaa ku gooddisay in uu sii soconayo dagaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya xitaa haddii Maxkamadda ICJ ay xukunto in Badda Kenya dooneyso loo xukumo Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa warqad ay soo marisay safaaraddeeda Muqdisho waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya,waxaana warqaddaasi daarneyd dhowr qodob oo kala ah; -In Kenya ay awood xoog leh u adeegsaneyso Shacabka Gedo ee bur burinaya derbiga ay Kenya ka dhiseyso Dhulka Soomaalida. -In Guddi baaris ah u saartay Kenya arrinta darbiga,wixii waxyeello ah ee gaartayna ay magdhow ka bixin doonto dowladda Soomaaliya. -In Kenya aqoonsaneyso Somaliland, haddii ay dowladda Federaalka ah sii waddo muranka Badda islamarkaana toos ula xiriiri doonto Somaliland. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warqaddaasi ay soo gaartay 25-kii May ayaa 29-kii isla bishaas ku jawaabtay in dowladda Soomaaliya aysan hayn caddeyn ku filan in shacabka Gedo ay bur buriyeen darbiga ay Kenya dhistay. Waxaa kale oo ay oo dowladda Soomaaliya sheegtay in Kenya ay u oggolaatay in ay xafiis ka furato Hargeysa, haddii Kenya hanjabaaddeeda ka dhameysana Soomaaliya go’aan noocaas ah ka qaadan karto gooni u goosadka Mombasa ee dalka Kenya. Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa la xiriiray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,markii la weydiiyay go’aanka Kenya ee Somaliland ayuu Wasiir Cawad ku qoslay isaga oo arrinta Mombasana miiska imaneyso. Xigasho Mustaqbal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa Umadda Soomaaliyeed waxa uu diray hanbalyada Ciidul fidriga, waxa uuna u rajeeyay in sanadka sanadkiisa ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo waxa uuna fariin u diray madaxda dowladda federalka iyo dowled-gobaledyada. Dhinaca kale, madaxweyne Xasan waxaa uu baaq u diray dowladda federaalka isaga oo sheegay in loo baahanyahay iney dadka isku wadaan. Mudane Xasan oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yri “waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu baaqo madaxda dowladda dhexe ayaga ayaa laga rabaa in ay dadka is ku wadaan, ayaga ayaa laga rabaa in ay gacanta fidiyaan, ayaga ayaa laga rabaa kii caroodo in ay daba kacaan kii aan soconeyn maba soconayee kii sonaya in ay socod siiyaan, ayaga ayaa laga rabaa in ay noqdaan Ratigii Hayinka ahaa aan marna dideynin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Iyadoo maanta magaalada Muqdisho siweyn looga ciiday munaasabadda Ciidaul Fitriga ayaa madaxda Qaranka waxaa ay boqolaal dadweyne ah Salaadda Ciida ay kula oogeen Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya,raiiusl wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre,madax kale oo ka tirsan Dowladda,xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda ayaa si wad jir ah boqolaal dadweyne ah ugala dukaday salaadda Ciida Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaaliya mudane cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa dhankiisa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay dabaal dega ciida,isagoo u rajeeyey in ilaahay uu dhibta ka saaro,sanadkan sanadkiisana auu ku gaarsiiyo guul iyo barwaaqo. Madaxdan ayaa shacabka Soomaaliyeed dhamaantoodi ugu hambalyeeyey dabaal dega munaasabadda ciidul fitriga,maadaama ay guteen waajibaadkii alle uu saaray,isalamarkaana waxaa ay u rajeeyeen umadda Soomaaliyeed in ilaahay uu dhibta ka saaro. Guud ahaan Soomaaliya iyo muslimiinta kale ee dunida kunool ayaa waxaa ay oogeen salaada cida meelo kaal duwduwan,iyagoo farxadda isala wadaagayay,maadaama ay dhamaatay bishii barakeysanayd ee Ramadaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka soobaxay dhawaan. Soodhoweyn: Dawladda Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2472 (2019) ee ka soo baxay kulankii Goluhu yeeshay 31 May 2019. Mahadcelin: Waxaanu u mahadcelinaynaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Hay’adaha Qaramada Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo dhamaan Dawladaha taageera dib-u-soo-kabashada, dhismaha Dawladnimada iyo horumarka Soomaaliya. Ammaan: Waxaanu ku amaanaynaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay taageerada joogtada ee ay u muujiyaan Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo ilaalinta Qaranimada, xaduudaha, wadajirka iyo midnimada Somalia. Soodhoweyn iyo Xoojin: Waxaanu mar labaad soo dhoweynaynaa oo xoojinaynaa soojeedinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee la xiriirta:- 1-Muhimada ay Soomaaliya u leedahay in hay’adaha Dawladda ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ka wadashaqeeyaan degganaan Siyaasadeed oo sahasha in la dedejiyo dhismaha Ciidan Qaran iyo hirgelinta qorshaha kala guurka amniga (transition plan) ee masuuliyada Aminga dalka kula wareegayaan hay’adaha amniga Soomaaliya. 2-In la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhexaysa Dawladda dhexdeeda (Dawladda Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedka), Qaramadda Midoobay, AMISOM, AU, EU iyo Dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya si loo dedejiyo oo loo dhameystiro dhismaha Qaran iyo Dawladnimo Soomaaliyeed oo mid ah, Dimuqraadic ah, oo hanan karta masuuliyada dadkeeda iyo dalkeeda. 3-Iyadoo la fulinayo heshiiskii Baydhabo, laguna dhaqmayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, In Hay’adaha Dawladda ee heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed dardargeliyaan sidii horumar looga gaari lahaa oo loogu heshiin lahaa dhamesytirka Dastuurka, qaybsiga kheyraadka, Muuqaalka uu yeelanayo qaab-dhismeedka Dawladnimo ee Soomaaliya iyo awood qaybsiga Siyaasadeed. 4-Ugu dambeyn, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa oo xoojinaysaa in Dawladda Federaalka ah, Dawlad Goboleedyada iyo xoogaga taageeraya Soomaaliya ee ay ugu horeeyaan AMISOM, UNSOS, UNSOM iyo Diplomaasiyiinta Dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ka wadashaqeeyaan in markasta oo maamul jira waqtigu ka dhamaado laga dheeraado waqti kordhin oo la qabto doorasho loo dhan yahay, si nabad ah ku dhacda, xor iyo xalaal ah. iyo sidoo kale in 50 sano ka dib sanadka 2020/2021 Soomaaliya laga hirgeliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan wakiiladooda ku metelaya Siyaasadda. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweyne iyo masuuliyiin kala duwan maanta salaada ciidul fidriga kula tukaday Magaalada Kismaayo. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan. Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sanadahii dhawaa wax badan ay isa soo badalayeen inkasto qaybaalada ay wali tahay caqabad weyn oo aan laga gudbin. Dhinaca kale wuxuu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay. Dadweynaha ree Jubbaland Ayuu isagoo sii hadlaya Madaxweynahu ugu baaqay midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay. Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in cidii damac uu ku jiro ay marto iyo shuruucda kale ee Jubbaland u yaala balse aan la aqbalaynin fara galin isagoo si gaar ah u xusay in warqadii dhawaan ay soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha aysan ahayn wax Jubbaland u yaala. Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro. Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay kasoo dhalaalan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo salaada ciida boqolaal qof kula tukaday Magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe. Kusimaha Madaxweynaha waxaa kala qayb galay salaadda ciidda masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, isumo, cuqaal, nabadoono, waxgarad iyo shacab weynaha caasimadda. Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka Puntland ayaa ugu horayn markale ugu hambalyeeyey maalintani weyn shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale Rabbi uga mahadnaqay nimcada wanaagsan ee uu ummaddiisa ku manaystay, isagoona uga tacsiyeeyey eheladii iyo qaraabadii dadkii ku waxyeeloobey roobabkii da’ay. Sidoo kale Kusimaha Madaxweynuhu wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaalka dib looga dhisayo wadada halbowlaha ah ee isku xirtaa dalka oo dhan,taasoo ku bur-burtay roobabkii da’ay. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Shacabka Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Fidriga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay tahay maalinta Koowaad ee munaasabadda Ciida. Waxaa muuqata inuu dhaqan galay amarka taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon kaasi oo ahaa in la adkeeyo amaanka magaalada Muqdisho, inta lagu gudo jiro musaanabadda ciida. Waxaa amarkaasi dhaqan geliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka, taliyaasha saldhigyada magaalada Muqdisho iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo la doonayo in amaanka la xaqiijiyo. Xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho, iygoysyada iyo xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la dhigay ciidamadii ugu badnaa oo afka u duuban yahay, iyadoo loogu talo galay inay amaanka xaqiijiyaan. Saraakiisha ciidamada ayaa xiray waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diidayaa meelaha qaar, balse shacabka ayaa loo ogol yahay inay lugeeyaan. Balse waxaa furan waddooyin kale oo Muqdisho ku yaala kuwaasi oo gaadiidka dadweynaha loo ogol yahay inay adeegsadaan. Iyadoo ciida loo dabaal dagayo ayaa dowladda Soomaaliya waxay dooneysaa inay adkeyso amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo inay Al Shabaab weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SM N) – Dharkenley ayaa sanadkan noqotay horyaalka degmooyinka G/Banaadir, kadib markii ay xalay qaaday koobka tartan aqooneedka Shabelle. Tartamaayaasha Dharkenley ayaa tan iyo intii uu socday tartanka Bisha Ramadaan muujiyay dadaal xoogan, waxaana ay xalay ay gaareen guul taariikhi ah. Waxa ay wareega finalka isugu soo soo hareen degmada Xamarweyne oo iyana muujisay juhdi iyo dada dheeraad ah, hayeeshii waxaa koobka qaaday Dharkenley oo la timid 10 dhibcood, halka Xamarweyne ay keensatay 4 Buundo. Kaalinta koowaad waxaa sidaasi ugu soo baxay degmada Dharkenley, halka labaad ay gashay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Dhinaca kale waxaa kaalinta saddexaad xalay ku soo baxday degmada Howlwadaag oo guul ka gaartay dhiggeeda degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Waxaana sanadkan tartanka taaba galinayay Shirkadaha Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu ahaa Adult Commercial Secondry School. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fidriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxd “Waxaan allah ka baryaya inuu naga aqbalo Acmaashii aan gudanay gaar ahaan intii lagu guda jiray bisha barakaysneed ee Ramadaan, munaasabadaan barakaysan ee Fidriga waxaan ku boorinaynaa Ummadda Soomaaliyeed iyo mawaadin kastaba inuu gacan ka geysto farxad galinta shacabkeena tabaaleysan” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo wada jirka Umadda Soomaaliyeed. ” Sidoo kale waxaa muhiim ah inaan ilaalino midnimada iyo wadajirkeena,kuwaas oo dhamaantood uduib dhexaad u ah waajibaadka ay nafarayso Diinteena suuban ee Islaamka,waxaan ka codsanayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed inaan gacmaha isqabsano si aan uga wada shqeyn laheyn Himiladeena iyo Hiigsigeena” Ugu danbeyn Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaraan wadanka nabad ah oo barwaaqa ah. “Ugu danbeyn waxaan Eebe ka baryaya inuu Ciida Ciideeda nagu gaarsiiyo dalkeena oo nabad ah oo barwaaqo ah, kuna siitilaabsano horumar balaaran oo baaxad leh” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ugu hambalYeeyay Ummadda Soomaaliyeed maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga oo maanta si weyn looga dabaal dagayo guud ahaan dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkan kiisa xiga u rajeeyay dalka iyo dadka in ay ku gaaraan Barwaaqo iyo Nabad. “Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka, waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn Madaxweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in is cafiyaan, islamarkaana ay is caawiyaan, si loo gaaro hormarka ay tiigsaneyso Soomaali weyn. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku wargelisay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah inay yihiin fasax maalmaha Ciidda. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay labo maalin inay fasaxyihiin shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda inay fasaxyihiin. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxay ku wargelinaysa dhammaan shaqaalaha hay’adaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda inay fasax tahay maalinta Ciidu Fidhriga 2 maalmood oo ku aaddan maalinta Talaadada ah iyo Arbacada.” Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/war-subax-4-6-2019.mp3 View the full article
-
On behalf of the staff, contributors and supporters of Qaran Media Group, we would like to take this opportunity to say, Eid Mubarak to the people of Somaliland and to all the Muslim people across the globe. May Allahu Subxaana Wa Tacaal bestow upon all of us the blessings of the month of Ramadan. Aamiin. Qarannews.com Qaran News
-
Magaalooyin ku yaala Soomaaliya oo maanta laga sooman yahay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maanta inta badan dowladaha Islaamka u dabaal dagayaan munaasabadda Ciida maalinteeda Koowaad ayaa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya maanta laga Sooman yahay. Sida looga bartay deegaanada Galmudug oo Ahlu Sunna Waljamaaca ay maamusho maanta waxaa laga sooman yahay maalinta ugu dambeysa Ramadaan, iyadoo deegaanada kale laga ciidayo. Magaalooyinka Dhuusomareeb, Guriceel iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug ayaa lagu waramayaa inay maanta ciida aan looga dabaal dageyn, waxaa sidoo kale aanan maanta laga ciideynin tuulooyin dhowr ah oo maamulka Ahlu sunna ka taliyo. Saanadka kasta marka ay curado Bisha Ramadaan ayaa deegaanada Galmudug oo ay maamulaan Ahlusunna waxaa ay hal maalin ka dambeeyaan Gobolada kale ee Soomaaliya si la mid ah Maalmaha kale ee Maalinta 1aad ee Ciida ay iyana sooman yihiin. Deegaanada kale ee Soomaaliya ayaa maanta looga dabaal dagayaa munaasabadda ciida. Maamulka iyo Shaqaalaha Caasimadda Online ayaa idinla wadaagayaa Munaasabadda Ciida, CIID WANAAGSAN. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com -
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi ayaa dhambaal hambalyo ah oo uu na soo gaadhsiiyay waxa uu shicibka reer Somaliland ee ku sugan gudaha dalka Iyo dibadba uu u diray hambalyada Ciidal fadriga. Waxana uu Ilahay uga baryay in uu soonkii Iyo cibaadadii bishii Ramadaan ka aqbalo kuna ciidaan ciid wanaagsan,vsanadkan sanadkiisa a Alle inagu gaadhsiiyo bash bash Iyo Barwaaqo. Aamiin Qaran News