Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,553
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalkaasi ka mamnuuceysa Soomaali badan oo Siyaasiyiin ay ku jiraan. Liis Sir ah oo ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in laga mamnuucaysa inay tagaan dalka Kenya. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasiyiintaasi ay gaarayaan ku dhawaad 66 xubnood, waxaana la sheegayaa in dhamaantood laga mamnuucayo inay gudaha Kenya tagaan. Arintaan ayaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladda Kenya, kaasi oo xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay. Siyaasiyiinta ayaa sida liiska la arkay ku xusan waxaa ku jira ra’iisul wasaare, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, milkiilayaal isgaarsiin iyo xubno hore. Laakiin wargeysyada dalka Kenya ma aysan shaacin magacyada iyo goorta la mamnuucayo siyaasiyiinta, walow ay soo bandhigeen inay gaarayaan ku dhawad 66 xubnood oo siyaasiyiin Soomaali ah. Kenya ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ay ka laabato kiiska dacwadda dhanka badda ah oo dhamaadka sanadkaan la filayo in maxkamadda ICJ go’aan ka gaarto. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa kulan deg deg ah iskuugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf uu doonayo inuu iskuugu yeero dhamaan madaxda maamulada, si ay kaga wada hadlaan xaalada dalka, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf, ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay ku fashilantay dhamaan waxyaabaha loo igmaday, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi badalkeedana ay ku mashquushay duminta maamulada. Kulankaan ayaa ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay il gaar ah ku heyso Xaaladda Soomaaliya. Maamulka Galmudug ayaa eedeyn adag u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay duulaan kusoo qaadeen maamulka Galmudug ayna ka jarteen dhaqaalihii loogu tala galay. Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf xooggan oo sababay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo kamid ahaa, mas’uuliyiintii dowladda ee salaadda Ciidda shacabka Garoowe kula tukaday garoonka Mire Awaare, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay bilowday, gurmad xooggan oo lagu dhisayo meelaha uu ka go’ay laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso. Mudane Gu’jir ayaa sheegay in burbur xooggani gaaray, waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, oo halbowle u ah isu-socodka gaadiidka ee degaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in dowladda Puntland ay markiiba magacowday guddi hawshaasi ka shaqeeya haatanna gacanta lagu hayo. Guddoomiyaha ayaa shacabka Puntland ee gudaha iyo debadda jooga ugu baaqay, in ay dowladda kala qeyb-qaataan dib u-dayac-tirka iyo dhismaha laamiga oo sida uu sheegay ilaa 80km in ka badan ay boholo noqdeen. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegay in uu socdo gurmad lagu dayac-tirayo laamiga Garoowe iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  5. Kooxda ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Ex-control Afgooye qeybta Garasbaaley waxa ay ku dileen nin ka tirsanaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somaliya. Dilalkan oo dhacay ayaa si gaar ah uga dhacay ka soo horjeedka xarunta Taliska Asluubta, halkaasi oo loo yaqaano xaafada Maslax. Ninkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaabow ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo oo uu ku shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay Kooxaha dilaka ayaa si nabad ahna meesha dilka ay ka gaysteen uga baxsadeen. Goobtii uu dilka waxaa mar dambe waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya, kuwaasi oo sameyay hawlgalo aanan la sheegin cida ay ku soo qabteen. Kooxaha dilaka qorsheysan ka qeysta ayaa kordhiyay weeradooda intii lagu guda jiray bisha Ramadaan ayadoo magalaada Muqdisho iyo duleedkeeda lagu dilay dhowr Erko. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Maanta oo ay Taariikhda Hijriyadu ku beegan tahay 1-da Shawaal 1440-ka, kuna beegan 4 June 2019-ka Miilaaddiyada, waxaa inta badan laga Ciiday Dunida Islaamka, waloow ay jiraan Waddamo dhowr ah oo weli laga laga Sooman yahay. Dalka Soomaaliya oo ka mid ah Dunida Islaamka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha sida weyn loogu Ciiday, iyadoo ay Shacabku ay isu dirayaan hambalyada Munaasabadda Ciidul Fidriga, kuna faraxsan sidii ay Sanadkan usoo guteen waajibaadka Bisha Ramadaan. Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeenna Soomaaliya ayaa xilli hore oo Saakay ah laga oogay Takbiirta, iyadoo Salaadda Ciiddana lagu gutay Masaajidda iyo goobo kale oo ay isugu yimmaaddeen Dad weyne aad u tira badan. Goobaha Maanta lagu Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Masjidka Is-bahaysiga Islaamka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab iyo Mas’uuliyiin isugu jirta. Madaxdii ka qeyb gashay Salaadda Ciidul Fitriga ee Maanta lagu Tukaday Masjidka Is-bahaysiga Islaamka oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa dhammaantood waxay Dad weynihii halkaa ku sugnaa iyo Shacabka Soomaaliyeedba la wadaageen farxadda Ciidul Fidriga. Tukashada Salaadda ka dib ayaa waxay mas’uuliyiintu Alle ugu baryeen Shacabka Soomaaliyeed in uu dhibka ka saaro, Ciiddan teeda xigtana uu ku gaarsiiyo Nabad iyo bawaaqo. Sidoo kale goobaha sida weyn Maanta looga oogay munaasabadda Ciidul Fidriga waxaa ka mid ahaa, degaannada Puntland, qeybo ka mid ah Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland. Magaalooyinka Puntland ee sida weyn looga Ciiday waxaa ka mid ahaa Magaalada Garoowe oo Salaadda lagu Tukaday Garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare. Waxaana Salaadda ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan, mas’uuliyiin , Isimo, Cuqaal, Nabad-doonno, wax-garad iyo Shacab aad u tiro badan, iyagoo si weyn isugu hambeeyay Munaasabadda Ciidul Fidriga. Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay Dad weynaha iyo Madaxda Gobolka ku wada Tukadeen goob bannaan ah, halkaasoo ay Shacabka isku marxabbeeyeen, waxaana kelimado dardaaran iyo ducooyin ah ka aqriyay qaar ka mid Culimada Magaalada. Waxaa sidoo kale iyana si weyn Maanta looga Ciiday degaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana goob fagaara ah si niyad sami leh ugu wada Tukaday Madaxda iyo Shacabka Jubbaland. Ducada Culimada iyo is marxabbayn Dad weyne ka dib, waxaa Shacabka reer Jubbaland la hadlay Madaxweynaha maamulkaasi , Axmed Maxamed Islaam, isagoo Bulsha weynta Soomaaliyeed usoo jeediyay in ay is cafiyaan Gacmahana is qabsadaan. Magaalada Baydhaba ee Caasimadda KMG Koofur galbeed ayaa sidaa si la mid ah laga oogay Maanta Salaadda Ciidul Fidriga, iyadoo ay Dad weynaha ka muuqatay farxad, Waaliddiintuna ay Carruuraha u daadahaynaya goobaha Cibaadada iyo Dalxiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. PRESS RELEASE Angola Petroleum Leaders announce Cabinda and Luanda Refinery Agreements, 2019 Licensing Round at Angola Oil & Gas 2019 Conference Petroleum and energy Ministers from Angola, Equatorial Guinea, São Tomé and Principe and Lesotho – and the General Secretary of the International Energy Fund – attended and spoke at the event LUANDA, Angola, June 4, 2019/ — His Excellency President João Manuel Gonçalves Lourenço inaugurated the Angola Oil & Gas conference and exhibition in Luanda on Tuesday; Petroleum and energy Ministers from Angola, Equatorial Guinea, São Tomé and Principe and Lesotho – and the General Secretary of the International Energy Fund – attended and spoke at the event; Sonangol announced the winner of the Construction Contract of the Gasoline Production Unit of the Luanda Refinery, United Shine; the National Agency of Petroleum, Gas and Biofuels outlines the process, legislation and financial model of the licensing round. Coming together to discuss Angola’s energy future under the conference theme, Petroleum as a Catalyst for a Dynamic, Renewing and Self- Sustaining Economy, at the first ever Angola Oil & Gas conference and exhibition, H.E. João Manuel Gonçalves Lourenço, President of Angola and H.E. Diamantino Azevedo, Minister of Mineral Resources and Petroleum of Angola, welcomed a powerful lineup industry decision-makers in Luanda. Organized by Africa Oil & Power (AfricaOilAndPower.com) and officially endorsed by the Ministry of Mineral Resources and Petroleum of the Republic of Angola, day one of the three-day conference opened with a welcome message from H.E. Diamantino Azevedo. “The holding of this conference is presented as an excellent platform for showcasing the vision of the Angolan oil and gas sector,” he said, adding that such a gathering is “crucial for the economic diversification of Angola. It is an honor and a national achievement to be able to host such a prestigious event that is well attended by the leaders of the African energy industry. As Angola works on restructuring and implementing new processes in its energy sector, massive new opportunities in exploration, development and production are emerging. It is our main goal to create an environment that is beneficial to the country and its people first, while also welcoming the entrance of new foreign business.” Following the Minister’s message, Sonangol E.P CEO, Engr. Sebastião Pal Querido Gasper Martins took to the stage to announce United Shine as the winner of the construction contract for the Gasoline Production Unit of the Luanda Refinery and also signed a Partnership Agreement with United Shine for the Cabinda Refinery. In a soft launch of the 2019 licensing round, the National Agency of Petroleum, Gas and Biofuels outlined the auction process, legislation and financial blocks – noting opportunities available in E&P and in the country’s Kwanza, Benguela and Cunene basins. Before announcing the Oil Blocks Licensing Round Table Tender, ANPG CEO Engr. Paulino Jerónimo said that should the 2025 goal to increase the country’s production capacity be met, it will “contribute to the replacement of the existing producing reserves.” Honorary guest H.E. João Manuel Gonçalves Lourenço delivered an opening speech in which he highlighted the importance of an improved African energy sector, as the continent has great potential in its unexplored hydrocarbons reserves and therefore the opportunity to cement its place in the global energy sector. President Lourenço said that as Angola is the second biggest oil producer on the continent it “holds an important cause,” noting that “Angola imports about 80 percent of oil products due to lack of domestic refining capacity.” The country has set objectives to boost its reserves, refurbish the Luanda refinery, improve legislation and increase oil storage capacity, while also increasing local content implementation through its energy value chain. The President said the Angola Oil & Gas conference would “allow us to showcase to investors the vision Angola has through the topics proposed for discussion.” The first day also saw the official opening of the exhibition and a special panel of ministers titled New Global Dynamic of Petroleum and Gas, moderated by CNN Africa Correspondent, Eleni Giokos and preceded by Africa Oil & Power CEO, Guillaume Doane who said: “This is an unbelievably exciting time for Angola as it puts into motion real and constructive reforms that will transform its oil and gas economy. Through this inaugural Angola Oil & Gas Conference and Exhibition, we are proud and honored to play a role as a catalyst for new investment in one of Africa’s leading oil producers. The potential is vast and undeniable and we believe the country’s best days lie ahead.” Other highlights included a keynote speech from Total CEO Patrick Pouyanné and a keynote presentation by ExxonMobil’s Senior VP of Upstream Oil & Gas Deepwater Hunter Farris. The Angola Oil & Gas conference continues at the CCTA in Luanda until Thursday 6 June. Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil & Power Conference. SOURCE Africa Oil & Power Conference Qaran News
  9. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  10. Dowladda Kenya ayaa diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada 66 sarkaal oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ka mamnuuci doonto inay soo galaan dalkeeda. Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee salka ku heysa muranka labada dal u dhaxeeya ee ku saabsan xuduudda badda, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Kenya. Warqado diblomaasiyadeed oo uu arkay wargeyska The Standard ayaa muujinaya in Kenya ay dhiseyso xayndaab, kaasoo ay ku eedeysay Soomaaliya inay ugu xad gudbeyso “si joogto ah”. Magacyada ku jira liiskan sirta ah ayuu wargeysku sheegay inay ka mid yihiin wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed. Muwaadiniin reer Kenya ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, kana dhashay qabiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale ku jira liiska, sida uu wargeysku xusay. Bishii lasoo dhaafay, saddex siyaasi oo Soomaali ah ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Kenya. Sidoo kale waxaa dib loo soo celiyay xeerkii diyaaradaha Soomaaliya ka imaada ka hor istaagayay inay si toos ah uga soo dagaan garoonka caalamiga ah ee magaalada Nairobi, waxaana lagu amray inay ku hakadaan, laguna baaro magaalada Wajeer. Bishii Maarso unbay ahayd markii ay Kenya iyo Soomaaliya dib u cusbooneysiiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran xoog leh oo la xiriira lahaanshaha xadka badda, halkaasoo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee shidaalka. Bishii Febraayo, safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa laga eryay waddanka, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Soomaaliya ay beecisay shidaalka ku jira xadka badda ee lagu muransan yahay. Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay iibineysay kheyraadkaas. Horay ayey Soomaaliya dacwad arrintan la xiriirta ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo wali laga dhursugayo inay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah. Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Feb 17, 2019:- Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu amray inuu dalkiisa aado. Xigasho: BBC News Somali PUNTLAND POST The post Liis sir ah: Kenya ‘oo dalkeeda ka mamnuuceysa siyaasiyiin badan oo Soomaali ah’ appeared first on Puntland Post.
  11. Jowhar (Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku dilay gabar yar. Gabadha ayaa qoyskeeda waxay geeyeen magaalada Jowhar, si ay halkaasi ugu soo ciideysato, balse waxaa maanta lagu suuqa Jaadka lagu iibiyo ee magaalada Jowhar. Askariga ayaa xabad ku dhuftay Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay Sideed Sanno jir,ayaa markii dambe la sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen. Wariyaha Caasimada Online ee ayaa sheegaya in Gabadhaas waqti yar kaliya ay ku sugneyd Magalada Jowhar kana tagtay Muqdisho si halkaasi ugu ciideysato. Dilka kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hir-Shabelle ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo Saldhiga Jowhar dhigay askariga dilka geystay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.ciom
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan. Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. “Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliyeed oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba. Dhankooda, geesiyaasha uu Madaxweynuhu la ciiday ayaa muujiyey dareenkooda ku aaddan in hoggaanka dalku ay la qaybsadaan farxadda ciidda, waxa ayna la wadaageen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa isagana Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ballaaran ee ku aaddan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo tayeyntooda. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha ee farxadda Ciiddul Fidriga la qeybsaday cutubyadan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo farxadda Ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka appeared first on Puntland Post.
  13. Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saaka hadal ka jeediyay goob lagu tukaday salaadda Ciidda, ayaa ku dhaliilay bulshada Boosaaso in aysan la shaqeyn laamaha amniga magaalada. Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay, dad uu sheegay in ay guryahooda ku hayaan kooxaha amnni-darrada iyo dhibaatada ka wada magaalada Boosaaso, isagoo ku hanjabay in dowladdu la wareegayso guryaha lagu qabto kooxahaasi. Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa ka sheekeeyay Qiso naxdin leh oo sida uu sheegay maalmo ka hor ka dhacday magaalada Boosaaso, kadib markii koox hubaysan ay masjid ku dhex dileen nin 70 jir ah oo Qur’aan akhrisanayey. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in meheradaha Boosaaso badankoodu u kiraysan yihiin burcad-diimeed islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Gen. Muxiyadiin oo sheegay in meheradaha Boosaaso u kiraysan yihiin burcad-diimeed appeared first on Puntland Post.
  14. Parlin (SMN) – Iyadoo maanta si weyn loogu dabaal dagayo maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa waxaa ka mid ah dalalka sida aadka ah looga Ciidayo Jarmalka oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan. Wariyaha Shabelle Mustaf Abdi Abshir oo ku sugan gudaha dalkaasi ayaa la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi. Mustaf oo tagay magaalooyinka ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka ayaa ka soo diray Warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/war-mustaf-Ciida-jarmalka-.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-04062019.mp3 View the full article
  16. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka Garoowe. Kusimaha [...] Source
  17. At least one National Police Reservist (NPR) was killed and another injured in a clash between Kenya security agencies and Al-Shabaab militants in Dawaduba, Fino in Mandera County. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray shacabka maamulkaasi iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Casir oo la hadlayay Shabelle ayaa u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed in sanadkan kiisa xiga uu alle ku gaarsiiyio nabad iyo barwaaqo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan, islamarkaana ay is caawiyaan, si loo gaaro hormar iyo xasilooni waarta. Maalinta koowaad ee Ciida ayaa maanta si weyn looga dabaal dagayaa dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaali, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isugu hambalyeynayaan munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga. View the full article
  19. Hambalyada Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee Munaasibada Ciida awgeed. Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka ciidanka Dab-demiska wuxuu Hambalyo u dirayaa Dhamaan shacbi weynaha ku nool Somaliland, gaar ahaan xubnaha Ciidanka Dab-demiska iyo xaasaskooda meel kastooy joogaan. In Ilaahay Ciidaa ciideeda enagu gaadhsiiyo Bash bash , Barwaaqo, nabad iyo Caafimaad qab. Aaamiin Aaamiin Aaamiin Qaran News
  20. There is a possibility of terrorist attack along the Kenya-Somalia border within Mandera county during the last days of Ramadan, a police intelligence seen by the Star shows. Source: Hiiraan Online