Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,559
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Doha: Qatar’s Ministry of Interior, in cooperation with the National Tourism Council (NCC), has launched an e-notification system through the Qatar Visa Services portal for those wishing to travel to Qatar during the summer season from June 4 August 16, 2019. Residents in the State of Qatar can invite their relatives and receive an electronic notification allowing them to enter the country on a visa upon arrival and without visa fees. Target groups include relatives, resident friends, former residents of the country, and families looking for new destinations. Those wishing to travel to the State of Qatar for the purpose of the visit may also obtain a visa upon arrival after submitting the electronic notification through the portal. “For example, visits of relatives and friends require a valid return ticket and residence in Qatar for the host, and a relationship with the host,” the Ministry said in a statement. The Ministry noted that the electronic notification service is open to all nationalities and that the Directorate General of Passports would check and respond to applications within 24 hours. The quick response to the requests will help simplify decision making for travelers to choose Qatar as a tourist destination during the summer tourist season. Major Abdullah Khalifa Al Mohannadi, Director of Support Services for Recruitment at the General Passport Department, said that the visa policy adopted by the State of Qatar contributed to its transformation into one of the most open countries in the world, and the first at the level of the Middle East, according to the latest indicators of the World Tourism Organization of the United Nations, on the extent of openness of States to visitors. He added that the move by adopting an e-notification system for travelers during the summer season in Qatar for former residents and residents families is another step towards openness and interest in the traveler’s experience in Qatar. Khalid Al Jumaili of the National Tourism Council said that providing a smooth visitor experience reflects the vision of modern Qatar and the traditions of Arabian hospitality and is at the heart of the tourism development strategy in the country. The Peninsula Qatar Qaran News
  2. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)oo ay wehliyaan Gudiga gurmadka fatahaadaha, maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo [...] Source
  3. New York (SMN) – Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya. Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo. Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah. Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga CERF waxa ay ururada samoalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha. Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka. Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama uraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin. View the full article
  4. Dhuusomareeb (SM N) – Waxaa maanta shacabka iyo madaxda Galmudug ay u dabaal dagayaan maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Salaada Ciida ayaa laga oogay Masaajidyo ku yaallla magaalooyinka Dhuusomareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo kuwa kale oo ka tirsan maamulkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo shacabka la Tukaday ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo hormarka gobollada dhexe ee dalka. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa Warbixin ka soo diyaariyay, sida maanta looga Ciiday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/warka-ciida-fidriga-maalinka-koobaad.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay khariidaddii ay soo saaraty wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ee tirtay Soomaaliya islamarkaana ku dartay Itoobiya. Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa cod ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ku sheegay in khariidaddaas ay dowladda Itoobiya ku caddeysatay damaceeda fog ee ay ku dooneyso inay dalka Soomaaliya ku qabsato. Cali Dheere ayaa sheegay in hoggaanka dalka Itoobiya uu “ku adeeganayo hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo gacan geliyay dhulka Soomaaliyeed.” “Itoobiya waxay hadda mareysaa inay ka gudubtay hadalladi maldahnaa iyo sarbeebihii ay ku sheegan jirtay dhulka Soomaaliya oo ay maanta si cad qorshaheeda banaanka usoo dhigtay” ayuu yiri Cali Dheere. Cali Dheera ayaa sheegay inay yaab tahay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin khariidadda dowladda Itoobiya oo ay ka aamusan yihiin. Waxa uu intaas ku daray in “amxaarada aysan dooneyn Soomaaliya oo kaliya balse damacooda fog uu yahay inay qabsadaan kacbada, balse ay hortaagan yihiin mujaahidiinta” Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhinaca kale ka hadlay shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkaas “lagu boobay laguna iibiyey kheyraadka Soomaaliya iyo in baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey qorshahaasi.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-05062019.mp3 View the full article
  7. PRESS RELEASE ‘Regional security and integration’ in Central Africa under threat, Security Council warned Given the inter-regional dimension of the tensions, Mr. Fall made assurances that “UNOCA will continue to support ECCAS efforts in this area” NEW YORK, United States of America, June 5, 2019/ — Recurrent and often deadly clashes between pastoralists and farmers in several countries in Central Africa continue to cause “serious concern”, threatening “regional security and integration”, a senior UN official warned the Security Council on Tuesday. “Recent inter-communal tensions in eastern Chad opposing nomadic herders and sedentary farmers, as well as the attacks against villages in the Central African Republic…remind us of the urgency of addressing the issue of pastoralism and transhumance”, said François Louncény Fall, referring to the traditional practice of moving livestock from one grazing area to another on a seasonal basis, which has been a persistent source of conflict in the region. On a more positive note, the UN Special Representative and Head of the Regional Office for Central Africa (UNOCA) said he was “pleased” that the issue is “receiving increasing attention in Central Africa” and welcomed a draft regulation instrument on pastoralism and transhumance from a 27-28 May workshop in Kinshasa. He reminded the Council that the UN Standing Advisory Committee on Security Questions in Central Africa (UNSAC) remains “the primary platform” where the Economic Community of Central African States (ECCAS) meet to discuss peace and security issues and recommends actions to address threats to regional stability. Given the inter-regional dimension of the tensions, Mr. Fall made assurances that “UNOCA will continue to support ECCAS efforts in this area” and work with the UN Office for West Africa and the Sahel, “to promote cooperation and exchange of good practices between Central, East and West Africa on the issue”. The UNOCA chief said that on 31 May, UNSAC noted the positive impact of the Democratic Republic of the Congo’s elections at the end of last year that have “enabled the country to experience a peaceful alternation of power”. “They also welcomed the signing of the Political Agreement for Peace and Reconciliation in the Central African Republic (CAR)” and expressed support for completely lifting the arms embargo. Furthermore, they took note of Cameroon’s efforts to find “a lasting solution to the crisis in the North-West and South-West regions and encouraged the Government to pursue dialogue to that end”. Since his last briefing, Mr. Fall reported that ECCAS “has made noticeable progress” on its reform process, that he said should help transform it into “a more effective organization for regional integration, conflict prevention and resolution, as well as peacebuilding”. “UNOCA remains committed to help enhance these capacities, building on the valuable expertise already available”, he said. According to the Special Representative, the reform should also provide the organization with “a more adequate mandate” as well as tools and the means to carry it out. “I appeal to ECCAS member States to enhance their support to this process…for the benefit of regional peace, stability and integration”, Mr. Fall concluded. Distributed by APO Group on behalf of United Nations (UN). Qaran News
  8. Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya. Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo. Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah. Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga CERF waxa ay ururada samoalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha. Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka. Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama uraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ilayhi Raajucuun Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, Golayaasha Baarlamaanka iyo guud ahaan qaranka Somalilandba ee uu ka baxay Xildhibaan Cali SH. Ibrahim Aareeye oo habeenkii xalay 05 June 2019 ku geeriyooday dalka Turkiga. Waxa uu Gudoomiyuhu ilaahay marxuumka uga baryayaa inuu janooyinkiisa ku casuumo Samir iyo iimaan saadiq ahna inaga wada siiyo Aamiiin. Suleymaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL Qaran News
  10. Saakow (Caasimada Online) – Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa sanado kadib meel fagaare ah kasoo muuqday shalay. Shongole oo horey u ahaan jiray madaxa dacwada kooxda Al-Shabaab ayaa boqolaal dadweyne ah iyo ciidamada Al-Shabaab shalay kula ciiday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso. Shongole ayaa halkaas ka jeediyey khudbad uu kula hadlay shacabka degan Saakow. Sawirradiisa ayaa waxaa baahiyey warbaahinta kooxda Al-Shabaab, waxaana wararka ay sheegayaan inuusan iminka wax xil ah oo sare ka hayn kooxda, taasina ay tahay sababta ay u baahiyeen muuqaalladiisa iyo halka uu joogo. Al-Shabaab ayaan inta badan shaacin muuqallada iyo goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha sare ee kooxda. Fu’aad Shongole ayaa la sheegay in iminka uu yahay kaliya wadaad dadka wacdiya oo kooxda ka tirsan, balse aan wax xil ah oo muhiim ah ka hayn. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  11. Ayadoo maalinImadii shalay ay aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitri oo laga ciiday inta badan caalamka islaamka iyo gudaha dalka ayaa waxaa jiray deegaano aan laga Tukan Salaadda oo laga soomana maalimadii shalay, maanta ayaana looga dabaal dagayaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal waxaana laga oogayaa Salaaddii Ciidda. Deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa siweyn looga ciidayaa Maalinta koowaad ee Ciidul fidriga,iyada oo shalay deegaanadaas laga soomanaa,halka inta badan Gobolada Soomaaliya iyo Caalamka laga ciidayay. Deegaanada Galmudug ee Maanta lag ciidayo Maalinta Koowaad ayaa waxaa ka mid ah demooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Maamulkii Gobolada Dhexe ee ahlusunna kuna biiray Maamulka Galmudug. Madaxa Xakuumada Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Maanta Saalada Ciida kula tukaday Masjidka Madaxtooyadda Caasimadad Dhuusamareeb Dhamaan Madaxda sare ,Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Maxamed Shaakir ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u Diray Dhamaan Ummadda Muslimiinta , Shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummada Galmudug , uguna Duceeyay Nabad iyo Baraaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awoodda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa. Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii shalay waxaa uu la ciiday ciidanka Xooga Dalka,isagoo ku bogaadiyay xoojinta gudashada waajibaadkooda,kuna amaanay nafhurnimada ay u sameynayaan shacaka Soomaaliyeed. View the full article
  13. Muqdusho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna lashaqeeyaan Ciidamada qalabka sida. Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagantahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag la’aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada. Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya. View the full article
  14. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shir deg-deg ah ugu yeertay dhammaan madaxda maamul-goboleedyada dalka ka jira, si looga hadlo xaalada uu ku sugan yahay dalka. Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu xusay in dowladda Somalia ay ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo igmaday inay wax ka qabato, iyadoo Dowladda Somalia lagu eedeeyay inay ku mashquulsan tahay burburinta nidaamka federaalka ee dalku qaatay. Sidoo kale, Waxaa lagu eedeeyay Dowladda dhexe inay Galmudug dagaal ku soo qaaday, isla markaana laga jaray dhaqaalihii iyo mashaariicdii kala duwanaa ee ka socday Galmudug. Bayaanka kasoo baxay Galmudug ayaa lagu xusay in kulanka uu ka dhici doono magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulkaas, iyadoo Beesha Caalamka loogu baaqay inay il-gaar ah ku heyso xaalada xilligaan ka jirta Somalia. Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magacaabida ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, James Swan oo dhawaan uu magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Xukuumadda dhexe ee Somalia ayaa waxay sheegtay dhawaan in Galmudug ay ka dhici doonto dabayaaqada sannadkan doorasho, taasoo lagu soo xulan doono xildhibaannada baarlamaanka iyo weliba madaxweynaha maamulkaas hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, taasoo madaxweynaha hadda maamulka galmudug uu ku gacan-saray, kuna tilmaamay fara-gelin qaawan. Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu fashillmay shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Somalia iyo dowlad-goboleedyada dalka ka jira, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin shirkii Garoowe ka dhacay. PUNTLAND POST The post Maamulka Galmudug oo shir deg-deg ah ugu yeeray Maamul-goboleedyada dalka ka jira appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa markii u horeysay ka hadashay xafiiska dublamaasiyadeed ee Kenya ay ka furaneyso Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in wax aanay dowladda Somalia ka warqabin aysan Kenya ka dhex-sameyn karin Somalia. Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay xulufo ka dhiganeyso maamul ka tirsan Somalia, gaar ahaan Somaliland. “Dowladda Federaalka Somalia ayaa u fasaxday Kenya inay Qunsuliyad ka furato Hargeysa,” ayuu yiri Wasiir Cawad, isagoo meesha ka saaray shaki ahaa in Kenya ay doonayso inay ka tallaabsato dowladda Somalia oo ay maamullada dalka ka jira la sameysato xiriirro dublamaasiyadeed. Dhinaca kale, Cawad ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay sidoo kale Somalia u ogolaatay inay Qunsuliyad ka furato magaalada Mombasa ee dalka Kenya, haddii ay sidaas doonayso. Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soalia aysan dooneyn inay dagaal la gasho Kenya oo ay ka aarugudato tallaabo kasta oo ay qaaddo, wuxuuna daboolka ka rogay in Somalia ay doonayso inay dalalka ay daris-wadaagga yihiin kula noolaato nabad iyo ixtiraam. Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Kenya ay kordhinaysay dhawaanahan cadaadisyada ay ku hayso Soomaaliya ayadoo uu soo dhawaaday xilligii ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqi xukunka ku aaddan muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya. PUNTLAND POST The post DF Somalia oo ka hadashay Qunsuliyadda ay Kenya doonayso inay ka furato Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  16. Laba qof ayaa dhimatay tiro badanna waa ku dhaawacmeen markii uu isku-dhac ku dhexmaray ciidamada ammaanka ee dalka Kenya iyo dagaalyahanno la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarrakada Alshabaab deegaan Woqooyi-Bari uga beegan magaalaa Mandera sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Kenya. Guddoomiyaha gobolka Woqooyi Bari Maxamed Birik ayaa xaqiijiyey isku-dhaca isagoo intaas ku daray in qof ka tirsan Alshabaab iyo askari boliis ah ay ku dhinteen deegaanka Dawaduba ee magaalada Mandera. Birik wuxuu sheegay hawlgalka amniga lagu sugayo in ujeedkiisu ahaa in lagu beegsado meelaha ay ku dhuumaaleystaan dableyda ee ku yaalla gudaha dalka Kenya isagoo intaas ku daray In dagaalyahanno badan oo ka tirsan Alshabaab inay la baxsadeen dhaawacyo kasoo gaaray rasaas hawlgalkuna wali socdo. Sida laga soo xigtay saraakiisha, dableydu waxay soo gudbeen xudduudda iyagoo xeryo ka sameystay gudaha Kenya si ay uga fuliyaan dagaallo argagixiso goobo aan la caddeyn laakiin ciidamada ammaanku waxay heleen xogta meelaha ay joogaan dagaalyahannadaas. Dagaalkan ayaa dhacay xilli dambe oo habeennimadii isniinta ah waxaana jirta cabsi laga qabo in qasaaruhu uu intaas ka sii bato. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hawlgalka ciidanka Kenya uu wali ka socdo goobihii lagu dagaalay kuwaas oo aysan weerarro ka dhicin tan iyo billawgii bisha Ramadan maaddaama ciidamo amniga suga halkaas la geeyey. Deegaanka Fino waxay 6km u jirtaa xudduudda Kenya la leedahay Soomaaliya. Fino ayey horey uga dhaceen tiro weerarro ah oo ay kusoo qaadday Xarrakada Alshabaab waxaana jirtay in burbur loo geystay shirkado isgaariineed. Xinhua. Source: goobjoog.com
  17. Kenya (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay inay ka sameysateen saldhig gudaha dalka Kenya, iyadoo dagaal ka dhacay xuduudda labada dal u dhexeysana lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Kenya. Saldhigga ay Al-shabaab ka sameysatay gudaha Kenya ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay ololaha dagaal ee ay kooxdan ka waddo gudaha dalkaas, gaar ahaan deegaannada ku dhaw xuduudda ay Kenya la wadaagto Somalia. Isku-duwaha amniga gobolka Waqooyi-bari Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shababa ay saldhigga ciidan ka sameysatay deegaanka Dawahuba oo 6-km u jira xadka ay wadaagaan labada dal, halkaasna ay ka abaabulayso dagaallada ay ka geysanayso gudaha Kenya. Sidoo kale, dagaalka uu ku dhintay askariga Keenyaanka ah ka dhacay meel aan ka fogeyn xadka labada waddan, inkastoo dagaalka uu iskiis u istaagay lamana oga khasaaraha kooxda Al-shabaab kasoo gaaray dagaalkan. “Dagaalkan wuxuu billowday kaddib markii ciidamada Kenya oo ka war-helay saldhigga ay ururka Al-shabaab ka sameysateen gudaha Kenya ay weerar ku qaadeen, waxaana nooga dhintay hal askari,” ayuu warbaahinta u sheegay Maxamuud Biriq oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Iska-horimaadkan ayaa wuxuu sii xoojinayaa walaaca ay dowladda Kenya ka qabto weerrarada uga yimaada Al-shabaab, kuwaasoo xilliyo kala duwan laga geystay gudaha dalkeeda, laguna dilay kumannaan qof oo Kenyaan iyo ajaanib kale isugu jira. Ugu dambeyn, Ciidamada amniga Kenya ayaa raadinaya labo dhakhtar oo u dhashay Cuba, kuwaasoo ay sheegtay inay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaana kooxdu ay dalbatay in laga siiyo madax-furasho lacageed. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saldhig ciidan ka sameysatay gudaha Kenya iyo walaac ka dhashay arintan appeared first on Puntland Post.
  18. Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay munaasabadda iidda ayaa eedayn kulul u jeediyay xildhibaan Dhakool oo ku xiran magaalada Hargeysa kadib markii uu dhaliilay xuska 18-ka May. Mr Waraabe ayaa sheegay in Dhakool uu doqonnimo ka helay madaxda Somaliland ee uu mudnaa in la dilo haddiiba uu ku dhiirraday in uu dhaliilo xuska 18-ka May ee ku beegan maalintii Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya. Wuxuu sheegay in xildhibaan Dhakool uu ku nabad –galay gudaha Somaliland kadib markii uu ku nabad-geli waayay magaaladii uu ka soo jeeday ee Laascaanood oo walaalkiis lagu dilay isagoo xusay in Dhakool mudda 21 sano ah mushahar u qaadanayey canshuurta ay bixiyaan hooyooyinka ku goblamay halgankii SNM sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Faysal ayaa si adag u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda SSC iyo Boorame isagoo ku tilmaamay in ay Somaliland cadowga u soo horkacaan. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND PSOT The post Faysal Cali waraabe oo sheegay in uu dil mudanyahay xildhibaan Dhakool appeared first on Puntland Post.
  19. Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay magacaabista wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ayaa lagu taageeray laguna soo dhaweeyay magacaabista Xoghayaha Guud ee QM uu soo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay inay mar walba ilaalineyso Midnimada soomaaliya,isla markaana ay wadashaqeyn la yeelanayaan Wakiilka Cusub. Hoos ka akhriso qoraalka Hirshabeelle kasoo baxay:- Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  20. Hours after a suspected Al-Shabaab attack in Fino village within Mandera County, a notorious commander of the terrorists group was pictured leading Idd-ul-Fitr celebrations across the border in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Boosaaso (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska Puntland ayaa digniin u diray ganacsatada magaalada Boosaaso iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Muxidiin Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Boosaaso uu kaga digayo inay noqdaan kuwo qariya dadka dilalka ka geysanaya magaalada Boosaaso. Taliyaha ayaa sheegay in Ganacsiga Magaalada Boosaaso uu u kireysanyahay wax uu ku sheegay Burcad Diimeed dadka Masaajidda ku dhexdila, taasi oo niyad jab weyn ku noqoneyso ganacsatada magaalada Boosaaso. Ma uusan sheegay waxa u arintaasi kala jeedo iyo inuu si gaar ah ugu dan leeyahay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Puntland waxaa dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galaa magaalada Boosaaso oo ah magaalada Ganacsiga ee Puntland. Dhinaca kale taliyaha ciidamada booliska Puntland ayaa digniin u jeediyay shacabka magaalada Boosaaso, isaga oo kaga digay inay qariyaan dadka uu sheegay inay dilalka ka geystaan magaalada Boosaaso. Jeneraalka ayaa sidoo kale ku hanjabay in dowlad Goboleedka Puntland ay la wareegi doonto guryaha lagu qabto koooxaha falalka amni darrada ah ka wada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  22. (SLT-Ankara) Alle hawnaxariiste waxa Dalka Turkiga xalay ku geeriyooday Xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada. Xildhibaan Aareeye oo laga soo doortay Gobolka Salal wuxuu kamid ah Siyaasiyiintii Somaliland dibu dhiskeda ka soo qayb qaatay, Xisbigii UDUB ayuu ka soo baxay muddooyinkii danbena wuxuu kamid aha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Alle marxuumka hawnaxariiso Eheladii iyo Qarabadii uu ka baxay iyo shacabka Somaliland na samir iyo iimaan haka siiyo . Amiin . Source
  23. Gedo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ururka Al Shabaab iyo ciidamada Kenya, waxaana dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo Kenyan ah. Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhow xuduuda labada dal, gaar ahaan meel 6KM u jirta dhanka xuduuda, waxaana dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab weerar ku qaadeen xarun ciidamada Kenya ku sugnaayeen. Al Shabaab ayaa la sheegay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Soomaaliya, islamarkaana ay saldhig ka sameysteen deegaanka DAWAHUBA oo 6 KM u jirta xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay isu duwaha amniga Gobolka Somaalida ee Kenya. Dagaalka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow Tuulada Fiino lagu magacaabo oo kulaasha Soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha dhanka amaanka ee dalka Kenya. Maxamuud Biriq ayaa sheegay in Ciidamada dowladda oo ka warhelay saldhigga ay Al-shabaab ka sameysteen degaankaas ayaa weerar ku qaaday,waxaana ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Booliska keydka ee Kenya oo dagaalka ku jiray. Dowladda Kenya ayaa wali raadineysa labo dhaqtar oo udhashay Kenya kuwaas oo ay sheegtay in ay ku tabeyso AL-shabaab, waxaana Al Shabaab la sheegay inay dalbadeen lacag madaxa Furasho ah. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  24. Tan iyo bilowgii sannadkan, waxaa soo batay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Puntland oo bogag ka furanaya baraha bulshada, gaar ahaanna facebook ,si ay dadweynaha uga gudbiyaan shaqada ay hayaan iyo farriimaha muhiimka ah. Waxaa kale oo garab-socda, bogag iyo akoonno been-abuura oo lagu samaystay magaca hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland, islamarkaaana si joogtaa loogu daabaco qoraallo jaah-wareerina oo loo ekaysiiyo kuwa dowladdu soo saarto. Taasina, waxay keentay in la kala garan waayay mid saxan, maadaama bogagga baraha bulshada ee dowladda aysan lahayn calaamadda muujisa akoonnada rasmiga, waxaana gebi ahaanba luntay aaminaaddii iyo kalsoonidii dadweynuhu ku qabay, qoraallada ku daabacan bogaga baraha bulshada ee wata magaca wasaaradaha iyo xarumaha kale Puntland. Jimcihii la soo dhaafay, wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, ayaa qoraal ay Facebook ku baahisay ka sii digtay, roobabkii daadadka dhaliyay ee ka da’ay gobollo kamid ah Puntland, iyadoo ku baaqday in laga baxo meelaha godan. Balse, digniinta wasaaradda oo aan loo adeegsan hay’adaha warbaahinta rasmiga ah, ayaan gaarin dadkii ay khusaysay sida reer guuraaga, beeraleyda, wadayaasha gaadiidka iyo bulshada ku nool tuulooyinka fog-fog ee warbaahinta dhegaysta. Halka inta Facebook-yada isticmaasha ee akhristayna u qaateen, qoraalladii been-abuurka ahaa ee baraha bulshada, waxaana sidaasi ku khasaartay digniintii wasaaradda oo aan dheg loo jalaq-siin. Maalin kadib digniintaasi, ayaa roobab mahiiggaana oo ka da’ay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal, waxa ay mowjado daadad ah ku hafiyeen tuulooyin hoostaga degmooyinka Garoowe iyp Dangoroyo ee gobolka Nugaal, halkaasi oo ay ka geysteen khasaare baaxad weyn oo mood iyo noolba leh. Dadka dhibkaasi gaaray ayaa u badnaa, qoysaska reer miyiga ah oo sida la ogyahay aan isticmaalin baraha bulshada, laakiin wax dhegaysta oo laga yaabo, haddii warbaahinta lagala hadli lahaa in ay digniintaasi qaadan lahaayeen. PUNTLAND POST The post Facebook oo jaah-wareer ka abuuray Puntland appeared first on Puntland Post.