Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,569
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Tuesday its troops are in the process of securing population centers and main supply routes to prevent al-Shabab militants from targeting the local population. Source: Hiiraan Online
  2. Mandera county commissioner Kutswa Olaka has asked leaders not to politicise the destruction of Sh5 million contraband goods, including unsafe food,\ three weeks ago. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha dowled gobaledga Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa madaxda dowladda federalka u jeediyay eedeen ku aadan in ay ku tunteen dastuurkii dalka u yaalay oo dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay kuwada heshiiyeen. “Waxaan leenahay madaxda dowladda federalka dalkaan boogo ayuu leeyahay ma bogsanin iskuwad ayuu u baahan yahay, sharciga ladhowro ayuu ubaahan yahay, sharciga in la dhowro ayaa lagu ilaalin karaa laguma wada joogi karo anniga ayaa ari iyo qaacidadii shalay aan ku diiday Shabaab, ma aqbalayo in Villa Soomaaliya laga soo yeeriyo ha qaateen sharciga ay ku joogaan , haddii la diidana qof waliba hortiisa ayaa loo baneynayaa asaga ayaa marayo” Sidoo kale Axmed madoobe ayaa sheegay inaan loo baahneyn in dib loogu laabto halkii laga yimid asaga oo ku baaqay in lawada fariisto oo wax lawada saxo. “Wixii shalay laga yimid miyaa dib loogu noqonayaa sax maahan,annagu aan saxano,marka oo waxayaga aan kawada shaqeyno waxa aan wada leenahay, in dib loo noqdaa sax maahan, oo sax maahan waa in loo hogaansama sharciga oo lawada tashado boogtu way bisishay caabuqbaa saaran Kismaayo ayaa kuligiin tijaabo idin kugu filan kulli dalka waa isku mid waa in booga la daaweeyaa” Dhanka kale Madaxweyne Madoobe ayaa carabka ku dhuftay in amnigu uu yahay waxaan gorgortan laga galin lakiin waxii ka soo hara laga gorgortamayo.assaga oo sheegay inuu doonayo inuu xilka ka tago Jubbaland oo Nabad ah dadkeeduna ay kuwada nool yihiin si nabad ah ” Wax kale oo dhan waa laga gorgortami karaa lakiin mas’alada ah amniga gorgortan magaleyso, amnigu waa waxa aan ka tagayo ee aan rabo ee ah dad wada nool oo wada dagan oo walalo ah oo sharciga la mariyo oo qaabkaas ah inaan uga tago ayaa ah waxa aan doonayo” Ugu danbeyn Maxaweynaha dowled gobaledka Jubbland ayaa sheegay dhismihii Jubbalan caqabado badan ay kala kulmeen dowladda dhexe, assaga oo ugu baaqay in ay ka waantoowdo faragalinta ay ku heyso maamulka iyo isku dirka dadka reer Jubbaland. ” Shalay ayeey aheyd markaan dhiseynay Jubbaland dowladda dhexe caqabado badan ayaan kala kulanay, kuwii shalay dhaawacooda la daaweeyay ayaa laysku diray oo is dilay, inta aan aamusnay oo samirnay oo dulqaad muujinay ayaan ku soo gaarnay halka maanta aan joogno” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 60 qof oo isugu jira Falastiiniyiin iyo Sacuudiyaan kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka kula jirtay gumaysiga Yahuudda. Wargeyska Al-Akhbaar ee kasoo baxay Lubnaan oo soo xiganaya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta boqortooyada ay wadaan olole ka dhan muwaadiniinta dalkaas iyo dadka Falastiiniyiinta ee Sacuudiga ku nool ee kooxda Xamas taageera. Dadka la xiray ayaa waxaa ugu caansan Dr. Muhammad al-Khudari oo sanadihii sagaashaamaadka illaa 2003 ahaa wakiilka Xamas ee dalka Sacuudiga. Inkasta al-Khudari uu sanado badan ka hor ka tagay xilkiisa, haddana taas kama aysan bad-baadin in Sacuudiyaanka ay xiraan, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa. Ka sokow dadka la xiray, Al-Akhbar ayaa sheegay in Sacuudiga ay adkeeyeen xanibaadda ay ku hayaan in dadka Sacuudiga ku nool ay lacago u diraan Marinka Gaza oo Xamas ay maamusho. Dadka la xiray ayaa Sacuudiga waxay kusoo oogeen dacwado ku saabsan inay taageeraan “koox argagixiso islamarkaana ay taageereen ficillada argagixisanimada.” Labadii sano ee tagay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu eedeeyey inay taageeraan Xamas, dhaqaale ahaan ama siyaasad ahaan. Sacuudiga ayaa wixii ka dambeeyey 2017 waxay adkeeyeen in Sacuudiga lacag looga diro dhulka Falastiin. Dadka doonaya inay lacag u diraan Falastiin ayaa waxaa laga doonayaa inay la yimaadaan sabab weyn oo lagu qanci karo, lamana ogola inay diraan wax ka badan $3,000. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sanidhii dhowaa ay aad ay isugu soo dhowaadeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka Yahuudda. Bishii April, Maxamed Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas u yaboohay 10 bilyan oo dollar, si uu u aqbalo ‘heshiiska qarniga’ ee Mareykanka uu wado, kaasi oo magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda. Cabas ayaa diiday yaboohaas. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  5. Ummadda Islaamka ayaa Shalay u dabaal dagaysa maalinka qiimaha leh ee Ciidda Soon fur. Dadka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dabaal degga. Kumanaan kamid ah dadka reer Muqdisho ayaa saaka u dareeray salaaddii ciidda iyagoo ku tukaday fagaaraha weyn ee deegaanka Daarusalaam. waalidiin fara badan ayaa caruurtooda u soo kaxeeyey inay ku ogaan salaadda ciidda kulana damaashaadaan deegaanka daarusalaam ee magaalada Muqdisho. Dadkan ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxadda maalintan Ciidda iyagoo isugu hambalyeynayey gudashada waajibaadka rabbi ee bishii Ramadan iyo farxadda maalinka ciidda. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Abdirahman Omar Cismaan Yarisow, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Dahir Adan Cilmi, Taliyaha booliska, General Bashiir Abdi Mohamed, Taliyaha Ciidanka lugta, General Odowaa Yusuf Rage iyo Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa kamid ah dadka usoo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam iyagoo waqti la qaatay dadka u soo dalxiis tagay Beerta Daarusalaam. Gudoomiye Eng Yarisow oo ka hadlayey munaasadbadda ciidda ayaa ugu hambalyeeyey dadka reer Muqdisho munaasabadda ciiddul fitriga sanadka 1440H Isagoo kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed adkaynta mindimada iyo wadajirka. ” maalin ciid waaye, Marka hore hambalyo hambalyo Ciid Mubaarak, in Soomaaliya sideey ahaan jirtay kusoo noqoto Ciidul Fitriga waxaan rabnaa in ilaahay nooga dhigo tii na mideyso na guuleyso. Wadankaan wuxuu u baahan yahay waa dhalinyaro, dhalinyaro waxaa la idin karabaa doorka aad ku leedihiin wadanka inaad ka qaadataan. Wadankaan wuxuu ubaahan yahay horumar, horumarkiisana cidda laga rabana waa dhamaanteen. Qof walba waxaa laga rabaa inuu noqdo muwaadin, daacad ah wadankiisa u shaqeeya umadisa u adeega” Qaarka mid ah dadka u soo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam ayaa iyana dhankooda cabiray dareenkooda farxadeed ee ku aadan munaasabadda salaanna hawada umariyey eheladooda ku kala dhaqan daafaha dunida. Deegaanka Daarusalaam ayaa martigelinaya sanadkii 5aad oo xariir ah damaashaadka ciiddaha soonfur iyo carafo iyadoo dadweyne aad u fara badan ay sanad waliba ku qaataan maalmaha Farxadda Ciidda. DCIM100MEDIADJI_0088.JPG DCIM100MEDIADJI_0091.JPG DCIM100MEDIADJI_0102.JPG DCIM100MEDIADJI_0128.JPG
  6. The government has intensified police patrols and increased the number of security personnel along the border of Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Police detectives in Algoa Park, Port Elizabeth, are seeking the community's assistance in tracing a Somalian man allegedly involved in a murder on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  8. More than 2,000 cases of the Ebola virus have hit the Democratic Republic of the Congo, according to the nation's health ministry. The 1,346 deaths make it the second-deadliest Ebola outbreak in history. Source: Hiiraan Online
  9. The 69th FIFA Congress convened today in Paris and, by acclamation, re-elected Gianni Infantino as the President of FIFA until 2023. Source: Hiiraan Online
  10. An Eid al-Fitr celebration in St. Cloud offered a chance for young Somali Americans to mark the holiday and connect with the outdoors — through fishing. Source: Hiiraan Online
  11. Doha: Qatar’s Ministry of Interior, in cooperation with the National Tourism Council (NCC), has launched an e-notification system through the Qatar Visa Services portal for those wishing to travel to Qatar during the summer season from June 4 August 16, 2019. Residents in the State of Qatar can invite their relatives and receive an electronic notification allowing them to enter the country on a visa upon arrival and without visa fees. Target groups include relatives, resident friends, former residents of the country, and families looking for new destinations. Those wishing to travel to the State of Qatar for the purpose of the visit may also obtain a visa upon arrival after submitting the electronic notification through the portal. “For example, visits of relatives and friends require a valid return ticket and residence in Qatar for the host, and a relationship with the host,” the Ministry said in a statement. The Ministry noted that the electronic notification service is open to all nationalities and that the Directorate General of Passports would check and respond to applications within 24 hours. The quick response to the requests will help simplify decision making for travelers to choose Qatar as a tourist destination during the summer tourist season. Major Abdullah Khalifa Al Mohannadi, Director of Support Services for Recruitment at the General Passport Department, said that the visa policy adopted by the State of Qatar contributed to its transformation into one of the most open countries in the world, and the first at the level of the Middle East, according to the latest indicators of the World Tourism Organization of the United Nations, on the extent of openness of States to visitors. He added that the move by adopting an e-notification system for travelers during the summer season in Qatar for former residents and residents families is another step towards openness and interest in the traveler’s experience in Qatar. Khalid Al Jumaili of the National Tourism Council said that providing a smooth visitor experience reflects the vision of modern Qatar and the traditions of Arabian hospitality and is at the heart of the tourism development strategy in the country. The Peninsula Qatar Qaran News
  12. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)oo ay wehliyaan Gudiga gurmadka fatahaadaha, maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo [...] Source
  13. New York (SMN) – Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya. Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo. Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah. Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga CERF waxa ay ururada samoalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha. Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka. Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama uraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin. View the full article
  14. Dhuusomareeb (SM N) – Waxaa maanta shacabka iyo madaxda Galmudug ay u dabaal dagayaan maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Salaada Ciida ayaa laga oogay Masaajidyo ku yaallla magaalooyinka Dhuusomareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo kuwa kale oo ka tirsan maamulkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo shacabka la Tukaday ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo hormarka gobollada dhexe ee dalka. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa Warbixin ka soo diyaariyay, sida maanta looga Ciiday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/warka-ciida-fidriga-maalinka-koobaad.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay khariidaddii ay soo saaraty wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ee tirtay Soomaaliya islamarkaana ku dartay Itoobiya. Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa cod ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ku sheegay in khariidaddaas ay dowladda Itoobiya ku caddeysatay damaceeda fog ee ay ku dooneyso inay dalka Soomaaliya ku qabsato. Cali Dheere ayaa sheegay in hoggaanka dalka Itoobiya uu “ku adeeganayo hoggaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo gacan geliyay dhulka Soomaaliyeed.” “Itoobiya waxay hadda mareysaa inay ka gudubtay hadalladi maldahnaa iyo sarbeebihii ay ku sheegan jirtay dhulka Soomaaliya oo ay maanta si cad qorshaheeda banaanka usoo dhigtay” ayuu yiri Cali Dheere. Cali Dheera ayaa sheegay inay yaab tahay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin khariidadda dowladda Itoobiya oo ay ka aamusan yihiin. Waxa uu intaas ku daray in “amxaarada aysan dooneyn Soomaaliya oo kaliya balse damacooda fog uu yahay inay qabsadaan kacbada, balse ay hortaagan yihiin mujaahidiinta” Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhinaca kale ka hadlay shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkaas “lagu boobay laguna iibiyey kheyraadka Soomaaliya iyo in baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey qorshahaasi.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-05062019.mp3 View the full article
  17. PRESS RELEASE ‘Regional security and integration’ in Central Africa under threat, Security Council warned Given the inter-regional dimension of the tensions, Mr. Fall made assurances that “UNOCA will continue to support ECCAS efforts in this area” NEW YORK, United States of America, June 5, 2019/ — Recurrent and often deadly clashes between pastoralists and farmers in several countries in Central Africa continue to cause “serious concern”, threatening “regional security and integration”, a senior UN official warned the Security Council on Tuesday. “Recent inter-communal tensions in eastern Chad opposing nomadic herders and sedentary farmers, as well as the attacks against villages in the Central African Republic…remind us of the urgency of addressing the issue of pastoralism and transhumance”, said François Louncény Fall, referring to the traditional practice of moving livestock from one grazing area to another on a seasonal basis, which has been a persistent source of conflict in the region. On a more positive note, the UN Special Representative and Head of the Regional Office for Central Africa (UNOCA) said he was “pleased” that the issue is “receiving increasing attention in Central Africa” and welcomed a draft regulation instrument on pastoralism and transhumance from a 27-28 May workshop in Kinshasa. He reminded the Council that the UN Standing Advisory Committee on Security Questions in Central Africa (UNSAC) remains “the primary platform” where the Economic Community of Central African States (ECCAS) meet to discuss peace and security issues and recommends actions to address threats to regional stability. Given the inter-regional dimension of the tensions, Mr. Fall made assurances that “UNOCA will continue to support ECCAS efforts in this area” and work with the UN Office for West Africa and the Sahel, “to promote cooperation and exchange of good practices between Central, East and West Africa on the issue”. The UNOCA chief said that on 31 May, UNSAC noted the positive impact of the Democratic Republic of the Congo’s elections at the end of last year that have “enabled the country to experience a peaceful alternation of power”. “They also welcomed the signing of the Political Agreement for Peace and Reconciliation in the Central African Republic (CAR)” and expressed support for completely lifting the arms embargo. Furthermore, they took note of Cameroon’s efforts to find “a lasting solution to the crisis in the North-West and South-West regions and encouraged the Government to pursue dialogue to that end”. Since his last briefing, Mr. Fall reported that ECCAS “has made noticeable progress” on its reform process, that he said should help transform it into “a more effective organization for regional integration, conflict prevention and resolution, as well as peacebuilding”. “UNOCA remains committed to help enhance these capacities, building on the valuable expertise already available”, he said. According to the Special Representative, the reform should also provide the organization with “a more adequate mandate” as well as tools and the means to carry it out. “I appeal to ECCAS member States to enhance their support to this process…for the benefit of regional peace, stability and integration”, Mr. Fall concluded. Distributed by APO Group on behalf of United Nations (UN). Qaran News
  18. Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya. Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo. Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah. Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga CERF waxa ay ururada samoalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha. Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka. Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama uraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Tacsi: Inaa lillaahi wa inaa ilayhi Raajucuun Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, Golayaasha Baarlamaanka iyo guud ahaan qaranka Somalilandba ee uu ka baxay Xildhibaan Cali SH. Ibrahim Aareeye oo habeenkii xalay 05 June 2019 ku geeriyooday dalka Turkiga. Waxa uu Gudoomiyuhu ilaahay marxuumka uga baryayaa inuu janooyinkiisa ku casuumo Samir iyo iimaan saadiq ahna inaga wada siiyo Aamiiin. Suleymaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL Qaran News
  20. Saakow (Caasimada Online) – Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa sanado kadib meel fagaare ah kasoo muuqday shalay. Shongole oo horey u ahaan jiray madaxa dacwada kooxda Al-Shabaab ayaa boqolaal dadweyne ah iyo ciidamada Al-Shabaab shalay kula ciiday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso. Shongole ayaa halkaas ka jeediyey khudbad uu kula hadlay shacabka degan Saakow. Sawirradiisa ayaa waxaa baahiyey warbaahinta kooxda Al-Shabaab, waxaana wararka ay sheegayaan inuusan iminka wax xil ah oo sare ka hayn kooxda, taasina ay tahay sababta ay u baahiyeen muuqaalladiisa iyo halka uu joogo. Al-Shabaab ayaan inta badan shaacin muuqallada iyo goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha sare ee kooxda. Fu’aad Shongole ayaa la sheegay in iminka uu yahay kaliya wadaad dadka wacdiya oo kooxda ka tirsan, balse aan wax xil ah oo muhiim ah ka hayn. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. Ayadoo maalinImadii shalay ay aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitri oo laga ciiday inta badan caalamka islaamka iyo gudaha dalka ayaa waxaa jiray deegaano aan laga Tukan Salaadda oo laga soomana maalimadii shalay, maanta ayaana looga dabaal dagayaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal waxaana laga oogayaa Salaaddii Ciidda. Deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa siweyn looga ciidayaa Maalinta koowaad ee Ciidul fidriga,iyada oo shalay deegaanadaas laga soomanaa,halka inta badan Gobolada Soomaaliya iyo Caalamka laga ciidayay. Deegaanada Galmudug ee Maanta lag ciidayo Maalinta Koowaad ayaa waxaa ka mid ah demooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Maamulkii Gobolada Dhexe ee ahlusunna kuna biiray Maamulka Galmudug. Madaxa Xakuumada Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Maanta Saalada Ciida kula tukaday Masjidka Madaxtooyadda Caasimadad Dhuusamareeb Dhamaan Madaxda sare ,Xildhibaanada, Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Maxamed Shaakir ayaa Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u Diray Dhamaan Ummadda Muslimiinta , Shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummada Galmudug , uguna Duceeyay Nabad iyo Baraaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin awoodda kaliya ee dalkaan uu leeyahay, loona baahanyahay inay masuuliyad weyn iska saaraan hormarkiisa. Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka xureynta dalka maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nabada, isagoo xusay in muwaadin walba marka uu ka shaqeeyo hormarka iyo nabad gelyada dalka, qof walba uu helaayo nabad iyo Cadaalad dowlad nimaduna ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo adeegyada muhiimka u ah muwaadin walba. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii shalay waxaa uu la ciiday ciidanka Xooga Dalka,isagoo ku bogaadiyay xoojinta gudashada waajibaadkooda,kuna amaanay nafhurnimada ay u sameynayaan shacaka Soomaaliyeed. View the full article
  23. Muqdusho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna lashaqeeyaan Ciidamada qalabka sida. Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagantahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag la’aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada. Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya. View the full article
  24. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shir deg-deg ah ugu yeertay dhammaan madaxda maamul-goboleedyada dalka ka jira, si looga hadlo xaalada uu ku sugan yahay dalka. Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu xusay in dowladda Somalia ay ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo igmaday inay wax ka qabato, iyadoo Dowladda Somalia lagu eedeeyay inay ku mashquulsan tahay burburinta nidaamka federaalka ee dalku qaatay. Sidoo kale, Waxaa lagu eedeeyay Dowladda dhexe inay Galmudug dagaal ku soo qaaday, isla markaana laga jaray dhaqaalihii iyo mashaariicdii kala duwanaa ee ka socday Galmudug. Bayaanka kasoo baxay Galmudug ayaa lagu xusay in kulanka uu ka dhici doono magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulkaas, iyadoo Beesha Caalamka loogu baaqay inay il-gaar ah ku heyso xaalada xilligaan ka jirta Somalia. Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magacaabida ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, James Swan oo dhawaan uu magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Xukuumadda dhexe ee Somalia ayaa waxay sheegtay dhawaan in Galmudug ay ka dhici doonto dabayaaqada sannadkan doorasho, taasoo lagu soo xulan doono xildhibaannada baarlamaanka iyo weliba madaxweynaha maamulkaas hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, taasoo madaxweynaha hadda maamulka galmudug uu ku gacan-saray, kuna tilmaamay fara-gelin qaawan. Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu fashillmay shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Somalia iyo dowlad-goboleedyada dalka ka jira, iyadoo aanay wax natiijo ah ka soo bixin shirkii Garoowe ka dhacay. PUNTLAND POST The post Maamulka Galmudug oo shir deg-deg ah ugu yeeray Maamul-goboleedyada dalka ka jira appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa markii u horeysay ka hadashay xafiiska dublamaasiyadeed ee Kenya ay ka furaneyso Magaalada Hargeysa, isagoo sheegay in wax aanay dowladda Somalia ka warqabin aysan Kenya ka dhex-sameyn karin Somalia. Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay xulufo ka dhiganeyso maamul ka tirsan Somalia, gaar ahaan Somaliland. “Dowladda Federaalka Somalia ayaa u fasaxday Kenya inay Qunsuliyad ka furato Hargeysa,” ayuu yiri Wasiir Cawad, isagoo meesha ka saaray shaki ahaa in Kenya ay doonayso inay ka tallaabsato dowladda Somalia oo ay maamullada dalka ka jira la sameysato xiriirro dublamaasiyadeed. Dhinaca kale, Cawad ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay sidoo kale Somalia u ogolaatay inay Qunsuliyad ka furato magaalada Mombasa ee dalka Kenya, haddii ay sidaas doonayso. Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soalia aysan dooneyn inay dagaal la gasho Kenya oo ay ka aarugudato tallaabo kasta oo ay qaaddo, wuxuuna daboolka ka rogay in Somalia ay doonayso inay dalalka ay daris-wadaagga yihiin kula noolaato nabad iyo ixtiraam. Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Kenya ay kordhinaysay dhawaanahan cadaadisyada ay ku hayso Soomaaliya ayadoo uu soo dhawaaday xilligii ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqi xukunka ku aaddan muranka badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya. PUNTLAND POST The post DF Somalia oo ka hadashay Qunsuliyadda ay Kenya doonayso inay ka furato Hargeysa appeared first on Puntland Post.