Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,569
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan dawladda Kenya waxa ay si dadban dib ugu soo cusboonaysiiyey dabacyadeedii siyaasadeed iyo dhul ee ku aaddanaa Soomaaliya oo ay wadaagaan xudduud dheer oo bad iyo birriba leh, balse aan ku dhidbanayn soodin sharci oo labo waddan heshiis ku yihiin, marka laga reebo xariijimayntii gumeystaha Ingiriiska, taasoo badanka waddama Afrika ay la wadaagaan. Kenya, ayaa bilihii la soo dhaafay qaadday tallaabooyin isku xiga oo wax dhimaan ku ah dariiqyada duullamaasiyadeed, siyaasad iyo daris wadaagidba, kadib markii ay burisay heshiisyo dhawr ah oo kala dhaxeeyey Soomaaliya, kuwaasi oo taabanayey socdaalka dadyowga labada dal, ganacsiga, iyo darisnimadaba iyo arrimo kale. Tallaabooyinkaasi ay ka qaadatay Kenya dalka iyo dawladda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ uu horyaallo kiis loogu daco-qaadayo Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dawladda Kenya ay sheegatay qaybo ka mid ah biyo badeedka Soomaaliya. Haddaba Dawladda Kenya tallaabooyinkeeda cusub ee ay wax uga baddeshay heshiisyadii isku socodka ee labada dal, isku furnaantii ganacsi iyo middii duullamaasiyadeedba maxay uga golleedahay? Maxaase ka dhaxeeya arrimahaan iyo murankii badeed? Su’aalahaasi iyo kuwo kaleba ayaa idaacadda Daljir waxay weydiisay Axmed Sheekh Maxamuud oo ah xeeldheere muddo badan ka shaqaynayey arrimaha duullamaasiyadeed ee Soomaaliya, kana soo shaqeeyey waddamo ay ka mid yihiin Kenya, USA iyo Sweden, siiba wixii ka horreeyey 1980-kii, Sidoo kalena gudaha dalka ka soo shaqeeyey, siiba wasaaradihii arrimaha dibedda iyo waxbarashada ee dawladdii Kacaanka ahayd ee Soomaaliya. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Wareysi-Duullamaasi-Axmed-Sh-Maxamuud-03-June-2019.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – 58 ka mid ah saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kadib markii ay dhameysteen howlihii ay u hayeen AMISOM. Saraakiishan ayaa waxa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya. Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya, kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka. Isaga oo la hadlayay saraakiisha ayuu yiri “dadaalkiinna waxaa uu horseeday in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay nabad ku naalloodaan, Muqdisho kaliya maahee xitaa qeybo ka mid ah goboollada.” Intii ay munaasibaddaasi socotay ayaa waxaa taliyaha lagu wareejiyay Koob ay ku guuleysteen saraakiishan oo qaaday tartan Kubadda Gacanta ah oo ay qaban qaabisay AMISOM. Taliyayaasha AMISOM ayaa u mahadceliyay saraakiisha kala duwan ee ka baxay Soomaaliya, waxaana ay ugu hambalyeeyeen sida ay “ugu guuleysteen howshoodii Soomaaliya ee dhamaatay.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee Aqalka Cad ee Mareykanka ahna wiilka qaba gabadha madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner ayaa aflgaadeeyey Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay inuu rumeysan yahay inay yihiin dad aan is-maamuli karin. Kushner ayaa ah ninka hoggaaminaya qorshaha Trump ee loogu magac daray ‘Heshiiska qarniga’ kaasi oo magaalada barakaysan ee Qudus loogu gacan gelinayo Yahuudda. Qorshahan, ayaa sida uu qoray wargeyska Washington Post, waxa uusan Falastiiniyiinta u ogolaaneyn inay yeeshaan dal buuxa oo madax banaan. Kushner oo ah Yahuud, ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax dhib ah ku qaban haddii aysan Falastiiniyiinta ku kalsooneyn isaga oo yiri “Halkan uma joogo in la i aamino” Falastiiniyiinta ayaa doonaya in qorshe kasta ay qeyb ka noqoto in Daanta Galbeed oo ay ku jirto Bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda mustaqbalka, halka Israel ay dooneyso inay sii haysto dhulalkii ay xoogga ku qabsatay. Heshiiskan oo uu horkacayo wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel. Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaala rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  4. Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay iyaga iyo ciidanka DFS ka fuliyeen buuraleyda Goolis ee Puntland. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay Lix ka mid ah dagaalyahannada Daacish. Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo A-shabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka DFS. Dhanka kale, AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hubiyeen in aanu waxyeello kasoo gaarin dadka rayidka ah. Maraykanka ayaa DFS waxyaabaha uu ka caawiyo waxaa ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. North Yorkshire's new Green MEP will be visiting Scarborough this weekend to take part in the Green Party Conference at the Spa. Source: Hiiraan Online
  6. Qaranimada lagu naaloonayaa kumey iman habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintii xijaabatay ee ay ka sii nool yihiin inta yar ee debedyaalka u ah dacdarada dabeedaca uu sicir bararku u dheer yahay. Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida ilaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba. Somalilaan kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somalilaan wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo wada maray xornimada dalkooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo loona kala badiyo manfaca, mansabka, maganta, moorada iyo midhaha dowladnimo. Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacay meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi-socodkii dimuqraadiyadeed maadaama sadexdii gole ee la doortay ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan Doorashooyinkiina aanay soo naaso cadayn. Waxaa iyana hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somalilaan ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumadu ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta joogo ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talo-wadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiday ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya ceelalyadii ummaddu sugeysay iyo dhamaan intii talada wadanka bud dhigi laheyd. Saaxiibkay Raage ayaan ka guntay ” Mar hadii rayigu kaa banjaro kuuma buuxsame eh “ Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad bacrimtay oo duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato, mid wershedeed iyo mid shirkadeed gashan taa soo gabood looga dhigay deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Waxaa dalka hagaasiyey Hawlwadeeno aan la carbin oo aan laheyn higsi iyo hilaad durugsan , odoros iyo aragti fog taas oo nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer. Shacabka Somalilaan waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan ilaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka si ay udhowrtaan dalkooda , dantooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka dalkooda. Waxaa wax-garadka siyaasada Somaalilaan udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somalilaan ay hada ku jirto marin habow, mad-madow badan iyo indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah taa soo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto . Waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay doorashooyinka qabato oo shacabka mideyso oo dalka ka dhigto Somalilaan loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan”” Anigu daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ” Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso “ Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  7. Wadada Garoowe iyo Sin-ujiif Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay bilowga dhismaha wadada weyn ee Garoowe iyo Sin-ujiif [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Goolis ee gobolka Bari ee Soomaaliya. Duqeyntan ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha Goolis. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado” waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Jeneral West ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho howlgalladooda, loona wiiqo awooddooda. Weerarkan dhacay Arbacadii ayaa waxaa lagu dilay lix ka mid ah kooxaha mintidiinta Daacish. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay rumeysan yihiin in dad shacab ah aysan wax ku noqon duqeyntii ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Washington takes unusual step of calling on kingdom to bring about end to military crackdown Source: Hiiraan Online
  10. Somaliland: Kenya Turns It’s Head To Hargeisa As the relationship between the Republic of Kenya and the federal entity in Mogadishu takes a turn for the worse, the powers that be in Nairobi are gradually turning their heads towards Somaliland. Kenyan citizens live and work in Somaliland. Kenyan business people have large investments in Somaliland, and more to come, Insha’Allah. The Somaliland authorities regularly work with the Kenyan colleagues on education, health, security, agriculture, fishing, transports and so on. Kenyan parliamentarians were present at the recent 18th May celebrations in Hargeisa. So, the economical, social and cultural ties are firm and lasting. Some commentators, Yusuf Garad, for example, ex-BBC Somali honcho, currently unemployed and frustrated, want to blame Somaliland. They say, “Somaliland is exploiting the friction between Mogadishu and Nairobi?’..Not really, but if we were, that is politics. The ties between Somaliland and Kenya go back centuries. The recent migration from Somalia into Kenya as the result of the conflict in defunct Somali Republic, doesn’t compare with the fact that Somalilanders were trading with Nairobi two centuries ago. Don’t blame Somaliland for the failure of leadership in the weak federal entity in Mogadishu. We welcome all those who wish to work with and co-exist with Somaliland. It is expected that Kenya will finally open an office in Hargeisa. It is about time. Although, the AMISON protected folks in Mogadishu say that “they gave permission for Kenya to open such an office”. Talk about delusions of grandeur! Look, we know Somaliland doesn’t currently enjoy de-jure recognition, but it is a de-facto state. We will bide our time, work with our friends and opponents alike. We will work with those who understand the reality on the ground. We will make friends were we can and interact with our opponents to bring about peace and progress. Here is a startling fact, On May 18th, 2021, Insha’Allah, the Republic of Somaliland will be out of the defunct union with the Somali Republic, just as long as it was in that union. 30 years! What is there to go back to? There will always be social, economic and cultural ties with Somalia, but there can’t and never will be another political union. Wa Bilaahi Towfiiq Ahmed Kheyre Qaran News
  11. MOGADISHU (Xinhua) - The United States military said Wednesday it conducted an airstrike against Islamic State (IS) terrorists in northern Somalia on Tuesday, killing six militants. Source: Hiiraan Online
  12. Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga. Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah. Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah: 1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah. 2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone. Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga. Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah. Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah: Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “ Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic Development zone. Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Heshiisyadani muhiim ka ah waxay qayb ka yihiin balanqaadyadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa kobcinta Dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, maalgashi iyo suuq u helidda Kheyraadka iyo wax soo saarka dalka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Dalka Shiinaha oo kaal saxiixday heshiisyo muhiima appeared first on Puntland Post.
  14. Tongxiang, Juun 04, 2019: Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo [...] Source
  15. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay. Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeray muhiimadda ay leedahay wax wadaqabsiga iyo isku duubnida shacabka iyo dowladda, waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay dowladdu ka nasan marna tan iyo intii ay go’day wadadu, dedaalkaasina uu dhalay in maanta la bilaabo wejiga koowaad ee dhismaha wadada. “Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.” “Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyolinka bur-buray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay. Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeray muhiimadda ay leedahay wax wadaqabsiga iyo isku duubnida shacabka iyo dowladda, waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay dowladdu ka nasan marna tan iyo intii ay go’day wadadu, dedaalkaasina uu dhalay in maanta la bilaabo wejiga koowaad ee dhismaha wadada. “Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.” “Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyinka bur-buray. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Bilawga Dhismaha Wadada Weyn ee Garoowe -Sin-ujiif appeared first on Puntland Post.
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Dr Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan taxliiliya siyaasadda Soomaaliya kuna sugan Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay tahay midda khasaaraha ugu xooggan kala kulmi doonta dagaalka siyaasadeed ee ay ku jirto Soomaaliya. Wareysi ii siiyey wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa Dr. Cabdiwahaab waxa uu ka digay in haddii naceybka uu sii socdo, Kenya ay wajihi doonto khasaare dhaqaale oo aad u xoog badan. Waxa uu sheegau in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee khaatka miraa-ga ee laga soo saaro Kenya iyo sidoo kale adeegga duulimaadyada, maadaama dhammaan diyaaradaha u duula Soomaaliya ay ka diiwana gashan yihiin Kenya. Dadka Kenya ayaa sidoo kale ah shaqaalaha ugu badan ee ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah. Waxaa intaas dheer in Soomaalida ay yihiin dadka ugu badan ee maal-gashta islamarkaana ganacsi xooggan ku leh Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ganacsigeeda oo idil ay maamulaan Soomaalida. Soomaalida ayaa sidoo kale hadda ku biiray suuqa shidaalka iyo saliida Kenya, halka ay maal-gashtayaal badan oo Soomaali ah ay kusii xoogaysanayaan ganacsiga hantida ma guurtada ah ee Kenya. Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in Kenya ay suu gaari karo dhaawac dhaqaale oo aad u xooggan, ayada oo ganacsiga Kenya uga yimaada Soomaaliya lagu qiyaasay laba bilyan oo dollar sanadkii, taasi oo sare u qaaday qiimaha lacagta shilling-ka Kenya. Ka sokow dhaqaalaha, waxaa Kenya sidoo kale uu dhaawca kasoo gaari doonaa weerarada kooxda Al-Shabaab, haddii dowladda Soomaaliya ay joojiso warbixinada amni ee ay la wadaagto Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. Fairtrade Messe und Ausstellungs GmbH & Co. KG PRESS RELEASE Despite difficult business environment in Iran, 865 exhibitors from 21 countries present the entire value chain at iran agrofood 2019 National pavilions of Brazil, China, Germany, India, Italy, Russia and Turkey TEHRAN, Islamic Republic of Iran, June 5, 2019/ — Despite the currently difficult business environment in Iran, as many as 865 exhibitors from 21 countries will be presenting their products, solutions and technologies “from field to fork” at iran agrofood 2019. More than 40,000 trade visitors from all over Iran and neighbouring countries are again expected. Brazil, China, Germany, India, Italy, Russia and Turkey will be represented with official pavilions this year. iran agrofood consists of the five partial events iran agro, iran food + bev tec, iran bakery + confectionery, iran food ingredients and iran food + hospitality and has been organised by the German trade show specialists fairtrade (www.fairtrade-messe.de) and its Iranian partner Palar Samaneh (www.Palar-Samaneh.com). The 26th edition will take place from 18 to 21 June 2019 at the Teheran International Fairground. The exhibitors come from Austria, Brazil, China, Denmark, Georgia, Germany, Greece, India, Indonesia, Iran, Italy, Mongolia, Netherlands, Poland, Russia, Slovakia, Spain, Switzerland, Tunisia, Turkey and the United Arab Emirates. Seven official national pavilions Brazil, China, Germany, India, Italy, Russia and Turkey are present at iran agrofood 2019 with official national pavilions. The Netherlands and Switzerland are represented through stands of their embassies. Following the successful participations in 2017 and 2018, Brazil will again be present this year with an official pavilion at iran food + hospitality, organised by the Brazilian Embassy in Tehran. 10 Brazilian companies will present the finest meat, coffee and food from Brazil. China participates with 19 exhibitors at iran food ingredients, iran food + hospitality and iran food + bev tec. The official German Pavilion is presented by the German Federal Ministry for Economic Affairs and Energy, in cooperation with the Association of the German Trade Fair Industry (AUMA) and supported by VDMA Food Processing and Packaging Machinery. Altogether 15 German companies take part in iran food + bev tec & iran food ingredients. Not less than 24 Indian exhibitors display their products at iran food ingredients & iran food + hospitality, supported by the India Trade Promotion Organisation ITPO, the Associated Chambers of Commerce & Industry of India ASSOCHAM, and the Cashew Export Promotion Council of India CEPCI. For many years Italy has been one of the most important exhibitor nations at iran food + bev tec. While the Italian participation in recent years has been organized solely privately, the 2019 Italian participation featuring 22 Italian exhibitors is for the first time complemented by an official Italian pavilion with the support of the Italian Trade Agency ITA. The Russian Federation presents itself for the first time at iran agro 2019 with two official pavilions. One from the Republic of Bashkortostan, Russia’s most populous republic. And another from the Kabardino-Balkar Republic in the North Caucasus. Both pavilions are officially supported by the Russian Export Center. A total of 9 Russian exhibitors will present technologies for agriculture, milk production and water treatment. As in previous years, Turkey will again be officially represented this year at iran food + bev tec & iran food + hospitality. The Turkish pavilion with 11 exhibitors is supported by the Turkish Ministry of Trade. iran agrofood 2019 presents the entire value chain “from field to fork” iran agro 2019 – The agricultural event within iran agrofood At iran agro 2019, 51 exhibitors from 6 countries (http://bit.ly/2Z24ysG) present adapted technologies and solutions for the Iranian market in the fields of crop production, agricultural technology and animal husbandry. iran food + bev tec & iran bakery + confectionery 2019 331 exhibitors from 12 countries (https://bitly.is/2WdkWEJ) take part in iran food + bev tec & iran bakery + confectionery, a who-is-who of the international elite of food, bakery + confectionery, beverage and packaging technology. iran food ingredients 2019 70 exhibitors from 11 countries (http://bit.ly/31cyNz2) participate at iran food ingredients 2019, including many of the world’s leading suppliers. iran food + hospitality 2019 413 exhibitors from 10 countries (http://bit.ly/2WJU4Ax) present all of their latest food & beverage products and food service equipment at Iran’s leading trade show. For more information: www.iran-agro.com www.iran-foodbevtec.com www.iran-bakery.com www.iran-foodingredients.com www.iran-foodhospitality.com Pictures in high resolution can be requested by email. Distributed by APO Group on behalf of Fairtrade Messe und Ausstellungs GmbH & Co. KG. View multimedia content Media Contact for Press: fairtrade Messe GmbH & Co. KG Ms Nadine Wagner Public Relations Kurfürsten-Anlage 36 D-69115 Heidelberg Tel +49 / 62 21 / 45 65 22 n.wagner@fairtrade-messe.de www.fairtrade-messe.de Contact for Exhibitors: fairtrade Messe GmbH & Co. KG Mr Paul März Project Management Kurfürsten-Anlage 36 D-69115 Heidelberg Tel +49 / 62 21 / 45 65 13 p.maerz@fairtrade-messe.de www.fairtrade-messe.de Contact Iran: Palar Samaneh Co. Ms Ladan Maleki Apt.1, Amin Building (No.18) – Amini Alley South Shiraz St. Molasadra IR – Tehran 14358-93681 Tel: +98 21 88 05 94 57 +98 21 88 05 94 58 +98 21 88 05 94 59 Fax: +98 21 88 04 48 17 palarsamaneh@gmail.com www.Palar-Samaneh.com fairtrade – Valuable business contacts: fairtrade (www.fairtrade-messe.de) was founded by Martin März in 1991. Since long, fairtrade ranks among the leading organisers of professional international trade fairs in emerging markets, especially in North and Sub-Saharan Africa, the Middle East and Eastern Europe. Managed by its shareholder and his son Paul März and committed to the values of a family business and the team spirit, fairtrade maintains a powerful network of partnerships throughout the world. fairtrade organizes shows in the sectors Agrofood, CIT Solutions, Energy, Industry and PlastPrintPack and strives for a high level of customer satisfaction. By means of innovative products and excellent service fairtrade organizes professional platforms for valuable business contacts between exhibitors and visitors. fairtrade is a member of UFI The Global Association of the Exhibition Industry and AAXO The Association of African Exhibition Organisers. The management is ISO 9001:2015 certified. Palar Samaneh: Based in Tehran Palar Samaneh (www.Palar-Samaneh.com) has organised over 50 international trade fairs of major importance in Iran over the past 10 years. Having played an important role in the growth of the Iranian trade fair market, Palar Samaneh makes use of this knowledge for the benefit of its customers. In addition to their exhibition organization department its stand building unit serves individual exhibitors as well as country pavilions all over the Middle East and the CIS-countries. SOURCE Fairtrade Messe und Ausstellungs GmbH Qaran News
  19. Military staff officers serving in the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have been awarded medals for their outstanding contribution to the restoration of peace and security in Somalia. Source: Hiiraan Online